Sidee ayay waalidiinta iyo iskoollada u xalin karaan is af garan waa? 34 CFR 300.151, 300.506 – 300.518 Qodobbada Tusaalaha

Sidee ayay waalidiinta iyo iskoollada u xalin karaan is af garan waa? 34 CFR 300.151, 300.506 – 300.518 and 603 CMR 28.08 Sharciyada gobolka iyo federaalka ee waxbarashada khaas ka ah waxay fursado badan siiyaan waalidiinta si ay uga qeyb qaataan qorsheynta waxbarasho ee ardaygaada lixaadiisa dhiman tahay. Haddii waalidiinta iyo iskoollada degmooyinka isku af garan waayaan isbadel la xiriira garashada, qiimeynta ama u helida waxbarashada loo qoondeeyo ardayga lixaadkiisa dhiman tahay, ama adeegyada waxbarasho ku bahoon ardayga ee bilaash ah (FAPE) ee la siiyo arday lixaadiisa dhiman tahay, sharciyada waxay bixiyaan siyaabo loo xaliyo is af garan waayga. Ardayga waa inuu ku sii jiro barnaamijka waxbarasho iyo meesha lagu meeleeyay xiliga lagu gudo jiro xalinta is af garan waayga ee meeleynta ama adeegyada, marka laga reebo in iskoolka degmada uu ogolaado in la badelo ama is badelaadaas ay sabab u tahay edbin darteed. Sida soo socdo ayaa ah siyaabo kale ee adiga iyo iskoolka degmada ku xalin kartaan is af garan waayga.