Xeerarka Gaarka ah ee Bukaannada U qalma caymiska lagu bixiyo Barnaamijka Health Safety Net Qodobbada Tusaalaha

Xeerarka Gaarka ah ee Bukaannada U qalma caymiska lagu bixiyo Barnaamijka Health Safety Net. Ma jiro bukaan loo aqoonsaday inuu ahay Bukaan Dhakhliga yar oo laga qaadaayo lacag hormaris, marka laga reebo sida soo socota: (a) Bukaan loo aqoonsado Bukaan Dhakhliga yar oo laga doonaayo lacago caymiska looga jaro ayaa laga dooni karaa inuu bixiyo hormaris dhan 20% lacagta laga jari lahaa, oo dhan ilaa $500; iyo (b) Bukaan u qalma caymiska Dhibaatada Caafimaadka ayaa laga dooni karaa inuu bixiyo hormaris dhan 20% lacagta qaybta uu bixinaayo Dhibaatada Caafimaadka, oo dhan ilaa $1000. Dhammaan baaqiyada soo hara ayaa la marsiinayaa shuruudaha qorshaha qarash bixinta ee cad101 CMR 613.08. B. Qiima dhimista: Qiimo dhimista lagu sameeyocadadka bukaanka laga rabo ayaan u qalmin loomana gudbin doono caawimaada Health Safety Net. Isbitaalku wuxuu bixiya qiimo dhimisyo dhan ilaa 40% qarashaadka laga qaado bukaannada aan caymiska lahayn, ayadoo ku xiran jadwalada lacag bixinta, sida ku cad Xeerka Bukaanka aan Caymiska Lahayn ee Isbitaalka. Shuruuda u qalmida iyo xeerarka kale ee qiimo dhimista bukaanka aan caymiska lahayn ayaa lagu sharaxay Xeerka Isbitaalka ee Bukaanka aan Caymiska lahayn, kaasoo ay bukaannadu ka helayaan La tliyaasha Dhaqaalaha ee Isbitaalka, iyo bogga www.childrenshospital.org/financialassistance. C. Qorshayaasha Qarash Bixinta: Marka ay dhacdo inaan bukaan/Damiinku bixin karin qarashka Isbitaalka, marka la helo, daryeelka la siiyo bukaanka, bukaanna loo aqoonsado qof aan u qalmin Health Safety Net ama caymis kale oo quseeya oo ah Qorshaha Caafimaadka Gaarka ah aqma Barnaamijyada Kaalmada Daryeelka Caafimaadka Dadwaynaha, uusana u qalmin caawimaad dhaqaale sida ku cad Xeerka Kaalmada Dhaqaalaha ee Isbitaalka, Isbitaalka ayaa bukaanka/Damiinka siin kara qorshe lacagta uu ku bixinaayo muddo loo dheereeyay. 1. Isbitaalka ayaa siinaaya Bukaannada Dhakhliga yar iyo bukaannada u qalma Dhibaatada Caafimaadka, ee lagu leeyahay baaqiga $1,000 ama ka yar, kadib marka laga jaro lacagtii ay hormariska u baxsheen, ugu yaraan hal sano, qorshe lacag bixin bilaa dulsaar ah, uuna dhiibaayo wax aan ka badnayn $25 bishiiba. Bukaannada Dhakhliga yar iyo bukaannada u qalma Dhibaatada Caafimaadka, oo lagu leeyahay lacag ka badan $1,000, kadib lacagta hore ee hormariska ah, waxaa la siin doonaa qorshe lacag bixin laba sano ah, oon dulsaar laga qaadayn. Mararka ay yimaadaan xaaladoDukumintiga: Xeerka Daynta iyo Aruurinta Dayntaaan caadi ahayn, codsiyada qorshayaasha lacag bixinta ee ka badan laba sano ayaa la siin karaa qofka ayadoo lagu salaynaayo qof ba xaaladiis...