Waa maxay Isku Xirka Qoyska-Dugsiga (Family- School Compact)?
Waa maxay Isku Xirka Qoyska-Dugsiga (Family- School Compact)?
Heshiiska Qoyska-Dugsiga Title I ee Kasbashadu waa heshiis ay waalidiinta, ardayda iyo macalimiintu xxx xxxx saaraan. Wuxuu sharxaa sida waalidiinta iyo macalimiintu ay uga wada-shaqayn doonaan hubinta ardayda oo dhan inay helaan taageerada qof-calaa- qofka ah ee ay u baahan yihiin si ay u gaadhaan ugana saramaraan heerka waxbarashada fasalka.
Discovery waa dugsiga Title 1 Iskuulka oo Dhan ah. Hadafka barnaamij Title 1 Iskuulka oo Dhan ah waa hubinta in ardayda oo dhan, gaar ahaan ardayda liidata, muujiyaan aqoon iyo heerar sare oo kasbasho waxbarasho ah.
Himilada Degmada 742
Xxxxxxx Xxxxxxxxxxxx waa abuurista jawi badbaado iyo daryeel iyo dhaqan kaasi oo aanu ugu diyaarino, ku hawlgalino, wax ku xxxxx, ku xoojino, oo ku dhiirigalino dhammaan ardayda iyada oo la kaash-anayo bulshada ku hareeraysan si aan ugu guulaysano bulshada maanta iyo tan berriba.
Yoolasha/Ahdaafta Dugsiga
Akhriska: Dayrta 2023, boqolkiiba ardayda fasalka 3, 4, & 5aad ee gaarta ama saramarta halbeegyada heerarka wax akhriska Minnesota ayaa waxay ka kordhayaan 29.4% oo ay gaarayaan 37.4% sida uu cabiro Reading MCA III.
Xisaabta: Dayrta 2023, boqolkiiba ardayda fasalka 3, 4, & 5aad ee gaarta ama saramarta halbeegyada heerarka wax akhriska Minnesota ayaa waxay ka kordhayaan 26.9% oo ay gaarayaan 38.3% sida uu cabiro Math MCA III.
Taageeridda Iskaashiga
Hawlaha lagu Taageero Iskaashiga
Shirarka Dejinta Hadafka: Agoosto 31 & Sebtember 6
Shirarka Waalidka-Macallinka ee Ardaydu Hogaaminayso
Dayrta: Oktoobar 27 & Nofeembar 3
Gu’ga: Maarso 16 & 23
Awoodsiinta Waxbarashada: 2-5:30 p.m., Noofambar 10 & 17
Habeenka STEM: Janaayo 26, 4-7 p.m.
Kombiyuurka ku soo gelida Discovery, 3 p.m. Sebtember 20, Nofeembar 15, Janaayo 17, Maarso 21,
Maajo 16
Xxxxxxx Xxxx: TBD
Toddobaadka: Maajo 15-19
Xxxxxxxxxx Xxxxxxxx Xxxxxx: Maajo 12 (Loo wareegi doono Maajo 26 haddii cimiladu xumaato)
War Isgaadhsiinta Kusaabsan Barashada
Discovery waxa ka go’an gaadhsiinta si joogto ah qoysaska loo gaarsiiyo wixii kusaabsan barashada ilmahooga. Qaar kamid ah qaababka waalidiintu filan karaan inay ku helaan war isgaadhsiinta waxaa kamid ah:
• Galalka guriga loo qaato Jimcaha ee Toddobaadlaha ah
• Warsidaha Dugsiga xx Xxxxxxx ah
• Ajendayaasha/qorshaha fasalla saddexaad, afraad iyo shanaad
Su’aalaha?
