Kooras ku saabsan bulshada Finland
Kooras ku saabsan bulshada Finland
Ka shaqeynta Finland
Erey bixinta shaqada
Heshiis shaqo
Heshiiska shaqada waxaa wada gaara qofka shaqaalaha ah iyo shaqo bixiyaha. Qofka shaqaalaha ah waxaa
uu heshiiska ku ballanqaadayaa in uu shaqada u qabanaayo sida lagu heshiiyay, shaqo bixiyuhuna wuxuu ballanqaadayaa in uu bixiyo mushaarkii lagu heshiiyay.
Heshiiska shaqada waxaa la isku afgartaa arrimaha ay ka midka yihiin mushaarka, waqtiga shaqada, mudada shaqada iyo shaqada la qabanaayo. Heshiiska shaqada waxaa uu noqon karaa mid qoraal ah, af ahaan ah ama elegtoroonig ah. Heshiiska shaqada waa in qoraal ahaan loo sameeyaa.
Xiriir shaqo
qofka shaqaalaha ah iyo shaqo bixiyaha waxaa dhexmaraya xiriir shaqo, marka ay samaynayaan heshiiska shaqada
Heshiiska shuruudaha shaqada (TES)
Heshiiska shuruudaha shaqada waxaa wada gaara ururka shaqaalaha xirfdlayaasha ah iyo kuwa shaqo
bixiyayaasha. Heshiiska shuruudaha shaqada waxaa la isku afgartaa shuruudaha shaqada, kuwaasoo ay tahay in loo hoggaansamo laamaha shaqo ee gaarka ah. Shuruudaha shaqada waxaa tusaale ahaan ka mid ah: mushaarka, saacadda shaqada iyo fasaxyada. Heshiiska shaqada waa in laga helaa macluumaadka ku saabsan, heshiiska
shuruudaha shaqada ee uu shaqo- bixiyuhu doonaayo in la sameeyo.
Ururka shaqaalaha
waa urur ay ku jiraan dadka isku xirfadda ah. Ururka shaqaalaha waxaa uu wakiillada shaqo bixiyayaasha kala hadlayaa shuruudaha shaqada, mushaarka iyo
waqtiga shaqada. Waxaa goobta shaqada ku matalayaa ururka shaqaalaha iyo xubnaha ka tirsan ee shaqaalaha ahba, qofka loo yaqaan wakiilka shaqaalaha. Qofka magangalyoddoonka qaxootiga ah ama qofka helay badbaadada kummeelgaarka ah, waxaa uu ka mid noqon karaa ururrada shaqaalaha.
Howlwadeenka qaablisan ammaanka goobta shaqada Finland waxaa ilaalinta ammaanka goobta shaqada qaabilsan howlwadeenka ammaanka goobta shaqada ee dowladda. Shaqada howlwadeenka ammaanka goobta shaqada waa in uu ilaaliyo ammaanka goobta shaqada iyo sharciyada ku saabsan ammaanka goobta shaqada, iyo arrinka ku saabsan in qofka shaqo bixiyaha
ah uu hogaansamay xiriirka ka dhexeeya waqtiyada shaqo qabashada iyo mushaarka. Qofka shaqaalaha ah mar kasta waa uu la xiriiri karaa wakiilka ammaanka goobta shaqada, haddii uu qabo wax su’aal ah oo ku saabsan xiriirka shaqada ama ammaanka goobta shaqada. Ammaanka goobta shaqada waxaa sidoo kale loola jeedaa, in qiimeyn lagu sameeyo waxyaabaha khatarta ah ee ka jiri kara goobta shaqada.
Kooras ku saabsan bulshada Finland - Ka shaqeynta Finland - 12/2023 - somali 2
Goorma ayaan shaqo qaban karaa?
Qofka magangalyoddoonka qaxootiga ah waxaad shaqo bilaabi kartaa:
• Marka ay 3 bilood ka soo wareegto codsigaagii magangalyoddoonka qaxootinnimo, haddii markaa aad wadatay dukuminti sax ah oo kuu oggolaanaya in aad dalka xxx xxxxx (baasaboor)
• Ama 6 bilood kaddib marka aad codsatay magangalyoddoonka qaxootinnimo, haddii aadan wadan wax dukuminti safar ah.
Xuquuqda shaqo qabashada waxaa ay shaqaynaysaa markii la helo arrimaha oo socda:
• Go’aan oggolaansho ah: haddii lagu siiyo go’aan oggolaansho ah, inta badan xaaladaha shaqadaada waad ka sii wadan kartaa Finland gudaheeda. Waxaa lagu siinayaa kaarka sharciga degganaanshaha dalka ama kaarka ciqaamadda, kaasoo aad xx xxxxx karto in aad xaq u leedahay in aad dalkan Finland gudihiisa ka shaqayn karto iyo inkale.
• Go’aan diidmo ah: haddii lagu siiyay go’aan diidmo ah, islmarkaana aad racfaan ka qaadatay, waad sii wadan kartaa shaqada tan iyo inta lagaa siinaayo go’aanka dhaqngelinta xukunka. Xuquuqda shaqo qabashadu waxaa ay dhammaanaysaa, xxxxx xxxx sharciga uu dhigaayo adiga lagaa musaafurinayo dalka.
Xuquuqda shaqo qabashada ee dadka helay badbaadada kummeelgaarka ah waxaa ay bilaabanaysaa islamarka codsiga la dhigay, waxaana ay socon doontaa illaa iyo inta uu sharciga degganaanshaha ama ciqaamadda uu ka shaqaynaayo.
Xuquuqda shaqo ee qofka magangalyoddoonka ah ama qofka helay badbaadada kummeelgaarka ah, lama mid aha sharciga deganaanshaha dalka ee qofka shaqaalaha ah. Xuquuqdaada shaqo qabashada waxaa ay u bilaabanaysaa si ootomaatig ah. Ma jirto wax wargelin xxxx xx oo arrinka laga soo gudbinaayo, adigana lagaagama baahna in arrinkaas awgiis aad u codsto ogoolaansho xxxx xx.
Xuquuqda shaqo qabasho ee qofka magangalyoddoonka qaxootiga ah kuma jirto in uu shirkad asaasi karo ama uu samaysan karo magac ku shaqaysi (toiminimi), waxaad u baahan tahay sharciga degganaanshaha oo xxxx xx si aad arrimahaas u hesho. Dhanka kale dadka helay badbaadada kummeelgaarka ah, waxaa ay xaq u leeyahiin inay aasaasaan shirkad ama magac ku shaqaysi.
3
Kooras ku saabsan bulshada Finland - Ka shaqeynta Finland - 12/2023 - somali
Caddeynta xuquuqda shaqo qabashada
Shaqo bixiyaha waxaa ku waajib ah in uu hubiyo, in qofka ajnabiga shqaalaha ah uu xaq u leeyahay in uu ka shaqeeyo Finland iyo inkale.
Shaqo bixiyaha ama shaqo codsadaha isaga laftigiisa ayaa iimeylka Hoggaanka socdaalka ku weydiin kara si lacag la’aan ah xuquuqda shaqa qabashada. Farriinta waxaa loo diri karaa cinwaanka iimeylka la qariyay ee ah xxx@xxxxx.xx.
Bogga internetka ee Waaxda socdaalka waxaa ku qoran warbixinihii ugu dambeeyay ee ku saabsan xuquuqda shaqo qabashada: xxxxx.xx/xxxxxxxx-xxxxxxxx-xxxxxxxxxx
Codsashada shaqada
• Iska ogow marka hore noocyada shaqo
ee magaaladaada laga heli xxxx, xxxx xiriir shaqo bixiyayaasha. Noqo qof u diyaar ah shaqooyin kala duwan.
• Waxaad qortaa khibraddaada shaqo iyo qof ka warrankaaga ama CV. Xerada qaxootiga waxaa lagaaga samayn karaa liiska waxyaabaha aad taqaanno, kaasoo aad u isticmaali karto qof xx xxxxxx ahaan.
• Helitaanka goobta shaqada waa mid fudud, haddii aad taqaanno luqadaha finishka iyo iswidishka. Sidaas awgeed waa in markasta aad luqadda barataa!
• Dalkan Finland inta badan shaqada waxaa laga codsadaa dhanka internetka. Waxaad foomka codsiga shaqada ka buuxin kartaa bogagga codsiga shaqada, waxaadna codsiyada shaqada ku diri kartaa iimeyl ahaan.
• Haddii aad tahay musharraxa ku haboon shaqada, waxaa dhici karta in laguugu yeero waraysiga shaqada. Waxaad u diyaar garowdaa sidii aad
u saleyn lahayd sababta aad noqon kartid shaqaale ku haboon howshaan aad soo dalbatay.
