Tilmaamaha Sheegashada
Tilmaamaha Sheegashada
Tilmaamaha Foomka Xaqiijinta Fasaxa Badbaadada ah
Si aad ugu qalanto fasax badqabka leh, waa in aad soo dirtaa caddayn caddaynaysa in adiga, ilmahaaga, ama kugu tiirsanahaaga inaad tihiin kuwo ka badbaaday faraxumayn galmo, rabshadaha qoyska, dhibaataynta, dambiyada eexda, ama dabagalka. Waa inaad keentaa mid ka mid ah dukumeentiyadan soo socda:
• Nuqul amar ilaalin ah ama caddayn kale oo ka timid maxkamad, hay’ad maamul, iskuduwaha Ciwaanka IX ee dugsiga, ama qareenka
• Cabashada rasmiga ah ee ku socota isku-duwaha Ciwaanka IX ee dugsiga
• Dukumeenti ka yimid qareen, sarkaalka fulinta sharciga, bixiyaha xanaanada caafimaadka, xirfadle ama lataliye caafimaadka xxxxxxxx xxxxxxxxxxx, xubin ka mid ah wadaaddada, shaqaalaha Waaxda
Cadaaladda ee bixiya adeegyada dhibbanaha iyo badbaadaha dhacdooyinka nolosha u qalmidda fasaxa badbaadada xx xxxx ku taxan, ama , adeega bixiyaha dhibbanaha
• Foomkan
Na soo wac haddii ay kugu adag tahay inaad hesho mid ka mid ah dukumeentiyadan ama hadii aad welwel ka qabto badbaadaada ama badbaadada ilmahaaga ama kuwa kugu tiirsan markaad helayso mid ka mid ah dukumeentiyadan.
Haddii aad qabto su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan fasaxa badbaadada, dib u eeg Buuga Hagaha Shaqaalaha ee xxxxxxxxx.xxxxxx.xxx/xxxxxxxxx/xxxxxxxxx.xxxx.
Si aad u isticmaasho foomkan
Marka hore buuxi qaybta Macluumaadka Sheegadaha. Xxxxx xxxxx, sii foomkan mid ka mid ah kuwan soo socda si aad u buuxiso qaybta xaqiijinta:
• Sarkaalka fulinta sharciga
• Iskuduwaha Ciwaanka Dugsiga
• Qareen
• Bixiyaha daryeelka cafimaadka
• Xirfadle ama lataliye shati uhaysta caafimaadka dhimirka
• Xubin kamid ah culimada
• Shaqaalaha Waaxda Caddaaladda (DOJ) ee bixiya adeegyada dhibbanaha
• Bixiyaha adeegyada dhibanaha
Kuwani waa dhammaan dadka xaqiijin kara in adiga,ilmahaagu,ama kuwa kugu tiirsan aad ahaydeen ama aad tihiin kuwo ku helaya daawaynta ama la-talinta, heleyaan adeegyo, ama guuritaankooda ay sabab u tahay faraxumaynta galmada, rabshadaha qoyska, dhibaataynta, dambiyada eexda ama dabagalka.
Xxxxx xxxxxx la buuxiyo,usoo rar akoonkaaga Xxxxxxx onlayn ka ah xx xxxxxxx.xxxxxx.xxx ama u dir Fasaxa Mushaaraysan ee Oregon.
Tilmaamaha qofka buuxinaya qaybta xaqiijinta
Codsaduhu waxuu isticmaali doonaa xaqiijinta foomka fasaxa badbaadada leh si uu u xaqiijiyo in iyaga, ilmahooda, ama kuwa ku tiirsan ay yihiin kuwa ka badbaaday xadgudub galmo, rabshadaha qoyska, dhibaataynta, dambiyada eexda, ama xxxx-xxxxx taas oo qayb ka ah codsigooda fasaxa badbaadada.
Fadlan dib u eeg macluumaadka xxxxx si aad u hubiso inaad xaqiijin kartoo macluumaadkan iyo inaad fahamtay marka sheegashadu u qalmikarto fasax badqaba (eeg liiska xxxxx xx dhacdooyinka nolosha ee u qalmida).
Dhacdooyinka nolosha eeu qalma fasaxa badqabka leh
Qofka uu daboolo fasaxa badqabka leh hadii mid kamid ah tusaalooyinka soosocda ay khuseeyaan iyaga:
• Iyaga,ilmahoodu ,ama kuwa ku tiirsan waxay u baahan yihiin gargaar sharci ama caawimaada booliiska
si ay u ilaaliyaan naftooda ama caafimaadka ilmahooda iyo badbaadadooda. Tan waxaa ka mid ah u diyaar garowga iyo ka qaybgalka dhageysiga maxkamada ee la xiriira ka badbaadida faraxumayn galmo, rabshadaha qoyska, dhibaataynta,dambiyada eexda ama dabagalka.
• Iyaga,ilmahoodu ama kuwa ku tiirsan waxay u baahan yihiin daaweyn si ay uga soo kabtaan dhaawacyada ay sababeen faraxumaynta galmada, rabshadaha qoyska, dhibaataynta,dambiyada eexda ama dabagalka.
• Iyaga,ilmahoodu ama kuwa ku tiirsan waxay latalin ka helayaan khabiirka caafimaadka dhimirka sababta oo ah iyaga,ilmahooda, ama kuwo ku tiirsan inay yihiin kuwo ka badbaaday faraxumaynta galmada, rabshadaha qoyska, dhibaataynta, dambiyada eexda ama dabagalka..
