JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
SHARCIGA ISTAATISTIKADA QARANKA
Sharci Lr. ee SHARCIGA ISTAATISTIKADA QARANKA
Cutubka 1aad Horudhac Qodobka 1aad
Xxxxxxxxx Xxxxxxxxx
Xxxxxxxxx Xxxxxxxx:
b) Sharcigaan wuxuu beddelayaa Sharcigii Istaatistikada Soomaaliya Lr.35 ee soo baxay 18kii Juun1970 si loo waafajiyo nidaamka Federaalka Dalka loona horumariyo hannaanka waxqabad ee Qeybaha kala duwan ee Istaatistikada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS).
t) Sharcigan waxa lagu dhisayaa Hay’adda Istaatiskada Qaranka Soomaaliyeed (HIQS) oo u xil saaran Qaadista, ururinta, isku-duwidda xogta, falanqeynta, qiimaynta iyo faafinta macluumadka Istaatistikada Qaranka.
Qodob2aad Qeexid
Sharcigani haddii uusan macne kale tilmaamin, ereyada soo socda waxaa loo qeexayaa sidan:
1. “Diiwaan maamul” waxaa loola jeedaa xogta la ururiyey, iyadoo aan wax arrin Istaatistikada ah looga xxx lahayn, tusaale ahaan ururinta xogta, isu socodka
xxxxx, ganacsiga ka gudbaya xuduudaha iyo diiwan-gelinta xogta, dhalashada iyo
dhimashada iyo canshuuraha ganacsiga”
2. “Sarkaal Idman” waxaa loola jeedaa:
b) Shaqaale ka xxxxxx Xxxxxx oo fulinaya shaqo kasta oo sharcigan hoos-imaanaysa; iyo
t) Qof kasta oo loo idmado shaqo una xilsaaro Xxxxxxxxxx Xxx’xxxx
Istaatistikada.
3. “Xog-Mug leh” waxaa loola jeedaa xogta ay macluumaadkeedu aad u ballaaran yahay, lehna macluumaad badan sida dalabka iyo qiimaha ganacsiga si macluumadkaas go’aanna haboon looga qaato;
4. “Hay’ad” waxaa loola jeeda “Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya”;
5. “Golaha Maamulka” waxaa loola jeedaa Golaha Maamulka lagu dhisay Qodobka 8aad ee sharcigan;
6. “Xxxx-xxxx” waxaa loola jeedaa ururinta, isku-duwidda xogta, falanqeynta, qiimayntaiyo faafinta macluumadka asaasiga ah ee ku saabsan qeybaha dadka, dhaqaalaha, bulshada,beeraha, warshadaha, deegaanka iyo qeybaha kale oo si fiican loo qeexay loona cayimay waqti;
7. “Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada” Waxaa loola jeedaa madaxa maamulka
Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya;
8. “Bulshada Rayidka” waxaa loola jeedaa hay'adaha aan dawliga ahayn ama aan faa’iido doon ahayn; kana dhex jira bulshada mar walbana u taagan danaha bulshada dhinac kasta sida dhaqanka, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada la midka ah;
9. “Faafinta” waxaa loola jeedaa daabacaad toos ah ama dadban, iibinta ama siinta xogta rasmiga ah ama wax kale oo Istaatistika ah.
10.“Diiwaan” waxaa loola jeedaa noocyada kaydinta xogta sida su'aalaha, jadwalada, warqadaha warbixinnada, daabacaadda lagu xafido gal ama wax kasta oo
la mid ah qoraal ama macluumaad elektaroonig ah oo looga baahan yahay ujeeddooyinka ururinta xogta rasmiga ah ee Istaatistikada.
11.“Dukumenti” waxaa loola jeedaa qoraallada muuqaallada, codadka iyo wax kasta oo loo adeegsan karo tixraac.
12.“Baaritaan” waxaa loola jeedaa sahanka xogta istaatistikada ama macluumaad kale oo loo baahan yahay sahankooda;
13.“Sannad-maaliyadeed” waxaa loola jeedaa waqtiga loogu talo-galay miisaaniyadda sanadla ah ee la siiyo, in ay ku shaqeyso hay’adda istaatiskada Qaranka muddo Labo iyo Toban (12)bilood ah;
14.“Xxxxxxx Xxxxxxxx” waxaa loola jeedaa:
b) Xxxxx kasta oo ka mid ah Dowladda Federaalka;
t) Xxxxx kasta oo kamid ah Dowladaha xubinta ka ah federaalka;
j) Xxxxx kasta oo ka mid ah dowladdada gobaleedyada;
x) Hay’ad kasta oo lagu asaasay sharci Baarlamaan; ama
kh) Hay’ad kasta oo lagu xxxxxxx xxxxxx ujeeddadiisu tahay xxxxx xxxx;
15.“Waaxda Dowladda” waxaa loola jeedaa xubnaha Dowladda federaalka ama dawladaha xubnaha ka ah Federaalka;
16.“Dowladda xxxxx” waxaa loola jeedaa waax-maamul-dadweyne oo ka jira heerka ugu xxxxxxxx Xxxxxxxx Xxxxxxxxxx;
17.“Heshiis is-fahan” waxaa loola jeedaa heshiis laba geesood ah ama dhinacyo badan ka dhexeeya, iyo mid ay galeen labo dhinac ama in ka badan, kaasoo muujinaya wax wada qabsi;
18.“Xog-sharraxaad” waxaa loola jeedaa xog-faahfaahin ka bixinaysa, sifooyinka dadweynaha, qofka, qoyska ama xog lagu soo uruuriyey tiro-xxxx- xxxxx ama cilmi baaris tijaabo ay ku jiraan ganacsi;
19.“Wasiir” waxaa loola jeedaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta
20.“Xxxxxxxxx Xxxx-koobka Qaranka” waxaa loola jeedaa hannaanka tiro-koobyada Qaranka ee lagu asaasay si waafaqsan Qodobka 3aad ee Sharcigan, loona soo gaabiyo "HTQ"
21.“Xogta Rasmiga ah” waxaa loola jeedaa tiro-koobka uu qorsheeyay AgaasimahaHay’adda Istaatistikada Qaranka, sida tiro-koobka rasmiga ah ee ku xusan qodobka 51aad ee Sharcigan;
22.“Tilmaamid” waxaa loola jeedaa qeexidda ku xusan Sharcigan dhexdiisa,
23.“Madaxweyne” waxaa loola jeedaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS);
24.“Ra’iisal Waraare” waxaa loola jeedaa Ra’iisal Waasaaraha Xukuumadda JFS;
25.“Hay'ad Cilmi-baaris” waxaa loola jeedaa hay'ad walba oo samaysa cilmi-baarista lagu qeexay Jadwalka1aad ee Sharcigan ama qof kasta oo sameeynaya cilmi-baaris;
26.“Jawaab-celiye” waxaa loola jeedaa:
b) Qof ama qoys la siiyey tixgelin si loo wareysto;
t)Xxx'ad kasta oo dawladeed ama ururro kale oo la rabo in la ogaado dhaqdhaqaqa hawlahooda wareysina looga baahday;
27.“Muunad” waxaa loola jeedaa nidaam-macluumaad oo la xiriira koox, bulsho ama dadweynaha oo laga soo dhex saaro qeyb kamid ah, iyadoo la adeegsanayo farsamooyinka tiro-koobka si macluumaad looga helo dadweynaha;
28.“Waax” waxaa loola jeedaa waax hay’adaha dowladdada kamid ah, una adeegta dadweynaha, xxxx xxx xiriir Wasaaradaha ay shaqada wadaagaan, lehna shaqo iyo qorshe u xxxx xx;
29.“Daneeyeyaasha” waxaa loola jeedaa daneeyeyaasha ama ka faa’ideystayaasha tiro- koobka;
30.“Heerarka tayada” waxaa loola jeedaa heerarka tayada iyo wax ku oolnimada tiro- koobka la sameeyey marka la eego Sharcigan,
31.“Hay'adaha Istaatistikada” waxaa loola jeedaa Wasaaraddaha Dowladdada Federaalka ama dowladaha xxxxx oo leh mas’uuliyad, uu oggolaanayo Sharcigan in ay soo ururiyaan xogta, iskuna duwaan ama faafiyaan macluumaadka xogta dadweynaha iyaga oo raacaya:
(b) Sharcigan Istaatistikada JFS ee 2019;
(t) Sharciga lagu dhisay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Xeer Lr: 130 ee 22kii Abriil 2011;
(j) Sharciga dakhliga dowladda
(x) Sharciga canshuuraha; iyo (kh) Xxxxxxxx Xxxxxxxxx xxxxx.
32.“Xog-ururinta tiro-koobka” waxaa loola jeedaa hab-raaca loo marayo:
b) Xxxx-xxxx kasta oo aan ahayn tiro-koobka lagu xusay faqrada (t) ee soo socota, ama in la sameeyo sahan iyadoo la raacayo arrimaha lagu sheegay jadwalka 1aad ee Sharcigan.
t) Ururinta dokumentiyada maamulka, macluumaadka iyo xxxxx diiwaan gelinta ooah in la kaydiyo macluumaadka, in la soo ururiyo, in la soo saaro iyo in la faafiyo xogta rasmiga ah, loomana adeegsan karo si shakhsi ah;
j) In la sameeyo xxxx-xxxx dadka, xoolaha iyo guryaha ah; ama
x) In la sameeyo soo xxxxxx xxxxx juqraafiga iyadoo loo adeegsanayo si tirokoob ahaan ah;
33.“Daneeyaha tiro-koobka” waxaa loola jeedaa qof, koox ama urur daneynaya ka
fa’ideysiga ama horumarinta hawlaha tiro-koobka;
34.“Tiro-xxxx xxx-saare” waxaa loola jeedaa Hay’adda Istaatistikada Qaranka ama hay’adaha xxxx xx dowladdada ee soo-saara xogta tiro-koobka iyo hay’adaha caalamiga ah oo ay iyagu u baahan yihiin si waafaqsan faqradaha Qodobka 48aad ee Sharcigan, si ay u sameeyaan xog-ururin;
35.“Xxxx-xxxx” waxaa loola jeedaa tirooyin-macluumaad oo la xiriira arrimaha tiro- koobka dadka, dhaqaalaha, maaliyadda, deegaanka, arrimha bulshada oo ay ka uruuriso Dowladda Federaalku dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DXDF) iyo Gobolka Banaadir xogtaas oo la isugu- duway loona falanqeeyey si waafaqsan cilmi-baarista iyo qaababka tiro-koobka oo ay ku jirto xogta juqraafiga iyo dayax gacmeedka lagu qaado;
36.“Maamul gobol” waxaa loola jeedaa Maamul gobaleedyada ka tirsan Dawladah Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
37.“Sahan” waxaa loola jeedaa xog-ururinta tiro-koobka ee lagu sheegay Jadwalka 1aad ee Sharcigan, halka macluumaadka laga soo qaadayo dhammaan dadweynaha ama laga qaadayo qeyb kamid ah bulshada iyadoo la adeegsanayo habka muunadda (sampling);
38.“Machadka tababarka” waxaa loola jeeda machad kasta oo bixiya waxbarasho sare;
39.“Adeegsadeyaasha tiro koobka” waa isticmaalayaasha xogta tirakoobka waxaana ka mid xx xxx’adaha dowladda, hay'adaha ganacsiga gaarka loo leeyahay, hay'adaha cilmi-baarista, hay'adaha tababarka, ururada caalamiga ah iyo kuwa gobolka ama qofkasta oo adeegsada xogta tiro koobka.
Cutbabka 2aad Hannaanka Istaatistikada Qaranka
Qodobka 3aad
Xxxxxxxx iyo Horumarinta Hannaanka Istaatistikada Qaranka
1. Waxa la asaasayaa oo la hormarinayaa hannaanka Istaatistikada Qaranka iyo qeybaha uu ka kooban yahay iyo sidoo kale xiriirka ka dhexeeya ee lagu xusay Qodobka4aad ee xeerkan, kuwaas oo ay ka mid yihiin;
b) Bixinta macluumad ujeeddadiisu tahay in la’isu-keeno, la soo-saaro, la lafaguro iyo in la faafiyo xogta tiro-koobka dawladda iyo xogaha xxxx xx isticmaalka
xogta rasmiga ah ee dawladda marka laga reebo waxyaabaha la xiriira arrimaha ciidamada iyo amniga.
t) In la sameeyo cilmi-baaris, xxxx xxxxxxxxx xxxxxx, qaabka iyo farsamada tiro-
Koobka dalka; iyo
j) In la tababaro khubaro ku takhasustay Istaatistikada iyo adeegsiga Istaatistikada.
