FURIIN AY CARUURI WEHELISO: Maxaad ku samaynaysaa Foomamka Maxkamada
FURIIN AY CARUURI WEHELISO: Maxaad ku samaynaysaa Foomamka Maxkamada
Halkan waxaa ah talooyin dhawr ah oo lagu buuxinayo foomamkan:
• Markasta isticmaal magac buuxa oo sharci ah, ha isticmaalin naanaysyo.
• Teebgaree ama u daabac si nidaamsan. Nooca foomka la buuxin karo waxaa laga heli karaa website kaayaga ee xxxx://xxxxxx.xxxxx.xxx/xxxx_xxxxx/xxxxx.
• Waxaad ka diiwaan gelin doontaa foom kasta Maxkamada. Ka hor inta aadan sameyn, samee ugu yaraan laba nuqul ee foomka aad dhameystirtay--mid xxxxx xx iyo mid lamaanahaaga ah. Waxaad u baahan doontaa meel aad nuqul ka sameysato (sida maktabad). Karaaniga maxkamadu kuuma sameyn karo nuqulo adiga.
• Haddii mid caruurtaada ka mid ahi uu guurkan uu helay (uu ku helay) AFDC, TANF ama Medicaid, samee lifaaq saa’id ah ee waraaqahaaga maxkamada iyo uguna dir boostana iyaga kuna aadi Waaxda Caafimaadka iyo adeegyada Dadka. Ciwaanku waxaa uu ku dul qoran yahay foomka cabashada. Waxaad kaloosamayn kartaa tan haddii aad waydiisatay DHHS-ta in aad ka qaadato kaalmada cunuga adigu.
TALAABADA KOOWAAD: Buuxi foomka ISFURID LAYSKU RAACAY
Waaxda kore ee foomka waxaa lagu magacaabaa
“warbixin.” Ku buuxi deegaanka ay ku taalo maxkamada degmadu (tusaale: "Bangor"). Karaaniga ayaa gadaal ka buuxin doona lambarka dacwada.
Waxaad tahay Dhibane iyo in lamaanahaagu yahay Eedaysane. Ku qor magacaaga sharciga ah oo buuxa meeesha banaan ee ka horeysa "Dhibanaha." Ku qor lamaanahaaga magaciisa/eeda oo ku buuxi meesha banaan ee ka horeysa "Eedaysanaha." Haddii aad adiga ama lamaanahaagu uu leeyahay guri ama hanti ma guurto aha dhul, hubi shaxda sanduuqa ku xiga ku lug lahaanshaha hantida ma guurtada ah. Waa in aad hubisaa sanduuqan xataa haddii lahaanshaha hantida ma guurtada ahi ay tahay xxxxx xxx dhinac kaliya. Buuxi meelaha xxxx xx banaan ee foomka.
Dhinac dhamaadka meesha leh "codsiga dhibannaha…,"
hubi dhammaan shaxda sanduuqyada ee la isticmaalayo. (Haddii aadan xxxxx, hubi shaxda sanduuqa; xxxx xx ridi kartaa codsiga hadhoow.) Waxaa waajib kugu ah in aad ku saxeexdo ansixiyaha dadweynaha hortiisa foomaka. Waxaad ka heli kartaa ansixiyaha Bangiga, xafiiska adeegyada sharciga, una maraya xaffiiska magaaladaada, ama xafiiska karaaniga maxkamada.
DHAAR QORAALKA KAALMADA CUNUGA
Ku buuxi “warbixinta” isla jidkii aad ku samaysay foomka cabashada. Ku buuxi foomka inta xx xxxxxx waxaa ugu wanaagsan ee aad ka garanayso.
