Placement Agreement
DEPARTMENT OF CHILDREN, YOUTH, AND FAMILIES
Heshiiska Meelaynta
Placement Agreement
CUNUGA(CARRUURTA) / DHALLAANKA LA MEELAAYAY | TAARIIKHDA DHALLASHADA |
Waxaa lagu meeleeyay: | |
Daryeelayaasha waa la-hawlgalayaal qiimo u leh Waaxda Carruurta, Dhallinyarada, Qoysaska (DCYF) iyo qoyska cunuga si loogu guulaysto meelayn tayo leh, ammaan ah oo loogu talogalay carruurta / dhallinyarada u baahan daryeelka guriga ka baxsan. Wanaagga carruurta / dhallinyarada ku jirta daryeelka guriga ka baxsan waxaa sida ugu fiican bixiya war- isgaarsiin furan iyo xiriir shaqo wanaagsan oo u dhaxeeya daryeelaha, waalidiinta iyo DCYF. Heshiiskan Meelaynta waxaa uu bixiyaa macluumaad muhiim ah oo lagama maarmaan ah si loo hubiyo bedqabka iyo wanaagga cunuga gurigaaga lagu meelaayay. Macluumaadka ku saabsan carruurta / dhallinyarada ama qoysaskooda waa qarsoodi oo waa in kaliya lala wadaago dadka sida tooska ah ugu lug leh qorshaha kiiska. Xxxx xxxxx Shaqaalaha Kiiskaaga loo xilsaaray caawimo ku saabsan in macluumaadka lala wadaago dadka kale. Heshiiskani wuxuu kaa caawin doonaa fahamka doorkaaga si aad u daboosho baahida cunuga, la shaqeynta DCYF, shaqaalaha loo xilsaaray, iyo Maxkamadda. Wuxuu sidoo kale tilmaamayaa khayraadka iyo taageerada aad adeegsan karto inta aad daryeelka gurigaaga aad ku siinayso carruurta / dhallinyarada. Macluumaadka xiriirka muhiimka ah: Shaqaalaha kiiskaaga loo xilsaaray waxaa laga heli karaa inta lagu guda jirro saacadaha shaqada ee caadiga ah si uu kaaga caawiyo su'aalaha cunuga ku saabsan. • Wac 1-866-END HARM xx xxx saacadaha shaqada caadiga ah si aad u soo sheegto xadgudubka iyo dayacaadda cunuga ee laga shakiyay. Lambarkan wuxuu sidoo kale kugu xiri doonaa DCYF xaaladaha degdegga shaqaalaha saacadaha shaqada xx xxx shaqeeya. • Xxxxxx Taageerada Daryeelaha iyo Waalidka Korsashada ee ah 0-000-000-0000 waxaa uu bixin doonaa taageerada ku saabsan maareynta xaaladaha koriinka ee adag saacadaha shaqada xx xxx. Si loo sii wanaajiyo wanaagga carruurta/dhallinyarada ku jirta daryeelka guriga ka baxsan, waa muhiim in lala shaqeeyo DCYF iyo in la raaco tilmaamaha amarka maxkamadda, oo ay ka mid yihiin, balse aan ku xaddidnayn, kuwan soo socda: Meelaynta bilowga hore ah (meelaynta guriga ka baxsan ee ugu horreysa): 1. Hubso in cunuga uu helo 30ka maalmood ee ugu horreeya meelaynta gudahooda: • Baaritaanka Caafimadka Bilowga Hore xx xxxx ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, balse waa in uusan xx xxx xxxxx xxxx maalmood xx xxx meelaynta. • Baaritaanka caafimad ee Cunuga Wanaagsan xx xxx yaqaano Baaritaanka Wakhtiyeysan ee Wakhtiga Hore ah, Oggaanshaha Cudurka iyo Daaweynta (EPSDT), 30ka maalmood ee ugu horreeya meelaynta bilowga hore ah ee cunuga gudahooda, haddii aan hore loo dhammeyn. (Baaritaanka Caafimaad ee bilowga hore ah iyo baaritaanka EPSDT waxaa loo qaban karaa isla hal wakhti; macluumaad dheeraad ah kala xiriir bixiyaha adeegga caafimaad ee cunugga.) • Baaritaan ilko haddii cunuga uu leeyahay hal ilig. Baaritaanka looma baahna haddii cunuga uu helay baaritaan ilko 6dii bilood ee la soo dhaafay gudahooda. 2. Sidoo kale 30ka maalmood ee ugu horreeya gudahooda ee meelaynta Baaraha Caafimaadka Dhallaanka iyo Raadraaca Waxbarashada (XXXX) ayaa xxxx xxx xiriiri doona si aad u yeelataan ballaan ku saabsan baahiyada caafimaad, koriin, iyo midda la xiriirta hab-dhaqanka ee cunuga. Fadlan hubso in aad adiga iyo cunugaba aad joogtaan taariikhda la jadwaleeyay. |
Daryeelayaasha:
1. Kala xiriir Shaqaalaha Kiiskaaga loo xilsaaray Fawjar Ku-meelgaar ah oo loogu talogalay Adeegyada Caafimaadka iyo Farmashiyaha ee Carruurta La Korsado haddii kaarka ProviderOne aanan xx xxxxx.