Qodobka 4aad
Qeybaha Hannanka Istaatistikada Qaranka
1. Qeybaha Hannanka Istaatistikada Qaranka waxa kamid ah:
b) Soo saaridda xogta oo ay ku jirto xogta Wasaaradaha Dawladda iyo xogta Daneeyeyaasha xxxx xx soo saara xog iyaga u xxxx xx;
t) Jawaab bixiyeyaal bixiya xogta tiro-koobka;
j) Adeegsiga xogta iyada oo la marinayo, sida warbaahinta; iyo
x) Adeegsiga Cilmi-baareyaasha, jaamacadahaha iyo macaahidda.
Qodobka 5aad
Ujeedooyinka iyo maamulka Hannaanka Istaatistikada Qaranka iyo
mabaadi’da xogta rasmiga ah
1. Ujeedooyinka iyo maamulka Hannaanka Istaatistikada Qaranaka waxaa kamid ah:
b) Diyaarinta in la soo ururiyo xogta, in la isku-duwo, in la soo saaro, in la faafiyo iyo in la kaydiyo oo la xifdiyo xogta rasmiga ah iyo xogaha kale;
t) Xiriirin iyo dhisid tayo waarta oo lagu ururiyo xogta, lagu soo saaro, lagu lafo guro iyo in faafiyo xogta tiro-koobka iyadoo la raacayo mabaadi’da asaaska u ah Qaramada Midoobay iyo Xeerka Istaatistikada Afrika ee ururinta xogta rasmiga ah;
j) In la xaqiijiyo dhowrista si qarsoodi ah macluumaadka ay bixiyaan jawaab celiyeyaasha; iyo
x) In sare loo qaado muhiimadda adeegsiga xogta istaastikada oo ah;
i. Caddeymo ku saabsan sameynta qorshaha iyo in go’aan laga gaaro;
ii. Qaabeynta naqshadda;
iii. Kormeerid iyo qiimayn lagu sameeyu go’aannada la gaaro.
2. Xogta tiro-koobka dawladdu waa inay noqotaa:
b) Mid xiriir la leh jihooyinka laga keenay, sax ah, la isku haleyn karo oo waqtiyeysan;
t) Leh ujeedo iyo dhammaystirnaan;
j) La isu-keeno, la soo saaro, loona lafa-guro hab cilmiyeysan oo si cad u muuqda;
x) In loo faafiyo si waafaqsan sharcigan.
Kh) In ay ahaato mid daah-furan oo la awoodi karo;
d) In loo raaco sida ugu haboon ee heerarka Qaran iyo kuwa Caalamiga ah; iyo
r) In si taxaddar leh loo qeybiyo iyada oo la dhowrayo jinsiga qofka, aqoontiisa, shaqada uu hayo, hadii uu naafo yahay, meesha uu ku nool yahay iyo wixi xxxx xx xiriir la leh tilmaamaha la gorfeynayo.
3. Qeybaha uu ka kooban yahay Hannaanka Istaatistikada Qaranka wuxuu la fal- galayaaiskaashi iyo xog is-dhaafsi xagga Istaatistikada, taasna waxa kamid ah:
b) Horumarinta sameynta qoraallada iyo in la is dhaafsado dokumentiyo iyo macluumaad la xiriira isu keenidda, soo saaridda, faafinta, kaydinta iyo meel ku haynta xogta rasmiga ah ee dawladda;
t) Adeegsiga xogta rasmiga ah iyo xogaha kale oo ay kamid yihiin xogaha ballaaran xx xxx adeegsado xogta tiro-koobka dawladda;
j) Xafiiska Istaatistikada Qaranka waa in uu horumariyaa oo xiriiriyaa xafiis- gobaleedyada iyo dawladaha xxxxx iyo kuwa xxxx xx xogta soo saara;
x) Ilaalinta wadajirka qeybaha si loo horumariyo xogta Istaatistikada dawladda;
kh) In la caawiyaa isticmaaaleyaasha xogta tiro-koobka waqti kasta oo baahidoodu xiriir la leedahay ama ay tilmaamaan baahida ay u qabaan xogta;
d) Horumarinta cilmi-baarista ku saabsan habka tiro-koobka, xxxxxxxxx xxx xxxxxxxx xxxxxx;
r) Tababarro loo fidiyo shaqaalaha Istaatistikada iyo isticmaaleyaasha Istaatistikada.
4. Hannaanka Istaatistikada Qaranka waa in loo maamulaa loona xiriiriyaa si-hufan si loo hubiyo in ujeeddooyinkiisa lagu gaaro:
b) Qiimo wax ku ool ah oo hufan; iyo
t) Xxxxxx loo raacayo si waafaqsan ujeeddada iyo mabaadi’da Istaatistikada ee ku
Xusan faqrada (b) ee qodob-hoosaadka 1aad ee Qodobkaan.
Cutubka 3aad
Dhismaha iyo shaqooyinka Hay’adda Istaatistikada
Qodobka 6aad
Dhismaha Hay’adda Istaatistikada
1. Sharcigan waxa lagu asaasayaa hay’ad madax-bannaan oo leh sifo-sharciyeed, loona yaqaano Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya loona soo gaabiyo HIQS, taas oo xx xxxxx kaydisa dhammaan xogaha tiro-koobka Waddanka soomaaliyeed.
2. Hay’addu waxay leedahay shaqsiyad qaanuuni ah, waxayna awood u leedahay:
b) In ay dacwad soo oogi karto, laguna soo oogi karo;
t) In ay xxxx xxxxx heshiisyada shaqadeeda iyo waxqabadkeeda kor u qaadaya, kuwaas oo sharcigan waafaqsan;
j) Hay’adda Istaatistikada Qaranku, waxay iibsan kartaa, haysan kartaa ama iska
iibin kartaa hantideeda si waafaqsan Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka;
x) Hay’adda Istaatistikada Qaranku, waxay xaq u leedahay in ay iska ilaaliso wax kasta oo u keenaya khasaare, sida in ay deyn qaadato ama in ay dhibaato soo gaarto;
kh) Hay’addu waxay ammaahan kartaa qaddar lacag ah oo dawladdu u oggolaato si
waafaqsan sharciga maamulka maaliyadda;
d) Hay’addu waxay qaadan kartaa wixii qalab ama lacag ah ee loogu deeqo;
r) Hay’addu waxay qoran kartaa shaqaale qabta shaqooyinka hay’adda si waafaqsan Sharciga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed ee dhaqan xxxxx xx.
3. Iyadoo aan laga tageyn ujeeddooyinka ku xusan faqrada (1) ee Qodobkan, hay’adduwaa in ay sameysaa nidaam guud oo dhexe oo xogta lagu ururiyo sida ugu wanaagsan iyadoo la raacayo:
b) In shaqaalaha hay’adda iyo khubarada xxxx xx la shaqeeya lagu dhiso baahiyaha lagu qeexay faqradaha (b), (t), (j) iyo (x) ee farqada 2aad ee Qodobkan ee lagu qeexay awoodaha dhismaha hay’adda;
t) In shaqaalaha hay’addu si ereg ah ula shaqeyn karaan hay’adaha xxxx xx
dowladda; iyo
j) In tababarrada la siiyo shaqaalaha hay’adda iyo khubarada la shaqeeya xiriir la
leeyihiin sida lagu xusay faqrada (b) ee Qodob-hoosaadka 3aad ee Qodobkan.
4. Xarunta Hay’adda Istaatistikada Qaranka waxay ahaaneysaa Caasimadda Dalka eeMuqdisho, waxayna xarumo qeybeed ku yeelaneysaa dowlad gobaleedyada iyo degmooyinka JFS
5. Xarumaha qeybaha dowlad-gobaleedyada, iyo degmooyinka dhammaantood waxay warbixin siinayaan Agaasimha Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo hay’adaha xiriirka la leh ee DXDF ka jira.
Qodobka 7aad
Shaqooyinka Hay’adda Istaatistikada Qaranka
1. HIQS waa hay’adda dalka mas’uulka uga ah horumarinta iyo maareynta xogta rasmiga ah, isla markaana awoodda u leh ilaalinta xogaha iyo macluumaadka dawladda, waxaana Shaqadeeda kamid ah:
b) Xiriinta Hannaanka Istaatistikada Qaranka;
t) Talo-siinta Dawladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada arrimaha la xiriira Horumarinta Istaatistikada Qaranka;
j) Talo-siinta Wasiirka arrimha la xiriira xogta rasmiga ah, haddii ay tahay
waajibka hay’adda ama codsi uga yimid wasiirka;
x) Horumarinta iyo dhiirigelinta adeegsiga Istaatistikada iyadoo la waafajinayo heerarka iyo habka ugu haboon Hannaanka Istaatistikada Qaranka;
Kh) Ururinta, isku-hagaajinta, lafa-guridda, tarjumidda, baahinta iyo faafinta macluumaadka Istaatistikada Qaranka keligeed ama iyadoo la kaashaneysa Waasaaradaha Dawladda, DXDF iyo Daneeyayaasha kale;
d) Horumarinta, adkeynta si dhammeystiran iyo ururinta xogta Istaatistikada Qaranka, iyadoo la dhiiri gelinayo in la sameeyo waaxyo Istaatistikada qaabilsan Wasaaradaha xogta soo saara dhexdooda si Dawladaha xxxxx xogta u kaydiyaan uguna diraan Xafiiska Istaatistikada Qaranka;
r) Dhiirigelinta iyo horumarinta xogaha Mugga-weyn sidii loogu isticmaali lahaa xxxx xxxxx iyo soo saaridda xogaha Dawladda;
s) In la sameeyo xafiis qaabilsan la xiriirka hay’adaha caalamiga ee
arrimaha Istaatistikada; iyo
sh) In ay qabato dhamman shaqooyinka la xiriira Istaatistikada maadaama
xxx’xxxxxx xxxxxxxx ugu xilsaaran tahay tiro-koobka.
2. Xafiiska Hay’adda Istaatistikada Qaranku waa inuu:
b) Qaabeeyaa iyadoo ogolaansho laga helayo Wasiirka qaabilsan IstaatistikadaSameynta qaabka siyaasadda Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyadoo la raacayo mabaadi’daasaasiga Qaramada Midoobay ee xogta rasmiga ah
iyo Xeerka Istaatistikada Afrika, xxxx hubiyo fulinteeda, dabagalkeeda iyo qiimayn lagusameeyo; iyo
t) Go’aamiyaa qabashada mas’uuliyadda loo qaabeynayo fulinta howl-sanadeedka
xxx’xxxx, xxxx ku jirto:
i. Ururinta xogta, soo saaridda, lafaguridda iyo faafinta xogta rasmiga ah iyadoola raacayo ujeeddooyinka Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo mabaadi’da Istaatistikada ee lagu xusay Qodobada Xeerkan;
ii. Iyadoo sharcigan lagu dhaqmayo in la sameeyaa xog-ururin waqtiga iyo markaay ku habboon tahay, wixii dokumenti iyo foomam oo ku saabsan xogtaasna la kaydiyo.
iii. In sida ugu fiican loo kala dhig-dhigo, la kaydiyo loona xafido xogta macluumaadka Istaatistikada;
iv. Qaabkii, baaxadda iyo waqtiga ugu wanaagsan faafinta macluumaadka Istaatistikada;
v. Hormarinta habka loo adeegsado xogta mugga-weyn ee soo saaridda xogta rasmiga ah;
vi. In la iswaafajiyo, la iskuna geeyo xogta laga soo uruuriyay gobollada iyadoo aan loo eegeynin in ay soo uruuriyeen dawladaha xxxxx ama haya’daha xxxx xx dawladda ama kuwa gaarka ah;
vii. Horumarinta shaqooyinka Istaatistikada; ama
viii. Joojinta shaqooyinka Istaatistikada.
Cutubka 4aad
Golaha Maamulka Hay’adda Istaatistikada (Board of Directors)
Qodobka 8aad
Dhismaha Golaha Maamulka (Board of Directors)
1. Waxaa la asaasayaa Golaha Maamulka Hay’adda Istaatistikada Qaranka, kaas oomas’uulka ka ah arrimaha la-socodka, kor-joogteynta iyo xx xxxx-bixinta shaqooyinka ay qabanayso Hay’adda Istaatistikada Qaranka.
