MARKUU ARKAY:- MARKUU ARKAY:-
Ujeeddo:- Ansixin ku meel xxxx xx ee Xeerka Khayraadka Biyaha Puntland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu:-
XXXXXX XXXXX:- XXXXXX XXXXX:-
XXXXXX XXXXXXXXXX:- XXXXXX XXXXX:-
Wuxuu Guddoomiyey:-
Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad.
Soo gudbinta Madaxweynaha Ref: MW/DPS/577/2018 ee August 16,2018 kuna saabsan soo gudbin Xeerka Khayraadka Biyaha Puntland.
Baahida loo qabo Ansixinta ku meel gaarka ah ee Xeerka khayraadka Biyaha Puntland.
Doodii iyo Go'aankii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladu ku ansixiyey si ku meel xxxx xx fadhigoodii Isniin ee 17/09/2018 Xeerka Khayraadka Biyaha Puntland.
Allaa Mahad Leh
-
Md. Axmed Cali Xaashi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada D L.
Tell:-+252907799977,Email: xxxxxx0000@xxxxx.xxx Website:- xxx.xxxxxxxxxxxxxxxxxx.xxx
DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA
XXXXXX XXXXXXXXXX XXXXXX XXXXXXXX
GAROOWE SEPTEMBER 2018
TUSMO
HABRAAC GUUD 6
Qodobka laad: Magaca, iyo Dhaqangalka Xeerka 6
Qodobka 2aad: Baaxadda 6
Qodobka 3aad: Erey-bixin 6
QAYBTA 2-aad 10
MABAADl'DA XXX XXXXXXXXXXXXX 10
Qodobka 4-aad 10
Mabaadi'da Guud, 10
Qodobka 5-aad 11
Xxxxxxx xxx xxxxxxxx 11
QAYBTA 3: 12
WAAJIBAAD 12
Qodobka 6aad: Waajibaadka Hay'xxxx Xxx lgmadey Adeegga Biyaha 12
Qodobka 7aad: Waajibaadka lsticmaalayaasha Biyaha 13
QAYBTA 4: 13
XXXXXXXXX XXXXXX XXX XXXXXXX SOO-SAARKA 13
Qodobka Saad: Nuxurka iyo noocyada xuquuqaha biyaha 13
Qodobka 9aad: Lahaanshaha Guud iyo Wadalahaanshaha 13
Qodobka l0aad: Lahaanshaha Gaarka ah iyo Xxxxxxx 00
Qodobka llaad: Diiwaangelinta Xuquuqda Biyaha 14
Qodobka 12aad: Wareejinta, kala-noqoshada iyo wax-ka-beddelka Xuquuqaha Biyaha 16
Qodobka 13aad: Xallinta Khilaafaadka Khuseeya Xuquuq-biyoodka 16
Qodobka 14aad: Shuruucdaha Ruqsada 17
Qodobka 15aad: Hawlaha aan u Baahneyn Ruqsad 17
Qodobka 16aad: Dhismaha iyo lsticmaalka Agab-biyood Oggolaansha La'aan 18
Qodobka 17aad: Habraaca Helitaanka Ruqsada 18
Qodobka 18aad: Xxxxxxxxxx Xxxxxxxxx 18
Qodobka 19aad: Arrimaha Tixgelinta Mudan Marka la Bixinayo Ruqsadaha 19
Qodobka 20aad: Bixinta Ruqsado Xaalado Xxxx xx 20
Qodobka 21aad: Ruqsad la Xiriirta Dhulka 20
Qodobka 22aad: Bixinta Ruqsad Cusub 21
Qodobka 23aad: Wax-ka-beddelka Ruqsada Duruufo soo Kordhay Awgood, IWM 21
Qodobka 24aad: Dalabka Soo-gudbinta Codsiyo Ruqsadeed ama Dib-U-Codsasho 21
Qodobka 25aad: baabi'in Ruqsad 23
Qodobka 26aad: Wax-ka-beddelka Ruqsad Sahan Biyood Awgeed 23
Qodobka 27aad: Wax-ka-beddelka Ruqsad Marka uu Codsado Milkiiluhu 24
Qodobka 28aad: Ka-tanaasulka Xxxxx xxx Oggolaadey 24
Qodobka 29aad: Dib-U-La-Noqosho Ruqsad 25
Qodobka 30aad: Ruqsada soo-saarka Biyaha 25
Qodobka 31aad: Xxxxxx, Xxxxx, Xx-Wareejin, Baabi'in 27
QAYBTA 5: 28
ISTICMAALKA IYO LAHAANSHAHA HANTIDA MAGUURTADA AH 28
Qodobka 32aad: Lahaanshaha Biyaha Dabiiciga ah iyo Agab-Biyoodka Guud 28
Qodobka 33aad: Xuquuqda lsticmaalka Agabka Biyaha iyo Maguurtadaba Waxa leh Hay'adda Biyaha loo lgmadey 28
Qodobka 34aad: Dib-ula-Noqosho xuquuqda lsticmaalka Biyaha 28
Qodobka 35aad: Xaqa lsticmaalka Agab-biyoodka Ujeeddo Guud 28
Qodobka 36aad: Maalgashiga Hay'adaha Samafalka Kaabayaasha Guud ee Biyaha 29
Qodobka 37aad: Maalgashiga Degmooyinka ee Kaabayaasha Guud ee Biyaha 29
Qodobka 38aad; Maalgashiga Dawladda Dhexe ee Kaabayaasha Guud ee Biyaha 30
Qodobka 39aad: Maalgashiga Hay'adaha Gaarka ah ee Nidaamka Cusub ee Adeegga Ganacsiga ah30 Qodobka40aad: Maalgashiga Hay'adaha Gaarka ah ee Nidaamka Adeegga Guud ee Jira 30
QAYBTA 6: 31
BIYO-XXXXXX XXXXXXXXXXXXX 31
Qodobka 41aad: Masuuliyadaha Degmooyinka ee Biyo-Siinta Magaalooyinka 31
Qodobka 42aad: Hawlgalka Biyo-siinta Magaalooyinka 31
Qodobka 43aad: Maareynta dhaqaalaha Cusbooneysiinta Kaabayaasha Xxxxxx 00
Qodobka 44aad: kormeerka PSAWEN ee Adeeg-bixinta Magaalooyinka 33
QAYBTA7 34
BIYO-SIINTA MIYIGA 34
Qodobka 45aad: Masuuliyada Hay'xxxx xxx lgmadey ka Saaran Biyo-siinta Miyiga 34
Qodobka 46aad: Maareynta Kaabayaasha Guud ee Biyaha ee lsticmaalayaasha 34
Qodobka 47aad: Maareynta Kaabayaasha guud ee biyaha ee Adeeg-bixiye Xxxx xx 34
Qodobka 48aad: Maareynta Degmada ee Kaabayaasha guud ee biyaha 35
Qodobka 49aad: Kaabayaasha Biyaha ee Gaarka ah ee Miyiga 35
QAYBTA 8: 35
XEERARKA WARAABINTA XOOLAHA 35
Qodobka 50aad: Xuquuqda Biyaha xx Xxxx-biyoodka Miyiga 35
Qodobka 51aad: Qorsheynta iyo Nidaaminta Baro-biyoodka Xoolaha 35
Qodobka 52aad: llaalinta Degaanka Baro-biyoodka Miyiga 36
Qodobka 53aad; Xuquuqda Xoolaha xx Xxxx-Biyoodka Miyiga 36
Qodobka 54aad: Maareynta khilaafaadka khuseeya Wadaagga kheyraadka Biyaha Miyiga 36
QAYBTA9: 37
XEERARKA BIYAHA WARAABKA 37
Qodobka 55aad: Xuquuqda Biyaha Waraabka 37
Qodobka 56aad: Qorsheynta iyo Maareynta Baro-Biyoodka Cusubee Waraabka 37
QAYBTA 10: 38
XEERARKA ILAALINTA TAYADA BIYAHA 38
Qodobka 57aad: Masuuliyada llaalinta Tayada Biyaha 38
Qodobka 58aad: Masuuliyadaha Degmada Dhinaca llaalinta Tayada Biyaha 38
Qodobka 59aad: Masuuliyadaha Adeeg-bixiyaha Dhinaca Tayada Biyaha 39
QAYBTA 11: 39
ILAALINTA KHEYRAADKA BIYAHA DHULKA HOOSTIISA KU JIRA 39
Qodobka 60aad: Tilmaamo Guud iyo Qeexid 39
Qodobka 61aad: Hay'xxxx xxx lgmadey 40
Qodobka 62aad: Ruqsadaha iyo Xogaha looga Baahan yahay 40
Qodobka 63aad: Xxxxxxx Xxxxxx iyo Biyaha Dhulka Xxxxx 40
Qodobka 64aad: Baraxa iyo Kordhinta biyo-dhuleedka 41
Qodobka 65aad: llaalinta Dhulka Agagaarka Ceelasha Biri-qoddeyga ah 41
Qodobka 66aad: Xeerarka Khuseeya Ceel-qodka 41
Qodobka 67aad: Kormeerka iyo Nidaamka Macluumaadka ee Puntland 41
Qodobka 68aad: llaalinta Dhulalka Biyo-qabatinka ah 42
QAYBTA 12: 42
ILAALINTA BIYO-DULEEDKA 42
Qodobka 69aad: Tilmaamo Guud iyo Qeexid 42
Qodobka 70aad: Hay'adda ama Hay'daha loo lgmadey 42
Qodobka 71aad: lsticmaalka Guud ee Biyo-Duleedka iyo Xxxxxxx 00
Qodobka 72aad: Hawlaha Horumarinta Biyo-Duleedka 43
Qodobka 73aad: lsticmaalka Biye-Duleedka Keydsan 43
Qodobka 74aad: Xuquuqda lstimaalayaasha Deggan Biyo-Shubka Xxxxx 44
Qodobka 75aad: Baraxa Biyaha 45
Qodobka 76aad: Ku-Darka Walxaha Adag 45
Qodobka 77aad: Oggolaanshaha Qodaalka Caloosha Biyo-mareenka 45
QAYBTA 13: 46
XXXXXXXX XXXXXX, XXXXXXXX XXXXXXXX, XXX XXXXXXXX XXX-XXXXXX/ISTICMAALKA 46
Qodobka 78aad: Hay'xxxx xxx lgmadey 46
Qodobka 79aad: Mabaadi'da iyo Hababka Go'aaminta Khidmaha Biyaha iyo Lacag-bixinta Gaarka ah46 Qodobka 80aad: Saameynta khidmadaha iyo Lacag-bixinta La Sharciyeeyey 47
Qodobka 81aad: Khidmada Kireynta 47
Qodobka 82aad: Xxxxxxxx Xxx-Xxxxxx 48
Qodobka 83aad: Cashuurta libka 49
Qodobka 84aad: Lacag-Bixinta Gaarka ah 49
Qodobka 85aad: Diidmo Lacag la Waajibiyey iyo Bixinteeda 49
QAYBTA 14: 50
QAABEYNTA IYO DAADEJINTA MASUULIYADAHA 50
Qodobka 86aad: Xxxxxxxxxxx xxx Xxx'xxxxx Xxxxxxxxx 50
Qodobka 87aad: Ururrada lsticmaalayaasha Biyaha 50
QAYBTA 15: 51
XUQUUQAHA LAXIRIIRA BIYAHA, DIIWAANGELINTA IYO LAHAANSHAHA DHULKA 51
Qodobka 88aad: Xxxxxxxx Xxxxxx iyo Biyaha 51
Qodobka 89aad: llaalinta Dhulka Dhaca Agagaarka Baraha Biyaha, iyo Xuquuqda Gelista iyo Kormeerka 51
Qodobka 90aad: Hirgelinta Agab-Biyood Horumarineed 52
Qodobka 91aad: Magdhaw ku Saabsan Dhulka laga Hirgeliyey Agab- Biyood 53
Qodobka 92aad: Waajibaad Culus 54
QAYBTA 16 54
ISKUJIR 54
Qodobka 93aad: Masuuliyada Waxyeellada 54
Qodobka 94aad: Ganaaxyada 55
Qodobka 95aad: Dhaqangalka Xeerka Biyaha 55
QAYBTA 1 HABRAAC GUUD
Qodobka taad: Magaca, iyo Dhaqangalka Xeerka
1. Xeerkan waxa lagu magacaabi karaa Xeerka Kheyraadka Biyaha.
2. Waxa xeerkani dhaqangeliyaa taariikhda Golaha Xeer-dejinta Punt/and oggolaado, uu saxeexo Madaxweynaha Punt/and, laguna soo saaro faajinta rasmiga ah ee Dawladda Punt/and
3. Xeerkani waxa uu ka dhaqangaleyaa dhammaan geyiga Punt/and
Qodobka 2aad: Baaxadda
1. Xeerkan waxa loo adeegsanayaa maamulka kheyraadka biyaha ee Dawladda Punt /and.
Qodobka 3aad: Erey-bixin
Qoraalka xeerkan, haddii xaalad kale aanney dalbeyn, macnaha kelmadaha soo socdaa waa sidan:
a) "Degaannada Magaalooyinka" waxa loola jeedaa dhulalka iyo soohdimaha degmooyinka darajada A ee gobollada iyo degmooyinka xilligii laga bixinayey gobollada iyo degmooyinka
b) "Hay'xxxx xxx igmadey" waxa loola jeedaa Hay'adda Biyaha, Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Puntland
c) (PSAWENJ Waa magac la soo gaabiyey oo Af-lngriis ah oo la micno ah magaca
'Hay'adda Biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ee Punt/and'
d) "Degaannada Miyiga" waxa loola jeedaa degmooyinka darajada B, C, iyo D ee qaanuunka gobollada iyo degmooyinku qeexayo
e) "Khidmada Soo-saarka Biyaha" waa qiimaha uu shakhsi bixiyo oo uu siiyo hay'xxxx xxx igmadey si uu u soo saaro biyo ku jira kheyraad biyood dabiici ah
f) "Ruqsada lsticmaalka Biyaha" waa oggolaansho qoraal ah oo ay bixiso hay'xxxx xxx igmadey kaas oo u fasaxaya shakhsiga la siiyey xaqa soo saarka iyo isticmaalka biyo iyada oo la dhawrayo shuruudaha uu qeexayo Qodobka 14aad
g) 11Biyo-keydiye"waa biyo dhulka hoostiisa ku kaydsan
h) "Xxxxx" waa biyo dabiici ah oo ku keydsan war ama biyo-qabad dhulka dushiisa xx
xxxx oo qabta isla markaana keydiya biyaha daadka ah, oo ay ku jiran biyaha dhibicda roobka oo toos loo ururiyey. Balliyadu waxa ay noqon karaan kuwo gaar loo leeyahay iyo kuwo guud.
i) "Berked" waa haan dhulka hoos u qodan oo sida badan sibirsan, taas oo qabata keydisana biyaha daadka ah iyo kuwa dhibicda roobka ahba. Berkeduhu waxa ay noqon karaan kuwo gaar loo leeyahay iyo kuwo guud.
j) "Ceel"waa bar-biyood gaaban oo gacan laguqoday
k) "Biyo-badeed" waa biyaha badda laga bilaabo caariga illa badweyn oo aanay ku jirin biyaha macaan xx xxxxxxx iyo biyaha milxan ee dhulka hoostiisa ku keydsan
1) "Guddi" waa Guddiga Siyaasada Biyaha ee Puntland
m) "Sarkaal loo Igmadey" waa isuduwe, kormeere, ama xubin ka tirsan shaqaalaha dawladda oo si rasmi ah loogu wakiishay ilaalinta, isticmaalka, iyo fulinta arrin, awooddiisana waxa uu ka helaa xilka uu dawladda xx xxxx, ama amar, ama wareegto maamuleed
n) "Degmo Juqraafi ahaan" waa degmo magacaaban oo ka mid ah dhulka Dawladda Puntland
o) "Biyosiinta Maxalliga ah" waxa looga jeeda haqabtirka biyaha guryaha dadku xxxxx yahay, waraabka beeraha iyo waraabka xoolaha la dhaqdo
p) "Faafinta Rasmiga ah" waa warfaafinta rasmiga ee Dawladda-Goboleedka Puntland
q) "Biyo-dhuleed"waa biyaha dabiiciga ee ku keydsan ama soconaya dhulka hoostiisa, kuwaas oo ay ka baxsan yihiin biyo-qabatinnada gacan-ku-samayska ah ama dhismayaasha shabbaha sida Berkedaha. Waxa kale oo ka mid ah biyo- keydiyeyaasha ku keydsan dhulxeebeedka
r) "Milkiilaha Xuquuqda lsticmaalka Biyaha" waa hay'ad dawladeed/guud oo ay PSAWEN, oo uxilsaaran arrimaha maamulka biyaha, u wakiilatey xaqa isticmaalka agab ama nidaam biyood dawladeed
s) "Barax" waxa looga jeeda in si ku talaagal ah ama kama' ah loogu daro dureere biyaha fadhiya dhulka dushiisa ama hoostiisa, ku daristaasi ha keento wasakheyn ama xxx xxxxxx, iyada oo la adeegsanayo tuubooyin, kelliyo, xorfado ama xxxxxx xxxx ee gacan-ku-sameysah
t) "khidmada Kirada"waa lacagta uu siiyo adeeg-bixiyuhu sida ku qeexan heshiis uu hore xxx xxxxx degmo ama hay'ad qaabilsan (sida ku cad Qodobka 42.4 e) lahaanshaha xuquuqda isticmaalka nidaamka biyaha
u) "Heerbeegyada"waa heerka taya ahaan loo asteeyey badeecadaha ama adeegyada, kuwaas oo ay khasab tahay in la gaaro si loogu oggolaado isticmaal dadweyne, waxaana ka mid ah Heerbeegga Tayada Biyaha
v) "Shakhsi" waa faham jiritaan qaanuneed oo tilmaamaya qof, shirkad yar, shirkad weyn, urur is abaabuley, koox gaar ahaaneed, kuwaas oo daneeya horumarinta iyo maareynta biyaha degaan, sida tuulo, magaalo weyn, wasaarad ama wakaalad ama qayb-hoosaad dawladeed xx xxxx Puntland, gobol, ama heerar ka hooseeya, ama koox ajnabi ama ururro xxxxx caalami ama maxalli ah
w) 11Wasakheyn" waxa looga jeedaa isbeddel kasta oo toos ama si dadban oo saameyn duleed, kiimikeed ama biyoolojieed ku yeesha guud ahaan degaanka ama qayb ka mid, ama ku shubid, aasid ama ku ifin haraaga sumeysan ee wershadaha ama wixii la nooc ah oo si taban u saameynaya isticmaalka biyaha iyo kheyraadka dabiiciga xx xxxx, ama abuuraya xaalad khatar ku ah degaanka iyo caafimaadka iyo nolosha dadka, xoolaha iyo dhirta ama baadka. Sidoo kale, wasakheyntu waa isbeddel kasta oo ku yimaada xalaada, ama hoos u dhigga tayada biyaha ee ku qeexan qodobada Xeerkan Biyaha ama xeer-hoosaad kale oo khuseeya arrintan
x) "Wasakheeye"waa shakhsi kasta oo xxxxx ama sababeeya wasakheyn.
y) "Gobol "waxa looga jeeda baaxad dhuleed xaddidan oo ka mid ah gobollada Puntland
z) 11Lahaanshaha daamaha"waa milkiyadda shakhsi ama koox ee hal dhinac ama labo dhinac ee webi ama biyo-mareen
aa)"Shuruudo"waxa looga jeeda tilmaan kasta ee farsamo taas oo lagu khasban yahay in raaco marka la dhisayo agab dadweyne/guud, waxaana ka mid ah tilmaamaha qodaalka ceelasha biri-qoddeyga
bb)"Biyaha Duleed" waxa looga jeeda biyaha si joogto ah ama xxxxx xxxx durugsan socda ama fariista dhulka guudkiisa, kuwaas oo ka soo hara roobka, waxaana ka mid ah durdurrada iyo balliyada
cc) 11Lacag bixin xxxx xx" waa bixin lacag dheeraad ah oo lagu dallaco ciddii dhaafta
xadka xuquuqdii isticmaalka xx xxx asteeyey
dd)"Khidmada biyaha" waa qiimaha ama khidmad kasta oo uu bixiyo isticmaalaha biyuhu isaga oo siinayo shakhsi xxxx xx biyaha siiyey
ee) "Unuga Maamulka Biyaha" waa Shaqaalaha Biyaha Degmada xx xxx xilsaarey maamulka agab-biyoodka iyaga oo wakiil ka xx xxx'ad metelaysa Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha
ff) "Guddiga Maareynta Biyaha" waa guddi madaxbanaan oo loo magacaabey ilaalinta Heshiiska Hawlgalka. Guddiga madaxa bannaani waxa uu ka kooban yahay wakiillo maxalli ah oo ka socda daneeyayaasha kala duwan ee qaybta biyaha.
Guddigu waxa uu hoos yimaada hay'adda PSAWEN
gg) 11Adeeg-bixiye" waa shakhsiga bixiya adeeg biyood isaga oo ku beddelanaya lacag
hh)"Kheyraadka Biyaha" waxa ay koobaan yihiin biyaha duleed iyo hooseed ee dhulka, oo ay ku jiraan waraha dabiici ah iyo kuwa gacmeed, durdurrada, iyo kelliyada, biyaha roobka, biyaha kharaar ee la macaaneeyey, biyaha dib loo safeeyey si mar labaad loo isticmaalo, biyaha daadanaya iyo biyo-badeedka xeebaha
ii) 'Xaqa biyaha" waa xaqa isticmaalka biyo baxaad cayiman leh oo laga qaadanayo goob biyood cayiman, xilli cayiman
jj) 11Qaybinta Biyaha" waa bixinta adeegga biyaha kuwaas oo loo isticmaalayo guryaha, waxaana ka baxsan in loo isticmaalo waraabka beeraha, xoolaha, iyo beeraha guryaha, IWM
kk) 11Hor umarinta Biyaha': ama mashaariicda horumarinta kheyraadka biyaha, erey- bixintani waxa ay koobeysaa moosaska, kelliyada, biyo-qabatinnada gacmeed iyo biyo-qabatinnada dabiiciga ah, balliyada iyo berkedaha; baro-biyoodka sida ceel- gacmeedyada, ceelasha biriqooddeyga, baraha matoorradu biyaha ka soo saaraan, tuubbooyinka biyaha qaada, dhismayaasha ku yaal biyo-mareennada oo lagu horo ama lagu leexiyo biyaha, dhismayaasha waaweyn ee biyaha lagu keydiyo ama lagu sifeeyo, dhisme kasta oo loogu talagaley keydinta, gudbinta, leexinta, ilaalinta, ama soo saaridda biyaha, keydiye kasta oo lagu shubo maddo wasakheeye ah, dhismeyaasha ka hortagga suulidda iyo wasakheynta kheyraadka biyaha, isticmaalka biyaha ujeedkiisa waxa uu doono ha ahaadee iyo dhowrista dhisme
kasta oo biyood. Dhisrnayaasha biyuhu waxa ay u qaybsarnaan labo: agabka biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo agabka biyaha duleed
QAYBTA 2-aad MABAADI'DA XXX XXXXXXXXXXXXX
Qodobka 4-aad Mabaadi'da Guud,
Mabaadi'da Guud ee Xeerka Biyuhu waa:
(1) Keydinta, hourmarinta, sare-u-qaadista tayada biyaha, iyo ilaalinta kheyraadka biyaha, sidoo kale, tashiilka isticmaalka kheyraadkaas
(2) Dhaqangelinta nidaam biyo-iibin, si loo dhiirrigeliyo isticmaal tashiilan ee biyaha iyada oo maanka lagu hayo mabda'a ah in biyuhu yihiin kheyraad dhammaad /eh, sidoo kalena
/eh qiime bulsheed iyo dhaqaaleed
(3) Horseedka kordhinta baxaadda biyaha iyada oo loo marayo dib-u-isticmaal, waana in la curiyaa xeerar arrintaas khuseeya
(4) Dhiirrigelinta macaaneynta biyaha badda, iyo ka dhallinta biyaha hawada si loo helo biyo baaxad /eh oo si joogteysan u daboola baahiyaha kordhaya
(5) Ilaalinta tayada kheyraadka biyaha iyo diyaarinta shaybaarro /eh qalab casri ah oo lagu baaro
(6) Isticrnaal kasta oo khayraadka biyood waxaa lagu salaynayaa ilaalinta rajada iyo xuquuqda jiilasha darnbe ,si ay u helaan arna u dhaxlaan khayraad biyood oo dhawrsoon.
(7) Dawladda Puntland waxay dhiiri gelinaysaa in rnaaraynta biyaha laga qaybgeliyo dharnrnaan qaybaha kala duwan ee bulshada
(8) Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in helo biyo nadiif ah oo ku filan baahidiisa asaasiga ah intii surto gal ah.
(9) noole kasta oo biyo ku nool ah, oo ku nool dhulka puntland wuxuu xaq u leeyahay inuu helo biyo uu ku noolaado.
Qodobka 5-aad
Xxxxxxx xxx Xxxxxxxx
1. Ujeeddada xeerkani waa kordhinta helitaanka biyaha si hab loo siman yahay oo joogteysan loogu isticmaalo qaababka kala duwan ee ka faa'iideysi, iyada oo weliba la raacayo hanaanka ugu habboon ee dhowrista degaanka
2. Nuxur ahaan, Xeerkani waxa uu-
a) Aqoonsan yahay, awoodsiinayaa, oggolaanayaa, sharciyeynayaa xeer- dhaqameedka Puntland, hay'adahiisa fulineed, iyo hoggaamiye-dhaqameedka ee khuseeya maamulka maaliyedeed iyo garsoor ee kheyraadka biyaha.
b) Qeexayaa maareynta biyaha, fulinta adeegga biyaha iyada oo lagu dhaqmayo xeerarka biyaha
c) Fududeynaya curinta istratiijiyada Horumarinta Biyaha Puntland, iyo sidii loogu beddeli lahaa qorshayaal qeexan oo ay leedahay qaybta biyaha ee Puntland, si ay u suurtogasho qiimeynta, isuduwidda, iyo la mideynta qorshayaasha qaybaha kale iyo qorshayaasha guud ee horumarinta Puntland, si sida ugu habboon, looga faa'iideysto mucaawinooyinka iyo wadashaqaynta
d) Suurtogeliyaa in la sameeyo qorsheyn ka kooban qaybo badan, barnaamijyo iyo mashaariic, ka hor inta aaney fulin ama dhisin PSAWEN iyo hay'adaha xxxx xx ay khuseyso
e) Horseedayaa isku xirka dhexeeya wasaaradaha dawladda iyo hay'adaha madaxabanaan ee daneeya horumarinta iyo maamulka kheyraadka biyaha iyo isticmaalkooda
f) Qeexaa xuquuqaha iyo waajibaadka shakhsiyaadka daneeya bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaanba isticmaalka habboon ee biyaha, iyo la jaanqaadka horumarka iyo nolol wanaagga bulshada
g) Dhiirrigelinayaa kaqaybgalka qaybta gaarka ah iyada oo la adeegsanayo Nidaamka Wada-lahaansha Qaybta Guud iyo tan Gaar Ahaaneed (Public Private Partnership approach) taas oo dhexmarta dawladda iyo shirkadaha gaar ahaaneed. Hawlaha saami-gaybsiga, maareynta iyo horumarinta Nidaamka Wada-lahaanshaha waxa qeexaya xeer-hoosad
QAYBTA3:
WAAJIBAAD
Qodobka 6aad: Waajibaadka Hay'xxxx Xxx Igmadey Adeegga Biyaha
Waajibaadka PSAWEN waa:
1. In si karti iyo masuuliyadi ku jirto ay u maareyso una horumariso agabka guud ee biyaha iyo hantida maguurtada ah ee ay ku aamintay Dawladda Puntland
2. In ay dhammeystirto dhammaan xeer-hoosaadyada, habraacyada, xeerarka, go'aannada, qaab-dhismeedka iyo hab-maamuleedyada lagama maarmaanka u ah gaaritaanka hadafyada, nuxurka iyo ujeeddooyinka Xeerkan
3. Kormeerka iyo fulinta xeerarka sharci iyo maamul ee khuseeya kahortagga iyo ilaalinta wasakheynta biyaha
4. Curinta iyo dhaqangelinta hanaan iyo heerbeegyo farsameed ama dhaqameed oo lagu beekhaamiyo biyaha sida isticmaalka teknoolajiyad iyo tabo habboon oo ku aaddan tashiilka biyaha
5. Curinta iyo dhaqangelinta heerbeegyo qeexaya tayada biyaha marka laga hadlayo biyaha cabitaanka, iskudarka biyeyowga, dib-u-isticmaalka dareeraha ka soo noqda beeraha, musqulaha, iyo haraaga wershadaha, iyo dhawrista keydka biyaha ee dhulka hoostiisa ku jira, biyaha dusha dhulka yaal, biyo-badeedka xeebaha, iyo kheyraadka biyood xx xxxx;
6. Suurtogelinta dib-u-isticmaalka iyo macaaneynta biyaha badda iyo ka dhalinta biyaha xagga hawada
7. Diyaarinta shaybaarro leh qalab casri ah oo lagu baaro tayada biyaha
8. In la joogteeyo diwaangelinta milkiilayaasha xuquuqaha biyaha oo ay la socdaan xogaha lagama maarmaanka ah ee qeexaya lahaanshaha biyaha, dhulka, iyo xogaha dhaqan-dhaqaale ee ku saabsan ujeedooyinka, xuquuqaha, waajibaadyada, iyo kuwa xxxx xx khuseeya isticmaalka biyaha
9. Ilaalinta iyo kormeerka isticmaalka kheyraadka biyaha
10. Fulinta iyo meelmarinta qodobada Xeerkan Biyaha iyo hubinta ku-dhaqanka xeer- hoosaadyada isticmaalka biyaha
11. Tayeynta iyo kor u qaadida aqoonta shaqaalaha hay'adaha ka shaqeeya adeegga khayraadka biyaha.
12. U qareemidda iyo horumarinta adeegyaqda khayraadka biyaha iyo sameynta daraasad ku aadan khayraadka biyaha dalka.
Qodobka 7aad: Waajibaadka Isticmaalayaasha Biyaha
1. Mulkiilayaasha Khayraadka biyuhu waa inay dhawraan kuna dhaqmaan waajibaadka Xeerkan.
2. Biyaha waa in la dhawro xxxx tashiilo iyada oo la adeegsanayo tiknoolojiyad, tabo iyo habab ku habboon xxxx hirgeliyo qaab-dhismeedyo, iyo hab-maamullo dhawra kheyraadka biyaha
3. Khayraadka Biyaha waa in loo isticmaalo qaab aan waxyeelo iyo khatar ku keenayn dadka, duunyada iyo deegaanka.
4. Kuwa isticmaala biyaha waxa ay si buuxda uga masuul yihiin ka ilaalinta biyaha wasakhda.
QAYBTA4:
XXXXXXXXX XXXXXX XXX XXXXXXX XXX-XXXXXX
Qodobka 8aad: Nuxurka iyo noocyada xuquuqaha biyaha
1. Nuxurka xuquuqda isticmaalka biyaha waxa ka mid ah magaca Milkiilaha, meesha biyaha laga soo saarayo, nooca biyaha la isticmaalayo, xaddiga biyaha la soo saarayo, caddeynta nooca qalabka soo saariddabiyaha
2. Milkiilaha xaqa soo-saarka biyaha ee la siinayo Ruqsada Soo-saarka waxa uu noqon xxxx xxx'ad dawladeed, qof xxxx xx, ama bulsho sida ururka macaamiisha biyaha
3. Xeerka Biyuhu waxa uu aqoonsan yahay xeerar-dhaqameedka lahaanshaha biyaha ee jira ee aan ka hor imaaneyn qodobada Xeerkan
4. Xxx kasta oo heysata xaqa dhaqamiga ah ee lahaanshaha biyaha waa ay diiwaangashan kartaa xuquuqdaas sida ku cad qodobada Xeerkan
Qodobka 9aad: Lahaanshaha Guud iyo Wadalahaanshaha
1. Dhammaan khayraad biyoodka dalka waa hanti guud oo ay leeyihiin bulshada Puntland, mas'uulna ay uga tahay dawladdu, waxaana loo isticmaalayaa si siman.
2. Isticmaalka kheyraadka biyaha waxa lagu dhaqayaa sida uu qabo qaanuunka u gaarka ah ee uu qeexayo nidaam-maamuleedka Dawladda Puntland
Qodobka 10aad: Xxxxxxxxxxx Xxxxxx ah iyo Xaddeyn
1. Waxa reebban lahaanshaha gaarka ah ee kheyraadka biyaha dabiiciga xx xxxx biyaha dhulka hoostiisa, xxxx ama gal-biyood ama doox/waadi biyo mareen ah haddii aanu qeexin xeerkan biyaha ama qaynuun kale
2. Waxa reeban lahaanshaha biyaha ku saleysan lahaanshaha dhul soohdin la wadaaga bar-biyood. Waxa tan la mid ah hareeraha harooyinka iyo dhul- xeebeedka
3. Lahaanshaha gaar ahaaneed ee adeeg-biyood waxa uu ku ansaxayaa keliya kadib markii qofkaasi ama hay'addaasi uu/ay maaligeliso soo-saarka biyaha si waafagsan qodobada Xeerkan Biyaha
4. Xxx kasta oo xuquuq kheyraad biyood ay maalgelisey leh waa iibin kartaa si waafaqsan qodobada Xeekan Biyaha. Haddii biyahaasi yihiin kuwo ugu dambeynta laga iibinayo dadweynaha, adeegaha bixiyuhu waa in uu buuxiyaa shuruudaha ku qeexan xeer-hoosaadyada khuseeya tayada biyaha loogu talagaley cabitaanka
Qodobka 11aad: Diiwaangelinta Xuquuqda Biyaha
1. Xeerkani waxa uu dalbayaa diiwaangelinta dhammaan xuquuuqaha biyood oo ay ku jiraan xuquuq-biyoodka dhaqamiga ah
2. Hay'xxxx xxx igmadey waa in ay diyaarisaa isla markaana si joogto ah u cusbooneysiisaa diiwaanka xuquuqaha biyaha. Diiwaankaasi waa in uu saldhig iyo marjac u noqdaa xaallinta khilaafaadka ka yimaada xuquuqaha biyaha iyo isticmaalka kheyraadka biyaha
3. Hay'xxxx xxx igmadey waa in ay u magacawdo degmo kasta sarkaal biyood kaas oo masuul ka ah diyaarinta, keydinta, cusbooneysiinta Diiwaanka xuquuq- biyoodka ee Degmada. Degmadu waa in ay nuqulka diiwaanka si joogto ah ugu gudbiso wasaaradda masuulka ka ah arrimaha biyaha
4. Hanaanka is-diiwaangelinta, shahaadada is-diiwaangelinta ugu horreysa iyo fursadaha daalacashada diiwaanku waa lacag la'aan
5. Marka laga reebo xaaladaha ay qeexeyso Farqada 4aad ee kor ku xusan, shakhsi kasta oo u baahda daalacashada diiwaanka ujeedda kasta ha ka lahaadee waxa ku waajibey bixinta qiime lacageed oo macquul ah oo uu siinayo sarkaalka biyaha. Xeer-hoosaadka uu yeelan doono Xeerka Biyuhu ayaa jaangoyn doona qiimaha khidmadaas.
