Contract
Shaqaalaha-ku-meel-gaadhka ihi waxa ay leeyihiin xuquuq la mid ah shaqaalaha kale. Haddi aadan haysan waraaqaha socdaalka, Lambarka Caymiskab Bulshada, Warqad Shaqo oo idman ama naqdi mishaharka lagugu siiyo, weli waxa aad leedahay xuquuqda aasaasiga ah ee shaqaynta.
Waxa loo shaqeeye rasmiya kuu ah wakaalada. Meesha aad maalin walba u shaqo tegto waxa la yidhaahdaa sharikada macmiilka. Labadaba xilbaa xx xxxxx shaqadaada. Waxa dhici karta in aad ku dawakhdo marka aad danahaaga aad daafacayso. Waxa muhiim ah in aad gargaar raadiso, haddii aad dareento in xuquuqdaada lagu xadgudbayo.
Bayaankan run sheega ihi waxa uu sharaxayaa qaar ka mid ah xuquuqahaaga aasaasiga ah, sida aad isku ilaalin karto, iyo waxa aad yeeli karto haddii dhibo kaa haystaan shaqada. Haddii aad tahay wakaalad shaqaaleheega ku meel gaadhka ah oo ay dhibi kaa haysato shaqada, noo soo woco gargaar. Wicis oo dhani waa bilaash waana qarsoodi.
WAKAALADU WAA IN AY MACLUUMAAD KU SIISAA
Wakaaladaadu waa in ay qoraal kugu siisaa magaceega iyo sida loo la xidhiidhi karo. Marka wakaaldi ay kuu dirayso shaqo, waa in ay ku siisaa magaca sharikada macmiilka, qiyaasta mishaharka, saacadaha shaqada, sharaxaad shaqada ah, mudada shaqada (haddii la garanayo) xiliyada mishahar bixinta iyo maalinta mishahar bixinta. Waa in ay sida ugu dhaqsaha badan macluumaadkaa kuu siiyaan. Waa in ay macluumaad kaa siiyaan xuquuqdaada Wasaarada Shaqada.
WAKAALADI KAAMA QAADI KARTO FUJOOYIN
Wakaalad ku meel gaadh kaama qaadi karto lacag ama fujooyin si ay heshiis kuu xx xxxxx, shaqo ay kuu dirto ama ay kaa gargaarto warkaaga guud ama is-arag shaqa doon. Haddii aad hawl ka soo shaqaysay 6 bilood ama in ka badan, wakaalada looma ogola in ay fujo ka qaadato sharikada macmiilka in ay si toos ah ku shaqaysiiso. Wakaaladaadu kama xxxxx xxxxx sharikad in ay shaqo ku siiso ama warqad tixraaca.
NAQDI KU BIXIN
Waa xeer in naqdi la isku siiyo. Waase in marwalba aad heshaa ugu yaraan mishaharka ugu yar. Wakaaladu waa in ay ku siiso qoraal ahaan ama “gooska bixinta” mar kasta oo lagu siiyo mishahar. Waa in la muujo inta saacadood ee aad shaqaysay, qiyaasta mishaharkaaga, waqtiyada dheeraadka ah, mishaharka maalmaha fasaxa shacbiga, fasaxyada iyo wixii lagaaga jaray cashuuro, CS iyo Qorshaha Hawlgabka Kanada (QHK).
LAGUGUMA CIQAABI KARO WARAYSIGA XUQUUQDAADA
h
2
0
1
9
M
a
r
c
Wakaaladaha ku meelgaadhka looma ogola in ay kugu ciqaabaan waraysiga xuquuqdaada. Sharikada macmiilka xil sharciya ayaa xx xxxxx haddii lagugu ciqaabo iskudayga in aad hesho xuquuqdaada.
