Waa maxay Isku Xirka Qoyska-Dugsiga
Waa maxay Isku Xxxxx Xxxxxx-Xxxxxxx
(Family-School Compact)?
Taageeridda Iskaashiga
Lincoln Elementary
Heshiiska Qoyska-Dugsiga Title I ee Kasbashadu waa heshiis ay waalidiinta, ardayda iyo macalimiintu xxx xxxx saaraan. Wuxuu sharxaa sida waalidiinta iyo macalimiintu ay uga wada-shaqayn doonaan hubinta ardayda oo dhan inay helaan taageerada qof-calaa- qofka ah ee ay u baahan yihiin si ay u gaadhaan ugana saramaraan heerka waxbarashada fasalka.
Lincoln Elementary waa dugsiga Title 1 Iskuulka oo Dhan ah. Xxxxxxx xxxxxxxxx Title 1 Gobolka oo Dhan waa hubinta in ardayda oo dhan, gaar ahaan ardayda liidata, muujiyaan aqoon iyo heerar sare oo kasbasho waxbarasho ah.
Himilada Degmada 742
Xxxxxxx Xxxxxxxxxxxx waa abuurista jawi badbaado iyo daryeel iyo dhaqan kaasi oo aanu ugu diyaarino, ku hawlgalino, wax ku xxxxx, ku xoojino, oo ku dhiirigalino dhammaan ardayda iyada oo la kaashanayo bulshada ku hareeraysan si aan ugu guulaysano bulshada maanta iyo tan berriba.
Yoolasha/Ahdaafta Dugsiga
Akhriska: Dayrta 2023, boqolkiiba ardayda fasalka 3, 4, & 5aad ee gaarta ama saramarta halbeegyada heerarka wax akhriska Minnesota ayaa waxay ka kordhayaan 20.3% oo ay gaarayaan 57.4% sida uu cabiro Reading MCA III.
Xisaabta: Dayrta 2023, boqolkiiba ardayda fasalka 3, 4, & 5aad ee gaarta ama saramarta halbeegyada heerarka wax akhriska Minnesota ayaa waxay ka kordhayaan 13.9% oo ay gaarayaan 51.6% sida uu cabiro Math MCA III.
Hawlaha lagu Taageero Iskaashiga
Shirarka Dejinta Hadafka
• Agoosto 31 & Sebtember 6
Shirarka Waalidka-Macallinka ee Ardaydu Hogaaminayso
• Oktoobar 13 & 18, 2:50-7:30 p.m.
• Febraayo 16 & 23, 2:50-7:30 p.m.
Xaflada Dayrta
• Oktoobar 26, 4-6 p.m. xx Xxxxxxx
Bikiniga Qoyska ee Gu’ga
Maajo 18, 4-6 p.m. ee Talahi
War Isgaadhsiinta Kusaabsan Barashada
Lincoln Elementary waxa ka go’an gaadhsiinta si joogto ah qoysaska loo gaarsiiyo wixii kusaabsan barashada ilmahooga. Qaar kamid ah qaababka waalidiintu filan karaan inay ku helaan war isgaadhsiinta waxaa kamid ah:
• Wargeysyada fasalka
• Wargeyska Qoyska ee Bilaha ah
• Ajendayaasha Ardayda
• Websaydyada iskuulka iyo shaqaalaha
Su’aalaha?
Waalidiintu waxay la xidhiidhi karaan macalinka ilmahooga si ay u hubiyaan horumarka ardayga.
000-000-0000
xxx.xxx000.xxx/xxxxxxx 000 0xx Xxx XX, Xx. Cloud
Title I
Isku Xirka Qoyska- Dugsiga ee Guul Gaaridda ee
Xxxxxx Xxxxxxxx Xxxxxx
Ardayda
2022-23
Xxxxxxx Xxxxx, Maamulaha Xxxxxxx.Xxxxx@xxx000.xxx 000-000-0000
Dugsiyada Degmada 742 waxay kala shaqeeyaan ardayda iyo qoysaska taageerista guusha ardayda ee xagga akhriska iyo xisaabta. Marka la joogo Xxxxxxx, qaar kamid ah isku-xidhayaasha muhiimka ah ee qoysaska waxa kamid ah:
Ilaha degmada iyo boga internetka ee dugsiga waxay taageerada oo loolanna galiyaan waxbarashada ardadya waxaana laga heli karaa xxx.xxx000.xxx.