Waalidiintu waxay la xidhiidhi karaan macalinka ilmahooga si ay u hubiyaan horumarka ardayga.
xxx.xxx000.xxx/xxxxxxxxx 000 0xx Xx X, Xxxxx Xxxx
Discovery Community School
Title I
Isku Xirka Qoyska- Dugsiga ee Guul Gaaridda ee
Xxxxxx Xxxxxxxx Xxxxxx Xxxxxxx 2022-23
Xxxxxxxx Xxxx, maamulaha xxxxxxxx.xxxx@xxx000.xxx 000-000-0000
Dugsiyada Degmada 742 waxay kala shaqeeyaan ardayda iyo qoysaska taageerista guusha ardayda ee xagga akhriska iyo xisaabta. Qaar kamid ah isku- xidhayaasha muhiimka ah ee qoysaska waxa kamid ah:
Ilaha degmada iyo boga internetka ee dugsiga waxay taageeraan oo loolanna galiyaan wax barashada ardadya waxaana laga heli karaa www.isd742. org ama xxx.xxx000.xxx/.
Minnesota Reading Corps waxay bixiyaan taageero xxxx-xxxx ah (fool ka fool) xxxxxxx Xxxxxxxxxxx ilaa fasalka saddexaad.
Minnesota Math Corps waxay bixiyaan taageero kooxo yar ah ardayda fasalada afraad iyo shanaad.
ADSIS (Hab Xxxx xx Gudbinta Adeega Waxbarashada Gaarka ah) waxay bixiyaan taageero dheeraad ah oo kooxo yar ah dhanka akhriska iyo xisaabta.
AVID (Advancement Via Individual Determination) waa barnaamij koolejka u diyaariya oo ka caawiya ardayda in ay dhistaan xirfadaha ay u baahanyihiin si ay guul uga gaadhaan koolejka.
ALEKS (Goobaha Qiimaynta iyo Barashada Aqoonta) waa barnaamij aad la qabsankarto dhanka barashada oo ardayda loogu talagalay.
Qaadashada layliga akhriska iyo xisaabta. Waa kuwan dhawr fikradood oo taas kaa caawinaya. Qoysasku waxa dhici karta inay hayaan fikrado kale si liiska loogu daro.
Imoow habeenada madadaalada oo ka qayb qaado howlaha iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo waxbarashada ardayda.
Ilmahaaga la akhri maalin kasta. PAKRAT (Parents and Kids Reading A-Lot Together) oo ah barnaamijka waalidka iyo ilmaha oo isla akhriya wax badan waxay ay bixisaa buug cusub maalinkasta oo iskuul jiro si ay ardaydu guriga ugu qaataan oo ay 20 daqiiqo u akhriyaan.
Xisaabta ku madadaalo. Isticmaalo alaab laga helo guriga si aad u sahamiso xisaabta.
Ku ciyaar geemka erayada eraybixinaha cusub erayadooda oo hel qaabab loogu isticmaalo erayadan wada-sheekaysiyada qoyska.
Xog-ogaal ahaw adigoo raadinaya joornaalka dugsiga adiga oo booqonayana boga internetka ee dugsiga si joogto ah.
Ku xirmo wixii macluumaad ah ee jira ee ku saabsan waxbarashada dhanka kombiitarka sida Symbaloo. Guji meesha ay ku qorantahay Student Connect ee bogga iskuulkaaga.
Ku dhiiri geli oo ku taageer in teknoolojiyada loo isticmaalo dhanka waxbarashada. U isticmaal teknoolojiyada in aad kor ugu qaadaan waxbarashada iyo aqoonta ilmahaaga. Daawo baritaan xxxxxx internetka ah si aad u barato Seesaw iyo Google Classroom.
Ardaydu waxa dhici karta inay doonaan isku-dayga fikradaha so socda si ay xidhiidh ugu sameeyaan ku barashada guriga iyo dugsiga:
Kala-hadlaan qoyska erayada eray-bixinaha cusub iyo waxay ku baranayaan xisaabta.
Guriga keenaan warsidayaasha iyo ogaysiisyada ku saabsan habeenada madadaalada qoyska.
Ku hayaan diiwaan geemyada ay ku ciyaaraan guriga si ay ugu layliyaan erayada eray-bixinaha cusub iyo xisaabta.
Ka faa’idayso qaar kamid ah isku xirayaasha (links) waxbarasho ee laga heli karo boga internetka ee dugsiga marka ay haystaan wakhtiga shaashadda.
Qorsheeyaha AVID ee loogu talagay Touchpoint Learning