Goorma ayaa lagaa bixinayaa qarashka Qiimeyn Waxbarasho ee Madaxbanaan Qodobbada Tusaalaha

Goorma ayaa lagaa bixinayaa qarashka Qiimeyn Waxbarasho ee Madaxbanaan. Sharciga gobolka Massachusetts, waxaad heleysaa IEE si qarash la’aan ah ama qeyb la bixiyo hadaad soo buuxiyo shuruudaha dakhliga ku soo galo. Ardayda u qalanto cunto bilaash ah ama qiimo la yareeyay waxay loo ogolyahay IEE in si bilaash ah lagu siiyo. Ardayda kale waxay mudan yihiin in qeyb qarashka IEE da laga bixiyo marka la fiiriyo cabir qarash qeybsi u sameysan. Inaad la wadaagto iskoolka degmada faahfaahin dhaqaalahaada ah waa ikhtiyaarkaada. Hadaad sidaa doorato, waa in iskoolka degmada si degdeg ah qoraal kuugu wargeliyo haddii aad u qalanto si buuxda ama qeyb ah in lagaaga bixiyo IEE da, loona gudo galo in lacag lagu bixiyo IEE da ayadoo la fiirinayo u qalmitaankaada. Xaqaada in lagu siiyo IEE qarash la’aan ah ayadoo la fiirinayo dakhligaada waxuu soconayaa 16 bilood oo laga soo billaabo taariikhda qiimeynta iskoolka degamda ee aad aqbashay. Haddaad dhakhligaada dartiis aad u qalmi weyso ama doorbidid in aad dhaqaalahaaga sheegin, degmada waa inay tixgelin u sameyso codsigaada qarash la’aanta ayadoo la fiirinayo sharciga federaalka ah. 5 maalmood gudahooda, degmada waa inay aqbashaa bixinta IEE da oo bilaash ah ama codsato in garta dhageysato Hay’ada Racfaanka Waxbarasahda Khaaska loo yaqaan (Bureau of Special Education Appeals, loo soo gaabiyo BSEA) si loo caddeeyo in qiimeynta degmadasameysay dhameystiran yahay ee uu ku haboonyahay. Faahfaahin dheeri ah ee IEE da waxaa laga helaa La Talooyinka DESE 2004-1 iyo 2001-3, laga helo iskoolka degmada iyo bogga internetka DESE http://www.doe.mass.edu/sped/advisories/?section=admin. Waxaa laguu ogolyahay hal qiimeyn madaxbanaan oo bilaash ah in ardaygaada loogu sameeyo markii iskoolka degmada qiimeyn sameynayo. Waxaad sameysan kartaa qiimeyn madaxbanaan oo jeebkaaga ka bixiso mar waliba.