Guudmarka Shati-Siinta Daryeelka Caruurta
Guudmarka Shati-Siinta Daryeelka Caruurta
Daryeelka caruurta ama barnaamijka waxbarashada barbaarintu waa barnaamij waxbarasho, kaasoo sidoo kale ganacsi kooban ah. Gobolka Washington Department of Children, Youth, and Families (Waaxda Caruurta, Dhallinyarada, iyo Qoysaska, DCYF) waxay ka shaqeysaa caawinta daryeel-bixiyayaasha
cusub ee caruurta kuwaasoo tixgalinaya shati-qaadashada. Hagahani wuxuu ka kooban yahay macluumaadka shati-siinta daryeelka caruurta ee asaasiga ah.
Noocyada Barnaamijka
Waxa jira noocyo kala duwan oo barnaamijyada daryeelka caruurta ee shatiga haysta ee gobolka Washington:
Barnaamijyada waxbarashada barbaarinta ee guriga qoysku waxay ku siiyaan daryeelka caruurta qeybaha guriga ay ku nool yihiin 12 caruura ama in ka yar.
Xarumaha daryeelka caruurta waxay daryeel siiyaan koox caruura oo da'da dhalashada ilaa 12 sano jir ah.
Barnaamijyada da'da dugsigu waxay daryeel siiyaan caruurta da'da 5 ilaa 12 sano jir marka caruurtu aanay dhiganayn dugsi.
Barnaamijyada Deegaanka waxay ku siiyaan daryeel caruurta dibada da'da dugsiga barbaarinta ama dugsiga, deegaan deegaanka ah waxayna baraan manhaj deegaanka ku saleysan.
Ogow: Barnaamijyada militariga xxx Xxxxx'ilka ayaa la ansixin karaa ama loo ansixin karaa lacag bixin kaliya, marka ay ansixiso Department of Defense (Waaxda Difaaca) fadaraalka ama qabiil, qolo, ama bulsho shati-haysata oo Hindi ah.
DCYF Shuruucda Shati-Siinta
Qawaaniinta daryeelka caruurta ee shatiga haysta waa Washington Administrative Code (Xeerka Maamulka Washington, WAC), waxaana laga heli karaa xxxxx://xxxx.xxx.xx.xxx/xxx/xxxxxxx.xxxx?xxxxx000
• Guriga Qoyska iyo Xarunta WAC waa 110-300
• Da'da Dugsiga WAC waa 110-301
• Barnaamijyada Deegaanka WAC waa 110-300E, si aad u noqotid WAC 110-302 guga 2023
Waxyaabaha la tixgalinaayo kahor intaan lahelin shatiga:
• Baahida: Miyaad garanaysaa inay ka jirto ikhtiyaar yaraan dhanka daryeelka caruurta ah bulshadaada? Waxaad awoodi kartaa inaad ka raadisid helitaanka iyo dalabka deegaanka adoo la xidhiidhaya Child Care Aware (Kawarqabka Daryeelka Caruurta) ee WA halkan xxxxx://xxxxxxxxxxxxxxxx.xxx
• Shatiyada Ganacsiga: Gobolka Washington shatiga ganacsi waa loo baahan yahay. Waxbadan ka ogow xxx.xxxxxxxx.xx.xxx
• Goobta: Miyaad awood u leedahay inaad ka furato gurigaaga ama iibsato/kireysato xarun lagu bixiyo daryeelka carruurta? DCYF Qeybta Falanqeynta iyo Daraasada bogga xxxxx://xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx- learning-providers/facility-development/facility-dev- process/site-analysis, ayaa bixinaya macluumaadka iyo khayraadka ka caawinaya go'aaminta kuhaboonaanshaha goobta shati-siinta daryeelka caruurta. Tani waxa xx xxxx, laakiin aan lagu koobin, goobta meesha, xxxxxxx xxxxxxxx iyo muddaynta, aaga, iyo ogolaanshaha.
Ogow: Tirada caruurta ee barnaamij xxxxx xxx siin karo inuu daryeelo waxay ku saleysan tahay tiro qodobo ah waxaana lagu go'aamiyaa baadhitaanka shatiga ee hore.
• Meesha: Xarunta iyo barnaamijyada da'da dugsiga waxa looga baahan yahay inay ka helaan nooca E ama I-4 ee Shahaadada Deganaanshaha dawlada xxxxx. Inta ay qaadanayso in la helo Shahaadada Deganaanshaha E ama I-4 way kala duwan tahay goobaha.
• Tixgalinaha Sharci: Ka fiiri magaalada ama degmada (iyadooy ku xiran tahay deegaanka ay xaruntu goob ku leedahay), iyo Ururka Xaqlayaasha Guryaha si aad uga ogaatid waxbadan xeerarka ama sharciyada deegaanka ee qabanaya xarunta.
