Codso maxkamad wax lagu xaqiijiyo kana qeyb gal kulanka xalinta Qodobbada Tusaalaha

Codso maxkamad wax lagu xaqiijiyo kana qeyb gal kulanka xalinta. Haddii adiga iyo iskoolka degmada aad wax xalin waysaan, waxaad xaq u leedahay qof sarkaal dhexdhexaad ah oo idin dhexdhexaadiyo oo na maqlo labada dhinac, baaro cadeynta, go’aanna gaaro. Maxkamadan waxaa sameyaan BSEA da looguna Wacaa dhageysiga wax lagu xaqiijiyo. Sarkaalka labada dhinac dhageysanaya waxaa loo tababaray sharciga waxbarashada khaaska ah waana inuu wax xiriir ah la yeelan, shaqo ama qaraabo ah, dadka ku lug leh qilaafkaan. Maxkamad dhageysigaan waxay tixgelineysaa waxii iska hor imaad ah, qiimeynta, IEP da; go’aanka meelyenta ah, ay ka mid yihiin wax ay sababtay edbin darteed, FAPE, bixinta waxbarasho khaas ah, ama sharciga badbaadinta ee gobolka iyo federaalka ee ardayda lixaadooda dhiman tahay. Waa inaad ku dalbato dhageysiga maxkamada labo sano gudahood marka aad ogaatid dhacdadaan keentay cabashadaada.9 Waqtigan waa la dhereyn karaa hadii hadaad tusto in lagaa celiyay inaad cabashadan soo gudbiso ama ikoolka degmada kuu sheego in ay xaliyeen ama aynan ku siinin macluumaad aad ku gaari lahayd go’aankaas, una diri karo koobi xafiiska BSEA si u helo maxkamadan wax lagu xaqiijiyo. Xafiiska BSEA waxay diyaariyeen Foomka Codsiga Lagu Maqlo doodaan 10 oo aad isticmaali karto ama adiga ayaa warqad qoran karo intaad isticmaali lahayd foomkan, laakin hubi inaad ku darto magaca ardayga iyo cinwaanka guriga (ama meesha lagala xiriiri karo hadii ardayga guri degneyd); magaca iskoolka ardaygaada, faahfaahinta dhibaatada aad ka cabaneyso, ay ka mid tahay dhibtaatada runta ah iyo xalka aad soo jeedineyso. Ogow in maxkamada looga hadlayo kaliya waxaad ku qorto cabashada. Waa inaad u dirto codsigaada maxkamada iskoolka degmada (ama dadka kale ay quseyso) koobina u dirto xafiiska BSEA. Hadii cabashada dhameystirneyn, dhinaca kale waa inuu ku soo jawaabo 15 maalmood gudahooda. BSEA da waxay go’aan ku gaaraysaa 5 maalmood kadib marka laguu soo jawaabo kadib. Macluumaad dheeri ah ayaa lagu sii dari karaa cabashadaada hadii dhinaca kaa soo horjeedo ogolaado ama hadii sarkaalka dhageysanaya cabashada uu ogolaado. Hadii lagu sii daro cabashada arrimo hor leh, waqtiga maxkamad dhageysiga markale ayaa lasoo bilaabayaa. Hadii wax kasoo horjeesi ah lagu sameyn cabashadada, wuu sii soconayaa dooda maxkamada. Hadii ikoolka degmada horay kuu soo dirin ogeysiis qoraal ah ee waxa aad ka cabaneysa ah, waa in 10 maalmood gudahood kuugu soo jawaabaan kadib marka aad codsatay maxkamada. Ogeysiis: hadii iskoolka degmada uu asiga codsaday maxmada, waalidka waa inuu 10 maamlo...