Fasaxa Shaqada ee Maine ee Daryeelayaasha iyo Dadka Ay Saameysay Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka Dadwaynaha ayaa caymisa shaqaalaha iyagu laftooda u saameeyay ama u daryeelaya xubin qoys oo ay isku dhaw yihiin oo ay saamaysay xaaladda degdegga ah...
Xeerarka Shaqada iyo Shaqaalaha ee La Xiriira COVID-19 |
Fasaxa Shaqada ee Maine ee Daryeelayaasha iyo Dadka Ay Saameysay Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka Dadwaynaha ayaa caymisa shaqaalaha iyagu laftooda u saameeyay ama u daryeelaya xubin qoys oo ay isku dhaw yihiin oo ay saamaysay xaaladda degdegga ah ee caafimaadku.
Saamaynta xaaladda degdegga ah ee caafimaadka dadwaynaha micnaheedu waa in markaa la daawaynayo ama karantiil ama go'doomin ku jiraan, iyada oo waxyaabe kalena xxxx xxxxxx. Baahida fasaxa waa in loogula socodsiiyaa loo-shaqeeyaha waqti cayiman oo macquul ah.
Fasaxa ayaa noqon kara mid lacag bixin leh ama aan lahayn. Kuwa ka reebban waxa ka mid ah shaqaalaha dawladda ee iyagu mas'uul ka ah hubinta caafimaadka iyo amniga dadwaynaha iyo shaqaalaha fasaxdoodu u keeni doono dhibaato aan caadi ahayn oo u baahan loo-shaqeeyaha inuu naaquso hawlaha.
Sharciyada Fasaxa Caafimaadka Qoyska ee Maine ayaa khuseeya shaqaalaha u soo shaqeeyay isla loo-shaqeeyaha kaliya ugu yaraan 12 bilood oo isku xigta. Shaqaalaha ayaa xaq u yeelan doonaa Fasax Caafimaad Qoys oo Aan Mushahar Lahayn oo ah 10 toddobaad shaqo-u-ilaalin xx xxxx sano kasta. Hase yeeshe, loo-shaqeeyeyaasha ku leh in ka yar 15 shaqaale ka shaqeeya goob shaqo joogto ah ayaa ka reebban. Loo-shaqeeyayaashu waxay ku siin karaan fasax mushahar bixin leh iyaga oo arrinta u gacan bannaan.
Sharciyada Fasaxa Caafimaadka Qoyska ee Maine ayaa sheegaya in haddii loo-shaqeeyuhu bixiyo fasaxa lacag bixinta leh, markaa xx xxx loo-shaqeeyuhu waa inuu u oggolaadaa shaqaalaha inuu isticmaalo fasaxa lacag bixinta leh si uu u daryeelo xubin ka mid ah qoyska oo buka. Sharcigani wuxuu siinayaa shaqaalaha xaqa u ku dooranayo nooca u yahay fasaxa ay isticmaali doonaan, haddii loo- shaqeeyahoou bixiyo dheefo dhawr ah (sida ka jirrada, fasaxa, ama shaqsiyeed) oo leh xaddidnaan. Qaybtan sharcigu ma khusayso jirrada qofka shaqaalaha, kaas oo loo-shaqeeyuhu u baahan karo isticmaalka fasaxa jirrada.
Meheradaha waawayn, ee xx xxxx kuwa leh 50 ama in ka badan oo shaqaale ah, ayaa sidoo xxxx xxxx imanaya sharciyada U Fasaxa Qoyska iyo Caafimaadka ee Federaaliga ah (FMLA). Tani waxay u baahan tahay in loo siiyo dhacdada uqalanta illaa 12 toddobaad oo fasax aan la bixin lacag. Loo-shaqeeyayaashu waxay ku siin karaan fasax mushahar bixin leh iyaga oo arrinta u gacan bannaan.
Su'aalaha Badnaa La Weyddiiyo (FAQ) ee Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maraykanka oo ku saabsan FMLA ee Federaalka:
xxxxx://xxx.xxx.xxx/xxxxxxxx/xxx/xxxx/xxxxxxxx
Sharciga Fasaxa Lacag Bixinta Kasbashada Leh ee Maine ayaan dhaqangali doonin illaa Janawari 1, 2021. Sharcigan, markuu dhaqangalo, wuxuu siinayaa shaqaalaha awoodda inay urursadaan illaa 40 saacadood oo fasax lacag bixin leh ah, iyada oo xxxxx ku xxxxx xxxxxx saacadaha ay u shaqeeyaan loo-shaqeeyaha.
Jirrada Lugta Ku Leh Shaqada - Haddii ay jirradu ku lug leedahay shaqada, shaqaalaha iyo loo-shaqeeyuhu waa inay la tashadaan Guddiga Magdhawga Maine. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Guddiga Magdhawga Shaqaalaha, booqo xxxxx://xxx.xxxxx.xxx/xxx/
Xxxxx xxxxxxxxxx dheeraad ah, xxxxxx xxxxx xxxxx://xxx.xxxxx.xxx/xxxxx/xxx/xxxxx.xxxxx
Su’aalaha la is-weyddiiyo Inta Badan: