Weydii in la magacaabo dhexdhexaadiye dhexdhexaad ah Qodobbada Tusaalaha

Weydii in la magacaabo dhexdhexaadiye dhexdhexaad ah. Dhexdhexaadinta6 waa adeeg uu bixiyo qof loo taba baray sharciga waxbarashada khaaska ah iyo siyaabaha gorgortanka loo sameeyo. Dhexdhexaadinta waxaa la ballansan karaa mar walba ee waalidiinta iyo iskoollada ka dhaxeeya qilaaf arrimaha waxbarashada khaaska ah, xitaa haddii cabasho loo diray xafiiska PRS cabashada lagu diro sistamka xalinta dhibaatada. Dhexdhexaadiyaha waxuu waalidka iyo iskoolka degmada ka caawiyaa iney ka hadlaan qilaafkooda ayna gaaraan heshiis labada dhinac ay aqbali karaan. Doodda dhexdhexaadinta waa qarsoodi, wax labada dhinac ka hadleenna looma isticmaali karo qilaaf dambe oo looga hadlo maxkamad si rasmi ah. Marka heshiis la gaaro, qoraal ayaa laga dhigaa, labada dhinac aa saxiixayo, maxkamaddana amar ayay ku bixin kartaa in la raaco heshiiskaas. Dhexdhexaadinta waxaa laga dalban karaa ayadoo lala xiriirayo xafiiska BSEA 781-397-4750. Dhexdhexaadiyaha ayaa kulanka ballaminayo adiga iyo iskoolka degmada 30 maalmood gudahood marka la codsado dhexdhexaadinta. Kulanka waxaa la qabanayaa waqti iyo meel ku haboon. Ka qeyb galida qasab ma aha, marka waa in iskoolka degmada iyo waalidiinta inay isku racaan inay ka qeyb galaan dhexdhexaadinta. Adeegan waa lacag la’aan. Macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan dhexdhexaadinta siday u shaqeyso waxaa laga heli karaa xafiiska BSEA 781-397-4750 waxaana laga heli karaa daabacaadda "Su'aalaha Badanaa leys weediyo ee Dhexdhexaadinta ku saabsan"7 iyo “"Faahfaahinta Dhexdhexaadinta.8”