C. Kiiska Shabakada Adeeg bixiyayaasha UCare MSHO Qodobbada Tusaalaha

C. Kiiska Shabakada Adeeg bixiyayaasha UCare MSHO. Qaybtan Diiwaanka waxaa ku jira liiska adeeg bixiyayaasha shabkada UCare MSHO ka qayb gala oo aqbala UCare MSHO. Waxay ka kooban tahay:• Xirfad yaqaanada daryeelka caafimaadka ay ku jiraan adeeg bixiyaasha daryeelka kowoaad, dhakhtarada takhasuska, caafimaadka maskaxda iyo cudurada isticmaalka maandooriyaha (dhaqanka caafimaadka); iyo dhakhtarada ilkaha;• Xarumaha ay ku jiraan cusbitaalada, xarumaha kalkaaliska, xarumaha caafimaadka maskaxda, IHS iyo xarumaha iyo rugaha Qabiilka.Adeeg bixiyayaasha ku qoran qaab alifbeeto ah magaca dambe. Ka sakow macluumaadka xidhiidhka, liisaska magacyada adeegbixiyaha sidoo kale waxaa ku jira qaybaha takhasuska iyo xirfadaha, tusaale, sida luqaddaha lagu hadlo ama dhammaystirka tababarka kartida dhaqanka.Si loo helo macluumaadkii ugu dambeeyay ee ku saasban adeeg bixiyayaasha shabkadahaaga, booqo ucare.org/searchnetwork si aad u raadiso adeeg bixiyayaasha kuu dhow adiga ama soo wac Adeega macmiilka lambarka xaga hoose ee boggan. Tababarka kartida dhaqanka waa tilmaanta dheeraadka ah ee adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka caawiya iyaga inay si wanaagsan u fahmaan asalkaaga hore, qiyamka, iyo caqiidooyinka si loola qabsado adeegyada si loo buuxiyo baahiyahaaga bulshada, dhaqanka, iyo luqadda. Waxaadheli kartaa adeegyada mid kastoo ka mid ah adeegyada liiskan. Haddii aad qabto su’aalo, fadlan soo wac UCare's Minnesota Senior Health Options (MSHO) (HMO D-SNP) Adeega Macmuulka 612-676-6868 ama 1-866-280-7202 wicitaanka bilaashka ah, TTY612-676-6810 ama 1-800-688-2534 wicitaanka bilaashka ah, 8 subaxnimo – 8 habeenimo, todoba maalmood todobaadkii. Wicitaanku waa bilaash. Macluumaadka dheeraadka ah, booqo ucare.org.