Baro Xuquuqdaada Shaqada
Baro Xuquuqdaada Shaqada
AASAASKA
Gundhigga Sharciga Shaqaalaha Ontario
SAXIIXIDDA HESHIISYADA
Marnaba ha saxiixin heshiis ka soo horjeeda xuquuqdaada. Haddii aad saxiixdo heshiis shuruudihiisu ay ka hooseeyaan xeerka shaqada, shirkadda aad u shaqeyso waxay jabineysaa sharciga. Hase yeeshee, xataa aad saxiixdo, xuquuqdaada waa leedahay.
MUSHAARKA UGU HOOSEEYA
Saacad kasta oo aad shaqeyso, waa in lagu siiyaa mushaarka ugu hooseeya. Xxxx xxxxxxx, sharciga wuxuu qeexayaa shaqooyin iyo shaqaale aan qaadaneyn mushaarka ugu hooseeya.
SAACADAHA TODDOBAADKII
Toddobaadkii, 48 saac ayaad shaqeyn kartaa. Haddii ka badan uu ku weydiisto madaxaada shaqada, waa in aad saxiixdaa heshiis qoraal ah. Hase yeeshee, waxaad xaq u leedahay in aadan saxiixin heshiis qeexaya saacado ka badan 48.
SAAACADAHA IYO NASASHO MAALMEEDKA
Hal shaqo, waxaad ugu badnaan shaqeyn kartaa 13 saac. Waxaa jira nus saac nasasho lacag la’aan ah 5 saac xx xxx. Madaxdaada kuguma khasbi karaan in aad shaqeyso saacadaha caadiga ah wax ka badan. Hase yeeshee, haddii ay jiraan duruufo xxxx xx, waa ay ku weydiisan karaan.
XXXXXXXXX DHEERIGA AH
0
1
9
-
S
o
m
a
l
i
2
Haddii toddobaadkii aad shaqeyso 44 saac ka badan, saacad kasta waxaa lagu siinayaa 1.5 (saacad iyo bar). Hase yeeshee, waxaad saxiixi kartaa heshiis qoraal ah oo qeexaya saacadaha dheeriga ah. Madaxdaada, waxay ku weydiisan karaan isku cel xxxxx saacadaha dheeriga ah ee toddobaadkii.
NASASHADA
Waxaad xaq u leedahay fasaxyada hoos ku qoran oo lacag la’aan ah:
• Xxxxx Xxxxxx: 3 maalmood oo fasax xanuun shaqsi ama takhtar.
• Fasax Ma’uuliad Qoys: 3 maalmood oo qoyska dartiis ah.
• Xxxxx Xxxxx: 2 maalmood oo geeri ku timid qof ka mid ah qoyskaaga.
Shirkaddu, waxay ku weydiin kartaa caddeyn ku saabsan sababta fasaxyadaas. Waa in aad laba toddobaad oo xiriir ah u shaqeysaa shirkadda. Fasaxyada kale oo aad xaqa u leedahay ka hubso Wasaaradda shaqada.
FASAXYADA DAGAALKA AMA GALMADA
Haddii adiga ama carruurtaada aad wajahdaan dagaal guri ama galmo, waxaad xaq u leedhay 10 maalmood ilaa 15 toddobaad oo fasax ah. Sannad kasta, 5ta maalmood ee fasaxaas ugu horeysa, waa in lagu siiyaa lacagtooda. Xxxx xxxx xaq xxx lihid wax lacag ah. Ugu yaraan, waa in aad shirkadda u shaqeysaa 13 toddobaad oo xiriir ah.
FASAX LACAG AH
Xx xxx markii aad xxx xxxx shirkadda u shaqeyso, waxaad xaq u yeelaneysaa 2 toddobaad oo fasax lacag ah, iyadoo laguu xisaabinayo 4% dakhliga aad shaqeysatay.. Waa in lacagta lagu siiyaa marka aad fasaxa qaadato. 5 sano markii aad u shaqeyso shirkadda, waxaad xaq u yeelaneysaa
3 toddobaad oo fasax lacag ah, iyadoo laguu xisaabinayo 6% dakhliga aad shaqeysatay. Xxxxxxxxx, waxay ku weydiisan kartaa in aad heshiis qoraal xx xxxx xxxxx fasaxa lacagta ah. Haddii aad shaqada ka tagto, waxaad xaq u leedahay lacagta fasaxa aadan qaadanin.