2. Haddii meelaynta ay sababto in cunuga uu xx xxxx iskuulkii uu hore u dhigan jiray, si degdeg ah ugu qor cunuga iskuulkiisa cusub. Ku dar Shaqaalaha Kiiska loo xilsaaray in uu yahay mid ka mid ah dadka laga xiriiri karo cunuga. Ogeysii Shaqaalaha Kiiska loo xilsaaray haddii dhibaatooyin xxxxxx kulmo in cunuga iskuulka lagu qoro.
3. Kala-qaybgal sameynta qorshaha booqashada cunuga / dhallaanka waalidiinta, walaalaha, iyo/ama xubnaha qoyska, haddii amarka maxkamadda uu qeexayo xiriir la'aan mooyaane. Ka dhig cunuga / dhallaanka mid la heli karo xilliyada booqashooyinka loo jadwaleeyay.
4. Ogeysii Shaqaalaha Kiiska loo xilsaaray xiriir kastoo waalid / cunug / dhallaan ee aan la qorsheyn, sida wacitaannada telefoonka, booqashooyinka aan la filayn, iwm.
5. Ka-qaybgal kulamada qorsheynta ee la wadaago. Kulanka qorsheynta la wadaago waa fursad aad ku bixin karto talo iyo fikrad ku saabsan bedqabka, joogtaynta iyo wanaagga cunuga.
6. U sheeg Shaqaalaha Kiiska loo xilsaaray walaac kasta oo khuseeya cunuga / dhallaanka, sida xadgududka, dayacaadda, caafimaadka, hab-dhaqanka, horumarka, ama arrimaha waxbarasho.
7. Kala hadal Shaqaalaha Kiiska loo xilsaaray, ka dibna hirgeli istiraatiijiyadaha anshax-marinta ku habboon ama ikhtiyaarada ku habboon cunuga / dhallaanka lagu meeleeyay daryeelkaaga. Ciqaab jireed lama oggola.
8. Raac tilmaamo kasta ee uu ku siiyo Shaqaalaha Kiiska loo xilsaaray ee cunuga/dhallaanka si aad ugu hoggaansanto shuruudaha Xeerka Samafalka Ilmaha Hinddida ah, marka ay ku habboon tahay iyo baahiyada xxxx xx cunuga/dhallaanka ee dhaqanka.
9. Hubso cunuga in uu helo adeegyada caafimaadka sii socda, ilkaha, iyo caafimaadka dhimirka oo uu ka mid yahay baaritaanka EPSDT ee da'da ku habboon iyada oo la raacayo jadwalka baaritaannada ee federaalka ku taliyay. (5 baaritaanno sannadka ugu horreeya nolosha; 3 baaritaanno inta u dhaxeysa da'da 12 bilood ilaa 2 sano; baaritaanno sannadeed inta u dhaxeysa da'ada 3 ilaa 20 sano).
10. Kala xiriir Xxxxxx Adeega Macamiilka Medicaid lambarkan 1-800-562-3022 xiriiriye. 15480, Isniin ilaa Jimco, 7:30 subaxnimo ilaa 5:00 galabnimo (Waqtiga Baasifiga) haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo halka laga helo bixiyaha adeegyada caafimaadka/ilkaha ama booqo mareegtada ProviderOne oo ah xxxx://xxxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxxxxx/xxxxxxxxx.xxx.
11. Kharashka masaafada socdaalka bilaha ah ee ballamada caafimaadka / ilkaha ee cunuga waa la isku xxxxx xxxxx. Foomka Masaafada Socdaalka Bilaha waxaa laga soo dejisan karaa mareegtadan xxxx://xxx.xxxx.xx.xxx/xx/xxxxxxxxxxxxx/xxxxx-xxxxxxxx.xxx.
12. Waxaad siisaa bixiyaha adeegga caafimaad Kaarka ProviderOne ee cunuga marka aad ka helayso daryeel caafimaad.
13. Isticmaal diiwaanka caafimaadka si aad ugu diiwaangeliso ballamaha daryeelka caafimaadka / ilkaha, xiriirrada, iyo natiijooyinka/talo-soo-jeedinta ballamaha.
