KABITAANKA DHAQAALE EE DARYEELKA CARRUURTA
KABITAANKA DHAQAALE EE DARYEELKA CARRUURTA
Bixiyayaasha Biilasha iyo Tusmada Lacag Bixinta Qoyska, Saaxiibka, iyo Deriska/ Guriga-Dhexdiisa/Qaraabada
Mawduucyada
Child Care Subsidy Programs (Barnaamijyada Kabitaanka Dhaqaale ee Daryeelka Carruurta,
Barnaamijka Working Connections Child Care (Xiriirinta Shaqada ee Daryeelka Carruurta, WCCC) 2
Barnaamijyada Badqabka Carruurta ee
Service Employees International Union Local (Midowga Adeegga Shaqaalaha Caalamiga
Doorka iyo Masuuliyadaha Bixiyaha FFN/
Hannaanka Uqalmitaanka Daryeelka Carruurta 5
Dabagalka Imaanshaha Maalinlaha ah iyo Sheegashada FFN 6
Dabagalka Imaanshaha Maalinlaha ah 6
Gudbinta Sheegashada Lacag Bixinta 8
Baahiyaha Gaarka ah ee Heerka Daryeelka
Khaladaadka Lacag Bixinta Kayar Inti Larabay 10
Khaladaadka Lacag Bixinta Kabadan Inti Larabay 11
Macluumaadka Meelaha Xxxxxx Xiriirayo 13
Hagahan waxa uu bixinayaa macluumaadka kusaabsan lacag bixinta sheegashada kabitaanka dhaqaale ee daryeelka carruurta iyo lacagta bixiyayaasha Family, Friend, and Neighbor (Qoyska, Saaxiibka, iyo Deriska, FFN)/Guriga-Dhexdiisa/ Qaraabada. Hagahan waxaa soo saaray oona dhawray Department of Children, Youth & Families (Waaxda Carruurta Dhalinyarada & Qoysaska, DCYF) ee Gobolka Washington. Ka Wac Bixiyaha Leenka 0-000-000-0000 haddii aad
ubaahan tahay caawin luuqad kale ah. Turjubaan ayaa lagu soo dari karaa wicitaanka.
Tababarka biilasha kabista dhaqaale ayaa laguu heli karaa adiga waxaana loo baahan yahay ugu yaraan halmar inta ay socdaan Service Employees
International Union (Midowga Adeegga Shaqaalaha Caalamiga Maxalliga ah, SEIU) 925 Collective Bargaining Agreement (Heshiiska Gorgortanka Waadajirka ah,
CBA) 2021-2023. Waxaad ku heli kartaa si fool-ka-fool ah (Luuqadaha Af-Ingiriis,
Isbaanish, ama Af-Soomaali), onlayn (Luuqadaha Af-Ingiriis ama Isbaanish), ama buugga shaqada iskaaga ah (Luuqadaha Af-Ingiriis ama Isbaanish). Waxaad sheegan kartaa lacagta ilaa $20 kadib marka aad dhammeystirto. Kala soco tababarkaaga diiwaanada imaanshahaaga si aad ugu taageertid sheegashadaada.
Baro wax badan oo kusaabsan tababarkan iyo gunnooyinka xxxx xxxxx oo SEIU 925 ka wacaya 0-000-000-0000. Waxa aad iimeel ugu diri kartaa xx@xxxxxxxxx.xxx ama kala 206-492- 5249 si aad isku duwaan geliso.
Child Care Subsidy Programs (Barnaamijyada Kabitaanka Dhaqaale ee Daryeelka Carruurta, CCSP)
Barnaamijka Working Connections Child Care (Xiriirinta Shaqada ee Daryeelka Carruurta, WCCC)
WCCC waxa ay ka caawisaa qoysaska uqalma inay bixiyaan kharashka daryeelka carruurta si markaa waalidka (waalidiinta) ay ooga qeyb qaadan karaan hawlaha sida shaqada, tababarka, barnaamijyada waxbarashada, iyo Temporary Assistance for Needy Families (Kaalmada Kumeelgaarka ah ee Qoysaska Danyarta, TANF) ee hawlaha macmiilka. Shakhsiyaadka ayaa laga yaabaa in loo oggolaado inay bixiyan daryeelka carruurta sidi bixiye FFN ahaan oo xxxx helaan lacagta loogu talagalay qoysaska uqalma WCCC.
Barnaamijyada Badqabka Carruurta ee Daryeelka Carruurta
Shakhsiyaadka ku qaadanaya adeegyada iyagoo u maraya Waalidka Ilmo-Korinta Loo Shaqaaleysiiyey, Ilaalinta Carruurta, iyo Barnaamijyada Badqabka Carruurta ayaa uqalmi kara in laga caawiyo bixinta adeegyada daryeelka carruurta. Shaqaalaha bulshada xx xxx qoondeeyey Badqabka Carruurta ayaa dhammeystiraya uqalmitaanka, oggolaanshaha bixiyaha FFN, iyo oggolaanshaha lacagta. Shakhsiyaadka ayaa loo oggolaan karaa inay bixiyaan daryeelka carruurta sidi bixiye FFN ahaan waxa xxxx lacagta ku hoos qaadanayaan Waalidka Ilmo-Korinta Loo Shaqaaleysiiyey, Ilaalinta Carruurta, iyo Barnaamijyada Badqabka Carruurta.
SEIU Local 925 (SEIU 925) waxa ay matalaan Licensed Family Home (Guriga Qoyska ee shatiga leh, LFH) iyo bixiyayaasha FFN ee lacagaha kabitaanka dhaqaale ku qaadanaya CCSP, Waalidka Ilmo-Korinta Loo
Shaqaaleysiiyey, Ilaalinta Carruurta, iyo Barnaamijyada Badqabka Carruurta. Wada xaajoodkii CBA ee u dhaxeeyey SEIU iyo gobolka Washington waxa uu faahfaahinayaa bixinada iyo gunnooyinka loogu talagalay xubnaha SEIU 925. Si aad u ogaato wax kusaabsan gunnooyin xxxx
xx sida magdhabidda lacagaha kubaxa tababarka iyo waxbarashada, SEIU 925 ka wac 0-000-000-0000.
Oggolaanshaha saxda ah ee kamid noqoshada xubunimada ee midoowga ururka, xubnuhu waxa ay bixiyaan kharashka ururka 2% ee adeegyada daryeelka carruurta ee uu gobolku bixiyo. Kharash bixinta waxaa lagu xadidaa ugu badnaan $50 bishiiba.
CBA waxaa onlaynka laga heli karaa https:// xxx.xx.xxx/xxxxx/xxxxxxx/xxxxx/xxxxxx/xxxxx/ agreements/23-25/nse_childcare.pdf .