Baro Xuquuqdaada Shaqada
AASAASKA
Gundhigga Sharciga Shaqaalaha Ontario
FASAXYADA GUUD
Ontario, waxay leedahay 9 maalmood oo fasax guud ah: maalinta sannadka cusub, maalinta qoyska, Jimcaha wanaagsan, maalinta Guusha, maalinta Kanada, maalinta Shaqada, maalinta Mahdinta, maalinta Masiixiga iyo maalinta ku xigta. Si aad u hesho lacagta fasaxyadaas, waa in aad shaqeysaa maalinta ka horreysa iyo maalinta ku xigta. Lacagta fasaxyada guud, waxaa laguu xisaabiyaa afartii toddobaad oo aad soo shaqeysay oo loo qaybiyay 20. Haddii aad shaqeyso maalmaha fasaxyada guud, waxaad xaq u leedahay saacadaha aad shaqeysay oo lagu dhuftay 1.5.
OGEYSIISKA AMA LACAGTA RUQSADA
Haddii aad shaqeysay 3 bilood ka yar, ogeysiis la’aan ayaa lagu ruqsayn karaa. Wa in lagu siiyaa ogeysiis qoraal ruqso ah haddii aad shaqeysay 3 bilood ka badan. Lacagta ruqsada darted laguu siinayo, waxay ku xiran tahay muddada aad shirkadda u soo shaqeysay. 8 toddobaad lacagtooda ayaad ugu badnaan xaq u yeelanaysaa. Xxxxxxxxxx ku meel gaarka ah, haddii aad kula heshiiso in aad 3 bilood iyo wax ka badan u shaqeyso, hase yeeshee ka hor ay ku ruqseeyaan, waxaad xaq u yeelanaysaa hal toddobaad lacagtiisa.
SHARCIGA CIDDEE BUU KHUSEEYAA
0
1
9
-
S
o
m
a
l
i
2
Sharciga shaqaalaha Ontario, wuxuu khuseeyaa shaqaalaha maalmo kooban shaqeeya, kuwa ku meel gaarka ah iyo kuwa shaqada loogu Waco. Dhaqan gelinta sharciga, waxaa u xil saran Wasaaradda Shaqada. Haddii aad la kulanto caddaalad darro ama aad wax tabaneyso, waxaad dacwo qoraal ah u gudbineysaa Wasaaradda Shaqada, adigoo aan wax lacag ah bixinin.
Shaqaalaha beeraha iyo kuwa dhulka sharcigaan waxba kama khuseeyo. Haddii shirkaddaada ay kugu tilmaamaan qof iskiis u shaqeysta, hase yeeshee aad ayaga u shaqeyso waa xad gudub sida uu sharciga qabo. Waxaad dacwo qoraal ah hordhigi kartaa Wasaaradda Shaqada. Haddii aad u rabtana waad wici kartaa.
MACLUUMAADKA XUQUUQDA SHAQADA
Wasaaradda Shaqada, waxay shirkad kasta siisaa qoraal qeexaya sharciga shaqada. Shirkadaha, waxaa laga doonayaa in shaqaalahooda ay siiyaan qoraalkaas nuqul ka mid ah. Laga bilaabo maalinta lagu shaqaaleeyay, waa in aad heshaa nuqulkaas.
TAAGEERO IYO MACLUUMAAD
URURKA DIFAACA SHAQAALAHA
Waxaa kaloo jira shuruuc kale oo difaaca shaqaalaha sida sharciga bulshada Ontario, caafimaadka iyo bad qabka qofka. Si aad u hesho macluumaad ku saabsan shuruucdaas, waxaad wacdaa ama booqataa telefoonnada ama bogga xuquuqda shaqaalaha ee halkan xxxxx ku qoran:
416-531- 0778
0-000-000-0000
XXXXXXXXXX XXXXXXX
Si aad u ogaato xuquuqda sharciga shaqaalaha ama aad dacwad u gudbiso, waxaad wacdaa ama booqataa telefoonka ama xxxxx xxxx ku qoran:
1-800- 531-5551