Waa maxay Qiimeyn Waxbarasho ee Madaxbanaan? 34 CFR §300.502 iyo 603 CMR 28.04(5. Qiimeyn Waxbarasho ee Madaxbanaan (Independent Educational Evaluation – IEE) waa qiimeyn uu sameeyo baare madaxbanaan ee u qalmo shaqada oo aan u shaqeyn iskoolka degmada mas’uulka ka ah waxbarashada ardaygaada. Waxaad xaq u leedahay inaad ardaygaada u codsato qiimeyahaas madaxa banaan ee loosoo gaabiyo (IEE) ee lacagta lagaa bixiyo haddii aad aqbalin qiimeynta iskoolka degmada. Hadaad codsato IEE, iskoolka degmada waa inuu ku siiyo macluumaad ku saabsan meesha aad ka heli karto IEE iyo waajibaadka gobolka ee quseeyo IEE da.