Kansarka Qanjidhka Minada/Shahwada
Kansarka Qanjidhka Minada/Shahwada
Qanjidhka minada/shahwada waa qanjidh ka hooseeya kaadi-haysta ninka ee sameeya dheecaanka shahwada.
Kansarka qanjidhka minada/shahwada waa sababta saddexaad ee ugu badan geerida ka timaada kansarka ee ku dhacda dhammaan da’aha ragga.
Waa ku dhif ragga ka yar 40 sano.
Heerarka dheecaan ee laga helo dhiiga oo la yidhaahdo “prostate specific antigen” (PSA) ayaa badanaa ku badan ragga leh kansarka qanjidhka minada. Hase yeeshee, baadhitaanka dhiigga ee PSA ayaa sidoo kale ku badnaan kara xaaladaha xxxx xx qanjidhka minada/shahwada: sida infakshanka qanjirka minada ama qanjirka minada oo weynaada.
Culimada saynisku waxay wakhti kasta aqoon cusub u yeelanayaan baadhista kansarka qanjidhka minada/shahwada.
Dhakhtarkaaga kala hadal goorta iyo nooca
baadhitaanka kansarka qanjidhka minada/shahwada, oo uu ku jiro baadhitaanka PSA, xx xxxxx kuugu fiican.
Intii uu baadhitaanka PSA noqday mid caam ah, badi kansarada qanjidhka minada/shahwada waxaa la helaa ka hor inta aanay keenin calaamado ama astaamo.
Waxaa jira calaamado badan ee kansarka qanjirka minada/shahwada. Haddii aad leedahay calaamadahan soo socda. u tag dhaqtarkaaga.
• Dhibaatooyin ah soo bixidda kaadida, sida xanuun, bilowga ama joojinta qulqulka kaadida oo dhib ah, ama tifiqtifiq kaadi
• Xanuun ah dhabarka xxxxx
• Xanuun xx xxxx-xxxx
Daaweynta kansarka qanjidhka minada/.shahwada waxay badanaa ku xiran tahay heerka kansarka. Degdegsiiyaha kansarku ku korayo iyo sida ay uga duwan tahay cadka ku yaala agagaarka ayaa gargaar ka geysta in la go’aamiyo heerka.
• Daaweynta waxa ku jiri kara qalitaan, cilaajka raajada (radiation therapy), kiimooterabi (chemotherapy) ama xukumista hormoonada (hormones) saameeya kansarka.
A project by Health Roads Media and EthnoMed This project has been funded in whole or in part with Federal funds from the Department of Health and Human Services, National Institutes of Health, National Library of Medicine, under Contract No. HHS-N-276- 2011-0008-C with the University of Washington.
Thank you to Safeway Foundation for its support to Harborview Medical Center’s EthnoMed for the development of cancer-related content.
xxx.xxxxxxxxxxxxxxxxx.xxx and xxxx://xxxxxxxx.xxx
Prostate Cancer – Somali (last reviewed June 2013