Xeerarka Shaqada iyo Shaqaalaha ee La Xiriira COVID-19
Fasaxa Shaqada ee Maine ee Daryeelayaasha iyo Dadka Ay Saameysay Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka Dadwaynaha ayaa caymisa shaqaalaha iyagu laftooda u saameeyay ama u daryeelaya xubin qoys oo ay isku dhaw yihiin oo ay saamaysay xaaladda degdegga ah ee caafimaadku.
Saamaynta xaaladda degdegga ah ee caafimaadka dadwaynaha micnaheedu waa in markaa la daawaynayo ama karantiil ama go'doomin ku jiraan, iyada oo waxyaabe kalena xxxx xxxxxx. Baahida fasaxa waa in loogula socodsiiyaa loo-shaqeeyaha waqti cayiman oo macquul ah.
Fasaxa ayaa noqon kara mid lacag bixin leh ama aan lahayn. Kuwa ka reebban waxa ka mid ah shaqaalaha dawladda ee iyagu mas'uul ka ah hubinta caafimaadka iyo amniga dadwaynaha iyo shaqaalaha fasaxdoodu u keeni doono dhibaato aan caadi ahayn oo u baahan loo-shaqeeyaha inuu naaquso hawlaha.
Sharciyada Fasaxa Caafimaadka Qoyska ee Maine ayaa khuseeya shaqaalaha u soo shaqeeyay isla loo-shaqeeyaha kaliya ugu yaraan 12 bilood oo isku xigta. Shaqaalaha ayaa xaq u yeelan doonaa Fasax Caafimaad Qoys oo Aan Mushahar Lahayn oo ah 10 toddobaad shaqo-u-ilaalin xx xxxx sano kasta. Hase yeeshe, loo-shaqeeyeyaasha ku leh in ka yar 15 shaqaale ka shaqeeya goob shaqo joogto ah ayaa ka reebban. Loo-shaqeeyayaashu waxay ku siin karaan fasax mushahar bixin leh iyaga oo arrinta u gacan bannaan.
Sharciyada Fasaxa Caafimaadka Qoyska ee Maine ayaa sheegaya in haddii loo-shaqeeyuhu bixiyo fasaxa lacag bixinta leh, markaa xx xxx loo-shaqeeyuhu waa inuu u oggolaadaa shaqaalaha inuu isticmaalo fasaxa lacag bixinta leh si uu u daryeelo xubin ka mid ah qoyska oo buka. Sharcigani wuxuu siinayaa shaqaalaha xaqa u ku dooranayo nooca u yahay fasaxa ay isticmaali doonaan, haddii loo-shaqeeyahoou bixiyo dheefo dhawr ah (sida ka jirrada, fasaxa, ama shaqsiyeed) oo leh xaddidnaan. Qaybtan sharcigu ma khusayso jirrada qofka shaqaalaha, kaas oo loo-shaqeeyuhu u baahan karo isticmaalka fasaxa jirrada.
Meheradaha waawayn, ee xx xxxx kuwa leh 50 ama in ka badan oo shaqaale ah, ayaa sidoo xxxx xxxx imanaya sharciyada U Fasaxa Qoyska iyo Caafimaadka ee Federaaliga ah (FMLA). Tani waxay u baahan tahay in loo siiyo dhacdada uqalanta illaa 12 toddobaad oo fasax aan la bixin lacag. Loo-shaqeeyayaashu waxay ku siin karaan fasax mushahar bixin leh iyaga oo arrinta u gacan bannaan.
Su'aalaha Badnaa La Weyddiiyo (FAQ) ee Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maraykanka oo ku saabsan FMLA ee Federaalka: xxxxx://xxx.xxx.xxx/xxxxxxxx/xxx/xxxx/xxxxxxxx
Sharciga Fasaxa Lacag Bixinta Kasbashada Leh ee Maine ayaan dhaqangali doonin illaa Janawari 1, 2021. Sharcigan, markuu dhaqangalo, wuxuu siinayaa shaqaalaha awoodda inay urursadaan illaa 40 saacadood oo fasax lacag bixin leh ah, iyada oo xxxxx ku xxxxx xxxxxx saacadaha ay u shaqeeyaan loo-shaqeeyaha.
Jirrada Lugta Ku Leh Shaqada - Haddii ay jirradu ku lug leedahay shaqada, shaqaalaha iyo loo-shaqeeyuhu waa inay la tashadaan Guddiga Magdhawga Maine.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Guddiga Magdhawga Shaqaalaha, booqo: xxxxx://xxx.xxxxx.xxx/xxx/
Kharashka Uu Soo Dallaco Loo-shaqeeyaha Maine Waa Mamnuuc sharciga ayaa u diidaya shaqaalaha iyo codsadayaasha la oggolaaday inay qabaan kharashka baaritaanka caafimaad ee uu u baahan yahay loo-shaqeeyuhu. Loo-shaqeeyuhu waa inuu bixiyo kharashyadaas oo wuxu ku bixin karaa kharashyada caafimaadka qaab caymis caafimaad wadareed ama qaab kale, kol haddii aan shaqaalaha looga baahnayn inay bixiyaan qay ka-tijaabinta ah, oo ay ka mid tahay la-bixin ama bixinta kharashayada qaa.
Su’aalaha la is-weyddiiyo Inta Badan
S. Waxaan ahay mushahar ka-reebbane (salary-exempt). Loo-shaqeeyahaygu ma inuu bixiyaa mushaharkayga oo buuxa haddii ay meheradda loo xiro cudurka COVID-19 awgeed?
