Xukumida iyo Wadashaqaynta. Heshiiska Guri dejinta waxay sii kordhin doontaa doorka qoyska iyo dhalinyarada ee samaynta qaraarada kusaabsan sida adeegaha Isku duubka ay lajirto Xoog saarida Adeegaha loo keeno. Eedaysanayaashu waxay marti qaadi doonaan qoyska, dhallinyarada iyo dadka matala jaaliyada gudaha si ay ugu biiraan kooxaha xukumida. Kooxahaan waxaa lagu magacaabaa Qoyska Dhalinyarada iyo Nidaamka Waddaaga Miisaska-Wareegsan (FYSPRT). Waxay bixin doonaan macluumaad kusaabsan qaabka adeegaha loo maamuli doono loona keeni doono.Eedaysanayaashu sidoo kale waxay heshiisyo la lahaan doonaan wakaaladaha u adeega guud ahaan dhallinyarada gobolka. Middaana waxaa kujiri doona Qaybta Adeegaha Bulshada iyo Caafimaadka iyo wakaaladaha HCA. Heshiisyadu waxay u baahanyihiin wada shaqayn iyo isku duwis daryeel oo loogu talo galay xubnaha dabakhyada. Marka dhallinyaradu helaan Isku duubka ay lajirto Xoog saarida Adeegaha, waxay haysan doonaan Koox Cunug iyo Qoys kuwaas oo kahadlaya baahooyinka daawaynta. Haddii dhalinyaradu loogu adeego wakaalado qaybo baddan leh, dadka matala gudaha iyo gobolada ee kasocda wakaaladahaan waxaa lagu marti qaadi doonaa in ay kasoo qayb galaan Kooxaha Cunuga iyo Qoyska. Ilaha maal gelintu ayaguna sidoo kale waxaa la isugu duwi doonaa si wanaagsan.Eedaysanayaashu waxay aruurin doonaan macluumaad kusaabsan adeegaha labixiyay. Eedaysanayaasha iyo Qoyska Dhalinyarada iyo Nidaamka Waddaaga Miisaska-Wareegsan ayaa isticmaali doona macluumadaan si ay ugu caawiso samaynta qaraarada kusaabsan sida lagu hormarinayo adeegaha.