Najax
Najax
Lix
sanno ayaa u raaca labaatanka, qurux ayaa u raacda maskaxda, laydh diirran ayaa u raacda qorraxda.
Magaceedu waa Najax. Madaxa maro cawl ah ayaa si khafiif ah ugu dul goglan, xxxx xxxxx ay u soo dhaadhacdo ayay dhex gashaa midabka guduudka ah ee diraca garbaheeda hoos uga daaddega. Jooggeeda ayaa xxxxx ku haya cagaheeda oo ku dhex jira kabo dhererkeeda wax ku daray. Marada ay ku dhex jirto ayaa ka noqota gummudka dushiisa, hoos waxa uga soo rogmada gacmo korkooda jugta laga dhowray. Xxxxxx xxxx ee gacanteeda bidix ayaa laabta ka garaacaya telefoon ay indhaheeda aan wada furnayni hoos u dhowrayaan. Sahra iyo Hoodo oo jidka ku soo jira ayay ku sugaysaa guriga hortiisa. Shinni iyada iyo ubaxa xxxx xxxxx weydey ayaa korkeeda ku dheelaysa. Ballanbaallis aan u fahmay in ay iyada daawanayso ayaa laan aan xxxxxxxxxxx xxx xxxxxxx. Baabuurkii ay sugaysay ayaa meel aan fogeyn ka soo baxay. Farxad ay xuub caaro ku qarinaysay ayaa meel dhow ka soo boodday. Dhego aan soo gaadhin meel ay wax ka maqlaan ayay dhawaaq ka hor geysay.
– Naayaadeheen, oo shantiinna daqiiqo ma sidanaa? Naa bal naagahan eega.
Baabuurkii agteeda ayuu istaagay, qosolkii dhinaceeda ayuu ka socdaa, BK-na hawshiisa ayuu haystaa. Meel saddex tallaabbo u jirtay ayay sagaal ku gaadhay. Xxxxxxx intii aanay si fiican u fadhiisan ayay la soo boodday ”naa walaal bal heesta iga naaqusa yaanu aabbo i maqline”. Sahra oo aan hadalka meel fog ka doonin ayaa u celisay ”oo aabbahaa muxuu tobanka subaxnimo guriga ka qabanayaa?”. Najax oo aan is dhibin ayaa ku dhirbaaxday ”naa aabbahay ma sida aabbahaa ayuu meelahaa wareegaa, dee reerkiisuu la joogaa”. Hoodo
oo meel kale ku maqan ayaa ku darsatay ”naa walaal wallaahi heestani way igu socotaaye!”. Qosol ayay midba in qadhiidhatay. Dhankii jaamacadda ayay u jeedsadeen si ay ardayda kale farxadda ula qaybsadaan inta aan dhanka hudheelka loo kicin kahor. Saddex saacadood ayaa uga hadhay wakhtigii qalin-jabintooda. Xxxx xxxxx oo qosol iyo baroorba lahaa ayaa maanta ku eeg. In ka badan oo farxad iyo murugoba leh ayaa maanta ka bilaabmaya.
Waa gashaantimo, haddii aanay guur diyaar u ahayn, maanta waa u diyaar. Marmarsiiyo kasta oo ay la iman jireen, kan maanta ayaa ugu dambeeyey. Balse ha la guursado ma xumee, ayaa guursanaya? Hoodo ayaa bilowday. ”Xxx xxxxxxxx, naa walaal raggii xaggay ka dhaceen?”.
Sahra: oo naa ragga maxaad ku falaysaa?
Najax: naa adigu iska aamus, horto maxaad innamada ku neceb tahay?
Sahra: akhas caleeg, oo maxaa rag lagu falaa! Hoodo: naa tani waa nin.
Najax: waa nin dabeecad xun weliba. Naa maxaad haaye walaal ragga ku nacday, maxay kugu sameeyeen?