Waxbarashada Seesaw waxay u saamaxdaa ardayda inay si toos ah wax uga bartaan macalimiintooda, goob kasta oo ay joogaan.
Kulan subaxnimo go’an oo loogu talagalay aasaaska xeeladaha waxbarida SEL (Barashada Dareenka Bulshada).
Maalin walba akhriska, xisaabta iyo kala-duwanaanta ayaa adeegsada oo wadaagaya khibradda macallinka si loo kordhiyo fursadaha waxbarasho.
Barnaamijyada xisaabta iyo akhriska ee la qabsiga ah (IXL iyo Lexia Core5) ayaa loo isticmaalaa in lagu caawiyo arday kastaa inuu kobco.
Qaadashada layliga akhriska iyo xisaabta. Waa kuwan dhawr fikradood oo taas kaa caawinaya. Qoysasku waxa dhici karta inay hayaan fikrado kale si liiska loogu daro.
Si firfircoon uga qaybgal howaha/nashaadaadka ardayda, sida casharada Seesaw, si looga caawiyo kor u qaadista barashada wanaagsan ee ardayda.
La akhri ilmahaaga maalin kasta. Akhrinta 20-30 daqiiqo maalin kasta waxay ka caawin doontaa waxbarashadoodu in ay kororto.
Ku raaxeysta xisaabta. Isticmaal alaabta laga helo guriga si aad u sahamisaan xisaabta ama ardaydu ha kugu caawiyaan dukaanka.
Ku ciyaar geemka erayada eray-bixinaha cusub erayadooda oo hel qaabab loogu isticmaalo erayadan wada-sheekaysiyada qoyska.
Ka warqab! Soo raadso wargayska iskuulka oo u soo booqo websaydka iskuulka si joogto ah. Si joogto ah ula soo xiriir macallinka ardaygaaga adiga oo adeegsanaya teknolojiyada sida soo wicitaanka, e-maylka, farriimaha Seesaw ama qoraalka taleefanka.
Ku xirnow baraha waxbarashada ee internetka laga heli karo. Guji Student Connect ee websaydka iskuulkaaga si aad u fiiriso bogga Symbaloo ee iskuulka.
Dhiirigali oo taageer u adeegsiga wanaagsan ee tiknoolajiyada ujeedada iskuulka iyo tacliinta. U isticmaal teknoolojiyada in aad kor ugu qaadaan waxbarashada iyo aqoonta ilmahaaga.
Ardaydu waxa dhici karta inay doonaan isku-dayga fikradaha so socda si ay xidhiidh ugu sameeyaan ku barashada guriga iyo dugsiga:
Kala hadal qoyska erayada cusub iyo waxa ay ku baranayaan xisaabta, sayniska iyo cilmiga bulshada.
Keen guriga, oo la wadaag xubnaha qoyska, wargaysyada/joornaalada fasalka iyo ogaysiisyada ku saabsan munaasabadaha iskuulka ee xiisaha leh iyo dhacdooyinka.
Ciyaara ciyaaro! Xitaa waxaad samaysan kartaa liiska cayaaraha ay ku ciyaaraan guriga si aad ugu tababartaan xirfado cusub iyo barasho.
Ka faa’idayso qaar kamid ah isku xirayaasha (links) waxbarasho ee laga heli karo boga internetka ee dugsiga marka ay haystaan wakhtiga shaashadda.
Guriga wax ku akhrista ugu yaraan 30 daqiiqo si loo sii ballaariyo barashada iyo erey bixinta.