Qodobka 9aad
Awoodaha iyo Shaqooyinka Golaha Maamulka
1. Awoodaha iyo shaqooyinka Golaha Maamulka waxay noqonayaan:
b) Dejinta, kormeeridda iyo fulinta qaabka ay hay’addu u shaqaneyso;
t) La-socoshada si joogta ah qaab-dhismeedka xxx’xxxx xxx xxxxxxxx
shaqaalaha;
j) Qoridda shaqaalaha ku habboon hay’adda marka ay buuxiyaan shuruudaha iyo xaaladaha shaqada iyadoo la raacayo Sharciga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed;
x) Iyadoo lala tashanayo hay’adaha ay khuseyso waxaa si ku meel gaar xx xxx magacaabayaa dad dheeraad ah in ay noqdaan shaqaaale loo igmaday soo ururinta macluumaad xxxx xx iyadoo la raacayo shuruudaha iyo xaaladaha shaqaalaha taas oo Golaha Maamulka iyo cidii kale xx xxxxx u leh ay go’aan ka gaari karaan;
kh) Iyadoo la raacayo Sharciga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed, waa in ay
Tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan shaqaalaha hay’adda ee hor-istaaga ama jebiya sharciyada Istaatistikada, ama sameeya ficil wiiqaya maamulka maaliyadda iyo maamulka gudaha hay’adda, ama ku-kaca wax is dabamarin;
d) Ogolaanshaha qorsha-hawleedka hay’adda, barnaamijyada shaqo ee sanadlaha ah iyo Miisaaniyaddiisa, kuwaas oo ay tahay in uu diyaaro Xafiiska Hay’adda Istaatistikada Qaranka;
r) Soo-gudbinta miisaaniyadda ay ogolaadaan Goluhu loona gudbiyo Wasaaradda Maaliyadda; iyo
s) Xxx-xxxxxxxx war bixinta Saddex biloodlaha ah ee wax-qabadka Hay’adda
Istaatistikada Qaranka oo loo gudbinayo markuu codsado wasiirku.
2. Goluhu wuxuu magacaabayaa Guddiyada Golaha Maamulka Hay’adda Istaatistikada Qaran ee Maaliyadda iyo Hanti-dhowrka, iyo sidoo kale Guddiyo kale xxxxx xxx baahdo.
3. Goluhu wuxuu wada shaqeyn la samaeyn karaa hay’ado kale oo gudaha dalka iyo dibadda ah oo ay u arkaan in ay ku habboon yihiin sii-xoojinta ujeeddooyinka hay’xxxx xxx dhisay.
4. Golahu wuxuu talo-ka-bixin karaa tallaabooyin fulineed iyo sharciyeed xx Xxx’adda si loo horumariyo hufnaanta Hannaanka Istaatistikada Qaranka oo ay ku jirto qaab dhismeedka haya’dda Istaatistikada.
5. Iyadoo la tixgelinayo isku xirka Hannaanka Istaatistikada Qaranka, goluhu wuxuu, si waafaqsan sharcigan:
a) soo-jeedinayaa, sidoo kalena ogolaanayaa marka la sameeyo Istaraatiijiyadda Qaranka ee lagu horumarinayo Istaatistikada;
b) Dejinayaa qaab lagu hago laguna dabagalo fulinta qorshayaaasha iyo
xxxxxxxxxxxxx xxx’xxxx;
c) Dhisayaa habka ugu habboon ee kor loogu qaado Hannaanka Istaatistikada dawladeed oo toosan wax ku oolna ah;
d) Dejinayaa siyaasad ku saabsan dhammaan arrimaha la xiriira Shaqooyinka
haya’dda Istaatistikada, heerarka iyo qeybaha ay ka kooban tahay ;
(kh) sharrraxayaa hababka ugu habboon ee lagu horumarin karo isku-xirka
Istaatistikada, wuxuuna abuurayaa hannaanka isku-xirka Istaatistikada heer Xxxxxxxx iyo heer DXDF iyo
d) Dib-u-eegis ku sameeyaa barnaamijyada Istaatistikada ee waaxyaha iyo hay’adaha dawladda federaalka iyo DXDF si loo dhiso mas’uuliyad la xiriirta arrimaha barnaamijyada Istaatistikada dawladda.
6. Goluhu wuxuu go’aamin karaa inuu bixiyo kaalmo farsamo iyo kormeer ay ku sameeyaan howlaha Istaatistikada ee ka socda heer Xxxxxxxx iyo heer Dowlad- gobaleed;
7. Goluhu wuxuu sidoo xxxx xxxxx karaa hawl kasta oo la xiriirta istaatiistikada ee uu goluhu ku tala bixiyo oo wasiirkuna uu ku waafaqo.
Qodobka 10aad
Waajibaadka Ammaano ee Golaha Maamulka
1. Golaha Maamulka waxaa ku waajib ah:
b) Inuu u dhaqmo si ammaano, daacadnimo iyo hufnaan leh, isla markaana si daah-furan hay’adda arimaheeda maaliyadda loo maamulo;
t) Inuu hubiyo ururinta dakhliga hay’adda;
j) Inuu sida ugu taxadarka badan u guto waajibaadkiisa si loo hubiyo ilaalinta
hantida iyo kaydka hay’adda;
x) Inuu dhowro hannanka hufan ee wax ku oolka ah, oo leh daah-furnaan maamul iyo Maaliyadeed iyo xxxxxx baaritaan gudaha;
kh) Inuu ka hortago is daba-marinta, kharashka micno la’aanta ku xxxx, kana dhasha xatooyada iyo midka aan waafaqsaneyn shaqooyinka haya’dda;
d) Inuu dib-u-eegis ku sameeyo soo-jeedinta miisaaniyadda ku saleysan shaqooyinka Istaatistikada, waana inuu soo gudbiyo miisaaniyad isku-jir ah ee haya’dda loona gudbiyo Wasaaradda Qorshaynta.
r) Inuu si waafaqsan sharciga Iibka Qaranka wax ku soo iibsado isagana iibiyo kaas oo keenaya cadaalad, sinnaan, daah-furnaan, tartan xalaal ah iyo qiime macquul ah.
2. Xubin Golaha Maamulka kamid ah uma dhaqmi karto hab ka baxsan mas’uuliyadda Golaha Maamulka iyo hab-raaciisa, iyadoo la eegayo sharcigan sida; inuu adeegsado awood jago, mudnaan, macluumaad qarsoodi ah oo uu helay isaga oo xubin ka ah Golaha Maamulka, iyo inuu si shakhsi ah u qariyo macluumaad dheeraad ah oo uu helay ama si aan hagaagsaneyn uu qof kale ugu faa’iideeyo. Taas oo sababi karta in xubintu ciqaab ama ganaax Goluhu gooyey ku muteysato.
Qodobka 11aad Xubnaha Golaha Maamulka
1. Golaha Maamulka Hay’adda Istaatistikada Qaranku wuxuu ka kooban yahay sagaal
xubnood oo uu ka mid yahay Xxxxxxxxxx Guud xx Xxx’adda Istaatisktida.
b) Xubnaha intooda kale waxaa lagu soo xulayaa aqoontooda iyo qibradooda shaqo iyadoo lagu soo xulaayo tartan furan.;
t) Habraaca lagu soo xulayo Golaha Maamulka waxaa Xeer-nidaamiye ku soo saaraya Wasiirka, isaga oo la tashanaya Wasiirrada Qorshaynta ee DXDF inta aanan lasoo xulin xubnaha.
2. Qof kasta oo la magacaabayo kuna xusan faqrada (1) waa inuu aqoon heer jaamacadeed iyo khibrad shaqo oo aan ka yarayn 5 sano u leeyahay cilmiga Istaatistikada, dhaqaalaha, tiknoolijiyada isgaarsiinta, siyaasadda ama sharciga.
3. Marka lasoo dhameystiro xubnaha, Wasiirka ayaa u soo gudbinaya Golaha Wasiirada liiska Xubnaha si ay u ansixiyaan. Raisul Wasaaraha ayaa liiska xubnaha
la ansixiyay u gudbinaayo madaxweeynaha si uu u saxiixo kadibna loogu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda
4. Xubnaha Goluhu kulankooda ugu horeeya ayey ku dooranayaan Guddoomiye iyo Gudoomiye ku-xigeen ay iska dhex dooranayaan xubnaha Golaha Maamulka. Agaasimaha Hay’adda Istaatikada ayaa noqonaya Xoghayaha Golaha Maamulka.
5. Gudoomiye ku-xigeenku wuxuu qabanayaa shaqada gudoomiyaha waqtiyada uu maqan yahay ama markuu awoodi waayo gudashada shaqadiisa ama uu asagu u wakiisho qabashada hawlahaas.
Qodoka 12aad
Muddada Xil-hayta Xubnaha Golaha Maamulka
1. Xubnaha Goluhu waxay xilka haynayaan muddo 5 sano ah, waxayna xaq u leeyihiin in mar labaad loo magacaabo, marka uu ka dhamaado xilliga loogu talo galay. Xubnaha looma magacaabi karo labo mudo xileed ka badan.
Qodoka 13aad
Shuruudda Magacaabista Xubnaha Golaha Maamulka
Qofka loo magacaabayo xubin ka noqoshada Golaha Maamulka waa in uu:
1. Xxxxx Xxxxxxxx;
2. Xxxxx yahay Soomaaliya;
3. Da’diisu ka yareyn shan iyo labaatan (25) sano;
4. Xxxxxx Xxxxxxxx heer jaamacadeed iyo khibrad shaqo oo aan ka yarayn 5 sano u leeyahay cilmiga Istaatistikada, dhaqaalaha, tiknoolijiyada isgaarsiinta, siyaasadda ama sharciga
5. In uu san ahayn mas’uul xubin ka ah Baarlamaanka Federaalka, DXDF iyo dawladaha xxxxx; hadii uu xubin ka yahay Baarlamaanka Federaalka, Dawlad- gobolleedyadda iyo dawladaha xxxxx, waa in xilkaas iska so casilaa inta aanan loo magacaabin xubinimadda Golaha Maamulka.
6. Gelin fal-dembiyeed maxkamadi ku xukuntay oo ammaanada iyo sumcadiisa wax yeeleeyey.
Qodoka 14aad
Xil ka-qaadis Xubin Ka mid ah Golaha Maamulka
1. Marka uu Wasiirka soo jeediyo Golaha Wasiirraduna ay ogalaadaan, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda JFS wuxuu xil-ka-qaadis ku sameyn karaa xubin Golaha Maamulka ka mid ah, waa haddii Wasiirku caddeeyo Ra’iisal Wasaaruhuna ku qanco in shaqsiga xubinta ka ah:
b) Xilkiisa u gudan waayey xanuun jirka ama maskaxda ah;
t) Galay fal dambi ah, kaas oo uu Wasiirku hubiyay in uu yahay mid khatar ah, kuna filan in xilka looga qaado,
j) U gudan waayey si wanaagsan hawshii xubinimada Golaha Maamulka.
2. Wasiirku wuxuu bixin karaa xxxxxx ku-xusan faqrada (1) ee Qodobkan, kadib marka xubinta Golaha Maamulka ee xilka laga qaadayo ay hesho fursad lagu dhagaysto.
Qodoka 15aad: Banneynta Xubinnimada Golaha Maamulka iyo Buuxinta Xilkaas
1. Xilka xubinta Golaha Maamulka waxay noqonaysaa mid bannaan haddii xubintu:
b) Ay tahay mid aan buuxin shuruudda ku-xusan qodobka 13aad ee Xeerkan;
t) Is-casilaad qoraal ah uu u gudbiyo Wasiirka uuna ka aqbalo;
j) Ka maqnaado saddex kulan oo isku-xigta, isagoo aan ku maqneyn fasax uusan ogeyn Gudoomiyaha Goluhu;
x) Laga qaado xilka, sida kuxusan Qodobka 14aad ee Xeerkan; kh) Geeriyoodo.
2. Haddii xubin Golaha Maamulka kamid ah ay banneyso xilka sida ku cad Faqrada sare ee Qodobkan, xilkaas waa in la buuxiyaa oo loo magacaabaa qofka ku habboon iyadoo la raacayo si waafaqsan Qodobka 11aad ee Xeerkan.
Qodoka 16aad
Guddiyada Golaha Maamulka Istaatistikada
1. Iyada oo la tixraacayo shuruudaha lagama maarmaanka u ah, Goluhu wuxuugo’aaminayaa ka-magacaabidda dhexdiisa Gudiyada Maaliyadda iyo Hanta- dhowrka ee Golaha Maamulka Hay’adda Istaatistikada Qaranka.
2. Goluhu wuxuu kale oo magacaabi karaa Guddiyo dheeraad ah xxxxx xxx baahdo:
b) Talo-bixin ku saabsan arrimaha la xiriira awoodaha iyo shaqooyinka Golaha Maamulka; iyo
t) Ka-caawinta Golaha Maamulka gudashada shaqooyinka iyo awoodaha ku aaddan sida uu hawl ugu idman karo cid Golaha Maamulka ka baxsan.
3. Goluhu waxaa uu u magacaabi karaa xubnaha Gudiyada la dhisay 1- 3 qof oo aan
ka tirsaneyn Golaha Maamulka Hay’adda Istaatistikada Qaranka, laakiin Guddi
kasta oo la dhisayo waxaa kamid noqonaya hal xubin oo ka tirsan Golaha Maamulka Istaatistikada Qaranka.
4. Xxxxx Xxxxxxx Xxxxxxxxx la dhisayo ay ka kooban yihiin dhowr xubnood, Golaha Maamulka Istaatistikada Qaranku waxaa uu u magacaabayaa xubin asaga kamid ah in uu noqdo madaxa Guddiga.