6. PSAWEN waxa ay diyaarineysaa xeer-hoosaad khuseeya habraaca isdiiwaangelinta iyo joogteynta Diiwaanka. Xeer-hoosaadku waxa uu tilmaamayaa xaqa shakhsi kasta u leeyahay daalacashada diiwaanka iyo habraaca diidmada iyo sixidda diiwaangelinta
7. Qoraal kasta oo gelaya Diiwaanka waa in uu xambaarsan yahay xog buuxda oo qeexaysa tilmaamaha xuquuq-biyoodkan sida ku xusan Qodobka Saad faqrada 1, oo ay raacsan tahay taariikhda sheegashada, diiwaangelinta diidmada iyo sixitaannada suurtogalka ah ee lagu sameeyey xuquuqdan cayiman
8. Shakhsi kasta oo dalbanaya diiwaangelin xuquuq-biyood, oo halkaan kadib ku magacaaban codsade, waa in uu waafaqsan yahay habraaca ku xusan Qodobka llaad, Faqrada 6
9. Xxxxx xx xxxx xaalada Qodobka llaad, faqrada 8 tilmaamayo, waa in lagu dhaqmo habraaca hoos ku xusan:
a) Codsaduhu waa in uu dalabkiisa u gudbiyaa sarkaalka masuulka ka ah Diiwaanka Degmada, isaga oo buuxinaya foomka dalabka ee uu hayo sarkaalku
b) Dalabka codsadaha waa in lagu soo bandhigo meel fagaare ah muddo aan ka yareyn hal bil kana badneyn 3 bilood
c) Inta lagu xxxx xxxx xilliga kor ku xusan, xxxxxxx kasta oo dood ka qaba dalabkaas waxa uu sarkaalka degmada u gudbin kara diidmo qoraal ah oo ku saabsan dalabkaas
d) Sarkaalku waa in uu qabto oo aqbalo diidmada la soo gudbiyey, xxxxxxxxxx xxxxxxxxxx xxxxxxx soo gudbistey iyo cid kasta oo ay saameyn ku yeelaneyso, kadibna uu qo'aan ka gaaro inta lagu jiro muddada ku xusan Qodobka 11.9.b
e) Haddii muddadaas gudaheeda aan la diiwaangelin diidmo, xuquuqda biyaha waxa la siinayaa codsadaha waxaana lagu qorayaa diiwaanka;
f) Sarkaalka masuulka ka ah Diiwaanku waa in uu bixiyo shahaadada diiwaangelinta isaga oo caddeynaya astaamaha xuquuq-biyoodka loo diiwaangeliyey codsadaha
g) Diiwaangelin kasta oo xuquuq-biyood ah oo la bixiyaa ma sharciyeyn karto isbedel lagu sameeyo ama xuquuq yeelasho beddelid dabeecadda, qaabka iyo baaxadda isticmaalkeeda
Qodobka 12aad: Wareejinta, kala-noqoshada iyo wax-ka-beddelka Xuquuqaha Biyaha
1. Is-beddel kasta oo ku yimaada tilmaamaha xuquuq-biyood diiwaangashan waa in lagu xuso Diiwaanka, si waafaqsan habraaca· sixitaanka ee ay dejisey hay'adda u xilsaarani. Milkiilaha xuquuq-biyoodka waxa waajib ku ah in uu qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee xaqiijinaya in isbeddelkaas lagu sameeyey qoraalka Diiwaanka
2. Bud-dhigayaasha shakhsiga leh xuquuq-biyood waa ay dhaxli karaan xuquuq- biyoodka iyada oo la raacayo shuruucda u dejisan dhaxalka. Milkiilayaasha cusubi waa in ay u gudbiyaan tafaasiishooda xafiiska degmada si loo cusbooneysiiyo xogta Diiwaanka ku keydsan
3. Xuquuq-biyoodka waa lagu wareejin karaa cid seddexaad, waase in la raaco habraaca ku cad Xeerkan
4. Xuquuq-biyoodka waa la laali karaa mar kasta oo xxx guud loogu baahdo, ama loo isticmaalo ama loo horumariyo ama lala wareego agabkaas biyood ee gaarka si loo hirgeliyo nidaam biyood dano dadweyne (guud) awgood
5. Haddii ay dhacdo in lala wareego xuquuq-biyood gaar loo leeyahay, waa in magdhaw u dhigma la siiyo Milkiilaha xuquuq-biyoodka,kaas oo ay qiimeysey maxkamada awoodda u lihi
Qodobka 13aad: Xallinta Khilaafaadka Khuseeya Xuquuq-biyoodka
1. Haddii uu yimaaddo khilaaf ku saabsan xuquuq-biyood, waa in loo xilsaaro xeerbeegtida bulsheed xallinta arrintan iyada oo la raacayo xeer-dhaqameedka bulshada
2. Haddii uu guul-darreysto isku-deyga xallinta khilaafku habka ku qeexan Qodobka 13.1, khliaafka waxa loo gudbinayaa maxkamada Awoodda u leh
Qodobka 14aad: Shuruucdaha Ruqsada
Waa in loo qaato ruqsad ujeedda kasta oo ka mid kuwa soo socda:-
(a)Xxx xxxxxxxx iyo adeeg-bixinta kheyraad biyood, marka laga reebo tilmaamaha Qodobka 31
(b) Shaqo kasta, oo laga qabanayo gudaha ama saameyn ku yeelan karta
kheyraad biyood , taas oo ay waajibiyeen qodobadda Xeerkani in loo qaato ruqsad
Qodobka 15aad: Hawlaha aan u Baahneyn Ruqsad
(1) Ruqsad uma baahna-
(a) Shakhsi kasta oo xaq u leh isticmaalka biyaha kheyraad biyood, wallow aannu hanti xxxxx, xxxxx uu ku daboolayo baahiyihiisa asaasiga ah ee guriga ama maxalliga ·ah
(b) Isticmaalka biyaha durdur ku yaal gudaha xuduudaha dhul gaar loo leeyahay durdurkaas oo aan biyihiisa ku shubeyn tog ku dhow ama kaas oo dhaafaya xuduudka xayndaabka dhuleed ee Milkiilaha dhulka; ama
(c) Keydsiga biyo ku jira, ama laga xxx xxxxxxx, biyo-qabatin loo dhisay ujeeddo keydineed, kaas oo aan aheyn tog ama biyo xxxxxx xxxx uu u aqoonsan yahay Xeerkani
(2) Faqrada (1) ma khuseyso shaqo kasta oo ku xusan faqradaas taas oo loo baahdo marka xaalado gaar ahi yimaadaan oo uu Xeerkani dalbayo in loo qaato ruqsad
(3) Qodobada Xeerkani shuruud waa ku xiri karaan isticmaalka biyo ku jira kheyraad biyood oo ahaa nooca aan u baahneyn ruqsad,haddii ay yimaadaan duruufi gaar ahi
(4) Iyada oo aan la dureynin guudnimado faqrada (3), qawaaniintaasi waa -
(a) Mamnuuci karaan isticmaalka biyahaas marka ay yimaadaan xaalado cayiman; ama
(b) Waajibin karaan helitaanka oggolaansha ama fasaxa hay'adda awoodda u
leh maamulka biyahaas
Qodobka 16aad: Dhismaha iyo lsticmaalka Agab-biyood Oggolaansha La'aan
(1) Cid kasta oo-
(a) Aan u haysan ruqsad ee dhista agab biyood ama u shaqaaleeysa dad ujeeddo u baahan ruqsad; ama iyada oo haysata ruqsad dhista agab ama dad shaqaaleeysa iyada oo burisey shuruudaha ruqsadeeda, waa dambiilexadgubey
(2) Haysata ruqsad u fasaxeysa dhismaha agab biyood, oo iyada oo aan helin oggolaanshaha PSAWEN, bixisa adeeg-biyood iyada oo ade.egsaneysa agab aan la dhammeystirin isla markaasna aan la oggolaan hawlgalkiisa waa dembiile xadgudbey
Qodobka 17aad: Habraaca Helitaanka Ruqsada
(1) Codsiga ruqsada adeeg-bixinta biyaha waxa lagu hagaajinayaa PSAWEN
(2) Codsiga waa in lagu qoraa foomka loogu talagaley ee ay hayso PSAWEN, kaas oo ay la socdaan-
(a) Macluumaadka xxxx xx kaabaya codsiga ee uu qeexayo foomku, iyo
(b) Qiimaha lacageed ee cayiman (haddii uu jiro).
(3) Bixinta Ruqsada waa in la dhammeystiro muddo aan ka badneyn lix bilood kadib qabashada codsi buuxiyey shuruudaha PSAWEN u dejisey
(4) Codsiga ruqsadu waa in uu maro wadatashi guud, xxxx qiimeeyo saameynta uu ku yeelan karo degaanka iyada oo la raacayo shuruucda u dhigan dhowrista degaanka
(5) Shakhsi kasta oo diiddan bixinta ruqso waxa uu diidmo qoraal ah ku soo gudbin kara 30 maalmood gudahood laga bilaabo soo bandhigga codsiga
(6) Codsadaha iyo shakhsi kasta oo ka hor yimid oggolaansha codsiga waa in lala socodsiiyo go'aanka la gaarey, iyo sababaha loo cuskadey oggolaanshaha ama diidmaha codsigaas
(7) Haddii ay dhacdo in codsi waafaqey Qodobkan aan go'aan laga gaarin lix bilood gudahood sida ku cad faqrada (3), lacag kasta oo uu bixiyey codsaduhu isaga oo fulinaya faqrada (2) (b) waa in dib loogu celiyo codsadaha
Qodobka 18aad: Xxxxxxxxxx Xxxxxxxxx
(1) Ruqsadu waa in ay buuxiso-
(a) Shuruudaha ku qeexan Xeerkan ee ku saabsan ruqsadaha; iyo
(b) Shuruudaha xxxx xx ka baxsan kuwa kore (a) xx xxx'adda qaabilsani dejiso ee qoraal ahaan ku lifaaqan nuqulka ruqsada
(2) Marka laga tago guudmarka faqrada (1), PSAWEN waxa ay dejineysaa shuruudaha ruqsad kasta ee lagu oggolaanayo dhisme agab-biyood
(3) Shuruucda xeerkan waxa ay waajibinayaan shuruudaha guud ama nooc kasta oo ruqsadeed
(4) Marka laga tago guudmarka faqrada (2) xeerkan iyo xeer-hoosaadyadiisuwaa-
(a) Waajibin karaan shuruudo cayiman xilliyo xayiman;
(b) Waajibin karaan in milkiilaha ruqsadi bixiyo khidmad cayiman
Go'aamin karaan in burinta shardi ama shuruudaha Xeerkani waajibiyey noqoneyso xadgudub lagu muteysan karo ciqaab uu qeexay xeer-hoosaad
(5) Fulinta ganax ay waajibisey Faqrada (4) (c) ma cafinayo magdhawga waaxyeello ama dhaawac uu qof geystey, xadgudubka uu geystey awgiis, kaas oo waajibiyey ganaaxa
Qodobka 19aad: Arrimaha Tixgelinta Mudan Marka la Bixinayo Ruqsadaha
(1) Marka la bixinayo ruqsad xxxx sugayo shuruudaha ku xiran, waa in hay'xxxx xxx igmadey, ee bixineysa adeegga biyaha, tixgeliso duruufaha ku xeeran rugsada la bixinayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin -
(a) Qawaaniinta jirta ee lagu dhaqmo ee khuseeya isticmaalka biyaha;
(b) Dhawrista iyo ka-faa'iideysiga habboon ee isticmaalka biyaha iyada la ilaalinayo danta guud;
(c) Siyaasada maareynta kheyraadka biyaha ee ka jirta bar-biyood cayiman;
(d) Saameynta suurtogalka ah ee uu ku keeni karo adeeg-biyoodka la codsanayaa kheyraadka biyaha iyo kuwa isticmaalaya;
(e) Noociyadda iyo tayada kheyraadka biyaha laga hadlayo
(f) Maalgelinta uu hore u geliyey iyo tan uu ku talajiro codsadaha adeeggu marka la barbardhigo muhimada uu leeyahay bar-biyoodka laga hadlayo;
(f) Muhimada istraatiijedeed ee uu leeyahay adeeg-biyoodka la codsanayaa
(g) Tayada biyaha ku jira bar-biyoodka ruqsada loo codsanayo; iyo
(h) Ku-talagalka wakhtiga ay soconayaan hawlaha adeeg-bixinta biyaha ee
oggolaanshaha la dalbayo
(2) Adeeg-bixinta biyaha loo isticmaalayo guryaha waxa ay ka mudan tahay isticmaal kasta oo biyood oo kale, PSAWEN marka ay bixineysa ruqsad waa in ay u keydiso ama u qoondeyso baaxad biyood tayo leh oo ku filan isticmaalka maxalliga/guryaha
(3) Dabeecada iyo heerka adeegga biyaha ee la oggolaanayaa ama ruqsad lagu bixinayaa waa in ay yihiin kuwo macquul ah waxtarna leh marka la tixgeliyo danta isticmaalayaasha xxxx xx bar-biyoodkaas ku xiran
(4) Ruqsadu, iyada oo ku suntan Xeerkan, waa in ay hawlgal tahay ama ku muddeysan tahay xilli cayiman xx xxx qoondeeyey, waana la cusbooneysiin karaa wakhtiyo is xigxiga
Qodobka 20aad: Bixinta Ruqsado Xaalado Xxxx xx
1. Xaaladaha gaarka ah ee ruqsad lagu bixin karo waxa qeexaya go'aanna ka gaaraya Golaha Xukuumada
2. Hay'xxxx xxx igmadey, haddii ay u aragto in ay tahay xaalad xxxx xx, waa bixin kartaa ruqsad shuruud la'aan ah ama mid shuruudi ku xiran tahay, taas oo oggolaaneysa isticmaalka biyaha ku jira bar-biyood iyo dhismaha agab biyoodba iyada oo aan sameyn wadatashi
3. Marka laga tashanayo oggolaanshaha ama diidmada ruqsada uu banneynayo Qodobkani, hay'xxxx xxx igmadey maamulka biyuhu waa in ay fiiro xxxx xx u yeelataa saameynta ruqsadaasi ku yeelan karto baahida biyaha maxalliga ah ee dadweynaha
Qodobka 2laad: Ruqsad la Xiriirta Dhulka
(1) Ruqsada la bixinayaa waa in ay caddeysaa, sida ugu macquulsan, astaamaha qaybta dhulka ah ee raacsan. Marka la bixiyo waa in ruqsadu qeexdaa, iyada oo raaceysa Qodobkan, xilliga ay -
a) Qaybta dhulka ahi la mataaneynaan doonto ruqsada, iyo
(2) Haddii, ay la noqoto hay'xxxx xxx igmadey, in -
(a) Isbeddel dhacay awgeed, kaas oo aanu waxba ka qaban xxxxx Milkiilaha ruqsadu, uu milkiiluhu si faa'iido leh u isticmaali karo qaybta dhulka ah ee raacsanruqsada
; iyo
(b) Haddii wareejintu aaney saameyn taban ku yeelan xxxxx xxxxx guud ama xuquuq- biyoodka kuwa kale, oo ku saleysan nuxurka faqradan, hay'xxxx xxx igmadey waa ku beddeli karta qaybta dhuleed ee ruqsada ku lifaaqan dhul kale oo uu leeyahay Milkiilaha ruqsadu, iyada oo dhulkaan dambe beddeli doono kii hore ee ruqsada raacsanaa
(3) Haddii dhul kasta oo raacsanaa ruqsada uu noqonayo mid la qaybinayo
Qodobka 22aad: Bixinta Ruqsad Cusub
(a) Iyada oo ku saleysan nuxurka Xeerkan, hay'xxxx xxx igmadey waa bixin karaa ruqsad ku muddeysan laba sano, ama ka badan haddii ay sidaas u aragto hay'xxxx xxx igmadey
(b) Haddii haya'dda loo igmadey u aragto in la bixiyo duruufo jira awgood
Qodobka 23aad: Wax-ka-beddelka Ruqsada Duruufo soo Kordhay Awgood, IWM
(1) Ruqsad waa lagu sameyn karaa isbeddel markasta oo hay'xxxx xxx igmadey ay u muuqato in, isbeddel dabiica ah awgeed, koror baahida biyaha ama si kale, ay sababeysey adeega biyaha ee ruqsadani
(a) U sinaan la'aan kheyraadka biyaha;
(b) Hoos u dhac tayada biyaha;
(c) Yaraansho biyihii loo isticmaaley baahida guryaha ama maxalli;
(2) Ruqsad looma baabi'in karo ama looma beddeli karo, iyada oo la raacayo nuxurka Qodobkan, iyada oo aan xx xxxxxxxx Milkiilaha ruqsada xxxx siinin fursan macquul ah oo uu ugu soo gudbin karo hay'xxxx xxx igmadey sababaha xxxxxx dhalliisha iyo sababaha aan loo baabi'in xxxxx ama wax looga beddeli xxxxx ruqsadiisa
(3) Faqrada (2) ma khuseeyo isbeddelka ay keeneen abaaruhu ama gurmad uu tilmaamey Xeerkani
Qodobka 24aad: Dalabka Soo-gudbinta Codsiyo Ruqsadeed ama Dib-U-Codsasho
PSAWEN waa ku xxx xxxxx karta Faafinta Rasmiga ogeysiin amreysa in kuwa isticmaala biyaha oo ay ku jiraan kuwa ruqsadaha leh ay soo codsadaan ama dib u soo codsadaan ruqsado biyood oo hal ama ka badan nooc isticmaal-biyood ah:
(1) Xxxxx, hay'adda awoodda u lehi u aragto in loo baahan yahay in la qiimeeyo isticmaalka biyaha ku jira hal ama ka badan kheyraad-biyood, oo ay ku jiraan biyaha dhulka hoostiisu, ee ku jira dhul cayiman si loo-
(a) Helo qaybin-biyood waarta ee bar-biyood culays saaran yahay;
(b) Gaaro qaybin loo siman yahay;
(c) Dhiirrigeliyo isticmaal faa'iido leh ee biyaha la haysto xxx guud awgeed
(d) Dhaqangeliyo maareyn hufan ee kheyraadka biyaha; ama
(e) Ilaaliyo tayada kheyraadka biyaha,
(2) Marka la qabto codsiyada cusub ama kuwo dib-u-codsiga, PSAWEN waxa ay diyaarineysaa jadwal qeexaya biyo-qaybinta kheyraad biyoodka laga hadlayo, iyada oo la tixgelinayo baaxadda keydka biyaha ku jira.