Sahra: idinku xxxxxx xxxxxx kaga degdegaysaan? Anigu haddaan guursadana laba carruur ah ayuun baan dhalayaa.
Hoodo: xxxxx xxxxx kuugu duceeyey. Najax: haa, Ilaahay idamkii.
Sahra: isku xxxx.
Hoodo: aamiin, naa ma habaar ayay moodaysaa carruurta. Ilaahayoow sagaal duufle ayaan ku weydiistay.
Najax: naa dee haaye adna walaal duufka xx xxxx. Hoodo: Ilaahayoo duuf iyo dhareerba isugu dar. Sahra: naagtu duco xumaa, Xxxxxxxxxx intaba sii.
Najax: naa heedhe Xxxxx, horto adigaaba mid la sheekaystee, kii xx xxxxxx?
Xxxxx: naa waa saddex.
Hoodo: haaye labada kale waa dhareerleyaale, mid uun baa wax kala garanaya. Kaasina waa kii sheeko la yimid.
Najax: xxxxxx xxxxxx?
Hoodo: suuqa anoo jooga ayaan ku idhi ”i soo doon”. Kuye ”i sug aan furaha hooyo ka soo qaadee”. ”Alla hoognay” uun baan idhi, ”waar ma hooyaa furaha gaadhiga kuu haysa?”. Kuye ”haa”, af adakaa! Dee saddex cisho la maan hadal. Xxxxxx hudheelka ayaynu ku arki doonnaaye.
Xxxxx: weligeed ayay handhikaabka la sheekaysan jirtay. Mid masaasad jaqana xxxx xx xxxxx doontaa adigu.
Hoodo: bisinka bisinka, hoostaada ma dhaafo. Naa walaal wuu igu carruuroobay kaasiye iga daayoo, adigu maxaad isla haysaa.
Najax: haddaan ku idhaa mid aan ka helaba ma arag miyaad xxx yaabi?
Hoodo: oo xxxxxx xxxxxxxxxxx? Sahra: Xxxxxx Xxxxxx.
Najax: wallaahi walaal waxaasi waa iska kaftane, laakiin weli mid i cajabiyaba ma arag. Imika hablo wax bartay ayaynu nahay, waa in aynaan cid kasta la hadlin dee. Naa mise waa beentay?
Hoodo: mayee waa sidaa wallaahi. Ilaahayoow kuwii jannada ka soo xagaa-baxay na tus.
Sahra: kuwo hooyadood faraqa haysta.
Dhismihii jaamacadda ayaa xxxxx hortooda ah. Halkaas ayay sheekada ka sii wateen intii laga gaadhayey wakhtigii xafladda. Xaflad midabbo badan, dad magacyo badan, iyo farxad noocyo badan. Intuba iyaga ayay diyaar ugu yihiin meel aan aad uga durugsanayn xxxxx xx hadda joogaan. Maanta waa maalintii laga maydhi lahaa daalkii shantii sanno ee u dambeeyey, waa xxxxxx xx mid ah maalmaha kooban ee ay dunida ku leeyihiin. Ehelkii iyo asxaabtiiba way xxxx xxxxxxx, inta maqanna caawa ayay shaashadaha ka daawan doonaan. Madaxda dalka ayaa hadallo caajis badan ka jeedin doona, marka mid laga reebo. Waa wiilka uu madaxweynuhu dhalay ee la yidhaa Najax. La ma hubo in uu imanayo, haddii se uu yimaaddo, xiddigga madasha ayuu noqon doonaa. Doob aan weli guursan, joog aan xxxx xxxxxx xxx maal aan is aqoon. Qurbaha ayuu ku maqnaa dhowr sanno, waddankana aad looga ma yaqaanno.