Doorka iyo Masuuliyadaha Bixiyaha FFN/Guriga-Dhexdiisa/Qaraabada
Bixiyaha daryeelka carruurta FFN ka ahaan, waxaad door xxxx xx la leedahay carruurta kujirta daryeelkaaga. Haddii aad la tahay qaraabo, saaxiib dhaw ama deris, waxaad wali siin kartaa carruurta jawi deegaan oo xasiloon, caafimaad qaba, oo ammaan ah. DCYF waxaa ka go'an in arrintaas ku caawiso iyaga oo u abuuraya qaar ka mid ah doorarka xxx xxxxxxxxxxxxx xxxxxxxxx ah ee dhammaan bixiyaasha.
Hagahan waxa uu kaa caawin doonaa inaad fahanto doorarka iyo masuuliyadaha ee loogu talagalay ilaalinta imaanshaha iyo u sheegashagashada lacag bixinta si sax ah. Intaa waxaa xxxxx, kuwa soo socda waa qaar kamid ah masuuliyadaha muhiimka ah ee ay tahay inaad raacdo:
1. Bixi daryeelka, kormeerka, iyo hawlaha maalinlaha ah ee kusaleysan baahiyaha korniinka carruurta, oo ay kamid yihiin caafimaadka, badbaadada, jirka,
nafaqada, xxxxxxxx, garaadka, iyo baahiyaha bulsho.
2. Ku bixi daryeelka carruurta goob la oggolaaday; saaxiibada iyo deriska (aan qaraabo la ahayn) waa inay ku bixiyaan daryeelka carruurta guriga ilmaha.
3. Wixi isbedello magaca sharciga, ciwaanka, xxxxxxxx xxxxxxxx, ama macluumaadka kale xx xxxxxx xariirayo ah ugu soo sheeg DCYF 10 maalmood gudahooda xxxx.xxx@xxxx.xx.xxx ama 0-000-000-0000, xulashada 8.
4. U oggolow qoysaska inay la kulmaan carruurtooda marwalba inta ay ku jiraan daryeelka.
5. Ka agdhawow taleefan leh adeegyada wicitaanka degdega ee 9-1-1 oo oggolaanaya labadaba wicitaanada soo galaya iyo kuwa laga dirayaba markasta oo ay carruurtu ku jiraan daryeelka.
6. Buuxi shuruucda iyo shuruudaha kabitaanka dhaqaale ee daryeelka carruurta.
7. Xifdi diiwaanada dhammeystiran oo sax ah muddo xxxx xxxx ah.
Washington Administrative Code (Xeerka Maamulka Washington, WAC) Waxa uu xx xxxxx yahay sharciyada oggolaanshaha iyo biilasha oo dhammeystiran oo loogu talagalay FFN. Ka eeg WAC 110-15 Xiriirka Shaqada iyo Barnaamijyo Xilliyeedka Kabitaanka Dhaqaale ee Daryeelka Carruurta: xxxx.xxx.xx.xxx/XXX/xxxxxxx. aspx?cite=110-15 iyo WAC 110-16 Daryeelka Laga Dhaafay Ruqsada-Bixiyayaasha Qoyska, Saaxiibada, iyo Deriska/ Guriga-Dhexdiisa/Qaraabada ee Daryeelka Carruurta: xxxx.xxx.xx.xxx/XXX/xxxxxxx.xxxx?xxxxx000-00 .
• Khabiirka Laga Dhaafay Ruqsada waxa uu kaala shaqeynayaa inuu:
- Fuliyo shuruudaha hubinta asalka
- Go'aamiyo oggolaanshaha bilowga ah bixiye FFN ka ahaan
- La socdo ansixinta socota
• Wuxuu go'aamiyaa oo uu qoraa siyaasadda iyo sharciyada uqalmitaanka CCSP
• Wuxuu maamulaa CBA-da loogu talagalay bixiyayaasha LFH iyo FFN
• Waxaa uu ooga warbixiyaa dawlada federaalka wixi kusaabsan Washington CCSP
• Waxa uu hubiyaa diiwaanada imaanshaha iyo biilasha si loo qiimeeyo haddii ay jiraan lacag bixin kabadan ama kayar inti larabay in la bixiyo
• Waxa uu siiyaa qoysaska iyo bixiyayaasha ugu yaraan ogeysiis 10 maalmood oo maalmaha kalendarka xx xxxxx la yareynayo ama la joojinayo gunnooyinka kahor dhammaadka taariikhdi hore ee ogeysiiska Social Service Payment Service (Adeegga Lacag bixinta Adeegga Bulshada, SSPS)
• Waxa uu si toos ah ula shaqeeyaa qoysaska si uu u go'aamiyo uqalmitaankooda adeegyada daryeelka carruurta
• Waxa uu ansixiyaa oo uuna lacagta kabitaanka dhaqaale ee daryeelka carruurta u diraa bixiyayaasha
• Waxa uu ka jawaabaa su'aalaha la xariira uqalmitaanka qoyska, oggolaanshaha, iyo lacag bixinada
Masuuliyadaha Qoyska
Qoyska codsada ama qaata gunnooyinka CCSP waxa uu leeyahay masuuliyadaha ka shuruud ahaan qaadashada gunnooyinkaas. Kuwaan waxaa kamid ah laakiin aanan ku koobneyn:
• Dhammeystiridda hannaanka codsiga iyo soo gudbinta foomamka xaqiijinta lagama maarmaanka ah oo loogu baahan yahay in lagu go'aamiyo uqalmitaanka
• Bixinta ama sameynta qabanqaabada ay ku bixinayaan lacag bixintooda xxxxxxx xx
• Diiwaangelinta imaanshaha carruurta uu ku diiwaangeliyo nidaamka imaanshaha ama inuu haysto qof la oggolaaday in uu saxiixo imaanshaha iyo bixitaanka
• Soo sheegidda isbedellada bixiyayaasha shan maalmood gudahooda
• Codsashada daryeel dheeraad ah oo loogu talagalay hawl la oggolaaday
Hannaanka Uqalmitaanka Daryeelka Carruurta
A. Shakhsigi raba in laga caawiyo lacagta kharashka daryeelka carruurta waxa uu ka codsan karaa:
- Isaga oo Xarunta Xxxxxx Xariiro Kabitaanka Dhaqaale ee Daryeelka Carruurta ee DCYF ee gobolka oo dhan ah ka wacaya 0-000-000-0000
- Isaga oo la xariirayo shaqaalaha bulshada xx xxx xilsaaray Badqabka Carruurta
- Isaga oo codsiga onlaynka ka dhammeystiraya
xxxxx://xxx.xxxxxxxxxxxxxxxxxxxx.xxx/xxxx/
B. DCYF waxay ururisaa oo dib u eegtaa macluumaadka si ay u go'aamiso u qalmitaanka qoyska.
X. Xxxxx uqalmitaanka loo go'aamiyo CCSP, qoysasku waxa ay warqad ka helaan DCYF. Warqada uqalmitaanka waxaa kamid ah bilowga iyo dhammaadka taariikhaha uqalmitaanka iyo qadarka kharashka ee bishii la bixinayo.
