Garo Xuquuqdaada Shaqo
Xxxx Xxxxxxxxxxx Shaqo
AASAASKA
MIQYAASYADA SHAQAYSIINTA EE ONTARIYO
SAXIIXA HESHIISKA
Ha iska saxeexin xuquuqdaada. Haddii aad saxiixdo heshiis leh shuruudo ka hooseeya mustawaha ugu hooseeya, sarkaalka kaa saxiixay waa xeer jebiye adna ma tihid ka xeerka jebiyay. Xattaa haddii aad saxiixdo, weli waxa aad xaq u leedahay xuquuqdaada sharci ahaan.
MISHAHARKA UGU YAR
Waa in lagu siiyaa ugu yaraan misharka ugu yar saacadiiba. Shaqaalaha oo dhani ma wada xxxx shaqooyin uu misharka ugu yari xeer u yahay, shaqooyinka qaarkoodna waxa ay leeyihiin heerar ka gedisan.
SAACADAHA WIIGA
Saacadaha ugu badan ee sarkaalkaagu kaa shaqaysiin karo wiigii , waxa weeye 48 saacadood. Haddii sarkaalkaagu doonayo in aad in ka badan shaqaysid, waa in lagu waydiisto in aad saxeexdid heshiis qoraal ah. Waxa aad xaq shaqo-ilaalsan u leedahay in aad diido shaqo 48 saacadood ka badan wiigii.
SAAACADA MAALINTA XXX XXXXXXXXX
Saacadaha ugu badan ee aad shaqo keliya maalintii ka shaqayn kartaayi waa 13. Waxa ku jira nusa saaco nasasho bixin-lahayn 5tii saacadood ee aad shaqaysaba. Sarkaalkaagu kuguma qasbi karo in aad shaqyso in ka badan “shaqada caadiga ah ee maalinta”. Waxase jira xaalado xxxx xx oo lagu weydiisan karo in aad sii joogto waqti dheeraad ah.
WAQTIGA DHEERAADKA AH
0
1
9
-
S
o
m
a
l
i
J
a
n
u
a
r
y
2
Marka aad shaqayso 44 saacadood halkii wiig, waa in lagu siiyo 1.5 jeer misharkaaga caadiga ahsaacadii dheeraad ah ee aad shaqeysaba. Waxa aad qoraal ahaan ku beddelan kartaa waqti fasax ah halkii misharka. Waa in aad hesho 1.5 jeer oo fasax ah halkii saac ee dheeraad ahba. Sarkaalkaagu waxa uu ku weydiisan karaa in aad isku celceliso shaqadaada dheeraadka wiig wixii ka badan. Taa macnaheedu waxa weeyi, adiga waxa ay kuu tahay mishahar ka yar kaad heli lahayd!
FASAXYADA
Waxa laguu ogolyahay in, waqti shaqada ka baxsan, aad qaadato, adiga oo isctimaalaya fasaxyadan xxxxx xx shaqada-ilaalsan ee aan mishaharka lahayn:
• Fasax Xanuun: 3 cisho oo aad u leedahay xanuunkaaga, dhaawacaaga ama degdeg caafimaad.
• Fasax Ma’uuliad Qoys: 3 cisho oo aad u qaadan karto xanuunka, dhaawaca, degdeg caafimaad ama amuur qoys oo degdega.
• Fasax Geeri: 2 cisho oo aad u leedahay geeri ku timi qof qoyska ka tirsan.
Loo-shaqeeyahaagu waxa uu ku warsan karaa caddayn macquul ah si aad u qaadato maalmahan fasaxa ah. Waa in aad loo-shaqeeyahan u shaqaysay
2 usbuuc oo isku xiga, inta aadan fasaxyadan qaadan. Waxa aad ka hubisaa mareegta wararka ee Wasaarada Shaqada, wixii ku saabsan fasaxyo kale, sida kuwa uurka, waalidnimada, daryeelka qoyska, caafimaadka qoyska iyo fasaxyada dhibaha guriga.