Goortii xafladda ayay laba saacadood dhaaftay. Qaybtii fasalkooda loogu talo galay ayay ku hagaageen iyaga oo saddex ka badan. Wax yar kaddibna aayado qur’aan ah ayaa yeedhay. Khudbado dhaadheer ayaa xigay, iyaguna sheeko ayay hoos u wadaagayaan. Najax oo qosol ku maqan ayay dhegaheedu maqleen magaceeda ka yeedhay laba iyo tobanka sameecadood ee goobta ku xidhan. Dhegaha ayay taagtay iyada oo qosolkii degdeg u hakisay. Magaca in la la wadaagi karo ayay illowday. Weliba in wiil la wadaagi karo ayay illowday. Wiilka madaxweynaha. ”Ku soo dhawoow makarafoonka mudane Najax”. Indhaha ayay dhowr gidaar ka soo jartay intii aanay muuqiisa haleelin kahor. Qoorta ayaa dhowr jeer kala baxday. Way aragtay. Daanka xxxxx ayaa hoos u dhacay. Haddii ay qurux raadin jirtay, kii ay ku rarnayd ayay aragtay. Dhegaheeda ayaa sacabka dhacaya dhawaaqiisa iska xidhay si ay indhaha u caawiyaan. Qoorteeda ayaa la socotay tallaabadiisa uu ugu dhaqaaqay goobta hadalka. Indhaha ayaa illoobay in ay libiqsadaan. Xxxxxx xxxxxx iyo xxxx xxxx oo ay soo ergisatayba isaga ayay siisay. Hoos ayay u tidhi ”dhibicdan malabka ahi xaggay ka soo ‘tif’ tidhi?”.
Magaciisaa kor loo yidhi, jabaqdaa hoos loo dhigay. Indhaha hoolka jooga, labadiisa mooyee, xxxx xxxx isaga ayay hayaan. Ma uu sii nagaan markii uu kor u booday, ma uu hakan markii uu hore u dhaqaaqay. Hugiisa caddaanka iyo madowga kala sarreeya u qaybsan ayaa ka dhex muuqda dadka uu sii dhex marayo. Afar askari oo dharcad ah ayuu sii dhaafay isaga oo isha ka salaamaya. Najax oo aan ka dheereyn xxxxx uu marayo ayaa rajaynaysay in uu dhankeeda soo eego. Socodkiisa dhiirran ayuu sii watey. Tallaabbo kasta oo uu u qaado dhanka masraxa, waxa ay ahayd mid uu qalbigeeda ugu
dhowaanayo. Dusha ayay ka yeelatay. Dhankeeda in uu u soo socdo ayay laabta gashatay. Way iska dhoolla-caddaysay. Indhaha ayay ka dhex saartay, meel aan ka durugsanayn markii uu soo istaagay, ”i soo eeg” ayay hoos u lahayd. Muuqiisa ayaa deeqay, magaca ayaa u raacay. In uu ina madaxweyne yahay, iyada cabsi ku ma hayso. Laydh beerkeeda lushay ayaa filanwaa ugu dhuumatay. Jidhkeedii ay iyadu lahayd ayaa maammulkiisa laga la wareegay. Xxxxxxx xxxx xxxxxx, lafaha ayaa dareeray, naqaska ayaa isku taagay. Iyada oo aan waxba xxxxx ayay margatay.
Codkii ka soo yeedhay dhuumihiisa hadalka ayaa kiciyey xaadda dhegaheeda dushooda hurudday. In uu iyada u sheekeynayo ayay ka dhigatay. In ay xx xxxxx ayay damacday. Hoos ayay u guuxday, ”haye, waa runtaa, intaa aad tidhiba waan kugu raacay” ayay isu raacisay markii uu salaanta uun dhammeeyey. Hoodo oo ku xigtay ayaa dareen qaadatay. Cod xxxxx ayay riyada kaga kicisay.
– Hoognay, naa bal afka uun isku qabo, bisinka iyo salliga. Sahra oo sii jeedday ayaa soo jeedsatay.
– Xxxxx xxxxx?