(3) Jadwalka biyo-qaybineed ee la soo jeediyey waa in uu yahay mid xxxxxx tashadey dadweynaha, kadibna hay'adda awoodda u lihi ku soo bandhigto faafinta iyada oo lagu muujinayo wakhtiyada iyo meelaha laga heli karo noqollo jadwalkaas hordhaca ah
(4) Shakhsi kasta oo ka raalli noqon waaya jadwalka qaybintaas ee hordhaca ah waxa uu u dacwoon karaa Guddiga Racfaanka Biyaha muddo 30 maalmood gudahood ah laga bilaabo soo bandhigga jadwalkaas ku xusan faqrada (3).
(5) Jadwalka biyo-qaybinta hordhaca ahi waxa uu noqonayaa mid kama dambeys ah-
(a) Haddii aan laga soo gudbin racfaan muddada ay xxxxxxxxx Xxxxxxxxx (4)
(b) Haddii dib-u-eegis lagu sameeyey kadib racfaan kasta oo guuleystey; ama
(c) Haddii racfaan kasa oo la soo gudbiyey guuleysan waayo
(6) Hay'adda awoodda u lihi ku iclaamiso faafinta rasmiga ah in jadwalkii hordhaca ee biyo-qaybintu noqday kama-dambeys isla markaasna tilmaanto wakhtiyada iyo meelaha laga heli karo nuqulkiisa
(7) Hay'xxxx xxx igmadey waa in sida ugu dhakhsaha badan, kadib marka jadwalka qaybintu noqdo kama-dambeys, u bixisaa ruqsadaha si waafaqsan qaybinta cusub, isla markaas baabi'isaa ruqsadihii hore ee khilaafsan qaybinta cusub
Qodobka 25aad: baabi'in Ruqsad
(1) PSAWEN waa baabi'in kartaa ama wax ka beddeli kartaa ruqsad- biyood haddii loo baahdo oo ay lagama maarmaan noqoto in adeeg biyood la siiyo isticmaalayaal dheeraad ah oo ku soo biirey bar- biyoodka jirta
(2) Ruqsad biyood lama baabi'in karo ama wax lagama beddeli karo haddii ka hor aan ogeysiin la siin Milkiilaha ruqsada, fursad macquul xxxx xxx siin in uu PSAWEN u soo gudbiyo sababaha aaney xaq u aheyn baabi'inta ama wax-ka-beddelka ruqsadiisa
(3) Milkiilaha ruqsad la baabi'iyey sida ay baaneyneyso Faqradan waxa uu xaq u yeelanayaa magdhaw macquul ah oo qiimahiisa ay ku heshiiyaan Milkiilaha ruqsada, isticmaalaha ama isticmaalayaasha cusub, iyo PSAWEN. Khilaaf kasta oo ka abuurma magdhawgaas waxa loo bandhigayaa maxkamad go'aan ka gaarta.
Baabi'inta ama wax-ka-beddelka ruqsad iyada oo sababtu tahay Milkiilaha oo ka gaabiyey ilaalinta shuruudihii loo dhigey:
(4) Hay'xxxx xxx igmadey waa baabi'in karta ama wax ka beddeli kartaa ruqsad haddii milkiiluhu-
(a) Jebiyo mid ka mid ah shuruudaha ruqsada, ama
(b) Ka gaabiyo in uu si habboon uga faa'iideeyey biyaha ama qayb ka mid shuruucda PSAWEN
(SJ Ruqsad lama baabi'in ama beddeli karo sida ay qeexeyso Faqradani haddii aan ogeysiin la siin Milkiilaha ruqsada, isla markaana la siinin fursad macquul ah oo uu ku soo gudbin karo sababaha jira ee aan loo baabi'in xxxxx ama wax looga beddeli xxxxx xxxxxxxxxx
Qodobka 26aad: Wax-ka-beddelka Ruqsad Saban Biyood Awgeed
Hay'xxxx xxx igmadey wax xx xxxxxx waa ku sameyn kartaa ruqsad kasta iyada oo la tixgelinayo natiijada ka soo baxdey sahan dhuleed qiimeyn ku sameeyey baaxada kheyraadka biyaha ee aaggaas. Hase yeeshee, waa in ogeysiin macquul ah la siiyo dhammaan kooxaha isbeddelkaasi saameyn ku yeelan karo
Qodobka 27aad: Wax-ka-beddelka Ruqsad Marka uu Codsado Milkiiluhu
• (1) Hay'xxxx xxx igmadey wax waa ka beddi kartaa ruqsad iyada oo fuliyeysa codsi ka yimid Milkiilaha. Wax-ka-beddelkaas waxa ka mid:
(a) Wax-ka-xxxxxx xxxxx leexinta ama soo saarka biyaha
(b) Wax-ka-beddel isticmaalka biyaha loo oggolaadey rugsada; ama
(c) Oggolaanshaha qaybinta biyaha loo oggol yahay ruqsada ama in biyaha loo qaybiyo labo ama ka badan dhulka ruqsada ku xusan;
(d) Oggolaanshaha isku-darka biyaha loo qoondeeyey ruqsadan in ay bixiso ama ay isticmaasho,iyo biyaha ruqsad kale oo uu leeyahay isla Milkiilahani ama uu leeyahay milkiile ruqsad kale ;
(e) Xxxxx xxx baahdo in la cillad saaro taas oo ka dhigeysa ruqsada mid aan dhammeystirnayn ama shuruudaheedu caddeyn, ama
(f) Wax-ka-beddelka shuruudaha ruqsada, haddii hay'xxxx xxx igmadey ku qanacdo in wax-ka-beddelku aanu liddi ku aheyn danta guud ama xuquuqda kuwa kale.
(2) Wax-ka-beddel khuseeya-
(a) Isticmaalka biyaha loo oggolaadey ruqsada; ama
(b) Shardi cayim oo ruqsada ku xiran lama beddeli karo haddii aan latashi guud la sameyn
Qodobka 28aad: Ka-tanaasulka Xxxxx xxx Oggolaadey
(1) Milkiilaha joojiya isticmaalka biyo loo oggolaadey waa in uu ogeysiiyaa hay'xxxx xxx igmadey in uu ka tanaasuley ruqsadiisii oo dhan ama qayb ka mid oo gooni loo xxxxx karo
(2) Tanaasulkaasi marka uu yimaado, hay'xxxx xxx igmadey waxa ay amri kartaa Milkiilaha ruqsada in uu baabi'yo, wakhti cayiman oo loo qabtey gudihiis, dhammaan ama qayb ka mid agabyadii uu dhisey ee la xiriira ruqsada
(3) Milkiilaha ruqsad ee dayaca ama ka gaabiya in uu baabi'yo agabka kor looga xxxxxx waa dembiile, hay'xxxx xxx igmadeyna waa ay burburin kartaa dhammaan ama qayb ka mid agabkaas, waxa aaney dib uga ceshan kartaa Milkiilaha kharashkii ku baxey burburinta iyada oo la tiigsaneysa maxkamadda awoodda u leh
(4) Qodobkan looma fasiri karo mid ku amraya milkiile ama oggolaanaya in milkiile ka tanaasuli karo ruqsadiisa biyood dhammaanteed ama qayb ka mid ah sababo la xiriira culeys ama shuruudo uga yimid deyn ama lacag lagu yeeshey dhulka la socda ruqsada
Qodobka 29aad: Dib-U-La-Noqosho Ruqsad:
Hay'xxxx xxx igmadey waa dalbi kartaa, iyada oo ogeysiineysa Milkiilaha ruqsada, haddii aanu xx xxxxx sidaa yeelin, in uu soo celiyo ruqsada
(1) Markasta oo-
(a) PSAWEN baabi'iso ruqsad biyood ama wax ka beddesho, iyada oo la raaco Xeerkan, ama
(b) Loo baxsho ruqsad si kama' ah ama si aan nidaamka waafaqsaneyn; ama
(c) Loo baxsho ruqsad si khilaafsan shuruucda Xeerkan,
(2) Milkiilaha ka gaabiya fulinta ogeysiinta la siiyey, waxa uu noqonayaa dembiile gabood xxxxx
Qodobka 30aad: Ruqsada soo-saarka Biyaha
(1) Biyo kasta oo laga soo saarayo kheyraad biyood dabiici ah ama la isticmaalayo waa in oggolaansho Iooga helo hay'xxxx xxx igmadey. Sidoo kale waa in loo helo ruqsad soo-saarid ama isticmaal
(2) Oggolaansho lama bixin karo haddii uu keeni karo khatar ku timaadda degaanka dabiiciga, oo ay ka mid yihiin:
a. Isticmaal xad-dhaaf ah ee biyaha dhulka hoostiisa ama dushiisa ku jira,
b. Ku xxxxxxx xxxx milix leh,
c. Weecasho aan loo baahneyn ee ku timaada qulqulka dabiiciga ah ee biyaha,
d. Haddii xaddiga biyaha Ia codsanayaa keeni karaan in bartaas ay ku soo jabaan xooluhu ama dadku, taas oo sababeyneysa carro-guur xad-dhaaf ah ama khatar gelineysa jiritaanka keymaha iyodhul-daaqeenka
e. Haddii agabka biyood ee meesha laga dhisayaa uu isticmaalayo dhammaan kheyraad- biyoodka la haysto taas oo keeneysa in isticmaalayaasha aagga xxxxx deggani waayaan xuquuqdoodii biyaha
f. PSAWEN waa in ay qeexdaa xadka biyo soo-saarka ay xaq u yeelanayso ruqsadu.
Xadkaas biyood waa in uu tilmaamaa xeer-hoosaad
(3) Ruqsad biyo soo-saar waa lagama maarman marka:
a. Xadka soo-saarka agabka biyuhu dhaafo jaangooyadii ruqsada
b. Biyaha la soo saarayo, xaddigoodu inta uu doonoba ha ahaadee, yihiin kuwo xxx guud loogu talagaley
c. Kheyraad-biyoodku ku yaal aag cayiman oo hore uu Xeerkani u reebay ama xayirey
x. Xxx'xxxx xxx igmadey bixinta ruqsadaha biyo soo-saarku waa Hay'adda masuulka ka ah maareynta arrimaha biyaha haddii aanu jirin qaanuun kale oo hay'addu u wakiilatey degmooyin xaalado xxxx xx awgood. Xaaladahaas gaarka ah waxa qeexaya xeer- hoosaad
e. Marka la diiwaangelinayo xuquuq-biyood agab guur guura, sarkaalka biyaha degmadu waa in uu hubiyaa in hawshaasi u baahan tahay ruqsad biyo soo-saar ku saleysan Qodobka 30 Faqrada 3 (a). Haddii taasi jirto waa in sarkaalku bixiyaa foomka codsiga kuna caawiyaa codsadaha habka buuxinta foomka
f. Codsaduhu waa in uu gudbiyaa codsi si ay go'aan uga qaadato Hay'xxxx xxx igmadey ee dawladdu u xilsaartey arrimaha biyaha
(4) Ruqsada soo-saarka waa in lagu qoro Diiwaanka ay hayso Hay'adda masuulka ka ah arrimaha biyuhu
(5) Is-beddel kasta oo lagu sameeyo astaamaha ruqsad waxa uu dalbayaa in lagu xuso isbeddelkaas buugga Diiwaanka qaabka ay xeer-hoosaadyadu tilmaamayaan. Milkiilaha ruqsad biyo soo-saar waa in uu qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah xaqiijinta in isbeddelkaas ladiiwaangeliyo
(6) Hay'xxxx xxx igmadey waxa ay dejin kartaa qorshaha iyo hawlgalka bar-biyood kasta iyo agab-biyood kasta. Qorshayaashaasi waxa ay muujin karaan astaamaha, ay ka mid yihiin goobta, tirada ceelasha, moolka ceelka, iyo xaddiga biyo-soo- saarka. Waxa kale oo uu qeexaya nooca makiinadaha laga oggol yahay Puntland in loo adeegsado isticmaalka agabka iyo bara-biyoodka; iyo arrin kasta oo khuseysa aggolaanshaha isticmaalka miinooyinka, tamarta, iyo kheyraadka biyaha xxx guud awgeed
(7) Baaxadda biyo-soo-saarka ku qeexan ruqsada waxa ay go'aamineysa qiyaasta lacagta ku waajibeysaa, waa haddi uu jiro nidaam lacag-qaadis ah
Qodobka 31aad: Xxxxxx, Xxxxx, Xx-Wareejin, Baabi'in
• (1) Waa dembi soo-saarka xaddi-biyood ka badan heerka ay tilmaamayaan xeer-
hoosaadyadu in la isticmaali karo ruqsad la'aan, ama dhaafaya xad ku cad ruqsada la bixiyey. Xadgubkaas waxa uu keeni karaa in hay'xxxx xxx igmadey xoog kula wareegto qalabka ama ay qaaddo tallaabooyin lagu joojinayo biyo soo-saarkaas, iyada oo aan tixgelineyn milkiyada xxxxxxx ama lahaanshaha qalabkaas
(2) Biyo-soo-saarka ruqsadaha la oggolaadey waa la xiddidi karaa, ama xx xxxxx xxxxx xxx guud awgeed marka xaaladaha soo socdaabuurmaan:
a. Yaraansho xooggan oo ku yimaada Kheyraadka biyaha sababo la xiriira ruqsada soo-saarka, ama milkiile ruqsad oo isticmaali waaya biyihii loo oggolaadey labo sano oo is-xiga, sida la hubiyey
x. Xxxx u dhac tayada biyaha, ama wasakheysanka kheyraad-biyoodka oo labaduba dhaafa heerkii loo asteeyey,
c. Soo-saarka oo sababeeya dhaawac ku yimaada kheyraadka biyaha sida wasakheyn biyaha ama ku darsoomid biyo badeed;
d. Soo-saarka oo khatar geliya degaanka dhinacyada carro-guurka, xaalufinta oo ay keeneen xoolo xxx xxxxx ama degaameyn
3) Waa in la bixiyo magdhaw marka xaddidaad ama hakinni dhacdo. Xaddiga la bixinayo waxa go'aaminaya xeer-hoosaadyada ay soo saartey hay'xxxx xxx igmadey.
(4) Haddii ay dhacdo in milkiile ruqsadeed isticmaali waayo ruqsada muddo xxxx xxxx oo xiriir ah, Hay'adda masuulka ka ah biyuhu waa baabi'in kartaa ruqsadaas iyada oo aan magdhow bixin
(SJ Haddii ay dhacaan xaaladaha Qodobka 30 ee Faqrada (b) iyo Qodobka 31, hay'xxxx xxx igmadey waxa ay awood u leedahay in ay biyaha u qoondeyso codsade cusub
#-
•
QAYBTA 5:
ISTICMAALKA IYO LAHAANSHAHA HANTIDA MAGUURTADA AH
Qodobka 32aad: Lahaanshaha Biyaha Dabiiciga ah iyo Agab-Biyoodka Guud
(1) Lahaanshaha biyaha dabiiciga ah lama wareejin karo
(2) Dhammaan agabka-biyoodka lagu dhisey hanti guud waa hanti qarameed wakiil loogu hayo muwaadiniinta dalka
Qodobka 33aad: Xuquuqda Isticmaalka Agabka Biyaha iyo Maguurtadaba Waxa leh Hay'adda Biyaha loo Igmadey
(1) Hay'xxxx xxx igmadey waa ku wareejin kartaa xuquuqda isticmaalka hantida maguurtada ah ee biyood gobollada ama degmooyinka, taas oo ku imaaneysa heshiis ay galaan hay'xxxx xxx igmadey iyo tan maxilliga ah ee biyood.
(2) Heshiisku waa in uu si buuxda ugu wareejiyo xuquuqda adeeg-bixinta biyaha hay'xxxx Xxxx Degmo ee ay khuseyso
(3) Xxxxx xxxx reebo xaaladaha Faqradaha 1 iyo 2, dawladda xxxxx xaq xxx xxxxxx xxxxx iibinta, leexinta ama bixinta hanti maguurto ah ee ay ku aamintey dawladda dhexe. Sidoo kale, dawladda xxxxx xxx gudbin karto hantidaas gacanseddexaad
Qodobka 34aad: Dib-ula-Noqosho xuquuqda Isticmaalka Biyaha
(1) Hadii hay'adda biyaha ee maxalliga ahi si habboon u bixin xxxx weydo adeegga biyaha, taas oo is-hortaagta helitaanka adeeg-biyood, hay'xxxx xxx igmadey waxa ay xaq u leedahay in ay dib ula soo noqoto xuquuqda lahaanshaha agabka biyaha
(2) Xxxxx xxxxxxxx la soo noqoto xuquuqda isticmaalka agab-biyoodka, waa in dawladdu qaaddaa masuuliyada bixinta adeegga biyaha ee meelaha ay khuseyso
Qodobka 35aad: Xaqa Isticmaalka Agab-biyoodka Xxxxxxx Xxxx
(1) Xaqa isticmaalka agab-biyoodka iyada oo laga fuuryeelayo ujeeddooyin guud waxa uu waajibinayaa sii wadidda bixinta adeegyada biyaha, taas oo micnheedu yahay:
a. Abaabulka isticmaal hufan iyo joogteyn agabka bixinta adeegga biyaha
b. Diyaarinta dhaqaale ku filan cusbooneysiinta iyo dayactirka agabka iyada oo la raacayo cimriga qaybaha kala duwan ee agabka,
c. Qorsheynta ballaarinta ay dalbeyso baahida kordheysa
Qodobka 36aad: Maalgashiga Hay'adaha Samafalka Kaabayaasha Guud ee Biyaha
(1) Maalgashiga hay'adaha aan dawliga aheyn ee kaabaasha adeegga guud ee biyaha waa in la oggolaado iyada oo la raacayo nuxurka Qodobka 30 ee Xeerkan
(2) Kaabayaasha lagu hirgeliyey nuxurka Qodobka 36, Faqrada 1 waa in lagu daro, marka ay dhammeystirmaaan, hanti guud waana in laqu qoro Diiwaanka hantida guud, waase haddii ay buuxiyaan heerbeegga uu qeexayo Qodobka 30, Faqrada 6
(3) Iyada oo la raacayo Qodobka 36, Faqrada 2, hay'adda maalgaashigu waa in ay ku wareejiso kaabaha/agabka heerka ugu hooseeya ee ku habboon xx
xxxxx u leh fulinta masuuliyada Xuquuqda adeeg-bixinta sid,a uu qabo -.