FASAXA DHIBAHA GURIGA IYO GALMADA
Haddii adiga ama ilmahaagu la soo gudboonaato dhibo guri ama galmo ama cabsi dhib guri ama galmo, waxa aad xaq u leedahay 10 cisho ilaa 15 wiig oo fasax ah. 5ta maalmood ee ugu horaysa ee sanadkiiba, waa lagu siin doonaa misharkii caadiga ahaa. Xxxx xxxx lagu siin mayo mishahar. Waa in aad ugu yaraan 13 wiig u shaqaynaysay looshaqeeyahan, si aad fasaxan aad u heshid.
FASAXA
Marka aad 1 sano u shaqaysid looshaqeeye isku mid ah, waxa aad xaq u leedahay 2 wiig oo fasax mishaharle ah. Waxa aad xaq u leedahay 4% fasax bixis leh doolarka kasta oo aad shaqaysatidba. Lacagtaada fasaxa, waa in lagu siiyo, marka aad fasaxa u baxaysid. Haddii aad 5 sano u shaqaysid looshaqeeye isku mid ah, waxa aad xaq u leedahay
3 wiig oo fasaxa oo la socoto 6% fasax bixis leh. Looshaqeeyayaashu waxa ay ku weydiisan karaan in aad qoraal ku ogolaatid in laguugu daro jeegagaa mishaharka, 4% ee fasax bixiskaaga (ama 6% 5 sano xx xxx), waxaadse mar kasta xaq u leedahay fasaxaaga in aad qaadato. Haddii aad shaqo ka tegtid adiga oo aan fasaxaaga qaadan, waxad qaadataa lacagtaada fasaxa ee aad ku leedahay.
FASAXYADA SHACBIGA
Ontariyo waxa ay leedahay 9 maalmood oo fasax shacbiya: Maalinta Sanadka Cusub, Xxxxxxxx Xxxxxx, Xxxxxxx Xxxxxxxxx, Xxxxxxxx Xxxxxxxxx, Maalinta Kanada, Xxxxxxxx Xxxxxxx, Maalinta Mahadnaqa, Maalinta Dhalashada Ciise, Maalinta Sadaqada. Waa in aad shaqaysid waqtigaaga caadiga ah ka hor iyo ka dambeyn maalinta fasaxa, si aad u heshid mishaharka maalinta fasaxa shacbiga. Mishahrka fasaxa shacbiga waxa ay tahay wadarta wixii aad shaqaysatay 4tii wiig ee ka horaysay oo loo qaybshay 20. Haddii aad shaqayso maalin fasax shacbiya, waxa aad heshiis qoraal ah ku geli kartaa mishahar sare (1.5 jeer heerkaaga mishahar ee caadiga ah saacadaha aad shaqaysay oo dhan), iyo mishaharka fasaxa shacbiga AMA in aad ku shaqayso mishaharkaaga caadiga ah iyo fasax aad maalin kale qaadato oo ay la socoto mishaharka fasaxa shacbiga.
DIGNIIN ERIS AMA MISHAHAR
0
1
9
-
S
o
m
a
l
i
J
a
n
u
a
r
y
2
Sarkaalkaagu wuu ku eryi karaa bilaa digniin, haddii 3 bilood wax ka yar aad shaqaysay. 3 bilood wixii ka badan, sarkaalkaagu waa in uu ku siiyaa digniin qoraal ah oo ay ku cadahay maalinta shaqada kuugu dambeyn doonta. Haddii aanad digniin helin, waxa aad xaq u leedahay in mishahar laguugu beddelo. Lacagta aad eryista ku heleysid iyo digniintuba, waxa ay ku xidhan yihiin inta aad u shaqaysay loo- shaqeeyHn, ilaa ugu badnaan 8 wiig. Haddii aad shaqada ku heshay hey’ad gargaarka ku meel-gaara ah oo lagu siiyay shaqo 3 bilood ah ama in ka badan, hase yeeshee waqtigaa hortii lagu eryay, waxa aad xaq u leedahay 1 wiig oo digniin ah ama mishaharkiisii.