• Xxxxxxx Xxxxxxxx: Shaqaaleysiinta injeer aqoon u leh daryeelka caruurta marka la dhisaayo ama dib loo cusbooneysiinaayo xarunta daryeelka caruurtu waxay hubinaysaa in goobtu aad ugu haboonaato daryeelka caruurta. Xxxxx xx xxxxxxxxx injeer ama qandaraasle waxa fikrad fiican ah in la weydiiyo aqoontooda dhisida xeerarka, WAC 110-300/WAC 110-301, iyo nidaamyada DCYF. Ka hel macluumaad badan xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx-xxxxxxxx-xxxxxxxxx/ facility-development/facility-dev-process/design
• Fursadaha Maalgalinta: Kharashaadka ganacsiga- cusub xx xxxxx-siinta daryeelka caruurtu wuxuu u noqon doonaa gaar barnaamijkasta. Waxa jiri kara fursado deeq ama dayn la helayo si loogu taageero furitaanka iyo ka shaqeysiinta barnaamijka daryeelka caruurta. Waxa haboonaan kara wakhtiga iyo dadaalka lagu fiirinaayo ilaha maalgalinta fadaraalka, gobolka, magaalada, degmada, iyo kuwa gaarka ah. Halkan waxa ah wabsaaydyo kooban oo aad ku bilaabi kartid:
- DCYF Fursadaha Maalgalinta Daryeelka Caruurta xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx-xxxxxxxx-xxxxxxxxx/ child-care-grants
- Department of Commerce (Waaxda Ganacsiga) Fursadaha Deeqda iyo Qandaraaska xxx.xxxxxxxx.xxx/xxxx-xxxx-xx/xxxxxx-xxx- contract-opportunities
- Administration for Children and Families (Maamulka Caruurta iyo Qoysaska)
Deeqaha iyo Maalgalinta/Xafiiska Daryeelka Caruurta
- Deeqaha Dawlada
xxx.xxxxxxxxxxxxxxxx.xx/xxxxx-xxxx-xxxxxx
- Washington Haayada Deeqaha xxxxx://xxxxxxxxxx. xxxxxxxxxx.xxx/xxx/00/xxxxxxxxx-xxxxxx.xxxx
- Washington Early Learning Loan Fund (Sanduuqa Daynta Waxbarashada Barbaarinta xx Xxxxxxxxxx, WELL) xxxxx://xxxx.xxx/xxxx-xxxxxxxx/xxxxxxxxxx- early-learning-loan-fund-well
• Barnaamika Taakulada: Barnaamika Taakulada waa barnaamij fadaraalku maalgaliyo oo loogu talogalay qoysaska danyarta ah. Barnaamika Taakulada wuxuu u adeegaa caruurta da'aha 3 iyo 4 sano jirka ah, Barnaamika Taakulada ee Barbaarintu wuxuu u adeegaa caruurta yaryar iyo socod-baradka. Xxxxx xx xxxx maalgalinta, Xafiiska Barnaamika Taakulada ayaa xxx xxxxx doona fursad Maalgalin oo kuu saamaxaysa inaad codsatid deeq si aad u noqotid adeeg-bixiye Barnaamika Taakulada. Waxbadan ka ogow xxxxx://xxxxx.xxx.xxx.xxx.xxx/xxxxx- application
• ECEAP: ECEAP (loogu dhawaaqo “E-Cap”) waa Early Childhood Education and Assistance Program
(Barnaamijka Waxbarashada Barbaarinta Caruurta iyo Kaalmada) ee uu maalgaliyo gobolka Washington ee caruurta iyo qoysaska ka durugsan fursadaha. ECEAP wuxuu u adeegaa caruurta da'aha 3 iyo 4 sano ah.
