Contract
Xafiiska Adeegyada Naafanimada Korriinka ee Oregon |
Wax ka beddelka Maamulka Kiiska ee loogu talagalay dadka reer Oregon ee qaba Naafanimada Maskaxda iyo Korriinka |
Abriil 2022
Soo Koobidda Maamulka (Luqad Cad) 2
Guudmarka Talooyinka Qorshe Dejinta (Luqad Cad) 3
Maamulka Kiiska ee Oregon: Taariikhda Kooban iyo Sooyaalka
10
Kooxda Qorshe Dejinta Maamulka Kiiska: Qaabka wax loo wajahayo
11
Qaabka Talooyinka Qorshe Dejinta
14
Hirgelinta Isbeddelka Guud ee dhanka Maamulka Kiiska
15
TALOOYINKA: XXXXXXXXX, UJEEDOOYINKA IYO ISTIRAATIJIYADAHA
16
HADAFKA #1, AWOODEED XXX XXXX 16
HADAFKA #2, XXXX XXXXXXXX XXX HELITAAN 19
HADAFKA #4, QOFKA KU SALEYSAN 22
HADAFKA #5, XXXXXXX XXXXXXXXXXXX/WADA XIRIIRKA 23
HADAFKA #6, KU LUG YEELASHADA 24
HADAFKA #7, WAXQABADKA, TAYADA IYO ILAHA 25
LIFAAQA A: Xxxxxxx Xxxxxx Xxxxxx Xxxxxxx (2019-2022)
27
LIFAAQA B: Natiijooyinka ka socda Ra’yi Ururinta Dhanka Internet-ka, 2021 28
LIFAAQA C: Jawaab celinta kooxaha bulshada, 2021 45
LIFAAQA D: Warbixinta Ka qayb xxxxx Daneeyaha Maamulka Kiiska, 2019 60
LIFAAQA E: Falanqeynta Maamulka Kiiska I/DD ee Oregon, 2020 128
Qiridda
Xxxxxx Xxxxx, Xxxxxxxxxx Xxxxxxxx Xxxxxxxxxxx, ayaa diyaarisay, warbixintani kama dambeysta ah iyada oo ah dokumentiyada fikradaha iyo talooyinka Kooxda Shaqada ee Qorshe Dejinta ee ku saabsan dib u habaynta maamulka kiiska. Waxaanu jeclaan lahayn in aanu u mahadcelino ka qayb qaatayaasha Kooxda shaqada ee waqtigooda, dadaalkooda, ka qayb qaadashadooda niyad samida leh, fikradahooda laga sii fikiray, iyo dulqaadkooda intii lagu jiray dib u dhacyadii cudurka baahsan. Intaasi waxaa xxxxx, waxaan muujinaynaa mahadnaq ku aadan Xxxxxxx iyo Xxxx Xxxxxx oo ka socda ODDS ee taageerida ka qayb galkan daneeyaha ee muhiimka ah iyo horumarinta talooyinkani Kooxda shaqada. Ugu dambeyntii, shaqadani suurtagal ma noqoteen iyada oo uusan jirin fududaynta wanaagsan iyo xirfadaha dhanka wax dhageysiga ee Xxxxxxx Xxxxxxxx ee Taageerada Horumarinta Shaqaalaha, iyo Xxxxx Xxxx.
WARBIXINTA TALOOYINKA KOOXDA QORSHE DEJINTA, ABRIIL
Soo Koobidda Maamulka (Luqad Cad)
Kooxda Qorshe Dejinta *Maamulka Kiiska waxaa abuuray Xafiiska Adeegyada Naafanimada Koriinka (ODDS) ee Oregon sanadkii 2019 si loo sameeyo talo soo jeedin ku saabsan sida loo wanaajiyo maamulka kiiska. Waxaa ku jira dadka qaba naafanimada, xubnaha ka tirsan qoyska, dadka ka shaqeeya maamulka kiiska, dadka wax u dooda iyo daryeel bixiyayaasha.
Kooxda shaqada ee Qorshe Dejintu waxay waqti badan ku bixisay eegida xogta iyo macluumaadka, oo ay ku jirto warbixinta ku saabsan sida dadka reer Oregon ee hala taageerooyinka iyo qoysaskoodu u arkaan maamulka kiiska. Waxay kulmeen tobban jeer sanadkii 2019, iyaga oo ka hadlayay waxa shaqeeya iyo waxa aan shaqeynayn marka la eego maamulka kiiska ee loogu talagalay dadka qaba naafanimada maskaxda iyo korriinka. Waxay isku keeneen liis xxxxx oo ka kooban fikrado wax lagu hagaajinayo. Waxay isku raaceen in gobolku u baahnaa isbeddel weyn si gacan looga geysto in maamulka kiiska laga dhigo mid wanaagsan, oo loo yaqaano dib u habaynta “isbeddel xx xxx”.
Kooxda shaqadu waxay la yimaadeen toddoba hadaf oo maamulka kiiska lagaga dhigayo mid wanaagsan. Waxay sidoo kale sameeyeen talo soo jeedin ku saabsan waxa ay yihiin noocyada isbeddel ee gacan ka geysan kara in la gaaro hadafyadaasi, oo loo yaqaano “objectives,” fikradaha loogu talagalay tallaabooyinka, oo loo yaqaano “strategies.” Qaar ka mid ah fikradahani waa in ay dhammeystirtaa ODDS gobolka oo dhan, iyada oo fikradaha kale ay ka dhici xxxxxx xxxx degaan. Talo soo jeedinta waxaa ku jira fikrado waaweyn oo qaadan doona waqti dheeraad ah, iyo fikradaha qaarkood oo fudud oo dhici kara isla markiiba.
Iyada oo sababtu ahayd cudurka baahsan ee COVID-19, waxaa jiray dib u dhac ku yimiday fikradaha laga helo dadka kale xx xxx markii kooxda shaqadu ay dhammeystireen qoraalkoodii qabyada ahaa horraantii 2020. Sanadkii 2021, waxaa jiray ra’yi ururinta dhanka internet-ka ee bulshada, iyada oo qaar ka mid kooxaha degaanka ee qoysaska iyo dadka qaba naafanimadu ay sidoo kale kulmeen si ay uga hadlaan talooyinka iyo bixinta jawaab celintooda. Inta badan dadka bixiyay jawaab celintu waxay ku raaceen talooyinkii laga helay kooxda shaqada. Si kastaba ha ahaatee, ma aysan jirin dad ku filan oo qaba naafanimo oo dhiibtay fikirkooda ku saabsan talooyinka la soo jeediyay.
Waa muhiim in la ogaado in fikradahaasi ay yihiin talooyinka kooxda shaqada, ee aysan ahayn go’aano. Wixii tallaabooyin ah ee gobolku go’aansado in uu sameeyo waxay u baahnaan doonaan jawaab celin dheeraad oo laga helo dadka qaba naafanimada iyo daneeyayaasha kale.
Febraayo iyo Maarso 2022, Kooxda Qorshe Dejinta ayaa kulantay is ay u dhammeystirto talooyinka. Boggaga soo raaca, waxaa jira talooyinka faahfaahsan oo badan oo Kooxda Qorshe Dejinta rajeynayso in ay u beddesho ficil Oregon dhexdeeda.
*Maamulayaasha Kiiska ee ka jira Oregon waxaa loo yaqaanaa “Service Coordinators” iyo “Personal Agents.” Si wax loo fududeeyo, warbixintani waxay isticmaashaa kalmada hay’ada maamulka kiiska “case management entity” oo loogu talagalay ururada halka ay maamulayaasha kiisku ka shaqeeyaan iyada oo maamulaha kiiska “case manager” tahay in uu matalo dadka u adeega doorkaasi.
Guudmarka Talooyinka Qorshe Dejinta: Luqad Cad
HADAFKA #1, Awoodeed Iyo Tayo: Maamulayaasha kiisku oo dhan waxay haystaan waqti iyo awood labadoodaba ay diirada ku saaraan dhinacyada wada xiriirka ee lagu taageerayo dadka qaba I/DD iyo qoysaskooda; maamulayaasha kiisku waa kuwo la heli karo, aqoon leh oo jawaab bixiya.
Maxay xxxx xx dhigan tahay?
o Maamulayaasha kiiska oo dhan waxay haystaan waqti ku filan iyo waxyaabo diiradda la saaro ogaanshaha iyo fahamka dadka ay taageeraan.
o Maamulayaasha kiiska oo dhan ee la heli karo, waxay og yihiin waxyaabo u muhiim u ah in shaqada si wanaagsan loo qabto, oo dadka si degdeg ah loogu laabto markay wax ka maqlaan macaamiishooda ama qoysaskooda.
• Maxay yihiin nooca fikrado ee ku jira talooyinka?
o Xaqiijinta in xeerarka iyo siyaasadaha gobolka ee loogu talagalay maamulayaasha kiisku ay diiradda saarayaan xiriirka u dhexeeeya maamulayaasha kiiska iyo dadka qaba I/DD.
o U kala caddeynta qof kasta ee waxay ay maamulayaasha kiisku ahayd in ay qabtaan (waxa doorkoodu yahay.)
o Ka caawinta maamulayaasha kiiska in ay waqti badan ku bixiyaan caawimaada dadka ay taageeraan iyo waqti yar oo ay ku bixiyaan warqadaha.
o U oggolaanshaha maamulayaasha kiiska iyo macaamiisha in ay go’aansadaan sida ay rabaan in ay u wada shaqeeyaan.
o Xaqiijinta in maamulayaasha kiisku haystaan waxyaabaha ay u baahan yihiin ‘tools’ iyo caawimaada ay u baahan yihiin si ay u qabtaan shaqo wanaagsan.
o Wax ka soo saarida doorka maamulaha kiiska iyo in loo beddelo adeegyo.
o Bixinta tababar wanaagsan oo loogu talagalay maamulayaasha kiiska si ay u qabtaan shaqo wanaagsan. Xirfadahooga tusaan gobolka.
o Xaqiijinta in maamulayaasha kiisku faham wanaagsan ka haystaan aragtida iyo qiimaha nidaamka I/DD ee Oregon, oo ay ku jiraan madax bannaanida qof ahaaneed iyo kala doorashada.
o Soo koobida tirada dadka ee maamulaha kiiska oo kastaa taageero.
o Xaqiijinta in dadku haystaan qorshayaal beddel ah haddiiba ay dhibaato timaado.
Guudmarka Talooyinka Qorshe Dejinta: Luqad Cad
HADAFKA #2, Kala doorasho iyo Helitaan: Dhammaan dadka helaya taageerada I/DD (oo ay ku jiraan carruurta iyo dadka dooranaya goobo xx xxxxx yahay) xxxxx xxxxxxxxx kala doorasho macno leh oo la dooranayo hay’ada maamulka kiiska oo tayo leh iyo helitaanka adeegyada maamulka kiiska oo aqoon leh, oo waafaqsan baahiyahooda qofka iyo waxyaabaha ay doorbidayaan – iyada oo aan la eegayn da’da, nooca adeeg, juqraafi – arrimo hadda xaddidaya kala doorashooyinka maamulka kiiska).
• Maxay xxxx xx dhigan tahay?
o Dhammaan dadka qaba I/DD (oo ay ku jiraan carruurta iyo dadka ku nool goobaha daryeel bixiyaha sida guryaha koox ahaanta loo xxxxx yahay, guryaha dadka lagu hayo iyo barnaamijyada nolosha la taageero) waxay leeyihiin kala doorasho dhab ah marka ay noqoto maamulayaasha kiiska iyo hay’adaha maamulka kiiska xx xxxx wanaagsan ugu shaqeeya iyaga, iyada oo aan la eegayn halka ay ku nool yihiin ama adeegyada ay helaan.