Xusuusnow in liiska sanadkii la soo dhaafay xx xxxxx dakhli iyo sanadkan dakhliga la filayo in la hlo in ay ku kala baxsan yihiin hoos-yaalka #1. Sidoo kale ogow in aad qorto dakhliga xxxx xxxxx ah #2 iyo iyo dheef dulsocodka xx xxxx ah #3. Waxaa laga yaabaa in aad hoos fiiriso qoraaladaada, haddii aad haysato iyaga,si aad u hesho warbixin maaliyadeed. Waxaa waajib kugu ah in aad ku saxeexdo ansixiyaha dadweynaha hortiisa foomaka. Xx xxx marka lamaanahaagu uu helo cabashadaada, maxkamadu waxay isaga/iyada waydiin doontaa inay buuxiyaan foomka maaliyada iyo inay kuu soo diraan nuqul.
DALBASHADA WAXA QOYSKA KHUSEEYA IYO U GOGOL XAARKA GELITAANKA
Waxaa waajiah in aad isticmaasho foomka dalbashada asalka ah ee aad ka soo qaadatay karaaniga. Waxay leedahay saxeexa karaaniga oo asal ah wayna xiran tahay. Uma isticmaali kartid footo-koobi ama on-line nooca foomkan.
Buuxi "warbixinta" sida aad ku samaysay cabashada. Ku buuxi magaca iyo ciwaanka maxkamada.
Taariikhda iyo saxeex foomka. U dhaaf meel banaan boga labaad xx xxxxx.
LAMBARKA AMAANKA BULSHADA FOOMKA DAAH-KA QAADISTA
Waxaad u baahan tahay shargiga gobolka iyo federal labadaba inay ku siiyaan lambarka amaanka bulshada iyadooy kula xiriir san tahay caruurta. Warbixintan waxaa lagu ururiyay foomka shaac-ka-qaadista ee
ambarka xxxxxxx xxxxxxxx, kaasoo lagu ridi doono bashqad qarsoodi ah, xx xxxxx maxkamada.
TALAABADA LABAAD: Foomam Adeeg
Waxaa waajib kugu ah in aad siiso nuqul lamaanahaaga. Tan waxaa loogu yeeraa “adeeg” waraaqaha maxkamada. Shuruucda maxkamadu waxay leedahay waad samayn kartaa seddexdan midkood: (1) Waraaqaha waad diri kartaa, adigoo lamaanahaaga waydiisanaya in uu yeelo “adeega.” (2) Waxaad ku diri kartaa waraaqaha diris la xaqiijiyay. Ama waxaad lacag siin kartaa shariifka si uu nuqul u siiyo lamaanahaaga.
Adeeg Warqad Diris
Warqad ugu diris ama gacan uga dhiibis waraaqahan ee lamaanahaaga:
• Nuqulka cabashada
• Nuqulka maxkamad uga yeerista iyo gogol xaarka gelitaanka
• Nuqul dhaar qoraal ah ee kaalmada cunuga
• Labada nuqul oo ah ictiraafka helitaanka dalbashada iyo cabashada (xx xxx markaad diiwaan geliso “warbixinta” labada nuqul)
• Farakaboolo, bashqad shakhsi-ciwaaneed
Qiridda helitaanka foomka weydii lamaanahaagu inuu saxeexo iyada, tusinayana isaga/iyada helay waraaqo, iyo in laguu xxx xxxxxx xxxxxxxx 20 maalmood gudahood.
Haddii aad hesho saxeexa ictiraaf ku soo noqo 20 maalmood gudahood, aad talaabada 3 aad. Haddii aadan helin, waxaad u baahan doontaa in aad u adeegto warqadahan wado kale.
Adeeg loo marayo cadeyn warqad diris
U qaad warqadahan xafiiska boostada kuna wada bashqad:
• Nuqulka cabashada
• Nuqulka maxkamad uga yeerista iyo gogol xaarka gelitaanka
• Nuqul dhaar qoraal ah ee kaalmada cunuga
U sheeg karaaniga boostada in aad doonaysid in aad ku dirto warqadahan iyadoo loo marayo cadaeynta warqad dirida. Hubi in aad weydiiso “ Risiidka soo celinta” iyo
“xad u yeelida diritaanka.” Tan qiimaheeda way badinaysaa oo waxay ku lug leedahay talaabooyin dheeri ah. Ka hel foomam iyo caawimo xafiiskaaga boosta. Ka diiwaan geli karaaniga maxkamada green kaarka taasoo aad ka soo laabanayso xafiiska boosta,si aad u cadeyso taas lamaanahaagu wuxuu helay waraaqahaas.
