Waa maxay Isku Xirka Qoyska-Dugsiga (Family-School Compact)?
Waa maxay Isku Xirka Qoyska-Dugsiga (Family-School Compact)?
Heshiiska Qoyska-Dugsiga Title I ee Kasbashasdu waa heshiis ay waalidiinta, ardayda iyo macalimiintu xxx xxxx saaraan. Wuxuu sharaxaa sida waalidiinta iyo macalimiintu ay uga wada-shaqayn doonaan hubinta ardayda oo dhan inay helaan taageerada qof-calaa- qofka ah ee ay u baahan yihiin si ay u gaadhaan ugana saramaraan heerka waxbarashada fasalka.
Oak Hill waa dugsiga Title 1 Iskuulka oo Dhan ah. Hadafka barnaamij Title 1 Iskuulka oo Dhan ah waa hubinta in ardayda oo dhan, gaar ahaan ardayda liidata, muujiyaan aqoon iyo heerar sare oo kasbasho waxbarasho ah.
Himilada Degmada 742
Xxxxxxx Xxxxxxxxxxxx waa abuurista jawi badbaado iyo daryeel iyo dhaqan kaasi oo aanu ugu diyaarino, ku hawlgalino, wax ku xxxxx, ku xoojino, oo ku dhiirigalino dhammaan ardayda iyada oo la kaashanayo bulshada ku hareeraysan si aan ugu guulaysano bulshada maanta iyo tan berriba.
Yoolasha/Ahdaafta Dugsiga
Akhriska: Boqolkiia dhammaan ardayda fasalada 3-5 ee ka diiwaangashan Oak Hill Elementary ugu yaraan kala bar sanadka iskuulka ee ku fiican imtixaanka akhriska ee
Taageeridda Iskaashiga
Hawlaha lagu Taageero Iskaashiga
Shirarka Dejinta Hadafka : Agoosto 31 & Sebtember 6
Shirarka Waalidka-Macallinka ee Ardaydu Hogaaminayso
Oktoobar 6 & 13, 3-7:30 p.m.
Febraayo 2 & 9, 3-7:30 p.m.
Habeenada Qoyska
Oktoobar 6, 3-7:30 p.m.
Oktoobar 13, 3-7:30 p.m.
Febraayo 2, 3-7:30 p.m.
Febraayo 9, 3-7:30 p.m.
Maajo 18, 5-7 p.m.
Maalmaha Booqashada Qoyska
Agoosto 23: Soo dhaweynta qoysaska cusub & keenista baagaga qalabka
Dayrta: TBD Jiilaalka/Xiliga Guga: TBD
War Isgaadhsiinta Kusaabsan Barashada
Oak Hill waxa ka go’an gaadhsiinta si joogto ah qoysaska loo gaarsiiyo wixii kusaabsan barashada ilmahooga. Qaar kamid ah qaababka waalidiintu filan karaan inay ku helaan war isgaadhsiinta waxa kamid ah:
Oak Hill Community School
Title I
Isku Xirka Qoyska- Dugsiga ee Guul Gaaridda ee
Xxxxxx Xxxxxxxx Xxxxxx Xxxxxxx
2022-23
la xisaabtanka gobolka (MCA) ayaa ka kordhi doona 47.6% Guga 2022 oo gaari doona 58% Guga 2023.
Xisaabta: Boqolkiia dhammaan ardayda fasalada 3-5 ee ka diiwaangashan Oak Hill Elementary ugu yaraan
• Warsidaha Acorn
• Ajandayaasha ardayga
• Bologga maamulaha
• Boga internetka Oak
Hill
• Farriinta Qoraalka ah ee Skylert
kala bar sanadka iskuulka ee ku fiican imtixaanka xisaabta ee la xisaabtanka gobolka (MCA) ayaa ka kordhi doona 42% Guga 2022 oo gaari doona 52.2%
Guga 2023.
Su’aalaha? Waalidiintu waxay la xidhiidhi karaan
macalinka ilmahooga si ay u hubiyaan horumarka ardayda.