• Maxay yihiin nooca fikrado ee ku jira talooyinka?
o Xaqiijinta in qof kasta yeesho ugu yaraan laba bixiyayaasha maamulka kiiska ah oo la kala dooranayo, iyada oo aan la eegayn halka ay ku nool yihiin ama adeegyada ay helaan.
o Xaqiijinta in dadku ay dooran karaan hay’ada maamulka kiiska oo dadka qaba naafanimada iyo qoysasku ay gacanta ku hayaan.
o La shaqeynta daneeyayaasha, eegista inta dad ah xx xxxxx kasta helaya adeegyo iyo taageerooyin, iyo isbeddel lagu sameeyo tirada hay’adaha maamulka kiisa oo ku saleysan macluumaadkan iyo jawaab celintani.
o Xaqiijinta in dadku fahamsan yihiin sida loo doorto maamule kiis cusub.
o Abuurista nidaamka dadka u wanaagsan oo xxx xxxxxxx leh “front door” oo dadka u fududeeya in ay raadiyaan oo helaan taageerooyin. Xaqiijinta in nidaamkani laga dhigo mid dhexdhexaad ah “neutral” ee ka caawinta dadka in ay helaan maamulka kiiska ee ay u baahan yihiin ee ay rabaan.
Guudmarka Talooyinka Qorshe Dejinta: Luqad Cad
HADAFKA #3, Sinnaanshaha: Dhammaan dadka qaba I/DD, oo ay ku jiraan, carruur iyo qoysaskooda, iyo dadka ka soo jeeda bulshooyin iyo aqoonsiyo kala duwan, in ay helaan adeegyada maamulka kiiska oo loo wada siman yahay oo dhaqan ahaan iyo luqad ahaanba wax jawaabta u noqonaya oo ixtiraam leh.
• Maxay xxxx xx dhigan tahay?
o Dhammaan dadka qaba I/DD (iyo qoysaskooda) waxay la shaqeeyaan maamulayaasha kiiska oo fahamsan, taageera oo ixtiraama asalkooda, dhaqankooda, xxxxxxxxxx, dareenkooda xxxxx, luqaddooda, xx’xxxxx, marxaladooda nololeed iyo xaalada qoyskooda.
• Maxay yihiin nooca fikrado ee ku jira talooyinka?
o Dejinta kooxda daneeyayaasha si ay u eegaan haddii ay tahay fikrad wanaagsan in la yeesho kala doorashooyin maamulka kiiska iyo xeerar loogu talagalay carruurta, si diiradda loo saaro la shaqeynta arrrimaha qoysaska iyo carruurta.
o Xaqjiinta in carruurta iyo qoysaskoodu lahaadaan taageerooyin la iskula dubariday dugsiyada iyo nidaamyada xxxx xx carruurta.
o Xaqiijinta in maamulayaasha kiisku haystaan waxyaabaha ay u baahan yihiin ‘tools’ si ay ula shaqeeyaan dadka oo dhan, oo ay ku jiraan macluumaadka gobolka iyo degaanka oo ku qoran luqaddo kala duwan, iyo tababaro wax lagaga qabanayo kala duwanaanshaha.
o Dejinta urur shaqaaleysiiya dadka leh waayo-aragnimo nololeed oo kala duwan oo maamulayaasha kiiska ka caawin kara in ay qabtaan shaqo wanaagsan, oo ay ku jiraan dadka qaba naafanimo, dhaqan, isir, luqaddeed, jinsi iyo aqoonsiga jinsi ahaaneed oo kala duwan.
Guudmarka Talooyinka Qorshe Dejinta: Luqad Cad
HADAFKA #4, Qofka Ku Saleysan: Dhammaan dadka qaba I/DD iyo qoysaskoodu waxay awoodaan in ay helaan taageerada qofka ku saleysan oo runtii ka turjumaya baahiyahooda, waxa ay doonayaan iyo kala doorashadooda, iyada oo ay jiraan taageero laga helayo hay’adaha maamulka kiiska oo aqoon fiican u leh fikirka iyo qorsheynta qofka ku saleysan.
• Maxay xxxx xx dhigan tahay?
o Dhammaan dadka qaba I/DD waxay la shaqeeyaan maamulaha kiiska oo runtii fahamsan waxa muhiimka u leh iyaga iyo waxa muhiimka u ah iyaga.
o Maamulayaasha kiiska waa kuwo la tababaray, runtiina way og yihiin, fikirka qofka ku saleysan, oo ay ku jiraan sida loo xaqiijiyo in qofka helaya taageerooyinku uu maamulayo nidaamka iyo qorshihiisa.
• Maxay yihiin nooca fikrado ee ku jira talooyinka?
o Isbeddelka nidaamka Qorshaha Taageeradooda Shakhsi (ISP) si looga dhigo mid aad diiradda u saaraya dadka oo wax yar diiradda la saaro warqadaha iyo foomamka.
o Isbeddelka nidaamka ISP si loo xaqiijiyo in dadka qaba I/DD ay leeyihiin nidaamkooda iyo qorshahooda u gaarka ah “own”, oo uu maamulo qofka qaba I/DD.
o Tababarka maamulayaasha kiiska ee fikirka iyo qorsheynta qofka ku saleysan
o Dhisida dabacsanaan dheeraad ah si maamulayaasha kiisku ay ula shaqeyn karaan dadka goorta, iyo meesha iyo sida ay ugu shaqeynayso dadka qaba I/DD (oo ay ku jiraan kuwa ka baxsan 9-5.)
o Eegista siyaabo loo dhimi karo warqadaha.
Guudmarka Talooyinka Qorshe Dejinta: Luqad Cad
HADAFKA #5, Macluumaadka iyo Wada Xiriirka: Dhammaan dadka qaba I/DD iyo qoysaskoodu waxay awoodaan in ay helaan oo xxxxxxx macluumaadka ay u baahan yihiin, waxayna heli karaan kala doorasho dhanka wada xiriirka oo dabacsan isla markaana hufan oo buuxinaya baahiyahooda.
• Maxay xxxx xx dhigan tahay?
o Dhammaan dadka qaba I/DD (iyo qoysaskoodu) waxay si fudud u heli karaan oo xxxxx xxxxxx macluumaadka ay uga baahan yihiin taageerooyinka.
o Dadka oo dhan waxay maamulahooda kiiska xiriir ula sameyn karaan siyaabo buuxinaysa baahiyahooda gaarka ah.
• Maxay yihiin nooca fikrado ee ku jira talooyinka?
o Sameynta “Qorshaha Khariidadeed” oo si fudud loo akhrin karo oo ku saabsan taageerooyinka I/DD ee Oregon.
o Sameynta macluumaad ku saabsan waxa maamulayaasha kiisku qaban karaan, aysan qaban xxxxx, oo qof kastaa heli karo.
o Raadinta meelo kale iyo siyaabo dadka lagula wadaago macluumaad – kaliya aan la sii marin maamulaha kiiska.
o Sameynta website xxx xxxx wax laga helayo “one-stop” ee macluumaadka daryeel bixiyaha (halkii ay ka noqon lahayd website-yo kale duwan) halkaasi oo dadka qaba I/DD, qoysaska, iyo maamulayaasha kiisku ay raadin karaan adeeg bixiyayaasha (labada hay’adoodba iyo PSW-yada.)
o Gadashada nidaamka elektaroonikada ah oo la heli karo oo u oggolaada dadka qaba I/DD iyo qoysasku in ay helaan ISP-yada ay leeyihiin, la xiriiraan maamulayaasha kiiska, oo kooxahooda oo dhan macluumaad kula wadaagaan hab u shaqeynayna qofka iyo qoyskiisa.
o Beddelaada ereyada ku jira siyaasadaha I/DD iyo wada xiriirka si ay uga turjumaan qiimaheena. (Tusaale, meesha ka saarista ereyada sida adeeg bixiyaha “attendant care” iyo in wax badan diiradda la saaro ka mid noqoshada bulshada “community inclusion.”)
Guudmarka Talooyinka Qorshe Dejinta: Luqad Cad
HADAFKA #6, Ku lug yeelashada: Tayada iyo la xisaabtanka ka qayb qaadashada daneeyaha bulshada ee dhanka isbeddelka nidaamka gobolka iyo in nidaamyada go’aan gaarida si joogto xx xxx taageero.
• Maxay xxxx xx dhigan tahay?
o Gobolka ayaa xaqiijiya in dadka qaba I/DD, qoysaska iyo daneeyayaasha kale ay yeeshaan fursad cadaalad ah oo laga taageero in ay ku lug yeeshaan go’aanada siyaasadda ee iyaga saameeya.
• Maxay yihiin nooca fikrado ee ku jira talooyinka?
o Dejinta xeerar iyo shuruudo loogu talagalay kooxaha shaqada ee daneeyayaasha ah si loo xaqiijiyo in dadku ogyihiin waxa dhacaya.
o Xaqiijinta in dadka lagu taageero in ay ka qayb qaataan.
o Xaqiijinta dadka qaba I/DD ee aanan codkooga had iyo jeer la maqal yeeshaan fursad ay kaga qayb qaataan, oo ay ku jiraan dadka qaba I/DD iyo waayo-aragnimo nololeed oo kala xxxxx xxxx xxx la’aanta, naafanimada caafimaadka dhimirka, dadka dhaqamada kala duwan ka soo jeeda iyo waxyaabo badan.
Guudmarka Talooyinka Qorshe Dejinta: Luqad Cad
HADAFKA #7, Waxqabadka, Tayada Iyo Ilaha: Waxqabadka maamulka kiiska iyo is waafajinta lacag bixinta iyada oo hadafku qofka ku saleysan yahay.
• Maxay xxxx xx dhigan tahay?
o Gobolka ayaa lacagta adeegyada maamulka kiiska u bixiya hab cadaalad ku dhisan oo wax ka qabta baahiyaha kala duwan.
o Gobolka ayaa eega sida hay’adaha maamulka kiisku wax u wadaan iyada oo inta badan ku saleysan sida ay dadka ay taageeraan wax ugu socdaan.
• Maxay yihiin nooca fikrado ee ku jira talooyinka?
o Xaqiijinta in hay’adaha maamulka kiisku qandaraas toos ah la yeeshaan gobolka.
o Beddelka sida uu gobolku u eego tayada maamulka kiiska una go’aansado cidda qabanaysa shaqo wanaagsan – xaqiijinta in la eegayo sida dadka qaba I/DD wax ugu socdaan.
o Xaqiijinta dhaqaalaha loogu talagalay maamulka kiiska uu cadaalad ku dhisan yahay oo wax ka qabta baahiyaha kala duwan.
o Joojinta xukimada maamulayaasha kiiska ee ku saleysan tirinta inta jeer ee ay qof la hadlaan ama fiiro xxxx xx u yeeshaan haddii maamulaha kiisku qof qaba I/DD ka caawinayo in uu gaaro hadafkiisa.
Maamulka Kiiska ee Oregon: Taariikhda Kooban iyo Sooyaalka
Qiimaha muhiimka ka mid noqoshada, iyo madax bannaanida qof ahaaneed, kala doorashada, ee qofka ku saleysan ayaa aasaas u ahaa nidaamka taageerida bulshada ee Oregon ee loogu talagalay dadka qaba naafanimada maskaxda iyo korriinka (I/DD) muddo ka badan labaatan sano, tan iyo markii xallinta dacwada ee Staley1. Sanadkii 2001, qaab-dhismeedka maamulka kiiska xx xxxxx jira ee adeegsanayo Barnaamijyada Naafanimada Korriinka Bulshada (CDDP-yada), Hay’adaha Adeegyada Taageero ayaa la aasaasay si taageerooyin gaar xx xxx siiyo dad kala duwan oo helaya adeegyo kala duwan oo ka jira goobo kala duwan.
Maamulka kiisku waa qayb muhiim ah oo ka tirsan nidaamka I/DD ee Oregon, iyo meesha u horreysa ee qiimahaasi muhiimka ah ay tahay in si cad loo qeexo, la fahmo loona taageero. Haddii uu bixiyo Isku duwaha Adeega ee u shaqeynaya CDDP ama barnaamijka Adeegyada Carruurta ee Guriga Dhexdiisa ee Ballaaran, ama Wakiilka Shakhsiyeed ee loogu talagalay Hay’ada, maamulayaasha kiisku waxay bixiyaan helitaan, macluumaadka, isku duwid, wax hagis, kormeer iyo u doodis iyaga oo matalaya dadka ay taageeraan.