Qodobka 35, Faqrada 1, iyada oo la raacayo habraaca ay dejisey Hay'adda masuulka ka ah arrimaha biyaha
(4) Xxxxx xxxxxx bixinta adeegga biyuhu dhaco gudaha xuduudda xxx xxxxx, heerka ugu hooseeya ee ku habboon, leh xuquuqda biyaha, xxxxxxxx in lagu wareejiyo waa Wakaaladda Biyaha ee Degmada
(5) Haddii agabka bixinta adeegga biyuhu ka dhexeeyo dhowr degmo, heerka ugu hooseeya ee ku habboon, leh xuquuqda biyaha, xxxxxxxx in lagu wareejiyo waa Hay'adda Biyaha ee Gobolka
Qodobka 37aad: Maalgashiga Degmooyinka ee Kaabayaasha Guud ee Biyaha
(1) Maalgashiga degmooyinka ee kaabayaasha biyo-soo-saarka ee loogu talagaley bixinta adeegga guud ee biyaha waa in uu waafaqsan yahay nuxurka Qodobka 14, isla markaana ay oggolaatey hay'xxxx xxx igmadey ee awoodda u leh
(2) Kaabaha ay maalgelisey degmadu iyada oo isticmaaleysa hantida guud waxa iska
leh qaranka waana in lagu qoro diiwaanka hantida maguurtada ah ee qaranka
1•
Qodobka 38aad; Maalgashiga Dawladda Dhexe ee Kaabayaasha Guud ee Biyaha
(1) Maalgelinta dawladda dhexe waxa ay la jaanqaadeysaa mudnaanta horumarinta Puntland ee ay dejisey Hay'xxxx xxx igmadey biyuhu
(2) Kaabaha lagu hirgeliyey nuxurka Qodobka 38, Faqrada 1, waa hanti guud waana in lagu qoro diiwaanka hantida guud ee qaranka laguna wareejiyo heerka ugu hooseeya ee ku habboon awoodna u leh qaadista masuuliyada adeeg-bixineed sida uu qeexayo Qodobka 35, Faqrada 1
(3) Heerka ugu hooseeya ee xaqa u leh bixinta adeegga biyuhu waa Wakaaladda Biyaha ee Degmada
Qodobka 39aad: Maalgashiga Hay'adaha Gaarka ah ee Nidaamka Cusub ee
Adeegga Ganacsiga ah
(1) Maalgelinta hay'adaha gaarka ah ee kaabayaasha biyaha ee nidaamyada cusub ee u adeegaya xxx guud waa in ay waafaqsan tahay mudnaanta horumarineed ee ay dejisey Hay'xxxx xxx igmadey biyuhu
(2) Kaabayaasha biyaha ee si buuxda ay u maalgashadeen hal ama dhawr maalgeliye waa kuwo loo yeeshey gaar xitaa haddii kaabaha laga hadlayaa uu yahay mid biyaha siinaya dadweynaha guud
(3) Haddii kaabayaashaas gaarka ah lala wareego si loola mideyo nidaam kaabayaal guud, waa in magdhaw la siiyo hay'adihii gaarka ahaa ee iska lahaa kaabayaasha. Magdhawga waxa lagu saleynayaa mabaadi'da caalamiga ah ee qiima-dhaca (depreciation) kuwaas oo loo isticmaalo qiimeynta kaabayaasha biyaha, haddii aaney Hay'xxxx xxx igmadey ka soo saarin xeer-hoosaad xxxx xx
Qodobka40aad: Maalgashiga Hay'adaha Gaarka xxxx Nidaamka Adeegga Guud ee Jira
(1) Mararka ay dhacdo in shakhsiyaad gaar ahi maalgeliyaan nidaam-biyood guud
(xxxxxxxx) iyada oo ujeedadu tahay in la ballaariyo ama la cusbooneysiiyo nidaam- biyoodkaas guud, heshiiska maalgelineed ee la gelayaa waa in uu caddeeyaa habka loola mideynayo kaabahaas kuwa xxxx xx dadweynuhu leeyihiin, taas oo ay ka mid tahay:
a. Qeexidda taariikhda mideynta,
b. Xeer-hoosadyada lagu dhaqmayo marka la qiimeynayo haraaga maalgelinta gaarka
ah,
c. Qaababka magdhawga khasaaraha ku yimaada lahaanshaha gaar ahaaneed
d. Diiwaanka agabyada iyo kaabayaasha laga hadlayo
(2) Maalgelinta uu shakhsi gaar ahi ku sameeyo nidaam-biyood guud waxa loo qaybin karaa sida soo socota:
Nooca l aad: ka-shaqeynta, dayactirka iyo beddelka qaybo lagama maarmaan u ah sidii nidaamku u sii joogteyn lahaa heerkii hore ee wax-soo-saar
Nooca 2aad: kashaqeynta, dayactirka, beddelka iyo ballaarinta nidaamka kuwaas oo suurtogeliya horumarka hab-socodka adeegga biyo-bixint:a
Kharashka nooca 2aad oo keliya ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay maalgelin mudan magdhawga uu qeexayo Qodobka 35.1
QAYBTA6:
BIYO-XXXXXX XXXXXXXXXXXXX
Qodobka 41aad: Masuuliyadaha Degmooyinka ee Biyo-Siinta Magaalooyinka
(1) Masuuliyada abaabulka iyo kormeerka habsami-u-socodka ee meel magacaaban waxa ay si buuxda u saaran tahay hay'adda biyaha xx xxx igmadey
(2) Hay'xxxx xxx igmadey biyo-siinta magaalooyinku waa Hay'adda masuulka ka ah arrimaha biyaha
(3) Si loo kormeero hawgalka adeeg-bixinta iyo Hawlgalka Heshiiska, Hay'xxxx xxx igmadey arrimaha biyuhu waxa ay magacaabi kartaa Guddi Biyood madaxbanaan kaas oo ka kooban xubno metelaya wakiillada maxalliga ah ee daneeyayaasha kala duwan
Qodobka 42aad: Hawlgalka Biyo-siinta Magaalooyinka
(1) Iyada oo fulineysa masuuliyada ku qeexan Qodobka 41.1, Hay 'xxxx xxx igmadey waa in ay u wakiilato hawlgalka iyo maareynta adeegga biyaha hay'ad awood u leh (oo hadda kadib aynnu ku magaabi doono "Adeeg-bixiye")
(2) Adeeg-bixiyuhu waxa uu noqon karaa:
a. Wakaalad biyood ee guud ahna mid maxalli ah oo maamulmadaxbanaan,
b. Wakaalad biyood qaran ahna mid madaxbanaan,
c. Adeeg-bixiye gaar loo leeyahay oo madaxbanaan (qof ama shirkad yar oo gaar loo leeyahay ama shirkad weyn oo gaar loo leeyahay)
d. Adeeg biyood wadaag ah oo ka dhexeeya qaranka, shirkadaha gaarka loo leeyahay Public Private Partinership (PPP).
e. In la sameeyo Xeer-nidaamiye xxxx xx oo ay ku wada shaqeeyaan Shirkadaha wadaaga ah Public Private Partinership (PPP) iyo Hay'adda Biyaha iyo Tamarta Puntland.
(3) Heshiiska wakaalashada rasmiga ah ee dhexmara hay'xxxx xxx igmadey iyo adeeg- bixiyaha waxa lagu magacaabaa 'Heshiiska Hawlgalka'. Waxa uu qeexaa masuuliyadaha adeeg-bixiyaha, waana in ay saxiixaan Guddoomiyaha PSAWEN iyo wakiil idman oo ka socda adeeg-bixiyaha
(4) Heshiiska Hawlgalku waa in uu tilmaamaa qodobada soo socda:
a. Koobnaanta dhulka uu adeeg-bixiyuhu biyaha siinayo
b. Heerarka noocyada adeegga uu adeeg-bixiyuhu masuul ka yahay in uu gaarsiiyo isticmaalayaasha
c. Heerbeegga farsameed ee ay tahay in uu adeeg-bixiyuhu ilaaliyo marka uu fulinayo shaqooyinka (dayactir, dib-u-habeyn iyo horumarin) kuwaas oo ay ka mid yihiin xarumaha matoorrada iyo xiriirinta nidaamka biyood ee biyaha gaarsiinaya isticmaalayaasha
d. Xaddiga sicirka uu adeeg-bixiyuhu ku qaadanayo adeegga uu bixinayo iyo xeer- hoosaadyada jaangoynaya qiimaha iyo isbeddelka sicirka inta lagu jiro xilliga heshiiska
e. Khidmada kirada uu siinayo adeeg-bixiyuhu hay'xxxx xxx igmadey ee ku saleysan magdhawga isticmaalka agabka guud
x. Xxxxxx ah in uu adeeg-bixiyuhu siiyo hay'adda masuulka ka ah arrimaha biyaha khidmada soo-saarka kheyraadka biyaha iyo isticmaalkooda
g. Diiwaan dhammeystiran ee agabka guud ee lagu wareejiyey adeeg-bixiyaha si u bixiyo adeegga, kaas oo si buuxda uu qeexaya agabkaas qiimahooda maalintii xx
xxxxx xxxxxxxxx, saxeex, xxx xxxx-hoosadyada tilmaamaya xisaabinta qiimaha dambe iyada oo la tixgelinayo qiimadhaca ku xxxxxxx xxxxxx
x. Xxxxxx ah, si loo hubiyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, in adeeg-bixiyuhu u gudbiyo hay'xxxx xxx igmadey iyo guddiga biyaha warbixino ku saabsan hawlagalka iyo dhaqdhaaqa maaliyadeed si loo sugo kormeerka hawlgabadkiisa
i. Heerbeegga hawlqabadka ay tahay in uu gaaro adeeg-bixiyuhu marka uu bixinayo adeegga biyaha
j. Qeexid buuxa ee dabeecada shaqooyinka uu qabanayo isla markaasna maalgelinayo adeeq-bixiyuhu
k. Muddada heshiiska iyo shuruudaha cusbooneysiinta
I. Xaaladaha uu heshiiska ku xxxxx xxxx dhinac ka mid labada dhinac ee heshiisku dhexmary
m. Heshiisyada adeeg bixinta khayraadka biyaha waxaa laga diiwaangelinayaa Maxkamadaha Da lka.
n. Meeshii uu ka dhisan yahay, Guddiga Biyuhu waa in uu noqdo dhexdhexaadiyaha khilaafka ka dhex aloosma hay'xxxx xxx igmadey iyo adeeg-bixiyaha kuna saabsan tarjumaada ama nuxurka heshiiska
Qodobka 43aad: Maareynta dhaqaalaha Cusbooneysiinta Kaabayaasha Biyaha
(1) Adeeg-bixiye kasta waa in miisaaniyaddiisa uu ku qoondeeyaa dhaqaale xxxx xx oo loogu talagaley cusbooneysiinta iyo ballaarinta nidaamka biyaha
(2) Xaddiga dhaqaalaha lagu talagelayaa, oo lagu cabbirey boqolley, waa in uu ku cad yahay Heshiiska Hawlgalka
(3) Isticmaalka dhaqaalaha kor ku xusan waxa uu ku saleysanaanayaa barnaamij maaalgelineed sannadle ah oo ay isla garteen labada dhinac ee heshiisku dhexmarey
Qodobka 44aad: kormeerka PSAWEN ee Adeeg-bixinta Magaalooyinka
(1) Sida ay fareyso masuuliyada hubinta habsami-u-socodka adeegga biyaha, Hay'adda u xilsaaraan arrimaha biyuhu waa in ay hubisaa in adeeg-bixiyuhu gudanayo masuuliyada lagu aaminey
(2) Kormeerka Hay'addu waxa uu ku dhisnaanayaa adeegsiga muujiye hawlqabad (performance indicator) iyo isbarbardhig waxqabadka degmooyinka
QAYBTA7: BIYO-XXXXXX XXXXXX
Qodobka 45aad: Masuuliyada Hay'xxxx xxx Igmadey ka Saaran Biyo-siinta Miyiga
(1) Masuuliyada abaabulka, kormeerka iyo habsami u qaybinta adeeg-biyood guud ee meel ama aag cayiman waxa u xil-saaran Hay'xxxx xxx igmadey ee meeshaas
(2) Hay'xxxx xxx igmadey meel ama aag cayiman waxa ay masuul ka tahay:
a. Qorsheynta maalgelinta ku saabsan biyo-siinta aagga taas oo ku imaaneysa qeexidda mudnaanta iyo xulidda baahiyaha
b. Fulinta maalgelinta kaabayaasha biyaha ee la doortey
c. U-qareemidda maalgelinta baahiyaha la doortey
d. Abaabulka maareynta bixinta adeegga biyaha
Qodobka 46aad: Maareynta Kaabayaasha Guud ee Biyaha ee Isticmaalayaasha
(1) Hay'xxxx xxx igmadey, iyada oo kaashaneysa odayaal-shaqameedka, waxa ay xuli kartaa kooxo laga soo doortey isticmaalayaasha, waxa xxxx ku dhiirrigelineysaa in ay abuuraan Ururro metelaya isticmaalayaasha biyaha sida ku cad Qodobka 73
(2) Ururrada isticmaalayaasha biyuhu, iyaga oo gacan ka helaya hay'xxxx xxx igmadey, waa in ay maamulaan kaabayadsha guud ee biyaha
Qodobka 47aad: Maareynta Kaabayaasha guud ee biyaha ee Adeeg-bixiye Xxxx xx
(1) lsaga oo fulinaya masuuliyadaha uu siinayo Qodobka 45, Faqrada 2, adeeq- bixiyuhu waxa uu awood u leeyahay u wakiilashada hawlgalinta iyo maareynta adeeg-biyood guud cid kale oo karti u leh oo noqon xxxx xxx'ad xxxx loo leeyahay
(2) Heshiiska wakaalashadan bixinta adeeg-biyoodka meelaha miyiga ah waa in loo abaabulo si la mid ah nuxurka Qodobka 87
Qodobka 48aad: Maareynta Degmada ee Kaabayaasha guud ee biyaha
(1) Markii ay suurtogal noqon weydo in loo helo meel cayiman oo miyi ah kooxo isticmaalayaal ah ama adeeg-bixiyeyaal xxxx xx oo awooda bixinta adeegga-biyood, Hay'adda lo igmadey ee degmadu waa in ay abuurtaa Unugga Maareynta Biyaha oo laga soo xuley degmada kaas oo hawlgeliya maareeynta kaabayaashaas biyood
(2) Xilaalka iyo waajibaadka Unugga Maareynta Biyaha waa in lagu qeexo heer- hooosaadyo
Qodobka 49aad: Kaabayaasha Biyaha ee Gaarka ah ee Miyiga
(1) Kaabayaasha biyaha ee gaarka loo leeyahay kuna yaal meelaha miyiga loona isticmaalayo si xxxx xx waxa maamulaya milkiilayaashooda, laakiin waxa shardi ah in ay raacan shuruucda isticmaalka iyo bixinta biyaha ee uu waajibinayo Xeerkan Biyuhu
QAYBTA 8 :
XEERARKA WARAABINTA XOOLAHA
