TUSMADA
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
SHARCIGA KA HORTAGGA LACAG-DHAQIDDA IYO LADAGAALANKA MAALGASHIGA ARGAGIXISADA
Muqdisho 2016
TUSMADA
QEYBTA 1AAD: QEEXID 1
Qodobka 1aad: Qeexid 1
QAYBTA 2AAD: DAMBIYADA LACAG DHAQIDDA IYO MAALGELINTA ARGAGIXISADA 5
Qodobka 2aad: Dembiga lacag dhaqidda. 5
Qodobka 3aad: Dembiyada maalgelinta argagixisnimo 5
QAYBTA 3AAD: KA HORTAGGA LACAGDHAQIDDA IY MAALGELINTA ARGAGIXISINIMADA 6
Qodobka 4aad: Hay’adaha iyo xirfadaha lagu dhaqayo Sharcigan 6
Qodobka 5aad: Heynta xogta dhaqanka macmiilka 7
Qodobka 6aad:Mamnuucida xxxxxxxxx Xxxxxxx 9
Qodobka 7aad: Xiriirada reebban 9
Qodobka 8aad: Diiwaan gelinta nooca iyo ujeeddada xisaabaadka 9
Qodobka 9aad: Waajibka xaddididda iyo maaraynta khatarta lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada. 9
Qodobka 10aad: Shakhsiyaadka haya xil siyaasadeed 10
Qodobka 11aad: Dabagalka gaarka ah ee ganacsiga 11
Qodobka 12aad: Waajibaadka taxadar ee bankiga wakiilka ah 11
Qodobka 13aad: Haynta diiwaanka 12
Qodobka 14aad: Ka warbixinta waajibaadyada 12
Qodobka 15aad: Ka cafinta mas’uuliyadda ka warbixinta tuhunnada ku dhaca niyad samida 13
Qodobka 16aad: Burinta dhowrista sirta 14
Qodobka 17aad: Barnaamijka la dagaalanka lacag dhaqidda iyo ka hortagga maalgelinta argagixisada 14
Qodobka 18aad: Ka warbixinta lacagta ka gudbaysa xuduud 15
Qodobka 19aad: Xawiladda habka elektoroonikada ah 16
QAYBTA 4AAD: XARUNTA WARBIXINADA MAALIYADDA 17
Qodobka 20aad: Aasaaska Xarunta Warbixinnada Maaliyadda 17
Qodobka 21aad: Mas’uuliyadaha, maamulka iyo xilalka 18
Qodobka 22aad: Ilaalinta siraha iyo halbeegyada xirfadeed 20
Qodobka 23aad: Awoodaha kormeerka 20
QAYBTA 5AAD: GUDDIGA QARAN EE LA DAGAALANKA LACAG DHAQIDDA IYO KA HORTAGGA MAALGELINTA ARGAGAXISADA 20
Qodobka 24aad: Aasaasidda Guddiga 20
Qodobka 25aad: Xxxxx Xxxxxxxx 21
Qodobka 26aad: Xxxxxxx Xxxxxxx 21
QAYBTA 6AAD: CIQAABAHA MADANIGA AH IYO KUWA FAL DAMBIYEEDYADA 21
Qodobka 27aad: Ganaaxyada iyo ciqaabaha 21
Qodobka 28aad: Qofka dabiiciga ah 22
Qodobka 29aad: Ciqaabaha ay muteysanayaan Hey’adaha Qaanuuniga iyo maamulkooda 22
QEYBTA 7AAD: AMARRADA XAYIRAADDA IYO LA WAREEGIDDA 23
Qodobka 30aad: Ujeeddada 23
Qodobka 31aad: Xxxxxxxxxx Xxxxxxxxxx 23
Qodobka 32aad: Habraaca Amarka Qabashada Hantida 23
Qodobka 33aad: Maareynta hantidda inta lagu xxxx xxxxxx qabashada 24
Qodobka 34aad: Shuruudaha la wareegidda 25
Qodobka 35aad: Habraaca amarka la wareegista 26
QAYBTA 8AAD: ISKAASHIGA CAALAMIGA AH 27
Qodobka 36aad: Qodobo guud 27
Qodobka 37aad: Codsiyada is-kaalmaynta sharci 27
Qodobka 38aad: Diidmada fulinta codsiyo 28
Qodobka 39aad: Codsiyada tallaabooyin baaritaan 29
Qodobka 40aad: Codsiyada talaabooyin ku meel gaadh ah 29
Qodobka 41aad: Codsiyada la wareegidda 29
Qodobka 42aad: Ku tasarrufka hanti lala wareegay 30
Qodobka 43aad: Baaritaan wada jir ah 30
Qodobka 44aad: Isu Dhiibista Eedaysanayaasha 30
Qodobka 45aad: Habka iskaashiga sharci iyo Is-waydaarsiga dembilayaasha 32
Qodobka 46aad: Nuxurka codsiyada 33
Qodobka 47aad: Xog dheeri ah 34
Qodobka 48aad: Waajibka ilaalinta sirta 34
Qodobka 49aad: Dib u dhigista ka jawaabista codsiga 34
Qodobka 50aad: Qarashka 34
Qodobka 51aad: Wadaagga Hantida lala Wareegey 35
QAYBTA 9AAD: QODOBO KALA DUWAN 35
Qodobka 52aad: Awoodda soo-saaridda Xeer-hoosaadyada 35
Qodobka 53 aad: Ka sarreynta sharciyadi hore 35
Qodobka 54aad: Dhaqan xxxxx sharcigan 35
Sharci Lr:
ee
QEYBTA 1AAD:
QEEXID
Qodobka 1aad: Qeexid.
Haddii uusan Sharcigan si kale u qeexin,ereyadan hoos ku qoran, waxay leeyihiin micnaha soo socda:
“Xisaab Banki” waxaa ka mid ah adeeg ama hab kasta oo cidda wax baareysa ay u adeegsato mid ka mid ah ama ka badan falalka hoos ku qoran:
1. Aqbala keydin lacag caddaan ah,
2. Oggolaada lacag xx xxxxxx ama ku xawila ama ka xawila ,akoon
3. Ku bixiya jeegag, amarro lacag bixineed ay soo saartay ha’ad maaliyadeed qaata ama ku bixya amarro lacag bixineed isagoo qof kale xx xxxxx ah,
4. Bixiya adeeg ama diyaariya hannaan lagu dhawro ama ku xxxxx sanduuq keydin muddo xaddidan,
“Sitaha agab lagu gorgortamo” waa agab sarrifmi kara oo qofka xxxx xxx aqoosan yahay milkile. Sidaa darted, qof kasta oo sita agabkaa, uu iska gadi karo ama ku beddelan karo lacag caddaan ah ama qiime kale.
“Milkilaha faa’idaya” waxaa loola jeedaa qofka ama qofka Qaanuuniga ah ama maamula macmiil oo isagoo matalaya si kama dambeys u ah milkile ama leh, ku takrifalka dhaqdhaqaaqa maaliyadeed. Waxaa kaloo ka mid ah dadka awoodda ku leh, shakhsi qaanuuni ah ama maamulka sharciyeed.
“Faa’ido” waxaa loola jeedaa, xxx kasta, wax kororsi, faa’iido, ama wax-bixin nooc kasta ah, iyo faa’idada qofka uga imaaneysa ama ku helayo oo ay ku jiraan kuwo ay dad kale hagayaan, waxna ku helayaan, hadduu qofkaa uu yahay qof kale uu maamulo ama hago,
“Hay’adda Awoodda u leh” waxaa loola jeedaa, hey’ad caam ah oo ka duwan kuwa iskood isu abaabula, xilna xx xxxxx yahay la dagaallanka lacag dhaqidda ama maalgelinta argagixisada.
“Qeeybta Maaliyadeed” waxaa loola jeedaa, qof dabiici ah ama qaanuuni ah, oo wada dhaqdhaqaaq sida ku cad xeerka hey’adaha maaliyadeed ee 2012 ama u sameeya macmiilka mid ka mid dhaqdhaqaaqa ama dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee soo socda:
1. Iney ka aqbalaan dadweynaha keydinta hanti kale oo wax lagu bixin karo, oo ay ku jiraan Bankiyada gaarka ah;
2. Amaahin oo ay ku jiraan deynsiinta macmiilka, rahanka, xisaabcelin leh, ama aan lahayn hanti daboosha ama dhaqdhaqaaq ganacsi oo ay ku jiraan kuwa aan lahayn xisaab daboosha;
3. Xxxxxxxxx xxxxxx, oo aan xxxxxxx xxxxxxx maalgelin kireyn la xiriirta wwaxyaabaha la isticmaalo;
4. Xawilaad lacag ama wixii u dhigma oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaq maaliyadeed ee hey’adaha rasmiga ah ama kuwa aan ahayn;
5. Soo saarista iyo maaraynta habka lacag bixinta (tusaale: kaararka amaahda ama deynta, jeegagga, jeegga wareega, amarrada lacag bixineed iyo sarrifka bankiga, xawilaad elektarooniga;
6. Damaanadda iyo ballanqaadyada maaliyadeed;
7. Ku ganacsiga qaababka suuqa lacagta, jeegagga, qaansheegtooyinka, caddeymada keydka, sarrifka, sarrifka lacagaha qalaad, heerka dulsaarka, hagaha lacagaha iyo damaanadaha maaliyadeed ee la xawili karo, badeecadaha la gadanayo;
8. Maamul kaliyeed iyo wadareed;
9. Keydinta iyo maamul lacag ay dad kale leeyihiin;
10. Ama maalgelin, maamul ama maareyn hanti ama lacag dad kale leeyihiin, iyo
11. Sarrifka lacag iyo lacag qalaad,
12. Adeegga lacageed xx xxx yaqaan xawilaadda Electronikada
13. Ka qeybgal damaanadaha iyo fiulinta adeeggyada maaliyadeed ee la xiriira,
14. Qoridda iyo bixinta caymiska nolosha iyo maalgashiga xxxx xx la xiriira
“Maalgelinta Argagixiso” waxaa loola jeedaa dembiga maalgelinta argagixisada sida ku cad QEYBTA II ee sharcigan;.
“Maalgelin iyo Milkiyado” waxaa loola jeedaa hanti nooc kasta ah, ha ahaato maaddi ama aan ahayn, guurto ama maguurto, la taaban karo ama aan lataaban Xxxxx, iyo qoraallo sharci ah ama agabyo, oo ay ku jiraan caddeymo electronik ama dijital ah, oo marag ku ah lahaanshaha hantidaas.
“Wadiiqada” iyo “Qalabka la adeegsado” waxaa ka mid ah hanti kasta oo loo adeegsado ama ujeeddadu tahay in loo adeegsado xiriirna la leh, gelista dembiga oo ay ku jiraan adeegsi maalgelin argagixiso, falal argagixiso ama ururro argagixiso.
“Dagalyahan Argagixiso Shisheeye” waxaa loola jeedaa qofka u dhoofa dal aan kiisa ahayn ama deggeneyn, ujeeddadiisuna tahay in uu geysto fal dambiyeed, qorsheeyo, ama isu diyaariyo ama ka ka qeyb qaata falal argagixisimo ama sameeyo ama qaato tababar argagixiso”.
“Lacag Dhaqid” waxaa loola jeedaa dembiyada ku xusan qodob kasta ee QEYBTA II ee sharcigan.
“Ku Bixin Xisaab Banki” waxaa loola jeedaa xisaabaha bankiyada ay dhinacyo seddexaad u isticmaalaan si toos hawl ganacsi oo ay daneynayaan.
“Qofka haya Xil Siyasadeed” waxaa loola jeedaa qof kasta oo ka haya ama lagu aaminay xil guud oo muuqda ee Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya ama xxxxx xxxx, sida madaxa dowladda ama xukuumadda, saraakiil sare siyasadeed, sarkaal xukuumad, sarakiil garsoor ama ciidan, saraakiil sare ee maamulka hay’ad dowladeed, hoggaamiyayaasha muhiimka ee axsaabta siyaasiga ah iyo saraakiisha sare xx xxx’adaha aan dowliga ahayn. Dhammaan xubnaha qoysaskooda, iyo dadka la leh, xiriir soke ama ganacsi ama maaliyadeed, waxaa dhammaan dadkaasi loo aqoonsanayaa iney ka mid yihiin.
“Dembiyada shircigu sheegay” waxaa loola jeedaa fal dembiyeed kasta, oo uu xeerka ciqaabta u aqoonsaday dembi ama sharciyada kale u aqoonsadeen inuu dhalinayo hodmid sharci darro
ah. Dembiyada asalka ah waxaa kaloo ka mid ah falalka xxxxx xx lagu xxxx xxxx ka baxsan Jamhuuriya Federaalka Soomaaliya haddii Jamhuuriya Federaalka Soomaaliya looga aqoonsan yahay dembi.
“Faa’xxxxx xx dhalata Dembi” waxaa loola jeedaa hanti kasta, milkiyad, ama faa’ido iyo manfac ka yimid ama laga helay si toos ah ama dadban fal dembiyeed.
“Hay’adda Warbixiya” waxaa loola jeedaa qof ama hay’ad qaanuuneed sida ku cad QEYBTA III ee sharcigan.
“Dadka ama Hay’adaha la Xannibay,” waxaa loola jeedaa dadka ama hay’adaha laga xannibay iney macaamil ganacsi la yeeshaan hay’adaha maaliyadeed
“Banki Qolfoof ah” waxa loola jeedaa banki aan degaan ku lahayn dalka lagu sameeyey ama siiyay ruqsadda, islamarkaana xiriir la lahayn hay’ad bixisa adeeg maaliyadeed oo nidaamsan oo hoos timaadda kormeer wax ku ool ah. Degaan waxa looga jeedaa inuu ku leeyahay qaab- dhismeed iyo maareyn go’aan ku gaari xxxx xxxx xxxx timaada ikhtisaaska mas’uulka kormeerka iyo nidaaminta shirkadda.
“Habdhis” waxaa loola jeedaa in laga sameeyo hay’ad ama hay’ado maaliyadeed hal mucaamalo qiime kasta ama laysku dayo in ka badan maalin ama maalmo bsadan si kastaba haloo sameeyee, loogana jeedo in xxxxxx baxsado shuruudaha ka warbixinta eek u xusan sharcigan.
“Mucaamalaad shaki leh” waxaa loola jeedaa mucaamalaadka ku xusa Qodobka 14 ee sharcigan
“Argagixiso” waxa loola jeedaa qof kasta oo dabiici ah oo:
1. Gala ama isku daya inuu galo fal argagixiso hab kasta ha u isticmaalee, si toos ah ama si dadban, si sharci darro ah islamarkaana ku talo gal ah;
2. Ka qayb gala isaga oo gacansiinaya falal argagixisnimo;
3. Abaabula ama ku xxxx cid kale inay galaan falal argagixiso; ama
4. Ka qeyb qaata in ay galaan fal argagixiso koox dad ah oo leh, ujeeddo guud marka ka qeyqaadashaas kutalagal loo sameeyo, islamarkaana ujeeddadiisu tahay xoojinta falka argagixiso ama og ujeeddada kooxda gelaysa falka argagixiso.
“Fal argagixiso’” waxa loola jeedaa:
1. Fal xx xxxxx xxxxx xxx eego xadka iyo qeexitaanka mid ka mid ah mucaahadooyinka ku taxan lifaaqa iyo Heeshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Maalgelinta Argagixisonimada, 1999;
2. Fal kasta oo kale oo loogu tala galay inuu ku keeno geeri ama waxyeelo jireed oo wayn qof rayid ah ama qof kasta oo kale oo aan si toos ah qayb uga ahayn colaadaha xaalad dagaal, xxxxx xxxxxxxxx xxxxxxxx, iyada oo la eegayo dabeecaddiisa ama xaaladda, ay tahay in lagu cabsi geliyo dadwaynaha, ama in lagu qasbo dawlad ama urur caalami ah inuu fal sameeyo ama ka joogsado.
“Urur argagixiso ah” waxa loola jeedaa koox kasta oo:
1. Gasha ama isku dayda inay xxxxx fal argagixiso hab kasta ha u isticmaaleene, si toos ah ama si dadban, si sharci darro ah iyo ku talo gal;
2. Uga qayb gala gacansiinaya falal argagixisnimo
3. Abaabula ama ku xxxx cid kale inay galaan falal argagixiso;
4. Taakuleeya, iney koox dad ah oo leh, ujeeddo mideysan galaan falal argagixiso, iyadoo taakuleynta loo sameeyey si ku talo gal ah, qasadkuna yahay xoojinta falka argagixiso ama iyagoo ka warqaba ku xxxx xxxxx kooxda gelaysa falka argagixiso.
“Hanti argagixiso” waxa loola jeedaa:
1. Hanti laga helo fal dembiyeed argagixiso;
2. Hanti loo adeegsaday, loo adeegsanayo, ama la damacsan yahay in loo adeegsado in lagu galo fal argagixiso;
3. Hanti uu adeegsaday, adeegsanayo, ama la damacsan yahay in uu adeegsado urur argagixiso;
4. Hanti uu leeyahay, maamulo ama loo hayo urur argagixiso; ama
5. Hanti loo ururiyay si loogu taageero urur argagixiso ama lagu maalgeliyo fal argagixiso.
"Xarunta” waxa loola jeedaa Xarunta ka Warbixinada Maaliyadda ee lagu aasaasay QEYBTA IV ee Sharcigan.
“Guddi” waxa loola jeedaa Guddiga Qaran ee ka Hortagga Lacag Dhaqidda.
“Kalsooni iyo shirkadda bixisa Adeeg” waxaa loola jeedaa dhammaan dadka iyo ganacsiga bixiya mid ka mid ah adeegyada soo socda xx xxx sameeyo dhinac seddexaad:
1. U hawgala sida wakil dhisa shakhsi qaanuuni ah;
2. U hawgala sida (ama u diyaariya qof kale inuu u hawgalo sida maamule ama xoghaye shirkad, xubin shikad, ama jagooyin ee la mid ah shirkadaha kale;
3. Siin xafiiska diiwaangashan, cinwaan ganacsi ama hooy, wargelin ama cinwaanka maamul ee shirkadda, iskaashi ama qof kasta oo kale oo shakhsiyad qaanuuneed ama abaabul;
4. U hawgala sida (ama u diyaariya qof kale inuu u hawgalo sida) amaana-haye shirkad kalsooni ama u hawlgala xil la mid ah kuwo kale ama u qabta qaab kale xil la mid ah ama shaci ahaan abaabulan;
5. U hawgala sida (ama u hawlgala qof kale una hawlgala sida) saami wadaag magcaaban ee qof kale;
QAYBTA 2AAD:
DAMBIYADA LACAG DHAQIDDA IYO MAALGELINTA ARGAGIXISADA
Qodobka 2aad: Dembiga lacag dhaqidda.
Qof ama hay’ad kasta waxay gelayaan dembiga lacag dhaqidda hadduu qofka ama hay’addu, kaaliyaan qof ama hay’ad kale oo ku jira fal dambiyeedkan inuu ka baxsado raadka falkaa, haddii:
1. Uu ogyahay ama ogaado in maalgelin ama hanti ay tahay ama qayb ka tahay hanti laga dheefay dembi qofka ama hay’addu galeen:
a. Uu beddelo, qariyo, raadtiro ama xawilo malgelinta ama hantida,
b. Uu qariyo ama raadtiro asalka sharci-darrada ah ee maalgelinta ama hantida, ama
c. Uu helo, isticmaalo ama uu gacanta ku dhigo dhaqaalaha ama hantida.
2. Ka qayb qaato, fal ala xiriirin karo gelidda, ama isku dayga, gacansiinta, gargaarka, fududaynta ama xxxx xxxxxx qof inuu galo mid ka mid ah falalka kor ku xusan.
3. Xxxx xxxxx hodmid sharci darro ah islamarkaana hantiya, haysta, beddela, qariya, daboola, isticmaala ama xawila lacag lagu helay sifo sharci darro ah ama asalka dhaqaalaha ama hantidu xxxxxx xxxxx xxxxx (naftiisa u dhaqid lacag).
4. Waa dembi in la soo saaro ama la isku dayo in la soo saaro nooc lacageed ama agab lacageed oo la xiriira dhaqidda lacagta ama maalgelinta argagaxisada, cfr. Qodobka 14 (2). Qasadka iyo ogaalka loogu baahan yahay si loo caddeeyo dembiga lacag dhaqidda waxaa laga yaabaa in go’aan looga gaaro xaqiiqada duruufaha jira.
5. Caddeynta fal dambiyeedka lacag dhaqidda, xxxxxx xxx aha in qof ama hay’ad kasta lagu helay ama lagu soo caddeeyay dembiga hodmid sharci darro ah ah.
6. Xaddidaadda muddada dambi ku soo oogista ee lacag dhaqiddu waa 10 sano laga soo bilaabo waqtiga dembiga xx xxxxx.
7. Xaddidaadda waxaa meesha xx xxxxx xxxx in la bilaabo baaritaan, oo ay ka mid tahay eedaynta qofka la tuhunsan yahay.
Qodobka 3aad: Dembiyada maalgelinta argagixisnimo
1. Qof kasta iyo hannaan kasta, si toos ah ama si dadban, u bixiya ama u ururiya dhaqaale, ama isugu daya inuu sidaas sameeyo, iyada oo ujeeddadu tahay in loo isticmaalo ama ogyahay in loo isticmaalayo guud ahaan ama qayb ahaan ujeeddooyinka hoos ku xusan wuxuu galayaa dambi:
a. Si loogu fuliyo fal argagixiso; ama
b. Argagixiso; ama
c. Urur argagixiso.
d. Maalgelin dagaalyahan argagaxiso oo ajnebi ah
2. Dembiga ku xusan faqradda (1) waa lagalay:
a. Xataa haddii falka argagixiso aanu dhicin ama aan la isku dayin;
b. Xataa haddii dhaqaalaha aan loo isticmaalin in lagu galo ama la isku dayo fal argagixiso;
c. Iyada oo aan la eegayn dalka ama dhulka falka argagixiso loogu talo galay inuu ka dhaco.
3. Waxaa xxxxx xx:
a. In laga qayb qaato iyada oo gacan siin xx xxxxx ku xusan faqradda (2);
b. In la abaabulo ama lagu hago cid kale inay galaan dembi ku xusan faqradda (2); ama
c. In si ku talogal ah loogu qaaraan darsado si ay u galaan dembiga ku xusan farqada (2) koox dad ah oo leh, ujeeddo guud marka qaaraankaas loo sameeyo si loo sii kordhiyo dembi ku xusan xxxxxxxx (2) ama qaaraanka la sameeyey iyada oo la og yahay in kooxdu ay gelayso dembi ku xusan farqada (2).
Qasadka iyo ogaalka looga baahan yahay si loo caddeeyo dembiga lacag dhaqidda waxaa laga yaabaa in go’aan looga gaaro xaqiiqda duruufaha jira.
QAYBTA 3AAD:
KA HORTAGGA LACAGDHAQIDDA IY MAALGELINTA ARGAGIXISINIMADA
Qodobka 4aad:
Xxx’xxxxx iyo xirfadaha lagu dhaqayo Sharcigan.
Waajibaadka ka hortagga ee ku tilmaaman Sharcigan waxa lagu dhaqayaa dadka iyo Hey’adaha soo socda, oo halkan loola jeedo “Hey’adaha warbixinaya,” kuwaas oo hoos imanaya talaabooyinka iyo waajibaadka ku qeexan Sharcigan:
1. Hay’adaha maaliyadeed;
2. Xirfadaha iyo ganacsiyada ee aan maaliyadda ahayn:
a. Qareenada, nootaayooyinka, xirfadlayaasha sharci xx xxxx ee madaxa banaan, marka ay u habeeyaan ama u fuliyaan muwakilkooda dhaqdhaqaaqyo la xiriira hawlahan soo socda:
i. Iibsashada iyo iibinta hanti maguurto ah;
ii. Iibsashada iyo iibinta hanti guurto ah;
iii. Maaraynta lacagta muwakilka, damaanaadda ama hanti kale;
iv. Furitaanka ama maaraynta bangi, dhigaal, ama xisaabaadka damaanadaha;
v. Haynta raasamaal daruuri u ah abuurista, hawlgelinta ama xxxxxxxxx xxxxxxxx; ama
vi. Abuurista, hawlgelinta ama maaraynta shakhsiyad qaanuuneed ama xxxxxxx xxx xxxxxxxxxx xxx xxxxxxx hey’ado ganacsi;
b. Aaminidda iyo adeegyada shirkadda bixineyso;
c. Xisaabiyayaasha
d. Wakiilada hantida ma guurtada ah marka ay ku lug leeyihiin dhaqdhaqaaqyo ay leeyihiin qofka wakiishay oo khuseeya iibsashada iyo iibinta hanti maguurto ah;
e. Goobaha khamaarka lagu cayaaro;
f. Kuwa ka ganacsada, biraha ama dhagxaanta qaaliga ah;
3. Hey’adaha xxxx xx lagu cayimay xeer-nidaamiyayaasha Xarunta Warbixinada Maaliyadda.
Qodobka 5aad:
Ka Taxadirka Hufan ee Adeega macmiilka
1. Cidda warbixinaysa waxaa laga rabaa inay hirgeliso talaabooyinka heynta xogta dhaqanka macmiilka si loo gaaro hadafyada soo socda:
a. Inuu aqoonsado macmiilka iyo inuu xaqiijiyo aqoonsiga dhabta ah ee macmiilka asagoo isticmaalaya warbixino, dokumentiyaal iyo macluumaad sugan oo madaxbanaan;
b. Inuu aqoonsado milkiilaha faa'idaya qaadana talaabooyin macquul ah si loo xaqiijiyo cidda uu yahay milkiilaha faa'idaya, taasoo ku qancaan Hey’adaha warbixinaya inuu ka warhayo cidduu yahay mulkiilayaasha faa”iidaya iyo iney xxxxxxx lahaanshaha qaabdhismeedka-maamul ee macmiisha marka laga hadlayo qof qaanuuneed iyo xxxxx xxxx oo sharci;
c. Inuu fahmo qaadana talaabooyin macquul ah si uu u helo maclumaad qeexaya ujeedada iyo nooca xiriirka ganacsi; iyo
d. Ku dhaqaaqo si joogta ah taxadar u yeelashada xiriirka ganacsiga iyo dabagalka dhaqdhaqaaqyada la sameeyay intii uu jiray xiriirku si loo hubiyo in dhaqdhaqaaaqyada la sameeyo ay yihiin kuwa waafaqsan aqoonta hey’ada warbixineysa ay u leedahay macmiilka iyo ganacsigiisa iyo khatarta dabeecadda macmiilka, iyo marka ay daruuri tahay inuu ogaado asalka hantida.
Hey’adda warbixineysa iney qaado talaabooyin qancinaya isla hey’adda oo ku aaddan aqoonsiga dhabta ah oo qof kasta oo doonaya inuu xiriir ganacsi xx xxxx, ama inuu la sameeyo dhaqdhaqaaq ama dhaqdhaqaaqyo isagoo shuruud uga dhigaayo codsadaha diiwaan qoraal ah oo ujeedadiisu tahay inuu caddeeyo aqoonsiga dhabta ah ee qofka iyo inuu xaqiijiyo aqoonsigaas.
2. Hey’adaha warbixinayaa waa inay aqoonsadaan islamarkaana xaqiijiyaan cidda ay yihiin macaamiishoodu marka ay jiraan duruufahan soo socda ama marka:
a. Aasaasayaan xiriir ganacsi;
b. Ay fulinayaan dhaqdhaqaaqyada aan joogtada ahayn ama dhaqdhaqaaqa marka keliya ah ee la’eg ama ka badan xadiga cayiman ee xx xxxxx kun (USD10,000) Doolarka Maraykanka ah ama lacag u dhiganta ah;
c. Dirida ama helidda lacag cadaan ah qadarkay doonto ha noqotee, ama dhaqdhaqaaq kasta qadarkuu doono ha noqodee marka la tuhmo lacag dhaqid ama maalgelin argagixisnimo;
x. Xx xxxx xawilaad habka elektorooniga ah oo aanay la socon xog dhamaystiran ee cidda ay asal ahaan ka timid; iyo
e. Hey’adda warbixineysa iney ka shakiso run ahaanshaha ama ku filnaanshaha xogta aqoonsiga macmiilka ee hore loo hayey.
3. Marka la aqoosanayo xxxx xaqiijinayo aqoonsiga macmiilka, hey’adda warbixineysa waa iney sameysaa dhammaan dadaalka macquulka ah ee uu ku helayo kuna kaydinayo xogta ama dokumentiyada caddaynaya inay ku qanacsan yihiin cidda uu yahay mulkiilaha faa’iidaya ee leh, xisaabta ama dhaqaalaha xxxx xaqiijiyay.