D. Qoysaska uqalma waxa ay isticmaali karaan jawaabta taleefanka (0-000-000-0000) si ay u hubiyaan codsiga daryeelka canugooda iyaga oo riixaya 1 kadib marka ay wacaan Xarunta Xxxxxx Xariiro CCSP. Qoysaska waxa ay ubaahnaan doonaan lambarka aqoonsiga
macmiilkooda ama Social Security Number (Lambarka Amniga Bulshada) waxa xxxx xxxxx xxxxxx:
- In codsigoodi la oggolaaday, in la diiday ama wali go'aan la sugayo
- Xaalada ay ku sugan yihiin dukumiintiyada ay heshay DCYF
- Taariikhaha bilowga iyo dhammaadka uqalmitaanka
- Adeegyada daryeelka carruurta ee la oggolaaday
- Cadada kharashka la bixinayo bishiiba
E. Bixiyayaasha waxa ay sidoo kale xx xxxxx karaan xaalada uu marayo codsiga qoyska iyaga oo isticmaalaya Working Connections Information Phone (Taleefanka Xogta Xiriirka Shaqada, WCIP) (0-000-000-0000). WCIP waxaa lagu heli karaa 24 saac maalin kasta, toddobo maalmood asbuuciiba
luuqadaha Af-Ingiriis iyo Isbaanish. Si aad u isticmaasho WCIP, waxaad ubaahnaan doontaa:
- Lambarkaaga bixiyaha daryeelka carruurta SSPS
- Employee Identification Number (Lambarka Aqoonsiga Shaqaalaha, EIN)
- Lambarka codsiga qoyska oo laga helo ogeysiiska SSPS
Sababo la xariiro qarsoodi ahaanta, qaar kamid ah macluumaadka ayaa laga yaabaa inaadan heli xxxxx xxxxx. WCIP waxa ay kuu oggoshahay inaad hubiso kuwa soo socdo:
- Xaalada uu marayo codsiga – la oggolaaday, la diiday, la sugayo, la xiray, ama kujiro liiska sugitaanka
- Taariikhaha dhaqangalka adeegga
- Adeegyada la oggolaaday ee daryeelka carruurta
- Cadada kharashka qoysku bixinayo bishiiba
- Wixi farriimo xxxx xx oo la xariira barnaamijyada kabitaanka dhaqaale
F. DCYF waxa ay u soodirtaa qoysaska baakadka dib- u-codsiga kahor inta aysan dhammaan muddada uqalmitaanka. DCYF ma bixin doonto kharashka daryeelki la bixiyo marki la dhaafo muddada
uqalmitaanka ilaa qoyska loo go'aamiyo inuu uqalmo. Qoyska ayaa masuul ka ah bixinta kharashaadka adeegyada daryeelka carruurta muddada udhaxeysa uqalmitaanka iyada oo aanan caawin laga heleynin DCYF. Uqalmitaanka daryeelka carruurta dib looma taariikheeyo marki qoysasku dib u codsadaan kadib taariikhda dhammaadka muddada uqalmitaanka.
Dabagalka Imaanshaha Maalinlaha ah iyo Sheegashada FFN
Bixiyaha FFN ka ahaan, waxaa laguu oggolaaday qadar lacag bixn saacadle ah iyo tiro saacado cayiman bilkasta oo loogu talagalay canug kasta oo uqalma
ee kujira daryeelka. Qiimaha saacadiiba gobolka waa isku mid dhammaan carruurta. Si aad u aragto qiimayaasha saacadiiba FFN ee gobolka, u tixraac CBA xxxxx://xxx.xx.xxx/xxxxx/xxxxxxx/xxxxx/xxxxxx/ labor/agreements/23-25/nse_childcare.pdf.
Waxaad tixraaci kartaa xeerarka WAC ee soo socdo iyo marka aad sheeganeyso lacag bixin:
• 000-00-0000: xxxxx://xxxx.xxx.xx.xxx/XXX/ default.aspx?cite=000-00-0000
• 000-00-0000: xxxxx://xxxx.xxx.xx.xxx/XXX/xxxxxxx. aspx?cite=000-00-0000
Si aad u codsato oo aadna uhesho cadada saxda ah bilkasta, waa inaad raacdaa xeerarka iyo hababka xxxxx.
Dabagalka Imaanshaha Maalinlaha ah
Waa inaad isticmaashaa Electronic Attendance System (Nidaamka Imaanshaha Elektarooniga ah) ay bixiso DCYF ama isticmaashaa nidaamka imaanshaha elektarooniga oo qolo saddexaad leedahay oo ay oggolaatay DCYF. Marka la isticmaalayo nidaamka imaanshaha elektarooniga, qoyska ama qof ay oggolaadeen qoyska, waa in imaanshaha canuga
iyo ka bixitaanka bixiyaha daryeelka carruurta lagu diiwaangeliyaa nidaamka imaanshaha elektarooniga ah. Macluumaadka kusaabsan imaanshaha elektarooniga ah waxaa laga heli karaa www.dcyf. xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx-xxxxxxxx-xxxxxxxxx/xxxxxxxxxx- attendance-system .
Haddii ay oggolaato DCYF in la isticmaalo diiwaanada imaanshaha warqadda ah, qoysasku waa inay saxiixaan canug kasta marka uu imaado iyo marka
uu baxo, iyagoo isticmaalaya saxiixa buuxa iyo qoritaanka wakhtiga imaanshaha iyo bixitaanka.
Bixiyayaasha isticmaalaya nidaamka gobolka, waa inaad dhammaan diiwaanada imaanshaha maalinlaha ah kusoo gudbisaan nidaamkiina imaanshaha inta iidnaan codsi udirin kahor SSPS ee lacag bixintiina.
Macluumaadka kusaabsan isticmaalka nidaamka gobolka, ka eeg nidaamka buugga tilmaamaha xxxx://xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxx/xxxxxxx/xxxxx/xxx/ EASManual.pdf .
Sheegashada Saxda ah
DCYF waxa ay soo dirtaa dukumiintiyada soo socdo marka laguu oggolaado lacag bixinta kabitaanka dhaqaale ee daryeelka carruurta:
1. Warqada Oggolaanshaha Bixiyaha, taasoo taxeysa cadada kharashka la bixinayo bishiiba, haddii ay wax jiraan, oo ay kugu leeyihiin qoyska bishiiba
2. Ogeysiiska Adeegga Bulshada
3. Warqada qaan-sheegashada biilka bishiiba ee lagu sheeganayo lacag bixinta
4. Risiidka bishiiba ee lacag bixinta (caddeynta lacag bixinta)
Haddii warqadaha ay ku jiraan wax khaladaad ah, ka wac Bixiyaha DCYF Leenka 0-000-000-0000 si aad u saxdo:
1. Magaca bixiyaha iyo lambarka bixiyaha SSPS
2. Adeegyada la Oggolaaday
3. Magacyada carruurta
4. Tirada halbeegyada (saacadaha) iyo qiimaha sacadiiba ee canug kasta
5. Bilowga iyo dhammaadka taariikhda oggolaanshaha
6. Cadada kharashka qoysku bixinayo bishiiba
Waxaad sidoo kale heli doontaa Ogeysiisyada Adeegga Bulshada marka ay isbedello ku yimaadaan oggolaanshaha ama marka kabitaanada dhaqaalaha canuga ay dhammaadaan. Si aad ogeysiisyada iimayl ugu hesho oggolaanshaha bilowga, isbeddelka, ama dhammaadka taariikahaha, waxaad Leenka Bixiyaha DCYF kala xariiri kartaa 0-000-000-0000 ama iimayl ugu diri kartaa xxxxxxxxxxxx@xxxx.xx.xxx waxaadna siisaa ciwaan iimayl. Xx xxxx wax badan oo kusaabsan SSPS xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxx .
Biilka qaansheegashada waxaa lagugu soo dirayaa Boostada Mareykanka kahor maalinta udambeysa ee bilkasta. Biilka qaansheegashada u horreysa ee oggolaanshaha cusub waxaa laga yaabaa inaysan imaan ilaa bartamaha bisha soo socota. Waxaad kaloo ka gali kartaa biilka qaansheegashada adiga oo u maraya Bogga Bixiyaha Kusaleysan-Webseedka SSPS.
Marka aad hesho biilka qaansheegashada, dib u eegis kusamee diiwaanada imaanshaha elektarooniga ah
si aad u go'aamiso tirada halbeegyada (saacadaha) si aad u sheegato lacag bixinta iyadoo lagu saleynayo imaanshaha iyo oggolaanshaha canuga. Saacadaha iyo adeegyada daryeelka oo aad si sax u sheegan karto waxaa kamid ah kuwa soo socda:
SAACADAHA DHABTA AH EE DARYEELKA LA SIIYEY CANUG KASTA
Waxaa laguu oggol yahay inaad sheegato lacag bixinta saacadaha dhabta ah ee daryeelka aad siiso canug kasta. Si aad u sheegato lacag bixinta
dhabta ah ee saacadaha daryeelka aad bixisay, buuxi sanduuqa kujira biilka qaansheegashada lacagta oo ay ku qoran tahay “halbeegyada” ee canug kasta.
U wareeji lambarka ugu dhaw xx xxxxxx idil ah ee dhammaan isugeynta tirada saacadaha daryeelka la bixiyey bishaas. U wareejinta xisaabta lambarka ugu dhaw waa in loo sameeyaa si xxxxx xx, ma ahan si maalinla ah ama toddobaadle. Tusaale ahaan, haddii ay tahay wadarta guud xx xxxxx 99.5 saacadood, waxaad sheeganeysaa lacag bixinta 100 saacadood.
• Ma sheegan kartid lacag bixin ka badan 16 saacadood oo daryeel ah maalintiiba ee canug kasta
• Ma sheegan kartid lacag bixin wax kabadan lix carruur isku mar ah oo isla saacadaha daryeelka ah
• Ma sheegan kartid lacag bixinta daryeelka aadan dhab ahaan bixinin. Haddii canug ka maqan yahay daryeelkaaga, ma sheegan kartid lacag bixinta saacadahaan
• Ma sheegan kartid lacag bixinta daryeelka taas oo sida caadiga ah ka dhaca goob aanan ahayn halki daryeelka loo oggolaaday inuu ka dhaco. Tusaale ahaan, haddii laguu oggolaaday inaad daryeelka ku bixisid kaliya guriga canuga, kuma bixin kartid daryeelka gurigaaga
SAFARKA BOOQASHADA GOOB/KHARASHKA XOOJINTA TAYADA
Marka aad jeebkaaga ka bixiso kharashka si uu canugaaga ooga qeyb qaato safarka booqashada goob ama hawl xoojinta tayada ah, DCYF ayaa kuu soo xxxxx xxxx kharashkaaga dhabta ah. Kharash soo celinta waxa ay noqon kartaa ilaa $30 canug kasta bishiiba, iyada oo aanan loo eegeynin da'da.
Safarka booqashada goob/kharashka xoojinta waxa uu daboolaa waxqabadyo gaarka ah, sida:
• Kharashaadka gelitaanka goobaha sida beeraha xayawaanada, madxafyada, daawashada filimaanta, iyo barkadaha lagu dabaasho
• Barnaamijyada xoojinta iyo casharada socda sida xiisadaha luuqada, jimicsiyada jirdhiska, iyo casharada dabaasha
• Gaadiidka dadweynaha ama lacag soocelinta masaafada maylasha ee qiimaha lacag soo celinta masaafada maylka OFM (waxaa lagaaga baahan karaa inaad bixiso risiid si aad u xaqiijiso kharashaadaadka)
• Qiimaha adeegyada, sida kireysashada madadaaliye, fardo raacitaanka, iyo bandhigyada muusiga
• Iibsashada manhajka ilmaha aanan gaarin dugsiga xanaanada carruurta
• Manhajka uu soo saaray bixiyaha oona DCYF oggolaatay
Safarka booqashada goob/kharashka xoojinta ma daboolo:
• Kharashka ama qiimaha soo galitaanka goobta ee dadka waaweyn ee safarka booqashada goobta
• Sahayda iyo agabka loo baahan yahay si loo buuxiyo shuruudaha Ruqsada
• Cuntooyinka la iibsado safarka booqashada goobta
Si aad lacag bixinta si sax ah u sheegato ee lacag soo celinta magdhowga ah ee safarka booqashada goobta ama waxqabadka xoojinta:
1. Sheego qiimaha dhabta ah, oo loo wareejiyey doolarka ugu dhaw marki lacagta dhabta ah ee ku baxday safarka booqashada goobta ama waxqabadka xoojinta ay kayar tahay $30.
Tusaale ahaan, haddii qiimuhu ahaa $10, geli “10” sanduuqa Halbeegyada Wadarta Guud ee biilka qaansheegashada
2. Ha sheegan lacag bixinta safarka booqashada goobta/kharashka xoojinta haddii canugu uusan ka qeybqaadan. Tusaalahaan, geli “0” sanduuqa Halbeegyada Wadarta Guud ee canugaas ee biilka qaansheegashada
3. Hayso risiidyada muujinaya qiimaha kubaxay safarka booqashada goobta/waxqabadyada xoojinta iyo liiska carruurta kaqeyb gashay
4. Xxxxx ay codsato DCYF, waa inaad kusoo gudbisaa risiidyada 45 maalmood oo kalandarka ah gudahooda ee marka la codasado. Haddii aadan ku bixinin diiwaanada 45 maalmood oo kalandarka ah gudahooda, waxaa laguugu qori karaa in la bixiyey lacag kabadan inti la rabay guud ahaan lacagti aad sheegatay bishaas
dhammaato kahor dhammaadka sanad-maaliyadeedka, safarka booqashada goobta/kharashka xoojinta qiimeynta mala bixin doono.
