B. Macluumaadka hore ee ku saabsan UCare MSHO Shabakadeeda Adeeg Qodobbada Tusaalaha

B. Macluumaadka hore ee ku saabsan UCare MSHO Shabakadeeda Adeeg bixiyayaasha B1. Shuruudaha muhiimka ahIsku duwayaasha daryeelka taageerayda xubnaha UCare MSHO waxay dhammaystiraan qorshaha daryeelka xubnaha si la xidhiidha qiimaynta khatarta caafimaadka. Qorshaha daryeelka, ama warqadda kooban ee qorshaha daryeelka waxaa la siiyaa adeeg bixiyaha daryeelka koowaad si sare loogu qaado wada xidhiidhka iyo isku xidhka u dhexeeya xubnaha ee kooxda daryeelka kala duwan ee u da xubinta.Qaybtan waxay sharaxaysaa shuruudaha muhiimka waxaad ka heli doontaa Diiwaankayaga Adeeg bixiyaha iyo Farmasiiga.• Adeeg bixiyayaasha waa xirfad yaqaanka daryeelka caafimaadka iyo adeeg bixiyayaasha taageerda sida dhakhtarada, kalkaalisooyinka, farmasiilayaasha, daaweeyayaasha, iyo dadka kale ee daryeel iyo adeegyo bixiya. Adeegyada waxaa ku jira daryeelka caafimaadka, adeegyada xiliga dheer iyo taageerooyinka (LTSS), saadadka, dawo qorida, qalabka iyo adeegyada kale.− Erayga adeeg bixiyayaasha waxaa sidoo kale ku jira xarumaha sida cusbitaalada, rugaha, iyo meelaha kale ee bixiya adeegyada caafimaadka, adeegyada qalabka caafimaadka, iyo adeegyada xiliga dheer, iyo taageerooyinka− Adeeg bixiyayaasha qaybta ka ah qorshahayaga shabakada waxaa loogu yeedhaa adeeg bixiyayaasha shabakada.• Adeeg bixiyayaasha shabakada waa adeeg bixiyayaasha naga qaatay qandaraaska si aanu ugu gudbino adeegyada xubnaha ku jira qorshahayaga. Adeeg bixiyaha shabakada waxay ka qayb gashaa qorshahayaga. Taas macnaheedu waxa weeye inay aqbalaan xubnaha qorshahayaga oo waxaan siino adeegyada qorshahayagu daboolan. Adeeg bixiyayaasha ku jira shabakadayada guud ahaan waxay biil noogu soo diraan si toos ah daryeelka ay ku siiyaan. Marka aad u markaad u isticmaasho adeeg bixiyaha shabakada, caadi ahaan waxba haka bixin adeegyada la daboolo.• Adeeg bixiyaha Deyeelka Koowaad (PCP) waa dhakhtar (ama xirfad yaqaanka kale ee daryeelka caafimaadka); kooxda caafimaadka ama cusbitaalka (ama xarunta kale ee daryeelka caafimaadka) kaas oo ku siiyo habka caadiga ah ee daryeelka caafimaadka. PCP waxa uu hayn doonaa diiwaanadaada caafimaadka oo waxa uu ogaan doonaa baahiyahaaga caafimaadka muddo ka dib.• takhasuslayaashu waa dhakhtarada bixiya adeegyada daryeelka cudur gaar ah ama qayb jidhka ah. Waxaa jira noocyo badan oo khabiirada ah. Waa tan dhowr tusaalooyin ah:− Dhakhtarada kansarku waxay daryeelaan bukaanada qaba kansarka.− Dhakhtarada wadnaha waxay daryeelaan bukaanada qaba xaaladaha wadnaha.− Dhakhtarada lafahu waxay daryeelaan bukaanada qaba xaaladaha lafaha, kala goysyada, ama ...