Haddii aadan helin rasiidka xaqiijinaya diritaanka boostada green kaarka ee lamaanahaaga, waxaad u baahan doontaa inaad hesho adeega shariif ee lamaanahaaga.
Adeega uu bixiyo Shariifku
Boosto ku dirid ama u qaadid xafiiska shariifka ee maamul hoosaadkaaga:
• Nuqulka cabashada
• Dalbashada orijinaalka iyo duritaanka u diyaar garowga, iyo in lagu daro xxx xxxxx
• Nuqul dhaar qoraal ah ee kaalmada cunuga
Qof ahaan, ama warqad ahaan, waydii xafiiska shariifka inay kaaga adeegaan waraaqaha lamaanahaaga. Bixi ciwaanka guriga lamaanahaaga. Haddii aad ka fikirayso garabka kale way adkaan doontaa in la helo guri, bixi ciwaanka shaqada ee lamaanahaaga. Ku xigeenka kasoo “adeegaya” waraaqha waxaa uu dhamaystiri doonaa boga labaad ee dalbashada iyo kuu soo celinta orijinaalka. Shariifku adeegan waxuu kugu soo dalacayaa (qiyaastii $25-$40).
TALAABADA SEDDEXAAD: Diiwaangeli Foomamka
Buuxi Warqada soo Gaabinta waxyaabaha Quseeya Qoyska, taasoo leh tilmaamheeda. Karaanigu ma ogolaanayo inuu kaa qabto waraaqahaaga diiwaangelintooda la’aanta foomkan.
20 maalmood gudahood xxxxx xxx adeego lamaanahaaga, gacanta ku gudbi ama boosta u dhig karaaniga maxkamada ee orijinaalka foomamka:
🞏 Warqad soo Gaabsan
🞏 Cabasho
🞏 Dhaar qoraalka ee kaalmada cunuga
🞏 Dalbashooyin (Loo baahan yahay iyadoon la tixgelinayn sida adeega loo dhammaystiray, iyo in la diiwaan geliyo iyadoo la jirto saxeexa ku
xigeenka haddii aad isticmaashay xxxxxx xxxxxxxxx)
🞏 Ictiraafka rasiidka(haddii aad ku isticmaashay adeega boosta dhigida)
🞏 Green kaarka (haddii aad isticmaashay adeega qirista warqad dirista)
Maxkamadu waxay kugu dalacaysaa lacag aad ku diiwaangelinayso warqadahaaga. Hadhow waxaa lagugu dalacayaa lacag dhexdhexaadin ah (waxaa qaybsanaya labada dhinac). Haddii aadan awoodin lacagta maxkamada, waad weydiisan kartaa karaaniga codsi aad xxxxx uga sii soconayso lacag bixin la’aan iyo dhaarta qoraalka ah. Foomamka buuxi kuna hor saxeex ansaxiyaha dadweynaha hortiisa. Xx xxx diiwaan geli foomamka iyadoo uu karaanigu kula jiiro taas oo ay la jiraan waraaqaha kale. Xaakinku dib ayuu u eegi doonaa warbixinta maaliyadaada waxuuna go’aan ka gaarayaa in aad u qalanto ka tanaasulida lacagta maxkamada. Haddii tanaasulidaa la diido, waxaa waajib kugu ah in aad ku bixiso lacagtaas 7 beri gudahood. Haddii tanaasulida lagu ogolaado, ma bixin doontid qaar ama dhammaan lacagta maxkamada.
