Xarunta PACER waxay ku dhiirigelisaa waalidiinta inay marka hore isku dayaan xallinta khilaafaadka, iyago la wadaagaya welwelka ku saabsan adeegyada waxbarasho ee Barnaamijka Waxbarashada Gaarka ah (IEP) ee ilmahooda maamulaha kiiska (IEP case...
Xarunta PACER waxay ku dhiirigelisaa waalidiinta inay marka hore isku dayaan xallinta khilaafaadka, iyago la wadaagaya welwelka ku saabsan adeegyada waxbarasho ee Barnaamijka Waxbarashada Gaarka ah (IEP) ee ilmahooda maamulaha kiiska (IEP case manager) iyo/
ama agaasimaha waxbarashada gaarka ah ee degmada dugsiga.
Wac 952.838.9000 ama u dir email XXXXX@XXXXX.xxx si aad ula hadasho u doodaha (advocate) waalidka ee PACER. Oo aad u weydiiso wixii welwel ama su’aalo aad ka qabto xeeladaha lagula xiriiro degmada dugsiga, iyo dhammaan dariiqadaha xulashooyinka xallinta khilaafaadka.
Si aad wax uga ogaato fursadaha xxxx xx xallinta khilaafaadka Minnesota, eeg daabacaadda xarunta PACER ee Xulashada Xalinta khilafaadka ee Minnesota: Kulamada waxbarashada gaarka ah oo
ay waalidiinta iyo degmooyinka dugsiyadu xx xxxx shaqeeyaan si loo xaliyo khilaafaadka.
Si aad u hesho macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan dhammaan fursadaha xallinta iyo helitaanka ilaha la xidhiidha xxxxxx tooska ah ee moobilka, sahmi Xarunta PACER Hagaha Xallinta Khilaafaadka ee waalidiinta Minnesota.
Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Wasaaradda Waxbarashada ee Minnesota (MDE), qaybta Caawinta iyo ilaalinta habraaca 651.582.8689 ama mde.assistance xxxxxxxxxx@xxxxx.xx.xx.
Wasaaradda Waxbarashda ee MN waxey waalidiinta siisa ilo dhanka qadka ah oo dheeri ah si lo taageero xalinta khilafaadka Waxbarashada Gaar-ahaneed.
PACER waxay ku riyaaqda inay tahay Xarunta Tababarka iyo Macluumaadka Waalidka
Xarunta PACER waxey waalidiinta leh caruurta iyo dhalinyarada dib u-dhaca leh u fidisaa macluumaad, tababaro, iyo caawimaad, si loo ballaariyo fursadahooda waxbarasho iyo kor u qaadida tayada nolosha qof walba, tan iyo 1978.
PACER Center, Inc.
0000 Xxxxxxxxxx Xxxx.
Minneapolis, MN 55437-1044
952.838.9000 | 800.537.2237
XX.xxx/XXXXXXxxxxx Xxxxxxxxx.xxx/XXXXXXxxxxx Xxxxxxx.xxx/XXXXXXxxxxx
Daabacaadan waxa suurtageliyay maalgelin ka timid Wasaaradda Waxbarashada ee Minnesota.
7/23
Xulashada Doorka Khilafaad Xalinta ee Minnesota
(Minnesota Dispute Resolution Options – Somali Version)
Kulamada waxbarashada gaarka ah oo waalidka iyo degmooyinka dugsiga xx xxxx shaqeeyaan xalinta khilaafaadka
Special education meetings where parents and school districts work together to resolve disagreements
952.838.9000 | XXXXX@XXXXX.xxx | XXXXX.xxx
Doorarka Khilaafaad Xallinta Minnesota
Shaxda isbarbardhigga ee shirarka waxbarashada gaarka ah oo waalidiinta iyo degmooyinka dugsiyadu ay xx xxxx shaqeeyaan xallinta khilaafaadka
Nooca Kulanka | Shirka Heshisiinta | Kulanka Kooxda ee la saacidey | Dhexdhexaadin |
Waa maxay sababta codsiga | Haddii aadan ku raacsanayn soo jeedinta ama diidmada degmada dugsi ee Ogeysiis Qoraal Hore ah (PWN), si loo bilaabo ama loo beddelo aqoonsiga,qiimaynta, meeleynta, ama waxbarashada dadweynaha ee ku haboon ee ilmahaaga ee bilaashka ah | Haddii adiga iyo degmada aad ku heshiin waydaan Barnaamijka Waxbarashada Shakhsi ahaaneed (IEP) ee ku haboon, ama Qorshaha Adeegga Qoyska ee Shakhsi ahaaneed (IFSP) ee ilmahaaga, oo aad u baahan tahay caawimo dhinac saddexaad oo dhexdhexaad ah, si aad u qortaan qorshe kooxda oo dhan ku heshiiyaan. | Haddii adiga iyo degmada aad is khilaaftaan, oo aysan muuqan hab aad xxxxx ugu socotaan, oo aad u baahato caawimo dhinac saddexaad oo dhexdhexaad ah, oo si cad u gudbiyo walaacyadaada, qorsho aad ku heshisaan, xxxxx xxxxxxxx, oo sahmiya xal suurtogal ah. |
Sida loo codsado | Ku diid Ogeysiiska hore ee Qoraalka PWN qoraal ahaan 14 maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda dugsigu kuu soo diray PWN, oo codso Shirka Heshisiinta. FIIRO XXXX XX: Waxaad kalo dooran karta diidmo PWN qoraal ah 14 maalmood gudahood, dabadeedna codso kulan lala yeesho xubnaha ku habboon ee kooxda IEP. | Buuxi Codsiga Foomka Kulanka Kooxda La Saaciday, una dir Wasaaradda Waxbarashada ee Minnesota (MDE). Dugsiga degmada ayaa sidoo kale codsan kara kulankaan. Nidaamkani wa mid heshiis labada dhinacba ah, oo hore ayuu u socdaa haddii labadaba adiga iyo degmada ogolataan inaad ka qayb gashaan. | Buuxi codsiga foomka dhexdhexaadinta oo u soo dir Wasaaradda Waxbarashada ee Minnesota (MDE). Degmoduna wey codsan kartaa kulankan. Habkani waa mid labada dhinacba in ay isku racaan tahay, oo waxu xxxxx u socdaa oo kaliya haddii adiga iyo degmada dugsiguba ogolaatan inaad ka qaybqaadataan. |
Yaa ka qayb galaya | Wakiil degmada oo awood u leh inuu go’aan gaaro, tasoo xalin karta khilaafka, dad kale oo ku habboon oo shaqaalaha dugsiga, waalidka, ardayga (haddii ay munaasab tahay), iyo dad kale uu waalidku martiqaaday (sida u doodaha waalidka PACER) | Dhammaan kooxda IEP, IFSP, ama kooxda wakaalado kala duwan ka socda, waalidka, ardayga (haddii ay munaasab tahay), dadka kale oo uu waalidku casuumo (sida u doodaha waalidka PACER), iyo dad fududeeye dhexdhexaad ah oo ay magacawday MDE. | Koox isku dheeli tiran oo labada dhinac ee miiska fadhiya, oo ay ka mid yihiin wakiil degmo oo leh go’aan-qaadasho maamulka, shaqaalaha dugsiga ee la shaqeeya ardayga, waalidka, arday (haddii ay munaasab tahay), kuwa kale oo uu waalidku casuumo (sida u doodaha waalidka PACER), iyo Dhexdhexaadiye aan dhinacna tageersaneyn oo ay u xilsaartay Wasaaradda Waxbarashada ee MN MDE. |
Jadwalka waqtiga | Waxa lagu qabtaa 10 maalmood gudahooda, laga bilaabo taariikhda ay degmadu heshay codsiga kulanka ee waalidka | Caadi ahaan waxa la qabtaa saddex toddobaad gudahooda marka MDE ay ka hesho Codsiga Foomka Kulanka la Saacidey oo ay buuxiyeen waalidka iyo degmada dugsiga | Caadiyan waxa la qabtaa saddex toddobaad gudahooda marka MDE ay hesho Foomka Codsiga Dhexdhexaadinta oo dhammaystiran ee labadaba waalidka iyo dugsiga degmada |
Natiijyada | Shan maalmood oo maalmaha dugsiga gudahooda ah, kadib Shirka Heshiisiinta, degmadu waa inay kuu soo dirtaa qoraal qeexaya soo jeedinta kama dambaysta ah, ee la soo jeediyay ee adeegga, IEP kasta oo la soo jeediyay, ama qorshe qiimayn ah oo ka ka soo baxay Shirka Heshisiinta. | Kulank Kooxda La Saaciday kadib, haddii heshiis la gaaro, oo IEP ama IFSP habboon la sameeyay, xx xxx diray waalidka iyado la raaciyey Qoraalka Hore ee Ogeysiinta ah (PWN) | Haddii heshiis la gaaro, waaliddka iyo wakiilka idman ee dugsiga waxey saxiixi karaan ogolaansho dhexdhexaadin lagu gaaray oo si sharci xx xxx fulinayo |