Abuurista nidaam isqoris oo dhexdhexaad ah oo loogu talagalay doorashada hay’ada maamulka kiiska Qodobbada Tusaalaha

Abuurista nidaam isqoris oo dhexdhexaad ah oo loogu talagalay doorashada hay’ada maamulka kiiska. Istiraatijiyada Gobolka:• Abuurista hay’ad soo gelid oo gooni ah, dhexdhexaad ah, aan eex ku dhisnayn ama qaab ka mas’uul ka taageerida qaadashada ‘intake’, u qalmitaanka iyo isqorista maamulka kiiska oo noqon kara hay’ad goboleed degaanka ama shaqaalaha hay’ada ee gobolka.• Abuurista tilmaamo la raacayo oo cad iyo sharraxaad loogu talagalay tala bixin, waxbarasho iyo taageero la xiriirta maamulka kiiska, iyo waxa qof ka dhiga ama hay’ada u qalanta in ay bixiso la talin la dooranayo si loo soo xusho adeega iyo kala doorashada CME, iyo maamulayaasha kiiska ee CME dhexdiisa.Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:• Bixinta goob iyo/ama nidaam ku baahsan CME degaanka oo loogu talagalay macaamiisha mustaqbalka si loogu lug yeesho kala doorasho laga warqabo ka hor inta aan la isku gudbin isqoritaanka.• ODDS ayay tahay in ay ogeysiin qoraal ah oo sanadle ah oo la xiriirta kala doorashada CME u dirto dadka iyo wakiiladeeda la qoondeeyay, oo ay ku jiraan macluumaad la iskala soo xiriirayo oo loogu talagalay CME kasta iyo sharraxaada nidaamka loogu talagalay codsiga isbeddelo lagu sameeyo CM ama CME, oo ay ku jiraan waqtiyada ay tahay in dadku fishaan la kulanka.HADAFKA #3, SINNAANSHAHA: Dhammaan dadka qaba I/DD, oo ay ku jiraan, carruur iyo qoysaskooda, iyo dadka ka soo jeeda bulshooyin iyo aqoonsiyo kala duwan, in ay helaan adeegyada maamulka kiiska oo loo wada siman yahay oo dhaqan ahaan iyo luqad ahaanba wax jawaabta u noqonaya oo ixtiraam leh.