ISKAJIR shaqo bixiyaha dadka ku shaqaalaysiinaaya iyagoo aan lahayn wax xuquuqda shaqo qabashada ah!
Waxaa dhici karta in lagugu soo eedeeyo sharci jebin ama dambi.
Kooras ku saabsan bulshada Finland - Ka shaqeynta Finland - 12/2023 - somali 4
Maxaa ay tahay in la sameeyo marka shaqada la helo?
Mar walba waxaad heshiis shaqo la gashaa shaqo bixiyaha. Xitaa shaqada mudadeedu yar tahay, waa in aad samayso heshiis qoraal ahaan ah. Marnaba ha saxiixin waraaqda heshiiska shaqada, haddii aadan fahmin waxa ku qoran.
Heshiiska shaqada waa in ugu yaraan lagu caddeeyaa arrimaha ay ka midka yihiin:
• mushaarka
• xilliga shaqada
• mudada shaqadu qaadanayso
• howsha la qabanaayo.
Dhammaan dadka qabta shaqo mushaar leh, waxaa dalkaan Finland ay ka bixiyaan canshuur. Waa in aad raadsataa kaarka canshuurta. Canshuurta waxaa si toos ah looga gooynayaa mushaarkaaga. Marka aad codsanayso kaarka canshuurta, waa in aad hore u sii qaadataa kaarka macmiilka xerada qaxootiga.
Mushaarka waxaa lagu caddeeyaa ama lagu sheegaa heshiiska shaqada. Waana in uu noqdaa ugu yaraan mid
le’eg cadadka lagu heshiiyay ee xirfaddaas shaqada ee lagu xusay heshiiska shuruudaha shaqada. Mushaarka waa in la bixiyaa ugu yaraan hal mar bishii. Mushaarkaaga waxaa laga gooynayaa canshuurta aad bixineyso oo loola jeedo canshuurta hormaris ahaanta looga sii gooyo mushaarka
iyo waxyaabaha xxxx xx ay khasabka tahay in la bixiyo. Xxxxx xxxxxxxxx lagu siiyo, waxaa laguu soo raacinayaa warqadda rasiidka mushaarka, taasoo ay ku qoran yihiin mushaarkaaga, canshuurta aad bixisay iyo waxyaabaha xxxx xx laga gooyay mushaarka. Meel ku qoro saacadaha aad shaqaysay, markastna iska hubi in macluumaadka ku qoran warqadda rasiidka mushaarka ay sax yihiin iyo inkale.!
Inta badan si mushaar laguu siiyo waxaa loo baahan yahay akoon bangi. Haddii aad doonaysid in mushaarkaaga laguugu so shubo kaarka Prepaid-ka xerada qaxootiga, waa in aad timaaddaa xerada qaxootiga oo shaqaalaha aad tustaa heshiis shaqo oo qoraal ahaan ah.
xerada
5
Ogoow, in mushaarku uu saameyn ku yeelanaayo lacagta biilka xerada, iyadoo ay ku xiran tahay hadba dakhliga ku soo gala inta uu le’eg yahay, ayaa waxaa dhici kara in aad bixiso kharashka degaanka, raashinka iyo kan daryeelkaaga caafimaad. Warbixinta dheeraadka ah ee arrinkaan ku saabsan waxaad ka heli kartaa sooshaladda
qaxootiga.
Kooras ku saabsan bulshada Finland - Ka shaqeynta Finland - 12/2023 - somali
Marnaba ha qaadan shaqo mushaar la’aan ah!
Tababarka shaqo ee mushaar la’aanta ah
6
Sharciga Finland kuma qorna wax la yiraahdo tababarka shaqo ee mushaar la’aanta ah. Kaliya waxaa uu arrinkaas suurtaggal ka yahay marka uu yahay qayb ka mid ah waxbarashada ama marka lagu jiro waxbarashada uu qabanqaabiyo xafiiska shaqada. Tababarka shaqo ama shaqada la qabanaayo, waa in markasta laga helaa mushaar ku haboon howshaas la qabanaayo. Tababarka shaqo ee mushaar la’aanta ah, marwalba waa khatar
ah ka faa’iidaysasho. Inta badan arrinkaas waa shaqadii caadiga ahayd, ee ay tahay in laga bixiyo mushaar caadi ah.