Sanadkii 2013, nidaamka bixinta adeega ee Oregon ayaa si weyn isku beddelay. Laba isbeddel oo weyn ayaa dhacay:
• Ku darista Kala doorashada Community First Choice (the “K Plan”) ee ballaariyay helitaanka adeegyada loogu talagalay dadka waaweyn ee u qalma iyada oo la adeegsanayo qorshaha gobolka ee Medicaid (halkii uu ka noqon lahaa wax ka iska dhaafid) iyo lagu aasaasay qaabka “agency with choice” ee meesha ka saaray maamulka miisaaniyada buuxa ee qaabka qofku is- jihaynayo ee hore looga heli karayay Taageerada Wax Iska dhaafida, iyo
• Sameynta dariiqada u qalmida oo loogu talagalay carruurta qabta I/DD ee buuxiyay heerka daryeelka hay’adeed si la iskaga dhaafo dakhliga waalidka (ee ka baxsan tirada yar ee boosaska ee ka tirsan qaabka iska dhaafida oo loogu talagalay carruurta ee qabta baahiyaha taageerada oo aad u sareeya), oo albaabka u furaya koror weyn ee dhanka isqoritaanka carruurta ka soo jeeda qoysaska leh dhammaan heerarka dakhli.
Isbeddelani nidaamka adeega ayaa keenay korodh la taaban karo iyo isbeddelo weyn oo ku yimaada nidaamka I/DD ee Oregon.
Intani waxaa xxxxx, xxxxxxxx dheeraad ah iyo isbeddelada barnaamijka ayaa dhacay kuwaasi oo gaarsiisnaa heerka gobolka iyo federaalka labadoodaba, oo ay ku jiraan isbeddelo lagu sameeyo qiimeynta shaqeynta ee ODDS, shuruudaha cusub oo looga baahan yahay shaqada sida uu dhigayo Xeerka Nidaamka Caddaalada ah ee Shaqada, heshiisyada gorgortanka oo wada jira oo cusub oo ka dhex jira nidaamka bixinta HCBS, hirgelinta nidaamka lacag bixinta gobolka ee cusub (eXPRS), oo ah wax xallinta shaqada la xiriirta xx Xxxxxxxx ee loogu talagalay dadka qaba I/DD, iyo xeerarka cusub ee federaalka iyo adeegyada guriga iyo bulshada ku saleysan oo ka socda Xarunta Adeegyada Medicare iyo Medicaid (CMS). Tirada isbeddelada adag ee ku dhacay muddo yar oo kooban ayaa fursad yar u dhaaftay dib uga fikirka maamulka kiiska. Iyada oo taasi laga jawaabayo, dadka iyo nidaamyada la qaatay. Maamulka kiiska ayaa si tartiib-tartiib ah horumar u sameeyay, iyada oo uusan jirin in si xoog leh diiradda loo saaray xaqiijinta in qiimaha muhiimka ah ay si joogta ah uga turjumayeen bixinta maamulka kiiska, iyada oo tirada dadka la taageero ay ku dhawaad laba jibaarantay oo uu qaabka adeeg bixinta tooska ah oo kala duwani soo baxay.
1 Xxxxxx x. Xxxxxxxxx, No. 00-cv-78 (D.Or. Oct. 30, 2000). xxxxx://xxxxxx0.xxxxxxxxxxx.xxx/xxxxxx/0x000xx0xx0x0x000000x00x/x/00x00000xx0x000x000x000x/0000000000000/XX-XX-0000- 0003.pdf
Si loo taageero hadafkani, ODDS ayaa heshiis qandaraas la gashay Shaqaalaha Maamulka Caafimaadka (HMA) si ay ula shaqeeyaan wakiilka kooxda daneeyayaasha, Kooxda Qorshe Dejinta Maamulka Kiiska, si loo dejiyo talooyin loogu talagalay dib u habaynta maamulka kiiska. Intaasi waxaa xxxxx, in HMA ay dhameystirtay falanqeynta, Nidaamka Maamulka Kiiska ee Oregon ee loogu talagalay Dadka Qaba Naafanimada Maskaxda/ Korriinka Oktoobar 2020, (Lifaaqa F) oo iskaashi la leh shaqaale ka socda Ururada Qaranka ee Agaasimayaasha Gobolka ee Adeegyada Naafanimada Koriinka (NASDDDS). Dokumentigani waxaa laga dhigay mid ay Kooxda Qorshe Dejinta heli karaan Febraayo 2022; si kastaba ha ahaatee, iyada oo ay sababtu tahay wakhtiga, laguma tixgelin horumarinta talooyinka kooxda shaqada ee ugu dambeysay.
Kooxda Qorshe Dejinta Maamulka Kiiska: Qaabka wax loo wajahayo
Laga soo bilaabo Diisambar 2018 ilaa Maarso 2019, HMA ayaa sameysay wacyigelin ballaaran ee daneeyayaasha iyo nidaamka ka qayb galinta si wax looga ogaado dadka gobolka oo dhan ee waxa shaqeynaya, iyo waxa aan shaqeynaynin, dadka qaba I/DD, qoysaska, daryeel bixiyayaasha iyo maamulayaasha kiiska. Natiijooyinka waa la iskugu keenay warbixintii Maajo 2019 (Lifaaqa E), waxaana sidoo kale lagu wadaagay kulankii 2019 ee Oregon SC/PA ee Juun 2019.
Sidoo kale horraantii 2019, ODDS waxay la xiriirtay ururada daneeyayaasha si ay gacan uga geystaan ogaanshaha dadka ka qayb qaadanaya koox shaqo oo ay wax ka go’an yihiin oo ku saabsan dib u habaynta maamulka kiiska, si ay u matalaan aragtiyo kala duwan: dadka qaba I/DD ee hela taageerooyinka, xubnaha ka tirsan qoyska, maamulka kiiska iyo daryeel bixiyayaasha. Kooxuhu waxay doorteen wakiilo loogu talagalay “Kooxda Qorshe Dejinta Maamulka Kiiska ee Oregon” iyada oo ODDS ay martiqaaday qaar ka mid ah xubnaha ka tirsan qoyska oo gaar ahaaneed iyo dadka qaba I/DD, sidoo kale. (Fiiri Lifaaqa A ee loogu talagalay liiska buuxa ee Xubnaha Kooxda Qorshe Dejinta.)
Kooxda Qorshe Dejinta ee markii u horreysay kulantay Maarso 2019, waxaa fududeeyay shaqaale ka socda HMA iyo Taageerada Horumarinta Shaqaalaha (SDA). Intii lagu jiray 2019, koox buuxda waxay kulantay sagaal jeer, iyada oo uu weheliyo xxx xxxxx oo dheeraad oo ay ka qayb galeen kaliya xubnaha kooxda shaqada ee qaba naafanimada iyo xubnaha ka tirsan qoyska. Intii ay socotay hawshu, Kooxda Qorshe Dejinta ayaa si wadajir ah u shaqeysay si ay u tixgeliyaan kana wada hadlaan jawaab celinta daneeyayaasha ee laga helay warbixintii wacyigelinta, iyaga oo sidoo kale la keenaya aqoonta iyo khibrada ay xx xxxxxx ururadooda, iyo sidoo kale waayo-aragnimadooda iyo aragtidooda gaarka oo soo gelinaya wada hadalka.
Kooxdu waxay abuurtay liiska fikradaha oo ballaaran, waxyaabo tallaabo laga qaadayo, iyo hirgelinta istaraatajiyado, had iyo jeer la tixgelinayo “waxa saameynta ugu wanaagsan ee weyn ku yeelan doona” nolosha dadka iyo raadinta isbeddel buuxa, ma aha kaliya isbeddel ku meel xxxx xx.2 Kooxdu waxay horumarisay liisaska fikradaha oo ballaaran, mudnaansiinta iyo yareynta liisaska.
2 Xxxxxxxx, X., & X’Xxxxx, X. X. (2014). Creating Blue Space (Illustrated ed.). Saxaafad Loo dhan yahay.
Xubnaha ayaa laga codsaday in ay diiradda saaraan hadafyada (waxa ay tahay aragtidu), ujeedooyinka (waxa aynu sameyn doono si aanu u gaarno aragtida), istiraatijiyadaha muhiimka ah (sida aanu u sameyn karno). Fikradaha ayaa ugu dambeyntii la habeeyey oo laga dhigay ujeedooyin heer xxxx xx, oo leh ujeedooyinka iyo istiraatijiyadaha beddelka nidaamka si loo taageero mid kasta oo ka mid ah hadafyada. Waxa intaasi xxxxx, in kooxdu go’aamisay haddii ay tahay gobolka ama hay’ada maamulka kiisku (ama, xaaladaha qaarkood, maamulaha kiiska ee shakhsi ahaaneed) ay tahay in ay mas’uul ka noqdaan istiraatijiyadaha ama tallaabooyinka. Isla mar ahaantaa, waxaa jiray qiritaan ah in dhammaan qaybaha nidaamka I/DD isku tiirsan yihiin, iyada oo xubnaha ka tirsan kooxdu inta badan isku raaceen in si loo guuleysto, qof kastaa (gobolka, degaanka iyo daneeyayaasha gaarka ah) ay door ku yeeshaan qayb kasta oo ka mid ah shaqada.
Ugu dambeyntii, Kooxda Qorshe Dejintu waxay xalliyeen ujeedooyinkii iyo istiraatijiyadihii ugu adkaa, ee la xiriiray wax ka qabashada qaar ka mid ah arrimaha qaab-dhismeedka iyo arrimaha ku qotoma nidaamka. Wada hadaladu waxay muhiimada siinayeen sida wax looga qabto sinnaanta, ixtiraamka in wax la kala doorto, la sameeyo isla xisaabtan oo la buuxiyo baahiyaha dhanka kartida ee gobolka oo dhan, iyada oo maamulayaasha kiiska loo oggolaanayo in ay “ku soo laabtaan kuwii qofka ku saleysnaa halkii ay ka ahaan lahayd warqadaha iyo u hoggaansanaanta.” Wada hadaladu waxay ahaayeen kuwo adag, doodo xamaasad leh oo ku saabsan xaalada hadda jirta, isbeddel buuxa, waxa suurtagalka ah, iyo waxa ugu muhiimsan.
Iyada oo ay tahay natiijadii shaqadan adag, Kooxda Qorshe Dejintu waxay aqoonsatay 7 hadaf oo waaweyn, 20 ujeedo, 47 istiraatijiyadood oo gobolka ah iyo 21 ah istiraatijiyadaha hay’adaha maamulka kiiska, oo loo dhammeystiray qaab qabyo ah Janaayo 2020.
