HESHIIS U DHEXEEYA SOOMAALIYA IYO TURKEY KUNA SAABSAN WADA SHAQEYNTA DHANKA CAAFIMAADKA IYO AQOONTA CAAFIMAADKA
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
HESHIIS U DHEXEEYA SOOMAALIYA IYO TURKEY KUNA SAABSAN WADA SHAQEYNTA DHANKA CAAFIMAADKA IYO AQOONTA CAAFIMAADKA
Xukuumadda Jamhuuriyadda Turkiga iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya (oo noqonayo dhinacyada heshiiskan)
Ayadoo heshiiskan uu saldhig u yahay rabitaanka horumarinta Iskaashiga labada Xukuumadood ka dhexeeyo ee dhinacyada daryeelka Caafimaadka iyo Cilmiga Caafimaadka.
Ayagoo garwaaqsan in Iskaashigani yahay mid wax ku kordhinayo horumarinta daryeelka Caafimaadka ee shacabka labada Dal.
Waxay ku Heshiiyeen sida soo socoto:
Qodobka 1aad: Ujeeddada
Labada dhinac, ayadoo lagu saleeynayo mabaadi'da sinaanta iyo wax isdhaafsiga, si waafaqsanna kala faa'idaysiga iyo shuruucda labada dal, waxay xoojinayaan wadashaqaynta Iskaashiga Daryeelka Caafimaadka iyo Culuumta Caafimaadka.
Qodobka 2aad: Meelaha la iska Kaashanayo
Labada dhinac waxay Heshiiskan isaga kaashanayaan isla markaana xoojinayaan Daryeelka Caafimaadka iyo Culuumta Caafimaadka ee meelaha soo socda:
a. Xoojinta nidaamyada Xxxxxxxxx Xxxxxxxxxx;
b. La dagaalanka cudurada faafa iyo hawlaha talaalka;
c. Horumarinta Daryeelka Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka iyo yaraynta heerka dhimashada ee Hooyada iyo Dhalaanka;
d. Barashada aqoonta Caafimaadka;
e. Caafimaadka deegaanka;
f. Adeegga Caafimaadka Dhimmirka;
g. Daawada, kaydinta iyo daawo- diyaarinta iyo qalabka adeegga Caafimaadka;
h. Maareeynta adeegyada caafimaadka degdega ah iyo maareeynta adeegyada caafimaadka xilliyada musiibooyinka.
Qodobka 3aad: Qaabka wada Shaqaynta
Labada dhinac waxay heshiiskan Iskaashiga daryeelka Caafimmadka iyo Culuumta Caafimaadka uga wada shaqaynayaan qaababka soo socdo:
a. Isdhaafsiga xogaha iyo Khibradaha;
b. Isdhaafsiga wafuudda, Khubarada iyo hawlwadeennada Caafimaadka;
c. Tababaro waqti gaaban ee hawlwadeenada Caafimaadka (gaar ahaan tiknooloogiyada cusub ee adeegga Caafimaadka);
1 | P a g e
d. Iskaashiga xx xxxx shaqaeeynta mashaariicda wada jirka ah;
e. Suurtogelinta Iskaashigha hay’adaha ku howlan caafimaadka;
f. Ku Dhiirigelinta ka qayb-galidda aqoon-yahanada kulamada, aqoon iswaydaarisiyada, dood-cilmiyeedyada iyo xxxxxx cilmiyeedka kale oo uu qabto mid ka mid ah labada dhinac.
Qodobka 4aad: Guddiga Wadajir u shaqaynta
Dhinacyadu waxay dhisayaan guddi si wadajir ah uga shaqeeyo taaba-galinta heshiiskan, kaaso looga gol leeyahay ka howl-galidda iyo isku dubaridka faahfaahinta wada shaqaynta ka dhaxeeyso labada dhinac.
Guddigan wuxuu kulmayaa ugu yaraan halmar sanadkiiba, asagoo dib-u-eegis ku samaynaya, in si la taaban karo loo dhaqan-galiyo howlaha iskaashiga iyo barnaamijyada si waafaqsan habraaca ay labada dhinac isla ogolaadeen, kuna sameeyaan daba-gal sidii loo xxxxx-xxxxx lahaa barnaamijyadaas.
Qodobka 5aad: Daawaynta Bukaanka
Wasaarada Caafimaadka ee Jamhuuriyada Turkiga waxay Dalkeeda daaweyn lacag la'aan ah ugu qaadaysaa xxxxx xxxxx 250 bukaan ah oo Dalka Soomaaliya gudihiisa wax loogu qaban waayay.
Xxx xulista bukaanadan waxaa sameeynaya Wasaarada Caafimaadka iyo Deryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo Safaaradda Dawlada Turkiga ay ku leedahay Soomaaliya, waxaana ugu dambaysta lagu soo dhameystiridoonaa ogolaashada Wasaarada Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Turkiga.
