Gelitaanka Macluumaada Qareenka Dadka dacwoonaya Qodobbada Tusaalaha

Gelitaanka Macluumaada Qareenka Dadka dacwoonaya. Qareenada Dadka dacwoonaya ayaa ilaalin doona fulinta Heshiiskaan. Waxay xaq u lahaan doonaan gelida macluumaada kusaabsan horumarka Eedaysanayaasha. Dadka dacwoonaya waxaa laga yaabaa in ay u baahdaan macluumaad dheeri ah taas oo aan ayagu heli karin ee hoos timaada heshiiska. Haddii ay midaasi dhacdo, waxay codsan karaan macluumadaas; laakiin waxaa khasab ku ah in ay bixiyaan sababta ay ugu baahanyihiin macluumaada. Haddii qareenada Dadka dacwoonaya ay raadinayaan macluumaad qarsoodi ah taas oo kujirta diiwaanka dadka xubnaha ka ah dabakhyada, waxaa khasab ku ah in ay helaan sii deyn katimid xubinkaas dabakhyada katirsan ama qof matala oo ogolaansho u haysta. Haddii aynaan helin siideyn, Qareenada Dadka dacwoonaya waxay raadin karaa amar kayimid Qaaliga oo cadeynaya in macluumaada lasiidaayo.