Qodobka 50aad: Xuquuqda Biyaha xx Xxxx-biyoodka Miyiga
(1) Baraha biyaha miyiga waxa looga jeedaa nooc kasta oo bar-biyood fadhida taas oo loo isticmaalo sida badan ujeeddooyin xoolo-dhaqasho, oo ay ka mid yihiin waraabka xoolaha iyo isticmaalka biyaha guriga ee bulshada xoolo-dhaqatada guur-guurtada ah
(2) Ma khuseeyaan qodobada Xeerkani biyaha booyaduhu xoolaha u dhaamiyaan ama lagu xxxxxx waddo kale oo aan aheyn bar-biyood fadhida
(3) Xeerkani waxa uu aqoonsan yahay, sharciyeynayaa, awoodsiinayaa, oggolaanayaa xeer-dhaqameedka soo-jireenka ah ee lagu dhaqo arrimaha la xiriira isticmaalka biyaha ee miyiga, marka laga reebo meelaha gaarka ah ee uu xusey Xeerkani
Qodobka 51aad: Qorsheynta iyo Nidaaminta Baro-biyoodka Xoolaha
(1) Guud ahaan qorsheynta iyo nidaaminta kheyraadka biyuhu waa masuuliyada Hay'adda u xilsaaran arrimaha biyaha. Marka laga hadlayo baro-biyoodka xoolaha kuwaas oo ay dhici karto in ay saameyn taban u keenaan degaanka, Hay'adda u xilsaaran arrimaha biyuhu waxa ay la tashaneysa Wasaarada Horumarinta Miyiga
iyo Degaanka, iyo Wasaarada Xannaanada Xoolaha, si looga hortago xaalufka iyo dhibaatooyinka xxxx xx saameyn taban ku leh degaanka
(2) Marka laga reebo xaaladaha ay qeexayaan qodobada Qaybta 4, abuurka bar-biyood cusub oo laga sameeyo dhulalka miyiga ah (ceelal gacani-qoddey ah, ceelal biri- qoddey ah, berkedo, balliyo ) waxa ay u baahaneysaa oggolaansho laga helo, ka hor
inta aan lagu dhaqaaqin, wakiillada idman ee Wasaarada masuulka ka ah Degaanka iyo Wasaarada masuulka ka ah Xanaanada Xoolaha, kuwaas oo raacaya talo-bixinta Wakaaladda Biyaha ee Degmada
Qodobka 52aad: Ilaalinta Degaanka Baro-biyoodka Miyiga
(1) Hay'adda masuulka ka ah horumarinta iyo ilaalinta degaanka miyigu, iyada oo la tashaneysaa wakiillada heer Degmo ee wasaaradaha masuulka ka ah biyaha iyo xoolaha, waxa ay ku dhawaaqi kartaa xirmeyn aag cayiman, kaas oo ay u aragto inuu yahay mid khatar ugu jira xaaladaha lama-degaannimo, sababo ka yimid ku badashada baro-biyood miyi
(2) Marka la dhaqangelinayo Qodobka 52, Faqrada 1, wakiillada heer Degmo ee wasaaradaha masuulka ka ah kheyraadka miyiga, degaanka, biyaha, beeraha iyo xooluhu waa in ay qaadaan tallaabooyinka ku habboon xx xxx-u-celinaya xaaladaha lama-degaameynta, oo ay ka mid noqon karaan hakinta qodista ceelal cusub, iyo mararka ay jiraan xaalado aad u adag, hakinta isticmaalka kuwii hore u jirey iyo xuquuq-biyoodka ka jira aaggaas
Qodobka 53aad; Xuquuqda Xoolaha xx Xxxx-Biyoodka Miyiga
(1) Xaqa xooluhu u leeyihiin helitaanka bar-biyood miyi waxa tilmaamaya xeer- dhaqameedka ka jira aagga uu dhaco bar-biyoodku. Xeerkani waxa uu sharciyeynayaa in oday-dhaqameedka bulshada aaggaasi yihiin hay'adda awoodda u leh maamulka isticmaalka baro-biyoodka miyiga eecayiman
Qodobka 54aad: Maareynta khilaafaadka khuseeya Wadaagga kheyraadka Biyaha Miyiga
(1). Haddii ay dhacdo in khilaaf dhexmaro noocyada kala duwan ee kooxaha
isticmaalayaasha bar-biyood, hababka maareynta khilaafaadka ee dhaqamiga ah ayaa la hawlgelinayaa si ay u dhammeeyaan arrinta iyaga oo ku saleynaya xeer-
I.,
dhaqameedka
(2). Haddii habkaas heshiis lagu gaari waayo, khilaafka waxa loo gudbinayaa maxkamadaha heer Xxxxx
QAYBTA9 : XEERARKA BIYAHA WARAABKA
Qodobka 55aad: Xuquuqda Biyaha Waraabka
(1) Bar-biyood waraab waxa loola jeedaa nooc kasta oo bar-biyood loo isticmaalo sida badan ujeeddooyin waraab iyo beer-guriyeed oo ka baxsan heerarka xxxxxxx xxxxxxxx ah
(2) Xeerkani waxa uu aqoonsan yahay, sharciyeynayaa, awoodsiinayaa, oggolaanayaa xeer-dhaqameedka soo-jireenka ah ee dhaqan ahaan loo adeegsado xallinta khilaafaadka khuseeya biyaha waraabka ah, marka laga reebo meelaha gaarka ah ee uu xuseyXeerkani
(3) Haddii ay timaaddo xaalad adag oo biyo yaraan ah, ama ay suurogal noqon weydo wadaagga biyaha la heysto, markaas waxa lagu dhaqmayaa kala mudnaanta soo socota:
a. Mudnaanta kowaad waxa la siinayaa dadka
b. Mudnaanta labaad waxa la siinayaaxoolaha
c. Mudnaanta seddexaad waxa la siinayaa beeraha
Qodobka 56aad: Qorsheynta iyo Maareynta Baro-Biyoodka Cusub ee Waraabka
(1) Hay'adda masuulka ka ah arrimaha biyaha waxa ay u xilsaaran tahay qorsheynta iyo maareynta kheyraadka biyaha uu u baahan yahay waraabku, iyada oo la tashaneysa Wasaarada Beeraha iyo Wasaarada Horumarinta Miyiga iyo Degaanka
(2) Marka laga reebo xeerarka xuquuqaha bar-biyoodka cusub ee loogu talagaley waraabka beeraha, ceel gacmeedyada, ceelasha biriqodeyga ah, berkedaha, balliyada...lWM waa in la aqoonsado kaalinta hogaamiyaha bulshada degaanka
i QAYBTA 10 :
XEERARKA ILAALINTA TAYADA BIYAHA
Qodobka 57aad: Masuuliyada Ilaalinta Tayada Biyaha
(1) Hay'adda masuulka ka ah biyaha waxa ay u xilsaaran tahay qeexidda heerbeegyada nadaafada hareeraha baraha biyaha loogu talogaley cabitaanka iyo nadaafada shakhsiyeed iyada oo la tashaneysa Hay'adda Caafimaadka
(2) Hay'adda masuulka ka ah biyaha waa in ay qeexdo faafisana heerbeegyada laga rabo biyaha la cabo iyo hanaankii lagu kormeeri lahaa tayada biyaha, qaababka biyaha loo baarayo, iyo diiwaangelinta shaybaarro aqoon u leh fulinta hawlahaas iyaga oo wakiil xx xxx'adda biyaha
(3) Degmooyinku waa in ay meel-mariyaan barnaamijyada ilaalinta tayada biyaha ee ku tilmaaman heshiiska hawlgalka ee ku xusan Qodobka 42.3
Qodobka 58aad: Masuuliyadaha Degmada Dhinaca Ilaalinta Tayada Biyaha
(1) Degmadu waxa ay u xilsaaran tahay hubinta ku-dhaqanka heerbeegyada tayada biyaha
(2) Haddii ay dhacdo in biyaha la qaybinayaa ka hooseeyaan heerbeegyada Puntland, Wakaaladda Degmada ee awoodda u leh waxa ay amri kartaa adeeg-bixiyaha joojinta adeegga biyaha illaa uu gaarsiiyo ku-dhaqanka heerbeegyada la asteeyey
(3) Xxxxx xxxx yimaado nuxurka ku qeexan Qodobka 58.2, Hay'adda Biyaha ee Degmadu, iyada oo la tashaneysa hay'xxxx xxx igmadey, marka ay yimaadaan xaalado adagi, waxa ay u oggolaan kartaa adeeg-bixiyaha in uu sii wado qaybinta biyo aan gaarin heerbeegyadii tayada xx xxxxx, waase haddii:
a. Aan xx xxxx biyo kale oo xx xxxx sarreeya
b. Oggolaanshuhu yahay mid ku kooban muddo yar
c. Macaamiisha si buuxda loogu wargeliyo khataraha caafimaad ee imaan kara iyo tallaabooyinka kahortagga ah ee laqaadi karo
d. Marka ay dhammaato muddadii koobneyd, Hay'adda Biyaha ee Degmadu waxa ay hubineysaa tayada biyaha. Haddii biyuhu buuxiyaan shuruudaha, waxa loo oggolaanayaa adeeg-bixiyaha in uu dib-u-bilaabo hawlihiisii caadiga ahaa
•
Qodobka 59aad: Masuuliyadaha Adeeg-bixiyaha Dhinaca Tayada Biyaha
(1) Adeeg-bixiyuhu waxa uu masuul ka yahay hubinta in biyaha la cabbayo, dhalooyinka lagu cabbeynayo, cuntada lagu xxxxxxxx xxx kuwa lagu xxxxxx xxxxxxxxx, la jaanqaadaan heerbeegyada tayada ee uu qeexayo Qodobka 57.1
(2) Biyo kasta oo adeeg-bixiye u qaybinayo ujeeddo isticmaal guud waa in ay la jaaanqaadaan heerbeegyada biyaha cabitaanka ee Puntland u dhigan
(3) Dhammaan kharashyada ku xxxx baaritaanka tayada biyaha sida ku cad Qodobka
43.3 waa in uu bixiyo adeeg-bixiyuhu
(4) Xxxxx xxxx yimaado xaaladaha uu qeexayo Qodobka 59.1, iyo isaga oo raacaya Qodobka 58.3, adeeg-bixiyuhu waa in uu ku xalliyaa dhibaatooyinka tayada biyihiisa gudaha wakhti macquul ah oo ay jaangooysey Hay'xxxx xxx igmadey
(5) Iyada oo la raacayo Qodobka 59.2, dhammaan Isticmaalayaasha ay saameyn ku yeesheen biyaha aan nadiifka aheyn waxa ay xaq u yeelanayaan magdhaw macquul ah oo uu bixiyo adeeg-bixiyuhu .
QAYBTA 11:
ILAALINTA KHEYRAADKA BIYAHA DHULKA HOOSTIISA KU JIRA
Qodobka 60aad: Tilmaamo Guud iyo Qeexid
(1) Isticmaalka biyaha dhulka hoostiisa waxa lagu dhaqayaa xeerarka gaarka ah ee ku xusan qodobada Qaybtan 11, iyo qodob kasta oo ka mid ah xeerar kasta iyo xeer- hoosaadyo kasta oo Puntland leedahay khuseeyana arrintan
(2) Ist icmaa lka biyaha dhulka hoostiisa waxa looga jeedaa soo-saarka, iyo agabka biyaha, hawlgallada iyo dhismayaasha la xiiriira biyo soo-saarka, wax-ku-shubka iyo kordhinta, iyo ficil kasta oo saameyn ku yeelan kara shubanka/dureerka dabiiciga ah ee biyaha dhulka hoostiisa iyo tayadooda
(3) Agabka biyaha dhulka hoostiisa waxa looga jeedaa qalabka iyo dhismayaasha loo adeegsado soo-saarka biyaha dhulka hoostiisa ku jira, sida: ceel gacmeed, ceel biriqoddey ah, xxxx, saaqiyadaha wasakhda qaada, ama god kasta oo ujeedadan loo qodo, qalabka biyo-saarka iyo qalabka iyo dhismayaasha arrintan la xiiira, iyo dhismaha qaab kasta oo lagama maarmaan uah
Qodobka 61aad: Hay'xxxx xxx Igmadey
' (1) Hay'adda masuulka ka ah arrimaha biyaha ayaa noqoneysa Hay'xxxx xxx lgmadey marka laga hadlayo xeerarka Qaybtan 11
(2) Hay'adda masuulka ka ah arrimaha biyaha ayaa noqoneysa Hay'xxxx xxx
Igmadey marka laga hadlayo hawlaha ururinta, baaritaanka, iyo keydinta xogta biyaha, hawlaha sahaminta biyaha dhulka hoostiisa, iyo fulinta hawlaha xxxx xx ay u xil- saaran tahay ama looxilsaaraba
Qodobka 62aad: Ruqsadaha iyo Xogaha looga Baahan yahay
(1) Ruqsadaha oggolaanaya soo-saarka biyaha waa in lagu qeexo in ay waajib ku tahay adeeg-bixiyaha in uu u soo gubiyo hay'xxxx xxx igmadey xaddiga biyaha sanadkii uu soo saarey iyo awoodda ugu sarreysa ee soo-saarkiisa
(2) Cid kasta oo isticmaaleysa biyaha dhulka hoostiisa waxa ku waajib ah, iyada oo la raacayo xeer-hoosaadyo iyo codsiyo xxxx xx, in ay u soo gudbiyaan Hay'xxxx xxx Igmadey xogaha farsameed iyo macluumaad kasta oo khuseeya hawlaha iyo agabka cusub ama hore u jirey ee ay heystaan
Qodobka 63aad: Xxxxxxx Xxxxxx iyo Biyaha Dhulka Xxxxx
(1) Shakhsi kasta oo wada sahan ama hawlo qodaal ah isaga oo raadinaya biyaha dhulka hoostiisa ku jira ama socda, ama shidaal iyo macdan, ama hawlo xx xxxx ciidda hoosteeda ujeedku wixii la raba ha ahaadee, waa in uu sida ugu dhakhsaha badan ku soo ogeysiiyo Hay'xxxx xxx Igmadey biyaha marka uu la kulmo biyo dhulka hoostiisa ku jira, waana in uu soo gudbiyaa xogaha farsameed iyo macluumaadka ku saabsan heerka iyo natiijooyinka hawlihiisu marayaan
(2) Shakhsi kasta oo xx xxxxx biyo dhulka hoostiisa ku jira ama socda, xilli uu wado qodaal, ama hawlo dhulka dushiisa ah ama ka hooseeya dusha-dhulka, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara biyaha korka ama gudaha dhulka ku sugan, waa in aanu wax-yeelleyn, ama khatar gelin kheyraadkaas biyood
(3) Hay'xxxx xxx igmadey bixinta ruqsadaha hawlaha sahaminta, baaritaannada aan khuseyn biyaha dhulka hoostiisa waa in ay hubisaa dhawrista qodobada xeerkan biyaha. Gaar ahaan xeerarka khuseeya ilaalinta kheyraadka biyaha iyo tayadooda, iyo soo- gudbinta xogaha iyo macluumaadka sida ugu dhakhsaha badan.
