Adeegyada Degdega ah Qodobbada Tusaalaha

Adeegyada Degdega ah. Shaqaalaha diiwaangalinta Waaxda Xaalada Degdega ah ayaa waraysanayaa, qaadaaya cadaynaayana dhammaan xogta bukaanka iyo dhaqaalaha ee muhiimka ah sida ugu dhakhsaha badan ee sharciyada EMTALA fasaxayaan. Xogta aan la aruurin xiliga isbitaal dhisgista ama waqtiga adeegga ayaa lagu aruurin doonaa xidhiidho iyo waraysiyo lala samaynaayo bukaanka iyo/ama Damiinka dhammaan intuu isbitaalka yaalo, ama marka isbitaalka laga saaro haddii dhammaan iskudayada kale oo dhan fashilmaan. Haddi uu ogolaado bukaanku ama Damiinka, dad kale ayaa lala xidhiidhaayaa si loo helo xogta si loo qiimeeyo inuu bukaanku/Damiinku awoodo bixinta qarashka adeegyada la baxshay. Waxaa intaas dheer, Bukaannada/Damiinnada ayaa bixin kara xogta ayagoo adeegsanaaya barta bukaanka ee Isbitaalka ama mid kamid ah xarumaha adeegga loo doonto ee Isbitaalka, kuwaasoo ku yaala aagag kaladuwan oo gudaha Isbitaalka ah.
Adeegyada Degdega ah. Isbitaalku kama rabo lacag hormaris ah kahor daawaynta, ama lacagta Masuuliyad Kasta oo Dhaqaale oo saaran Bukaanka oo uu bixiyo bukaanka/Damiinku taasoo shardi u ah helitaanka Adeegyada xaaladda deg dega ah, ayadoon laga eegayn awooda dhaqaale ee bukaanka/Damiinka.