TALLAABADA AFRAAD: Xxxxxxx Xxxxxxxxx ee Dacwada
Adiga iyo lamaanahaagu waxaa waajib ah in aadan kulanka maareynta ee dacwada maxkamada. Laba todobaad gudahood markaad dhamayso dhamaan talaabooyinka kore maxkamadu waxay kugu wargelin doontaa taariikhda iyo xiliga go’aanka iyo xilliga kulanka. Akhri dhammaan waraaqaha aad ka heshay maxkamada xxxx ka mid tahay mida xuquuqda: "Warbixin muhiim ah oo ku salaysan kulanka maamulka ee kiiska".
Adiga iyo lamaanahaagu hadaad ku heshiisaan si ku meel xxxx xx qorshaynta ilmaha (sida meesha ay joogi doonaan, booqashad waalidka kale iyo sida loo caawin doono), waxaa laga yaabaa in aad buuxiso ama sii diiwaangeliso foom lagu magacaabo shahaadada oo lagu bedelanayo Kulanka Maamulka ee Kiiska.
Foomkan waxaad ka heli kartaa karaaniga maxkamada. Adiga iyo lamaanahaaga waxaa waajib idinku ah inaad saxeexdaan shahaadada. Waxaad ka maarantaa in aad aado kulanka maamulka ee kiiska haddii aad diiwaan geliso shahaadada ka hor taariikhda kulanka.
Maxkamadu waxay kuu soo diri doontaa warqad furiin ogaysiis ah hadii aadan u baahnayn in aad aado kulanka. Haddii adiga iyo waalidka kale aad damacdaan in aad aadan ugu xxxxxx dhexdhexaadin, waxaad waydiisan kartaan maxkamada “dib-u-dhigid” kulanka maamulka ilaa 90 maalmood. Karaaniga maxkamadu waxuu ku siin karaa foom lagu magacaabo“dib-u-dhigid kulanka maamulka ee kiiska”, taasoo adiga iyowaalidka kale ama qareenku ay waajib tahay inay saxeexaan. Xaqiiji inaad ku xxxxx xxxxxxx dhexdhexaadinta matrka aad ka diiwaangeliso foomka dib-u-dhigista ee uu la jiro karaaniga maxkamada. Karaanigu waxaa uu ku siin doonaa taariikhda dhexdhexaadinta, markay dhexdhexaadintu dhamaatoka dib waxaa la qaban doonaa kulanka maamulka ee kiiska.
ILO WAXTAR
Fiidiyow-Muuqaal Duuban: Maxkamadu waxay leedahay muuqaal duuban oo sharaxaya sida maxkamadu u socoto iyo xuquuqahaaga iyo waajibaadyadaada.
Dhexdhexaadin: Dhexdhexaadiyuhu waxuu awood u leeyahay inuu adiga iyo garabka kale idinka caawiyo in aad gaartaan heshiis ku saabsan arinta kiiskiina.
Maxkamadu waxay leedahay muuqaal duuban oo sharaxaya waxa ay tahay dhexdhexaadintu.
Dhexdhexaadinta waxaa loo habayn karaa iyadoo loo marayo maxkamad ama dhexdhexaadin gaar loo leeyahay.
Waxbarasho waalid: Barnaamijka waxbarashada ee si khaas ah loogu habeeyay isfuriinka ama kalataga waalidka waxay kaa caawin kartaa inaad awooda saarto baahida caruurtaada.
Shaxda Kaalmada Cunuga: Tilmaamahani, sharci ahaan,waxaa bixiya DHHS iyo in loo isticmaalo inay kaa caawiyaan go’aansashada waajibaadka kaalmada cunuga ee ku salaysan dakhliga. Jadwalka waxaa laga heli karaa on-line-ka ee xxxx://xxx.xxxxxx.xxxxx.xxx/xxxx_xxxxx/xxxxx/xxxxx.xx tml ama xafiiska karaaniga ee maxkamada degmada.
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan ilaha, kala hadal karaaniga maxkamada.