5. Goluhu kama qaadi karo mas’uuliyadda hawlaha shaqada lagu aaminay Guddiyada la dhisay xx xxxx imaanaya qodobkan, haddii aysan Xubnaha Guddigu gudan waayin shaqada loo diray.
6. Shirarka Guddiyada xxxxx waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha Guddiga, haddii uu ka maqan yahay shirka xubnaha ayaa iska-dhex dooranaya qof shir- guddoomiye ah.
7. Kooramka shirarka Guddi-hoosaadyada waa inta ugu badan tirada guud ahaan ee xubnaha Guddigu marka ay joogaan (50%+1).
8. Go’aan ay gaareen ama hawl ay qabteen guddi-hoosaadka waxaa uu wax kama jiraan noqon karaa oo kaliya marka;
b) Uusan kooramku dhammeyn; iyo
t) Kulanka Guddiga uu ku jiro qof aan ka xxxxxxxxx Xxxxxxx, xataa haddii la gaaray go’aan la isku raacay waqtigaas isaga ah ama uu go’aanka la gaaray ay ogalaadeen inta badan xubnaha Guddiga goob joogga ah marka codka la qaaday.
9. Qofka shir guddoominaya kulanka Guddiga waa inuu sameeyaa diiwaangelin iyo hadal-qoraal lagu sameeyo geedi socodka shirka, waana inuu diiwaangelintaas iyo hadal-qoraalkaba u gudbiyaa Golaha Maamulka Haya’adda Istaatistikada marka uu dhammaado shirka guddi-hoosaadka.
10. Goluhu wuxuu kala diri karaa ama dib-u-habeyn karaan guddi-hoosaadyada, marka ay gudan waayaan shaqada loo idmaday.
Qodoka 17aad
Daah-furnaanta Danaha Golaha
Maamulka Hay’adda Istaatistikada
1. Xubin kasta oo Golaha Maamulka ka mid ah waa:
b) Inuu usoo bandhigaa Xubnaha xxxx xx Golaha Maamulka ganacsiga dadban ama tooska ah ee uu ku jiro ama ay xaaskiisu ku lug leedahay uuna ka caddeeyo Golaha Maamulka hortiisa; iyo
t) In shirka laga saaro marka ay ku caddaato arrimaha lagu sheegay faqrada 1 (b) ee Qodobkan, ilaa ay Goluhu go’aan ka gaarayaan in danaha ganacsi ee xubinta Golaha Maamulka uusan xiriir la laheyn shaqada Golaha Maamulka.
2. Daah-furka ay bixisay xubin ka tirsan Golaha Maamulka iyadoo la fiirinayo Faqrada (1) ee Qodobkan iyo go’aanka ay qaateen xubnaha xxxx xx ka tirsan Golaha Maamulka la siinayo daah-furka waa in la diiwaangeliyo, xxxx diyaariyo Hadal-qoraalka shirka.
3. Xubin kasta oo u hogaansami weyda tallaabooyinka lagu xusay farqada (1) ee Qodobkan, waa dembi uu galay, waxaana lagu ganaaxayaa qadar lacag aan ka yareeyn hal bil mushaar iyo gunno bileedkiisa iyada oo wixii ciqaab xx xxx marayo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Qodoka 18aad
Go’aannada iyo Shirarka Golaha Maamulka
1. Wasiirka waa in uu isugu yeeraa shirka ugu horreeyo ee Golaha Maamulka iyo kuwa aanan caadi ahayn, iyadoo la tixgalinayo faqrada (3) ee Qodobkan.
2. Shirarka Golaha Maamulka waa in lagu qabtaa waqtiyada iyo meelaha loogu talo galay oo Goluhu go’aamiyo, ugu yaraan waa in ay Afar (4) jeer sanadkii qabsadaan shirarkooda.
3. Gudoomiyaha Golaha Maamulka wuxuu isugu yeeri karaa Golaha Maamulka xxxx xxxx ah ama aan caadi ahayn hadii Wasiirku uu ka helo qoraal uu ku codsanayo ama inta badan xubnaha Golaha Maamulka ay codsadaan in la qabto xxxx xxxx ah.
4. Kooramka shirarka Golaha Maamulka wuxuu ku qabsoomi karaa marka ay joogaan tirada ugu badan ee xubnaha Golaha Maamulka (50%+1).
5. Guddoomiyaha Golaha Maamulka ayaa shir Guddoominaya Kulamada Golaha Maamulka, hadii uusan joogin Guddoomiye ku-xigeenka, hadii labadoodu maqan yihiin Xubnaha Golaha Maamulka ayaa iska-dhex dooranaya shir-guddoomiye.
6. Go’aanka ay isku raacaan inta badan xubnaha Golaha Maamulka shirka jooga ayaa ah go’aanka Golaha Maamulka, haddii ay dhacdo inay is le’ekaadaan codadka tirada xubnaha Golaha Maamulka; shir guddoonka dhinaca uu u codeeyo ayaa ansax ah.
7. Go’aan ay gaareen Xubnaha Golaha Maamulka ama shaqo kasta oo ay qabteen waxay wax kama jiraan noqan kartaa haddii;
a) Uusan Golaha Maamulka u dhameystirneyn tiradii loo baahnaaa ee kulanku ku qabsoomi lahaa;
b) Kulanka Golaha Maamulka uu ku jiro qof aan ka tirsaneyn Golaha Maamulka, xataa haddii la gaaray go’aan la isku raacay waqtigaas isaga ah ama uu go’aanka la gaaray ay oggalaadeen inta badan xubnaha Golaha Maamulka goob joogga ah marka codka la qaaday.
8. Iyadoo la eegayo sharcigan, Goluhu waxay nidaamin karaan habka shaqada Golaha Maamulka u socoto taas oo ay waajib tahay in Goluhu ku dhaqmaan marka ay shirayaan.
9. Goluhu waa inay si wanaagsan u diyaariyaan hadal-qoraalka shirkooda, iyaga oo adeegsanaya Xog-hayaha Golaha Maamulka .
10. Golaha Maamulka waxay xx xxxxx qaadi karaan shirarka Golaha Maamulka inuu ka qeyb galo qof walba oo ay u arkaan in fikirkiisa muhiim u yahay shirka, laakiin qofkaasi xaq xxx xxxx inuu cod ka dhiibto shirka.
11. Iyadoo la tixgalinayo faqrada (9) ee Qodobkan, wax go’aan ah oo aan qoraal ahayn lagama xxx xxxxx karo shirka Golaha Maamulka, laakin waxaa suurogal ah in Xubnaha Goluhu go’aan ka gaaraan xxxxx xxxx oo ay saxiixeen xubnaha Golaha Maamulka iyagoo ku sugan gudaha Soomaaliya kooramkuna uu buuxo, wuxuu noqonaya go’aankaasi;
b) mid saameyntiisa leh haddii uu ka soo baxay kulan Xubnaha Goluhu isugu yimaadeen oo si sax u qabsoomay,
t) in la diiwaangeliyo go’aannadaas, si loogu ansixiyo shirarka soo socda ee Golaha
Maamulka.
Qodoka 19aad Mushaaraadka xxx Xxxxxxxxxxx Xxxxxxx
iyo Guddiyadda Golaha Maamulka
1. Goluhu waa inuu ogolaado gunnooyinka ay muteysteen xubnaha Golaha Maamulka Istaatistikada Qaranka ama xubnaha guddi-hoosaadyada iyadoo la raacayo miisaaniyadda Hay’adda.
2. Goluhu wuxuu dib ugu celinayaa Lacagaha xubnaha Golaha Maamulka Istaatistikada ama Guddi-hoosaadyada Golaha Maamulka ee ah kharashaadka ay ku bixiyeen safaro Caasimadda bannaanka ka ah ama dalka dibbaddiisa ah oo ay galaan waqtiyada ay ka qeyb galayaan shirarka Golaha Maamulka ama Guddi- hoosaadyada
Qodoka 20aad
Xeer-hoosaadyada Golaha Maamulka
1. Goluhu wuxuu sameysanayaa xeer-hoosaadyo la xirrira:
b) Qaabka la-iskugu dubbarido qabashada shirarka Golaha Maamulka, hannaanka shirarka, kooramka iyo qaabka loo diyaarinayo ajendayaasha shirka iyo waxa ka soo baxaya;
t) Xxxxx qorista, tirada, shuruudaha iyo hannaanka shaqaaleysiinta shaqaalaha ay
u baahantahay Hay’adda Istaatistikada Qaranka.
j) Shaqada maamulka Haya’adda Istaatistikada Qaranka si aan ka hor-imaaneyn Xeerkan iyo sidii si wanagsan ay ugu gudan lahayd shaqadeeda; iyo
x) Guud ahaan, wax kasta oo Goluhu u xxxx in uu muhiim yahay ama laga miro- dhalinkaro si loo gaaro ujeedooyinka sharcigan.
Cutubka 5aad
Xubnaha Shaqaalaha Hay’adda Istaatistikada
Qodoka 21aad
Magacaabista Agaasimaha Xafiiska Hay’adda Istaatistikada Qaranka
1. Iyadoo la tixgalinayo Qodobbada Xeerkan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ayaa soo jeedinaya magacaabista Agaasimaha Hay’adda Istaatistikada Qaranka, xx xxx marka ay ogolaadaan Golaha Wasiirrada, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda JFS ayaa si rasmi ah u magacaabaya Agaasimaha, waxaana magacaabistaas saxiixay Madaxweynaha JFS, kadibna waxaa lagu soo saarayaa faafinta Rasmiga ah ee Dawladda.
2. Qofka loo magacaabayo Agaasimaha waa in uu yahay;
b) Qof Soomaali ah
t) Deggan Dalka;
j) Qof aan Xxxxxxxx ku xukumin si kama danbeys xx xxxxx la xiriira aamin darro iyo khiyaano uu ku muteeysanayo xabsi aan ganaax lagu xxxxxx xxxxx;
x) Qof haysta Shahaadada Labaad ee Heerka Jaamacadda ku takhasusay cilmiga Istaatistikada, ugu yaraanna xxxxx xxxx (10) oo khibrad ah u leh hawlaha
Istaatistikada, dhaqaalaha iyo Maareeynta Xogta (Management Information Systems);
Kh) Qof leh aqoon dheeraad ah oo la xiriirta mamulka Istaatistikada si uu u noqdo
qof u qalma Agaasimaha Xafiiska Hay’adda Istaatistikada Qaranka;
d) Qof aan xubin ka ahayn Baarlamaanka, DXDF iyo Dawladaha Xxxxx.
3. Wasiirka ayaa soo jeedinaya qofka noqonaya Xxxxxxxxxx Xxx’xxxx
Istatistikadakadib marka uu la tashado Golaha Maamulka Istaatistikadda.
4. Wasiirka ayaa go’aaminaya xaaladaha, shuruudaha ku xeeran iyo gunnooyinka uu qaadanayo Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada si waafaqsan xeerka Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed.
5. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada waxaa uu xafiiska Hay’adda haynayaa muddo Shan (5) sano ah waxaana loo magcaaabi karaa xilkaas hal mar kale, marka mudadiisu dhammaato.
6. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada, inta aysan dhammaan mudada xil-hayntiisa waxuu ku waayi karaa xilka xafiiska haddii;
b) Golaha Maamulka Istaatistikadu soo jeediyo xil ka-qaadistiisa, Wasiirkuna ku qanco soo-jeedinta Golaha Maamulka, iyadoo sabab looga dhigayo anshax- xumo ama ay caddaato in uusan lahayn awood uu si tayo leh ugu guto hawlaha xafiiskiisa; ama
t) Muddo saddex bilood gudahood ah qoraal is-casilaad uu u gudbiyo Golaha Maamulka Istaatistikada, kaas oo uu ku dalbanayo inuu xilka ka degeyo;
Qodoka 22aad
Xxxxxxxx Xxxxxxxxxx Xxxxxxxx Xxx’adda Istaatistikada
1. Xxxxxxxxxx Xxxxxxxx Xxx’adda Istaatistikada waa:
b) Maamulaha guud xx Xxx’adda Istaatistikada Qaranka;
t) Mas’uulka fulinta hawlaha Hay’adda iyo kor-meeraha go’aannada Golaha Maamulka, taas oo ay saldhig u tahay ilaalinta iyo kormeerka Maamulka Golaha Maamulka.
