Adeegyada Ka dalbashada Biilka Daynta Xumaatay ee degdega ah Health Safety Net Qodobbada Tusaalaha

Adeegyada Ka dalbashada Biilka Daynta Xumaatay ee degdega ah Health Safety Net. Marka lagu daro talaabooyinka aruurinta daynta ee kor lagu xusay, Isbitaalku wuxuu waraaq u dirayaa bukaan kasta (marka laga reebo bukaannada ogaysiisyadood noqdeen "kuwa aan la helin" ama "ciwaanka gurigu khaldan yahay") oo lagu leeyahay baaqi ka badan $1,000 ee Adeegyada xaaladda deg dega ah iyo kuwa la xidhiidha kahor intaan biilka adeegga laga codsan Health Safety Net. Baaqiga lacagta waxaa laga codsanayaa Health Safety Net kaliya kadib marka uu baaqigu jiray asagoon la bixin wax ka badan 120 maalmood laga bilaabo markii la diray ogaysiiskii hore ee biilka. Dadaalada macquulka ah ee dayn aruurinta ee la fuliyo inta lagu jiro mudadaas ayaa lagu qori doonaa diiwaanka dhaqaalaha ee bukaanka. Markay yihiin adeegyo la siiyay bukaan aan caymis lahayn, shaqaalaha Adeegyada Dhaqaalaha ee Bukaanka ayaa ka xaqiijinaaya nidaamka Xaqiijinta ee MassHealth, in bukaanku uu ama u qalmin ama uusan codsan MassHealth iyo in bukaanku uusan ahayn Bukaan Dhakhliga yar.