Sharciga
Sharciga
Waxa sharcidaro ah in wadanka UK lagu gudo dumarka iyo gabdhaha.
Sharciga UK ma ogola in gabdhaha iyo dumarka wadankan xxxxx loo kaxeeyo wadankale oo lasoo gudo. Sidoo kale waxaa danbi ah in la caawiyo qofka wax gudaya ama dhoofinta gabadha lasoo gudayo.
Sharcigu wuxuu ku darayaa guniinka “Sunniga” loo yaqaan. Qofkii lagu qabto isagoo gabadh ama qof xxxxx xx gudaya ama qofkale oo waxgudaya caawinaya, waxa lagu xukumikaraa ganaax badan iyo ilaa 14 sano xabsi ah.
Sida aad noolasoo xidhiidhi karto iyo caawimo dheeraada
Haddii aad isleedahay gabadh ama qof xxxxx xx ayaa la gudayaa waa inaad Police-ka kala xidhiidhaa
Telefoonka 101
Waxaa waxbixin dheeraada ka helaysaa oo Gudniinka (FGM) kusaabsan website-xx XXXX oo si joogto ah wixii cusub loosoo galiyo
GENITAL
Waxaa jira waraaq kale oo ay ku qoran yihiin meelo kale oo aad la xidhiidhi karto haddii aad u baahato caawimo dheeraada. Waxaa kale oo aad warqadan ka helaysaa website-xx XXXX.
MUTILATION
Dad badan oo reer Bristol-ah ayaa ka shaqeynaya sidii Gudniinka loo joojin lahaa dumaka iyo gabdhaha hore loo soo gudayna loo caawin lahaa.
Warbixin dheeraada oo kusaabsan waxaad ka helaysaa website-xx XXXX ama warqada meelaha aad la xidhiidhikarto.
Warqadan waxaad helikartaa iyadoo ah Somali, Arabic iyo French.
SAY
NO
TO
FEMALE
Waa maxay Gudniinku? (oo sidoo kale loo yaqaano Fircooniga ama Xxxxxx)
Goynta xubnaha taranka dumarka waa wixii si ula kac ah wax uga bedela ama dhaawac ugu gaysta xubnaha taranka ee dumarka oo aan sababo caafimaad ahayn.
Noocyada Gudniinka Ama Goynta (FGM)
Nooca 1
Goynta kintirka ama qeyb xx xxxx oo Suniguna ku jiro.
Nooca 2
Waxaa lagooyaa kintirka iyo dubnaha yar yar xx xxxxx.
Nooca 3
Waxaa la goyaa dhamaan kintirka iyo dubnaha xxxxx oo dhan. Ka dibna waxaa la is ku tolaa dubnaha sare waxaana loo reebaa dalool yar.
Nooca 4
Dhamaan dhaawacyada kale sida sarsarida, goynta, gubida iyo daldaloolin.
Xagee gudniinku ka bilaabmay
• Dadk qaarbaa Gudniinka bilaabay wakhti aad u fog
• Dadka qaarbaa Gudniinka u maleeya in Fircoon Egypt uu bilaabay
• Dadka qaar ayaa Gudniinku caado iyo dhaqan u yahay
• Dadku waxay u sameeyaan Gudniinka inuu gabdhahooda ilaaliyo – laakiin waxweyn ayuu ugeystaa ee waa in la joojiyo
Dhibaatooyinka gudniinka ee xaga caafimaadka
• Lafo jabay
• Naxdin iyo xanuun badan
• Waxaad u xxxxxx kartaa naxdin iyo dhiig bax
• Waxaa kugu dhici kara infakshan soo noqnoqda oo kaadidu ku xanuujiso
• Infakshanku wuxuu horjoogsankaraa inaad uuraysato
• Naagta la guday waxay u badantahay inay dhalmada ku dhibaatooto oo iyada iyo ilmaheeduba khatar galaan
• Dumarka iyo gabdhaha la guday waxay inta badan dareemaan murugo iyo welwel
Gudniinka iyo diinta
• Ma jiro qoraal diineed oo sheegaya sida gudniinka loo sameeyo ama leh waa inaad sameeyso
• Gudniinka dumarka waxaa isticmaala dad diimo badan oo kala duwan rumeysan laakiin diimahooda midkoodna ma sheegayso inay dadku sameeyaan
• Diimahu waxay inta badan ka hadlaan ilaalinta caafimaadka jidhka
• Gudniinku dumarku caafimaad ma aha – waa waxyeelo
Sunnaha waxaa marmar si khalad ah loogu xidhiidhiyaa nooca kowaad ee gudniinka. Kalmada sunnah waa kalmad Carabi ah oo macnaheedu
yahay “wado cad oo la raaco”. Waxay la xidhiidhaa hadaladii, caadooyinkii, dhaqankii iyo wixii uu aamusnaan ku ansixiyey xxxx Xxxxxxxx (SCW).
Laakiin ma jirto meel uu xxxx Xxxxxxxx (SCW) ku sheegay ama ku ansixiyey isticmaalka Gudniinka dumarka. Sidaa awgeed waa inaan noocyada Gudniinka dumarka midnaba lagu sheegin “Sunnah”