– Naa dee sowta inanka cuntay.
– Naa inaadeer waad anshax xun tihiine dadka dhegeysta marka ay hadlayaanoo naga aamusa, ayay Najax isu raacisay.
Sahra oo aan weli fahmin waxa socda ayaa su’aalaheedii sii wadatey.
– Maan fahmin, calashaan ma yarkan kuusan bay daawanaysaa?
– Bisinka, show waxba maad arkayn, way ka dhex baxdayba ka yar.
– Alla yaa ii qosla, waa xxx xxxx kaniye ma xxx xxxx ayay rabtaa? Naa yaanu kugu jabin dheh.
Najax waxa ay dhex jiiftaa bustaan uu codkoodu si gaaban u soo gaadhayo. Midho uu isagu xxx xxxxx ayay muudsanaysaa goor dayaxu buuxo. Webi malaba ayay farta ku dhuuqaysaa isaga oo aan dhinaceeda ka dheerayn. Haddii qofka dareen lagu kaxaysan karo, maanta inanka way la fogaatay. Dhul biyo baad leh ayay keligood dageen. Nasiibdarro, kursigii hoteelka ayay weli fadhidaa, isaguna iyada aqoonba u ma xxxx.
Xxxxx xxxxx xxxx xxx afjaray, xxxx xxxxx ayay ka toostay. In uu dhammeeyey ayay u qaadan weydey. Labaatan daqiiqo oo uu hadlayey ayaa labaatan ilbidhiqsi agteeda ka ahaa. Sahra ayaa soo boodday.
– Naa inaneey, inanta yarka kuusan sii eegaysaay, yarkii labaatanka jeer ku salaami jiray ayaa halkaa soo fadhiya.
Hoodo: alla walaal waa miskiinkii yaraa, naa dee inanka la hadal Najaxeey, iska daa xxx xxxxx naagood kala dooranayoo. Najax: kun naagood aa? Kuma? Naa xxxxxx waa la ilaaliyaa oo naago loo ma oggola.
Sahra: markaa maxaad isla daallinaysaa?
Najax: oo dee anigu ma isagaan rabaa? Anigu hadalkiisa uun baan dhegeysanayee.
Sahra: wallaa? Car bal muxuu yidhi sheeg!
Najax: naa naga tag.
Hoodo: naa soo kaca soo kaca, innagaa ku xignee.
Xxxxx: xxxx xxx isagaa shahaadadaha inna guddoonsiinaya, xxxx xxxxx kuusanoow lagu jecel.
Najax: naa naga aamus belo ku jecelaatee.
Afkeedu hadal xxxx xxxxxxxx, qalbigeeduna mid kale. Jidhkeeda ayaa kala shaqaynaya. Wadnaha ayaa feedhaha hoosta ka soo tumaya. Magacyadii fasalkooda ayaa la bilaabay. Hoodo ayaa kacday. Lugaha ayay isla dhacday. Gacmaha ayaa aayar raxleeyey. Hoodo ayaa soo noqotay iyada oo hoos u leh ”naa Sahraay waa runtaaye waxa yari gacan kuusanaa”. Dhidid aanay filayn ayaa sacabadeeda ka soo maaxday. Magaceedii ayay maqashay. Wadnahaa afka yimid. Cagaha ayaa dhulka loogu aasay. Xxxxx ayaa kursiga ku dhegay. Iyada oo aan kicin ayay damacday in ay tallaabsato. Waxoogaa ayay rafatay. Ilmo yar oo dembi galay xxxxxxx xxxx u hoganaysaa. Cabsi ayaa madax martay. Way calool-adaygtay, si kale ayaan jirin. Xxxxxxx xxxx xxx xxxxxx xxxxx, si fudud ayuu afkiisu u furan yahay, qofkan magiciisa wadata xxxx xxxxxxx. Qofkan magaceeda wata ayay soo gaadhay. Gacan qoyan ayay si waafi ah ugu dabooshay tiisa. Qoyaan ayay ugu maydhay. shaarubaha ayay dhidid waaweyn ka keentay. Way foorarsatay, way toostay, way xxxx… digaagad hadhuudh loo daadiyey sideedii. ”Hambalyo, Alle ha kugu anfaco” ayaa dhankiisa ka soo yeedhay. Wax cod u eeg, naqasna u badan ayaa dhankeeda xx xxxxx. Saddex jeer ayay kufi gaadhay. Kursigeedii ayay ku soo noqotay. Hareeraha waxa ka fadhiya xxxx xxxxxxx afka ku qariyey, qosolna la gariiraya. Way fadhiisatay. Dhowr ilbidhiqsi oo
kale haddii ay sii taagnaan lahayd, way suuxi lahayd. Naqaska ayay soo kala gurtay, qosol-gariirka ayay sii wateen.
