Istiraatijiyada Hay’ada Maamulka Kiiska (CME Qodobbada Tusaalaha

Istiraatijiyada Hay’ada Maamulka Kiiska (CME. Tallaabooyinka ay hay’adaha degaanku qaadi karaan si loo gaaro ujeedooyinka oo loo buuxiyo hadafkaWaa aragtida Kooxda shaqada ee Qorshe Dejinta in wixii ujeedooyin iyo istiraatijiyado gaar ahaaneed ah ee loo tixgeliyo in la hirgeliyo oo ka baxsan hadafka guud (sababta ujeedada ama istiraatijiyadu) ay dhici karta in aysan waafaqsanayn ujeedada talada la soo jeediyay. Sababta “why” ka dambeysa shay kastaa waa mid aad u muhiim ah waxayna wax ku biirisaaisbeddelka buuxda oo kooxda shaqadu sii qiyaaseen.Waqtiyada la qabtay ee lagama maarmaanka u ah talooyinka la soo jeediyay waxay u dhexeeyaan nidaamyo sanado badan ka kooban ilaa hawlo si degdeg ah u dhici kara iyada oo aysan jirin ilo la taaban karo. Qaar baa ah kuwo meel fog gaaraya, u baahan isbeddelada qaab-dhismeedka iyo sharciga; kuwo kale ayaa ah maamul ama la xiriira isgaarsiin iyo macluumaad. Hirgelinta Isbeddelka Guud ee dhanka Maamulka Kiiska‌Kooxda shaqada ee Qorshe Dejinta ayaa qirtay adkaanshaha iyo caqabadaha isbeddelka guud ee nidaamyada; si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray yididiilo weyn oo ka dhex jirtay kooxda oo ah in Oregon ay gaari karto dib u habayn muhiim ah oo lagama maarmaan ah oo leh ka qayb gal toos ah oo adag oo ka socota bulshada weynta wax daneysa ee I/DD. Kulankii kama dambeysta ahaa ee kooxda ee Maarso 2022, waxaa jiray wada hadal ballaaran oo ku saabsanaa baahida loo qabo hirgelinta iyo tilmaamaha dhanka tababarka oo ka socda kooxda Qorshe Dejintu, si loo ogaado in talooyinkaasi la soo jeediyay hore u socdaan iyaga oo waafaqsan ujeedada iyo qiimaha la leeyahay, iyo in dadka qaba I/DD ay yihiin dadka maamula “drivers” dadaalada wax lagu hirgelinayo. Fikrada xudunta u ah ee “Nothing About Us Without Us” ayaa lagu celceliyay loogana dhawaajiyay is xasuusin ahaan. Hal talo soo jeedin oo laga helay kooxda ayaa ahayd in la abuuro fursado ay dadku waxyaabo dheeraad ah kaga ogaanayaan talooyinka la soo jeediyay iyada oo la adeegsanayo hadal soo jeedinta rasmiga ah ama fursadaha waxbarasho.Kooxda ayaa sidoo kale qirtay casharro laga bartay guud ahaan nidaamka Qorshe Dejinta, iyo muhiimada ay leedahay hirgelinta ka qayb qaadashada wanaagsan ee daneeyayaasha oo waafaqsan talooyinka la soo jeediyay sida uu dhigayo Hadafka #6 ee warbixintani (bogga 24, ee hoose). Kooxda Qorshe Dejintu waxay jeclaan lahayd in ay aragto gobolka oo dhisa koox wax fulisa oo ay hoggaaminayaan dadka waaweyn ee hela taageerooyinka iyo qoysaska dadka qaba I/DD, oo leh shaqaalaha gobolka iyo shaqaalaha maamulka kiisk...