Hawlaha waxaa loola jeedaa dhammaan hawlaha la xiriira dhismaha, rakibidda qalabka ama alaabaha, iyo adeegyada la xiriira dhismaha. Qodobka 4: Dabbaqaadda Sharcigan1. Xeerkan waxaa lagu dabaqayaa dhammaan qandaraaska iibka badeecadaha, hawlaha, iyo adeegyada, meeleynta waxyaabaha aan adeegsi lahayn ama duug ah, keenis dheeri ah iyo qalabka; iyo dhammaan heshiisyada ay bixiyaan haya’daha guud ee Xukuumadda Federaalka.2. Qandaraaska iibka guud waxaa lagu baahinayaa hay’adaha iibinta waxaana ka mid ah qandaraas kasta oo si buuxda ama qeyb looga maalgelinayo hantida guud.3. Sharcigan waxaa lagu dabqayaa hay’adaha dowladda ee hoos ku qoran