Midna hadal ma uu odhan illaa bannaanka loo soo baxayey. Sahra: naa Najax, huuno ma nabad qabtaa? Hoodo: wixii ku helaan la yaabay wallaahi, Najaxeey anba markaan suqaar xxxx waan ilmeeyaa.
Sahra: adigu suqaar-jeceleey ha hadline sug. Naa Najax, bisinkee ma haantii hadalkaa kaa luntay?
Najax: naa dee maxaad rabtaan? Camal la’aan ayaa idin haysa wallaahi.
Runta way dafiraysaa. Booraan afweyn bay, far ku awd is leedahay. Sidii ayay ahaatay, si kaley ahaatay. Gelinkii damboo dhan, dhoof ayay ku maqan tahay. Xxxxx way fogaataa, haddana way timaaddaa. Riyadeedii oo dhan, rajadeedii oo dhan, Najax ayaa dhex taagan. Xxxxxx dhex legaddey, qalbigeeda oo idil. Maskaxdeeda oo dhan, isagay u xidhan tahay. Way u qaadan xx’ xxxxx, sidan uu ku yeeshay. Rag horaa ku xiiqay, salaanta in ay ka qaaddo. Isna aayar maantaba, hantidiisay noqotay. Hadal wuxuu ka joogaa, sidii xx x xxxxx lahayd. Hadal waxay ku goysay: ”Waa in aan haleelaa, dhammaantii afduubtaa, dareenkiisa xxxxxxx, habeenkii la’aantay, hurdo seexan waayaa”.
Najax waa la taabtay. Baaqigii ayaantaas, farxaddeedii oo dhan, isagaa badh qaatay. Dareenkii ay la timid xxx xx geddisnaa kii ay kala tagtay goobta. Wejigeeda oo dhan, madow ayaa kor saarnaa. Dhoof ayay ku maqan tahay.
Maalin xxxxx xx bacdi, gurigoodii way timid. Xxxxxxxx ay saaka, oogadeeda saartay ayay kala huleeleen. Xxxxx fiidkii weeyaan, tiifiiga fadhiga yaal dhinaciisay aadday. Baahideedu waxay tahay, muuqaalkii maanta dib-u-fiirsigiisa. Cunto miiska saarnayd haf ayay la sii tidhi. Agteeda ayay ku wadhay xxxx aad u daallan. Xayaysiiska dhawaqa xxxxx dhankiisay indhaheedu u dhowrayeen ujeeddo la’aan marka ay gacantu ka dhex shaqaynaysay saxanka iyo afkeeda. Cod aan ka tiifiiga ahayn ayaa dhegaheeda soo gaadhaya. Waa codka hooyadeed oo ay weheliso jabaqda jiitamaysa ee ay samaynayso kabta dacaska ah ee cagta midig laga qadiyey.
– Alla, day siday wax u cunto, nin ma mooddaa? Naa xaggeed wakhtigan ka timid?
– Waxba hooyo dee, waannu iska caweyneynay. Weli waa fiid hooyo.
