Daryeelka raasumaalka Qodobbada Tusaalaha

Daryeelka raasumaalka ilmaha masuulka laga yahay waxay ku faraysaa, inaad xoolahiisa si hufan u maamushid iyo inaad ka doonaysid inaad wax mushahar ah ka heshid ama lagaa siiyo. Marka aad xilkaasi qabanaysid waxaad Maxkamadda Qoyska u soo gudbisaa Liiska Xoolaha ilmaha Masuulka ka tahay uu leeyahay isagoo Tusmo ah waxaadna xaqiijisaa ama hubisaa inay waxaasi sax yihiin kaamilna ay yihiin. Hadday dhacdo in ilmahaasi xili dambe xoolo u soo kororto, waxaad ku kaamilaysaa liiskii horay u yiilay. F 550 Merkblatt für Vormundinnen und Vormünder (Somali) (1.23)Xoolaha ilmaha aad Masuulka ka tahay leeyahay ma isticmaali kartid. Waxaa kaloo laguu ogolayn inaad xoolaha ilmaha aad Masuulka ka tahay aad u bixisid hadiyo ahaan, hadduusan ahayn mid waajib ku ah anshaxa guud ama u dhiganta hufnaan la tixgalinayo. Lacagta ilmaha masuulka laga yahay, ee looga baahan yahay kharashaadkeeda (lacagta la siinayo), waa in lagu hayaa diyaar ahaan xisaabta akoonka bangiga. Lacagta ilmaha masuulka laga yahay ee aan loo baahnayn la kharash-gareeyo sida waa in lagu shubaa meel (lacag maalgashi) meeshaas oo bangi ku haboon ah lagana helayo lacag dulsaar ah (akoon maal-gashi). Bangigu waa inuu ka tirsan yahay nidaam dammaanad qaad ah oo ku filan maalgashiga labada dhinac. Nooc kasta oo kale oo maalgashi, oggolaanshaha maxkamadda qoyska ayaa loo baahan yahay. Waxaad u soo gudbisaa koonto maxkamada qoyska ee maamulka hantida ilmaha masuulka laga yahay iyada oo aan si gaar ah loo codsan inaad sidaas samayso, ilaa si kale loo cayimo, sanad walba ugu dambayn hal bil gudaheed dhamaadka sanad xisaabeedka. qaansheegtu waa in ay ka kooban tahay dakhli iyo kharash soo koobid habaysan; Rasiidhada boos kasto waa in lagu lifaaqaa.Waxaa kugu waajib ah inaad Maxkamadda Qoyska markay ugu yar tahay sanadkiiba hal mar ku soo wargalisay xaaladaha shaqsiyadda ilmaha aad Masuulka ka tahay sidda yihiin.