Xx xxx dib u dhacyo uu keenay cudurka baahsan ee COVID-19, gu’gii 2021 ODDS waxay dejisay oo hirgelisay ra’yi ururin dhanka internet-ka (Lifaaqa B) oo wax ka weydiinayay toddoba iyo xxxxx xx mid ah talooyinka ugu muhiimsan ee laga helay kooxda shaqada ee Qorshe Dejinta. Ra’yi ururintu waxay furnayd Febraayo 2021-Diisambar 2021, iyada oo ku dhawaad jawaabaha oo xxxx xx xxxxx Febraayo-Maajo 2021. (Lifaaqa C) Si loo soo ururiyo aragtiyo dheeraad xilligii gu’ga ee 2021, ODDS ayaa ururada bulshada ku martiqaaday in ay ka qayb galiyaan oo la kulmaan qoysaska aan cid matalaysaa aanay jirin iyo dadka qaba I/DD si loo soo ururiyo jawaab celin dheeraad ah oo ku saabsan talooyinka la soo jeediyay. (Lifaaqa D)
Febraayo iyo Maarso 2022, Kooxda Qorshe Dejinta ayaa kulantay laba waqti oo dheeraad ah si ay uga wada hadlaan jawaab celinta oo u sameeyaan dib u eegistii iyo wax ka beddelkii u dambeeyay. Kooxda shaqadu waxay ku wada hadleen xaddidaadaha dhanka talooyinka dadweynaha laga helo, iyada oo ay sababtu tahay dhowr walaac oo jira:
- Ra’yi ururinta waxaa la hirgeliyay intii lagu jiray cudurka baahsan iyada oo aanay jirin kulanka dhanka internet-ka ‘webinars’ oo wax taageeraya ama kulamo loogu talagalay daneeyayaasha si loo fahmo iyada
- Ra’yi ururinta dhanka internet-ku waxay ahayd mid adag in la raaco oo la fahmo, gaar ahaan dadka qaba I/DD iyo qoysaska, iyada oo dadka qaba naafanimadu aanan lagu taageerin in ay qaataan ra’yi ururinta
- Ra’yi ururinta waxaa la iska weydiiyay su’aalo ku saabsan ujeedooyinka iyo istiraatijiyadaha ka baxsan macnaha guud ee hadafyada, iyada oo aysan xxxxx xxxxxxxxxx ku filan oo lagu sharraxo fikradaha
- Daneeyayaasha qaarkood waxay dareemeen in su’aalaha ra’yi ururintu ay horseedayeen oo ay lahaayeen kala doorashada jawaabaha oo kooban
- Kooxaha bulshada ee kulmay si ay uga wada hadlaan talooyinkii la soo jeediyay 2021 waxay ugu horreyntii ahaayeen qoysaska carururta
- Ka qayb qaatayaasha kooxda bulshdada ayay dhici kartaa in aysan in ku xxxxx xxxxxx nidaamka si ay u xxxxxxx ujeedada qaarka mid ah talooyinka la soo jeediyay iyo nuxurka
- Jawaab celin aad u yar ayaa laga soo ururiyay dadka waaweyn ee hela taageerooyinka
Iyada oo nidaamka talooyinka dadweynaha laga helo ay lahaayeen xaddidaadaha muhiimka ah qaarkood oo muhiim u ah in la aqoonsado, jawaab celinta la isku soo ururiyay waxay taageertay talooyinka la soo bandhigay, oo diidmo yar laga keenay. Muhiimad ahaan, kuwo badan oo ka mid ah faallooyinka tayada leh ee ka yimiday qoysaska (kooxaha bulshada iyo dhanka internet-ka labadoodaba) waxay ahaayeen kuwo si aad ah ula mid ah faallooyinka iyo jawaabaha la soo ururiyay bilowgii nidaamka Naqshad Dejinta ee horraantii 2019.
Intaasi waxaa xxxxx, in kooxda shaqadu qirtay in labadii xxxx xx la soo dhaafay tan iyo dejintii talo soo jeedinta asalka ah ee qabyada ahayd, in uu jiray isbeddel la taaban karo oo ka dhashay cudurka baahsan iyo dhacdooyin kale. Muhiimad ahaan, Kooxda Qorshe Dejintu waxay xx xxxx hadashay dadaaladii ku xxxx xxxxx ahaa ee dhawaan ee gaarsiisnaa heerarka gobol iyo degaan ee wax lagaga qabanayay sinnaanshaha, ka mid noqoshada iyo walaaca dhanka wada xiriirka ee dadka aan lahayn awooda xukun ‘nondominant’ ee jinsiga, dhaqanka, dareenka jinsi iyo aqoonsi jinsiyadeed. Gaar ahaan, kooxdu waxay rabtay in ay xajiijiso caddeynta in arrimaha la xiriira sinnaanshuhu ay muhiim yihiin guud ahaan talooyinka la soo jeediyay, oo aan ahayn kaliya tala soo jeedinta sinnaanta diiradda saaraysa, iyo in isbeddeladu ay tixgelinta siiyaan baahiyaha iyo wax kala doorbidida dadka iyo bulshooyinka kala duwan oo ay ku jiraan: dadka ka soo jeeda ummadaha qabiilka ah ‘tribal nations’; jinsiga, qowmiyadda, iyo bulshooyinka ku saleysan dhaqanka; haweenka; dadka isku aqoonsan in ay yihiin LGBTQIA+; dadka qaba naafanimada (oo ay ku jiraan dadka qaba naafanimada caafimaadka hab-dhaqanka/caafimaadka dhimirka); dadka diin ahaan laga tirada badan yahay; dadka soo halgama; dadka leh aqoonta luqadda Ingiriiska oo kooban; muhaajiriinta; qoxootiga; dadka ay la soo deristo hoy la’aani; dadka dhibaatooyin xxxxxx xxx xxx xxxxx. Cusbooneysiinta qaarkood ayaa lagu sameeyay talooyinka la soo jeediyay iyada oo taasi laga jawaabayo, kooxdu waxay rajeynaysaa in akhristayaasha warbixintani xxxxxxx ujeedada laga leeyahay in ay dhammaantood macnahoodu tahay DHAMMAANTOOD “all means ALL” marka la eego mid kasta iyo talo soo jeedin kasta.
Talooyinka la soo jeediyay ee kama dambeysta ee ku lifaaqan waa natiijada saacado badan oo la taaban karo, gacan ka geysashada iyo shaqada adag ee kooxaha xubinta ah. Kooxda shaqada ee Qorshe Dejinta ayaa raadiyay in ay is afgarad ka gaaraan fikradaha ugu badan ee suurtagalka ah, waxaynta inta badan awoodeen in ay isku raacaan, iyaga oo xx xxxx xaajoonaya luqad iyo fikrado wax lagaga qabto walaaca ay qabaan dadka kale. Isla mar ahaantaa, isku tanaasul ayaa laga sameeyay arrimaha qaarkood, iyada oo xubnaha kooxda shaqaduna ay mudnaanta siiyeen kala doorashooyin iska xxx xxxxxxxx, oo kooxda inteeda badan u saamaxaysa in ay go’aamiyaan xxxxxx xxx socdo markii uu jiray khilaaf. Sida xubin ka mid ah kooxda uu ka faallooday xx xxx markii uu arkay qoraalkii qabyada ee kama dambeysta ahaa, waxaa jiray wada hadalo badan oo adag oo la helay, iyada oo “ay dhici karto in aanu ku raacin natiijooyinka oo dhan, balse, waxaan ku raacsanahay in ay ka turjumayaan talooyinka kooxda.”
Waa muhiim in la ogaado in ay fikradahani iyo fikirkani guud yihiin talooyin , ee aysan ahayn go’aano. Talooyinka la soo jeediyay ayaa loo dejiyay in ay tilmaamo, mudnaan iyo jawaab celin siiyaan hay’ada gobolka iyo daneeyayaasha dibada, si ay u noqdaan meel wax laga bilaabo ugu noqdaan dib u habaynta maamulka kiiska. Talooyinka la soo jeediyay waxaa loogu talagalay in ay ka turjumaan waxa dadka qaba I/DD iyo qoysaska xx xxxxxx ugana baahan yihiin in maamulaha kiisku ka caawiyo in ay yeeshaan nolol wanaagsan iyaga oo ah xubno wax ku biirinaya oo ka qayb qaadanaya bulshooyinka Oregon, iyo waxa maamulka kiiska iyo daryeel bixiyayaashu rabaan una baahan yihiin si ay u qabtaan shaqadadooda wanaagsan ee dhanka taageerida dadka qaba I/DD iyo qoysaska.
Qaabka Talooyinka Qorshe Dejinta
Kooxda shaqada ee Qorshe Dejinta ayaa soo jeedisay toddoba hadaf oo mudnaanta la siinayo oo loogu talagalay dib u habaynta maamulka kiiska. Hadaf kastaa wuxuu raadinayaa wanaajinta fikrada dhiirranaanta leh xx xxxx ku qoran. Wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan ujeedooyinka iyo istiraatijiyadaha taageera hadafka iyo bixinta macnaha guud oo dheeraad ah, fadlan fiiri nuxurka uu ka kooban yahay laga bilaabo bogga 16.
• Awoodeed Iyo Tayo: Maamulayaasha kiisku oo dhan waxay haystaan waqti iyo awood labadoodaba ay diirada ku saaraan dhinacyada wada xiriirka ee lagu taageerayo dadka qaba I/DD iyo qoysaskooda; maamulayaasha kiisku waa kuwo la heli karo, aqoon leh oo jawaab bixiya.
• Kala doorasho iyo Helitaan: Dhammaan dadka helaya taageerada I/DD (oo ay ku jiraan carruurta iyo dadka dooranaya goobo xx xxxxx yahay) waxay leeyihiin kala doorasho macno leh oo la dooranayo hay’ada maamulka kiiska oo tayo leh iyo helitaanka adeegyada maamulka kiiska oo aqoon leh, oo waafaqsan baahiyahooda qofka iyo waxyaabaha ay doorbidayaan – iyada oo aan la eegayn da’da, nooca adeeg, juqraafi – arrimo hadda xaddidaya kala doorashooyinka maamulka kiiska).
• Sinnaanshaha: Dhammaan dadka qaba I/DD, oo ay ku jiraan, carruur iyo qoysaskooda, iyo dadka ka soo jeeda bulshooyin iyo aqoonsiyo kala duwan, in ay helaan adeegyada maamulka kiiska oo loo wada siman yahay oo dhaqan ahaan iyo luqad ahaanba wax jawaabta u noqonaya oo ixtiraam leh.
• Qofka Ku Saleysan: Dhammaan dadka qaba I/DD iyo qoysaskoodu waxay awoodaan in ay helaan taageerada qofka ku saleysan oo runtii ka turjumaya baahiyahooda, waxa ay doonayaan iyo kala doorashadooda, iyada oo ay jiraan taageero laga helayo hay’adaha maamulka kiiska oo aqoon fiican u leh fikirka iyo qorsheynta qofka ku saleysan.
• Macluumaadka iyo Wada Xiriirka: Dhammaan dadka qaba I/DD iyo qoysaskoodu waxay awoodaan in ay helaan oo xxxxxxx macluumaadka ay u baahan yihiin, waxayna heli karaan kala doorasho dhanka wada xiriirka oo dabacsan isla markaana hufan oo buuxinaya baahiyahooda.
• Ku lug yeelashada: Tayada iyo la xisaabtanka ka qayb qaadashada daneeyaha bulshada ee dhanka isbeddelka nidaamka gobolka iyo in nidaamyada go’aan gaarida si joogto xx xxx taageero.
• Waxqabadka, Tayada iyo Ilaha: Waxqabadka maamulka kiiska iyo is waafajinta lacag bixinta iyada oo hadafku qofka ku saleysan yahay.
Haddafyadani looma soo bandhigin sida ay u kala horreeyaan oo xxxx xx waana in aan loo fasiran sida ay iskugu xigxigaan toddobada hadaf. Kooxda Qorshe Dejintu waxay dejisay talooyinka loogu talagalay ujeedooyin iyo istiraatijiyado si guud loo tixgeliyo marka ay noqoto macnaha guud ee hadaf kasta, ma aha si gooni oo madax bannaan.
Xxxxxx talooyinka la soo jeediyay waxay raacaan tilmaantani:
Hadafyada: Isbeddelo muhiim ah oo loogu talagalay nidaamka Maamulka Kiiska si looga dhigo mid wanaagsan
a. Ujeedooyinka: Waxa taageeri doona isbeddalada lagu tilmaamay hadafyada
i. Istiraatijiyada Gobolka: Tallaabooyinka u baahan in wax lagu hago oo gaarsiisan heer gobol ama hay’ada gobolka si loo gaaro ujeedooyinka oo loo buuxiyo hadafka
ii. Istiraatijiyada Hay’ada Maamulka Kiiska (CME): Tallaabooyinka ay hay’adaha degaanku qaadi karaan si loo gaaro ujeedooyinka oo loo buuxiyo hadafka
Waa aragtida Kooxda shaqada ee Qorshe Dejinta in wixii ujeedooyin iyo istiraatijiyado gaar ahaaneed ah xx xxx tixgeliyo in la hirgeliyo oo ka baxsan hadafka guud (sababta ujeedada ama istiraatijiyadu) ay dhici karta in aysan waafaqsanayn ujeedada xxxxxx la soo jeediyay. Sababta “why” ka dambeysa shay kastaa waa mid aad u muhiim ah waxayna wax ku biirisaaisbeddelka buuxda oo kooxda shaqadu sii qiyaaseen.
