National Labor Relations Act (Nlra) Overview Sample Contracts

Xuquuqda Shaqaalaha
National Labor Relations Act (Nlra) Overview • November 4th, 2011

Xeerka Xiriiryada Shaqaalaha Qaranka (NLRA) ayaa dammaanad ka qaadaysa xuquuqda shaqaalaha inay urur yeeshaan oo si wadajir ah ula gorgortamaan loo-shaqeeyahooda, oo ku kacaan waxqabad kale oo dhowran oo wadajir ah ama iska daayaan mid kasta oo ka mid ah ficilladaas korka ku yaal. Shaqaalaha hoos yimaad NLRA* ayaa laga ilaaliyaa noocaca anshax xumada loo-shaqeeyaha iyo ururrada shaqaalaha qaarkood. Ogeysiiskan ayaa adiga kaa siinaya macluumaad guud arrimaha ku saabsan xuquuqdaada, iyo xilalka saaran loo-shaqeeyeyaasha iyo ururrada shaqaalaha markay hoos timaad NLRA. La xiriir Guddiga Xiriiryada Shaqada iyo Shaaqalaha Qaranka (NLRB), oo ah hay’adda federaaliga ah ee soo baarta ee xallisa cabashooyinka hoos yimaad NLRA, adiga oo isticmaalaya macluumaadka lagu bixiyay hoosta, haddii wax su’aalo ah aad ka qabto xuquuda qaarkood ee laga yaabo inay ku aaddan tahay goobtaada shaqo ee gaarka ah.