Dadka magangalyoddoonka qaxootiga ah ama dadka helay badbaadada kummeelgaarka ah, waxaa
ay leeyihiin xuquuq iyo waajibaad ku saabsan nololmaalmeedka shaqada, kuwaasoo la mid ah xuquuqda iyo waajibaadka ay leeyihiin shaqaalaha kale. Sida uu dhigaayo sharciga dalkaan Finland, qofna lama siin karo mushaar yar, iyadoo sabab looga dhigaayo in uu yahay ajnabi.
Kooras ku saabsan bulshada Finland - Ka shaqeynta Finland - 12/2023 - somali
Shaqo ma qaban kartid, adigoo aan haysan xuquuqda shaqo qabashada!
Xuquuqaha shaqada
Dhammanba dadka Finland ka shaqeeya waxaa kusheeya shuruudo shaqo oo isku mid ah. Shaqaalaha ajnabiga ah iyo kuwa finishka ahba, waa in si iskumid ah loola dhaqmo.
Qofka shaqaalaha ah wuxuu xaq u leeyahay:
• heshiis shaqo iyo shuruudaha shaqada oo qoraal ahaan ah
• mushaar, waqtiga shaqada iyo fasaxa mushaarka leh, kuwaasoo waafaqsan sida ku qoran heshiiska shuruudaha shaqada iyo heshiiska shaqada
• xilliyo nasasho oo la dejiyay, oo qofku uu galo xilliga shaqadu socoto
• magdhow qofka laga siiyo waqtiga shaqada xxxxx aadka ah
• degaan shaqo oo aammin ah
• daryeelka caafimaadka shaqada iyo fasaxa jirrada
• shaqo baris ama shaqo fahamsiin
• isu diyaarinta inuu ku biiro ururrada shaqaalaha
• in uu ku wargeliyo dhibaatooyinka uu kala kulmo shaqada, qofka shaqo bixiyaha ah ama howl wadeenka qaabilsan ammaanka goobta shaqada.
Waajibaadka saaran qofka shaqaalaha ah
Ka shaqaale ahaan waxaa ku saaran waajibaad uu kugu leeyahay shaqo bixiyaha:
• U samee shaqadaada si taxaddar leh.
• U hoggaansan tilmaanbixinta iyo hagista uu ku siiyo shaqo bixiyaha.
• Waqtigii laguugu talaggalay tag shaqada, oo ha daahin.
• U sheeg haddii aad xanuunsato, ama sababo kale oo jira awgood aadan shaqada u xxxx xxxxx.
• Maalmaha fasaxa ah si hormaris ah ugala heshii.
• Waxaad isticmaashaa qalabka caawimaadda iyo kuwa gabbaad ahaanta loo isticmaalo ee shaqo bixiyuhu uu ku siiyay.
• Xxxxxx xx xxxxx ammaankaaga iyo ama kan dadka kale.
• Ku wargeli madaxaaga shaqaalaha waxyaabaha khatarta ah iyo waxa meesha ka maqan ee aad aragto.
• Weydii shaqo dheeraad ah, haddii shaqadaad haysay ay dhammaato.
• Arrimaha sirta ah ee shaqo bixiyaha ha u sheegin dadka kale.
• Ha u qaban shirkad kale wax shaqo ah, taasoo khasaare ku keeneysa shaqo bxiyahaaga.
Kooras ku saabsan bulshada Finland - Ka shaqeynta Finland - 12/2023 - somali 7
Xx xxxxxx haddii aan dhibaato kala kulmo shaqada?
Shaqo bixiyuhu waa inuu u hoggaansamaa sharciyada iyo heshiisyada. Kalahadal shaqo bixiyahaaga xaaladaha dhibaatada ah ee jira. Haddii arrinka la xallin waayo, waxaad talosiin ka heli kartaa shaqaalaha xerada qaxootiga, ururka shaqaalaha xirfadlayaasha ama howlwadeennada ammaanka ee goobta shaqada.
Arrimaha ku saabsan xaaladaha soo socda, waxad u sheegi kartaa booliska ama howlwadeennada ammaanka ee goobta shaqada:
• Haddii aad ogaato in goobtaada shaqada lagu jebinaayo sharciyada.
• In adiga lagaala horyimaado xoogmuquunin ama hanjabaad.
