Ujeedo
Ujeedo
Saynisku waa fasalka shaybaarka oo ah in gacanta lagu hayo. Si kastaba ha ahaatee,
hawlaha sayniska yaa laga yaabaa inay leeyihiin khataro suurtagal ah. Waxaan isticmaali doonaa qaar ka mid ah qalabka iyo xayawaanka oo laga yaabo inay khatar yihiin hadii aan si haboon loo farsamayn. Badbaadada fasalka sayniska waa qayb muhiim ah oo ka mid ah habka sayniska. Si loo hubiyo in isticmaalka qalabka ee fasalka badbaado ahaado ama sayf, liis sharci ah yaa la sameeyay waxaana loo yaqaan kunturaada Badbaadada Sayniska. Xeerarkan waa in la raaco.
Tilmaamo badbaado oo dheeraad ah yaa la siin doonaa hawl kasta.
Arday saynis dhigta looma oggolaan doono inuu ka qaybqaato hawlaha sayniska ilaa heshiiskan ay saxeexaan ardayga iyo waalidka ama masuulka.
Xeerarka Badbaadada (Safety)
1. Si xilkasnimo leh had iyo jeer u isticmaal gudaha qolka sayniska. Ciyaarta, kaftanka wax ku oolka ah, iyo maaweelada looma dulqaadan doono fasalka dhexdiisa.
2. Si taxaddar leh u raac dhamaan tilmaamaha qoran iyo kuwa afka ah. Weydii macalinkaaga su'aalo hadii aadan fahmin tilmaamaha.
3. Ha taaban wax qalab ah, xxxxx, xayawaan, ama qalab kale oo qolka sayniska yaala adiga oo aan fasax ka haysan macalinka.
4. Samee tijaabooyin laaguu ogolaaday oo keliya. Ha samayn wax tijaabo ah marka macalinku ka maqan yahay qolka.
5. Weligaa xx xxxxx, cabin, xanjo ha ku ruugin qolka sayniska.
6. Gacmaha ka fogee wejiga, indhaha, iyo afka markaad isticmaalayso qalabka sayniska ama markaad ku shaqaynayso kiimikooyinka ama xayawaanka. Ku dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo ka hor inta aanad ka bixin qolka sayniska.
7. Xiro muraayadaha badbaadada ee laguu ogolyahay. Weligaa ha iska saarin muraayadaha ama muraayadaha badbaadada inta lagu jiro tijaabada. Sharcigan marwalba waa in la oofiyaa!
8. Ka dhig goobta shaqada iyo qolka sayniska mid nadiif ah. Keen kaliya tilmaamaha shaybaarkaaga, xaashida shaqada, iyo qalabka qoraalka goobta shaqada.
9. Nadiifi dhamaan goobaha shaqada iyo qalabka dhamaadka tijaabada. Ku xxx xxxx dhamaan qalabka oo nadiifka oo si habsami leh u shaqaynaya kuna xxx xxxx goobta kaydinta.
10. Raac tilmaamaha macalinkaaga si aad u tuurto wax kasta oo wasakh ah oo ka dhashay tijaabooyinka.
11. U soo sheeg shil kasta oo dhaca (dab, daatay, jab, iwm.), dhaawac (goyn, gubasho, iwm.), ama xaalad khatar ah (qalabka jaban, iwm.) isla markaaba macalinka.
12. Ka fiirso dhamaan kiimikooyinka lagu isticmaalo qolka sayniska inay khatar yihiin. Ha taaban ama urin wax kiimiko ah ilaa si xxxx xx loogu farayo mooyee.
13. Si taxadar leh oo ixtiraam leh ula dhaqan dhamaan xayawaanka shaybaarka.
a. Furo qafisyada xayawaanka adoo ogolaansho haysta oo keliya
b. Waligaa ha taa taaban wax xayawaan ah marka macalinku qolka ka maqan yahay.
c. Xayawaanka ka bixin qolka sayniska.
d. Ha ku ciyaarin hana ula dhaqmin xayawaanka si adag.
e. Xayawaanka ka fogee wejiyada ardayda.
f. Xidho galoofyada marka aad xayawaanka qabanayso.
g. Isla markiiba u sheeg macalinka wixii qaniinyo ama xagtin ah ee xayawaanka.
