Kordhinta in si fudud loo helo macluumaadka ku saabsan adeegyada, taageerada, iyo ilaha bulshada Qodobbada Tusaalaha

Kordhinta in si fudud loo helo macluumaadka ku saabsan adeegyada, taageerada, iyo ilaha bulshada. Istiraatijiyada Gobolka:• Sameynta “Qorshaha Khariidadeed iyo Tilmaamaha ku aadan Fahamka Taageerada DD” oo si fudud loo akhrin karo (oo ay ku jiraan Maamulka Kiisku) oo muhiimada la siinayo dadka raadinaya taageero iyo qoysaskooda, oo la heli karo iyaga oo ku qoran luqaddo badan.• Sameynta macluumaad dhammeystiran oo la heli karo, oo lagu heli karo luqaddo iyo qaabab badan, kaasi oo sharraxaya waxyaabaha laga filayo maamulayaasha kiiska, oo bixiya macluumaad iyo nidaamyada khariidad sameynta hore laga sii dejiyay, oo dadka iyo qoysaska ka caawiya in ay fahmaan doorarka iyo mas’uuliyadaha CME.• Dejinta waxyaabo kala duwan si loo bixiyo macluumaad joogto ah oo ku saabsan maamulka kiiska iyo taageerada, iyada oo aan la eegayn CME. Istiraatijiyadaha ay ka mid yihiin website- ka(ayada), fiidiyowgo, guug-gacmeedyada, waxaa la iskaga baahan yahay in la bixiyo qoraal/macluumaad marka dadka iyo qoysasku ay gaarayaan go’aano ku saabsan CME.• Abuurista liiska hay’ada daryeelka bixisa oo ay taageerto ODDS (oo la raadin karo iyada oo la adeegsanayo adeeg ahaan, juqraafi ahaan iyo awood ahaan oo ay ku jiraan luqad iyo dhaqan) si loo dhammeystiro website-yada adeegyada shaqo ee hadda jira, liiska awooda ee bixiyaha guryaha la degan yahay, iyo diiwaanka shaqaalaha daryeelka guriga. Isku xirka awooda website-yada ee daryeel bixiyayaasha oo dhan. Isticmaalka khariidad sameynta dhulka si loo qiimeeyo awoodaha daryeel bixiyaha gobolka oo dhan iyada oo la isticmaalayo liisaska daryeel bixiyaha diiwaangashan si loo aqoonsado baahiyaha iyo farqiga jira, oo macluumaadkan looga dhigo mid dadka u furan.Istiraatijiyadaha Hay’adaha Maamulka Kiiska:• Bixinta tababar la siinayo dadka iyo qoysaska si ay bartaan in ay u doodaan naftooda oo wax ka ogaadaan waxa maamulka kiisku qabto (isla markaasna uusan qaban), oo ay ku jiraan taageerada loogu talagalay ka qayb qaadashada qoyska kala duwan.• Kordhinta helitaanka ilaha macluumaadka oo loogu talagalay dadka, qoysaska, iyo daryeel bixiyayaasha iyo maamulayaasha kiiska iyada oo la adeegsanayo goobo iyo nidaamyo badan.• Ballaarinta meelaha laga heli karo macluumaadka – istiraatijiyad ahaan iyo qorshe ahaanba, si macluumaadka dadka loogu gaarsiiyo habab badan (oo aanan kaliya lagu xirnaan maamulaha kiiska.)