KHARASH BIXINTA QOYSKA
Qoysaska badankoodu waa inay sameeyaan kharash bixinta si ay u bixiyaan qeyb kamid ah kharashka daryeelka carruurta ee bishiiba. Qoyska ayaa ka masuul ah inuu ku siiyo adiga kharashka bilkasta. Qoyska
Saacadaha Daryeelka Fasaxa Dugsiga/Waqtiga aan lasii qorsheyn
Saacadahaani waxa ay daboolaan waqtiyada marka ilmaha jira da'da dugsiga aysan joogin dugsiga sida goor hore oo la sii daayo iyo maalmaha dugsigu uusan jirin. Inta lagu xxxx xxxxx-dugsiyeedka, waxaad sheegan kartaa lacag bixin udhaxeysa 35-70 oo Saacadaha Daryeelka Fasaxa Dugsiga ah bilkasta. Inta lagu jiro fasaxa saamarka ee Juun, Juulay iyo Ogoosto, waxaa jira ilaa 115 saacadood oo bilkasta ah. Si aad u sheegato lacag bixinta saacadahaan dheeraadka ah, ku buuxi sanduuqa qaansheegashada biilka Adeegga SSPS ee ay
ku qoran tahay “School Holiday Care (Daryeelka Fasaxa Dugsiga).”
FIIRO XXXX XX: Wadarta guud ee saacadaha daryeelka la sheegay in lagu bixiyo lacagta, oo ay kujiraan saacadaha fasaxa dugsiga, maka badnaan karaan wadarta guud ee saacadaha
daryeelka aad bixisay bishaas. Kaliya isticmaal biilka qaansheegashada “School Holiday Care (Daryeelka Fasaxa Dugsiga)” haddii saacadaha daryeelka la bixiyey (oo ay kujiraan saacadaha fasaxa dugsiga) ay ka badan yihiin saacadaha caadiga ee laguu oggol yahay,
Qoysaska ayaa ka masuula ah inay soo sheegaan haddii ay u baahan yihiin daryeel dheeraad ah oo ka baxsan xiritaanka fasaxa dugsiga.
Bisha | Saacadaha La Oggol Yahay |
Janaayo | 70 |
February | 35 |
Maarso | 70 |
Abriil | 70 |
May | 35 |
Juun | 115 |
Juulaay | 115 |
Ogoosto | 115 |
Sebtembar | 35 |
Oktoobar | 35 |
Nofeembar | 35 |
Diseembar | 70 |
SAACADAHA BAAHIYAHA GAARKA AH
Ka Eeg Qeybta Baahiyaha Gaarka ee bogga 10-aad ee hagahan.
ADEEGYADA HALKA-MAR LA OGGOL YAHAY
Adeegyada halka-mar laguu oggol yahay sida lacag soocelinta tababarka ama waxbarashada ama dhiirigelinta.
Gudbinta Sheegashada Lacag Bixinta
Waxaa jira dhawr siyaabood oo aad ugu gudbin karto DCYF saacadahaaga lacag bixinta. Inta aadan gudbin kahor biilka qaansheegashadaada, buuxi saacadaha daryeelka la siiyey canug kasta ee qaansheegashada, saxiix oo taariikhda ku qor. Waxaa jiri doona tilmaamo lagugu siin doono qaansheegashadaada boostada lagugu soodiray ee xulasho kasta. Waa inaad kusoo gudbisaa saacadaaga lacag bixinta saddex bilood gudahooda laga bilaabo taariikhda qaansheegashada.
Ku gudbi qaansheegashadaada adiga oo isticmaalaya kaliya mid kamid ah xulashooyinka soo socda:
BOOSTO
Koobiga qaansheegashada aad dhammeystirtay boosto ugu dir DCYF:
Washington State Department of Children; Youth & Families
SSPS
P.O. Box 45812
Olympia, WA 98504-5812
TALEEFOON
Adeegga Invoice Express (Qaansheegashada Degdegga) ka wac 0-000-000-0000. Tilmaamaha sida loo isticmaalo Invoice Express waxaa laga heli karaa xxx.xxxx.xx.xxx/ sites/default/files/pubs/EPS_0043.pdf .
BOGGA KUSALEYSAN WEBSEEDKA SSPS
Tilmaamaha kusaabsan sida xxx xxxx oo laga isaga diiwaangeliyo bogga bixiyaha kusaleysan webseedka SSPS waxaa laga heli karaa xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxx/ default/files/pdf/SSPSPortalRegistration-SAW.pdf.
Waxaa jira saddex qeybood oo waaweyn oo lagu dejinayo gelitaanka:
• Qeybta 1-aad: Xx xxxx akoon ciwaan Secure Access Washington (Gelitaanka Ammaanka ah xx Xxxxxxxxx, SAW) xxxxxxxxxxxx.xx.xxx
- Haddii ay dhibaato kaa haysato dejinta ciwaankaaga SAW, ka wac adeegga macmiilka SAW 24 saac maalintii, toddobo maalmood asbuucii, 0-000-000-0000
• Part 2: Iska Diiwaangeli Bogga Gobta Bixiyaha
• Part 3: Iska Diiwaageli Laqabsiga Hubinta
Helitaanka Lacagta
Waxaad dooran kartaa inaad kahesho lacagta DCYF iyadoo laguu soo marinayo boosto ama toos lagugu soo shubayo. Dhaqangalaya bisha Juulaay 1, 2019, dhammaan bixiyayaasha cusub waxaa lacagta loogu soo shubayaa si toos ah. Haddii aadan xiriir la lahayn bangi maaliyadeed, waxaad qoraal ku gudbin kartaa codsi tilmaamaya xulashadaada lacag bixinta in boosto ay kuugu soo diraan Adeegga Boostada U.S.
BOOSTO
Sheegashooyinka qaansheegashada la sameeyo inta udhaxeysa 1-da iyo 4:30 p.m. ee 15-xx xxxxx waxaa boosto laguugu soo diri doonaa 16-ka ama maalinta u horreysa ee shaqada ee ka dambeysa. Haddii 15-xx xxxxx ay ku aado maalmaha fasaxa asbuuca ama ciid,
4:30 p.m. waxaa loo goynayaa maalinta udambeysay ee shaqada ee ka horreysa 15-ka.
Sheegashooyinka qaansheegashada la gudbiyo wixi ka dambeeyo 4:30 p.m 15-xx xxxxx ilaa 4:30 p.m maalinta udambeysa bisha ee la shaqeynayo waxaa la bixin doonaa maalinta u horreysa ee la shaqeynayo xx xxxxx xigta.
Lacagaha lagu bixiyo boostada waxa ay soogalaan Adeegga Boostada U.S. ilaa saddex maalmood oo maalmaha shaqada ah kadib marka la socodsiiyo. DCYF ma dammaanad qaadi karto taariikhda keenista jeegaga lagu soo diro Adeegga Boostada U.S.
Waxaad ka heli kartaa kalandarka tusinaya taariikhaha sheegashada lacag bixinta iyo taariikhaha waarantiga (jeega) boostada ee ku aadan halkan xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxx/xxxxxxx/xxxxx/xxx/XXXX- WarrantIssuanceCalendar.pdf .
KUSOO SHUBISTA TOOSKA AH
Sheegashooyinka qaansheegashada loogu soo gudbiyo lacag bixinta kusoo shubista tooska ah waxaa la socodsiiyaa maalinta shaqada ee udambeysa xx xxxxx qaansheegashada ama taariikhda soo gudbinta, hadbo kii dambeeyo. Lacag ku bixinta kusoo shubitaanka tooska ah waxa ay dhacdaa 3-5 maalmood oo maalmaha shaqada ah oo ka dambeeya taariikhda socodsiinta qaansheegashada.
Akoonka kusoo shubista tooska ah ee cusub ama inaad isbedello kusameyso akoon horay aad u lahayd, waxaad marka koobaad buuxin kartaa foomamka Diiwaangelinta/W9 ee Kusoo Shubista Tooska elektaroonig ahaan (oo onlayn laga helayo xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxx/xxxxxx-xxxxxxx), kadibna daabac oo boosto ama fakis ugu dir foomamka:
SSPS Provider File Unit
P.O. Box 45812 Olympia, WA 98504 Faakis: 000-000-0000
Ka codso koobiga warqada ee baakada codsiga XXXXXXXXXxx@xxxx.xx.xxx ama adiga oo wacaya 000-000-0000 (Xulashada 1-aad). Xaqiiji inaad u sheegto SSPS inay tahay furashada akoon cusub ama badalida mid hore.
Ma ubaahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta foomamka? Ka akhri onlaynka Tilmaamaha Isdiiwaangelinta Kusoo Shubashada Tooska xxx.xx.xxx/xx-xxxxxxx/xxxxxxxxxx-xxxxxxx/xxxxxxxxx- vendorpayee-services/vendorpayee-direct-deposit .
Qiimaha Baahiyaha Gaarka ee Daryeelka Carruurta
Qiimaha baahiyaha gaarka waa daryeelka aad siiso canug qaba baahi xxxx xx ka sarreeyo oona ka baxsan daryeelka joogtada caadiga ee maalinlaha ah. DCYF lacag kuma bixiso tababarka, hagaajinta dhismayaasha, ama agabka.
Waxaa lagugu siin karaa qiimo dheeraad ah ee daryeelka carruurta iyo dadka waaweyn:
a. Ilaa da'da 19 sano jir kuwaas oo qaba xaalad la xaqiijiyey oo jirka, maskaxda, dareenka, habdhaqanka ah oo ubaahan daryeel xxxx xx oo xxxx xxxx xx; ama
b. Da'da 13 sano jir ilaa 19 sano oo hoos yimaada kormeer maxkamadeed
Daryeelka carruurta qaba baahiyaha gaarka ah waxaa lagu oggolaaday heerka 1-aad ama heerka 2-aad.
Qiimaha baahiyaha gaarka ah waxaa la bixiyaa marka lagu daro qiimaha saacadiiba ee daryeelka carruurta gobolka waxaana qaansheegashada la diraa tirada saacadaha daryeelka loo qorsheeyey.
Heerka 1-aad
Oggolaanshaha heerka 1-aad waxaa loogu talagalay qiimaha baahiyaha gaarka gobolka ee caadiga ah. Kahor inta aanan la oggolaan qiimaha baahiyaha gaarka ee heerka 1-aad, adiga iyo qoysku waa inaad buuxisaan foomka Codsiga Qiimaha Daryeelka Carruurta ee Qaba Baahiyaha Gaarka, laga helayo onlaynka xxxxx://xxx. xxxx.xx.xxx/xxxxx?xxxxx_xxxxxx_xxxxxx00-000&xxxxxx . Foomamka waa in la saxiixaa oo boosto ama fakis loogu diraa DCYF:
Child Care Subsidy Contact Center
P.O. Box 11346
Tacoma, WA 98411-9903
Faakis: 0-000-000-0000
Heerka 2-aad
Qoysku waxa uu la shaqeynayaa adiga iyo DCYF si loo go'aamiyo haddii canugoodu uqalmo qiimaha heerka 2-aad ee baahaiyaha gaarka ah. Marka laga yimaado foomamka Codsiga Qiimaha Daryeelka Carruurta ee Qaba Baahiyaha Gaarka, DCYF waa inay ka heshaa cadeyn xaqiijin qoraal ah oo kasocota
adeegga caafimaadka, caafimaadka maskaxda, adeegga bulshada, ama xirfadle waxbarasho oo haysta ugu yaraan shahaadada jaamacada heerka mastarka ama kalkaaliso diiwaangashan. Cadeynta xaqiijinta waa inay qeexdaa heerka dheeraadka ah ee daryeelka gaarka ah ee looga baahan yahay goobta daryeelka carruurta ka sarreeya oona kabaxsan waxa aad siin lahayd carruurta aanan qabin baahiyaha gaarka ah.
Wixi macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan baahiyaha gaarka, u tixraac Maqaalka CBA 10.5 xxxxx://xxx.xx.xxx/ sites/default/files/public/labor/agreements/23-25/ nse_childcare.pdf .
Khaladaadka Lacag Bixinta
Xaddidnaanta waqtiga ee loogu talagalay adiga ama gobolka khaladaadka lacag bixinta oo aad ku raadsataan dib ubixinta lacagta waa:
• Labo sanadood haddii khaladku yahay qiimaha lagu bixiyo da'da ama gobolka. Xaddidkan labada sanadood ah ma khuseeyo xisaab-xirka federaalka, taasoo dib u laaban karta saddex sanadood
• Ilaa saddex sanadood haddii khaladku yahay xxxxx xxxx
Khaladaadka Lacag Bixinta Kayar Inti Larabay
Lacag bixinta kayar inti larabay waa ay dhici kartaa khalad kajira qaansheegashadaada darteed, haddii aadan helin lacagta wax kasta oo aad ku sheegatay qaansheegashada ama haddii lagu siiyey qiimo aan sax ahayn. Raac tallaabooyinka xxxxx:
1. Xx xxxx qaansheegashadaada diiwaanadaada si aad u aragto haddii magaca canuga uu ka muuqdo qaansheegashada
2. Isu barbardhig diiwaanada soo xaadiritaanka iyo qaansheegashadaada si aad u aragto haddii lagu siiyey lacag kayar lagu siiyey
3. Wac Leenka Bixiyaha 0-000-000-0000 si aad ugu sheegto in lagu siiyey lacag kayar inti ay ahayd
Si aad u saxdo lacag kayar inti larabay, waa inaad qaansheegashada u gudbisaa gobolka ee adeegyada daryeelka carruurta muddo aanan ka dambeynin saddex bilood kadib marka taariikhda aad gudbisay
qaansheegashada. Muranada kusaabsan lacag bixinta kayar inti larabay waa wax laga xumaado. Eeg Tusmada CBA E xxxxx://xxx.xx.xxx/xxxxx/xxxxxxx/xxxxx/xxxxxx/xxxxx/ agreements/21-23/nse_childcare.pdf.
Khaladaadka Lacag Bixinta Kabadan Inti Larabay
In lagu siiyo wax kabadan inta aad heli lahayd waa ay dhici kartaa sababtoo ah:
• Ma isticmaashid nidaamka imaanshaha elektarooniga ah ee DCYF ama ma lihid kadhaafitaan la oggolaaday
• Ma haysatid diiwaanada imaanshaha oo ay iswaafaqayaan diiwaanka sheegashadaada (WAC 000-00-0000)
• Waxaad lacagta ku heshay qiimo khalad ah
• Ma haysatid risiidyada saxda ah oo aad ku taageertid lacag bixinta
Haddii aad ka shakido in lagu siiyey lacag
kabadan inta aad u maleyneyso inaad hesho, wac Leenka Bixiyaha 0-000-000-0000 ama iimaylka xxxxxxxxxxxx@xxxx.xx.xxx. Waxa ay kaa caawin karaan inay xalliyaan khaladka kahor inta DCYF ku dejin lacag bixin kabadan inti larabay oo rasmi ah Office of Financial Recovery (Xafiiska Soo Kabashada Maaliyadeed, OFR).
4. DCYF waxa ay la socotaa lacag bixinta daryeelka carruurta ee wixi khaladaad suuragal ah. Si loo dajiyo haddii khalad uu ansax yahay, DCYF waxa ay dib u eegtaa soo xaadiritaanka ama waxa ay ku weydiineysaa inaad siiso koobiyo kamid ah diiwaanadaada. Xxxxx ay codsato DCYF, waa inaad kusoo gudbisaa risiidyada 45 maalmood oo kalandarka ah gudahooda ee marka la codasado.
Waxaa muhiim ah inaad ka jawaabto wixi codsi ah oo kusaabsan diiwaanadaada imaanshaha. Waxaad la xariiri kartaa waaxda kaa codsaneysa diiwaanada adiga oo tixraacaya macluumaadka xxxxxx xariiro ee kudaabacan codsiyada.
5. Haddii la ogaado in khaladku ansax yahay oona lacag inti la rabay kabadan la dajiyey, waxaad Ogeysiiska Bixinta Iibiyaha Lacagta Dheeraadka ah ka heli doontaa OFR. Ogeysiiskan waxaa kujira:
a. Sababta, nooca lacag bixinta, carruurta ku habboon, iyo muddada lacag bixinta
b. Tilmaamaha kusaabsan sida dib loogu bixiyo lacagta dheeraadka ah (qorshayaasha lacag bixinta ee la heli karo)
c. Tilmaamaha qeexaya sida looga doodo lacag bixinta dheeraadka ah. Waxaad la xariiri kartaa waaxda dejisay lacagta dheeraadka ah (eeg ogeysiiska lacag bixinta dheeraadka ah ee macluumaadka xxxxxx xiriirayo xx xxxx ah) wixi xal suuragal ah, waxaad sidoo kale codsan kartaa Dhageysi maamul si aad ooga doodo lacagta dheeraadka ah. Si aad u codsato dhageysi, waa inaad:
i. U dirtaa codsiga dhageysiga adiga oo u marinaya boosto bixineysa soo celinta cadeynta helitaanka ama hab kale oo caddeynaya in boostada gaartay OFR.
ii. Xaqiiji in codsiga dhageysiga uu helay
OFR 28 maalmood gudahooda taariikhda aad heshay Ogeysiiska Bixinta Iibiyaha Lacagta Dheeraadka ah.
iii. Raaci bayaanka sababta aad ugu maleyneyso lacagta dheeraadka ah inay xxxxxx xxxxx oona raaci Ogeysiiska Bixinta Iibiyaha Lacagta Dheeraadka ah. Haddii lacagta dheeraadka ah lagu xallin waayo la hadalka shaqaalaha jooga Leenka Bixiyaha DCYF ama adiga oo u maraya maamulka dhageysiga, waa inaad dib u bixisaa lacagta.
4. Kadib xxxxx xxxxxxx soo diro Ogeysiiska Bixinta Iibiyaha Lacagta Dheeraadka ah boostada bixineysa cadeynta helitaanka ama adeeg shakhsi, OFR waxa ay bilaabi doontaa tallaabada uruurinta ugu yaraan 30 maalmood kadib. Haddii aad codsato dhageysiga wax kabadan 28 maalmood kadib helitaanka ogeysiiska, tallaabadani ma joogsaneyso inta uu socdo hannaanka dhageysiga.
5. Ogeysiis kasta oo lacag bixinta dheeraadka ah waa dhacdo gooni ah. Haddii aad dooneyso inaad ka doodo, waxaad ubaahnaan doontaa inaad codsato dhageysi gooni ah mid kasta. Waxaa laga yaabaa inaad hesho ogeysiisyo lacag bixin dheeraad xx xxxxx oo haysto mid ama kabadan oo la sugayo hannaanka dhageysigooda.
6. Muranada kusaabsan lacag bixinta kabadan inti larabay ma ahan wax laga xumaado. Hasayeeshee, waxaad xaq u leedahay inaad codsato dhageysiga maamulka.
Marka aad dib u bixineyso lacag dheeraad ah, waxaa muhiim ah inaad ogeysiiso Miiska Canshuuraha si aad u xaqiijiso inay ka warqabaan oo xxxx u sameyn karaan isbedellada lagama maarmaanka ah oo kusaabsan ka warbixinta canshuurta. Ka eeg qeybta Macluumaadka Canshuurta macluumaadka xxxxxx xariirayo.
DCYF waxa ay boosto kudirtaa diiwaanka lacag bixinta DCYF oo la yiraahdo Caddeynta Lacag Bixinta. Tani waxaa kujira liiska lacagihi laga jartay oo loo isticmaali karo ujeedooyin canshuureed, oo ay kujiraan wixi lacag bixin ururka ah. Haddii qof ama shirkad ay dooneyso inay xaqiijiyaan dakhligaaga, waxaad siin kartaa caddeynta lacag bixinta. Qaar kamid ah macluumaadka kujira caddeynta lacag bixinta waa kuwo qarsoodi ah mana aha in la shaaciyo. Waxa ay la mid tahay risiidka lacag bixinta.