Qodobka 64aad: Baraxa iyo Kordhinta biyo-dhuleedka
' (1) Barax kasta iyo kordhin•kasta ee biyaha dhulka hoostiisa waa mamnuuc marka laga reebo mashaariicda biya-kordhinta gacmeed ee khuseeya keydiye biyood dhulka
hoostiisa ah oo ku socda gurid. Xaaladahaas marka ay dhacaan waa in ay Hay'adda masuulka ka ah arrimaha biyuhu si adag u kormeertaa barnaamijka biyo-kordhinta si ay uga ilaaliso kheyraadka biyaha dhulka hoostiisa khataraha diqowga iyo hoos u dhacatayadooda
Qodobka 65aad: Ilaalinta Dhulka Agagaarka Ceelasha Biri-qoddeyga ah
(1) Dhulalka dhaca agagaarka ceelasha biri-qoddeyga ah ee biyahooda loo isticmaalo ujeeddooyin cabitaan waa in loo aqoonsado dhul ilaashan/seeran sida ku cad xeer- hoosaadyada xxxx xx la xiriira Xeerkan Biyaha
(2) Hab-maamulka, jaantuska, iyo xadeynta dhulalka ilaashan/seeran iyo hawlaha ka reebban ama mamnuuca ka ah xayndaabkaas dhuleed waxa qeexaya xeer- hoosaadyo kale oo uu yeelanayo Xeerkani
Qodobka 66aad: Xeerarka Khuseeya Ceel-qodka
(1) Hay'xxxx xxx igmadey biyuhu waxa aysoosaareysaa xeer-hoosaadyokhuseeya shaqooyinka soo-saarka biyaha dhulka iyo qandaraaslayaashariigagga. Shaqo kasta oo loo igmadey Wakaaladda Biyaha ee Degmada waa ka reebban tahay tilmaamaha xeer-hoosaadyada kor ku xusan
Qodobka 67aad: Kormeerka iyo Nidaamka Macluumaadka ee Puntland
(1) PSAWEN waa in ay diyaariso oo dhaqangeliso nidaamka kormeerka iyo macluumaadka Puntland ee Kheyraadka biyaha
(2) Si ay u dejiso nidaamyo kasta ee waafaqsan qodobkan, PSAWEN waxa ay ka dalbi
kartaa qof, muddo macquul ah gudaheed ama si xxxxxx ah, in uu u soo gudbiyey macluumaad xxxx xx, dukumentiyo, muunado ama qalab
(3) Shuruucda Xeerkani waxa ay qeexi karaan shuruudaha keydinta xogta iyo u gudbinta macluumaadka Hay'adda PSAWEN
(4) Marka uu bixiyo khidma loo gooyey, qofkasta oo shacab ahi-
a. Waxa uu xuquuq u yeelanaya helitaanka macluumaad kasta oo ku jira shabakada macluumaadka ee Puntland, iyo
b. In loo gudbiyo nuqul dokumenti kasta ee dadweynaha u furan ee ku jira shabakada macluumaadka
Qodobka 68aad: Ilaalinta Dhulalka Biyo-qabatinka ah
(1) Marka PSAWEN ku qanacdo in kheyraad biyood u nugul yahay halis, waxa ay qaadi kartaa tallaabooyin lagama maarmaan u ah ilaalinta dhulkaas biyo- qabatinnada ah ama qayb ka mid ah, iyada oo amar ku baahineysa Faafiska Rasmiga ah in dhulkaas biyo-qabatinka ahi yahay dhul seeran
(2) PSAWEN waa dejin kartaa shuruudo, iyo xayiraad ama mamnuucid dhaqdhaqaaq, gudaha ama hareeraha dhulkaas la seerey hadba sida PSAWEN u aragto in ay muhiim u tahay ilaalinta dhulkaaas iyo kheyraadkiisa biyood
QAYBTA 12: ILAALINTA BIYO-DULEEDKA
Qodobka 69aad: Tilmaamo Guud iyo Qeexid
(1) Isticmaalka biyo-duleedka waxa xadeeya gaar ahaan qodobada Qaybtan 12aad iyo qodob kasta oo kale oo ka mid ah xeerarka iyo xeer-hoosaadyada Puntland oo ay ku jiraan kuwa waraabku
(2) Isticmaalka biyo-duleedka ee qaybtani ka hadleyso waa ka dhaansiga, xoog-kula- wareegga, baraxa, iyo weecinta biyaha duleedka, ku shubidda biyaha walxo adag, walxaha laga soo-saarey moosaska hoostooda, ama harooyinka oo ay ku jiraan biyo- qabatinnadu
Qodobka 70aad: Hay'adda ama Hay'daha loo Igmadey
(1) Hay'adda masuulka ka ah arrimaha biyaha ayaa noqoneysa hay'xxxx xxx igmadey ee ay tilmaamayaan qodobada Qaybtani marka laga hadlayo biyaha dabiiciga ah ee duleed, oo ay ku jiraan gaar ahaan biyaha loo isticmaalayo waraabka
(2) Hay'adda ama Hay'adaha loo igmadey waxa ay soo saarayaan xeer-hoosaadyo kaabaya qodobada Qaybtan ee ku saabsan biyo-duleedka. Kuwaas ayaa caddeynayaa habraacyada maamul iyo sida loo fulinayo
•
Qodobka 71aad: Isticmaalka Guud ee Biyo-Duleedka iyo Xaddeyn
(1) Wax oggolaansho ah uma baahna isticmaalka biyaha dabiiciga ah ee dhulka korkiisa ku sugan, haddii isticmaalka biyahaasu ku kooban yahay isticmaalka guriga, iyo in aan la sameyn ficilo keeni kara isbeddel ku yimaada qulqulka/socodka dabiiciga ah ee biyahaas
(2) Xaqa xooluhu u leeyihiin biyo cabbitaan ayaa waajibinaya in xooluhu helaan dhul xxxxx xx iyada oo aan kiro la weydiin ama la is-hortaagin, sida uu qabo xeer- dhaqameedka halkaas ka jira
Qodobka 72aad: Hawlaha Horumarinta Biyo-Duleedka
(1) Hay'xxxx xxx igmadey waxa ay tilmaameysaa hawlgalka nidaamka biyo-keydinta gaar ahaan xaddiga ugu sarreya iyo kan ugu hooseysa ee biyaha la sii deyn karo, jadwalka miileysiga iyo xilliyada la sii deynayo, iyo biyaha la leexin karo. Xaddiga biyaha ugu hooseeya ee la siin karo iyo tilmaamaha xxxx xx maareynta keydka biyaha waa la qeexi kara marka la codsado, si loo ilaaliyo xuquuqaha muwaadiniinta
(2) Waa la laali karaa lahaanshaha dhulka iyo xuquuqaha biyaha ee gaarka ah si loo hirgeliyo hawlo adeeg-biyood ee guud/dadweyne haddii loo xxxx in ay lagama maarmaan u tahay danta guud
(3) Magdhaw u dhigma waa in la siiyo milkiilihii dhulka ama biyaha lala wareegey. Heerka iyo xadka magdhawga waxa go'aaminaya oggolaanayana Hay'adda kheyraadka biyaha iyo hay'adda u magacaaban qiimeynta hantida gaarka ah
Qodobka 73aad: lsticmaalka Biye-Duleedka Keydsan
(1) Milkiilaha leh biyo keydsan waa in uu isticmaalkooda iyo hawlgalkooda oggolaansho uga helaa Hay'xxxx xxx igmadey
(2) Oggolaansho lama bixin karo haddii ay caddaato in biyo-isticmaalka la soo codsadey keenayo burinta qodob ka mid ah Xeerkan Biyaha
(3) Hay'xxxx xxx igmadey waxa ay go'aamineysa tallaabooyinka farsameed xx xxx baahan yahay in la qaado si loo ilaaliyo xuquuqda dadka ay saameyn taban ku yeelatey yaraanta, xxxxxxxx, ama joogsiga qulqulka biyaha lala wareegey
(4) Haddii ay dhacdo in xal farsameed u dhigma bulshadu weydo ama keeni xxxx
" weydyo, Maxkamadda Degmada ayaa go'aamineysa magdhaw uu bixiyo milkiiluhu,
kaas oo la siinayo isticmaalayaasha deggan biyo-shubka xxxxx xx dhibaatadu gaartey
(5) Shakhsi kasta oo codsanaya ruqsad biyo-ka-qaadasha bar-biyood dhulka korkiisa ah, waa in uu soo gudbiyo xogaha iyo macluumaadka lagama maarmaanka ah ee ay tilmaamayaan Qodobka 14, qodobada kale iyo xeer-hoosaadyada ee Xeerkan Biyaha. Kuwaas oo ay ka mid yihiin, qorshahayaasha, dhulalka, sawirrada, dokumentiyada, iyo xisaabaadka caddeynaya ujeedooyinka iyo astaamaha farsameed
(6) Marka ay qiimeyneyso codsiga, Hay'xxxx xxx igmadey waxa ay dalbi kartaa diraasado ku wajahan faa'iidooyinka dhaqaale iyo saameynta bii'adeed ee ay yeelan karaan hawlaha la codsadey
Qodobka 74aad: Xuquuqda Istimaalayaasha Deggan Biyo-Shubka Xxxxx
(1) Xuquuqda biyaha ee isticmaalayaasha deggan biyo-shubka xxxxx waa in la ilaaliyaa marka la bixinayo ruqsad biyo-qaadasho oo leh hawlo iyo xxxx xxxx ahaaneed
(2) Lama bixin karo ruqsad oggolaaneysa isticmaalka biyo ujeeddooyin xxxxx xxxx ahaaneed, haddii ay wax u dhimeyso xuquuqda biyood ee isticmaalayaasha biyo- shubka xxxxx
(3) Dhammaan isticmaalayaasha bar-biyood kasta oo dhulka korkiisa ah waa u siman yihiin xuquuqda isticmaalka biyaha ha degganaadeen biyo-shubka xxxxx ama biyo- shubka sare ee biyo-mareen. Isticmaalayaasha biyo-shubka sare ma hor-istaagi xxxxxx xxxxxxxx dabiiciga ah ee daadegga biyaha iyo daadka iyo biyaha dheeraadka ah ee xx xxxx xaddiga sare xx xxx oggol yahay ruqsada soo-saarka
(4) Marka laga reebo xaaladaha uu qeexayo Qodobka 74.3, Isticmaale deggan biyo- shubka sare masuul kama ah loomana qabsan karo waxyeello ay keeneen hara, qashin ama xxxx xxxx ee fariistey xxxxxxxx xxxxx, kuwaas oo daadegga xxxxx ku yimid soo raaca shubanka dabiiciga ah ee biyaha soconaya
Qodobka 75aad: Baraxa Biyaha
' (1) Ku shubka ama ku darka biyo wasakheysan iyo dureere kale oo kasta gudaha biyo- duleedka, si toos ah ama si dadban, waa in loo helo oggolaansho ka hor inta aan lagu
xxxxxx. Hay'xxxx xxx igmadey waa in ay soo saarto xeer-hoosaadyo xaddeynaya, xxxxx xxxx kale lagu daro, xaddiga iyo heer wasakheedka walxaha aan khatar caafimaad keeneyn ee lagu dari karo biyaha
(2) Waa in aan la oggolaan ku-darid/barxid haddii uu isbeddel ku keenayo astamaha duleed, kiimikeed, biyoolajiyeed, kaahfaleed, baakteeriyeed ee biyo duleedka, taas oo dhibaato iyo khatar ku keeni karta dadka, xoolaha, dhirta, iyo degaanka
(3) Waa in xeer-hoosaadyo xxxx xx laga soo saaro barax togagga biyaha iyo biyo- keydiyeyaasha, kuwaas oo durdur ah ama xilliyo biyo soo roga
(4) Heshiis kasta oo xxxx xxxxx kooxo xxxx xx kuna saabsan baraxa biyaha ama diqeynta marinnada biyaha (togagga) waa wax-kama-jiraan haddii ay ka hor-imaanayaan qodobada Xeerkan
Qodobka 76aad: Ku-Darka Walxaha Adag
(1) Waa mamnuuc in lagu daadsho ama lagu daro biyaha duleed, ama togaggooda, walax kasta oo keeni kara diqeyn, isbeddel heerka biyaha, is-hortaagi karta qulqulka iyo qaybinta biyaha, ama xxxxx xxxxx karta biyaha iyo isticmaalayaasha
(2) Dhisme aan xiriir la laheyn kheyraadka biyaha lagama sameyn karo ama dhisi karo gudaha marin-biyood qallalan, calooshiisa, dooxo biyo mareen ah, taas oo is- hortaagi karta qulqulka biyaha haddii fasax hore aan laga helin Hay'xxxx xxx igmadey
Qodobka 77aad: Oggolaanshaha Qodaalka Caloosha Biyo-mareenka
(1) Wax ka soo saarka ama qodaalka caloosha biyo-mareen ama xxxx, xxxxx laga reebo hawlaha dayactirka, taas oo isbeddel ama leexin ku keeni karta qulqulka biyaha, ama beddeli karta joogga biyaha dhulka hoostiisa ku jira ama tayada biyaha, waa reeban yahay haddii aan oggolaanshe hore laga helin Hay'xxxx xxx igmadey
(2) Marka ay qiimeyneyso Hay'xxxx xxx igmadey codsiga noocan ah waa in ay eegto faa'iidooyinka qodaalkan marka la barbardhigo qiimaha bulsheed, iyo saameynta
•
xxxxx xx ay ku xxxxxx xxxxx biyaha duleed iyo degaanka
(3) Hay'xxxx xxx igmadey marka ay isticmaaleyso awoodda la siiyey waa in ay:
a. Ka dalabto codsadaha, markasta oo loo baahdo, fulinta tallaabooyinka iyo xallinta farsameed ee lagama maarmaanka u ah oggolaanshaha codsigiisa. Waxa taas looga jeedaa ka-hortagga ama yareynta saameynaha xxxxx xx imaan kara
QAYBTA 13:
XXXXXXXX XXXXXX, KHIDMADA KIREYNTA, IYO KHIDMADA S00-
SAARKA/ISTICMAALKA
Qodobka 78aad: Hay'xxxx xxx lgmadey
(1) Hay'xxxx xxx lgmadey waxa ay masuul ka tahay dejinta tilmaamo guud oo xaddidaya khidmada biyaha ee macaamisha laga qaadayo iyo dejinta xeer- hoosaadyo iyo ogeysiimo ku saabsan khidmada soo-saarka/isticmaalka biyaha iyo khidmadaha gaarka ah xx xxxx
(2) Xeer-hoosadyadu waxa ay qeexayaan shuruudaha iyo hababka ururinta khidmadaha iyo bixinta lacagaha. Ogeysiimuhu waxa ay tilmaamayaan shuruucda iyo halbeegyada la isticmaalayo marka la go'aaminayo xaddiga khidmadaha iyo bixintooda. Kuwaan waa la cusbooneysiiyaa si loola jaanqaado sicir-bararka iyo isbeddel kasta oo ku yimaado siyaasadaha qiimaha iyo sicir-goynta
(3) Wakaaladda Biyaha ee Degmadu waxa ay dhaqangelineysaa xeer-hoosaadyada iyo ogeysiimaha ay soo saartey Hay'xxxx xxx igmadey ee ku saabsan khidmaha biyaha ay tahay in uu isticmaalo adeeg-bixiyuhu kaas oo noqon kara mid xxxx xx ama mid dawladeed (guud)
Qodobka 79aad: Mabaadi'da iyo Hababka Go'aaminta Khidmaha Biyaha iyo Lacag- bixinta Gaarka ah
(1) Ujeedooyinka waaweyn ee laga leeyahay waajibinta khidmadaha biyaha iyo lacag-
bixinta gaarka ah waxa ka mid ah baahida loo qabo in la xadeeyo isticmaalka biyaha, in la soo saaro lacag daboosha kharashka qaybinta, joogteynta iyo horumarinta adeegga; iyo in la ilaaliyo xuquuqda dadka danyarta ah ee bulshada si loo gaaro caddaalad bulsheed. Dadka danyarta ah waxa loo sameyn karaa khidmad
"
qiimo-dhimis leh amaba, marka xaalado gaar ahi yimaadaan, waxa biyaha lagu siin kara lacag la'aan
(2) Adeeg-bixiyuhu waa in uu si cad u diiwaangeliyo xisaab-xirka khidmaha iyo lacagaha la baxshey
(3) Marka laga tago xaaladaha Qodobka 79, Faqrada 2, khidmada biyuhu waa in, ugu yaraan, ay daboosho kharash-sannadeedka guud ee soo-saarka, iyo dayactirka iyo horumarinta agabka biyaha ee nidaam kasta ee biyo-qaybineed. Khidmadaha biyuhu waa kala duwanaan karaan min magaalo ilaa magaalo kale, iyada oo ku xiran duruufaha gaarka ah ee nidaam-biyood kasta. Khidmadaha la qaadayo waa in ay ka gorgortamaan Degmada iyo adeeg-bixiyuhu, iyada oo la raacayo Tilmaamaha ay dejisey Hay'xxxx xxx Igmadey biyuhu
(4) Marka laga tago xaaladaha Qodobka 79.3, Dawladdu waa soo rogi kartaa nooc kasta oo kabid munaasab ah si fursad loo siiyo kooxaha isticmaalayaasha danyarta ah ee aan awoodi xxxxx xxxxxxx khidmad buuxda ee adeeg-biyoodka lagu gudayo
(5) Si loo dhawro xalaada maaliyedeed ee adeeg-bixiyaha, dawladdu waa in ay uga qaybqaadato kabiddaas hab kasta oo loo xxxx lagama maarmaan
(6) Sharciyada khidmad-qaadista ee go'aaminaya qiimaha biyuhu waa kala duwi karaan isticmaalka iyo isticmaalayaasha qayb ama qayb-hoosaad, iyaga oo qiime kala gedisan laga qaadayo si loo dhiirrigeliyo beekhaaminta iyo sida bulshada ugu faa'iido badan isticmaalka biyaha, iyo si loo muujiyo qiimaha dhaqaaleed ee biyaha
Qodobka 80aad: Saameynta khidmadaha iyo Lacag-bixinta La Sharciyeeyey
1. Adeeg-bixiyuhu waa in aanu biyo siin, ama u fidin adeeg xxxx xx oo xiriir la leh biyo-qaybinta taas oo aan waafaqsaneyn khidmaha iyo lacag-bixinta xxxx xx xx xx qeexan tilmaamayaasha ay dejisey Hay'xxxx xxx igmadey
Qodobka 81aad: Xxxxxxxx Xxxxxxxx
1. Iyada oo la raacayo nuxurka Qodobka 41.3, Adeeg-bixiyaha maamulaya nidaam biyood ee heysta Qandaraaska Hawgalka waa in uu siiyo milkiilaha xuquuqda biyaha khidmada kireynta. Kiradaas waa in ay ku heshiiyaan labada dhinac, iyaga oo raacaya Tilmaamayaasha ay dejisey Hay'xxxx xxx igmadey biyuhu iyo awaamirta PSAWEN
•
2. Haddii midka leh xuquuqda biyuhu yahay hay'ad dawladeed (guud), khidmadu waa
,(
in ay ka kooban tahay kharashka buuxa ee adeeg-bixinta iyo kan beddelka/cusbooneysiinta agabka markii loo baahdo. Sharciyada qiimeynta agabka iyo qiimadhacu waa in ay qayb ka yihiin qandaraaska sida uu dhigayo Qodobka 42.4
3. Adeeg-bixiyuhu waa in uu si joogto ah u baxsho khidmada iyada oo la raacayo shuruucda ku qeexan Qandaraaska Hawlgalka. Xaddiga lacagta uu bixinayo waxa lagu saleynayaa mugga biyaha laga gadey macaamiisha
4. Qaybaha waaweyn ee khidmada oo ay ku jirto khidmada xxxxxx waa in sanad kasta si cad loogu soo bandhigo macaamiisha si dadweynuhu ula socdo
Qodobka 82aad: Xxxxxxxx Xxx-Xxxxxx
1. Shakhsi kasta oo isticmaalka biyihiisu waajibinayo lahaanshaha Ruqsad soo-saar, sida xaaladaha uu tilmaamayo Qodobka 30, waa in uu bixiyo khidmada soo-saarka ee ku waajibtey
2. Iyada oo la raacayo heshiis xxxx xx ee wakiilasho oo ay bixiso Hay'adda Maaliyadu, khidmada soo-saarka waxa ururin xxxx Xxx'adda masuulka ka ah arrimaha biyaha, iyada oo adeegsaneysa wakiilladeeda Heer Degmo iyo heer Xxxxx
3. Ujeeddada qaadista khidmada soo-saarku waa maalgelinta maareyn joogteysan ee kheyraadka biyaha ee Puntland, taas oo ay ku jiraan ballaarinta, dayactirka iyo keydinta xogaha ceelasha biri-qoddeyga ah ee Puntland iyo nidaam ilaaliya kheyraadka biyaha dhulka hoostiisa ku jira
4. Xxxxxxx xxxxxxxx xxx-xxxxxx, mugga biyaha la soo saarayo, laalidda ku-dhaqanka shuruucda guud, waxa lagu qeexayaa xeer-hoosaadyada xxxx xx uu leeyahay Xeerkan Biyuhu
5. Khidmada soo-saarku waxa ay ku saleysan tahay mugga biyaha laga soo saaro kheyraadka ama la isticmaaley
6. Qaybaha waaweyn ee lacagaha la qaado oo ay ku jirto khidmada soo saarka biyaha waa in sanad kasta si furan loo soo bandhigo laguna muujiyaa macluumaadka macaamiisha si dadweynuhu ulasocdaan
•
Qodobka 83aad: Cashuurta Iibka
1. Iyada oo lala tashadey Hay'xxxx xxx igmadey Kheyraadka Biyaha, Wasaarada Maaliyadu waxa ay waajibin kartaa cashuurta iibka taas oo la saarayo iibka biyaha meelaha magaalooyinka ah. Nidaamka ururinta iyo xaddiga cashuurta iibka waxa qeexaya xeer-hoosaad xxxx xx.