000-000-0000
0000 Xxxxxx Xxxx 000, Xx. Cloud
Xxxxx Xxxxxx, Maamulaha xxxxx.xxxxxx@xxx000.xxx 000-000-0000
Dugsiyada Degmada 742 waxay kala shaqeeyaan ardayda iyo qoysaska taageerista guusha ardayda ee xagga akhriska iyo xisaabta. Marka la joogto Oak Hill, qaar kamid ah isku- xidhayaasha muhiimka ah ee qoysaska waxa kamid ah:
Macluumaadka website-ka degmada iyo iskuulku waxay taageeraan oo ay dardargeliyaan waxbarashada ardayda waxayna diyaar ku yihiin xxx.xxx000.xxx.
Minnesota Reading Corps waxay bixiyaan taageero xxxx-xxxx ah (fool ka fool) xxxxxxx Xxxxxxxxxxx ilaa fasalka saddexaad.
Minnesota Math Corps waxay bixiyaan taageero kooxo yar ah ardayda fasalada afraad iyo shanaad.
ADSIS (Hab Xxxx xx Gudbinta Adeega Waxbarashada Gaarka ah) waxay bixiyaan taageero dheeraad ah oo kooxo yar ah dhanka akhriska iyo xisaabta.
AVID (Advancement Via Individual Determination) waa barnaamij koolejka u diyaariya oo ka caawiya ardayda in ay dhistaan xirfadaha ay u baahanyihiin si ay guul uga gaadhaan koolejka.
ALEKS (Goobaha Qiimaynta iyo Barashada Aqoonta) waa barnaamij aad la qabsankarto dhanka barashada oo ardayda loogu talagalay.
Qaadashada layliga akhriska iyo xisaabta. Waa kuwan dhawr fikradood oo taas kaa caawinaya. Qoysasku waxa dhici karta inay hayaan fikrado kale si liiska loogu daro.
Imoow habeenada madadaalada oo ka qayb qaado howlaha iyo qorshe yaasha si loo horumariyo waxbarashada ardayda.
Ilmahaaga la akhri maalin kasta. PAKRAT (Parents and Kids Reading A-Lot Together) oo ah barnaamijka waalidka iyo ilmaha oo isla akhriya wax badan waxay ay bixisaa buug cusub maalinkasta oo iskuul jiro si ay ardaydu guriga ugu qaataan oo ay 20 daqiiqo u akhriyaan.
Xisaabta ku madadaalo. Isticmaalo alaab laga helo guriga si aad u sahamiso xisaabta.
Ku ciyaar geemka erayada eray-bixinaha cusub erayadooda oo hel qaabab loogu isticmaalo erayadan wada-sheekaysiyada qoyska.
Wax ogoow adiga oo soo raadsanaya wargeyska iskuulka oona soo booqanaya website-ka iskuulka si joogto ah.
Ku xirmo wixii macluumaad ah ee jira ee ku saabsan waxbarashada dhanka kombiitarka sida Symbaloo. Guji meesha ay ku qorantahay Student Connect ee bogga iskuulkaaga.
Dhiirigali oo taageer isticmaalka teknoolajiga ee dugsiga iyo tacliinta. Isticmaal teknoolajiga si aad u xoojiso barashada iyo waxbarashada ilmahaaga. Daawo baritaan xxxxxx internetka ah si aad u barato Seesaw iyo Google Classroom.
Ardaydu waxa dhici karta inay doonaan isku-dayga fikradaha so socda si ay xidhiidh ugu sameeyaan ku barashada guriga iyo dugsiga:
Kala-hadlaan qoyska erayada eray-bixinaha cusub iyo waxay ku baranayaan xisaabta.
Guriga keenaan warsidayaasha iyo ogaysiisyada kusaabsan habeenada madadaalada iyo xafladaha qoyska.
Ku hayaan diiwaan geemyada ay ku ciyaaraan guriga si ay ugu laylyamaan erayada eray-bixinaha cusub iyo xisaabta.
Ka faa’idayso qaar kamid ah isku xirayaasha(links) waxbarasho ee laga heli karo boga internetka ee dugsiga marka ay haystaan wakhtiga shaashadda.