4. Aqoonsiga qof dabiici ah waxa lagu xaqiijinaya inuu keeno kaarka aqoonsiga muwaadinka oo asal ah ama baasaboor, ama dukumeenti kale oo lagu kalsoonaan karo oo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo hay’adaha kale oo kormeera ku tilmaamaan xeer- nidaamiye ama xxxx, iyada oo lagu salaynayo heerka khatarta iyo gaaritaanka danta horumarinta adeegyada maaliyadeed.
5. Xeer-nidaamiye kasta oo ay soo saarto hay’ad kormeer oo awood u leh, ee dantuna tahay horumarinta ka qeybgalka maaliyadeed, hoosna u dhigista waajibka guud ee dhaqanka macmiilka, waxa waajib ah in laga helo ogolaansho Xarunta Warbixinada Maaliyadda, maadaama hay’adda qaranka ee ka mas’uulka ah qiimeynta ee AML/CFT, cfr. Qodobka 21 (5) waana in lagu saleeyaa natiijo qoran oo ka dhalatay Baaritaan tilmaamaya in khatartu yar tahay iyada oo ay tahay inay ku salaysan tahay duruufo xxxx xx iyo xadidaado la socda wax soo saarka, adeegga ama nooca macmiilka.
6. Shakhsiyaadka qaanuuniga ah iyo hababka sharci kale, oo ay ka mid yihiin hantida samo- fal waxa lagu aqoonsanayaa shahaadada diiwaangelinta xeer-hoosaadka ururka, dokumeentiyada aqoonsiga ee maamulka sare iyo, haddii ay jirto, ruqsad ama dukumentiga ogolaanshaha.
7. Hey’adda warbixineysa waa iney xaqiijisaa aqoonsiga dhammaan dadka ama Hey’adaha metelaya dad kale ama hey’ado kale. Waa in la helaaa dhukumenti cadaynaya aqoonsiga wakiilka iyo sidoo kale kan wax wakiishay
8. Hey’adaha warbixinayaa waa inay xaqiijiyaan aqoonsiga dhammaan millkiilayaasha ka faaiideysanaya Shakhsiyaadka qaanuuniga ah iyo hey’adaha la midka ah ee sharciga ah, oo ay ka mid tahay hantida samo-fal iyaga oo ka helaya dokumentiyo ugu filan caddeynta iyo in la fahmo milkiyadda iyo maamulka Shakhsiyaadka qaanuuniga ah iyo wwaxyaabaha la midka ah ee sharcigu oggolyahay oo ay ku jiraan Hanti sama fal;
a. Milkiiilayaasha iyo maamulayaasha shakhsiyaadlka qaanuuniga ah dokumentiyada looga baahanyahay waxaa ka mid ah: aqoonsiga Shakhsiyaadka dabiiciga ah ee gacanta ku haya maamulka Shakhsiyaadka qanuuniga ah
b. Milkilayaasha iyo maamulayaasha shakhsiyaadlka qaanuuniga ah dokumentiyada looga baahanyahay hantida samo-fal waxaa ka mid ah: aqqoonsiga qofka lagu aaminay hantida samo-fal, cidda ku aamintay, ilaaliyaha iyo dheefsadayaasha ka- faa’iideysteyaasha hantida samo-fal.
c. Milkilayaasha iyo maamulayaasha waxyaabaha xxxx xx u dhigma shaksiyaadka qaanuuniga ah ee sharcigu oggolyahay dokumentiyada looga baahanyahay waxaa ka mid ah: aqoonsiga Shakhsiyaadka u dhigma qofka lagu aaminay hantida samo-fal, kan ku aaminay, ilaaliyaha iyo ka-faa’iideysteyaasha hantida samo-fal
9. Xeer-nidaamiyayaasha ay soo saaraan Bangiga Dhexe ee Somaliya iyo hay’adaha xxxx xx awoodda u leh, waa inay dhigaan waajibaadyada iyo habraacyo faah-faahsan laba iyo toban bilood gudohood laga bilaabo marka Sharcigan la ansixiyo si loo fuliyo qodobada noocyada kala duwan ee hey’adaha warbixinaya.
Haddii shuruudaha sare ku xusan iyo xeer-nidaamiyayaasha khuseeya aan la buuxin, hey’adda warbixineysa waa inaanu u furin xisaab, bilaabin ama sii wadin xiriir ganacsi ama gudan
waxdhaqdhaqaaq ah. Markay sidaasi dhacdo, hey’adda warbixineysa waa iney u gudbisaa Xarunta Warbixinada Maaliyadda warbixinta dhaqdhaqaaqa laga shakiyay.
Qodobka 6aad: Reebbanaanta xisaabaha qarsoon
Hey’adaha warbixinayaa waa inaysan xxxx xisaabo qarsoon ama xisaabaad leh, magac la abuuray oo aan sax ahayn. Xisaabaadka caynkaas ah ee jira ka hor xxxxx Xxxxxxxxx la ansixiyo waa in la xiraa laga bilaabo taariikhda uu tilmaamo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, haddii aan la buuxin dhammaan shuruudaha aqoonsiga ee ku xusan Sharcigan ama xeer-nidaamiyaha khuseeya.
Qodobka 7aad:
Xiriirada reebban
1. Xxx’xxxxx warbixiya way ka reeban tahay inay la sameeyaan ama la sii wadaan xiriir ganacsi ama la fuliyaan dhaqdhaqaaqyo bangi qalfoof ah ama hay’ad kasta oo maaliyadeed oo aan ku lahayn joogitaan dalka lagu sameeyey ama laga siiyay ruqsadda, haddii aan si buuxda xxxx u lahayn hay’ad maaliyadeed ama koox maaliyadeed oo hoos timaadda korjoogtayn maaliyadeed oo waxtar leh, iyo nidaamin
2. Xxx’xxxxx warbixiya way ka reeban tahay inay la sameeyaan ama la sii wadan xiriir ganacsi ama la fuliyaan dhaqdhaqaaqyo shaqsi ama hay’ad la saaraay xayiraad, cfr. qodobka 14.1.c. Wasaaradda Maaliyadda ayaa mas'uul ka ah leh, na awoodda inay soo saarto xeer-nidaamiye iyo xxxx faah-faahsan oo qeexaya xayiraadda shaqsiyada ama hay’ad.
Qodobka 8aad:
Raadreebka nooca iyo ujeeddada xisaabaadka
1. Hay’ad kasta oo warbixineysaa waa in ay heshaa dhukumenti ku filan si ay u fahamto ujeedada iyo dabeecadda ama nooca dhaqdhaqaaq ganacsi kasta iyo xisaab kasta si ay u hayso xog ku filan oo fahamsiin kara xogta macmiilka dhaqdhaqaaqa laga filayo.
2. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo hay’adaha xxxx xx awoodda u leh, waxay soo saarayaan xeer-nidaamiye iyo xxxx faah-faahsan oo qeexaya dokumentiyada u yar ee laga rabo qayb kasta xx xxx’adaha ka warbixinaya.
Qodobka 9aad:
Waajibka xaddididda iyo maaraynta khatarta lacag dhaqidda iyo
maalgelinta argagixisada.
1. Waa iney cid kasta oo ka warbixineysa qiimaysaa khatarta gudaha si loo xaddido khatarta lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ee dhammaan wax-soo saarka iyo
adeegyada maaliyadeed oo ay ku jirto dhaqdhaqaaqa aan la is hor fadhiyin iyo teknoolijiyada cusub, iyo dhammaan noocyada macaamiisha.
2. Qiimaynta khatarta gudaha ah waa in loo kaydiyo qoraal ahaan, xxxx sameeyo sanad kasta ama mar kasta oo kale oo hay’ad awood u leh, codsato, waana inay tilmaantaa istiraajiyadaha iyo habraacyada lagu yareynayo khatartaraha lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.
3. Waa iney Cid kasta oo ka warbixineysa xisaabaha khatartoodu sareyso, kooxaha macaamiisha, wax soo saarka, adeegyada iyo dhaqdhaqaaqyada, kuna dhaqaa habraac xikasimo oo heerkiisu sarreeyo. Xisaabaha khatartoodu sareyso, kooxaha macaamiisha, wax soo saarka, adeegyada iyo mucaamamalaadka, waa inay ku jiraan kuwa hay’adka warbixinayaa uu u aqoonsado kuwo khatar sare leh, iyo kuwa lagu tilmaamay inay leeyihiin khatar sare iyada oo la raacayo xeer-nidaamiyayaal ama hagayaal ay soo saareen hay’ado awood u leh,
4. Habraacyada taxadarka heerkiisu sarreeyo waa inay ku jiraan ugu yaraan:
a. Oggolaansho qoran oo uu sameeyo maareeye si loo furo ama loo sii wado xisaab;
b. Macluumaadka dheeraadka ah ee macmiilka, oo ay ka mid yihiin shaqada, mugga hantida, ilaha maaliyadaha, macluumaadka laga heli karo kaydadka xogta dadweynaha iwm.
c. Korjoogtayn joogto ah oo lagu sameeyo dhaqdhaqaaqyada si ku salaysan habka aqoonsiga xisaabta macmiilka;
d. Talaabooyin macquul ah oo lagu ogaanayo isha hantida iyo dhaqaalaha;
e. Qaadida iyo kaydinta talaabooyin dheeraad ah oo ku haboon hadba sida xaqaa’iqda iyo duruufuhu keensadaan;
f. Shuruudo kale oo dheeraad ah oo waafaqsan xeer-nidaamiye uu soo saaray Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ama hay’ad awood u leh;
5. Hay’adada warbixinayaa waa inay si joogto ah u fuliyaan habraacyada taxadar u yeelashada macmiilka si ay dib ugu eegaan una sii casriyeeyaan qoraalada aqoonsiga macmiilka, taxadar u yeelashada macmiilka, iyo xogta iyo xogta cida leh, dhaqdhaqaaqa iyo sidoo xxxx xxxx ablaynta khatarta.
Qodobka 10aad: Shakhsiyaadka ku Lug Leh Siyaasada
1. Dhammaan Shakhsiyaadka loo aqoonsaday shakhsiyaad ku lug leh siyaasada (PEP) ama hay’ad kasta, u ku jiro qof haya xil siyaasadeed (PEP) ka yahay milkiile, milkiile faa’iidaya, ama xubin ka tirsan guddiga ama ka haya xil kasta oo maamul sare ah, waa in lagu tilmaamaa inuu yahay khatar sare.
2. Hay’adda warbixineysa waa in ay leedahay habab ku haboon maaraynta khatarta si ay u kala caddeyso haddii macaamiilka ama milkiilaha faa'iidaya uu yahay shakhsi haya xil siyaasadeed.
3. Hay’adda warbixineysa marka macaamiilka ama milkiilaha faa'iidaya uu yahay shakhsi haya xil siyaasadeed waxaa looga baahan yahay inay qaado tallaabooyinka soo socda:
a. In laga helo ogolaansho maamulka sare si loola macaamilo ama loola sameeyo xiriir qofkaas;
b. In la qaado tallaabooyin habboon ee lagu oggaanaayo xxxx xxxx ahaaneed ee hantida iyo isha maalgelinta in ay ku lug leedahay xiriirka ganacsiga la soo jeediyey ama macaamiilka ganacsi;
c. In la helo xog ku saabsan xubnaha qoyska ama saaxiibada dhow ee qofka awooda u leh maamulida xisaabaadka ganacsi;
d. In si ku filan loo diiwaangeliyo ujeedada iyo nooca macaamiilka ganacsi ama xisaabaadka, mugga la filayo, inta jeer, badeecooyinka iyo adeegyada ay u badan tahay in loo isticmaalo iyo dabeecadda dhaqdhaqaaqa xisaabta bankiga si ay macquul u noqoto in la ogaado waxqabadka aan caadi ahayn;
x. Xxx u eegida ilaha dadweynaha ee xogta ku saabsan qofka haya xikal siyaasadeed; iyo
f. Mar haddii la furo xisaab banki, waa in la joogteeyaa dhaqanka kormeerka joogtada ah ee xiriirka.
Qodobka 11aad:
Mucaamlaad si gaar xx xxx dabagalayo
1. Hay’adaha warbixinta waa inay ku dhaqan geliyaan una keydinayaan habraac taxadar leh oo sarreeya si ay:
a. Mucaamalaadka qallafsan ama si aan caadi ahayn u ballaaran iyo habab aan xxxxx xxxxx, lahayna ujeeddo sharci ah ama dabeecad ahaan shaki leh,
b. Xxxxxxxx ganacsi ama mucaamalaadka xxxx xxxxxxxx xxxxx ama hay'adaha ku xiran dalalka aan ama si waafi u dhaqangelin la dagaallanka lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgelinta argagixiso.
c. Xxxxxxxx ganacsi ama mucaamalaadka ee macaamiilka ama sheyga sababo kale awgood kaddib lagu sameeyo qiimeyn la taaban karo oo ay hay'adda warbixinta ku soo rogto xxxxx xxxxx ah.
2. Natiijooyinka iyo dokumentiga la xiriira waa in hay’adaha awoodda u leh qoraal ahaan ku helaan markay weydiistaan waqti munaasab ah;
Qodobka 12aad:
Waajibaadka taxadar ee bankiga wakiilka ah
1. Xxxxx xxxx xxxxxxx xiriiro bangiyada wakiilka ah, hay'adaha maaliyadeed waa in ay:
a. Tilmaamaan oo xaqiijiyaan aqoonsiga hay’adda wakiilka ah;
b. Ururiyaan oo diwaangeliyaan xogta ku saabsan hay'adaha, ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed;
c. Qiimeeyaan sumcadda hay'adda iyo dabeecadaha baaritaannada ugu haboon ee ay shardi ka dhigayaan;
d. Ka helaan oggolaansho qoraal maamulka xxxx xx hor asaasida xiriirada bankiyada wakiilka ah;
e. Helaan xxxx qiimeeyaan qoraalada hababka, siyaasadaha iyo habraacyada la dagaalanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ee ay fuliso hay’ada la wakiilanayo, waana in xxxxx xxx’adda la wakiilanaya sidaas soo codsato ay siiyaan nuqul ka mid ah isla hababka noocaas oo kale ah ee ay xxxxx xxxx yimaadaan si ay ugu samayso qiimayn; iyo
x. Xxx’ad kasta la gashaa heshiis ku saabsan xilalkaas.