Haddii aad wax dheeraad ka ah caddeynta lacag bixinta ubaahan tahay, waxaad foomka “caddeynta dakhliga” ka codsan kartaa DCYF. Codsigaada qoraal ahaan ku dir:
Feejignaanta SSPS: Caddeynta Dakhliga
P.O. Box 45812
Olympia, WA 98504-5812 limayl: XXXXxxx@xxxx.xx.xxx
Xaqiijinta Mushaharka ee Faakis: 000-000-0000 W4s: 000-000-0000
DCYF kama jareyso canshuuraha dakhliga lacag bixintaada DCYF. DCYF waxa ay warbixinada dakhliga aad naga hesho gaarsiisaa Internal Revenue Service (Adeegga Dakhliga Gudaha, IRS). Waxaa laga yaabaa inaad hesho foomka W-2 ujeedooyinka canshuurta dakhliga ah dartood. Haddii aad qabto su'aalo kusaabsan canshuurta, fadlan la xariir IRS. Macluumaadka kusaabsan bayaanada canshuurta:
Wac Lambarada Bilaashka ah: 000-000-0000, xulashada 1-aad Iimaylka: xxxx.xxxxxxxxxxxx@xxxx.xx.xxx
Sida uu qabo WAC 000-00-0000, bixiyayaashu waxaa waajib ah inay u hoggaansamaan dhammaan masuuliyadaha kujira liiska WAC 000-00-0000, oo ay kamid tahay sheegashada saxda ah. Ku guuldareysiga in sidaas la sameeyo waxaa ka dhalaneysa ku xadgudubka barnaamijka, ganaaxyana waa lagu soo rogi
doonaa sida ku qoran WAC 000-00-0000.
Macluumaad dheeraad ah
Macluumaadka Xiriirka | ||
XXX XXXXXXXXX XADGUDUBKA IYO DAYACAADA 1-866-ENDHARM 0-000-000-0000 | JAWAABTA TALEEFANKA QOYSASKA Qoysaska loo oggolaaday WCCC ama SCC waxa ay xx xxxxx karaan xaalada kiiskooda iyaga oo riixaya 1 kadib marka ay wacaan Xarunta Wicitaanka Adeegga Macaamiisha ee DCYF 0-000-000-0000 | QEYBTA HUBINTA TAARIIKHDA DCYF 0-000-000-0000, xulashada 4-aad |
XARUNTA WICITAANKA ADEEGGA MACAAMIISHA EE DCYF Qoysaska waxa ay codsan karaan adeegyada ama soo sheegi karaan isbedellada 0-000-000-0000 Fakis: 0-000-000-0000 | IMAANSHAHA ELEKTAROONIGA DCYF 0-000-000-0000 xxx.xxxxxxxxxxx@xxxx.xx.xxx xxxxxxxxxx.xxxxxxxxxx@xxxx.xx.xxx | QAANSHEEGASHADA DEGDEGA DSHS 0-000-000-0000 |
ADEEGYADA LAGA DHAAFAY RUQSADA Dhibaatooyinka ama su'aalaha kusaabsan hannaanka oggolaanshaha FFN 0-000-000-0000, xulashada 8-aad | TAAGEERADA XUBNAHA SEIU 925 1-877-734-8673 DARYEELKA CAAFIMAADKA SEIU 925 1-866-771-7359 | ADEEGGA MACAAMIISHA SSPS 000-000-0000 BOGGA GOOBTA BIXIYAHA SSPS 0-000-000-0000 |
XXXXXXXX XXXXXXXXXX GUUD EE WAXBARASHADA DADWEYNAHA Waxa uu bixiyaa lacagta maalgelinta federaalka si loogu adeego cuntooyin nafaqo leh iyo iyadoo loo marayo Barnaamijka Cuntada Daryeelka Carruurta 000-000-0000 | XAFIISKA SOO KABASHADA MAALIYADA DSHS Economic Services Administration, Office of Financial Recovery, P.O. Box 9501 Olympia, WA 98507-9501 360-664-5700 Wicitaanka Bilaashka ah: 0-000-000-0000 Qoraalka Taleefanka: 0-000-000-0000 |
• Shuruudaha Ruqsada Guriga Daryeelka Carruurta: xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx-xxxxxxxx-xxxxxxxxx/ licensed-provider
• Qiimaha Kabitaanka Dhaqaale ee Daryeelka Carruurta: xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxx/xxxxxxx/xxxxx/xxx/Xxxxxxx_ regions_map_chart.pdf
• Xeerarka iyo Shuruudaha Kabitaanka Dhaqaale ee Daryeelka Carruurta: xxxx.xxx.xx.xxx/XXX/xxxxxxx.xxxx?xxxxx000-00
• Macluumaadka Nidaamka Imaanshaha Elektarooniga ah: xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx-xxxxxxxx-xxxxxxxxx/ electronic-attendance-system
• Tababarka Nidaamka Imaanshaha Elektarooniga ah: xxx.xxxx.xx.xxx/xxxxxxxx/xxxxx-xxxxxxxx-xxxxxxxxx/ electronic-attendance-system/training
• Qoysaska Waxa ay Codsan Karaan:
• Macluumaadka Qaansheegashada Degdegga ah: www. xxxx.xx.xxx/xxxxx/xxxxxxx/xxxxx/xxxx/XXX_0000.xxx
• Ruqsada iyo Xeerarka Kabitaanka Dhaqaale: apps.leg. xx.xxx/XXX/xxxxxxx.xxxx?xxxxx000
• Secure Access Washington (Gelitaanka Ammanka ah xx Xxxxxxxxxx, SAW): xxxxx://xxxxxxxxxxxx.xx.xxx/xxXxxxxx/xxx/xxxxxx.xx
- Goobta Caawinta: xxxxx://xxxxxxxxxxxx.xx.xxx/ public/saw/pub/xxxx.xx
• SEIU 925 CBA: xxxxx://xxx.xx.xxx/xxxxx/xxxxxxx/xxxxx/ public/labor/agreements/23-25/nse_childcare.pdf
• Codsiga Qiimaha Baahiyaha Gaarka ah: www.dcyf. xx.xxx/xxxxx/xxxxxxx/xxxxx/xxxx/Xxxxxxx_xxxxx_ request.docx
• Taxanaha Bilawga Ganacsiga: xxxxx://xxxxxxxxx.xxx/ business-start-up-series
xxxxx://xxx.xxxxxxxxxxxxxxxxxxxx.xxx/xxxx/
DCYF ma takoorto waxayna usiisaa helitaan siman barnaamijyadeeda iyo adeegyadeeda, dhamaan dadka iyadoon loo tixgalin isirka, midabka, jinsiga, diinta, caqiidada, xaalada guur, asal ahaan halka uu kasoo jeedo, muwaadinimada ama xaalada socdaal, da’da, wacyiga jinsi ama aqoonsiga jinsiga, mujaahid ama xaalada milatari, xaalada hooyada ilmaha naas-nuujinaysa, iyo helitaanka dareen kasta oo jidheed, ama naafanimo maskaxeed ama isticmaalka hagitaanka eyga ama adeegyada xayawaanku qabto. Haddii aad rabto nuqullo dhukumenti ah oo qaab kale ah ama luuqad kale ah, fadlan kala xidhiidh DCYF Constituent Relations (DCYF Xidhiidhada Qeybaha) 0-000-000-0000 ama iimaylka xxxxxxxxxxxxxx@xxxx.xx.xxx
DCYF PUBLICATION EL_0044 SM (06-2024) Somali