• Iyaga,ilmahoodu ama kuwa ku tiirsan inay xx xxxxxx xx xxx-u-eegistii dhibbanaha sababihii ah waayo- aragnimada faraxumaynta, qoyska qoyska, dhibaataynta, dambiyada eexda ama dabagalka.
• Waxay u baahan yihiin inay ka guuraan ama ka dhigaan gurigooda hadda ammaan si ay u dhawraan
badbaadada caafimaadkooda,naftooda ee ilmahooda iyo kuwa ku tiirsan.
Haddii fasaxa badqabka leh uu ku lug leeyahay ilmahooda, ilmuhu waa inuu ka yar yahay da’da 18. Haddii ay xx xxxx yihiin 18, waxay u baahan yihiin inay noqdaan qof weyn oo ku tiirsan oo leh naafo jireed ama maskaxeed taas oo xaddidaysa awooddooda inay si madaxbannaan u noolaadaan.
Haddii aad qabtid su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan fasaxa badqabka, dib u eeg Buuga Hagaha Shaqaalaha ee xxxxxxxxx.xxxxxx.xxx/xxxxxxxxx/xxxxxxxxx.xxxx u noolaadaan.
Ma u baahan tahay caawimo?
Waaxda Shaqada ee Oregon (OED) waa wakaalad fursad shaqo oo loo siman yahay. OED waxay ku siinaysaa caawimo bilaash ah si aad u isticmaasho adeegyadeena. Tusaalooyinka qaarkood waa luuqadda dhagoolaha iyo tarjubaanka luuqadaha lagu hadlo, agab qoran oo afaf kala duwan ku qoran, far waaweyn, maqal iyo qaabab kale. Si aad caawimo u hesho, fadlan wac 000-000-0000 (lacag la’aan). Isticmaalayaasha TTY waxay wacaan 711. Waxaad sidoo kale iimayl u diri kartaa xxxxxxxxx@xxxxxx.xxx.
Foomka Xaqiijinta Fasaxa Badbaadada | |||||||
MACLUUMAADKA SHEEGTAHA (Xxxxx xxxxxxxxx sheegtaha) | |||||||
Magaca hore : | Magaca awoowgaa : | ||||||
Lambarka Shaqaalaha Bulshada (SSN): | ama | ||||||
Lambarka Aqoonsiga qofka Canshuur bixiyaha ah (ITIN): | |||||||
Taariikhda dhalashada (BISHA/TAARIIKHDA/SANADKA): | / / | ||||||
Waxaan qaadanayaa fasax : □ Naftayda □ Ilmahayga □ ama qof igu tiirsan | |||||||
Qaybta xaqiijinta (Waxaa buuxinaya mid kamid ah kuwa soo socda) | |||||||
SARKAALKA XOOJINTA SHARCIGA (Waxaa buuxinaya sarkaalka fulinta sharciga) | |||||||
Magaca hore: | Magaca awoowga: | ||||||
Xilka: | Darajada/qaybta: | ||||||
Lambarka baajka: | Waaxda/Hay’ada: | ||||||
Lambarka taleefoonka: | Ciwaanka Iimaylkal: | ||||||
□ Tan waa xaalad la xiriirta fasax badqaba □ Tan ma ahan xaalad la xiriirta fasax badqaba | |||||||
Saxiixa | Taariikhda | ||||||
CIWAANKA ISKU DUWAHA IX (Waxaa buuxinaya isku duwaha ciwaanka IX ) | |
Magaca hore: | Magaca dambe: |
Xilka: | Taariikhda xiriirka: |
Dugsiga degmadal /koleejka/Jaamacada: | Waaxda/barnaamijka: |
Lambarka taleefonka: | Ciwaanka Iimaylka: |
□ Tan waa xaalad la xiriirta fasax badqaba □ Tan ma ahan xaalad la xiriirta fasax badqaba | |
Saxiixa | Taariikhda |
KUWA KALE (Si uu u buuxiyo qareen, bixiye daryeel caafimaad, xirfadle ama lataliye shati u leh caafimaadka dhimirka, xubin ka xxxxxx xxxxxxxxx, Shaqaale ka tirsan Waaxda Cadaaladda oo bixiya adeegyada dhibbanaha ama bixiyaha adeegyada dhibbanaha ee ka caawiyay dacwad-qabaha,ilmahooda,ama kuwa ku tiirsan inay helaan daawaynta, helo adeegyada latalinta, ama u guuro sababo la xiriira inay ka badbaaday xadgudub galmo rabshadaha qoyska, dhibaataynta, dambiyada eexda ama daba gal.) | |
Magaca hore: | Magaca awoowga: |
Xilka: | Taariikhda xiriirka: |
Xirfada: | Lambarka shatiga (hadii ay khusayso): |
Magaca loo shaqeeyaha: | |
Lambarka taleefonka : | Ciwaanka Iimaylka: |
□ Tan waa xaalad la xiriirta fasaxa badqabka leh □ Tan ma ahan xaalad la xiriirta fasaxa badqabka leh | |
Saxiixa | Taariikhda |
Bixi dhammaan macluumaadka loo baahan yahay. Maqnaanshaha macluumaadka iyo dukumentiyada maqan waxay keeni karaan dib u dhac ku saabsan socodsiinta codsigaaga dheefaha.
U soo rar foomkan oo dhameystiran koontadaada Xxxxxxx Online xx xxxxxxx.xxxxxx.xxx mar xxxxx xxx xxxxxxx xxx’xxxxxxxxxx ama ku dir foomkan oo dhameystiran iyo Faaidooyinka codsigaaga Fasaxa Mushaaraysan:
Attn: Paid Leave Oregon Waaxda shaqada ee Oregon 000 Xxxxx Xx XX
Salem, OR 97311