J: Haddii qofka shaqaalaha ah ee mushahar ka-reebbanaha ahi uu shaqeeyo qayb kasta toddobaadka ha noqotee, markaa shaqaaluhu waa inay helaan mushaharkooda oo buuxa. Loo-shaqeeyuhu wuxuu uga baahan karaa shaqaalaha inay isticmaalaan waqtigooda dheefta lacag bixinta leh ee xx xxxx fasaxa, jirrada, shaqsiyeedka, iwm. Haddii shaqaalaha mushahar ka-reebbanaha ahi uusan waqti haysan, loo-shaqeeyaha ayaa wali laga rabaa inuu bixiyo mushaarka buuxa inta xx xxxxxx toddobaadkaas. Haddii ay meheraddu xirnaato toddobaad(yada) xiga oo shaqaalaha mushahar ka-reebbanaha ahi uusan haba yaraate shaqayn muddada toddobaadkaas, markaa loo-shaqeeyaha loogama baahanayo inuu siiyo qayb kasta oo ka mid ah mushaharka.
S. Waxaan ahay shaqaale saacadle ah (aan ka reebbane-ahayn). Loo-shaqeeyahaygu ma inuu isiiyaa lacag haddii ay meheraddu u xiranto awgeed COVID-19?
J: Maya. Loo-shaqeeyayaasha ayaa kaliya looga baahan yahay inay u bixiyaan shaqaalaha aan aan ka reebbane-ahayn waqtiga dhabta ah ee ay shaqeeyeen. Haddii u shaqaaluhu isticmaali karaan waqtigooda dheefta bixinta xx xxxx fasaxa, bukaanka, shaqsiyeedka, iwm. ayaa kaliya leh gacan u bannaanida loo-shaqeeyaha.
S. Qof aan qaangaarin miyuu shaqayn karaa saacado dheeraad ah haddii dugsigoodii uu u xiran yahay COVID-19 awgeed?
J: Maya. Xaaladaha badankood, dugsiyada ayaa xiray dhismahooda, laakiin ardayda ayaa wali aga rabaa inay uga shaqeeyaan shaqooyinka loo diray hab fog (internet, telefoon, iwm.). Sidaa darteed, dugsiga wali waxa loo tixgeliyaa “in la dhigto.”
S: Xxxxx Xxxxxxxx Xxxxxxxxx Shaqada iyo Shaqaalaha (Bureau of Labor Standards) ee ka tirsan Waaxda shaqada iyo Shaqaalaha Maine (Maine Department of Labor) i weyddiisan doonaa macluumaad ku saabsan heerkayga socdaal?
J: Xxxxxx xxxxx Xafiiska Halbeegga Shaqada iyo Shaqaalaha, shaqaale waa uun shaqaale. Ma weyddiinno heerka socdaalka ama lambarka sooshal sekuuritiga markaan uga jawaabeyno weyddiimaha ama cabashooyinka shaqaalaha. Waxaan hirgalinnaa shuruucda shaqaalaha ee Maine iyada oo aan loo eegin haddii shaqaale uu leeyahay oggolaansho shaqo ama aan bilaa sharci u yahayba.
S: Muddo intee le'eg ayaan fasax u qaadan karaa xxxxxx xxxx timaad Fasaxa Shaqada loogu talagalay Daryeelaasha iyo Dadka ay Saameysay Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka Dadwaynaha?
J: Fasaxaani wuxuu khuseeya oo keliya inta lagu xxxx xxxx Xaaladda Degdegea Dadwaynaha ee u ku dhawaaqay gudoomiyuhu. Waxay ku sii soconaysaa illaa wakhti macquul iyo lama huraan ah kaddib markay xaaladda degdegga ahi u dhammaato dadka u ku dhacday cudruka COVID-19 ama ay u feydsamay COVID-19 intii lagu jiray Xaaladda Degdega Dadwaynah ah.
S: Loo-shaqeeye miyuu diidi karaa inuu igu soo celiyo shaqada haddii aan fasax ku hoos qaato Fasaxa Shaqada loogu talagalay Daryeelaasha iyo Dadka ay Saameysay Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka Dadwaynaha, ama mid ka mid ah xeerarka xxxx xx fasaxa?
J: Sharci ma aha inuu loo-shaqeeyuhu kaa joojiyo shaqada sababta oo xx xxxxx fasax ku qaatay mid ka mid ah xeerarkan hoostooda. Has yeeshe, Maine waa gobol marka la-doono shaqada laga joojin kara qofka shaqaalaha. Shaqaalaynta ikhtiyaariga leh (At-will employment), macnaheedu waa markayna jirin heshiis shaqaale urur ama heshiis shaqaalayn shaqsi, loo-shaqeeyaha ayaa xor u ah inuu ka joojiyo shaqada shaqaale wakhti kasta iyo sabab kasta, illaa iyo inta sababtu aysan takoorid ahayn, oo aan si xxxx xx looga mamnuucayn qaanuunka.
S: Loo-shaqeeyahayga ayaa u baahan in aan iska tijaabiyo COVID-19 kahor inta aanan xxx xxxxx shaqada. Xxxxx xx xxxx baahan yahay inaan bixiyo iska-tijaabintaas?
J: Maya. Haddii loo-shaqeeye u baahdo in shaqaale uu iska-tijaabiyo COVID-19, markaas loo-shaqeeyaha waa inuu bixiyo iska-tijaabinta. Waxa xxxxx, loo-shaqeeyaha waa inuu bixiyo waqtiga lagu qaatay tegista dhakhtarka, taas oo loo tixgelinayo waqti shaqo.
Xxxxx xxxxxxxxxx dheeraad ah, xxxxxx xxxxx xxxxx://xxx.xxxxx.xxx/xxxxx/xxx/xxxxx.xxxxx
Julay 2020