2. Marka ay dhacdo in laga bixinayo xisaabaadka bankiga, si loo hubiyo in hay'adda la wakiishay:
a. Ay hirgelisay habraacyada wax ku oolka ah kuna haboon waajibka taxadirka xaqiijinta macaamiilka ee dhammaan macaamiisha xisaabaadka toos uga hela hay'adda wakiilka ah; iyo
b. Ku bixiso qoraal ahaan sida ugu dhaqso badan xogta aqoonsiga macmiilka marka laga codsado.
Qodobka 13aad:
Waraaqaha Dukumentiyada
1. Hay'adaha warbixinaaya waa in hayaan, ugu yaraan Shan (5) sano laga soo billaabo taariikhdii fulintooda, dhamaan diiwaanada lagama maarmaanka ah ee dhaqdhaqaaqyada, gudaha dalka iyo kuwa caalamiga ahba.
2. Hay'adaha warbixinaaya waa iney dhawraan dhammaan diiwaannada laga helay qofka macaamiilka ah sabab la xiriirta taxadirka geedi socodka, oo ay ku jiraan faylasha macmiilka iyo diiwaanka la halmaala si waafaqsan faqrada (1) ee kor lagu xusay iyo sidoo kale natiijada falanqaynta macmiilka lagu sameeyo ugu yaraan xxxx xxxx oo kasta xx xxx markii xiriirka ganacsi uu dhammaado ama kaddib taariikhda ganacsiga uu mar mar galo macaamiilka haddii aan xx xxxxx xiriir ganacsi oo jira.
3. Xogta aqoonsiga, dhaqdhaqaaqa, xogta taxadar u yeelashada macmiilka, natiijada falanqaynta lagu sameeyey macmiilka iwm. ee ku xusan faylasha iyo xiriirada kale waa inay heli karaan sida ugu dhaqsaha badan Xarunta Warbixinada Maaliyadda iyo hay’adaha xxxx xx ay khuseysso marka ay codsadaan.
Qodobka 14aad: Waajibaadka ka Warbixinta
1. Xxx’xxxx warbixinta waa in ay si haboon ugu soo sheegaan Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed dhammaan faahfaahinada la xiriira dhaqdhaqaaq kasta ee qaddar kasta oo lacageed haddii laga shakiyo ama ay jiraan sababo macquul ah oo looga shakin karo dhaqdhaqaaqaas, taxaneyaal dhaqdhaqaaq ama la isku dayey macaamil(o) la xiriira kara:
12 | P a g e
a. Lacag dhaqid ama ka dhalatay fal-dembiyeed;
b. Dhaqaalaha ku xiriirsan ama la xiriira ama loo isticmaalo ama ay tahay in loo isticmaalay, ama lagu taageerayo argagixisada, falalka argagixisada ama ururada argagixisada;
c. Dhaqaalaha ku xiriirsan ama la xiriira dadka ama hay'adaha midkood 1) loo idmaday, ama hoos imaanaya maamulka, Golaha Ammaanka ee QM cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan sida uu qabo qaraarka 1267 (1999) iyo qaraarradoodii lagu beddelay; 2) loo qoondeeyey Soomaaliya si waafaqsan qaraarka 1373 (2001 ), cfr. article 7.2 ama 3) loo qoondeeyey, ama ama hoos imaanaya maamulka, Golaha Ammaanka ee QM cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto in la eego qaraarada la xiriira ka hortagga, xakamaynta iyo Joojinta badashada xxxxx burburka culus geysta iyo maalgelintiisa.
2. Xxx’xxxx warbixinta waa in ay si haboon ugu soo sheegaan Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed dhaqdhaqaaqyo kasta ama taxanayaal dhaqdhaqaaqyo oo u muuqdaan iney dhaafeen xadkii loogu talagalay oo ah USD $ 10,000 ama qiimo lacageed kasta oo u dhigma.
3. Warbixinnada looga baahan yahay hay'adaha ka warbixinaaya si waafaqsan Xeerkan waa iney ugu diraan Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed qaab waafaqsan habraacyada sida lagu qeexay xeer-nidaamiyaha ay soo saarto Xarunta
Qodobka 15aad:
Ka cafinta mas’uuliyadda ka warbixinta tuhunnada ku dhaca niyad samida
1. Hay'adaha warbixinta, agaasimayaashooda, saraakiishooda iyo shaqaalahoodaba sinnaba waa inaan loo raacan mas'uuliyad, oo ay ku jiraan masuuliyad ciqaab, madani ama maamul, jebinta xannibaad kasta oo ku saabsan shaacinta xogta uu ku soo rogay heshiis ama sharci kasta, oo nidaameed, ama maamuleed, iyagoo si niyad sami ah u gudanaya waajibaadka ah inay ka soo warbixiyaan dhaqdhaqaaqyo laga shakiyo, dhaqdhaqaaqyo lacag caddaan ama xog kasta oo si niyadsami ah loogu gudbiyo Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ama Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
2. Hay'adaha warbixinta, agaasimayaashooda, saraakiishooda iyo shaqaalahooda waxaa ka reebban daah feydida xaqiiqada ka warbixinta dhaqdhaqaaq laga shakiyay ama xog la xiriira looga soo warbixiyo Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed.
Qodobka 16aad: Burinta dhowrista Sirta
Hay’ad kasta oo warbixineysa, oo leh awood kormeer iyo hanti dhowraha waa inuu waafaqsanaadaa shuruudaha xeerkan iyadoo aan la dabaqeyn waajib kasta ee ilaalinta-sirta ama xanibaadaha xxxx xx ku saabsan bixinta xogta uu soo rogay sharci ama si kaleba.
Qodobka 17aad:
Barnaamijka la dagaalanka lacag dhaqidda iyo ka hortagga maalgelinta argagixisada
1. Hay’adaha warbixiya, waxay horumariyaan barnaamij lagu ogaado, maareeyo, lagu yareeyo lacag dhaqidda iyo khatarta argagixisada. Barnaamijkaan waxaa ka mid ah kuwa soo socda:
a. Siyaasadda gudaha habraacyada iyo ilaalinta, qoran oo saxiixan, taariikhna leh, kana soo baxay Maamulka sare, kuna saleysan qiimeynta la dagaallanka lacag dhaqidda gudaha iyo ka hortagga khatarta maalgelinta argagixisada iyo sharciyada la xiriira, xeerarka iyo tilmaamaha; iyo
b. Magcaabidda Sarkaal ilaaliya u hoggaansanaanta la dagaallanka lacag dhaqidda oo mas'uul ka ah xoojnta siyaasadaha, habraacyada iyo ilaalinta. Sarkaalka ilaaliya u hoggaansanaanta, wuxuu yeelanayaa awood uu ku haleeli karo dhammaan buugaagta, xogta iyo shaqaalaha hay'adda lagama maarmaanka u ah si uu u guto waajibaadkiisa. Sarkaalka ilaaliya u hoggaansanaanta, waa in uu ahaado maamule sare oo leh waayo-aragnimo ku xxxxx, xxxx siiyo dhaqaale ku filan; iyo
c. Abuurista baaritaanno ku habboon, si loo sugo heerar xxxx xxxxxx shaqaale la qaadanayo; iyo
d. Tababarid joogta ah ee shaqaalaha iyo maamulka, xxxx diiwaangeliyo; iyo
e. Abaabulid hantidhowr gudaha ah, si loo hubiyo u hoggaansanaanta iyo habsamida tallaabooyinka la qaaday, si loo fuliyo Sharcigan. Cidda mas'uulka ka ah Hanti dhawrka gudaha ayaa sidoo xxxx xx mas'uul ah qiimeynta ku filaanshaha guud ee barnaamijka la dagaallanka lacag dhaqidda marka laga eego halista loo aqoonsaday qiimeynta halista gudaha iyo sidoo kale qiimaynta uu yeelanaayo barnaamijka.
2. Xxx'xxxxx Xxxxxxxxxxx waa in ay weydiiyaan laamahooda shisheeye iyo kuwa leh intooda badan saamiyada ineey ka hirgeliyaan gudahooda la dagaalanka lacag dhaqidda iyo barnaamijyada ka hortaga maalgelinta argagixisada ilaa xad laga hirgeliyo sharci ahaan gudaha iyo shuruucda dalka ay martida u yihiin ay sidaa u oggalaanayaan. Haddii shuruucda waddanka ay ku taalo laanta ama shirkadda xx xxxx timaado sabab kastaba diidaan u hoggaansanaanta waajibaadkaas, hay'adda maaliyadeed waa in ay markaas la socodsiisaa masuulka u qaabilsan kormeerka, oo weydiisan kara falalka kormeerka
dheeraadka ah. Haddii ujeeddada sharciga aan weli la gaarin masuulka u qaabilsan kormeerka ayaa go'aansan kara in laanta ama kabista in la xero. Hay'adaha Maaliyadeed waa in ay yeeshaan qabanqaabada meel ay si wax ku ool ah ugu waddaagayaan macluumaadka laamaha iyo shuraakada si ay ugu suurtogasho in ay dib u dhac la'aan ugu jawaabaan masuulka u qaabilsan kormeerka.
1. Qof kasta oo:
Qodobka 18aad:
Ka warbixinta lacagta ka gudbaysa xuduud
a. Ka baxayo ama soo gelayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo wata ama ku soo geliya ama kaga dhoofiya, qaabka boostada, gaadiidka ama si kale lacag ka badan Toban Kun (USD10,000) oo Doolarka Maraykanka ah ama lacag kasta oo kaash u dhigama ah ama xaashi agab waa inuu qoraal ugu caddeeyaa xogta runta ah ee lacagtaas maamulka awooda u leh ee jooga xuduudda;
b. Ku guuldareysata u hoggaansanaanta faqradda (a) ee qodobkan waxuu galayaa dembi ciqaabeed waafaqsan Sharcigan iyo sharciyada xxxx xx la xiriira.
2. Sarkaalka kastamka ee xx xxxxxxx in lagu xadgudbay waajibka caddeynta ee ku xusan faqradda (1) ee qodobkan waxaa uu adeegsan karaa xoog macquul ah oo lagama maarmaan u ah in:
a. Uu u baaroo shay kasta uu qofkaasi sito ama shandadiisa ku jirta;
b. Uu u baaro qofka.
3. Qofka la tuhmay waxa baadhi kara oo keliya qof ay isku jinsi yihiin.
4. Sarkaalka kastamku wuu joojin karaa, geli karaa islamarkaana baadhi karaa markab, diyaarad ama nooc kale oo gaadiid ah oo jooga dhul hoos yimaadda maamulka kastamka.
5. Haddii sarkaalka kastamku uu helo lacag ama qof sita agab la iibsan karo oo aan la sheegin sida waajibku faraayo, sarkaalku waa inuu ku sameeyaa baadhitaan dheeraad ah sababaha iyo ujeedada loo waday lacagtaas ama agabka la kala iibsan karo xx xx xxxxx gudbinayey xxxxx. Sidoo kale waxaa lagu dabaqayaa xaaladaha; kaashka ama agabka la kala iibsan karo oo la cadeeyay balse xaqiiqooyinka iyo daruufaha jira ama sababa kale daraadood loogu baahanayo baaritaano.
6. Haddii, marka la eego xaqaa’iqa iyo duruufaha, sarkaalku si macquul ah u tuhmo in lacag dhaqid, dembi la saadaalin kara in lacag dhaqid ama maalgelin argagixiso ay ku lug leedahay arrinka ama sheegitaanka la sameeyey uu been yahay, sarkaalku waa inuu caddaynta u gudbiyaa hay’adda kastamada, waana in isaga oo raacaya waajibaadka iyo habraacyada ku xusan shuruucda iyo xeer-nidaamiyayaasha khuseeya uu qabtaa lacagta ah ama agabka la siday.
7. Lacag kasta ama agab la siday ee la qabtay waa in loo gudbiyaa hay’adaha sharci fulinta ee mas’uulka ka ah xx xxxxxx xisaabtamo ilaalinta iyo diiwaangelinta hantida.
8. Sarkaalka kastamada ee bilaabey baaritaanka ama qabtay lacag ama agab la siday oo la ka la iibsan karo si waafaqsan faqradda (6) ee qodobkan waa inuu warbixin siiyo Xarunta Warbixinada Maaliyadda 48 saacadood gudohood kadib marka uu qabtay.
9. Xarunta Warbixinada Maaliyadda waa in, marka ay codsato, ay hesho macluumaadka ku saabsan dhammaan caddaymaha kaashka ama xaashi agab oo la kala iibsan karo.
10. Hay’adaha sharci fulinta ee ay khuseeyso ayaa soo saaraya xeer-nidaamiyeyaal caddaynaya habraacyada loo marayo ururinta caddaymaha dheeraadka ah si loo sameeyo baadhitaan dembi.
11. Laba sano kadib xxxxx xxx’adda awoodda u leh go’aamiyaan in lacagta ama agabka la siday ee la qabtay aanay xiriir la lahayn fal ama baadhitaan dembi islamarkaana aan qaranku la wareegin, milkiilihii lahaana aanu sheegan, Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa u gudbinaya codsi maxkamadda awoodda u leh si lacagtaas ama agabka la iibin karo la wareegto Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Milkiilaha dhabta ah ama xaqa u leh waa in lagu wargeliyo ka hor go’aanka maxkamadda waana in la siiyo fursad uu iskaga difaaco in hantidiisa ay dawladu la wareegto.
12. Hay’adaha awoodda u leh ayaa soo xxxxxxx Xxxxxxxxx dheeraad ah oo daruuri u ah fulinta qodobadan.
Qodobka 19aad: Xawiladda habka elektoroonikada ah
1. Hay’adaha maaliyadda markay samaynayaan xawilaad elektorooni ah, waa inay:
a. Helaan xxxx hayaan magaca cidda ay ka timid, marka lacagta la xawilaayo le’egtahay ama ka badan tahay Kun (USD1,000) Doolarka Maraykanka ama lacag kasta oo u dhiganta, waa ineey aqoonsadaan hubiyaana aqoonsiga cidda asal ahaan ay ka timid;
b. Helaan xxxx hayaan lambarka xisaabta cidda asal ahaan leh ama, marka aanu jirin lambar xisaabeed, lambarka tixraaca gaarka u ah;
c. Helaan xxxx hayaan cinwaanka cidda ay ka timid, ama haddii aanu jirin cinwaan, lambarka warqadda aqoonsiga muwaadinimo ama taariikhda iyo goobta dhalashada; iyo
d. Magaca iyo lambarka xisaabta, ama lambarka tixraaca gaarka u ah ee cidda loo diray lacagta
e. In lagu daro farriinta ama foomka lacag bixinta ee la socda xawilaadda xogta ku xusan farqadda (a) ilaa (d) ee qodobkan.
f. Haddii ay dhacdo in aqoonsiga diraha iyo loo diraha ay yihiin isku mid ama hay’adaha lagu magacaabey qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayn ee 1267 iyo 1373 waa in si dhakhso ah, warbixin loogu diro Xarunta Warbixinta Maaliyadda.