2. Xxxxxxxxxx Xxxxxxxx Xxx’adda Istaatistikada waa inuu:
b) Siiyaa Wasiirka talo xirfadaysan oo ku saabsan arrimaha la xiriira Istaatistikada
t) Gutaa awoodaha iyo xilalka Hay’adda ee Qodobada Xeerkan lagu caddeeyey;
j) Abaabulo Shaqaaleysiinta Shaqaalaha Hay’adda, una maamulo shaqaalaha Hay’adda sida uu qabo Sharciga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed.
x) Horseedo abuuritaanka hawl-karnimo iyo anshaxa shaqaalaha Hay’adda
Dhexdooda isagoo adeegsanaya tababarro xirfadeed;
kh) Diyaariyo isla markaana uu Golaha Maamulka u gudbiyo qorshe-hawleedka,
miisaaniyaddaIyo waliba warbixinta xxxxxxx Xxx’xxxx
d) Kharashka baxaya u adeegsado si waafaqsan barnaamij-hawleedka Hay’adda iyo
miisaaniyadda loo qoondeeyey;
r) Wakiil ka noqdo Hay’adda xiriirka ay la yeelanayso dhammaan hay’adaha kale
ama daraf saddexaad (third party).
Qodobka 23aad
Ku-Xigeenka Xxxxxxxxxx Xxxxxxxx Xxx’adda Istaatistikada Qaranka
1. Iyadoo la tixgalinayo Qodobbada Xeerkan Wasiirka Wasaaradda ayaa soo jeedinaya magacaabista Agaasime Ku-xigeenka Xafiiska Hay’adda Istaatistikada Qaranka, kadibka marka ay ogolaadaan Golaha Wasiirrada, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda JFS ayaa si rasmi ah u magacaabaya Agaasima ku-xigeenka, waxaana magacaabistaas saxiixaya Madaxweynaha JFS, kadibna waxaa lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda.
2. Qofka loo magacaabayo Agaasime ku-xigeenka waa in uu yahay;
b) Qof Soomaali ah
t) Degganaa Dalka;
j) Qof aan Xxxxxxxx ku xukumin si kama danbeys xx xxxxx la xiriira aamin darro iyo khiyaano uu ku muteeysanayo xabsi aan ganaax lagu xxxxxx Xxxxx
x) Qof hawl-kar ah oo leh aqoonta looga baahan yahay Istaatistikada’
kh) Qof haysta Shahaadada Heerka labaad ee Jaamacadda takhasuskiisuna yahay cilmiga Istaatistikada, ugu yaraanna xxxx xxxx (5) oo khibrad ah u leh hawlaha Istaatistikada, dhaqaalaha iyo Maareeynta Xogta (Management Information Systems);
d) Qof leh aqoon dheeraad ah oo la xiriirta mamulka Istaatistikada si uu u noqdo qof u qalma Agaasime ku-xigeenka Xafiiska Hay’adda Istaatistikada Qaranka;
r) Qof aan xubin ka ahayn Baarlamaanka, DXDF iyo Dawladaha Xxxxx.
3. Wasiirka ayaa soo jeedinaya qofka noqonaya Agaasime ku-xigeenka Xxx’xxxx
Istatistikada kadib marka ay ku raacaan Golaha Maamulka Istaatistikadda.
4. Wasiirka ayaa go’aaminaya xaaladaha, shuruudaha ku xeeran iyo gunnooyinka uu qaadanayo Agaasime ku-xigeenka Istaatistikada si waafaqsan xeerka Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed.
5. Agaasime ku-xigeenka Istaatistikada waxaa uu Xafiiska Hay’adda haynayaa muddo Shan (5) sano ah waxaana loo magcaaabi karaa xilkaas hal mar oo kale, marka mudadiisu dhammaato.
6. Agaasime ku-xigeenkaXafiiska Istaatistikada, inta aysan dhammaan muddada xil- hayntiisa waxuu ku weyn karaa xilka xafiiska haddii;
b) Golaha Maamulka Istaatistikadu soo jeediyo xil ka-qaadistiisa, Wasiirkuna ku qanco soo-jeedinta Golaha Maamulka, iyadoo sabab looga dhigayo anshax- xumo ama ay caddaato in uusan lahayn awood uu si tayo leh ugu guto hawlaha xafiiskiisa; ama
t) Muddo saddex bilood gudahood ah qoraal is-casilaad uu u gudbiyo Golaha Maamulka Istaatistikada, kaas oo uu ku dalbanayo inuu xilka ka degeyo.
Qodobka 24aad Xubnaha shaqaalaha joogtada ah
xx Xxx’adda Istaatistikada Qaranka
1. Golaha Maamulka Hay’adda Istaatistikada Qaranka ayaa magcaabayashaqaalaha hay’adda iyadoo la tixraacayo kartida iyo shuruudaha ku xusan Sharciga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed.
2. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada, isagoo la-tashanaya xubnaha xxxx xx Golaha Maamulka Hay’adda iyo ku-xigeenkiisa waa inuu magcaabo hawl-wadeenada kale xx Xxx’adda, kuwaas oo aan lahayn go’aan maamul, isagoo raacaya si waafaqsan Sharciga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed.
Qodoka 25aad
Xxxxxxx Xxxxxxxxx Xx-meel-gaarka ah
xx Xxx’adda Istaatistikada
1. Xxxxxxxxxx Xxxxxxxx Xxx’adda Istaatistikada ayaa magcaabi kara saraakiil iyo hawl- wadeenada aan joogto ahayn xxxxx xxx baahdo si ay hawlaha Hay’addu ugu socdaan sida la doonayo ee ugu wax-tarka badan oo ku xiriirsan qodobada iyo xaaladaha adeegeed ee ay xxxxx xxxxx hay’addu.
2. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada waxaa uu qoraal ahaan, ku magacaabi karaa qof sarkaal ah oo awood loo siiyey si uu u fuliyo qodobada Xeerkani ka kooban yahay. Qof kasta oo ugu shaqeeya Hay’adda sida uu qabo Xeerkan qodobadiisu waa in uu
Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada hortiisa ku maraa dhaarta qarinta xogta ee ku cad Jadwalka 2 inta uusan bilaabin shaqada loo igmaday.
Qodoka 26aad
Heshiiska Wax-qabadka Shaqaalaha
iyo Maamulka Hay’adda
1. Qof kasta oo ka tirsan shaqaalaha maamulka Hay’addu waa in uu xx xxxx
Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada heshiis hawl-qabad, kaas oo la-xiriirta:
b) Qodobada iyo xaaladah magacaabistiisa;
t) Ujeedooyinka loo qabanayo shaqada iyo waqtiga loo qorsheeyey in lagu qabto shaqadaasi;
j) In la-qaado talaabada ku haboon si loo hubiyo in lagaaray yoolka howl qabadka;
x) Wax kasta oo kale oo xiriir la yeelan Xxxx xxxx-qabadka qofka xubinta ka ah
shaqaalaha Hay’adda, sida ku cad Xeer-hoosaadka Shaqaalaha xx Xxx’adda;
2. Xubin ka tirsan shaqaalaha maamulku marka uu fulin waayo qodobada iyo xaaladaha heshiiska Hawl-qabadka waxaa Xeer ahaan bannaan in laga saaro shaqada Hay’adda iyadoo la tixraacayo sida uu qabo sharciga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed.
Qodobka27aad Gunnooyinka Maamulka
iyo Shaqaalaha Hay’adda
Istaatistikada Qaranka
1. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada, ku-xigeenkiisa, shaqaalaha maamulka iyo kuwa aan maamulka kamid aheyn xx Xxx’adda Istaatistikada waxay yeelanayaan gunnooyin waafaqsan habka Sharciga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya.
Cutubka 6aad
Awoodaha Haya’dda Iyo Ururinta Xogta
Qodobka28aad Ururinta Xogta Istaatistikada
1. Haya’ddu waxay awood u leedahay soo ururinta xogta Istaatistikada Qaranka ama in ay dib-u-soo celiso arrin kasta oo lagu caddeeyey jadwalka 1aad ee Xeerkan.
Qodobka 29aad Xxxx-xxxx
1. Wasiirka qaabilsan Istaatistikada, isagoo xx xxxx qaadanaya Golaha Maamulka Istaatistikada wuxuu amar ku bixin karaa isagoo ku baahinaya warbaahinta in la qabto xxxx-xxxx gobol ama degmo ka tirsan dalka, amarkaasna waa in uu caddeynayaa:
a) Maalmaha la qabanayo tiro-koobka; iyo
b) Dadka (Howlwadeenadda) iyo hay’adaha ka qeyb qaadanaya iyo ujeedooyinka tiro-koobka loo qabanayo.
Qodobka 30aad
Xxxxxxxx Xxxx-xxxxxx
1. Xxxxxxxxxx Xxxxxxxx Xxxx’adda Istaatistikada wuxuu qaban karaa in laga sameeyo Soomaaliya ama meelo kamid ah dalka sahamo aan ahayn xxxx-xxxx sida ku cad Qodobka 31aad ee Xeerkan, xog-ururin laga sameynayo Soomaaliya oo aan aheyn xxxx- xxxx iyo ururinta xogta Istaatistikada xiriirka la leh sida ku cad jadwalka 1aad ee Xeerkan.
2. Xogta macluumaadka la soo ururinayo waa la soo bandhigayaa iyadoo la- tixgelinayo wixii la xiriira xogta la-ururinayo laguna sheegay faqradda (1) ee Qodobkan, waqtiga sahamada la qabanayo iyo sida loo qabanayo waxaa go’aaminayo Golaha Maamulka Hay’adda Istaatistikada.
Qodobka 31aad
Tiro-koobka iyo Sahanka
ay Xxxxxxxxx Xxx’xxxxx Xxxx
1. Dhammaan isku dayada ay hay’adaha Dawladdu ku doonayaaan inay ku qabtaan tiro-koobyo ama sahamo waddanka gudihiisa laga qabanayo waa inay wada shaqeyn kala yeeshaan Haya’dda Istaatistikada Qaranka.
2. Xxxxxxxx iskudayada ay hay’daha xxxx xx aan dawliga aheyn ay ku doonayaaan inay ku qabtaan tiro-koobyo ama xxxxxx xxxx Qaran ah waa in ay ka helaan oggolaanshaha Hay’adda Istaatistikada.
3. Goluhu wuxuu, isagoo la tashanaya Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada sameyn karaan xeerar ku saabsan hababka la raacayo arrintaan, iyadoo la eegayo qoraalada la gudbiyey sida ku cad faqradda (1) ee isla Qodobkan.
4. Iyadoo la eegayo sharcigan, xxxx-xxxx iyo xxxxx xxxx Qaran ah kuma jiraan:
b) Sahamada Istaatistikada gudaha ee ay qabtaan Xxxxxxxxxxx Xxxxxxxx;
t) Xxxx-xxxx ama sahan ay qabtaaan hay’ado xxxx xx xxxx ku lug-leeyihiin danneeyayaal sida Wasaaradaha Dawladda ama kuwa xxxx xx;
j) Sahamo laga sameeyo suuqyada laguna ogaananayo badeecadaha ay dadku isticmaalaan ama lagu ogaanayo wax soo saarka shirkado.
x) Sahamo Istaatistikada ay qabanayaaan dadka ama haya’daha la soo xusay.
Qodobka 32aad
Xiriirka Ka Dhexeeya Hay’adda Istaatistikada iyo Hay’adaha Kale
1. Haya’dda Istaatistikada waxa ay la saxiixan kartaa heshiis is af-xxxxx xxx’adaha kale, taas oo ah in ay mas’uuliyadda u qeybsadaan una dhisaan hab wanaagsan oo ah xiriirinta, horumarinta, habka sahammada, xog is dhaafsiga iyo xiriirka ka dhexeeya haya’dda Istaatistikada iyo hay’adaha kale.
Qodobka 33aad Foomamka Xog-ururinta
1. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada waa inuu qeexaa heerarka laga rabo dokumentiyada, foomamka iyo in sida ugu fiican loogu gudbiyo tilmaamaha lagama maarmaanka u ah ururinta macluumaadka, sharcigan ku jira.
2. Dukumentiyada laga soo buuxiyo dadka la wareysto oo dhammeys-tiran waa in lagu caddeeyaa maalinta iyo waqtiga iyo goobta, laga soo qaaday waraysiga waana in lagu soo celiyaa haya’dda.
Qodobka 34aad
Codsi inay bixiyaan macluumaad si iskood ah
1. Agaasimaha Xafiiska Istaaatistikada ama sarkaal loo idmaday, iyadoo la fiirinayo xogta la soo ururinayo, wuxuu weydiisan karaa qof kasta inuu:
b) Dokumenti soo buuxiyo;
t) Su’aalo ka jawaabo; ama
j) Bixiyo xog si aan qasab ahayn.
2. Macluumad kasta oo laga helo sida ku xusan Faqrada (1) ee Qodobkan waxay ku xiran tahay mamnuucid in la isticmaalo iyo diidmo in la bixiyo macluumaadka sida ku xusan Qodobka 53aad ee Xeerkan.