WAXA AAD XAQ U XXXXXXXX XXXXX XXXXX
Waxa aad xaq u leedahay in aad diido shaqada khatarta leh. Wakaalada ku meel gaadha iyo sharikada macmiilka, labadaba waxa xeer ahaan loogu qabsan karaa haddii uu dhaawac ama xanuun kaa soo gaadho shaqada. Waxa muhiima ah in aad war ka soo sheegto dhaawaca ama xanuunka sida ugu dhaqsaha badan. Waxa aad la soo hadashaa Xarunta Hawlaha Shaqaalaha si aad gargaar u heshid. Haddii uu degdeg jiro wac 911. Haddii aad shaqo ku xanuunsato ama aad ku dhaawacanto oo aad shaqayn xxxx xxxxx, xaq ayaad u yeelan kartaa magdhowga maaliyadeed ee Guddiga fayowga-Meesha Shaqada iyo Caymiska (GFMSC). GFMSC waxbay ku siin kartaa xattaa haddii aadan haysan ogolaanshaha Shaqaynta ama caddayn kale. GFMSC ma warsato xaalka socdaal, dawladana war uma gudbiso. Sarkaalkaagu waxa uu isku dayi karaa in uu kugu qanciyo in aadan war ka geyn shil. Haddii ay tanu dhacdo, tafaasiisheeda oo dhan qor iyo wixii dhacay, anana gargaar noo soo wac.
WAXA AAD XAQ U LEEDAHAY WAQTI FASAXA IYO BIXIN FASAX
Waxa heleysaa 2 todobaad oo mishahar leh marka aad dhamayso shaqo sanad ah iyo 3 todobaad oo mishahar leh marka aad la dhamayso 5 sano isla wakaaladii. Wakaaladu waxa ay ku warsan kartaa in qoraal kugu la heshiiyo in bixinta fasaxa jeega kasta oo mishahar ah laguugu xxx xxxx, halkii mar keliya lagu siin lahaa waqtiga aad fasaxa u baxayso. Sidatan waxa aad ku heli doontaa 4% mishahrkaaga caadiga ah oo bixinta fasaxa ah (ilaa 5ta xxxx xx hore) ama 6% (5ta sano wixii ka dambeeya).
WAXA AAD XAQ U LEEDAHAY BIXINTA FASAXYADA SHACBIGA
Haddii ad shaqo haysid, waxa aad xaq u leedahay fasaxyada shacbiga in aad qaadato ama mishaharkeega lagugu siiyo sida qaadashada maalmaha fasaxa shacbiga. Qaadashada maalmaha shacbigu waxa weeye wadarta 4tii todobaad ee la soo dhaafay wixii aad shaqaysatay (mishaharka caagiga ah iyo ka fasaxyada) oo loo qaybshay 20. Haddi aadan shaqo xxxx maalin fasax shacbi ah, waxa aad weli xaq u leedahay mishaharka maalmaha fasaxa shacbiga. Haddii ay shaqadaadu dhammaatay oo aad shaqaysay 4tii todobaad ee ka horeeyay maalmaha fasaxa shacbiga, waxa aad u qalmi kartaa mishaharka maalmaha fasaxa shacbiga. Haddii aad shaqaysay maalin fasax shacbi ah, waxa aad heshiis ku geli kartaa in:
Lagu siiyo mishahar dheeriya (1.5 X mishahharka saacada) IYO Bixinta Maalmaha fasaxa shacbiga Ama Ku shaqee maalinta fasaxa shacbiga qiyaasta caadiga ah ee mishahrkaaga IYO in aad qaadato maalin kale oo fasaxa oo lagu siiyo bixinta fasaxa maalmaha shacbiga.
MISHAHARKA AAN LA BIXIN
Haddii wakaaladaadu ku siin mishaharkaaga, bixinta waqtiga dheeriga ah ama bixinta maalmaha fasaxa shacbiga, sharikada macmiilka waxa xil ka saaran yahay lacagta aad ku leedahay. Way adkaan kartaa helista mishahar kaaga maqan wakaalad ku shaqaysa telefoon ama adeeg onlayn ah. Taas ayaa keenaysa in sharikadaha macmiilka uu ka xil ka saarraado mishaharooyinka aan la bixin. Qoraal ku hay macluumaad kasta oo ku saabsan wakaaladaada iyo sharikada macmiilka: magacyada, darajooyinka, shaqada iyo cinwaanada guryahooda, telefoonada iyo lambarada looxda baabuurtooda.