2. Iyada oo aan la eegayn shuruudaha ku xusan farqadda (1) ee qodobkan, hay’ad maaliyadeed waajib kuma ah inay xaqiijiso aqoonsiga macmiilka ay hore ula lahayd xiriir
xxxxxxx, oo ay horay ugu qanacday xxxx xxxxxxxxxx, xaqiijisayna aqoonsiga dhabta ah ee macmiilka.
3. Xxxxx xxx’ad maaliyadeed u adegeyso sida marin gudbiya taxanaha lacag bixinta xawilaadaha, waa inay hubisaa dhammaan xogta dirayaasha iyo loo dirayaasha weheliya ee xawilaada elektoroonikada loo sameynaayo.
4. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu wax kaga beddeli karaa xeer-nidaamiye shuruudaha ku xusan farqadda (1) ee qodobkan:
x. Xxxxxx ku saabsan tahay xawilaadda elektorooniga xx xxxxx gudihiisa ah, ilaa iyo inta xeer-nidamiyuhu xeerinaayo in helitaanka xogta buuxda ee diraha looga dhigo suurtagal hay’adda maaliyadda ay ku socoto iyo maamulka awoodda u leh siyaabo kale; iyo
x. Xxxxxx ku saabsan tahay xawilaadaha ka gudba xuduudaha halkaas oo qof ka wareegsanaayo shaqsi dire ah keliya oo ku guntan xidhmo fayl ah, sida xeer- nidaamiyuhu xeerinaayo waa in lagu daraa lambarka xisaabta cidda diraysa ama lambar leh tixraac u xxxx xx, ama in xidhmada faylka ah ay ku jirto xogta diraha oo dhammaystiran oo si buuxda looga raad raaci karo dalka xawilaadda helaaya.
5. Farqadaha (1) iyo (2) ee qodobkan laguma dabaqayo xawilaadda lagu sameeyey kaarka deyminta iyo kaadhka qaan xxxx, sababtoo ah lambarka kaadhka dayminta iyo kaadhka qaan xxxx waxaa wehliya kala wareejinta ka timid dhaqdhaqaaqa, iyagana laguma dabaqaayo hay’adaha maaliyadeed ee isticmaalaya xisaabaadkooda gaarka ah.
6. Haddii hay’adaha maaliyadeed ay helaan xawilaad elektorooni ah oo aanay la socon xogta buuxda ee diraha sida uu xeeriyay qodobkan, waa inay qaadaan talaabooyin ay ku helayaan kuna xaqiijinayaan xogta ka maqan xxx’xxxx soo amartay dirida ama cidda loo soo diray. Haddii aanay helin xogta maqan, waa inay diidaan aqbalaada xawilaadda.
QAYBTA 4AAD:
XARUNTA WARBIXINADA MAALIYADDA
Qodobka 20aad: Aasaasid
1. Waa in la aasaasaa Xarunta Warbixinada Maaliyadda taas oo u shaqayneysa sida, hay'ad dhexe ee qaran oo ka mas'uulka ah qaabilaadda, codsashada, shaandheynta iyo faafinta habboon ee macluumaadka ku saabsan lacagta la dhaqay iyo maalgelinta argagixisada.
2. Si Ujeedooyinka xilkeeda ay u gudato, waa in Bangiga Dhexe ee Soomaaliya dhaqaale ahaanu taageeraa Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed
3. Xarunta waa ineey u madax banaanaataa waxqabadka hawlaheeda waana in xxxx xxxx imaan qof, awood, ama hay'ad kasta oo hageysa, tilmaameysa ama maamuleysa.
4. Xarunta waa in ay u gudbisaa Guddiga Qaranka ee La-dagaallanka Lacagta La Dhaqay warbixin ku saabsan hawlaheeda, xeeladaheeda iyo qorshayaasheeda.
5. Miisaaniyadda Xarunta waa in ay qortaa Xarunta Warbixinnada Maaliyadda Guddigana ansixiyaa.
6. Xarunta waa in Guddiga u magacaabaan Agaasime oo xilka haynaya muddo xxxx xxxx la cusbooneysiin karo hal mar keliya, wuxuuna ku imaanaaya habraac shaqo qoris tartaneed ama soo jeedinta Wasiirka Amniga waxaana ansixinaaya Guddiga ku xusan Qaybta 5aad ee Sharcigan;
7. Agaasimaha ayaa dejinaaya qaab dhismeedka iyo tirada iyo nooca jagooyinka shaqaalaha Xarunta waana inuu yeeshaa awooda shaqaaleynta iyo xil ka qaadista dadkaas.
8. Xxxxx Xxxxxxxxxx loo magacaabayo waa in uu soo buuxiyaa shuruudaha soo socda:
a. In uu dembi horay u xxxxx ama aan sababtaa looga joojin qabashada xil xafiis dowladeed; iyo
b. In uu leeyahay waaya-aragnimo xirfadeed oo ku haboon.
9. Guddiga waxaa uu xilka uga qaadi karaa Agaasimaha ka hor dhammaadka muddada xilkiisa, cod loo dhan yahay, marka laga reebo codka Agaasimaha qudhiisa, sababahaan:
a. Haddii mid ka mid ah shuruudaha kor ku qoran lagu xad gudbo;
b. Haddii lagu helo fal dambiyeed;
c. Uu noqdo qof aan awoodi xxxxx shaqada sababo la xiriira:
i. Anshax-xxxx xxxxx ah, ama
ii. Naafanimada Joogtada ah xx xxxxx ama maskaxda
10. Xil ka qaadista ma dhaqangeleyso ilaa Agaasimaha ama wakiilkiisa sharciga ah ilaa la siiyo fursad dhagaysi cadaaladeed ee ka dhacda guddiga hortiisa.
Qodobka 21aad:
Mas’uuliyadaha, maamulka iyo xilalka
Xarunta Warbixinnada Maaliyadda waa inay qaaddaa dhammaan hawlaha looga baahan yahay si ay u gutaan mas’uuliyadaha iyo xilalka soo socda:
1. Inay u adeegto sida xarun dhexe oo mas’uul ka ah weydiinta iyo xxxxxx xogta ku saabsan tuhunnada cadeynaya dembiga, dembiyada la xiriira hodmid sharcidarro iyo maalgelinta argagixisada, oo ay ku jirto warbixinnada dhaqdhaqaaqa lacagta caddaanka ah iyo warbixinada dhaqdhaqaaqyada shakiga leh ee ay soo gudbiso hay’adda warbixinta sidaas oo kale sida warbixinnada sheegta qaadista kala gudbida xuduudka ee lacagta caddaanka ah iyo sitaha agab lagu gorgortami karo ee ka yimaada saraakiisha kastamka, cfr. Qodobka 18.
2. Inay u adeegto sida xarunta dhexe ee hesha warbixinnada ku saabsan wax-isdhaafsiga, mucaamaladaha taxanaha ah ama isku deyga wax-isdhaafsiga khuseeya maaliyadaha lala xiriirinayo shaqisyaad ama Hay’adaha ku xusan qaraarada xayiraadda ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, cft. Qodobka 14.(1ee xarafka c,) ee ku saabsan argagaxisinimada, maalgelinta argagaxisada iyo faafinta xxxxx.
3. Iney u adeegto sida hay’ad dhexe oo si aan dib u dhac lahayn u xayireysa maaliyadda iyadoo tixraaceysa shuruucda lagu dabaqi karo.
4. Inay falanqeeyaan xogaha la helay si loo garto noocyada dhaqdhaqaaaq ee tilmaamaaya lacag dhaqida, maalgelin argagixiso iyo/ama la xiriira dembiyada hodmid sharci darro.
5. Inay la wadaagaan xogta hay’adda sirdoonka qaranka iyo hay’adaha u xilsaaran dhaqangelinta sharciga, mas’uuliyiinta qaran ee wax go’aamiya, hay’daha xxxx xx awoodda u leh iyo xogta maaliyadeed ee waxaha shisheeye ilaa xad inta maclumaad ee lagama maarmaan u xx xxx’adda heleysa si ay u fuliso mas’uliyadaheeda iyo hawlaheeda. Macluumaadka waxaa lala wadaagi karaa sirdoonka qaranka iyo mas’uuliyiinta maxkamadaha haddii macluumaadka uu la xiriiro arrimaha ammaanka ama tuhunnada fal dembiyeedka. Macluumaadka waxaa lala wadaagi karaa waxyaha shisheeye ee sirdoonka maaliyadeed kuna saleysan isfaham dhexmaraaya Waxyo Sirdoon Maaliyeed WSM-ku-WSM iyagoo unan ka dhexeyn heshiis qoran oo xxxx xx.
6. Inay sameeyaan oo hayaan xog-kaydiye la xaqiijiyay oo qarsoodi ah kuna saabsan dhaqdhaqaaqa lacagta cadaanka iyo macaamilo xawaalado laga shakiyo kuna saleysan warar laga helay hay'adaha warbixinta.
7. Inay kormeerto, sameyso cilmi-baaris garatanna lacagta la dhaqay iyo maalgelinta argagixisada, isbeddellada, heerarka, halista xxx xxxxxxxxx, iyo iney u faafiso xogtaas sida ugu haboon.
8. Inay ugu gudbiso Guddiga warbixinno sanadle ah, inta lagu gudo jiro taariikhda uu go’aamiyo Guddiga, warbixinadaas oo tilmaamaya natiijooyinka iyo guulaha Xarunta ee Qorshaha Xeeladeed, miisaaniyadda iyo warbixinta miisaaniyada xisaabeed, dhinnaanta iyo itaal-darnaanta la dagaalanka qaran ee lacagta la dhaqay iyo la dagaalanka maalgelinta taliska argagixisada, iyo talooyin si wax ku ool ah u dhayaaya arrimahaas.
9. Inay soo saarto xeer-nidaamiyayaal, ay siiso hagayaal jawaab celinno wasaaradaha iyo wakaaladaha ay khuseeyso iyo sidoo xxxx xxx’adaha warbixinta ee khataraha qaranka, hagayaasha, ka warbixinaya waajibaadyada gaarka ah iyo arrimaha kale si loo horumariyo dhaqangelinta la dagaalanka lacagta la dhaqaayo iyo la dagaalanka maalgelinta argagixisinimada.
10. Inay dejiyaan hirgeliyaana u hogaansanaanta kormeerida, iyo hababka xoojinta ee loogu talagalay qaybaha aaney ka jirin kormeerka Masuuliyiinta.
11. Xarunta waxay leedahay awood ay ugu soo rogaan hay'adaha warbixinta cunaqabateyn maamul iyo ganaaxyo dheelitiran, joogteysan oo wax ku ool ah oo la dulsaaro marka ay ka baaqsadaan u hogaansanaan kormeerka ay ku leeyihiin ee lidka ku ah lacagta la dhaqaayo oo looga hortagayo waajibaadka maalgelinta argagixisada.
12. Inay ka metesho dalka shirarka, fagaarayaasha iyo ururada heer qaran, gobol iyo heer caalami ee ku aaddan arrimaha khuseeya lacagta la dhaqaayo iyo maalgelinta argagixisada.
13. Inay la saxeexato xxxx fuliso qoraalo is faham iyo heshiisyo kale unugyada shisheeye ee sirdoonka maaliyadda si ay uga taageeraan una horumariyaan u hoggaansanaanta iyo dhaqangelinta hababka qaran ee la dagaalanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisinimada.
Qodobka 22aad:
Ilaalinta siraha iyo halbeegyada xirfadeed
1. Saraakiisha, shaqaalaha, wakiilada iyo dadka xxxx xx xil looga magacaabo Xarunta waa inay ilaaliyaan sirta xog kasta oo ay ku heleen xayndaabka shaqadooda, xitaa marka ay dhamaato shaqadoodu, marka laga reebo xaaladaha ku xusan Sharcigan.
2. Xogtaas waa inaan loo isticmaalin ujeeddooyin aan ahayn kuwa lagu tilmamaay Sharcigan, waxaana keliya la shaacin karaa ama lala wadaagi karaa hay’ad ku haboon marka ay soo codsadaan inay ugu baahan yihiin inay ogaadaan ujeeddada oo ah in la ogaado xxxxxx hortago lacag dhaqid, maalgelin aragagixiso, iyo dembiyadda horseedka ah ee la xiriira.
3. Xaruntu waa inay samaysaa xxxx (buugqoraal) iyo habraacyo ku saabsan habka hawlgalka gudaha kuwaas oo ay ku jiraan xeer anshaxeed si loo xaqiijiyo heerka sare ee anshaxa, daacadnimada iyo xirafad wanaagga. Buugqoraalka iyo habraacyadu waxaa ku qoran mamnuucidda iyo wax ka qabashada is khilaafka danaha iyo musuqmaasuqa.
Qodobka 23aad: Awoodaha kormeerka
1. Xaruntu waxay ka codsan kartaa warbixin ay ku jiraan qoraalo iyo diiwaano, hey’ad kasta oo warbixineysa si ay u xaqiijiyaan sharcigan. Hey”adaha warbixinaya waa inay siiyaan qoraalada iyo diiwaanada waqti haboon marka ay codsato Xaruntu.
2. Xaruntu waxay, xilli kasta oo macquul ah, geli kartaa goobaha hey’adda warbixineysa oo aan laheyn cid u xilsaaran kormeerka iyo fulinta xoojinta hey’adda warbixin la dagaalanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada si waafaqsan qodobka 21 (10)
3. Qof kasta oo si kutalo gal ah u carqaladeeya ama u diida inuu la shaqeeyo Xarunta ama hay’ad kormeer ama qaanuuni oo si sharci ah u gudanaya awoodahooda waa dembiile waxana la saaraya ganaaxyo ama ciqaabo ku habboon oo maamul, madani ama ciqaab si waafaqsan Cutubka VI ee Sharcigan.