3. In kastoo ay liddi ku noqon karto sharci, qofku wuxuu bixin karaa xxxxx xxx idmado dokumenti, xog ama nuqul, qofkaasi wuxuu noqonyaa qof ka tirsan Hay’adda Istaatistikada ama sarkaal loo idmaday hadii laga codsado sida ku cad faqrada (1) ee Qodobkan.
Qodobka 35aad
Awoodaha Gelitaanka iyo kormeeridda xogta
1. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada wuxuu u magacaabi karaa sarkaal kasta oo ka tirasan haya’dda Istaatistikada waqtiga ku habboon, sarkaalkaas inta uu haysto warqadii magacaabidda wuxuu geli karaa, dhismo kasta isagoo ujeedadiisuna tahay:
b) Inuu u gudbiyo ogaysiin sida ku cad Qodobka 36aad ee Xeerkan;
t) Inuu u gudbiyo dokumenti ama ka soo qaado dokumentiyo ama macluumad u diiwaangashan; iyo
j) Inuu ku sameeyo dabagal uu sharcigan u oggolaanayo.
2. Sarkaalka la magacaabay wuxuu geli karaa goob kasta iyo gaari kasta inta u dhaxeysa 6:00da subaxnimo (am) ilaa 6:00da maqribnimo (pm), xxxxxx ujeedadisu tahay in uu ka helo xog ururin istaatistiko xx xxxx:
b) Haddii uu yahay guri deegaan ah loona diido in uu galo, muddo 48 saac gudahood oo ogeysiin la siinayo kadib;
t) Haddii gurigaas ay deggan tahay qof haween ah oo aan bannaanka u soo bixin (Maqabiyo), sarkaaalka doonaya inuu galo gurigaas waa inuu jid kasta oo sharci ah u maraa sidii uu qoftaas haweenka ah uga heli-lahaa macluumaadka uu uga baahan yahay.
Qodobka 36aad Ogeysiin Xog-bixin
1. Si loogu guulaysto ujeedooyinka Hannaanka Istaatistikada Qaranka, Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada wuxuu ogeysiis u qori-karaa si toos ah qofka waraysiga laga qaadayo ama qofka loo magacaabo inuu:
b) Xxxxxxxx-tiro soona celiyo dokumenti iyadoo la raacayo tilmaan kasta oo lagu sheegay ogeysiiska ama qof ahaan xiriir loola sameeyey;
t) Ka-Jawaab bixiyo su’aalaha uu weydiiyo isaga ama iyada sarkaalka loo ogolaaday inuu waraysto; iyo
j) Siiyo wixii diiwaan-xxxxx xx, nuqul kamid ah ama nuqul laga soo saaray diiwan- gelin meel la ogyahay ama waqti la og yahay.
2. Ogeysiiska lagu xusay faqrada (1) ee Qodobkan, waa in lagu caddeyaa waxa u xxxx xx sida :
b) Xogta guud ee dhabta ah xx xxx baahan yahay,
t) Inta jeer iyo waqtiga loo baaahan yahay in xogta la bixiyo,
j) Noocyada dadka laga rabo inay xogta bixiyaan,
x) Faqradaha sharcigan ee uu hoos imaanayo ogeysiiska la dirayo.
Qodobka 37aad
Adeegga Ogeysiisyada iyo Dokumentiyada kale
1. Ogeysiis kasta ama dokumenti kasta ee uu gaarsiiyo sarkaalka loo idmaday wuxuu si xaqiiqa ah ugu filan yahay inuu si sax ah u soo baxay looguna gudbiyey magaca Haya’dda Istaatistikada.
2. Ogeysiis ama dokumenti kasta ee meel loo diraayo sida ku cad faqrada (1) ee Qodobkan, waa inuu geeyaa sarkaal loo idmaday ama waa in lagu diraa boosto diiwaan-gashan ama email.
Qodobka 38aad Ganaaxyada Uu Maamulku Sameeyo
1. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada, isagoo cuskanaya go’aannada Golaha Maamulka Hay’adda Istaastiskada, wuxuu ganaaxi karaa qof kasta oo:
b) Sabab la’aan awgeed fulin waayey ogeysiis la bixiyey sida ku cad Qodobka 36aad
ama 37aad ee xeerkan; ama
t) Diida ama ku-guul-daraysta inuu buuxiyo dokumenti laga rabay ama diiwaan- gelin xog xxxx-xxxx lugu ururinayo, qofkaasi wuxuu mutaysanayaa ganaax maamul oo Goluhu ku soo saarayo xeer-nidaamiye.
2. Qofkii ku qanci-waaya ama diida ganaaxa lagu riday sida ku cad faqradda (1) ee Qodobkan, racfaan ayuu xx xxxxxx karaa ganaaxa la saaray, wuxuuna racfaankiisa u gudbinayaa Golaha Maamulka Istaatistikada.
3. Racfaanka waa in uu ahaadaa qoraal leh caddeymahan soo socda:
b) Sharraxaad buuxda ee arrimaha la xiriira go’aanka racfaanka laga qaadanayo iyo
sababta; iyo
t) In racfaanluhu ku soo gudbiyo racfaankiisa muddo soddon (30) maalmood gudahood ah laga bilaabo maalinta ganaaxa lagu riday, isaga oo racfaanluhu u
marinaya xafiiska ay Hay’adda istaatiiskadu ku leedahay halka uu ku sugan yahay loona gudbiyaa Golaha Maamulka Istaatistikada.
4. Marka ay helaaan racfaanka, Goluhu waa in uu nuqul kamid ah u gudbiyaa Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada, kaas oo isaguna u bandhigaya Golaha Maamulka qoraal caddeyn ah sababta uu u sameeyey ama u saaray qofkaas ganaaxa.
5. Xx xxx marka tixgelin la siiyo caddeymaha ku xusan faqradaha (3)& (4),iyoxaqiiqooyinka xxxx xx suurogalka ah, Goluhu wuxuu tixgelin siinayaa macluumaadka la xiriira ama uu u baahdo, wuxuuna ku raacayaa, ka duwanaan karaa ama meel iska-dhigi karaa go’aanka ah ganaaaxa la sameeyey.
6. Goluhu waa in uu sida ugu dhaqsaha badan ku wargeliyaa si qoraal ah racfaan xxxx
go’aanka laga gaaray racfaankiisa.
Qodobka 39aad Faafinta Xogta Istaatistikada
1. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada wuxuu hubinayaa dhabnimadda iyo xaqiiqada xog kasta oo la soo ururiyo, marka si wanaagsan loo habeeyo, xxxx xaqiijiyo tayadeeda iyo saxnimadeeda, kaddib marka la hubiyo ilaalinteeda, iyadoo la tixgelinayo qofka xogta bixiyey, waa in si guud loo faafiyaa xiliga ugu haboon, iyada oo la adeegsan karo warbaahinta.
Cutubka 7aad Maaliyadda Qodobka 40aad
Maal-gelinta Hay’adda Istaatistikada Qaranka
1. Lacagaha hay’addu waxay ka kooban yihiin:
b) Lacagaha miisaaniyadda loo qoondeeyo;
t) Xxxxx, hadiyado ama kaalmooyin ay haya’ddu ka hesho ilo kale oo uu Golaha
Maamulka Istaatistikadu oggolaaday; ama
j) Xxxxx kasta oo lagu siiyo haya’adda shaqooyinka ama adeegyada ay sameyso si
waafaqsan sharcigan.
2. Dhammaan lacagaha soo gala hay’adda waxaa lagu shubayaa khasnadda mideysan ee Dowladda, hab waafaqsan Xxxxxxxx Xxxxxxxxx Xxxxxxxxxxx Xxxx.
Qodobka 41aad
Sanad-miisaaniyadeedka Hay’adda
1. Sanad-miisaaniyadeedka haya’dda waa mid la mid xx xxxxx-miisaaniyadeedka Dawladda Federaalka, waana in xisaabta hay’adda la xiraa dhammaadka sanad- miisaaniyadeedka, xxxx caddeeyaa hannaanka loo adeegsaday.
Qodobka 42aad
Ganacsiga iyo Qorshaha Maaliyadadda
1. Waa in maamulka hay’addu, soo gudbiyaan qorshaha miisaaniyadda sida uu qabo
sharciga maareeynta maaliyadda.
2. Hay’addu waxaay u isticmaaleysaa kharashaadkeeda miisaaniyadeed sida u qabo
habraaca miisaniyadda.
Qodobka 43aad Xisaabta iyo Hanti-dhowrka
1. Si waafaqsan sharciga maareeynta maaliyadda, agaasimaha Xafiiska Istaatistikada waa in uu:
b) Ilaaliyaa xisaabta iyo diiwaanka lagu kaydiyo lacagaha ay hay’addu hesho iyo kharashaadka xx xxxxx iyo hantida guurtada ama ma-guurtada ah, deymaha lagu leeyahay iyo dhaqdhaqaaqa lacagaha waqtiga sannad-miisaaniyadeedka; iyo
t) Diyaariyaa xisaabaadka iyo diiwaannada lagu xusay faqradda(b) ee isla Qodobkan, Isagoo howlgelinaayo qof u diiwaan-gashan inuu yahay xisaabiye iyo hanti-dhowre oo ay magacowday haya’ddu.
Qodobka 44aad Warbixin-sanadeed
1. Golaha Maamulka Hay’addu waa in uu sida ugu dhaqsaha badan uguna habboon u gudbiyaa warbixin-sanadeedka miisaaniyadda hay’adda, iyadoo la raacayo sharciga maamulka maaliyadda ee dawladda.
Qodobka 45aad
Canshuur-dhaafka Hay’adda Istaatistikada
1. Canshuur dhaafka Hay’adda waa inuu waafaqsanaadaa sida uu dhigayo sharciga
furdooyinka.
Qodobka 46aad
Kala-diridda Hay’adda Istaatistikada Qaranka
1. Haya’dda Istaatistikada Qaranka lama kala-diri karo marka laga reebo in la helo
go’aan uu soo saaro Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS oo sababaysan.
Cutubka 8aad
Wada-shaqeynta Hannaanka Istaatistikada Qaranka Qodobka 47aad
Xeerka hab-dhaqanka
1. Si loo asaaso ama loo hagaajiyo kalsoonidda lagu qabo xogaha dawladda, Golaha Maamulka Hay’adda Istaatistikada ayaa soo saarayaa xeer-nidaamiye qeexaya wada- shaqeynta, kaas oo dejinaya heerka xirfadeed iyo anshaxeed ee lagu dhaqayo haya’daha soo saara Istaatistikada.
2. Iyadoo aan la xadidaynin faqradda (1) ee Qodobkan, xeer-nidaamiye ku aadan hab- dhaqanka ayaa la sameyn karaa iyadoo la tixgelinayo arrimahan soo socda:
b) Heerarka xirfadda iyo anshaxa ururinta, soo-saaridda, gorfeynta, faafinta iyo kaydinta xogta rasmiga ah ee ay tahay in la-ilaaliyaa;
t) In la qaado tallaabooyin lagu hubinayo tayada iyo isbarbar-dhigga xogaha Dawladda iyo xogaha kale; iyo
j) In la qaado tallaabooyin lagu yareynayo soo-noqnoqashada aan loo baahnayn ama marar badan la soo ururiyo, la soo saaro, la gorfeeyo ama la kaydiyo xogaha Istaatistikada.
3. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada wuxuu siin karaa hay’adaha soo saara
Istaatistikada talo la xiriirta hab-dhaqanka lagu xusay faqradda (1) ee isla qodobkan.
Qodobka 48aad
Isku-duwidda Istaatistikada
1. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada ayaa bilaabi kara ururinta ama joojinta in la sii- wado xog-ururinta, si waafaqsan sharcigan, kadib marka uu oggalaansho ka helo Golaha Maamulka,.
2. Inkasta oo ay jiri-karaan caqabado lid ku ah sharci kasta, xxxxxxx:
b) Qofna awood xxx xxxx inuu bilaabo xog-ururin;
t) Hay’adaha dawladeed ma bilaabi karaan xog-ururin, iyagoo aan oggalaansho xx
xxxxx Xxx’adda istaatistikada; iyo
j) Xxx’xxxxx xxxxxxxxx ah ma qaban karaan xog-ururin iyagoo aan oggolaansho sharci ah ka xxxxxx Xxx’adda Istaatistikada Qaranka iyo Hay’adda dawliga ah ee ay khuseyso xogta ay ururinayaan.
3. Si waafaqsan Qodobka 32aad faqradiisa 1aad ee Dastuurka kumeelgaarka ee JFS, Golaha Maamulka Istaatistikada Qaranku wuxuu ogeysiis ku soo saarayaa ama ku baahinayaa Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda xogta la uruuriyay si uu qof walbo u helo xogtaasi, waxayna hawshaas ku xiran tahay xaaladaha uu Goluhu tilmaamo, isagoo go’aaminaya in faqradda (2) ee isla qodobkan aan lagu dabaqi xxxxx xxx’ad dawladeed oo qabata arrimo xxxx xx.