Waqtiyada la qabtay ee lagama maarmaanka u ah talooyinka la soo jeediyay waxay u dhexeeyaan nidaamyo sanado badan ka kooban ilaa hawlo si degdeg ah u dhici kara iyada oo aysan jirin ilo la taaban karo. Qaar baa ah kuwo meel fog gaaraya, u baahan isbeddelada qaab-dhismeedka iyo sharciga; kuwo kale ayaa ah maamul ama la xiriira isgaarsiin iyo macluumaad.
Hirgelinta Isbeddelka Guud ee dhanka Maamulka Kiiska
Kooxda shaqada ee Qorshe Dejinta ayaa qirtay adkaanshaha iyo caqabadaha isbeddelka guud ee nidaamyada; si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray yididiilo weyn oo ka dhex jirtay kooxda oo ah in Oregon ay gaari karto dib u habayn muhiim ah oo lagama maarmaan ah oo leh ka qayb gal toos ah oo adag oo ka socota bulshada weynta wax daneysa ee I/DD. Kulankii kama dambeysta ahaa ee kooxda ee Maarso 2022, waxaa jiray wada hadal ballaaran oo ku saabsanaa baahida loo qabo hirgelinta iyo tilmaamaha dhanka tababarka oo ka socda kooxda Qorshe Dejintu, si loo ogaado in talooyinkaasi la soo jeediyay hore u socdaan iyaga oo waafaqsan ujeedada iyo qiimaha la leeyahay, iyo in dadka qaba I/DD ay yihiin dadka maamula “drivers” dadaalada wax lagu hirgelinayo. Fikrada xudunta u ah ee “Nothing About Us Without Us” xxxx lagu celceliyay loogana dhawaajiyay is xasuusin ahaan. Xxx xxxx soo jeedin oo laga helay kooxda ayaa ahayd in la abuuro fursado ay dadku waxyaabo dheeraad ah kaga ogaanayaan talooyinka la soo jeediyay iyada oo la adeegsanayo hadal soo jeedinta rasmiga ah ama fursadaha waxbarasho.
Kooxda ayaa sidoo kale qirtay casharro laga bartay guud ahaan nidaamka Qorshe Dejinta, iyo muhiimada ay leedahay hirgelinta ka qayb qaadashada wanaagsan ee daneeyayaasha oo waafaqsan talooyinka la soo jeediyay sida uu dhigayo Hadafka #6 ee warbixintani (bogga 24, xx xxxxx). Kooxda Qorshe Dejintu waxay jeclaan lahayd in ay aragto gobolka oo dhisa koox wax fulisa oo ay hoggaaminayaan dadka waaweyn ee hela taageerooyinka iyo qoysaska dadka qaba I/DD, oo leh shaqaalaha gobolka iyo shaqaalaha maamulka kiiska ee dadka laga tirada badan yahay. Kooxda ayaa qirtay adkaanshaha xaqiijinta in dhammaan dadka gobolku ay haystaan macluumaad iyo aqoon ku filan oo ay heli kraan oo ku saabsan nidaamyada iyo siyaasada si la iskugu simo dheelitir la’aanta heerka awoodeed ee u dhaxaysa xirfadlayaasha ka shaqeeya maamulka kiiska ama siyaasada gobolka iyo kuwa ka qayb qaata adeegyada, laakiin isku raacay in tani suuragal tahay marka waqtiga ilaha laga dhigo kuwo la heli karo, oo kooxaha shaqada oo dadaaladaya, kooxaha kala duwan iyo ka qayb qaadashada la taageero kuwaasi oo gaarsiisan heer degaan iyo gobol labadoodaba. Xubnaha kooxda shaqadu waxay rajeynayaan in hay’adaha gobolka, hay’adaha maamulka kiiska iyo siyaasad dejiyayayaashu ay hore u dhaqaajin doonaan isbeddeladaasi buuxa.
Kooxda Qorshe Dejinta Maamulka Kiisku waxay ku faraxsan tahay in ay soo bandhigto talooyinka soo socda ee loogu talagalay dib u habaynta nidaamka maamulka kiiska ee naafanimada maskaxda iyo korriinka ee Oregon.
TALOOYINKA: XXXXXXXXX, UJEEDOOYINKA IYO ISTIRAATIJIYADAHA
HADAFKA #1, AWOODEED IYO TAYO: Maamulayaasha kiisku oo dhan waxay haystaan waqti iyo awood labadoodaba ay diirada ku saaraan dhinacyada wada xiriirka ee lagu taageerayo dadka qaba I/DD iyo qoysaskooda; maamulayaasha kiisku waa kuwo la heli karo, aqoon leh oo jawaab bixiya.
a. Qeexida doorka iyo mas’uuliyadaha maamulayaasha kiiska ee ku qoran siyaasada gobolka, abuurista heerka adkaanshaha oo macquulka oo loogu talagalay maamulaha kiiska ee shakhsi ahaaneed. Diirad saaridu waa in ay ahaataa xiriiro lala yeelanayo dadka helaya taageerada iyo qoysaskooda.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Caddeynta iyo xx xxxx xiriirka door si fiican looqeexay oo loogu talagalay maamulayaasha kiiska, waxay ay qabtaan iyo waxa aysan qaban, iswaafajintaqiimaha, iyo bixinta tababar iyo macluumaad ku saabsan mus’uuliyadahamuhiimka ah ee la xiriiramaamulayaashakiiska,qoysaska,iyodadkahelayataageerada.
Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:
• Abuurista shaqo badan oo la maareyn karo oo loogu talagalay maamulayaasha kiiska, oo leh meel wax laga qabto oo la heli karo isla markaana jawaab laga bixiyo, si ay xiriir ula sameyn karaan dadka helaya taageerada iyo qoysaska, oo ay noqdaan khabiiro iyada oo la haysto macluumaad yar, isla markaana haystaan waqti ay macluumaad kula wadaagaan dadka kuwaasi oo ah hab xaqiijinaya fahamka iyo awooda xxxxx xx dhammaan xubnaha kooxda.
• Wanaajinta ku qanacsanaanta shaqada ee maamulaha kiiska iyo yareynta shaqo ka tegida/beddelaada shaqaalaha iyada oo la adeegsanayo hirgelinta hababka ugu fiican maamulka kiiska, xaddiga shaqo oo la yareeyay, iyo iswaafajinta ma’suuliyadaha maamulka kiiska ee dadka qabanaya shaqada (tusaale, u oggolow in shaqaalaha bulshadu noqdaan shaqaale bulsho, iyo oo hel siyaabo kale oo dokumentiyada dhanka maamulka loo qabto.”)
• Abuurista wax la filayo oo cad iyo meel ku taala shaqada dhexdeeda si loo noqdo khabiirada bulshada ee degaanka. Ka saariska shaqada karaanimo ee aan macnaha badan lahayn laga saarayo mas’uuliyadaha maamulayaasha kiiska.
b. Kordhinta awooda hay’adaha maamulka kiiska si ay si hufan oo wax ku ool ah dadka uga caawiyaan helitaanka adeegyo iyo taageero tayo leh, iyada oo sidoo kale la yareynaya halisaha caafimaad iyo badbaado.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Caddeynta, qeexida la adeegsanayo siyaasad iyo sameynta waxyaabaha la filayo oo cad iyo awood loogu talagalay kormeerka/la socodka ee guud ahaan goobaha adeega (oo ay ka mid yihiin adeegyada guriga-dhexdiisa iyo bulshada oo isku dhafan). In lala xisaabtamo CME taasi oo la xiriirta shuruudaha dhanka kormeerka/la socodka iyo kulamada fool ka foolka ah.
• Oggolaanshaha dabacsanaan dheeraad ah ee dhanka shuruudaha oo loogu talagalay hababka loo wada xiriiro iyo sida inta badan loo wada xiriiro, iyada oo lagu saleynayo baahiyaha qofka iyo waxyaabaha la doorbidayo, iyada oo xxxx xxx hoggaansan yahay heerarka la raacayo ee ugu yar ee federaalka iyo xaqiijinta caafimaadka iyo badbaadada.
• Caadiyaynta nidaamka wada shaqeyneed ee guud ahaan Daryeelka Urruradu Iska Kaashadeen ee Medicaid iyo hay’xxxx maamulka kiiska si loo kordhiyo jawaab bixinta iyo isku dubaridka.
• Wanaajinta nidaamka iyo dejinta waqtiyo cayiman oo loogu talagalay oggolaanshaha adeegyada taageero iyo iska reebida adeega/heerka lacageed ee ay tahay in uu ansixiyo shaqaalaha gobolku. Tixgelinta hoos u dhigida heerarka/qiyaasaha loogu talagalay waxa la oggolaan/ansixin karo ee gaarsiisan heerka CME si loo kordhiyo jawaab bixinta, wax ku qabashada waqtigii loogu talagalay iyo hoos u dhigida waqtiga ay maamulayaasha kiisku ku bixiyaan raadinta oggolaanshaha gobolka.
Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:
• Wadaagista khibrada dhanka degaanka iyo taageerada loogu talagalay maamulayaasha kiiska ee raadinaya ansixinta gobolka ee loogu talagalay oggolaanshaha iyo iska reebida.
c. Kordhinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha maamulka kiis ee gobolka oo dhan.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Caadiyaynta dheeraadka ee tababarka maamulka kiiska iyo shahaadooyinka aqooneed ee guud ahaan hay’adaha maamulka kiiska oo dhan. Dhisida fahamka dhab ah oo ku saleysan fikirka qofka ee xaaladaha nololeed. Abuurista shahaadooyinka aqooneed oo ku saleysan karti kaasi oo la iskaga baahan yahay muujinta xirfadaha iyo aqoonta dhanka taageerada I/DD, oo aan kaliya ahayn nidaamka iyo u hoggaansanaanta, oo ay ku jiraan aragtida iyo qiimaha la leeyahay, fahamka madax bannaanida qof ahaaneed, oo ay tahay in ay hab joogto ah u muujiyaan dhammaan CM (oo ka baxsan shuruudaha tababarka bilowga ah xx xxxxx jirta.)
Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:
• Bixinta waxbarasho iyo tababar dhammeystiran oo ku saabsan aragtida iyo qiimaha la leeyahay, madax bannaanida qof ahaaneed, kala doorashada, qofka ku saleysan, iwm. oo loogu talagalay maamulayaasha kiiska, qoysaska, iyo dadka helaya taageerada.
d. Ballaarinta awooda maamulka kiiska iyada oo la sameynayo ilo dheeraad ah oo la heli karo si loo caawiyo hay’adaha maamulka kiiska.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Sameynta “khabiirada arrinta laga hadlayo” oo goboleed oo la wadaago oo aqoon qoto xxxxx u leh maadooyinka qaarkood (tusaale, guryaha, CCO, waxbarashada) si ay uga shaqeeyaan CME badan iyada oo la taageerayo dhammaan maamulayaasha kiiska ee markaa xx xxx heli kara taageero farsamo oo gaar xx xxxxx sida loogu baahdo.
• Abuurista awood dhanka nidaamka ah oo loogu talagalay khabiirada xirfada leh ee dhanka fikirka iyo qorsheynta qofka ku saleysan (oo aan ahayn maamulayaasha kiiska) si loo fududeeyo qorsheynta kulamada waaweyn ama muhiimka ah (tusaale, gaar ahaan marka la joogo meelaha muhiimka ah ee kala guurka) halkii lagaga tiirsanaan lahaa in maamulka kiisku uu wax fududeeyo isla markaana ka qayb qaato.
Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:
• Ku dhisida waqtigii loogu talagalay ee qorsheynta nidaamyada, fursadaha loogu talagalay maamulayaasha kiiska ee raadinaya taageero iyaga oo wakiil ka ah macaamiisha shakhsi ahaaneed.
e. Ballaarinta awooda iyada oo shaqooyinka qaarkood loo wareejinayo adeegyada taageerada, halkii maamulayaasha kiisku ay ka bixin lahaayeen.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Abuurista adeeg cusub oo bixinaya la talinta iyo tababarka is jihaynta qofka, taageerada la xiriirta aqoonsiga/shaqaaleysiinta shaqaalaha taageerada shakhsiyeed (PSW) iyo maamulka, taageerada loogu talagalay dadka diiwaanka cidda loo-shaqeeyo ahaan, iyo taageerooyinka xxxx xx shaqooyinka hay’ada, isaga oo ah adeeg gooni ah oo ka duwan maamulka kiiska (kaasi oo ka duwan mas’uuliyadaha hadda jira ee la xiriira dhex-dhexaadinta maaliyaddeed ee gobolka oo dhan). Sameynta helitaan iyo ka qayb qaadashada tababarka oo la iskaga baahan yahay oo loogu talagalay dadka iyo qoysaska la shaqeynaya PSW. Marka ay qoysasku lacagta siiyaan daryeel bixiyayaasha, waxaa la iskaga baahan yahay tababar ku saabsan madax bannaanida qof ahaaneed, qiimaha la leeyahay, iyo danta is-khilaafaysa.
• Abuurista adeeg cusub oo bixinaya hagida bulshada “community guide” ama isku xirnaanta bulshada “community connections” oo ah adeeg xxxx xx oo ka baxsan maamulayaasha kiiska, oo bixinaya horumarinta ilaha bulshada xx xxxx ahaaneed, taageerada dhanka qorsheynta ee ka qayb qaadashada bulshada oo isku dhafan, taageerada hagitaanka dadka isku faca ah, fududeynta sameynta taageero xxxxxxx ahaaneed, iyo/ama taageerada ka qayb galinta ururada aan naafanimada ku shaqada lahayn ee degaanka. (Tusaale, doorka horumariyaha bulshada “community developer” oo la mid ah fikrada horumariyaha shaqada “job developer.”)
• Si wax looga qabto faahfaahinta iyo isku duwida baahiyaha qofka helaya adeeygada guriga-dhexdiisa iyo/ama guryaha aan la deganayn maalintii/adeegyada shaqo, gaar ahaan kuwa la shaqeynaya xubnaha ka tirsan kooxda taageerada ee ka socda ururo badan iyo/ama PSW badan, sharraxaada adeega waa in dib eegid lagu sameeyaa si loogu daro rajada laga qabo ee ah in dhammaan xubnaha kooxda ay iska kaashadaan oo ay xx xxxx xiriiraan isku duwida maalinlaha ah, qorsheynta iyo arrimaha muhiimada u leh qofka hadba sida loogu baahan yahay. DSP iyo PSW waa in waqtigani lacagtiisa la siiyaa. Habka inta badan wax loo qabto iyo nidaamku waa in uu go’aamiyaa qofka iyo kooxdiisu, waxaana dhici karta in loo baahdo ka qayb qaadasho joogto ah oo ku saleysan (toddobaad kasta, labadii toddobaadba mar ama bishii).
f. Abuurista wax joogteyn gobolka oo dhan ah ee dhanka xaddiga shaqo si loo kordhiyo jawaab bixinta iyo tayada adeegyada maamulaha kiisku bixiyo.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Gobolku waa in uu dejiyaa qiyaasta(aha) xaddiga shaqo ee loogu talagalay maamulaha kiiska oo kasta isaga oo ah siyaasada gobolka oo loogu talagalay dhamaan CME, kaasi oo ku saleysan falanqeynyta kala duwanaanshaha baahiyaha dadweynaha (tusaale, carruurta xxxxx xxx eego dadka waaweyn, meelaha magaalada ah xxxxx xxx eego meelaha miyiga ah, meelaha xx xxxxx yahay xxxxx xxx eego guryaha) iyo kala duwanaanshaha dhanka juqraafiga.
• Ogaanshaha sameynta tilmaamo la raacayo oo cad oo ku jira heshiisyada/qandaraasyada CME si loo xaqiijiyo in hay’adaha maamulka kiisku yeeshaan siyaasado iyo nidaamyo joogto ah si loo taageero jawaab bixin ah 24/7 oo loogu talagalay baahiyaha degdeg ah ee aanan gaarsiisnayn heerka dhibaatada ama xaalada degdega ah, iyo sidoo kale kulamada iyo ka qayb xxxxx xx baxsan saacadaha shaqada “business hours.” Gobolku waa inuu tixgeliyaa waxan la filayo marka la go’aaminayo maalgelinta iyo ilaha la heli karo si loo taageero heerkan jawaab bixineed.
• Isaga oo qayb ka ah horumarinta ISP, xaqiiji in qof kastaa haysto qorshe beddel ah oo macno leh marka taageerooyinka aasaasiga ah iyo/ama adeegyadu ay dhici karto in aan la heli xxxxx.
Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:
• Ka dhigida go’aanada siyaasada xaddiga shaqo ee CME kuwo daahfuran oo loogu talagalay daneeyayaasha, kaasi oo leh warbixinta dadweynaha ee sanadlaha ah oo ku saabsan xaddiga shaqo ee maamule kasta oo loogu talagalay CME, oo loo kala qaaday degaan iyo dadweyne ahaan (oo uu ku jiro macluumaadka qaab-dhismeedka dadka, dadka waaweyn xxxxx xxx eego carruurta, guryaha xxxxx xxx eego meelaha xx xxxxx yahay, iwm.)
HADAFKA #2, KALA DOORASHO IYO HELITAAN: Dhammaan dadka helaya taageerada I/DD (oo ay ku jiraan carruurta iyo dadka dooranaya goobo xx xxxxx yahay) xxxxx xxxxxxxxx kala doorasho macno leh oo la dooranayo hay’ada maamulka kiiska oo tayo leh iyo helitaanka adeegyada maamulka kiiska oo aqoon leh, oo waafaqsan baahiyahooda qofka iyo waxyaabaha ay doorbidayaan (iyada oo aan la eegayn da’da, nooca adeeg, juqraafi – arrimo hadda xaddidaya kala doorashooyinka maamulka kiiska).
g. Isbeddelka qaabka maamulka kiiska si loo xaqiijiyo kala doorasho badan oo loogu talagalay ururada maamulka kiiska oo uu heli karo qof kasta oo ku nool dhammaan degaannada gobolka.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Abuurista kala doorasho dhab ah oo la dejinayo fursado loogu talagalay hay’adaha dheeraadka ah si loo bixiyo adeegyada maamulka kiiska (oo ah hab degaan/goboleed, mana aha in lagu xiro juqraafi degaan), waxaana looga talagalay CME hadda jira si loo ballaariyo dadka ay u adeegaan, si qof kastaa u yeesho kala doorashada ugu yaraan xxxx xxxx oo ah CME iyada oo aan la eegayn nooca adeegyo ee qofku helo.
• In meesha laga saaro xaddidaada hadda jirta ee ku saabsan xulashada maamulka kiiska ee ku saleysan nooca adeeg ee qofku helo, si aysan dadku u beddelin hay’adaha maamulka kiiska iyaga oo doorta in ay taasi sameeyaan maahane. Xaqiijinta in tani dhacdo iyada la adeegsanayo qorshe laga sii fikiray, ka qayb xxxxx daneeyaha iyo isbeddel ku filan iyo dadaallada maaraynta isbeddelka maamulka.
• Sameynta nidaamka daneeyaha oo gobolku horseed ka yahay oo joogto ah si sanadkiiba mar loo qiimeeyo qiyaasta CME, goobaha juqraafi ahaan ku hareeraysan, iyo qaababka korodhka dadka, iyada oo ay jirto suurtagalnimada soo jeedinta hagaajinta qaabka CME. Qiimeynta muuqaalka CME iyo sameynta wax ka beddelka daahfurnaanta, oo leh ka qayb qaadashada buuxda ee daneeyaha.
• Iyada oo la taageerayo madax bannaanida qof ahaaneed iyo kala doorashada/maamulka, xaqiiji in qof kasta oo helaya taageero uu yeesho ugu yaraan hal CME oo dhowra qaabka maamul oo ka kooban inta badan dadka helaya taageerada iyo xubnaha ka tirsan qoyska, oo bixinaya fursad loogu lug yeesho la socodka tayada iyo waxqabadka CME iyo gacan ka geysashada go’aanada maamulka siyaasadaha iyo barnaamijka.
h. Sameynta shuruudo cad oo ku saabsan kala doorashada maamulaha kiiska iyo abuurisa nidaamyo lagu taageerayo kala doorashadan loogu talagalay qof kasta.
Istiraatijiyada Gobolka:
• In looga baahdo hay’adaha maamulka kiiska in ay bixiyaan kala doorasho macno leh oo laga warqabo ee maamulayaasha kiiska la heli karo iyo in la xaqiijiyo awood ku filan oo
ka dhex jirta nidaamka loogu talagalay dadka si loo isticmaalo kala doorashadani. In looga baahdo hay’adaha maamulka kiiska in ay bixiyaan kala doorasho macno leh oo laga warqabo ee maamulayaasha kiiska la heli karo.
Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:
• Bixinta macluumaad qoraal ah, nidaamka website-ka iyo/ama dhacdooyin “isku dhigma” oo dadka iyo qoysaska u saamaxaya in ay wax ka ogaadaan maamulaha kiiska ee shakhsi ahaaneed iyo gaarista kala doorashada laga warqabo.
• Abuurista iyo ilaalinta xiriirada muddada fog ee u dhexeeya maamulayaasha kiiska iyo macaamiisha/qoysaska iyada oo la oggolaanayo waqti ku filan oo loogu talagalay dhisida xiriirka isaga oo qayb ka ah maamulka kiiska, taageerida kala doorashada maamulayaasha kiiska, iyo mudnaansiinta dhowrista xiriirada jira ee dhanka siyaasada iyo ku dhaqanka.
i. Abuurista nidaam isqoris oo dhexdhexaad ah oo loogu talagalay doorashada hay’ada maamulka kiiska.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Abuurista xxx’xx xxx gelid oo gooni ah, dhexdhexaad ah, aan eex ku dhisnayn ama qaab ka mas’uul ka taageerida qaadashada ‘intake’, u qalmitaanka iyo isqorista maamulka kiiska oo noqon xxxx xxx’ad goboleed degaanka ama shaqaalaha hay’ada ee gobolka.
• Abuurista tilmaamo la raacayo oo cad iyo sharraxaad loogu talagalay tala bixin, waxbarasho iyo taageero la xiriirta maamulka kiiska, iyo waxa qof ka dhiga ama hay’ada u qalanta in ay bixiso la talin la dooranayo si loo soo xusho adeega iyo kala doorashada CME, iyo maamulayaasha kiiska ee CME dhexdiisa.
Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:
• Bixinta goob iyo/ama nidaam ku baahsan CME degaanka oo loogu talagalay macaamiisha mustaqbalka si loogu lug yeesho kala doorasho laga warqabo ka hor inta aan la isku gudbin isqoritaanka.
• ODDS ayay tahay in ay ogeysiin qoraal ah oo sanadle ah oo la xiriirta kala doorashada CME u dirto dadka iyo wakiiladeeda la qoondeeyay, oo ay ku jiraan macluumaad la iskala soo xiriirayo oo loogu talagalay CME kasta iyo sharraxaada nidaamka loogu talagalay codsiga isbeddelo lagu sameeyo CM ama CME, oo ay ku jiraan waqtiyada ay tahay in dadku fishaan la kulanka.