QAYBTA 5AAD:
GUDDIGA QARAN EE LA DAGAALANKA LACAG DHAQIDDA IYO KA HORTAGGA MAALGELINTA ARGAGAXISADA
Qodobka 24aad: Aasaasidda
Waxa halkan lagu aasasay Guddiga Qaran ee la Dagaalanka Lacag Dhaqidda iyo ka Hortagga Maalgelinta Argagaxisada.
Qodobka 25aad:
Xxxxx Xxxxxxx
Xilka iyo waajibaadka Guddiga waa:
1. Inuu fududeeyo is waydaarsiga xogta, isku duwidda iyo wada shaqaynta ka dhexaysa hay’adaha xubnaha ka ah.
2. Inuu taageero uuna isku dubba rido dhisidda awoodda hay’adaha xubnaha ka ah si loola dagaalamo lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.
3. Inuu qiimeeyo hababka la dagaalanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada islamarkaana u horumariyo oo u isku duwo fulinta istiraajiyadda la dagaalanka lacag dhaqidda iyo ka hortagga maalgelinta argagaxisada.
4. Inuu isku duwo qiimaynta lagu sameeyo la dagaalanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.
5. Inuu u dejiyo siyaasadda iyo qorshayaasha Xarunta Warbixinada Maaliyadda iyo kala horraysiinta mudnaanaha istiraajiyad ku salaysan.
Qodobka 26aad:
Xxxxxxx Xxxxxxx
Guddiga wuxuu ka koobanyahay xubnahan soo socda ama xxx ka wakiil ah oo ay soo xusheen:
1. Wasiirka Maaliyadda oo noqonaya Gudoomiyaha Guddiga;
2. Wasiirka Cadaaladda;
3. Xeer-ilaaliyaha Guud;
4. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha;
5. Wasiirka Amniga Qaranka;
6. Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya;
7. Xxxxxxxxxx Xxx’adda Sirdoonka Qaranka; iyo
8. Agaasimaha Xarunta Warbixinada Maaliyadda oo ah Xoghayaha Guddiga
QAYBTA 6AAD:
CIQAABAHA MADANIGA AH IYO KUWA FAL DAMBIYEEDYADA
Qodobka 27aad: Cunaqabataymaha iyo ciqaabaha
1. Ganaaxyada, ciqaabaha ama tallaabooyinka sixid ee xadgudub ku ah qodob kasta oo sharcigan lagu soo rogay maamulka awoodda u leh, waa in uu u dhaqangeliyaa si wax ku ool ah, dheelitiran oo ka tarjumaysa aragtida xaaladaha dhabta ah.
2. Ganaaxyada iyo ciqaabaha la saaray hay’ad sharci ama qof dabiici ah waxay noqon karaan qayb ama dhammaan isugu daridda ganaaxyada ama ciqaabaha loo xxxx inay ku habboon yihiin iyada oo lagu salaynayo heerka culeyska sharci jebinta.
Qodobka 28aad: Qofka Dabiiciga ah
1. Dembiyada ciqaabta ayaa lagu qaadi karaa ciddii ku lug leh, dembiyada ku xusan xeer ciqaabeedka khuseeya, sidoo kale ciqaabaha soo socda ee lacag dhaqidda ama maalgelinta argagixisada:
a. Xarig aan ka yarayn xxx xxxx;
b. Ganaax aan ka yarayn kun (USD1,000) doolarka Maraykanka ama lacag u dhiganta ah, ugu badnaanna sadex jeer laabka lacagta la dhaqay;
c. Midkood ama labada ciqaabood ee kor ku xusan.
2. Ciqaabta madaniga ah iyo ama tan maamul ee ku haboon una dhiganta culayska xadgudubka sida hoos ku xusan:
a. Ganaax aan ka yarayn kun (USD1,000) doolarka Maraykanka ama lacag u dhiganta ah, ugu badnaan sadex jeer laabka qadarka lacagta la dhaqay;
b. In si ku meel gaar ama joogto ah looga joojiyo xil ama shaqo xafiis haddii uu ka shaqeeyo ama uu xxxx xxxx ganacsi Hey’ad madax banaan, sidii xirfadle qadar waqti ah oo ay ku jirto ilaa nolosha.
c. Meelmarinta amar kasta dib usixid oo ay soo saarto Xarunta, Bangiga Dhexe ee Soomaliya ama hay’ad kale oo awood u leh, ;
d. In si ku meel gaar ama joogto ah looga joojiyo ruqsad ama ogolaansho inuu hawlo qabto oo ku salaysan shuruudaha diiwaangelinta, ama la saaro xadidaad xxxxx xxx ogolaaday si waafaqsan ruqsadda ama diiwaangelinta;
e. Dhammaan ama isku dhafid kasta ee kor ku xusan.
Qodobka 29aad:
Ciqaabaha ay muteysanayaan Hey’adaha Qaanuuniga iyo maamulkooda
1. Hey’adaha qaanuuniga ee ku xadgudba qodob kasta oo Sharcigan ka mid ah, waxa lagu qaadayaa ciqaabaha kor ku xusan ee lagu dabaqaayo Qofka dabiiciga ah, marka laga reebo ciqaabta lacageed oo ay tahay inaanay ka yaraan shan iyo labaatan kun (USD25,000) Doolarka Maraykanka ama lacag u dhiganta iyo inaaney ka badnaan toban jeer lacagta la dhaqay.
2. Ciqaabaha kor ku xusan ee u degsan Qofka dabiiciga ah oo ay ku jiraan xarigga waxa sidoo kale la xxxxx xxxx saraakiisha, agaasimayaasha, maareeyayaasha ama xubnaha guddiga ee aan si toos ah ugu lug lahayn xadgudubka balse xilka ay hayaan darteed mas’uul ka ah joojinta, ka hortagga iyo xaqiijinta hufnaanta iyo fulinta hab wax ku ool ah oo lagaga hortago laguna ogaado xadgudubyada.
3. Hey’ad qaanuuni ah ruqsadeeda si ku meel gaar ama joogto ah ayaa loo hakin karaa ama loo xadidi karaa hawlaha loo ogolaaday, si ku meel gaar ama joogto kuna xiran hadba culayska xadgudubka.
4. Hey’ad qaanuuni ah si kama danbays ah ayaa loo kala diri karaa haddii la ogaado in halista xadgudubyada falalka noocaas ay keeneyso ama haddii Hey’xxxx xxx aasaasay in lagu taageero lacag dhaqidda, maalgelinta argagixisada ama abaabulidda falal dembiyeed.
QEYBTA 7AAD:
AMARRADA XAYIRAADDA IYO LA WAREEGIDDA
Qodobka 30aad: Ujeeddada
1. Qeybtaan waxaa lagu dhaqayaa dembi kasta.
2. Qeybtaan waxaa lagu dhaqayaa haddii falka saldhigga u ah dembiga, intaysan qeybtani dhaqan gelin, waxaa kale oo lagu dhaqayaa faa’idada laga helay xx xxxx ma xx xxx intaysan qeybtani dhaqan gelin.
3. Qeybta waxaa ikhtisaas u leh, Maxkamadda Gobolka,
Qodobka 31aad: Xxxxxxxxxx Xxxxxxxxxx
1. Markuu weydiisto Xeer Ilaaliyaha Guud Upon application from the Attorney General, sida ku xusan Qod. 32, iyo markay Maxkamaddu ku qanacdo, iyadoo ku qiimeyneysa suuragalnimada iney jiraan saldhig lagu tuhmo in faqradda (a) xxx xxxxxxxxx (b) ama (c) ay taagan yihiin, waxayna amri kartaa in la xayiro
a. Haddii aan qofka ay khuseyso aan lagu xukumin dembi, inuu galay dembi iyo qofkaa ay ku socoto baaris ciqaab ah ama lagu eedeeyey dembi; iyo
b. Haddii codsiga xayiraadda loo sameeyey in loo qabto si loo xaqiijiyo in xxxx xxxxxx wareego, ama
c. Haddii codsiga amarkaxayiraadda uu la xiriiro hanti argagixiso, hantidaasuna xiriir la leedahay.
2. Amarka dhawritaanka oo la xiriira hanti waa la xxx xxxxx karaa, haddey jirto ama aysan jirin khatar ah in hantidaasi lagu takrifalo, ama loo raadtiro oo keeni karta inaan la dhaqan gelin sharcigan.
Qodobka 32aad:
Habraaca Amarka Qabashada Hantida
1. Marka qof ay ku socoto dambi baaris, ama lagu eedeeo faldambi ama lagu helay dembi xxxx jiraan sababo macquul ah oo loogu tuhmo inuu dambigaa xx xxxxx dheef ama uu gacanta ku hayo hanti loo isticmaalay in lagu xxxx xxxxx ama hanti argagixiso, Xeer- ilaaliyaha Guud wuxuu u codsan karaa amar si waafaqsan faqradda (2) ee qodobkan wwaxyaabaha la xiriira arimahan soo socda:
a. Dheefta laga helay fal dembiyeedka noocaas ah ama hanti leh, qiime u dhigma dheeftaasi, haddii dheefta la helay aan la qabankarin.
b. Qalabkii lagu galay dembigaas; ama
c. Hantida argagaxisada.
2. Codsiga Xeer-ilaaliyaha Guud soo jeediyo, codsigaas oo lagu doonayo amar waafaqsan qaybtan waa in la dhegyastaa iyada oo dhinac xxxx ahi joogo maxkamadda oo xiran, haddii aan taasi si cad uga hor imaaneyn danta caddaaladda.
3. Codsiga amarka qabashada ee ku xusan faqradda (2) ee qodobkan waa inuu noqdaa mid qoraal ah oo ay la socoto caddeyn sarkaal ka tirsan hay’adaha sharci fulintu isagoo la dhaariyay taas oo tilmaamaysa tuhunka sarkaalku qabo iyo sababaha tuhunkiisa, waana in:
a. Hantida ku xusan codsigu ay tahay mid laga helay fal dembiyeed; ama
b. Hantidu tahay mid loo isticmaalay in lagu xxxx xxxxx, ama
c. Hantida ay ka timid ama looga xxx lahaa in loo isticmaalo fal argagixiso.
4. Marka codsiga ku xusan faqradda (1) (a) ee qodobkan la sameeyey ka hor intaan qofka lagu xukumin dembi, caddeynku waa inuu sheegaa sababaha tuhunka ku dhaliyay sarkaalka iyo sababaha loogu tuhmay qofka ay khuseeyso inuu galay dembi (dembiyo), iyo in uu ku socdo baaritaan dembi (dembiyo), oo ay ka mid yihiin qoraalka loo baahan yahay ee uu tuhunku ku saleysan yahay.
5. Haddii hantida la xiriirto codsiga amarku ee waafaqsan qodobkan ay tahay mid ku jirta gacan sadexaad, caddeynku waa inuu tilmaamaa tuhunka uu qabo sarkaalku iyo sababaha tuhunkiisa, in hantidaas rasmi ahaan iyo dhab ahaan uu iska leeyahay qofka uu tuhunsayahay ama, haddii aysan xaaladdu sidan ahayn oo cidda saddexaad loo hadiyeeyay ama ku heshey si khiyaamo ah waa inuu sarkaalku sheegaa sababaha uu wali u rabo in hantida la qabto
Qodobka 33aad:
Maareynta hantidda inta lagu xxxx xxxxxx qabashada
1. Waa mas’uuliyadda Xeer-ilaaliyaha Guud in uu hantida la qabtay u maareeyo si aan qimeheedu hoos ugu dhacayn ka hor inta aanay noqon mid lala wareego.
2. Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu aasaasi karaa Xafiiska Maareynta Hantida (XMH) ama waax hoostagta xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud. XMH-du waa in uu yeesho maareeye qabanaya mas’uuliyadda maalinlaha ee xafiiska, oo ay ka mid tahay go’aan qaadasho sida ugu habboon, sida in shirkad gaar loo leeyahay ee uu magacaabo maareeyuhu isagoo raacaya talooyinka Xeer Ilaaliyaha Guud in ay qabato qaar ka mid ah hawlaha maamulka hantida.
3. Maareeyaha hantida wuxuu xaraashi karaa hantida la qabtey si macquul ah oo loogu baahan yahay si loo ilaaliyo hantida iyo qiimaheeda, oo ay ka mid yihiin balse aan ku koobneyn :
a. Inay qayb ka noqoto dacwad madani ah oo saamaynaysa hantida;
b. Xaqiijinta in dhammaan waajibaadka la xiriira hantida la fuliyay;
c. Lacagaynta ama si xxxx xxx tacaamulidda hantida haddii ay tahay mid xumaanaysa ama laga yaabo inay khasaarto ama siyaabo kale u lumaysa, qiimeheedu degganayn ama kharashka kaydinteeda ama daryeelkeeda laga yaabo inuu xx xxxx qiimaheeda. Hase ahaatee ka hor lacagaynta hantidani waaa in oggolaansho looga helo maxkamadda haddii aysan jirin; arrimahani;
i. Shakhsiyaadka danaynaya hantida ay ogolaansho ku bixiyaan lacagaynta ama si xxxx xxx tacaamulka hantida; ama
ii. Dib u dhaca la xiriira inta la raadinayo ogolaanshaha ay u badan tahay inay ku keento hoos u dhac weyn qiimaha hantida; ama
iii. Qarashka helidda ogolaanshuhu uu san u qalmin qiimaha hantida.
d. Haddii hantida dhammanteed ama qayb ahaan ka mid tahay,
i. Shaqaalaysiinta ama eriyidda shaqaalaha iyo dadka wada ganacsiga;
ii. Samaynta wax kasta oo daruuri u ah ama ku haboon in loo fuliyo ganacsiga hab baayac mushtar oo ku habboon in ganacsigu u socdo si buuxda oo sharci ah; iyo
iii. Iibinta, lacagaynta ama xirista ganacsiga haddii aanu ahayn mid shaqaynkara, socon kara, faa’ido keeni kara, xx xxx markuu oggolaansho ka helo maxkamadda.
iv. Haddii hantidu ay ku jirto saamiyo shirkadeed, inuu isticmaalo xuquuqda la socota saamiyada haddii qofka u diiwangashan yahay inuu leeyahay saamiyada.
Qodobka 34aad: Shuruudaha la wareegidda
1. Kadib marka qof dembi lagu helo, hantida laga dheefay dembiga, loo isticmaalay dembiga ama hantida argagixiso waa in lala wareego.