Si loo sii hubiyo bedqabka iyo wanaagga cunuga/dhallaanka, daryeelaha wuxuu sidoo kale oggol yahay in uu wada-shaqayn ula yeesho DCYF siyaabahan soo socda:
1. Dhammeeyo Hubinta Raadraaca Taariikhda Dembiyada iyo hubinta xadgudubka iyo dayacaadda ilmaha ee dhammaan shakhsiyaadka 16 sano jirka ah iyo kuwa xx xxxx ee laga yaabo in ay cunuga gaari karaan iyaga oo aan lala joogin;
2. Ku wargeliyo Shaqaalaha Kiiska loo xilsaaray isbeddelo kasta ee ku yimaada shakhsiyaadka deggan guriga, iyo dhammeynta Hubinta Raadraaca Taariikhda Dembiyada iyo hubinta xadgudubka iyo dayacaadda ilmaha haddii qofkaasi uu buuxiyo shuruudaha ku xusan lambarka 1 ee kore;
3. Ku wargeliyo Shaqaalaha Kiiska loo xilsaaray arrimo kastoo laga yaabo in ay saameyn ku yeeshaan awoodda aad ku daryeelayso cunuga/dhallaanka. Waxaa ka mid ah in uu si wada-shaqeyn leh uu kala shaqeeyo Shaqaalaha Kiiska loo xilsaaray in uu qorsheeyo meelayn cusub haddii aad go'aansato cunuga/dhallaanka in uusan ku sii negaan xxxxx xxxxxxxxx; iyo
4. Haddii aad codsato in cunuga laga wado ama saaro gurigaaga, waxaad ogeysiis ugu yaraan 14 maalmood ah siisaa Shaqaalaha Kiiska loo xilsaaray ee cunuga/dhallaanka, haddii ay jiro xaalad degdeg ah mooyaane si loo hubiyo in ay dhici karto qorsheyn habboon.
5. Dhammaan daryeelayaasha waa in ay dhammeeyaan baaritaanka sawirka-xxxxxx. Daryeelayaasha qaraabada ah ama shakhsiyaadka ku habboon ee dhammeeyay baaritaanka NCIC ama baaritaanka BCCU ka hor meelaynta cunuga/dhallaanka magaciisa kor ku xusan, baaritaannada sawirka-xxxxxx waa in la dhammeeyo ka-dibna loo soo celiyo Shaqaalaha Kiiska loo xilsaaray 10 maalmood gudahooda ka-dib baaritaanka NCIC ama BCCU.
6. Sida ugu dhaqsiyaha ee suurtagalka ah u xxx xxxx dhammaan macluumaadka lagaa codsaday.
7. Carruurta ay da'doodu u dhaxeysa dhalashada ilaa xxx xxxx jir, waxaan oggolahay Dhabbetusayaashan Hurdada Ammaanka ah ee Ilmaha Aadka u Yar.
DCYF waxaa ay: 1. Ku siin doontaa macluumaadka la ogyahay ee la heli karo ee ku saabsan baahiyada caafimaad, waxbarasho, nafsaani-bulsho iyo midd hab-dhaqan ee cunuga/dhallaanka. 2. La sameyn doontaa Qorshaha Taageerada Daryeelaha (DCYF 10-428) daryeelayaasha carruurta caafimaad ahaan nugul. 3. Xxxxx doontaa in aad hesho waqtiga loo baahan yahay ogeysiiska dhageysiyada maxkamadda, kulamada qorsheynta la wadaago, iwm. 4. Ku siin doontaa macluumaadka ku saabsan: a. Shati-bixinta Daryeelka Korsashada iyo macluumaadka xiriirka b. Fursado tababar c. Xxxxxxxx Xxxxxxxxxxx ee TANF d. Caynsanaanta Caafimaadka / Medicaid e. Adeegyada xxxx xx la heli karo 5. Xxxxxxx Xxxxxxxxx Xxxxxx Xxxxxx. Sababtoo ah cunuga/dhallaanka waxaa haysa DCYF, maxkamadda waxaa laga yaabaa in ay cunuga/dhallaanka xx xxxxxx haddii: • la go'aamiyo in meelaynta aysan ku jirin danaha ugu wanaagsan ee cunuga/dhallaanka, • qayb kastoo ka mid ah heshiiskan la jebiyo, • la go'aamiyo in meelaynta xaaladda degdegga ah ee cunuga/dhallaanka in aan la sii wadi xxxxx, ama • guriga qaraabada ama qofka ku habboon aan loo oggolayn meelayn. Waxaan helay nuqulka Foomka Macluumaadka Cunuga / Gudbinta Meelaynta (DCYF 15-300). Haa Maya Waxaa la igala hadlay Dhabbetusayaasha Hurdada Ammaanka ah ee Ilmaha Aadka u Yar waxaanna helay nuqulka foomka Dhabbetusayaasha Hurdada Ammaanka ah ee Ilmaha Aadka u Yar, DCYF 22-1577. Haa Maya Aan Ku Habboonayn | ||
DARYEELAHA TAARIIKHDA | DARYEELAHA TAARIIKHDA | SHAQAALAHA KIISKA LOO XILSAARAY TAARIIKHDA |