Sharciyada Federaalka
Xxxxxxxxxx Xxxxxxxxxx
Sharciyada federaalka ama qaanuunada, waxaa sameeyo Kongareeska Mareykanka si loo badbaadiyo muwadiniinta waddankaan.
Tusaale ahaan, sharciyada federaalka waxay xaaraantimeyeen jebinta xuquuqda madaniga ee ku saleeysan isirka, sida marka qofka loo diido hooy ama waxbarasho. Intaas waxaa xxxxx, sharciyada federaalka waxay mamuuceen khatarta ku timaada deegaanka, kana mid ah wasakhda lagu shubo wubiyada iyo killiyada Mareykanka. Intaas waxaa xxxxx, sharciyada federaalka waxay dawladda federaalka siiyaan awoodda ay ku dacweyaan shakhsiyaadka iyo shirkadaha jebiya heshiisyada xxxxx xxxx dawladda ama marka khayaano lagu xxxxxxx xxxxx federaalka, beeraha, ama xanaanada caafimaadka. Jebinta sharciyada federaalka waxaa looga doodaa Maxkamadda Degmada Federaalka.
Sharciyada federaalka waxay kaloo aasaasaan xaqa Xeer Ilaaliyaha Mareykanka u leeyahay in uu mattalo Mareykanka xxxxx xxxxxxxxx iyo hawlaha kale xagga sharciga sida marka dhul lalla wareego, burburka dhaqaalaha, iyo guriyaha lalla wareego. Talaabooyinkaan waxaa looga doodi karaa maxkamadda gobolka ama maxkamadda federaalka.
Marka Qof Lagu Soo Dacweeyo Jebinta Sharciga Federaalka…
1. U Yeeridda iyo Ashtakada – Xxxxx Xxxx Ilaaliyaha Mareykanka
go’aan ku gaaro in la jebiyay sharciga
madaniga federaalka, dacwad oogaha madaniga, xx xxx yaqaan Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Mareykanka, wuxuu Xxxxxxxxxx Xxxxxxx Xxxxxxxxxx u suu gudbiyaa U Yeeridda iyo Ashtakada, wuxuuna haaystaa koobiga dokumentiyada la gudbiyay, kuna saabsan gafaha la soo eedeeyay, kaasoo loo yaqaan eedeysanaha.
U Yeeridda waxay aqoonsataa maxkamadda loo gudbiyay kiiska iyo magacyada dhinacyada ku lug leh. Waxay kaloo soo bandightaa muddada loo baahan yahay in eedeysanaha uu kaga soo jawaabo Ashtakada.
Ashtakada waxay soo taxdaa xaqiiqada iyo eedaha la xariira dacwadda iyo garta uu rabo muddiciga, kaasoo ah dhinaca soo gudbiyay dacwadda.
2. Garta Tooska ah – Haddii eedeysanaha uu
ku guul dareeysto in uu Maxkamaddda Degmada Federaalka u soo celiyo war, ama Jawaab, muddadii loo qabtay gudaheeda, waxaa dhici karto in la gaaro Xukun Toos ah, taasoo muddiciga siiso garta uu soo codsaday sida ku jirta Ashtakada. Badanaa, garta la raadinaayo waa lacag ama fal la mid ah.
3. Jawaab/Ogaasho – Haddii eedeysanaha uu ka soo jawaabo dacwadda Ashtakada, waxaa sii socota dacwadda, dhinac kastana waxaa la siin doonaa fursadda ay ku ogaato xaqiiqada ku saabsan kiiska dhinaca kale.
Sida saxda ah, hawshaan waxaa lagu magacaabaa ogaasho, waxaana loo isticmaalaa in dhinac kasta uu dhinaca kale siiyo Codsiga Dokumentiyada la xariiro munaasabadaha keenay dacwadda.
Intaas waxaa sii xxxxx, dhinac kasta waxay
dhinaca kale siin kartaa su’aalo qoran oo la rabo in laga jawaabo. Su’aalahaas waxaa lagu magacaabaa Weydiin. Waxaa kaloo dhici karta in dhinacyada qof ahaan u su’aalaan dhinaca ka soo horjeeda, taasoo loo yaqaan wareeysi.
Ugu dambeyntii, inta ay socoto marxaladda ogaashada, waxaa dhici karto in Maxkamadda Degmada Federaalka loo gudbiyo Codsiyo qoran. Waxaa dhici karto in Codsiyada ka hadlaan arrimo kala xxxxx xxxx marka lagu guul dareeysto ka jawaabidda Su’aal Weydiinta ama ama marka lagu guul dareeysto in loo hoggaansamo Codsiga Dokumentiyada.
4. Qaadista Garta Ka Hor – Inta uu socdo kiiska madaniga, waxaa dhacda in Garsooraha Federaalka mar mar la kulmo dhinacyada si uu u xxxx haddii murranka
la xallin karo iyada oo aan la aadin dacwadda. Shirarkaan waxaa lagu magacaabaa Shirarka Ka Horeeyo Qaadista Garta.