2. Haddii hantida laga dheefay dembiga aanan la heli xxxxx xxxxx u dhigma hantida laga dheefay ayaa lala wareegey.
3. Marka amar maxkamadi ku samayso si waafaqsan qodobkan hanti aan ahayn lacag, maxkamaddu waxay tilmaameysaa nta qiimaha lacageed ee ay u aragto in hantida qiimeheedu yahay xiliga ay amarka bixinayso
4. Hantida la qabtay waxaa la wareegaya Jamhuuridda Federaalka ah ee Soomaaliya, haddii dhibbaneyaasha fal dembiyeedka la aqoonsan karo ma xxxx. Haddii dhibbaneyaasha la aqoonsan karo maxkamadda ayaa go’aan ka gaadhaysa in magdhow la siiyo dhibbaneyaasha iyada oo la adeegsanayo hantida lala wareegay.
5. Hantida qofka lagu helay fal dembiyeedka gebi ahaan ama qayb ahaan ayaa lala wareegi karaa haddii fal dembiyeedka noociisu yahay mid laga samayn karo dhaqaale badan fal
dembiyeedkana uu leeyahay ciqaab xabsi oo 4 sano ama ka badan ah (la wareegid fidsan), haddii qofka ay khuseyso uusan caddeyn in hantida lagu helay habab sharci ah.
Qodobka 35aad:
Habraaca helitaanka amarka la wareegista
1. Si looga helo amar la wareegis maxkamadda, cfr. Qodobka 34aad, Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu codsi u gudbinayaa maxkamadda isagoo ku caddaynaya in hantida wax la iska wayddiinayo ay tahay mid laga faaiiday fal dembiyeed ama loo adeegsadey in lagu geysto fal dembiyeedkaas ama hanti argagaxiso.
2. Marka laga reebo ogolaanshaha maxkamadda, Xeer-ilaaliyaha Guud waa in uu sameeyaa codsiga ku xusan farqada (1) hal (1) sano gudahiisa laga bilaabo taariikhda qofka lagu xukumay dembiga.
3. Xeer-ilaaliyaha Guud wax xx xxxxxx ayuu ku samayn karaa xilli kasta codsiga amarka la wareegista ka hor inta aan maxkamadda ka gaarin codsiga go’aan kama danbeys ah,iyada ay shardi tahay in wakhti macquul ah lagu ogaysiiyo wax ka beddelka shakhsiyaadka ay saamaynayso.
4. Marka codsiga ku xusan qodobkan ay Maxkamaddu si kama danbays ah go’aan ka gaarto, Xeer-ilaaliyaha Guud ma samayn karo codsi kale oo amar la wareegis ah oo la xiriira isla dembigii haddii aan maxkamaddu u ogolaan. Maxkamaddu ma siineyso ogolaanshahaas haddii aanay ku qancin in:
a. Hantida ama faa’iidada ee uu codsiga cusubi la xiriiro la ogaaday kadib markii maxkamaddu go’aan ka gaartay codsigii hore;
b. Cadayn laga maarmaan ah oo la helay kadib markii go’aan laga gaaray codsiga hore; ama
x. Xxxxx cadaaladda ay ku jirto in sidaas la sameeyo.
5. Codsiga dheeraadka ah ee ku xusan qodobkan lama samayn karo lix sano kadib taariikhda go’aanka kama danbaysta ah laga gaaray codsiga si waafaqsan qodobkan.
6. Ujeedada nuxurka qaybtani, qofka waxaa kaloo loola dhaqmi karaa in lagu xukumay danbi haddii:
a. Sababta dambiga loogu waayey ay tahay inaan qofkaas dhimirkiisu dhameyn kadib markii la xaqiijiyey in fal dembiyeed dhacay;
b. Xxxxxxxxxx xxxxx u qaadaneysaa dembiga iyadoo tixgelineysa markii ay xukunka ku dhawaaqaysay ogolaanshaha qofka la xukumay, ama
c. Qofka ay khuseyso uu dhinto ama la waayo ka hor xukunka balse maxkamaddu ay go’amiso in fal dembiyeedka xx xxxxx.
QAYBTA 8AAD: ISKAASHIGA CAALAMIGA AH
Qodobka 36aad:
Qodobo guud
1. Hay’adaha awoodda u leh, waa inay la yeeshaan iskaashi aad u balaaran oo suuragal ah la shaqeynta hay’adaha awoodda u leh, ee wadamada kale arimaha is-waydaarsiga eedaysanayaasha iyo is-kaalmaynta sharciga arimaha la xiriira dembi baadhista iyo dacwad oogista dembiyada ku saabsan lacag dhaqidda, dembiyada la saadaalinkaro ee la xiriira iyo maalgelinta argagixisada.
2. Haddii ay dhacdo in dowladda codsanaysa ay wayddiisato tallaabooyin xoog adeegsi ah in loo fuliyo marka uu falku labada xxxxx xx yahay xxxxx waa in la fuliyo. Tallaabooyinka xoog adeegsiga waxaa ka mid ah balse kuma koobna xirid, baaris, qabasho iyo dhageysiga isgaarsiinta
3. Falku dambi ka yahay labada dal waxa laga soo qaadayaa in la fuliyay iyadoo aan loo fiirineyn in qaanuunka dalka codsiga soo dhiibtay uu dembigaas u yaqaan isla nooc ama uu u yaqaan erey bixin la mid ah ta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo in kale, iyada ay shardi tahay in falka keensanaya dembiga kaalmeynta loo dalbaday uu ka yahay dembi shuruucda dalalka ay khuseeyso.
4. Wasaaradda Cadaaladda, oo kaashanaysa Xarunta WarbixinadaMaaliyadda, waa inay:
a. Soo saartaa xeer-nidaamiyayaal tilmaamaya habraacyo nidaamsan, qaababka iyo muddada lagu jawaab celinayo si loo xaqiijiyo in codsiyada is-kaalmaynta sharci si waxtar leh, loo tixgeliyay loogana jawaabay;
b. Ururisaa xog si loo kormeero loona qiimeeyo haboonaanta iyo waxtarnimada codsashada iyo ka jawaabista codsiyada is-kaalmaynta sharci;
c. Horumarisa habab iyo habraacyo looga xxx leeyahay in meesha laga saaro habsanka isadaba wareegga xafiisyadu ay keenaan iyo caqabadaha xxxx xx soo foodsaara is waydaarsiga iyo is-kaalmaynta sharci.
Qodobka 37aad: Codsiyada iskaashi sharci
Marka dal shisheeye codsi soo gudbisto, codsiyada iskaashi sharci ee la xiriirta lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso waa in loo fuliyaa si waafaqsan mabaadida ku xxxxx qaybtan. Is-kaalmayn sharci waxa ka mid noqon xxxx xxxx ahaan:
1. Ka qaadista caddayn ama hadal dad oo ay ka mid yiiin qaadashada bayaanada maxkamadda
2. Iska gacan siinta xarigga dad, marag raali ka ah caddeynka ama waxyaabo kale oo ay heli karaan hay’adaha garsoor xx xxxxx codsanaya si loo siiyo cadayn ama looga kaalmeeyo baaritaano;
3. Gaarsiinta qoraalo garsoor;
4. Fulinta fatashaad iyo qabasho;
5. Baadhista ashyaa iyo goobo;
6. Siinta xog, alaab cadayn ah iyo qiimayn khabiir;
7. Siinta nuqullo asal ah ama sawir ah ee qoraallo iyo diiwaanno, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo dawladeed, bangi, maaliyadeed, shirkadeed ama diiwaanno ganacsi;
8. U aqoonsiga ama raad raaca hanti laga dheefay dembi, dhaqaale ama hanti ama agab loo isticmalaay dembi ama waxyaabo kale ujeeddo caddaymeed ama la wareegis;
9. La wareegidda hantida;
10. Fulinta xayiradda iyo talaabooyinka xxxx xx ku meel gaarka ah;
11. Qaababka xxxx xx is-kaalmaynta sharci ee aan ka hor imanayn sharciyada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Qodobka 38aad: Diidmada fulinta codsiyo
1. Codsiga is-kaalmayn sharci waxaa la diidi karaa oo keliya haddii:
a. Aanay samayn hay’ad awood u leh, marka la eego sharciga dalka codsiga samaynaya, haddii aan loo soo gudbin si waafaqsan shuruucda khuseeysa ama nuxurkeedu aanu si wayn u waafaqsanayn Qodobka 44aad.
b. Fulintiisu ay u badan tahay inuu khatar ku yahay sharciga iyo kala danbaynta, madaxbanaanida, amniga, kala danbaynta guud ama xxxx xxxx oo muhiim ah oo ay leedahay Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya;
c. Dembiga uu la xiriiraa uu yahay mid gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya dacwad ciqaab ahi kaga socoto ama xukun ka soo baxay;
d. Ay jirto sababo waa weyn oo lagu rumaysto in talaabada ama amarka la dalbaday uu ku wajahan yahay qofka ay khuseeyso sababta oo ah sinjigiisa, midabkiisa, diintiisa, dalka uu u dhashay, isirkiisa, afkaarihiisa siyaasadeed, lab iyo dhedig kuu yahay, ama xaaladiisa;
e. Xxxxxx dembiga lagu sheegay codsigu aanuu ka ahayn dembi sharci Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ama aanu la wadaagin astaamo dembi lagu sheegay sharciga Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya; si kasta ha ahaatee, kaalmo waa in la siiyaa haddii aanay keensanayn talaabooyin qasab ah;
f. Haddii talaabooyinka la soo codsaday aan la xxxx xxxxx ama la xxxxx xxxxx sababtoo ah inuu ka dhacay waqtigu sida ku cad sharciga Jamhuuriyadda Federaalk ah ee Soomaaliya ee arimaha lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.
2. Codsi is-kaalmayn sharci lama diidi karo iyada oo lagu salaynayo ama la saarayo shuruudo xanibaad ah oo dheeraad ah.
3. Waajibka ilaalinta sirta iy xogta la isku aaminay ee saaran bangiyada iyo hay’adaha xxxx xx maaliyadeed lagama dhigan karo sabab lagu diido codsi.
4. Kaalmo lama diido karo iyada oo lagu salaynayo in dembigu uu sidoo kale la xiriiro arimo maaliyadeed.
5. Go’aan maxkamad ka soo saartay codsi is-kaalmayn sharci waxaa laga qadan karaa rafcaan.
6. Hay’adda awoodda u leh, waa inay sida ugu dhaqsi badan u ogaysiisaa haya’adda awoodda u leh, ee shisheeye sababaha lagu diiday in la fuliyo codsiga.
Qodobka 39aad: Codsiyada tallaabooyin baaritaan
1. Tallaabooyinka Baaritaan waxaa loo qaadayaa si waafaqsan habraaca shuruucda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya haddii aan hay’adda shisheeye ee awooda u leh codsan habraac xxxx xx oo aan ka hor imanayn shuruucda Soomaaliya.
2. Sarkaal ay u xilsaaratay hay’adda shisheeye ayaa ka qayb xxxx xxxx tallaabooyinka fulinta.
Qodobka 40aad:
Codsiyada talaabooyin ku meel gaadh ah
1. Talaabooyinka ku meel gaarka ah ee dal soo codsado waa in loo qadaa si waafaqsan shuruucda maxalliga ah. Haddii codsiga loo soo qoro si guud, talaabooyinka ugu haboon ee sharcigu ogol yahay waa in la isticmaalaa.
2. Haddii shuruucda maxaliga ahi aanay dhigayn talaabooyinka la soo codsaday, hay’adda awoodda u leh, waxay ku beddeli kartaa talaabooyinka uu ogol yahay sharcigu ee saamayntoodu ay ugu dhowdahay talaabooyinka la soo codsaday iyadoo xxxxxx tashanayo dowladda codsanaysa.
3. Talaabooyinka ku meel gaarka ah waxa iskeed ama codsi uu u soo gudbiyay xafiiska Xeer-ilaliyaha Guud ama qof la tuhun san yahay ama qof ku sheeganaya xuquuq hantida, qaadi karta xilli kasta hay’adda garsoor ee amartay talaabooyinka ku meel gaarka ah, haddii sababo macquul ah oo loogu tuhmi karo dembi aysan jirin. Ka hor intaan la qaadin talaabo ku meel gaarka ah, dalka soo codsaday waa in la ogaysiiyaa.
Qodobka 41aad: Codsiyada la wareegidda
1. Xxxxx xxxxxxx is-kaalmaynta sharci uu dalbanayo amar la wareegis, hay’adda awoodda u leh, way aqoonsan kartaa islamarkaana fulin kartaa amarka la wareegidda ee ay samaysay maxkamad dalka codsanaya ama waxay u gudbin kartaa Xeer-ilaalinta si ay u dalbato amar la wareegis oo maxalli ah, haddii amarkaas la helona waa la fulinayaa.
2. Haddii hay’adda awoodda u leh, ay aqoonsato oo ay fuliso amar la wareegis oo dalka debediisa laga soo saaray, waa inay raacaan natiijada xaqaa’iqa amarku ku salaysan yahay.
Qodobka 42aad:
Ku Go’aan ka gaaris ayaaha hanti lala wareegay
Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa awood u leh, inay ku takrifasho hanti lagula wareegay dhulkeeda codsiga hay’ado shisheeye oo awood u leh;darteed haddii aan si sidaas ka duwan lagu sheegin heshiis ay la gashay xxxxx xxx xxxxxxxx, iyada oo aan waxba loo dhimayn in hantida loo celiyo mulkiileh, ii xaqa ahaa si niyad sami ah.
Qodobka 43aad: Baaritaan wada jir xx
Xxx’adaha awoodda u leh, way la geli karaan heshiisyo ama is xxxxx xxxx geesood ama in ka badan ah arimo la xiriira baritaano ama dacwado ka socda hal dal ama in ka badan si loo sameeyo koox wada jir ah oo baarayaal ah loona fuliyo baaritaano wada jir ah. Heshiisyada noocaas ah waa in ay sharxaan waajibaadyada, awoodaha, macluumaad wadaagista, kharashaadka iyo wwaxyaabaha xxxx xx la xiriira. Haddii aanu jirin heshiiskaas ama is fahamkaas, baritaanada wada jirka ah waxa loo samaynaya dacawd walba gaar keeda.
Qodobka 44aad:
Isu Dhiibista Eedaysanayaasha
1. Lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisinimada waa dembiyo keeni kara in la isku waydaarsado eedaysanayasha.