4. Dhammeys-xxxxx xog-ururin kasta oo ku aadan faqradda (2) ee isla qodobkan, qof kasta ama hay’ad dawladeed oo kasta waxaa waajib ku ah, in iyagoo aan wax shardi ah ku xirin ay siiyaan Hay’adda Istaatistikada xog walbo ama nuqul walbo oo kamid ah warbixin ay ka qoreen ama xog ay ururiyeen xxxx ku jiraan soo- saaridda Istaatistikada.
5. Hay’ad Waddani ah ama mid caalami ah ma sameyn karto wax xog-ururin ah oo aan xxxxx xxxxx-xxxxxx, iyagoo soo codsanaya oggolaanshaha Hay’adda.
6. Hay’adaha aan faa’iido-doonka ahayn ma sameyn karaan xog-ururin, aan ahayn cilmi-baaris looga xxx leeyahay in lagu falanqeeyo arrimha dhaqaalaha iyo bulshada kuna kooban haya’daha iyo qeybaha ay ka shaqeynayaan, iyagoo soo codsanaya oggolaanshaha Hay’adda.
7. Haddii Hay’adda ay oggolaato arrimaha ku xusan faqradda (5) iyo (6) ee isla Qodobkan, Hay’adaha gaarka ah, hay’adaha aan faa’iido-doonka ahayn iyo kuwa caalamiga ah, iyagoo aan waxba ku xirin waa in ay siiyaan Hay’adda xog walba ama nuqul walba oo kamid ah warbixinnada ay ka qoreen xog ay ururiyeen xxxx ku jiraan soo-saaridda Istaatistikada si waafaqsan Qodobka 32aad Faq. 2aad si loola wadaago muwaadin walbo oo codsada.
8. Inkasta oo ay xxxx xxxxxx caqabado sharci ahaan ka hor iman karo, ujeeddadu waxey tahay in lagu caawiyo hay’adda gudashada shaqadeeda waa lama-huraan sida sharcigan uu qabo, waana in madaxda hay’adaha dowladdu ay qaadaan tallaabooyinkan soo socda:
b) Marka uu sharcigan dhaqan-galo waqtiga loo qabtay gudihiisa, waa in hay’adda la siiyaa macluumaadka ay codsato oo la xiriira xogta juqraafiga, xogta rasmiga ah iyo xogaha ay dowladdu mas’uulka ka tahay;
t) In ay wargeliyaan markasta oo uu jiro isbedel la taaban karo oo ku dhacay
macluumadka la siiyey hay’adda;
j) In ay siiyaan, iyadoo aan wax abaal-xxxxx xx siinayn xogaha juqraafiga ama macluumaadka Istaatistikada ee dawladda sida ay u codsatay Hay’adda Istaatistikada; iyo
x) In ay u ogolaadaan hay’adda Istaatistikada ama sarkaalka loo idmaday nuqul, kh) iyadoo aan wax abaal-xxxxx xx lagu siinayn xogaha juqraafiga ama macluumaadka Istaatistikada ee dawladda.
9. Iyadoo ku xiran Qodobka 32aad ee Xeerkan Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada wuxuu heshiis la geli karaa:
b) Madaxa hay’adaha dawladda, iyadoo la tixgelinayo macluumaadka Istaatistikada ama xogta ay hay’adda dawlddu awood u leedahay in ay soo ururiso;
t) Xxx’ad kasta oo aan ahayn hay’adaha dawladda oo ku hawlan in ay ururiso xog
ama macluumaad Istaatistikada; iyo
j) Xxx’ad kasta, taasoo lala galay heshiis is-af-garad xx xxxx uu tilmaamayo Qodobka 32aadaad ee Xeerkan.
10. Heshiiska la xiriira faqradda (9) ee Qodobkan wuxuu ku xiran yahay xaaladaha soo socda:
b) Ururinta macluumaadka Istaatistikada waa in ay qabataa Hay’adda Istaatistikada Qaranka ama, wada qabtaan Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo hay’adaha dawladda ama hay’ado kale sida ku xusan faqradda (9) ee Qodobkan;
t) Sida ku xusan faqradda xxxxx xx (j) iyo Qodobka 32aad ee sharcigan, tiro- koobka ama macluumadka xxx xxxx waa in ay wadaagaan hay’adaha Istaatistikada daneeya ama uu la wadaagaa cidii kale oo sifa sharci ah ku soo codsatay;
j) Haddii xogta uu bixinayo qof jawaab-bixiye xx xxxx oo uu qoray Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada in uu diiddan yahay in aqoonsigiisa la sheego ama si fudud lagu aqoonsado, waa in macluumaadkaas si wanaagsan looga dhigaa qarsoodi ka hor intaan lala wadaagin hay’adaha kale;
x) Shaqaalaha dawladda ama hay’adaha xxxx xx lagu xusay faqradda (9) ee Qodobkan kuwaas oo ku hawlan xog-ururin wadajir ah oo uu la qabanayo hay’ado kale ama sida xogtaas lagu heli lahaa, waa in uu maraa dhaarta in xogta la qariyo taasoo la mid xx xxx lagu sheegay jadwalka (2) mar hore ha soo dhaarto ama yuusan dhaaran.
11. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada wuxuu:
b) Si xxxx xx u fuliyaa ama markuu helo codsi Golaha Maamulka uu dib-u-eegis ku sameyn karaa xog-ururinta, soo-saaridda, gorfeynta, galeynta, kaydinta, faafinta, turjumidda iyo isticmaalka xogta rasmiga ah ee Dawladda Federaalka iyo maamul-gobaleedyada; iyo
t) Markuu la tashado ka-dib madaxda hay’adaha dowladda daabacaya oo baahinaya tiro-koobka la ururiyey iyo faaqidaadiisa marka Agaasimaha Istaatistikada uu u xxxx in ay habboontahay.
Qodobka 49aad Heerarka Tayada
1. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada, markuu ogeysiiyo isla markaana lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda, wuxuu sameynayaa heerarka tayada la doonayo in lagu shaqeeyo ee Hannaanka Istaatistikada Qaranka oo dhan.
2. Heerarka tayada lagu xusay faqradda (1) ee Qodobkan waxay la xiriiraan:
b) Hannaanka kala-saaridda iyo caddeynta loo marayo habka loo dooranayo xogta rasmiga ah ee Istaatistikada dawladda;
t) Hababka dukumentiyada, macluumaadka iyo xogta loogu bedelayo xogta rasmiga ah ee Istaatistikada;
j) Hababka loogu sameynayo xogta Mugga-leh ee xogta rasmiga ah ee Istaatistikada;
x) Habka tayada leh ee la doonayo in xogta Istaatistikada loo ururiyo;
kh) Qaabka iyo nooca dukumentiga, macluumaadka iyo diiwaanka loogu talo-galay in lagu soo ururiyo xogta Istaatistikada
d) Dadka loo xilsaarayo in ay dukumentiyada iyo macluumdka soo ururiyaan iyo kuwa xogta macluumaadka laga soo ururinayo, waa in loo maraa habka loo ururiyo xogta Istaatistikada;
r) In la helo xog iyo macluumaad istaatistika ah oo ujeeddadiisuna tahay xxxxxxxx xxxxxxxxxxxx;
s) Shuruudaha iyo maamuuska waa in la raacaa ka hor inta aan la bixin xogaha yaryar si cilmi-baaris loogu sameeyo;
sh) Ilaaalinta kaydka xogta, oo ay ku jirto xogta Mugga-leh waa in loo kaydiyaa hab waafaqasan sharciga xogaha waaweyn lagu kaydiyo; iyo
dh) Xxxxx kasta oo lagama-maarmaan u ah in la sameeyo xog-ururin.
3. Si waafaqsan heerarka tayada ee lagu xusay faqradda (1) ee isla qodobkan, qof kasta oo ku xad-gudba heerarka tayada wuxuu mutaysanayaa ciqaab maamul oo Goluhu go’aamiyo.
Qodobka 50aad Kulamada Aqoonyahanada iyo Dadka Adeegsada Istaatistikada
1. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada waa inuu sannad kasta qabtaa kulan ay isugu imanayaan dadka adeegsada xogta Istaatistikada si dib loogu eego baahida ay u qabaan xogta rasmiga ah.
2. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada wuxuu la yeelan karaa kulamo xxxx xx aqoonyahannada Istaatistikada, soo saarayaasha Istaatistikada, dadka adeegsada Istaatistikada iyo daneeyayaasha xxxx, xxxxx ujeeddooyin waxbarasho oo iskood ah ama codsi ku filan, sida sharcigani qabo.
3. Shirarka ku xusan faqradda (1) iyo (2) ee isla qodobkan waxaa si xxxx xx loogu qabanayaa qaabka diyaarinta, xxxx-xxxxx iyo qiimeynta istaraatiijiyada horumarinta Istaatistikada ee ku xusan Qodobka 52aad ee sharcigan.
Qodobka 51aad
Idmashada Istaatistikada ee Xogta Rasmiga ah
1. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada wuxuu u shaacin karaa xogta rasmiga ah ee Istaatistika kasta ee ay soo ururiso soona saarto:
b) Hay’adda Istaatistikada, ama
t) Hay’ad kasta oo dawladda ka tirsan xxxxx xxxx-xxxxx xxxx sameeyo madaxa
hay’adda Istaatistikada.
2. Idmashada lagu xusay faqradda (1) ee isla qodobkan, waa in uu waafaqsanaadaa:
b) Ujeedooyinka Hannaanka Istaatistikada Qaranka iyo mabaadi’da lagu soo
sheegay Qodobka 5aad ee sharcigan; iyo
t) Xxxxx xxxx oo Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada u bixiyo heerarka tayada.
Qodobka 52aad
Dejinta Qorshaha Istaraatiijiyadda
1. Hay’adda Istaatistikada waa in ay sameysaa istaraatiijiyadda Qaranka ee horumarinta Istaatistikada taas oo qeyb muhiim ah ka ah Qorshaha Horumarinta Qaranka.
2. Hay’adda Istaatistikada waa in ay sameysataa istaraatijiyad u xxxx xx ee horumarinta istaatistikada taas oo koobeysa Istaatistikada iyo meelaha ay ku lug leedahay sida ku cad jadwalka 1aad ee sharcigan.
Cutubka 9aad
Faafinta iyo Faaf-reebka (confidentiality) macluumaadka Qodobka 53aad
Diidmada Bixinta Macluumaad
1. Macluumaadka iyo diiwaaanka la siiyey hay’adda, xogta ay ka helaan diiwaanka maamulka xogtaas oo ku saabsan shakhsi, qoys, hay’ad dawladeed ama la xiriirta ururo kale, lama oggola:
b) In la siiyo dhinac Saddexaad ama cid kale;
t) Qirasho cad dhegaysiga dacwad socota, xxxxx xxxx reebo ujeeddooyinka dacwad-dembiyeed sharcigan lagu qeexay; ama
j) In la siiyo hay’ad dawladeed ujeeddooyin aan Istaatistikada xiriir la lahayn.
2. Macluumaad ama kayd diiwaan laga helay shuruudaha sharcigan ku xusan lama daabici karo ama looma faafin karo hab oggolaanayo aqoonsiga qof xxxx xx, qoys ama urur, ilaa oggolaansho laga helo cidda ay khuseyso.
3. Faqraddaha sare ee (1) iyo (2) ee isla qodobkan laguma dabaqi karo dukumentiyo, macluumaad ama diiwaan ku saabsan qof, qoys ama urur haddii:
b) Xogta mar-hore la daabacay ama laga heli karo kaydka xogta shacabkuna ay heli karaan; ama
t) La bixiyey qoraal uu ku oggolaanayo in la daabaco oo la faafiyo xogta qof, qoys ama urur.
Qodobka 54aad Dhaarta Sir-qarinta
1. Qofka shaqaalaha ah ee qabanaya howlaha ku xusan sharcigan waa inuu maraadhaarta xafiiska iyo qarinta xogta lagu qeexay jadwalka 2aad, waana in
b) Qofka shaqaalaha ama heshiis gelaya uu ku hor dhaarto Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada;
t) Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada wuxuu ku hordhaaranayaa Guddoomiyaha Golaha Maamulka Istaatistikada;
j) Xubnaha Guddiyada Golaha Maamulka Istaatistikada waxay ku hor dhaaranayaan Guddoomiyaha Golaha Maamulka; ama
x) Xubnaha Golaha Maamulka Istaatistikada, waxay ku hor dhaaranayaan Wasiirka qaabilsan Hay’adda Istaatistikada sameyneysa, inta aysan shaqo bilaabin sida sharcigani qabo.