– Oo haddaa ma saqda dhexaad iman lahayd? Cagaha kuraasida iiga qaadoo, waa ku sidee hooyo.
– Hooyo wallaahi waan soo daaloo waan ku kala bixinayey uun.
– Oo maxaad ku soo daashay markaa? Maantoo dhan waad wareegayseen dee, fartaadoo dhan ayaan fahmayaa illeyne, suuraaf yahay.
– Haa, waannu iska ..
– Alla hoognayeey waxa la odhan dibjirad xxxx xxxxxxx. Naa bal i sii rimoodhkaas, filinkii ayaa i dhaafayee.
– Hooyo sug dee waxa soo galaya barnaamijkii maantee.
– Ma kii meesha aad joogtay laga xxx xxxxxx? Ba’nay! Waad fadhiday bee maxaad ka daawan?
– Sug sug, xxx xxx xxxxx, waa kan.
– Naa bal cibaaradan eega. Bal waayee yara naaqus uun, balaayadan codka weynina muxuu ahaa?
Barnaamij socon xxxxx xxxx saacadood ayay labaatan daqiiqo ku leedahay. Marka uu inyar socdaba hooyadeed ayaa hadlaysa. ”Naa kanna muxuu ahaa? Sowdigaa halkaa soo fadhiya! Hadal badanaa, nagnagtaas uun hay adigu meeshaad joogtaba, bal habluhu way xishoodaane maxaa aamus kuu diiday?”
Najax u ma jeeddo hadalladaas. Saacad ayaa tagtay, weli ninkii ay sugaysay la ma hayo. Way is xxxx xxxx xxxxxx.
– Ish! Soomaalidana hadal badni ayaan ku nacay, bal muu soo koobo odaygan xun ee dacayda dheeri.
– Naa maxaad wasiirka ku gashay? Xxx xxxx ga beddel oo musalsalkii innoo gee haddaanad xxxxxxx xxxxxxxxxx.
Waa loo yeedhay, ”soo dhawoow mudane Najax”. Kor ayay u boodday, cagihii ayay dhulka dhigtay, xxxxx xxxxxx oo dhabteeda ay ku illowday ayay dhinac isa ga tuurtay, horena way u fadhiisatay. Hooyadeed ayaa yaabtay oo dhankeeda soo eegtay. Way ka aamustay. Najax ayaa indhaha ka dhex saartay muraayadda ay daawanayso. Socodkiisii ay saacado kahor u soo joogtay ayay dib u daawatay. ”Waa kan kii naanaabka ahaa” ayay ku dhawaaqday iyada oo aan is ogeyn. ”Naa kanna maxaad ku cuntay?” ayay jawaab u
heshay. ”Xxxxx nacas-nacas ayuu u eeg yahay”. ”Naa waa fariid ayaa la yidhi, waa nin yaroo kaalay arag ah, siduu u shaqaysto ee uu aabbihii u garab joogo waad yaabaysaa”. Haddana way aamustay oo ay ku faraxday ereyada wanaagsan ee hooyadeed ka soo yeedhay. Hadalkiisii ayuu bilowday, riyadeedii ayay gashay. ”Alla, weliba waa hadal-yaqaan. Bal siduu u hadlo day, waa ba aabbihii oo bartaa taagan”. ”Hooyo yara aamus biliis” ayay hoos u leedahay. Ma rabto in laga qalin-daaro dunideedan xuubka caaro ka dhisan. Mar kasta oo ay sii dhegeysato, waxa ku kordhaya rabitaanka ay rabto in ay ka ag dhowaato. Badweyn Najax ah ayay dhex muquuratay, roob Najax ah ayaa u da’ay, doog Najax ah..