Qodobka 84aad: Lacag-Bixinta Gaarka ah
1. Hay'adda masuulka ka ah arrimaha biyuhu waxa ay ku waajibin kartaa lacag-bixin xxxx xx shakhsi ruqsad leh, kaas oo isaga oo ku xadgudbay shuruudihii ruqsadiisa ama qodobbo kale xx xxxx-hoosaad, soo saarey ama isticmaaley biyo ka badan intii loo fasaxey
2. Xaddiga lacag-bixinta gaarka ah waxa xadidaya xeer-hoosaadyo
3. Shakhsi waa u gudbin karaa dacwad diidmo, taas oo liddi ku ah go'aanka lacag- bixinta la dul saarey sida ku xusan Qodobka 83, Maxkamada Degmada 60 maalmood gudahood laga bilaabo maalinta uu soo gaarogo'aanku
4. Marka la gudbiyo dacwad diidmo, doodaasi waa dhaqangal ilaa wakhtiga ay Maxkamadu go'aan ka gaareyso. lnta lagu jiro wakhtigaas gudahiisa, dacwad dembiyeed laguma soo oogi karo shakhsigaas, ruqsadiisana wax isbeddel ah laguma sameyn karo, haddii aanu shakhsigaasi ku tallaabsan xadgudub uu ku muteysan karo ganaax
Qodobka 85aad: Diidmo Lacag la Waajibiyey iyo Bixinteeda
1. Hay'xxxx xxx igmadey, ka hor inta aaney go'aamin waajibinta lacag magaacaban iyo bixinteeda, waa in ay fursad u siisaa shakhsiga ay khuseyso in uu soo gudbiyo soojeedintiisa iyo diidmadiisa iyada oo la raacayo habka uu/ay xeeqayo xeer- hoosaadku ama ogeysiintu
•
QAYBTA 14:
QAABEYNTA XXX DAADEJINTA MASUULIYADAHA
Qodobka 86aad: Xxxxxxxxxxx xxx Xxx'xxxxx Xxxxxxxxx
1. Hay'adda masuul ka ah arrimaha biyaha waa hay'xxxx xxx igmadey sida lagu caddeeyey Qodobada bore ee Xeerkan, marka laga reebo xaqiiqada ah in wasaaradaha iyo wakaaladaha qaarkood iyaguna u noqon karaan hay'ado loo igmadey qodobo xxxx xx, sida ku cad Heerka Biyaha marka ay lagama maarmaan noqoto
2. Masuuliyadaha Hay'adda u xil-saaran arrimaha biyaha waxa ka mid ah qiimeynta, qorsheynta, diyaarinta siyaasadaha, curinta xeerarka, iyo iswaafajinta himilooyinta iyo mashaariicda qaybaha kala duwan ee waaxda biyaha
3. Hay'addu, mar haddii ay tahay midda la igmadey, awoodaheeda iyo masuulidaheeda waxa ay ka dheeganeysa Qodobada Dastuurka Puntland iyo Xeerkan Biyaha
4. Wasaaradaha kala duwan, wakaaladaha, iyo hay'addaha xxxx xx la nooca ahi, bacdamaa ay yihiin hay'addo la igmado xilliyada fulinta, waxa ay ka soo dheeganayaan waajibaadkooda iyo masuuliyadahooda shuruucda ku tilmaaman dokumentiga asaaska wasaaradahooda, hay'adahooda, iyo qodobada Xeerkan
Qodobka 87aad: Ururrada lsticmaalayaasha Biyaha
1. Ururka macaamiisha biyuhu waa "shakhsi" ama shakhsiyaad kasta, koox dad ah, hay'addo isticmaalayaal ah, ama xxx iyo kaalin dhaqameed ama la kasbadey ku leh maareynta iyo isticmaalka kheyraadka biyaha
2. Tani waxa ay si xxxx xx farta ugu fiiqeysaa kuwii u-xilsaarnaa taageerada iyo dhaqangelinta Xeer-dhaqameedka iyo Isticmaalka biyaha ee Puntland
3. Unugyada iyo saldhigyada kooxahani waxa ay noqon karaan degaanno dadeed ha ahaadeen reer-guuraa ama kuwo maguurto ah, daaqsato ama beeraley ama wershadley ama ganacsato ama kuwo ku leh dano maxalliyeed, ama kooxo kasta oo u qareemayaal ah, kuwaas oo metelaya codka bulshada isticmaasha biyaha
•
4. Maamulka biyaha ee guud waa in uu aqoonsado kaalinta isticmaalayaasha biyaha, fududeeyo dhiirrigeliyo-na fikradahooda, sidoo kalena kaalin waafiya ka siiyo maamulka kheyraadka biyaha
5. Maamulka biyuhu waa in uu diyaariyo, isaga oo la tashanaya wakiillada isticmaalayaasha biyaha, habraacyada iyo xeer-hoosaadyo qeexaya ujeedada sharciyeed ee ururrada isticmaalayaasha biyaha
QAYBTA 1 5:
XUQUUQAHA LA XIRIIRA BIYAHA, DIIWAANGELINTA IYO LAHAANSHAHA DHULKA
Qodobka 88aad: Xxxxxxxx Xxxxxx iyo Biyaha
(1) Lahaanshaha dhul kasta oo uu/ay leeyahay shakhsi ama kooxi xaq uma siineyso shakhsigaas ama kooxdaas lahaanshaha kheyraadka biyood ee ku jira korka, hoosta ama la jaarka ah dhulkaas. Marka laga tago qaybtan hore, tani ma waasiineyso shakhsigaas ama kooxdaas xaqa ay u leeyihiin isticmaalka biyahaas sida ku cad Xeerkan
Qodobka 89aad: Ilaalinta Dhulka Dhaca Agagaarka Baraha Biyaha, iyo
Xxxxxxxx Xxxxxxx xxx Xxxxxxxxx
(1) Hay'xxxx xxx igmadey waa amri karta, haddii loo baahdo, jiritaanka dhul ilaashan hareeraha iyo agagaarka bar-biyood ama agab biyood, kaas oo lagu macagaabo Xariim. Ujeeddada Xariimku waa ilaalinta bar-biyoodka iyo agab-biyood kasta oo loo dhisey soo-saarka, gudbinta, ama keydinta biyaha
(2) Baaxadda dhulka ilaashan waxa go'aaminaya tilmaamaha xeer-hoosaadyada, waana in aaney dhaafsiisneyn ama ka badneyn baahida ujeeddadaan cayiman
(3) Waa in aan la oggolaan gelitaanka ama dhexmarka dhulkaas haddii aan fasax loo heysan iyo si waafaqsan shuruudaha
(4) Shakhsigii waxyeello u arka hirgelinta Hariimka, ama diidmada Hay'xxxx xxx igmadey ruqsad isticmaal/soo-saar biyood sida uu qabo Qodobka 14, ama shuruudaha ruqsadaas, waxa uu dacwad u gudbin karaa Maxkamada Degmada
(5) Sarkaal oggolaansho buuxa heysta, horena ogeysiin u siiyey cidda dhulka deggan,
•
.,.
waxa uu xaq u leeyahay in uu galo goobtaas ama dhulkaas ilaashan/seeran. Ujeedada gelintaankaasi waxa ay noqon kartaa mar kasta oo loo baahdo baaritaan, kormeer, ama ilaalinta bar-biyood; si loo sahamiyo kheyraad-biyood ama loo cabiro baaxadda biyo soo-saarka ama astaamaha biyaha; si loo diiraasadeeyo dhulka, dhirta, iyo xaaladaha xxxx xx khuseeya cilmiga biyaha iyo dhulka
Qodobka 90aad: Hirgelinta Agab-Biyood Horumarineed
(1) Sarkaal loo igmadey, kadib marka uu bixiyo ogeysiin waafaqsan xeer-hoosaadka, waa la wareegi karaa dhul kasta si joogteysan ama si looga hortago in si gaar xx xxx yeesho, iyada oo looga gol leeyahay horumarinta agab-biyood xxx guud ah. Sarkaalka loo igmadey sidoo kale waa geli karaa dhul ama goob kasta, qodi karaa, rig gelin karaa, ka dhisi karaa ama burburin karaa agab-biyood horumarineed kasta, baabi'in karaa dalagyo iyo beero, ilaa heerka baahida shaqadaas la hirgelinayo
(2) Hay'xxxx xxx igmadey waa amri kartaa banneynta dhisme ama hanti maguurto kasta xxxxx xxx baahdo in si joogto ah loola wareego si loo hirgeliyo agab-biyood horumarineed, waase kadib marka la siiyo kuwa ku jira ogeysiin hore sida ay qeexayaan xeer-hoosaadyada iyo shuruucda xxxx xx arrintan khuseeya
(3) Meelaha laga baxayo ama loo banneynayo agab-biyoodka horumarineed ee la oggolaadey, ee Qodobkani tilmaamayo, waa in loo helo go'aan maxkameed oo amraya banneyntaas, kaas oo aan laheyn racfaan. Maxkamadda degmada ee uu xuduud ahaan hoos tago agab-biyoodka horumarineed ee la hirgelinayo waxa xx xxxxx karta banneyntaas
(4) Haddii dhismaha ama hantida la burburinayo ay tahay meel dad ku nool yahay ama gobo ganacsi, kuwa ku jira lagama xxxxx karo ilaa loogu beddelo degaan kale ama gobo ganacsi kale ama lasiiyo magdhaw
(5) Maxkamadu waa in ay go'aamiso shuruudaha iyo xaaladaha magdhawga haddii la waayo heshiis ay isku waafaqeen kuwa la saarayo iyo hay'xxxx xxx igmadey ee biyuhu. Kuwa ku jira dhismaha lama xxxxx karo ilaa Maxkamadu go'aamiso wakhtiga ay baxayaan, amarkaas oo noqon kara mid wakhti u qabta ka bixitaanka ama amra ka- bixid degdeg ah. Xaaladda dambe, Maxkamadu waa in ay tixgelisaa
•
,.
marka ay jaangoyneyso qiimaha magdhawga in ka-bixiddu tahay/ahayd mid
r
degdeg ah
(6) Hay'xxxx xxx igmadey, waxa ay awoodi kartaa in, iyada oo aan tixgelineyn xuquuqda magdhawga ee Xeerkani waajibinayo, ay si joogto ah ula wareegto, ama kireyso, dhul kasta oo loogu baahdo hawlaha biyaha, iyada oo aan lagu xiri xxxxx wax lacag ah, shuruud ah ama xuquuq kale ah. Dhulka sidaas lagula wareegey ama lagu kireeyey waxa lagu diiwaangelinayaa magaca Qaranka iyada lagu xaqiijinayo shahaado ay bixiso Hay'xxxx xxx igmadey
(7) Xxxxx xxxxxxx ama qandaraasle loo igmadey uu dhammeystiro hawlo ku-meel- xxxx xx, sida god la qodey ama shaqo la nooc ah, oo uu ka qabanayey/wadey dhul aan si joogto loola wareegin, hay'xxxx xxx igmadey waa in sida ugu dhakhsaha badan oo aan ka badneyn lix bilood kadib gabagabeynta shaqada, ku celiso dhulka xaaladisii hore ee rasmiga aheyd sida ugu suurtogalsan
(8) Milkiilaha ama kireystaha dhulka waxa uu, kadib marka uu digniin qoraal ah u gudbiyo Hay'xxxx xxx igmadey, qaban kara wax kasta oo shaqo lagama maarmaan ah, oo aaney qabanin Hay'addii loo igmadey, si uu dhulkii ugu celiyo xaaladdiihii hore. Milkiiluhu ama isticmaaluhu waa in uu Hay'xxxx xxx igmadey ka dalbaa bixinta kharashka hawshaas ku baxey
Qodobka 91aad: Magdhaw ku Saabsan Dhulka laga Hirgeliyey Agab- Biyood
(1) Kuwa soo socdaa waxa ay xaq u yeelanayaan magdhaw haddii dhulkooda laga dhiso agab horumarin-biyood sida uu banneynayo Qodobka 90.1:
a. Milkiilayaasha iyo kireystaha dhulka sida joogto ah ay ula wareegtey Hay'xxxx xxx igmadey, iyo shakhsi kasta oo ku lahaa dhulkaas lacag, wax la mid, ama xuquuq xxxx xx hor inta aan lala wareegin, shakhsi ay soo gaartey waxyeello uu sababeeyey dhismaha ama agabka biyaha ee dhulkaas laga taagey ama cillado iyo burbur dhacey intii ay socotey hawsha hirgelinta biyuhu; iyo shakhsi waxyeello ka soo gartey xx xxx markii uu waayey dano uu ku heystey dhulkaas lala wareegey, ama qiimo-dhac ku yimid dhulkiisii oo ay sabab u noqotey hawlahaas biyaha xx xxx'xxxx xxx igmadey ka hirgalisey dhulka lala wareegey
x. Xxx'xxxx xxx igmadey waxa ay soo saareysaa Xeer-hoosaadyo ku saabsan arrimaha
,.
" ku qeexan, ama aan looga hadlin, Xeerkan ee khuseeya hirgelinta hawlaha biyaha, saameyntooda marka si joogo ah ama ku-meel-xxxx xx loola wareego dhul ama hanti, la bixinayo magdhaw lacag ah ama hanti kale ah, xeerarka saldhigga u ah jaangoynta magdhawga iyo shuruudaha ku xiran, iyo habraac la adeegsado marka Maxkamadda loo dacwoonayo xilliyada ay abuurman khilaafyo xxxxxxxxx xxxxxxxx
Qodobka 92aad: Waajibaad Culus
1. Iyada oo ujeeddadu tahay dhismaha, dayactirka ama kormeerka agabka biyaha xx xxxxx guud ama in la helo meelo loo maro, waxa la waajibin karaa culeysyo dheeraad ah oo la saaro qaybkasta oo dhul la leeyahay.Culeysyadaas waxa lagu meelmarinayaa heshiis xxxx xxxx milkiilahadhulka
2. Haddii heshiis lala gaari waayo milkiilaha dhulka, Hay'xxxx xxx igmadey waxa ay awood u leedahay inay iskeed u sharciyeyso ama u dhaqangeliso culeysyadaas dheeraadka ah iyada oo u adeegeysa xxx guud
3. Hay'xxxx xxx igmadey waxa ay dejineysaa xeer-hoosaad qeexaya habraaca dhaqangelinta, gudbinta iyo wax-ka-beddelka culeyskyada noocan ah iyo shuruucda magdhawga
4. Culeysyadan waa la diiwaangelinayaa shahaadana waxa la siinayaa kan ka faa'iideysanaya culeyskan
QAYBTA 16
ISKUJIR
Qodobka 93aad: Masuuliyada Waxyeellada
1. Hay'xxxx xxx igmadey waxa ay magdhabeysaa hantida lunta ama waxyeello gaarto, iyo dhawaaca shakhsi oo ku yimaada dadka ku jira shaqada maamulka. Taasi waxa ay ka dulqaadeysaa dadka kor ku xusan qaansheegadka iyo magdhawga dadka ku dhaawacma iyo waxyeelada hantiyeed xx xxx sheegto, haddii taasi timaado xilliga hawlaha maamulku socdaan, marka laga reebo xaalado dayac ku yimid sida ku dhaqan la'aanta shuruucda badbaadada
2. Shakhsiga ka gaabiya ku dhaqanka shuruucda badbaadada waxa uu masuul ka noqonayaa magdhawga dhaawaca qofeed iyo waxyeellada hantiyeed ee khaladkiisu sababo
,..
r
•
3. Shakhsiga jebiya qodob kasta oo sharciyeed ama maamuleed ee ka mid ah Xeerkan Biyaha isaga ayaa loo raacayaa magdhawga, kaas oo si habboon loo qiimeeyey, waxyeellada uu sababeeyey ficilkiisu iyo dheefaha shard darrada ah ee uu xx xxxxx
4. Mulkiiluhu ama wakiilkiisu waa in uu magdhaw ka siiyo dhinac seddexaad khasaare kasta ama waxyeellada uu geysto, si toos ah ama dadban, marka uu hirgelinayo hawlaha horumarinta kheyraadka biyaha ama uu fulinayo masuuliyadihiisa sharcigeed
Qodobka 94aad: Ganaaxyada
1. Shakhsigii ku xadgudba qodob ka mid ah Xeerkan Biyaha, ama amar ama wareegto kasta oo isaga ku wajahan waafaqsanna xeer-hoosaadyada soo raaca Xeerkan Biyaha, ama is-hortaaga sarkaal, ama shakhsi wakiil ka ah, kaas oo fulinaaya shaqo uu tilmaamayo Xeerkani, kadib digniin uu u gudbiyey shakhsigaas sarkaalka la igmadey, waxa uu muteysanayaa ganaax, iyo ganaax dheeraad ah oo ku waajibayaa maalin kasta oo uu sii socdo dembigaasi ama falkiisu
2. Shakhsigii, kadib markii lagu xxxxx xadgudub sida uu qabo Qodobka 93.1, mar kale xadgudba, waxa uu muteysanayaa labo-jibaar ganaaxii hore iyo ganaaxii dheeraadka ahaa sida ku tilmaaman 93.1
3. Shakhsigii ku xadgudba qodob ka mid ah qodobada Xeerkan Biyaha, iyada oo ay ku xiran tahay culeyska dembiga iyo soo noqnoqoshadiisa, waxa uu muteysanayaa labo iyo toban bilood oo xariga ah iyo ganaaxyada uu tilmaamayo Qodobka 93.2
4. Hay'xxxx xxx igmadey waxa ay soo dejineysaa xeer-hoosaad ama ogeysiin, lagu soo bandhigayo Faafinta Rasmiga ah, qeexaya ganaaxyadaas iyo xabsigaas ka ratibmaya ku xadgudubka qaar ka mid ah qodobada Xeekan Biyaha
Qodobka 95aad: Dhaqangalka Xeerka Biyaha
1. Dhammaan xeerarka dhaqan ee soo-jireenka ah iyo xeerarka iyo xeer- hoosaadyada xxxx xx jira ee liddiga ku ah Xeerkan Biyaha waa la buriyey ama la laaley