XXXXXXXXX AYUU KU DABAQAN YAHAY?
Xattaa hadii aad tahay badh-shaqeeye, ku meel- gaar, qof hey’ad soo dirtay amaba aanad lahayn sifo xxxx xx, xaq ayaad ku leedahay sharcigan XMS (Xeerka Miqyaasyada Shaqaysiinta). Wasaarada shaqadu waxa weeye Waaxda Dawlad Goboleedka ee socodsiisa xuquuqda shaqada iyo shaqaalaha. Waa meesha ay shaqaaluhu u soo dacwoon karaan haddii aan mishahar la siinin ama dacwado kaleba ay qabaan. Waa adeeg bilaa lacaga ah. Shaqaalaha oo dhan si looguma wada adeego xeer ahaan. Shaqaalaha qaarkood, sida kuwa beeraha ka shaqeeya ama dhulka hagaaja, ma xxxx xuquuqda mishaharka ugu yar, mishaharka dheeraadka ah ama mishaharka maalmaha fasaxa shacbiga. Haddii aad iskaa aad u shaqaysato, sharciga XMS kuma daboolayo. Haddii uu sarkaalkaagu kugu sheego qof isagu iskii u shaqaysta, si uu mishahrkaaga u yareeyo, aadse tahay shaqaale u shaqeeya, waxa tan la yidhaahdaa waa tilmaan qalad ah.Tan sharcigu waa diidan yahay! Waxa aad dacwad u gudbin kartaa Wasaarada Shaqada ama waxa aad tegi kartaa maxkamada dacwooyinka yaryar, wixii mishahar ah ee kaa maqan. Wac Wasaarada Shaqada si aad xogo dheeraada uga hesho, kuna saabsan shaqada aad heyso.
WARARKA XUQUUQDA SHAQAYSIINTA
Wasaarada Shaqada ayaa loo-shaqeeyayaasha siisa ogaysiin la yidhaahdo “Wax aad u baahan tahay in aad wax ka ogaato Xeerka Miqyaasyada Shaqaysiinta ee Ontariyo”. Looshaqeeyayaasha waxa lagaa rabaa in ay ogaysiinta nuskhad ka siiyaan qof kasta oo shaqaale cusub ah. Waa in aad hesho nuskhadan mudo 30 cisho gudahooda, laga bilaabo markii shaqada aad gashay. Waxa aad xaq u leedahay in aad weydiisato nuskhad ku qoran afkaagii hore.
GARGAAR IYO TAAGEERO
Xarunta Hawlaha Shaqaalaha
Ontariyo waxa ka jira xeerar kale oo shaqada kugu ilaaliya sida Xuquuqda Bini-aadanka ee Ontariyo iyo Xeerka Caafimaadka iyo Nabadgelyada Shaqada. In aad adeegsato qareen ama ku dacwooto maxkamada dacwooyinka yaryar, ayaa iyana ah dariiqyo kale oo lagu heli karo mishaharooyinka maqan. Waxa aad soo wacdaa Khadkayaga Kulul ee Xuquuqda Shaqaalaha si aad gargaar iyo tilmaamo aad u hesho. Wararkayaga xaashiyaha xaqiiqo sheega ee wartebiyaha electrooniga ah, ayaa xxxxx xx siin xxxx xxxxx badan oo shaqada iyo shaqaalaha ku saabsan.
416-531- 0778
0
1
9
-
S
o
m
a
l
i
J
a
n
u
a
r
y
2
Lambarka bilaashka 0-000-000-0000 xxx.xxxxxxxxxxxxxxxxxxx.xxx
Xxxxxxxxx Xxxxxxx
Kala xidhiidh Wasaarada Shaqada wixii warar ah ee ku saabsan xuquuqda uu kuu ogol yahay Xeerka miqyaasyada Shaqaysiintu iyo sida aad dacwo u qoran karto. Gal oo siyaaro mareegtooda si aad u hesho adeegyo kale oo kaa caawin kara xisaabinta mishaharooyinka maqan.