U Yeeridda iyo Ashtakada– Marka Xeer Ilaaliyaha Mareykanka go’aan ku gaaro in la jebiyay sharcigamadaniga federaalka, dacwad oogaha madaniga, ee loo yaqaan Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Mareykanka, wuxuu Maxkamadda Degmada Federaalka u suu gudbiyaa U Yeeridda iyo Ashtakada, wuxuuna haaystaa koobiga dokumentiyada la gudbiyay, kuna saabsan gafaha la soo eedeeyay, kaasoo loo yaqaan eedeysanaha.U Yeeridda waxay aqoonsataa maxkamadda loo gudbiyay kiiska iyo magacyada dhinacyada ku lug leh. Waxay kaloo soo bandightaa muddada loo baahan yahay in eedeysanaha uu kaga soo jawaabo Ashtakada.Ashtakada waxay soo taxdaa xaqiiqada iyo eedaha la xariira dacwadda iyo garta uu rabo muddiciga, kaasoo ah dhinaca soo gudbiyay dacwadda.