Qodobka 55aad
Faafinta iyo Awood-u-helidda Xogta
1. Xxxx xxxxxxxxxx xxxx xxx-xxxxxxxxxxxxx iyo soo-saarayaasha xogta Istaatistikada loo adeegsaday lacagta dawladda waa inay soo saaraan, faafiyaan, kana dhigaan mid ay heli karaan shacabka iyo dadka adeegsada Istaatistikada si waafaqsan Hannaanka Istaatistikada Qaranka iyo mabaadi’da Istaatistikada lagu sheegay Qodobka 5aad ee sharcigan.
2. Dhamman xog-soo-saarayaasha iyo ilaaliyeyaasha Istaatistikada waa in ay dejiyaan hab macluumaadka lagu heli karo muddo cayiman kana kooban tayada iyo in ay heli karaan dadweynaha:
b) Hababka iyo qaabka loo ururinayo loona soo saarayo Istaatistikada;
t) Dukumentiyada xogta rasmiga ah ee la heli karo; iyo
j) Arrimaha xxxx xx xiriirka la leh oo la sharraxay.
3. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada waa inuu, ka hor inta uusan bilaabmin Sannad- miisaaniyadeedka hay’adda uu soo bandhigaa tirada xogta la soo ururinayo sannadkaas.
4. Soo-saarayaasha Istaatistikada waxay sii deyn karaan in yar oo xog ah oo loogu talo-galay cilmi-baaris iyo gorfeyn dheeraad ah, Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada waa inuu xil xxxx xx iska saaraa ilaalinta iyo qarinta xogtaas, iyadoo ay ku jirto:
b) Xogta waa in aysan lahayn magacyo, cinwaano iyo wax kasta oo lagu aqoonsan karo qofka waraysiga bixiyey; iyo
t) Isticmaalayaasha xogta waa in la mariyaa dhaarta ilaalinta xogta oo la mid xx xxxxx ku xusan jadwalka 2aad ee sharcigan.
Cutubka 10aad Qodobada Guud Qodobka 56aad
Muunadda (Sample) Xogta Istaatistikada
1. Istaatistikada waxay xiriir la leedahay dhammaan inta lagu sheegay jadwalka 1aad ee Xeerkan, waxaana lagu soo ururinayaa habka muunadda marka laga reebo tiro- koobka guud ee dhammaan dadka la tirinayo, waxaana muunadda loo adeegsanayaa xxxxxx xxx xxxx in ay ku wanaagsan tahay.
2. Muunadda waxaa kale oo loo isticmaali karaa in lagu tijaabiyo in wareysi la qaado iyo habka wareysiga loo qaadayo inta aan la dhammeys tirin.
Qodobka 57aad
Awood-siinta iyo Waajibaadka Shaqada
1. Goluhu wuxuu si qoraal ah:
b) Ku siin karaa awood Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada ama howl-wadeennada xxxx xxxxxxx uu oggolyahay sharcigani; ama
t) U idman karaa howl xxxx xx Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada ama howl xxxxxx xxxx si waafaqsan sharcigan.
2. Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada wuxuu si qoraal ah oo waafaqsan sharcigan:
b) U siin karaa awood xxxx xx howl-xxxxxx xx xxxxxx Xxx’xxxx; ama
t) U idman karaa howl-xxxxxx xx xxxxxx xxxxxxxx inuu fuliyo shaqo.
3. Golaha Maamulka Istaatistikada ama Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada kama reebbana in uu ka joojiyo awoodda ama shaqo howl-xxxxxx xxxx, sida ku xusan faqradaha sare(1)iyo (2) ee Qodobkan, waxayna waqti kasta:
b) Ka noqon karaan ama dib-u- habayn ku sameyn karaan awoodaha iyo shaqooyinka ay qof u idmadeen; ama
t) Xxxxx oo aan ku xad-gudubayn xaquuqaha jira, waxay ka noqon karaan go’aan
ay hore u qaateen si waafaqsan awoodaha uu siinayo sharcigani.
Qodobka 58aad
Xad-gudubyada La Xiriira Hay’adda Istaatistikada
1. Qof kasta oo ka shaqeeya xafiiska Hay’adda Istaatistikada wuxuu gelayaa xad- gudub haddii:
b) Qofka shaqaala ah macluumaadka uu hayo oo saameeyn ku leh qiimaha suuqa, hanti ama wax-soo-saar, uu ku dhex faafiyo dadweynaha ama uu kaga faa’iidaysto danihiisa gaarka ah;
t) Oggolaansho la’aan uu faafiyo ama gaarsiiyo qof kale xogtii uu shaqadeeda
hayey sida sharcigani qabo;
j) Uu u adeegsado awooddiisa shaqada xafiiska, inuu sameeyo wax ka hor imanaayo ama ku guul-daraysto inuu fuliyo, sida ku cad jadwalka 2 ee sharcigan;
x) Uu sameeyo baaritaan xog sida uu sharcigani qabo isagoo qofkaasi uusan lahayn awood loogu oggolaaday inuu howshaas fuliyo;
kh) Uusi toos uga hor-istaago Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada ama shaqaale howl loo idmaday in ay howshooda gutaan si waafaqsan sharcigan;
d) Uu si toos ah u diido ama dayaco inuu ku gudbiyo macluumaad waqtigii loo cayimay ama uu diido inuu ka jawaabo baaritaan isaga lagu hayo si sharcigan waafaqsan;
r) Uu ka bixiyo caddeymo aan run ahayn jawaabaha baaritaannada lagu sameynayo;
s) Uu si toos ah u burburiyo ama u baabi’iyo galalka ay ku jiraan macluumaadka la
xxx xxxxxxx, si baalmarsan sharcigan;
sh) Uusan xaq u lahayn in uu qaado xog ama u gudbiyo macluumaad qof kale, xxxxxx og in falkaasi liddi ku yahay xxxxxxxxx; ama
dh) Uu faafiyo ama siiyo macluumaad qof kale, si toos ah ama si dadban, xxxxxxx oo liddi ku ah sharcigan.
Qodobka 59aad
Ciqaabta Lagu Mudan Karo Xad-gudubyada
1. Qofka lagu helo xad-gudubyada ku tilmaaman Xxxxxxx 58aad ee sharcigan, wuxuu mutaysanayaa ciqaabta hoos ku xusan:
b) Labo bilood ayaa shaqada laga joojinayaa iyo ganaax aan ka badneeyn hal bil mushaar ama gunno; ama
t) Shaqada ayaa laga saarayaa ama ganaax dhan labo bilood oo mushaar xxxxx xx, iyada oo wixii ciqaab xx xxx marayo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, haddii Guddigu u xxxx in uu xad-gudubku culus yahay.
Qodobka 60aad Xogaha La Xiriira Siyaasadda
1. Qofna kuma qasbana, sharcigan dhexdiisa, in uu bixiyo macluumaad la xiriira arrimaha siyaasadda dalka ama Hay’ad uu ka shaqeeyo.
2. Sarkaalka loo idmado inuu xog soo ururiyo waa inuu u sharraxaa qofka uu wareysanayo habraaca ku xusan faqradda (1) ee isla qodobkan, inta uusan bilaabin wareysiga.
Qodobka 61aad Xeer-nidaamiyeyaal
1. Golaha Maamulka, isagoo la tashanayo Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada, wuxuu dejin karaa xeer-nidaamiyeyaal lagu dhaqan-gelinayo sharcigan, sida:
b) Arrin kasta oo Goluhu u xxxx in ay muhiim u tahay qabsoomidda Istaatistikada guud ee Soomaaliya;
t) Xog-ururin kasta oo aan ahayn Istaatistikada guud sida ku cad faqradda 1(b) ee isla qodobkan;
j) Qiimeyn uu ku sameeyo adeegyada iyo wax-soo-saarka hay’adda;
x) Wax-ka-beddel uu ku sameeyo jadwalka (1) ee sharcigan;
kh) dejinta qiimaha ay mudan tahay ee lagu qaadan karo xogaha hay’adda;
d) Xxxxx kasta oo looga baahan yahay oggolaanshaha sharcigan oo leh sharaxaad; iyo
r) Wax kasta oo Goluhu u xxxx in ay lagama-maarmaan u tahay in loo sameeyo Xeer- nidaamiyeyaal, si loo gaaro ujeeddooyinka la higsanayo.
2. Xeer-nidaamiyeyaasha lagu xusay faqradda (1) ee isla qodobkan, waxay noqon karaan kuwo xxxxx xil-gudasho-xumo haddii xx xxxxx waayo, taas oo lagu mutaysan karo ganaax lacageed oo uu go’aamiyo Goluhu.
Qodobka 62aad Lifaaqa Sharciga
1. Sharcigani wuxuu yeelanayaa sida uu tilmaamayo Qodobka 61aad xeer- nidaamiyeyaal iyo Jadwalo kuwaas oo u noqonayo sharcigan lifaaq.
Qodobka 63aad
Xxxx’in
1. Sharcigani wuxuu baabi’inayaa dhammaan shuruucda ka hor-imaanaysa sharcigan ama aan la socon xxxxx.
Qodobka 64aad Dhaqan-gal
1. Sharcigani wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha JFS, islamarkaana lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda.
Jadwalka 1aad ee Sharcigan:
Xxxxxxxx Xxx Xxxxxx Uu U Xilsaaran Yahay in Xx Xxx Xxxxxxxxx, Xxx Xxxxx Xxx Xxxxxxx Xxxxxxxx Hay’adda Istaatistikada
Qeybta 1aad
1. Istaatistikada guud
2. Macluumaadka dadka iyo bulshada
3. Macluumaadka dad xxxx xxxx xx xxx
4. Istaatistikada dadweynaha;
i. Tiro-koobka dadweynaha
ii. Istaatistikada kooxo dad ah oo si gaar xx xxx tixgelinayo
5. Istaatistikada guryaha;
i. Tiro-koobka guryaha dadweynaha
ii. Tiro-koobka guryaha kale
Qeybta 2aad
1. Istaatistikada shaqaalaha
2. Istaatistikada waxbarashada iyo tababarada
3. Istaatistikada dhaqanka iyo faafinta saxaafadda
4. Istaatistikada dakhliga iyo kharashaadka qoyska iyo xadadkooda kala duwan
5. Istaatistikada ilaalinta bulshada
6. Istaatistikada caafimaadka
7. Istaatistikada jinsiga
8. Kuwa xxxx xx arimaha bulshada laxiriira macluumadka Istaatistikada.
Qeybta 3aad
1. Istaatistikada dhaqaalaha
2. Xisaabaadka Qaranka
3. Istaatistikada Beeraha iyo Xoolaha
4. Istaatistikada keymaha iyo kalluumeysiga
5. Istaatistikada warshadaha
6. Istaatistikada tamarta
7. Istaatistikada dhismayaasha
8. Istaatistikada ganacsiga
9. Istaatistikada ganacsiga caalamiga;
i. Ganacsiga alaabta
ii. Ganacsiga adeegga
10. Istaatistikada gaadiidka
11. Istaatistikada isgaarsiinta
12. Istaatistikada dalxiiska
13. Istaatistikada adeegyada la qabto
14. Istaatistikada lacagta, maaliyadda iyo caymiska
15. Istaatistikada canshuurta
16. Istaatistikada haraaga lacagta la bixiyo
17. Istaatistikada qiimaha:
b) Qiimaha badeecadaha t)Qiimaha wax soo saarka
18. Istaatistikada cilmiga sayniska iyo tiknoolijiada
19. Istaatistikada kaabayaasha
20. Istaatistikada xxxx xx dhaqaalaha.
Qeybta 4aad
1. Istaatistikada kheyraadka dabiiciga iyo deegaanka
2. Istaatistikada kheyraadka dabiiciga iyo xisaabta degaanka
3. Istaatistikada saadaasha hawada
4. Istaatistikada dhulka la adeegsado.
Jadwalka 2aad ee Sharcigan Dhaarta Xilka Xafiiska iyo Ilaalinta
Xogta
1. Qofka dhaaranaya wuxuu marayaa dhaartan hoos ku xusan:
a) “Anigoo ah (Magaca), Xilkaygu yahay (Xilka), waxaan halkaan ku dhaaranayaa magaca ilaahey in aan si daacadnimo ah u guto shaqadeyda dhowrana shuruucda dalka, aanna xaqiijiyo inaan raaco waxa uu qabo Sharciga Istaatistikada, 2017 (Xeer Lr. xxx), aanan sameynin wax aanan u haysanin ogolaansho qoraal ah oo an xx xxxxx Wasiirka, Gudoomiiyaha Golaha Maamulka iyo Agaasimaha Xafiiska Istaatistikada waxaana bixin doonaa macluumaad aan aqoon uleeyahay in ay tahay shaqadeyda.
Wabillahi Towfiiq.
b) Qofka dhaaranaya wuxuu bixinayaa saxiix, magac buuxa oo taariikheysan. Dhaarta waxaa lagu hor saxiixayaa Agaasimaha Istaatistikada, Guddoomiyaha Golaha Maamulka Hay’adda iyo Wasiirka.