DHAMAADKA SHAQAYSIIN
h
2
0
1
9
M
a
r
c
Haddii ay wakaaladaadu ku erido ama ku siidayso, waxa aad xaq u leedahay bixinta shaqo dhaamaadka ama ogaysiin. Haddii shaqo 3 bilood ah ama ka badan hore loo joojo, waxa aad xaq u leedahay 1 todobaad oo dhammad shaqo ah iyo ogaysiin. Waxa aad u qalmi kartaa bixin dhammad shaqo iyo ogaysiin haddii aad diyaar u ahayd in aad wakaalad aad u shaqaysid, hase yeeshee xxxxx xxxxx wax shaqaysiin ah muddo 13 todobaad ah iyo in ka badan. Muddadii aad u shaqaysay wakaalada ayaa qeexi doonta inta todobaad ee ogaysiin ama bixin halkii ogaysiinta ee aad heli karto. Wakaalada ku meel gaadku waa in ay ku siiso Qoraal Shaqaysiin (QS) oo qeexaysa shaqooyinkii aad qabatay. Haddii aadan shaqayn ama aadan helin dakhlimuddo 7 maalmood, waxa aad ka dhigan tahay qof shaqada laga fadhiisiyay oo u qlma Caymiska Shaqada (CS). Haddii ay sidatanu kugu dhacdo, wakaalada ku meel gaadhka warso QS. Tan macnaheedu ma aha in aad ka tegtay. Wakaalada u sheeg
IS ILAALI
• Qoraal ku hayso saacadaha aad shaqaysay, taariikhda iyo Meesha aad ka shaqaysay iyo dhibo wixii aad kala kulantay. Qoraalka gurigaaga ku hay ama telefoonkaaga gacanta.
• Qoraal ku hay waxaad isweydaarsateen loo- shaqeeyahaaga: tekst, emayl, telefoon la isweydaarsaday, waraaqo.
• Hay goosaska bixinta iyo T4da. Soo hel Qoraalkaaaga Shaqo (QS), marka aad ka tegto wakaalad.
• Haddii naqdi lagugu siiyo, qor taariikhda iyo saacadaha aad shaqaysay iyo inta aad shaqaysay ee lagu siiyay. Waxa aad nuskhad ka haysataa xawilaada emaylada, rasiidada daymaha mishaharka ama bakhaarada naqdiga ama caddeymo kale oo loo- shaqeeyahaagu wax kugu siiyo.
• Haddii aad ku dhaawacanto ama aad ku xanuunsato shaqada, xx xxxxxx shilka sida ugu dhaqsaha badan. Sarkaalkaagu waxa uu isku dayi karaa in uu kugu qanciyo in aadan war ka bixin shilka. Haddi ay sidatanu dhacdo, tafaasiisha wixii dhacay oo dhan qor, anana noo soo woco gargaar.
• Haddii laguu hanjabay ama lagugu ciqaabay wardoonka xuquuqdaada, qor tafaasiisha wixii dhacay oo dhan, anana noo soo woco gargaar.
• Haddii aad su’aalo ka hayso wakaaladaada ama sharikada macmiilka, sida xx xxxxx dhaqmayaan, soo wax Xarunta Hawlaha Shaqaalaha. Waxa kale oo aad ku dacwoon kartaa Wasaarada Shaqada haddii aad dareento in xuquuqdaada lagu xadgudbay.
XAGGEED GARGAAR KA HELI KARTAA
Workers’ Action Centre
Waxa Ontariyo ka jira xeerar kale oo ku ilaalin xxxx xxxx Xeerka Xuquuqda Aadanaha. Waxa aad soo wacdaa Xxxxxx kulul ee Xuquuqda Shaqaalaha si aad gargaar u hesho ama aad u hesho xidhiidh kale oo gargaar aad u hesho.
000-000-0000 | Khad bilaash ah 0- 000-000-0000 xxx.xxxxxxxxxxxxxxxxxxx.xxx
Xxxxxxxxx Xxxxxxx
Kala xidhiidh Wasaarada Shaqadamacluumaad ku saabsan xuquuqdaada ee u qorayo Xeerka Miqyaasyada Shaqaysiinta iyo sida aad ugu dacwoon karto marka xuquuqdaada lagu xadgudbo.
0-000-000-0000