11Wasakheyn Qodobbada Tusaalaha

11Wasakheyn waxa looga jeedaa isbeddel kasta oo toos ama si dadban oo saameyn duleed, kiimikeed ama biyoolojieed ku yeesha guud ahaan degaanka ama qayb ka mid, ama ku shubid, aasid ama ku ifin haraaga sumeysan ee wershadaha ama wixii la nooc ah oo si taban u saameynaya isticmaalka biyaha iyo kheyraadka dabiiciga ee kale, ama abuuraya xaalad khatar ku ah degaanka iyo caafimaadka iyo nolosha dadka, xoolaha iyo dhirta ama baadka. Sidoo kale, wasakheyntu waa isbeddel kasta oo ku yimaada xalaada, ama hoos u dhigga tayada biyaha ee ku qeexan qodobada Xeerkan Biyaha ama xeer-hoosaad kale oo khuseeya arrintan