Qodobka 6aad:
Dhismaha iyo fududaynta howlaha Caafimaadka
Jamhuuriyadda Turkiga waxay abuuri kartaa goobo ay xx xxxx galaan hawlwadeennadeeda Caafimaadka si ay u fududeeyaan howlaha Caafimaad ee Soomaaliya. Arrimaha la xiriira howlaha fududaynta, waxaa isla xaddidaya labada dhinac. Muwaadiniinta shaqaalaha Caafimaadka Turkiga ah ee ka howl-galaya howlaha Caafimaadka Soomaaliya waxaa lagu maamulayaa Sharciga Turkiga.
Qodobka 7aad: Xxx'xxxxx Xxxxxx-xxxxxxx
Wasaarada Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Turkiga iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Dalyeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ayaa fulinaya hirgelinta Heshiiskan.
2 | P a g e
Goobaha hirgelinta iyo shuruudaha wada shaqaynta lagu xusay heshiiskan, waxaa la iskula xaddidayaa, diyaarinta qorsho Hawleedyo iyo Barnaamijyo lagu hirgalinayo oo waqtiyeysan iyo tira ahaanba ay dhinacyadu u arkaan in loo baahan yahay.
Qodobka 8aad: Hannaanka dhaqaalaha
Booqashoyinka khubarada iyo shaqaalaha xxxx xx labada Dal ee soo galaya qaab dhismeedka heshiikan:
a. Dhinaca wax diraya ayaa bixindoona kharashaadka socdaalka ee lagu aadayo, loogana soo noqonayo Dalka martigelinaya;
b. Dhinaca martigelinaya waxa uu daboolayaa kharashaadka cuntada, hooyga, socdaalka dalka gudihiisa (haddii loo baahdo) ee dadka martida ah. Waqtiga Booqoshado waa in aysan ka badan laba Toddobaad.
Qodobka 9aad: Xallinta khilaafaadka
Is qabad kasta oo ka dhasho fasiraadda ama dhaqan-gelinta heshiiskan, waxaa lagu xallinayaa wadahadal, ayadoo loo marayo wadaxaajood ama wadatashiyo labada dhinac ah, ayadoo loo marayo xxxxxx dibloomaasiyadda.
Qodobka 10aad: Dhaqan-xxxxx iyo Muddada
Heshiiskan wuxuu dhaqan-galayaa taariikhda ay dhinacyadu kala helaan wargelinta qoraal ugu dambays ah, taas oo ay dhinacyadu isku wargelinayaan, ayadoo loo marayo xxxxxx dibloomaasiyadda, kaddib marka ay soo dhamaystiraan habraac-sharciyeedka looga baahan yahay wadamadooda si uu heshiiskani u noqdo mid loo maray nidaamka sharcigoodu ku xirayo meelmarin heshiisyada.
Heshiiskani waqtiga uu soconayo waa shan (5) sano. Heshiiskan waxa uu si aan kala go’ lahayn u cusboonaysiismayaa muddooyin isku xig xiga oo min xxx xxxx ah, haddii uusan dhinacyada mid ka mid ahi ku wargelin dhinaca kale si qoraal ah rabitaankiisa ah inuu doonayo inuu ka baxo muddo Lix (6) bilood ah ka hor dhammaashada waqtiga heshiiska, ayadoo loo marayo waddada dibloomaasiyadda.
Dhammaashada waqtiga heshiiskan ma saameeyndoonto hirgelinta howlaha iyo mashaariicda socota.
Heshiiskan waxaa xillikasta wax looga badalikaraa, ogolaasho qoraal ah oo ay labada dhinac is dhaafsadeen kaddibna ay isla ogolaadeen. Wax-ka-badaliddu waxay ku dhaqangaleysaa si waafaqsan habraac-sharciyeedka ku xusan qodobka 10aad faqraddiisa 1aad.
3 | P a g e
Heshiiskan waxaa lagu dhammeystiray Istanbul 27 June 2013, asagoo ka kooban laba nuqul oo asal ah, luuqada lagu qorayna ay tahay Turki iyo Ingiriis loona turjumay Afsoomaali, dhammaan qoraalada si isku mid ah ayey rasmi u yihiin. Haddii ay kala duwanaasho xagga fasiraada ah dhacdo, qoraalka Ingiriiska ayaa noqonaya midka asalka ah ee la tixraacayo.
Wakiilka Xukuumadda Jamhuuriyadda Wakiilka Xukuumadda
Turkiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Xx. Xxxxxx Xxxxxxxxxxx Xx. Xxxxxx Xxxxxx Xxxxx Wasiirka Caafimaadka Wasiirka Horumarinta iyo Ad. Bulshada
4 | P a g e