Qandaraaslayaashu waxay bixiyaan nidaam 3-, 6-, iyo 10- saac barnaamijyo ah. Daryeel-bixiyayaasha caruurta
ayaa dooran xxxx xxxx noqdaan qandaraasle ECEAP ama qandaraasle-xxxxx oo kasii qaata qandaraasle ECEAP ah. Waxbadan ka ogow xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx- learning-providers/eceap/expansion-of-services
• Barbaarinta ECEAP: waa barnaamij dhalashada ilaa 3 ah oo uu maalgaliyo gobolka Washington looguna talogalay caruurta yaryar iyo socod baradka ka durugsan fursada. Barnaamijkani wuxuu u adeegayaa caruurta da'da 12 bilood jirka ah ilaa 3 sano jirka ah. Qandaraaslayaashu waxay bixiyaan 10 saac oo daryeelka wareeg sanad ah nidaamkan. Daryeel-bixiyayaasha caruurta ayaa dooran kara inuu qandaarsto ECEAP ama qandaraasle-xxxxx oo kasii qaato qandaraasle ECEAP ah. Waxbadan ka ogow: xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx-xxxxxxxx-xxxxxxxxx/ eceap/expansion-of-services iyo xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx-xxxxxxxx-xxxxxxxxx/ eceap/early-eceap
• U Adeegida Caruurta Danyarta ah (Xxxxx): Haddii aad
qorsheyneyso inaad u adeegto carruurta laga yaabo inay xaq u yeeshaan inay helaan lacag kaabista, laysan la siiyo ama “kuwa loo sharciyeeyay lacag bixinta kaliya” ayaa loo baahan yahay. Waxbada ka ogow xxx.xxxx.xx.xxx/ services/earlylearning-childcare/getting-help/wccc
– 2 –
• Aqoonta Shaqaalaha: Aqoonta shaqaaluhu waxay hubinaysaa in xirfadlayaashu haystaan tababar
iyo aqoonta doorkooda. Shaqaaluhu guud ahaan waxay leeyihiin xxxx xxxx laga bilaabo taariikhda shaqaaleysiinta ama dalacsiinta si ay u helaan aqoonta waxbarasho, waxaana jira dariiqooyin badan oo
lagu buuxinaayo shuruudaha. Waxbadan ka ogow shuruudaha aqoonta shaqaalaha halkan:
Guriga Qoyska iyo Xarunta xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx-xxxxxxxx-xxxxxxxxx/ qualifications/child-care-providers
Da'da dugsiga
xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx-xxxxxxxx-xxxxxxxxx/ qualifications/school-age
Barnaamijka Deegaanka xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx-xxxxxxxx-xxxxxxxxx/ qualifications/onb
Ma u baahan tahay in shati lagu siiyo? Jawaabtu badanka waa haa, laakiin way kala duwan tahay. Xxxxx xxx fiiriyo RCW 43.216.010 (1): Qofkasta ama haayad kasta oo bixisa adeegyada daryeelka caruurta oo ka baxsan guriga ilmaha waa inay ka heshaa shati ama liisan DCYF ilaa laga reebo. Macluumaad badan oo khuseeya barnaamijyada ka reeban waxa la helayaa RCW 43.216.010 (2). xxxxx://xxx.xxx. xx.xxx/XXX/xxxxxxx.xxxx?xxxxx00.000.000
• Nidaamka Shati-Siinta: Nidaamka daryeelka caruurta iyo shati-siinta waxbarashada barbaarintu waxay ka bilaabmaan diyaargowga onlaayn. Diyaargarowgu wuxuu bixiyaa macluumaadka sida nidaamka horumarinta qiimeynta tayada xx Xxxxxxxxxx iyo nidaamka codsiga shati-siinta.
Dhammeystirka diyaargowga onlaaynka waxa loo baahan yahay kahor intaan la gudbin codsiga shatiga. Codsiga laftiisa ayaa u baahan gudbinta dhukumentiyo badan, sida siyaasadaha iyo nidaamyada barnaamijka daryeelka caruurta.
Marka codsi la dhammeystiray la helo, DCYF waxay haysataa 90 maalmood si ay usoo saarto shatiga hore, ama u diido codsiga. Baadhitaanka goobta ayaa loo baahan yahay, iyo u hogaansanaanta WAC oo la xaqiijinayo kahor soo-saarista shatiga.
Caawimada Kahor Shati-Siinta: Qeybta Kahor Shati-Siinta ee DCYF ayaa bixin doonta caawimada farsamo oo taageeri doonta adeeg-bixiyayaasha cusub si ay u helaan nidaamka horumarinta xarunta una diyaariyaan gudbinta codsiga shati- siinta ee daryeelka caruurta. Haddii aad jeclaan lahayd caawimada xxxxx xxxxxxx, ama aad su'aalo ka qabtid shati-siinta daryeelka caruurta, fadlan la xidhiidh xxxx.xxxxxxx@xxxx.xx.xxx.
Waxbadan ka ogow xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx- learning-providers/licensed-provider/licensing-process
DCYF ma takoorto waxayna usiisaa helitaan siman barnaamijyadeeda iyo adeegyadeeda, dhamaan dadka iyadoon loo tixgalin isirka, midabka, jinsiga, diinta, caqiidada, xaalada guur, dhalashada, rabitaanka galmo, da'da, xaalad ciidan ama jiritaanka naafo jidheed, dareen, ama maskaxeed.
Haddii aad rabto nuqullo dukumeenti ah oo qaab kale ah ama luuqad kale ah, fadlan kala xidhiidh DCYF Constituent Relations (Xxxxxxxxxxx Xxxxxxx)
0-000-000-0000 ama iimaylka xxxxxxxxxxxxxx@xxxx.xx.xxx. DCYF PUBLICATION LIC_0134 SM (05-2023) Somali