HADAFKA #3, SINNAANSHAHA: Dhammaan dadka qaba I/DD, oo ay ku jiraan, carruur iyo qoysaskooda, iyo dadka ka soo xxxxx xxxxxxxxxx iyo aqoonsiyo kala duwan, in ay helaan adeegyada maamulka kiiska oo loo wada siman yahay oo dhaqan ahaan iyo luqad ahaanba wax jawaabta u noqonaya oo ixtiraam leh.
j. Xaqiijinta in maamulayaasha kiisku ee la shaqeynaya carruurtu ay leeyihiin xirfado iyo qalab kala duwan xxxxx xxx eego kuwa la shaqeeya dadka waaweyn.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Sameynta nidaamka qorsheynta oo dhammeystiran oo gobolka oo dhan ka jira si loo qorsheeyo isla markaana loo sameeyo kaabayaal xxxx xx iyo maamulka kiiska oo aqoon leh oo loogu talagay carruurta qabta I/DD, da’da dhalashada ilaa 21 jirka. (si loo waafajiyo
waqtiga la xiriira adeegyada waxbarasho iyo shuruudaha Baaritaan Xilliyeedka Hore ee Ogaanshaha iyo Daaweynta ee Medicaid/EPSDT, isla markaana la iskaga ilaaliyo isbeddelka maamulka kiiska ee marka la gaaro da’da 18) oo ay ka mid noqon karaan tixgelinta in lagu daro maamulka kiiska ee Adeegyada Carruurta ee Guriga Dhexdiisa ee Ballaaran (CIIS). Nidaamka qorsheynta waa in uu tixgeliyaa dhammaan kala doorashada.
• Sameynta shahaadooyinka aqooneed, xaddiga shaqo, iyo shuruudaha tababarka oo xxxx xx oo loogu talagalay shaqaalaha maamulka kiiska ee carruurta.
• Ballaarinta shuruudaha gobolka ee maamulka kiiska ee carruurta si hab cad oo dheeraad wax looga qabto qorsheynta, isku duwida iyo bixinta adeegyada I/DD ee la siinayo carrruurta iyada oo lala kaashanayo nidaamyada xxxx xx carruurta (carruurnimada ee hore, waxbarashada K- 12, xannaanada carruurta, daryeelka carruurta, iwm.) si loo wanaajiyo joogtanimada, oo loo yareeyo wax ku celcelinta, oo la is waafajiyo qorshayaasha adeeg oo wax laga qabto baahiyaha taageero iyo waxyaabaha la doorbidayo ee la xiriira qoyska.
k. Xaqiijinta nidaamka I/DD oo wax ka qabta baahiyaha dhaqan, aqoonsi iyo luqaddeed ee dadka aan lahayn awooda xukun ‘non-dominant’oo noqda shaqo guud.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Bixinta taageerada farsamo ee gobolka oo dhan ama gobolka ah iyo qaab tababar si kor loogu qaado awoodaha CME-yada iyada oo aan hoos loo dhigayn waxyaabaha laga filayo iyo mas’uuliyadaha CME-yada si loo xaqiijiyo sinnaanshaha adeega iyo maamulayaasha kiiska ee aqoonta leh, iyo iskaashiga lala leeyahay bulshooyinka. Taageerada farsamo waa in ay horseed iyo shaqaale ka yihiin dad leh dhaqano iyo waayo-aragnimo nololeed oo kale duwan, oo ay ku jiraan dad bixin kara waxyaabo aqoon leh iyo adeegyo fasiraad, turjumaad lagu helo waqtigii loo qabtay, iyo dadka leh dareenka jinsi iyo aqoonsi jinsiyadeed oo kala duwan.
• In macluumaadka iyo waxyaabaha xxxx xx muhiimka ah ee gobolka oo dhan laga dhigo kuwo la heli karo iyaga oo ku qoran luqaddo badan (ee aan ahayn keliya marka la codsado).
• In looga baahdo CME iyo hay’adaha heshiiska/qandaraaska lala galay (tusaale, adeegyada maamulka dhaqaalaha) in ay buuxiyaan baahiyaha dhaqan iyo luqaddeed isaga oo qayb ka ah heshiisyada/qandaraasyada. Ku darista tallaabooyin la xiriira buuxinta baahiyahani iyada oo qayb ka ah kor kala socoshada iyo kormeerka.
Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:
• Dejinta awood dheeraad ah oo ka dhex jirta hay’adaha maamulka kiiska si uu dhaqan ahaan jawaab ugu noqdo macaamiisha.
• In macluumaadka iyo waxyaabaha xxxx xx muhiimka ah ee degaanka laga dhigo kuwo la heli karo iyaga oo ku qoran luqaddo badan (ee aan ahayn keliya marka la codsado).
• Ka shaqeynta ilaha degaanka, iskaashiyo iyo awoodo si loo taageero dadka qaba I/DD, oo ka turjumaya bulshooyin kala duwan.
HADAFKA #4, QOFKA KU SALEYSAN:* Dhammaan dadka qaba I/DD iyo qoysaskoodu waxay awoodaan in ay helaan taageerada qofka ku saleysan oo runtii ka turjumaya baahiyahooda, waxa ay doonayaan iyo kala doorashadooda, iyada oo ay jiraan taageero laga helayo hay’adaha maamulka kiiska oo aqoon fiican u leh fikirka iyo qorsheynta qofka ku saleysan.
x. Xxx u habaynta nidaamka Qorshaha Taageeradooda Shakhsi (ISP) oo leh nidaam ballaaran oo diirada saara qorshaha horumarineed oo qofku ku saleysan, ka qayb qaadasho iyo ka gayb xxxxx.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Dib uga fiirsashada qaabka, tallaabooyinka iyo sida ay iskugu xigaan waxyaabaha uu ka kooban yahay nidaamka ISP (iyo taageerada waxyaabaha kale iyo foomamka) si mar kale diiradda loo saaro qofka. Dejinta nidaam kaasi oo ay kooxdu fahamsan tahay in qorshaha qofka ku saleysan uu iska leeyahay, oo ay tahay in uu maamulo, qofka helaya taageeradu.
• Xaqiijinta in la helo waqti ku filan iyo awood si loogu lug yeesho qorsheynta iyo nidaamyada kulanka dhabta ah ee qofka ku saleysan. In laga dhigo mid ku saabsan qofka, oo aan ahayn dokumantiyada iyo foomamka.
m. Wanaajinta tababarka iyo isdhexgalka waxqabadka qofka ku saleysan.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Maamulayaashu kiiska waa in ay yeeshaan jadwalo dabacsan iyo nidaamyada kooxda oo oggolaanaya in la is heli karo saacadaha aan ahayn shaqada iyo jawaab bixinta la xiriirta adeega macmiilka oo dheeraad ah (iyada oo aanan maamule kasta laga filayn inuu shaqeeyo saacada xad dhaaf ah.)
Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:
• Muhiimadsiinta tababarka dhanka fikirka iyo qorsheynta qofka ku saleysan oo loogu talagalay shaqaalaha hay’ada maamulka kiiska, iyo hirgelinta in fikirka qofka ku saleysani uu noqdo mid mudnaanta la siinayo guud ahaan CME.
n. Is waafajinta siyaasada iyo xeerarka si loo taageero waxqabadka qofka ku saleysan.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Dib u eegida shuruudaha federaalka iyo gobolka ee loogu talagalay shaqooyinka maamulka si loo yareeyo culeyska dhanka maamulka oo loo xaqiijiyo in diiradda la saarayo qofka isla markaana la siinayo taageero dhab ah oo qofka ku saleysan.
*Kooxda shaqadu ayaa si dheer u wada hadashay oo ku heshiisay muhiimada ay leedahay kor u qaadida joogteynta iyo aqoonta loo leeyahay fikirka qofka ku saleysan, dib u abuurista xxxxxxx ugu fiican ee wax loo qabto ee dhanka qorsheynta qofka ku saleysan, iyo baahida loo qabo in dib looga fikiro oo dib la iskugu xigsiiyo nidaamka ISP si wax badan diiradda la saaro awoodaha iyo hadafka oo wax yar la saaro qiimeynta rasmiga ah. Si kastaba ha ahaatee, iyada oo ay sababtu tahay gobolka oo lahaa qorshe is dhinac socda oo loogu talagalay dib u habaynta nidaamka ISP, Kooxda Qorshe Dejintu ma aysan dejin ujeedooyin iyo istiraatijiyado ballaarin oo loogu talagalay hadafkani.
HADAFKA #5, MACLUUMAADKA/WADA XIRIIRKA: Dhammaan dadka qaba I/DD iyo qoysaskoodu waxay awoodaan in ay helaan oo xxxxxxx macluumaadka ay u baahan yihiin ee ku saabsan taageerada I/DD, waxayna heli karaan kala doorasho dhanka wada xiriirka oo dabacsan isla markaana hufan oo buuxinaya baahiyahooda.
o. Kordhinta in si fudud loo helo macluumaadka ku saabsan adeegyada, taageerada, iyo ilaha bulshada.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Sameynta “Qorshaha Khariidadeed iyo Tilmaamaha ku aadan Fahamka Taageerada DD” oo si fudud loo akhrin karo (oo ay ku jiraan Maamulka Kiisku) oo muhiimada la siinayo dadka raadinaya taageero iyo qoysaskooda, oo la heli karo iyaga oo ku qoran luqaddo badan.
• Sameynta macluumaad dhammeystiran oo la heli karo, oo lagu heli karo luqaddo iyo qaabab badan, kaasi oo sharraxaya waxyaabaha laga filayo maamulayaasha kiiska, oo bixiya macluumaad iyo nidaamyada khariidad sameynta hore laga sii dejiyay, oo dadka iyo qoysaska ka caawiya in ay xxxxxxx doorarka iyo mas’uuliyadaha CME.
• Dejinta waxyaabo kala duwan si loo bixiyo macluumaad joogto ah oo ku saabsan maamulka kiiska iyo taageerada, iyada oo aan la eegayn CME. Istiraatijiyadaha ay ka mid yihiin website- ka(ayada), fiidiyowgo, guug-gacmeedyada, waxaa la iskaga baahan yahay in la bixiyo qoraal/macluumaad marka dadka iyo qoysasku ay gaarayaan go’aano ku saabsan CME.
• Abuurista liiska hay’ada daryeelka bixisa oo ay taageerto ODDS (oo la raadin karo iyada oo la adeegsanayo adeeg ahaan, juqraafi ahaan iyo awood ahaan oo ay ku jiraan luqad iyo dhaqan) si loo dhammeystiro website-yada adeegyada shaqo xx xxxxx jira, liiska awooda ee bixiyaha guryaha xx xxxxx yahay, iyo diiwaanka shaqaalaha daryeelka guriga. Isku xirka awooda website-yada ee daryeel bixiyayaasha oo dhan. Isticmaalka khariidad sameynta dhulka si loo qiimeeyo awoodaha daryeel bixiyaha gobolka oo dhan iyada oo la isticmaalayo liisaska daryeel bixiyaha diiwaangashan si loo aqoonsado baahiyaha iyo farqiga jira, oo macluumaadkan looga dhigo mid dadka u furan.
Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:
• Bixinta tababar la siinayo dadka iyo qoysaska si ay bartaan in ay u doodaan naftooda oo wax ka ogaadaan waxa maamulka kiisku qabto (isla markaasna uusan qaban), oo ay ku jiraan taageerada loogu talagalay ka qayb qaadashada qoyska kala duwan.
• Kordhinta helitaanka ilaha macluumaadka oo loogu talagalay dadka, qoysaska, iyo daryeel bixiyayaasha iyo maamulayaasha kiiska iyada oo la adeegsanayo goobo iyo nidaamyo badan.