2. Fulinta codsiyada la xiriira lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada waxa loo raacayaa habraacyada iyo mabaadida ku xusan mucaahadooyinka is-waydaarsiga eedaysanayaashaMarka aanay jirin mucaahadooyin ama arimaha aan lagu dhaqayn mucahaadooyinka, habraacyada iyo mabaadida waxa loo raacayaa shuruucda maxalliga ah.
3. Is-waydaarsiga eedaysanayaasha Sharcigan gudihiisa waa in la fuliyaa keliya haddii dembiga keenay codsiga is-waydaarsiga eedaysanaha ama dembi la mid ahi u ku jiro sharciga dalka soo codsanaya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaliya.
4. Is-waydaarsi eedaysane lama samayn karo:
a. Haddii ay jiraan sababo adag oo lagu rumaysan karo in codsiga is-waydaarsiga eedaysnayaasha uu yahay mid loo sameeyey ujoodada oo ah in lagu oogo dacwad ama lagu ciqaabo qof sababta oo ah lab iyo dhedig kuu yahay, xxxxxxxxxx,
diintiisa, dhalashaddiisa, isirkiisa ama aragtidiisa siyaasadeed ama in haddii la raaco codsiga ay ku keenayso khatar maqaamka qofka ee mid ka mid ah sababaha kor ku xusan;
b. Haddii xukun kama danbays ah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliyi ka soo sartay dembiga codsiga is-waydaarsiga eedaysanayaasha laga soo gudbiyay.
c. Haddii qofka laga soo gudbiyay codsiga is-waydaarsiga uu siiyay sharciga labada dal midkood xasaanad inaan lagu soo oogi xxxxx xxxxxx ama ciqaab sababtu waxay doonto ha noqotee, taas oo ay ku jirto muddo dhaaf waqtiga ku salaysan ama cafis;
d. Haddii ay jirto sababo adag oo muujinaya in qofka codsiga is-waydaarisga laga soo gudbiyay lagu sameeyey ama lagu samayn doono jidh dil ama hab dhaqan ama ciqaab xun, oo ka soo horjeeda bini’aadamnimada ama sharaf dil ah ama aanu helin ama heli doonin dammaanad qaadka u yar ee looga baahan yahay dacwad ciqaab ah, sida ku cad qodoba 14 ee Mucaahadada Caalamiga ah ee Xuquuqaha Madaniga ah iyo kuwa Siyaasadeed.
5. Codsi is-waydaarsi eedaysane looma diido karo iyada oo lagu salaynayo keliya in dembigu uu sidoo kale la xiriiro arimo maaliyadeed.
6. Is-waydaarsiga eedaysaneyaasha waa la diidi karaa haddii:
a. Dacwad ciqaab ah oo la xiriirta dembiga codsiga is-waydaarsiga eedaysane laga soo gudbiyay ay kaga socoto gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya qofka la codsaday in la is-waydaarsado.
b. Dembiga codsiga laga soo gudbiyay lagu galay dhul ka baxsan labada xxxxx islamarkaana sharciga Jamhuuriyadd Federaalka ah ee Soomaaliya aanu u siiyeen ikhtisaas Soomaaliya dembi lagu galay meel ka baxsan dhulkeeda duruuf la mid ah duruuftan;
c. Qofka codsiga is-waydaarsiga eedaysanayaasha laga soo gudbiya lagaga xxxxxxx xxxxx xxxxxx xxxxxxx ama ay suurgal tahay in lagaga qaado dacwad ama lagaga xukumo dalka soo codsanaya maxkamad aan caadi ahayn ama asaas ahaan aan xxx xxxxx oo si aan xxxxxx xxxxx xxx xxxxxxx;
d. Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo tixgelinaysa dabeecadda dembiga iyo danaha dalka soo codsanaya, ay u aragto marka la eego duruufaha dacwadda, in is-waydaarsiga eedaysanaha anaay la jaan qaadi xxxxx xaaladaha bin aadantinimo ee qofka marka la eego da’diisa, caafimaadkiisa ama xaaladaha xxxx xx shaqsi ee qofka;
e. Codsiga is-waydaarsiga eedaysanaha lagu saleeyey xukun kama danbays ah oo la gaadhay iyada oo uu maqan yahay qofka la xukumay iyaga oo sabab ka baxsan awooddiisa darteed aan la siiinin ogaysiis ku filan dacwadda ama fursad uu ku diyaarsado difaaciisa islamarkaana aanu haysan aanuna heli dooni fursad in dacwadda dib loo qaado isaga oo jooga.
f. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ay qaadday mas’uuliyadda dacwad ku soo oogista;
g. Qofka codsiga is-waydaarsiga eedaysanayaasha laga soo gudbiyay ciqaab dil ah laguma xukumi karo dembiga qofka uu ku eedeeyey dalka soo codsaday, haddii aan dalku keenin xaqiijin ku filan inaan ciqaabta dil ah lagu xukumi doonin.
7. Haddii codsiga is-waydaarsiga eedaysanayaasha loo diido sababo ku xusan Qaybtan, dacwadda waa in loo gudbiyaa hay’adaha awoodda u leh si loo bilaabi karo dacwad ka dhan ah qofka ay khuseeyso dembiga laga soo gudbiyay codsiga.
8. Arimaha la xiriira lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixada, Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay bixin kartaa is-waydaarsi eedaysanayaal kadib marka ay hesho codsi xarig ku meel xxxx xx, iyada oo ay shardi tahay in qofka codsiga is-waydaarsiga eedaysanayaasha laga soo gudbiyay uu si cad raali ahaanshihiisa uga sheego hay’ad awood u leh horteeda.
Qodobka 45aad:
Habka iskaashiga sharci iyo Is-waydaarsiga Dembilayaasha
1. Dabeecadda siysadeed ee dembiyada Sharcigan gudihiisa, lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada lagama soo qaadi karo dembiyo siyaasadeed ama kuwo la xiriira dembiyo siyaasadeed ama dembiyo ay dhiirigeliyeen ujeeddooyin siyaasadeed.
2. Gudbinta iyo habaynta codsiyada
a. Wasaaradda Cadaaladda ayaa mas’uul ka ah awoodna u leh, inay hesho codsiyada is-kaalmaynta sharci iyo is-waydaarsiga eedaysanayaasha ee ay soo diraan hay’adaha shisheeye ee awoodda u leh, ee arimaha la xiriira lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, waana inay fulisaa ama u gudbisaa hay’ado awood u leh, si ay u fuliyaan. Waa inay xaqiijisaa in si deg deg ah oo haboon ay u fuliso ama u gudbiso codsiyada ay hesho ama, haddii ay cid kale u sii gudbiso, ay ku dhiirigeliso inay si degdeg ah u fuliyaan hay’adaha awoodda u leh,
i. Marka xaaladdu degdeg tahay, codsiyadaas waxaa la xxx xxxxx karaa Booliiska Caalamiga ah (ICPO/Interpol) ama hay’adaha shisheeye ayaa si toos ugu soo gudbin xxxx xxx’adaha garsoor ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Marka ay sidaas tahay, hay’adda heshay codsiga waa inay ogaysiisaa Wasaaradda Cadaaladda.
b. Codsiyada iyo jawaabaha waa in lagu gudbiyaa habka boostada ama xxxxxx xxxx oo dhaqso badan oo leh, diiwaan qoraal ah ama u dhigma oo ah xaalado u ogolaanaya Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya inay xaqiijiso run ahaanshahooda.
c. Codsiyada iyo lifaaqyadoodu waa inay la socotaa turjumaad ah luqad ay aqbali karto Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Qodobka 46aad:
Nuxurka codsiyada
1. Codsiyadu waa inay si xxxx xx u:
a. Tilmaanta hay’adda codsanaysa amarka;
b. Magaca iyo xilka hay’adda samaynaysa baaritaanka, dacwad oogista ama dhegaysiga dacwadda;
x. Xxx’adda wax laga codsanayo;
d. Ujeedada codsiga iyo faalo kasta oo kale oo la xiriirta;
e. Xaqaa’iqa taageraya codsiga;
f. Faah-faahin kasta oo la ogyahay oo fududaynaysa aqoonsiga dadka ay khuseeyso, gaar ahaan magaca, xaaladdisa guur, dalka uu u dhashay, cinwaanka iyo goobta uu xxxxx yahay iyo shaqada;
g. Xxx kasta oo laga maarmaan u ah aqoonsiga iyo raad raaca dadka, agab lagu isticmaalay dembi, dhaqaale ama hantida codsigu khuseeyo;
h. Qodobada sharci ee dembigu ku salaysan yahay, ama marka ay jirto, qoraalka sharciga lagu dabaqayo dembiga iyo tilmaan ciqaabta lagu soo rogi karo dembiga;
i. Qeexidda gacansiinta iyo faah-faahinta habraacyada gaarka ah xx xxxxx wax codsanaya uu rabo in la raaco, taas oo ay ka mid tahay in gargaarka uu dooonayo uu ugu tilmaamanyahay sida tallabo adeegsi xoog iyo haddii uu jiro amar ka soo baxay maxkamadda dawladda codsaneysa. . Haddii sida danbe ay jirto nuqulka amarka maxkamadda waa in loo gudbiyo hay’adaha Soomaaliya ee awoodda u leh, .
2. Intaas waxa xxxxx, in codsiyada ay ku jiraan arimahan soo socda xaalado xxxx xx oo tilmaaman:
a. Marka ay tahay codsiyo ku aadan talaabooyin ku meel xxxx xx: tilmaanta talaabooyinka la rabo;
b. Marka ay tahay codsi ku aadan amar la wareegis: qoraalka xaqaa’iqa iyo dooda u suuragelinaysa hay’adaha garsoorka inay soo saaraan amarka la wareegidda si waafaqsan shuruucda maxalliga ah;
c. Marka ay tahay codsiyo fulinta amarro la xiriira talaabooyin ku meel xxxx xx ama la wareegis:
i. Nuqul la tasdiiqiyay oo amarka ah, iyo qoraal asbaabta loo soo saaray amarada haddii aan lagu sheegin amarka dhexdiiisa;
i. Qoraal cadaynaya in amarku yahay mid la fulin karo oo rafcaan caadi ah laga xxxxxx xxxxx;
ii. Tilmaanta ilaa xadka ay tahay in amarka la fuliyo iyo, marka ay jirto, cadadka dib looga soo celinaayo sheyga ama shey-yaasha hantida;
iii. Xxxxx ay laga maarmaan tahay iyo haddii ay suuragal tahay, xog kasta oo la xiriirta xuquuq xxx sadexaad ku sheeganayso agab dembi lagu isticmaalay, dheef dembi laga helay, hantida ama wwaxyaabaha kale.
3. Marka ay tahay codsiyada is-waydaarsiga eedaysanayaasha, haddii qofka lagu xukumay dembi, nuqulka asalka ah ama nuqul la tasdiiqay oo xukunka ah ama qoraal kasta oo kale oo dhigaya xukunka iyo ciqaabta lagu soo rogay, xaqiiqada in xukunka la fulin karo iyo ilaa xadka xukunka la soo rogay xx xxxxxx ee uu qaadan doono.
Qodobka 47aad:
Xog dheeri ah
Wasaaradda Cadaaladda ama hay’xxxx xxxx ee awoodda u leh, ee gacanta ku haysa arrinka, waxay ka codsan karaan, xog dheeri xx xxx’adda shisheeye ee awoodda u leh, haddii ay ugu muuqato inay laga maarmaan u tahay si loo fuliyo ama loo fududeeyo fulinta codsiga.
Qodobka 48aad: Waajibka ilaalinta sirta
Marka codsigu waajibinaayo in jiritaankiisa iyo nuxurkiisa laga dhigo xog la ilaaliyay, waajibkaas waa in la dhawraa. Haddii aanay sidaasi suuragal ahayn, hay’adaha soo codsatay waa in sida ugu dhaqsaha badan loo ogeysiiyaa.
Qodobka 49aad:
Dib u dhigista ka jawaabista codsiga
Wasaaradda Cadaaladdu waxay dib u dhigaysaa inay u gudbiso hay’adaha awoodda u leh, ee ka mas’uulka ah fulinta codsiga haddii talaabada ama amarka la soo dalbaday ay suurgal tahay inuu si weyn u faro geliyo baaritaan socda ama dacwad. Waana inay isla markaaba sidaas ku wargelisaa hay’adda soo codsatay.
Qodobka 50aad: Qarashka
Qarashyada la gelayo si loo fuliyo codsiyada ku xusan qaybtan waa in uu bixiyo dalka soo codsaday haddii aan labada dal ku heshiin si sidaas si ka duwan.
Qodobka 51aad: Wadaagga Hantida lala Wareegey
Hantida lagu helay fulinta amar la wareegis waa in loo qaybsado sida soo socota, haddii aan si kale loogu heshiin: Haddii hantida lagu helay fulinta amarka la wareegidda ay ka yartahay USD 5.000, ama qiimo u dhigma waxaa qaadanaysa dawladda Soomaaliya. Haddii ay lacagtu/hantida qiimeheegu ka badanyahay USD5000 sida ay u qaybsanayaan waxaa ka heshiinaya dhinacyada ay ka dhaxayso.
QAYBTA 9AAD: QODOBO KALA DUWAN
Qodobka 52aad:
Awoodda Soo-saaridda Xeer-hoosaadyada
Wasiirka ka mas’uulka ah arrimaha maaliyadda: -
1. Waxa uu soo saarayaa xeer-hoosyaadyo si habboon loogu dhaqangelinayo Sharcigan markii loo baahdo iyo meeshii looga baahdo isaga oo la tashanaya Xarunta Warbixinta Maaliyadda.
2. Waxa uu soo saarayaa xeer-hoosaadyada looga baahan yahay ama waxtarka u leh, hirgelinta tallaabooyinka uu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, oo raacaya Qodobka 41aad ee Axdiga Qaramada Midoobey, go’aansado in la qaado si loo taabbo geliyo mid ka mid ah go’aamadiisa uuna ugu baaqo dalalka xubnaha ka ah in ay dhaqangeliyaan.
Qodobka 53 aad:
Ka sarreynta sharciyadi hore
Sharcigan wuxuu ka sarreynayaa wixii sharci ah oo aan la socon xxxxx ama ka hor imanaya.
Qodobka 54aad: Xxxxxx xxxxx xxxxxxxxx
Sharcigan wuxuu dhaqan galayaa marka uu Baarlamaanku ansixyo uuna saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.