• In aadan helin mushaarkii lagu heshiiyay, ama adiga lagu siiyo oo kaliya qayb ka mid ah mushaarkii saacadaha shaqo ee aad qabatay
• Waxaa adiga laguu diraa xilliyo shaqo oo aad u dhaadheer, iyadoo aan lagu siinaynin waqtiyo nasho kugu habboon.
Marka uu heshiiska shaqada dhammaado
Xilliga heshiiska shaqada uu dhammaanaayo waxaa laga dejiyay sharciyada heshiiska shaqada. Heshiiska shaqada waxaa uu inta badan dhammaadaa kaddib marka la gaaro waqtiga joojinta heshiiska shaqada. Xxxxxxx xxxxxxxx xxxxxxxxx xxxxxxx, qofka shaqaalaha ah si caadi ah ayuu shaqadiisa u samaynayaa, waana in la siiyo mushaarki caadiga ahaa.
Xilliga joojinta heshiiska shaqada waxaa uu ku xiran yahay hadba inta ay le’eg tahay mudada xirirka shaqada: xirirka shaqo ee ka yar halka sano, xilliga hehsiiska joojinta shaqada wa 14 maalmood.
Hehsiiska shaqo waxa islamarkiiba si dhakhso xx xxx joojin karaa oo kaliya, waqtiga tijaabada shaqada, ama haddii qofka shaqo bixiyaha ah ama shaqaalaha ah uu jebiyo ama dayaco, waajibaadkii lagu heshiiyay ee ku qornaa heshiiska shaqada.
Waxaad ka taxaddartaa arinka ah, in marka xiriirka shaqo uu dhammaado aad hesho magdhowgii fasaxa ee saxda ah.
Magdhowga fasaxa waxaad heleysaa, hadii aadan wada isticmaalin maalmihii fasaxaaga. Cadadka magdhowga fasaxa waxaad xx xxxxx kartaa waraaqdaada rasiidka mushaarka.
Mar walba waxaad codsataa shahaadada shaqada ee shaqadii aad qabatay. Waxaadna shahaadadaas u baahan tahay, marka aad codsanayso goob shaqo oo
cusub. Sidoo kale waxaad ka codsataa in xerada qaxootigu ay ku daraan khibraddaada shaqo, ee liiska ay kuu sameeyeen ee ku saabsan waxyaabaha aad taqaanno.
Kooras ku saabsan bulshada Finland - Ka shaqeynta Finland - 12/2023 - somali 8
Macluumaad dheeraad ah
Guriga Finland -waa mashruuc fiidiyoow ah oo ka hadlaaya bulshada Finland. Mid ka mid ah mowduucyada
xxxxx://xxx.xxxxxxx.xxx/x/XxxxxxXxxxxxxx/xxxxxxxxx
fiidiyowyadaas waa: codsiga shaqo iyo ka shaqynta Finland. Waxaad fiidiyowgaa ka heleysaa linkiga yuutiyuubka ee ah:
Fiidiyoowga waxaa lagu daawan karaa luqadaha soo socda: finnsih, iswidish, ingiriis, carabi, dari, kurmandzi, somali, sorani, thaylaandi, shiinaha, faransiiska, istooniya, tigrinya iyo ruush.
Heeganka dhibanaha dambiga waxaa ay sameeyeen fiidiyow ka hadlaaya xuquuqaha qofka shaqaalaha ah. Waxaana fiidiyowgaas oo ku baxyaa 16 luqadood oo kala duwan aad ka daawankartaa linkiga yuutiyuubka ee ah:
xxxx://xxx.xxxx.xx/xx/xxxxxxxxxxxxxx/xxxxxxxxxxxxxxxxxx
Macluumaad ku saabsan meelaha aad la xiriiri karto
• Xafiiska canshuuraha iyo arrimaha kaarka canshuurta
xxx.xxxx.xx tel: 000 000 000
• Telefoonka adeegga ajaanibta xx XXX.
– Xxxxxxxx xxxxxx xxxxxxxx xxx xxxxxxxx xxxxxxxx- shaqo oo lacag la’aan ah xxxxxxxxxxxxx@xxx.xx
tel: 0000 000 000
• Adeegga talosiinta howlwadeennada ammaanka ee goobta shaqada
xxx.xxxxxxxxxx.xx tel: 000 000 0000
• Heeganka dhibanaha dambiga
xxx.xxxx.xx tel: 116 006
• Nidaamka caawinta ee dhibbnaha soo maray ka ganacsiga dadka
9