Inta lagu dhex jiro dacwadda, waxaa dhici karto in Maxkamadda Degmada Federaalka fasaxdo kiiska haddii eedeysanaha uu soo gudbiyo Codsiga Lagu Fasaxo, kuna guuleysto in dacwadda aysan lahayn mudnaanta sharciga. Garsooraha Maxkamadda Degmada Federaalka, bedelkii Maamulaha Sharciga, waa in uu dhageeysto Codsigaan iyo dhamaan Codsiyada xxxx xx xx xxxxxxx xxxx dhameeystirka kiiska.
Waxaa kaloo dhici karta in kiiska
go’aan looga gaaro habka Xxxxxxx Xxxxxx. Haddii dhinacyada aysan ka murmin
xaqiiqada kiiska balse qilaafkooda ku siman yahay sida loogu dabaqo sharciga, hal ama labadaba waxay soo gudbin karaan Codsiga Xxxxxxx Xxxxxx, fikradahooda sharcigana soo hordhiggi karaan Garsooraha Maxkamadda Degmada
Federaalka. Kaddibna Garsooraha wuxuu gaari xxxxx Xxxxx u janjeera dhinaca qancisa, kuna deeqa dhinacaas dhamaan ama qeyb ka mid ah garta la soo raadsaday.
5. Gar Qaadista – Haddii dhinacyada aysan gaari xxxxx xxxxxxx haddii kiiska aan la fasaxin iyo haddii aan la gaarin Xxxxxxx Xxxxxx, Garsooraha Federaalka ayaa ugu dambeyntii dhinacyada kula kulma Shirka Ka Horeeyo
Garta. Waqtigaas, Garsooraha Maamulka Sharciga wuxuu faraa isdhaafsiga
macluumaadka, waxaana ka mid ah liisaska marqaatiyada iyo caddeynta ay dhinacyada ku xxxxx jiraan in ay ku soo bandhigaan garta.
Garsooraha Maamulka Sharciga wuxuu dhinacyada kala shaqeyaa sidii ay u xallin lahayeen dhamaan arrimaha xxxxx xx aan ku lug lahayn mudnaanta kiiska.
Sida ku saleeysan rabitaanka dhinacyada, waxaa dhici karto in kiisaska madaniga federaalka la
horgeeyo Garsooraha Maxkamada Degmada Federaalka oo keliya ama la horgeeyo guddi ka kooban muwadiniin oo aan si kala sooc lahayn looga soo xulay degmada maxkamadda. (Degmadaan Maxkamadda Federaalka waxay ka kooban tahay dhamaan Minnesota.) Caadi ahaan guddiga qaada garta madaniga federaalka wuxuu ka kooban yahay lex ilaa toban iyo labo qof.
6. Go’aanka – Marka la soo gabogabeeyo garta hor taala guddiga, Garsooraha Maxkamadda Degmada Federaalka wuxuu sharaxaa sharciga quseeyo iyo go’aanada waajibka ku ah in guddiga gaaro. Badanaa, guddiga waxaa laga codsadaa in uu go’aan ka gaaro haddii, xaqiiqo ahaan, eedeysanaha uu ashtakoodaha gaarsiiyay waxyeelo. Haddii ay sidaas tahay, marka guddiga waa in uu go’aan ka gaaro nooca iyo qiyaasta magta loo baahan yahay in uu eedeysanaha siiyo ashtakoodaha.
Go’aanada uu gaaro gudiga garta waxaa loo yaqaan go’aankeeda. Xukunka gudiga ka gaaro kiiska madaniga federaalka waa in uu ahaado mid loo dhan yahay haddii garta inta aan loo fadhiisanin ka hor, dhinacayada aysan ku heshiinin xukunka aan loo wada dhameeyn.
Haddii kiiska madaniga federaalka la hor geeyo Garsooraha Maxkamadda Degmada Federaalka oo keliya, taasoo lagu magacaabo gar qaadista miiska, garsooraha ayaa gaara xukunka.
Kiiska madaniga, ashtakoodaha waa in uu caddeeyo, sida aad uga muuqata caddeynta, in eedeysanaha uu mas’uul ka yahay dhibaatada la geeystay. Macnaha waa in muddiciga uu caddeeyo in ay u badan tahay in eedeysanaha ka dambeeyay saxariirka soo gaaray ashtakoodaha.
7. Racfaanka – Xxxxx xx xxx gabogabeeyo garta, xxxx gaaro xukunka ama garta la siiyo hal dhinac, dhinaca kale wuxuu soo gudbin karaa Codsi uu Maxkamadda Degmada Federaalka ku weydiisanaayo in ay meesha xx xxxxxx ama
saxdo go’aanka. Haddii aan taas lagu guuleysanin, dhinacaas wuxuu racfaanka go’aanka xx xxxxxx karaa Maxkamadda Racfaanka.
8. Mareykanka oo ah Eedeysane – Mar mar waxaa dhici karta in Mareykanka noqdo eedeysanaha kiiska madaniga federaalka. Tusaale ahaan, waxaa dhici karto in dadka saaran baabuurka dacweyaan Mareykanka xagga dhaawacyada soo gaaray. Mar kale, Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ayaa mattali doonaa danaha dawladda.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka
Gobolka Minnesota
600 United States Courthouse 000 Xxxxx Xxxxxx Xxxxxx Xxxxxxxxxxx, XX 00000
Phone: (000) 000-0000
Fax: (000) 000-0000
Dacwadaha
Madaniga Federaalka
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha
Mareykanka Gobolka Minnesota