Waxaad isticmaashaa Qaabka (sistamka) xalinta ee DESE Qodobbada Tusaalaha

Waxaad isticmaashaa Qaabka (sistamka) xalinta ee DESE. Haddaad dareento inaad caawin ka baxsan iskoolka degmada u baahantahay, waxaad la xiriiri kartaa xafiiska DESE, xafiiska xalinta dhibaatada ee loo yaqaan (Problem Resolution System Office – loona soo gaabiyo PRS) telafoonka 781-338-3700, si aad u isticmaasho sistamka gobolka ee lagu xaliyo dhibaatada waxaad heli kartaa bogga internetka http://www.doe.mass.edu/pqa/prs/. Waxaad cabasho u diri kartaa xafiiska PRS hadey jirto xadgudub lagu sameeyay sharciga waxbarashada ee gobolka ama federaalka, ama si aad u hesho caawin lagaa siiyo xalinta, waxaad ka heli kartaa shaqaalaha PRS si iska caadi ah. Haddaad rabto in PRS ay sameyso baaritaan rasmi ah, waa inaad cabashadaada si qoraal ah u dirto. Shaqaalaha PRS ayaa kaa caawinaya diyaarinta iyo diridda cabashada. Cabashadaada qoraalka ah waa inay ku jirtaa: bayaan cabashadaada muujinayo, isku daygaada aad ku xalinayso cabashada, tallaabada uu haduu qaado iskoolka aad aaminsatahay inay xalinayso cabashadaada iyo saxiixaada iyo meesha lagaaga soo xiriiraya. Haddii cabashadaada ku saabsan tahay arday gaar ah, waa inaad bixisaa magaca ardayga, iyo cinwaanka guriga iyo magaca iskoolka. Laakin arrinta aad ka cabaneyso waa inayna dhicin in kabadan hal sano kahor inta PRS ay helin cabashada. Haddaad doorato inaad ka dalbato cabasho rasmi ah xafiiska PRS, waa inaad koobi qoraalka cabashada ah u dirto iskoolka degmada. Xafiiska PRS waxay cabashadaada ku xalineysaa 60 maalmood gudahooda, kuuna soo direysaa koobi natiijada iyo go’aanka ka hadlaya. Inaad cabasho u dirto xafiiska PRS kaama celineyso inaad isticmaasho dariiqooyin kale, sida la hadalka iskoolka degmadaada, dhexdhexaadin, ama maxkamad wax lagu xaqiijiyo ee xafiiska racfaanka ee Waxbarashada Khaaska ah (bogga hoose ayaa looga hadi doonaa) si loo xaliyo cabashadaada.5 Hadaad codsato maxkamada inay xaqiijin sameyso, cabashadaada aad u dirtay sistamka dhibaatada lagu xaliyo meel ayaa la dhigayaa ilaa midka maxkamada ay xaqiijin ku sameyneyso la dhameystiro.