Qorshaha Fulinta iyo Hawsha. Eedaysanayaashu waxay kubuuxin doonaan Fulinta Qorshaha lix bilood gudahooda ee ogolaanshaha ugu danbeeya maxkamada ee Heshiiska Guri dejinta. Eedaysanayaashu waxay isticmaali doonaan Qaab dhismeedka Xukumida lagu sharxay kor si loo hormariyo Qorshaha Fulinta. Middaana waxaa kujira isticmaalka macluumaada Qoyska Dhalinyarada iyo Nidaamka Waddaaga Miisaska-Wareegsan FYSPRTs. Qareenada Dadka dacwoonaya sidoo kale waxay bixin doonaan macluumaad. Eedaysanayaashu waxay keeni doonaan Qorshaha Fulinta oo buuxa Maxkamada si loo ogolaado. Qaaliga keliya wuxuu ogolaan doonaa qorshaha haddii qareenku u maleeyo in qorshuhu uu yahay mid macquul ah. Biloowga Nofembar 15, 2014, Eedaysanayaashu waxay bixin doonaan warbixin sannadle ah, Dadka dacwoonaya, iyo dadweynaha. Warbixintaan waxay sharxi doontaa horumarka’ Eedaysanayaasha la kulmaya waajibaadkooda hoos imaada Heshiiska Guri dejinta. Warbixintawaxaa kujiri doona guulaha lagaaray iyo hawlaha harey. Waxay aqoonsan doontaa mushkiladaha suurto galka ah ama kuwa dhabta ah. Sidoo kale waxaa kujiri doona sharaxaad kusaabsan waxyaabaha lasameeyay si loo xaliyo mushkiladaha la aqoonsaday.