• Ballaarinta meelaha laga heli karo macluumaadka – istiraatijiyad ahaan iyo qorshe ahaanba, si macluumaadka dadka loogu gaarsiiyo habab badan (oo aanan kaliya lagu xirnaan maamulaha kiiska.)
p. Kordhinta tayada, hufnaanta iyo dabacsanaanta nidaamyada wada xiriirka, wadaagista diiwaannada iyo socodka macluumaadka ee kooxaha oo ay ku jiraan dadka helaya taageerada iyo qoysaska.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Maalgelinta maamulka kiiska oo dhexe iyo nidaam isgaarsiineed oo qofka ku saleysan, oo u wanaagsan isticmaalaha oo la heli karo, iyada oo la haysto shaqaalaha gobolka, maamulka kiiska, qof/qoys, iyo oggolaanshaha daryeel bixiyaha iyo meelaha wax laga galo. Nidaamku waa in uu oggolaadaa kaantaroolka waxyaabaha gaarka ah oo uu maamulaa qofka helaya taageeradu, oo ay ku jiraan helitaanka diiwaannada sida qiimeynta xogta, qorshayaasha qofka ku saleysan iyo oggolaanshaha adeega; bixinta wada xiriir ammaan ah iyo wadaagista macluumaadka
waafaqsan HIPPA oo ka kooban xubnaha ka xxxxxx xxxxxx hadba sida loogu baahan yahay ee qofku u oggolaado; abuurista hufnaan dhanka nidaamyada karaaniga ah iyo wada xiriirka.
• Xxxxxxxx arrimaha siyaasadeed iyo gaar ahaansho ee ku saabsan hababka wada xiriir ee qofku doorbidayo si loo kordhiyo dabacsanaanta iyo hufnaanta, iyada oo la bixinayo email, farriinta dhanka telefoonka, iyo wicitaan wanaagsan oo la kala dooranayo. Aqoonsiga waxyaabo kala duwan iyo nidaamyada oggolaan doona dhaqdhaqaaq badan iyo siyaabo wax loo heli karo si loo wada xiriiro oo loo wadaago macluumaadka iyada oo wali la dhowrayo gaar ahaanshaha iyo qarsoodinimada.
• Dib u dejinta luqadda macaamiisha si ay uga turjunto qiimaheena, iyo ka wareegista erey bixinta dhaqan ahaaneed ee caafimaad/hay’adeed. Ka taqaluska ereyada sida Adeeg Bixiyaha “Attendant Care” ee ku jira nidaamkeena ereyada maalin kasta. Dib u tixraaca ereyada sida Ka mid noqoshada Bulshada “Community Inclusion” iyo Nolosha Bulshada “Community Living,” iyo abuurista hadalo cusub oo si sax ah oo fudud u sharraxaya waxa ay dadku ka codsanayaan adeegyada, iyo waxa aan damacsanahay in aanu bixino.
Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:
• Wanaajinta wada xiriirka ka dhexeeya maamulayaasha kiiska iyo daryeel bixiyayaasha ee ku saabsan helitaanka ilaha, iyo buuxinta baahiyaha, ixtiraamka waxyaabaha la doorbidayo, wax ka qabashada hadafyada ISP iyo hirgelinta taageerada si loo buuxiyo/gaaro hadafyadani.
• Iyada oo oggolaansho laga haysto qofka, mas’uulka, xubnaha ka tirsan qoyska ee dadka ku nool goobaha xx xxxxx yahay ee daryeel bixiyuhu maamulo (guryaha koox ahaanta loo xxxxx yahay, daryeelka ilmo korsiga) kala xiriir waxyaabaha ku saabsan kormeerka, la sii socodka, iyo hawlaha cusub. Xxxx xx dhig doorashada ah in aan laga qayb qaadan (opt-out) si ay qoyaska uga war qabaan “in the loop.”
HADAFKA #6, KU LUG YEELASHADA: Tayada iyo la xisaabtanka ka qayb qaadashada daneeyaha bulshada, oo ay ku jiraan dadka iyo qoysaska leh caqabadaha la xiriira ka qayb qaadashada, ee dhanka isbeddelka nidaamka gobolka iyo in nidaamyada go’aan gaarida si joogto xx xxx taageero.
q. Sameynta waxyaabo la filayo iyo nidaamyo cad oo loogu talagalay kooxaha shaqada ee gobolka si loo kordhiyo ka qayb qaadashada daneeyaha oo wax ku ool ah.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Wax ka qabashada caqabadaha iyo abuurista fursad loo wada siman yahay oo loogu talagalay dadka oo dhan, oo ay ku jiraan dadka naafada ah iyo dadka ka soo jeeda dhaqamada kala duwan, si ay uga qayb qaataan oo wax ugu soo biiriyaan xxxxxxx xxxxxxx, oo ay ku jiraan bulshooyinka aan taariikh ahaan sida fiican adeega u xxxxx xx aan cid matalaysaa aanay jirin sida dadka ka soo jeeda ummadaha qabiilka ah ‘tribal nations’; jinsiga, qowmiyadda, iyo bulshooyinka ku saleysan dhaqanka; haweenka; dadka isku aqoonsan in ay yihiin LGBTQIA+; dadka qaba naafanimada (oo ay ku jiraan dadka qaba naafanimada caafimaadka hab-dhaqanka/caafimaadka dhimirka); dadka diin ahaan laga tirada badan yahay; dadka soo halgama; dadka leh aqoonta luqadda Ingiriiska oo kooban; muhaajiriinta; qoxootiga; dadka ay la soo deristo hoy la’aani; isticmaalka mukhaadaraadka, saboolnimo jiilal badan soo jirtay iyo dhibaatooyin naxdin leh oo la soo maray.
• Kordhinta isticmaalka tiknoolajiyada si ay si wanaagsan u daboosho qaybaha uu gobolku ka kooban yahay oo dhan iyo wanaajinta helitaanka.
• Abuurista nidaamyo la raacayo oo loogu talagalay kooxaha shaqada ee daneeyayaasha ah oo ay dejisay ODDS (iyo qandaraaslayaashooda) oo qeexaya shuruudaha ku saabsan jadwal lala sameeyo ka qayb qaatayaasha, bixinta daqiiqado la heli karo oo dadka u furan ama noocyo kale oo ah dokumentiyada wada hadalka iyo qodobada heshiiska, iyo in si loo dhan yahay looga wada xiriiro go’aanada kama dambeysta ah, waxa xxx xxxx iyo/ama natiijooyinka dadaalka kooxda shaqada.
• Sameynta tilmaamaha la raacayo iyo waxyaabaha la filayo ee loogu talagalay kooxaha shaqada ee daneeyayaasha ah si loo caddeeyo waxa looga baahan yahay xubin kasta, ee ka socda xubin kasta, si hab buuxda looga qayb galiyo iyaga iyo kooxahooda matala iyo si looga faa’iideysto khibradooda.
HADAFKA #7, WAXQABADKA, TAYADA IYO ILAHA: Waxqabadka maamulka kiiska iyo is waafajinta lacag bixinta iyada oo hadafku qofka ku saleysan yahay.
r. Kordhinta isla xisaabtanka iyo wax joogteynta ee gobolka oo dhan.
Istiraatijiyada Gobolka:
• In looga baahdo CME oo dhan in ay heshiisyo/qandaraasyo toos ah la galaan gobolka; joojinta kala doorashada heshiisyada xxxxx xx loogu talagalay degaannada.
s. Dejinta xaqiijinta tayada iyo qiyaasta nidaamyada waxqabadka oo dhiirigeliya natiijooyinka qofka ku saleysan.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Qiyaasta qofka ku saleysan iyo madax bannaanida qof ahaaneed isaga oo qayb ka ah qiyaasaha waxqabadka iyo tayada. Helitaanka isku dheelitir ah habka wax lagu qiyaasayo ee qofka ku saleysan – “Marka uu bato in qofku diiwaanka geliyo sida qofku uu muhiimada u siiyay qorshaha, waxaa yaraanaya in dhab ahaantii qofku muhiimada siiyo qorshahaasi.”
• La socodka xogta iyo macluumaadka dheeraadka ee gaarsiisan heer gobol, oo ay ku jiraan kala xulashada maamulka kiiska, oo ay sameeyaan dadka, iyo dhaqdhaqaaqyada qofka si loo xaqiijiyo in waqtigii loogu talagalay lagu dhammeystiro hirgelinta kala doorashada.
• Wanaajinta nidaamka dib u eegida – dib u eegidu waxaa inta badan sameeya kooxda ama koox ka baxsan, oo aan aqoon u lahayn qofka iyo qoyskiisa, iyada oo aan lagu xaqiijin macluumaadka wareysiyo ahaan ama aan la xxxxx xx’yi ururin dhanka waayo-aragnimada ah.
Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:
• Xaqiijinta in qofka (iyo dadka muhiimka u ah qofka) ay leeyihiin door muhiimka oo ah dhanka qeexida iyo hubinta tayada sida qofka/qoysku u xxxx.
t. Xaqiijinta maalgelin wax dhiirigelinaysa oo qofka ku saleysan, maamulka kiiska oo tayo leh oo ah hab loo wada siman yahay oo loogu talagalay dhammaan dadka helaya taageerada.
Istiraatijiyada Gobolka:
• Dib u booqashada/dib u eegida sida adeegyada maamulka kiiska uu lacagtiisa u bixiyo gobolka, oo ay la socdaan qaabka lacageed iyo lacag bixinta lagu taageerayo awooda, sinnaanta, tayada iyo kala duwanaanshaha baahiyaha dadka.
Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:
• Taageerida isbeddel ah dhanka waxqabadka ee laga filayo maamulayaasha kiiska, iyada oo laga durkayo/wareegayo in muhiimad la siiyo kulanka ku saleysan tirada kulamada, oo loo wareegayo natiijooyin ah hab qofka ku saleysan.
LIFAAQA A: Xxxxxxx Xxxxxx Xxxxxx Xxxxxxx (2019-2022)
• Xxx Xxxxx-Xxxxxxx, Ururka Ilaha Oregon
• Xxxxx Xxxxx, Wakiilka Shakhsiyeed xx Xxx’xxx
• Xxxxxx Xxxxxxxx, Qof u dooda Naftiisa
• Xxxxx Xxxxxxxxx/Xxxxxx Xxxxxx, Xxxxxxx Xxxxxxxxxxx Korriinka ee Oregon
• Xxxx Xxxxxxxxx, Shabakadaha Qoyska Oregon
• Xxx Xxxxx, Waalid
• Xxxxxxxxx Xxxxxx, Xxxxxxxxxxx U Dooda Naftooda ee Oregon
• Xxxx Xxxxxx-Xxxxxxx, Ururka Daryeel Bixiyayaasha Bulshada ee Oregon
• Xxxxxxx Xxxxxxxx, Xxxxxx
• Xxxxxx Xxxxxx, Qof u dooda Xxxxxxxx
• Xxxxx Xxxx, AFSCME iyo Isku duwaha Adeegyada CDDP
• Xxxxxxx Xxxxxxx, Ururka Bixiyayaasha Caafimaadka Maskaxda ee Bulshada /Agaasimayaasha CDDP
• Xxxxxx Xxxxxxx, Xxxxxx
• Xxxxx Xxxx, Ururka Adeegyada Taageerada ee Oregon
• Xxxx Xxxx, Xxxxxxxxxxx U Dooda Naftooda ee Oregon
• Xxxxx Xxxxxxxx, SEIU iyo Isku duwaha Adeegyada ee CIIS
• Xxx Xxxxxxx, Isbahaysiga Ururada Daryeelka Bixiyaha ee Yar yar ee Oregon
• Xxxxxxxxx Xxxxxx, Xxxxxxxxxxx Xxxxxx Oregon
Damaanad qaadayaasha Hay’ada Gobolka:
• Xxxx Xxxxxx, Agaamise Ku-xigeenka, Xafiiska Adeegyada Naafanimada Koriinka ee Oregon
• Xxxxx Xxxxxxx, Xxxxxxxxxx, Xafiiska Adeegyada Naafanimada Koriinka ee Oregon
Fududeynta Kooxda shaqada iyo Warbixinada:
• Xxxxxx Xxxxx, Shaqaalaha Maamulka Caafimaadka
• Xxxxxxx Xxxxxxxx, Taageerada Horumarinta Shaqaalaha
• Xxxxx Xxxx, qandaraasle madaxa bannaan
• Xxxxxxxxx Xxxxxx, Shaqaalaha Maamulka Caafimaadka