14. Had iyo jeer ku qaado mikroskoob labada gacmood. Hal Gacan ku qabo; gacanta kale hoosta uga qabo.
15. Ula dhaqan dhamaan shaybaarada la xafiday iyo kala qaybinta saadka si taxadar iyo ixtiraam leh.
a. Ha ka saarin alaabta la xafiday ee qolka sayniska.
b. Isticmaal qalabka maqaarka, maqas, iyo qalabyada xxxx xx fiiqan oo kaliya sida laguu tilmaamay.
c. Waligaa ha u soo gooyn waxa la jarayo dhinacaaga - had iyo jeer ka jeedi jirkaaga.
d. U sheeg macalinka isla markaaba wixii dhaawac ah ee uu keeno qalabka fiiqan.
16. Weligaa xx xxxxx armaajooyinka kaydinta, xxxx xxxxx qolka diyaarinta/kaydinta adoon fasax ka haysan macalinka.
17. Ha ka saarin kiimikooyinka, qalabka, xxxxxx, iyo xayawaanka qolka sayniska iyada oo aan fasax laga helin macalinka.
18. Si taxadar leh u qaad dhamaan weelasha dhalada ah. Weligaa gacmahaaga oo qaawan ha ku qaadin weelka kulul ama jaban.
19. Isticmaal taxaddar aad u badan markaad isticmaaleyso taraq, digsiga wax lagu shiilo, ama saxan kulul. Isticmaal wax yaabaha la shido marka laguu fasaxo oo kaliya. Waxba ha saarin olol ilaa si xxxx xx loogu amro mooyaane. Ha ka tagin dabka oo shidan adigoon la joogin.
20. Si fiican u labbiso xxxxxxx xxxxxxxxxxx samaynayso. Timaha dhaadheer waa in dib loo xiraa, ha xuran dahab ka lulanaya, ha xiran dhar dabacsan. Xiro dharka loogu talagalay shaybaarka.
21. Xxxx xxxxxx qalabka badbaadada yaalo iyo sida loo isticmaalo. Ogow meelaha laga baxo iyo waxa la sameeyo hadii ay dhacdo xaalad degdeg ah ama dab-xxxxx.
HESHIISKA
Aniga oo ah, (magaca ardayga) waan akhriyay waana fahmay mid kasta oo ka mid ah xeerarka badbaadada ee kor ku xusan ee lagu sheegay heshiiskan. Waxaan aqbalay inaan raaco shuruudaha si aan u badbaadiyo naftayda, iyo nafta kuwa xxxx xx ku jira fasalka sayniska ama shaybaarka. Waxa kale oo aan aqbalay in aan mar walba raaco xeerarka guud ee ku haboon fasalka si looga fogaado shilalka iyo in la helo jawi waxbarasho oo xxxxx u ah qof kasta. Waxaan fahamsanahay in hadii aanan raacin dhamaan sharciyada iyo taxadarrada badbaadada, aan la ii ogolaan doonin inaan ka qaybqaato hawlaha sayniska.
Saxiixa Ardayga IYO Taariikhda
Gacaliye Waalidka ama Masuulka:
Waxaan dareensanahay inaad tahay in lagu ogeysiiyo dadaalka dugsigu si uu u abuuro loona ilaaliyo jawi sayniska badbaado leh / jawi shaybaar. Fadlan akhri liiska xeerarka badbaadada. Ardayna looma ogolaan doono inuu qabto hawlo saynis ilaa heshiiskan ay saxeexaan ardayga iyo waalidka/masuulka oo uu fayl ku jiro macalinka. Saxiixaaga qandaraaskan wuxuu muujinayaa inaad akhriday Heshiiska Badbaadada Sayniska, dib ula eegtay ilmahaaga, oo aad ka warqabto tillaabooyinka la qaaday si loo hubiyo badbaadada wiilkaaga/gabartaada ee fasalka sayniska.
Saxeexa Waalidka/Masuulka IYO Taariikhda
Su'aalo muhiim ah:
Ilmahaagu ma xirtaa muraayadaha indhaha? Haa ama Xxxx
Ilmahaagu ma kala xxxxx xxxx faraqa u dhexeeya midabada? Haa ama Xxxx Xxxxxxxxx ma leeyahay wax xasaasiyad ah? Haa ama Xxxx
Hadii u leeyahay, xxxxxx xxx: