Xeerka Caawimaada Dhaqaale
Xeerka Caawimaada Dhaqaale
The Ohio State University Wexner Medical Center (Xarunta Caafimaadka Wexner ee Jaamacada Gobolka Ohio) waxay fahmaysaa culayska qarashaadka daryeelka caafimaadku abuuraan. Caymiskeena Caawimaada Dhaqaaluhu wuxuu ka caawiyaa bukaannadeena qarashaadkooda daryeelka caafimaadka. Caymisku wuxuu daboolayaa HCAP (Hospital Care Assurance Program/Barnaamijka Caymiska Caawimaada Daryeelka ee Isbitaalka), kaasoo quseeya qarashaadka isbitaalka/xarunta caafimaadka ee dadka dagan Ohio, iyo barnaamijka Ohio State Wexner Medical Center Financial Assistance (Caawimaada Dhaqaalaha ee Xarunta Caafimaadka Wexner ee Gobolka Ohio), kaasoo quseeya qarashaadka isbitaalka/xarunta caafimaadka iyo dhakhtarka/xirfadlaha caafimaadka ee bukaannada qaba dhibaatooyinka dhaqaale.
Caymiskaan ma daboolaayo bukaannada u yimaada Ohio kaliya inay helaan daryeel caafimaad, mana dabooli karo bukaannada ayagoo og adeegyo ka hela xarun ka baxsan ururkooda qorshaha gunnooyinka caymiska. Waxyaabaha xxxx xx aan caymiska ku jirin waxaa kamid ah:
• Qarashaadka la baxsho kahor intaan adeegga xx xxxxx
• Qarashaadka la baxshay kahor intaan la xaqiijin inay u qalmaan barnaamijkaan
• Adeegyada ikhtiyariga/isqurxinta ah
• Adeegyada aan caafimaad ahaan muhiimka ahayn
• Adeegyada iyo sahayda qaaska ah ee qarashka badan/cayiman leh
• Adeegyada qarashkooda lagu leeyahay qolo kale oo sadexaad, magaalooyinka, xarumaha xabisga ama wakaaladaha sharci fulinta oo lagu bixinaayo heshiis lala galay wakaaladahaas iyo heshiisyo wada hadal lagu gaaray (xxxx ku jiraan kiisaska sharciga)
• Bukaannada ay aqoonsato Destination Medicine Global Healthcare Department (Waaxda Destination ee Daryeelka Caafimaadka Aduunka)
Faahfaahinta Caymiska
• Markay jiraan bukaanno u yimaada xxxxx oo aan lahayn caymis, isbitaalku wuxuu u yaraynayaa qarashaadka bukaanka 60%.
• Waaxaheena Talo bixinta Dhaqaalaha iyo Adeegga Macaamiisha ee Biilaasha Bukaannada ayaa kala shaqayn doona bukaannada sidii looga caawin lahaa helitaanka ilaha dawlada ee caawimaada dhaqaale baxsha, xxxx ku jiraan Medicaid, Barnaamijka Damaanada Daryeelka ee Isbitaalka, Caawimaada Dhaqaalaha ee Xarunta Caafimaadka Wexner, ama caawimaad kale oo ay bixiso dawlada federaalka ama mida gobolka.
Hospital Care Assurance Program (Barnaamijka Damaanada Daryeelka ee Isbitaalka) (HCAP)
• Si ay ugu qalmaan HCAP, bukaannada waxaa laga codsan doonaa inay buuxshaan foom fudud oo ay ku cadaynayaan dakhliga soo gala iyo meesha ay ka helaan. Cadaynta daganaanshaha Ohio ayaa loo baahan yahay. Bukaannada waxaa laga dooni karaa inay codsadaan barnaamijyada caawimaada ee dawlada, haddii Talo bixinta Dhaqaaluhu u aragto inay arintaasi haboon tahay.
• Codsiyada HCAP ee la aqbalo ayaa la waafajin karaa adeegyada mustaqbalka ayadoo aan lagaa xxxxx inaad codsi kale dirsato, marka la raaco shuruudaha soo socda:
o Booqashooyinka bukaan jiifka 45 maalmood gudahood kadib markaad ka baxday isbitaalka isla baaritaanka caafimaad ee adeegyada la aqbalay
o Booqashooyinka bukaan socodka 90 maalmood kadib taariikhda rasmiga ah ee adeegga caawimaada dhaqaalaha loo ogolaaday
Ohio State Wexner Medical Center Financial Assistance Program (Barnaamijka Caawimaada Dhaqaalaha ee Xarunta Caafimaadka Wexner ee Gobolka Ohio)
• Gobolka Ohio wuxuu caawimaad dhaqaale siiyaa bukaannada aan u qalmin HCAP iyo barnaamijyada xxxx xx gobolka. Bukaannadaan waxaa qiimayn ku samaynaysa wakaalad sadexaad oo ah barnaamijka wakaalada warbixinta daynta si loo go'aansho baahida dhaqaale ee bukaannada. Wakaalada warbixinta dayntu waxay heli doontaa xogta dakhliga, hantida ma guurtada ah iyo daynta ee la heli karo. Wakaaladu waxay go'aaminaysaa cadadka lacagta laga qaadaayo baaqiga bukaanka.
• Bukaannada lagu leeyahay qarashaadka isbitaalka/xarunta caafimaadku waa in lagu sameeyaa qiimayn HCAP kahor intaan loo tixgelin inay u qalmaan iyo inkale barnaamijka Ohio State’s Financial Assistance (Caawimaada Dhaqaalaha ee Gobolka Ohio).
• Si loo raaco tilmaamaha federaalka iyo heerarka u dagsan sida caawimaada dhaqaalaha loo siiyo bukaannada, Ohio State Wexner Medical Center (Xarunta Caafimaadka Wexner ee Gobolka Ohio) waxay u diidi kartaa caawimaada bukaannada aan soo gudbin dhammaan foomamka iyo dukumiintiyada muhiimka ah.
• Wexner Medical Center’s Financial Assistance Policy (Caymiska Caawimaada Dhaqaalaha ee Xarunta Caafimaadka ee Wexner) wuxuu qusayn karaa adeegyada la siiyo bukaannada Medicaid ee ka baxsan caawimaada caymisyada Medicaid. Bukaannadaan waxaa lagu samayn karaa qiimayn ku aadan inay u qalmaan Ohio State Financial Assistance (Caawimaada Dhaqaalaha ee Gobolka Ohio) haddii aysan lahayn codsiga HCAP.
• Caymiskaan ma qabanaayo bukaannada ayagoo og daryeel u raadsada dhakhtar aan ka tirsanayn ururkooda qorshaha caymiska.
• Qorshayaasha qarash bixinta ayay heli karaan bukaannada aan u qalmin caawimaad aana awoodin inay iska dhiibaan cadadka lacagta lagu leeyahay oo buuxda. Si aad u hesho qorshe qarash bixin, wac Patient Billing Customer Service (Adeegga Macaamiisha ee Biilka Bukaanka) adigoo wacayaa 000-000-0000.
• Heerka bixinta Caawimaada Dhaqaalaha ee Gobolka ee Ohio iyo go'aaminta qiimo dhimista dhaqaalaha ee ayaa sii shaqaynaayay muddo lix bilood ah. Abaal marinnada Dhaqaale ee la ogolaaday ayaa sidoo kale lagu bixinayaa baaqiyada hore ee lagugu lahaa ilaa xxx xxxx kahor taariikhda caawimaada laguu ogolaaday.
• Haddii aadan waafaqsanayn go'aanka Wexner Medical Center Financial Assistance (Caawimaada Dhaqaalaha ee Xarunta Caafimaadka ee Wexner), waxaad xx xxxxxx kartaa racfaan adoo wacaaya Patient Billing Customer Service (Adeegga Macaamiisha ee Biilasha Bukaannada) adigoo wacayaa 000-000-0000. Codsi waraaq ah oo wata dukumiintiga cadaynta oo waraaqo ah ayaa lagaa dalban karaa. Waxaa laguu sheegi doonaa go'aanka 30 maalmood gudahood.
• Hantida aad leedahay xx xxx adeegsanaayo go'aaminta u qalmida caawimaada waa lacagta kaashka ah, hantida u dhiganta lacagta kaashka ah iyo hantida xxxx xx maguurtada ah xx xxx xxxxxx karo lacag kaash ah. Shardiga difaaca hantida ayaa ah cadadka ugu badan ee hantida uu haysan karo bukaanku walina uu u qalmi karo caawimaada dhaqaalaha oo buuxda. Shardiga difaaca hantidu waa $8,000 shaqsiyaadka.
Macluumaadka Xiriirka
Waaxda | Lambarka Taleefonka | Saacadaha |
Talo Bixinta Dhaqaalaha | 000-000-0000 | Isniinta –Jimcaha, 9 subaxnimo – 4 galabnimo |
Adeegga Macaamiisha ee Biilka Bukaanka | 000-000-0000 | Isniinta – Jimcaha, 8 subaxnimo – 5 galabnimo |