Xxx xxxxxxxxxxx, kamaraddana xxxxxxx xxxx lagu jaray si loogu gudbo qofka xiga. ”Boolshidh” ayay hoos u tidhi. Hadalka ma ay badin markii ay dhanka qolka jiifka u soo tahriibtay. Sariirteedii oo aad mooddo in xx xxxxx xxxxx xx maqnayd ayay isku dul tuurtay. Sariirtuna laabteeda ayay u furtay. Fikirkeedii maanta ee ahaa ”waa in aan haleelaa” ayaa maskaxdeeda sidii cajalad ugu soo noqnoqonaya. ”Wuxu ma rag ayuu xx xxxx yahay horto?” ayay is xxxxxxxxx. ”Xxx xxxx” ayay markiiba meel ololaysay ku bakhtiisay. ”Haddii aanan gacanta ku soo dhigin, Najax la i ma idhaa”. Way ku seexatay.
Way ku soo toostay. Jaamacad lagu kallaho ma jirto, wax se xx xxxx ayaa jira. Dhankii Hoodo iyo Sahra ayay u jarmaadday. Waa saddex marka ay isku yimaaddaan, dheri kasta xxxxx xxxx. Shir qaran ayay yeesheen. Arrintii ayay u soo bandhigtay.
Sahra: ma xxxxx xxxxx in Kuusow la jeclaanayo.
Hoodo: naa yarku subag Ilaahay ayuu ahaa bee iska daa xxx xx jeclaatee.
Dacaayadda heshiis ayay ku yihiin. In ay iska caawiyaan wixii soo kordhana, waajib ayay u arkaan. Hawshii ayay gudo-galeen. Su’aalo ayaa la is weydiiyey. “Ninkani sidee lagu xxxx xxxxx? Asxaabtiisu waa ayo? Muxuu xiiseeyaa? Shaqadiisu waa maxay? Ma dhanka shaqada ayaynu ka soo galnaa mise dhanka asxaabta, mise labadaba? Intee in le’eg ayaa loo dhowaan karaa inta aanay ciidankiisu qoorta kaa jebin?”
Hoodo oo looga dambeeyo falanqaynta iyo dejinta qorsheyaasha ayaa dhankeeda la eegay. Xxxxx xx’aal muhiim ah ayay ka jawaabtay.
Hoodo: naa ninkan waxa Ilaah yar u haysata tii ”Cambaro Xxxxx”. Najax: tee?
Hoodo: naa dee tii okiyaalaha waaweyn xidhnayd miyaanad garanayn ee aannu berigii is laynay, ta xun ee miyaanad garanayn.. Sahra: Alla haa haa, naa dee tii caafimaadka dhigan jirtay ee habeenkiina arooska u soo xidhatay googgoradda basaliga ah iyadoo dirac cad xidhan.
Najax: Alla waa sirqadii dheerayd. Haa haa, haye.
Hoodo: naa dee dhegeysta oo, naagtaa ma jecli laakiin waan soo basaasayaa, iyada ayaan waxan oo dhan ka soo ogaanayaa.
Sahra: naa horto waxaan ogahay in aanu ninkani sii joogeyn dalka in badan. Alla sug, naa dee ninku xarumaha agoomaha ayuu caawiyaa. Sowtii barnaamijyo badan laga soo deyn jiray.
Najax: naa show hortay ayaad ninka isku waddayba. Anigu maan aqoon bee!
Sahra: naa fudkan yaree kuusan anigu waxba ku ma falayee dhegeyso, ninku waxaasuu ka shaqeeyaa.
Hoodo: anaa gartay, dhakadii adduunka ayaynu dhigaynaa. Najax: ka soco.
Hoodo: urur aan jirin ayaynu samaysanaynaa, xxxx xxxxxxxx xxxxxxx. Haddaynu doonno mid caalami ah ayaynu odhanaynaa waa qaybtiisii dalka oo annagaa ka mas’uul ah.
Sahra: oo dabeedna?
Hoodo: alla dhoohanaa xxxx, xxx markaa isku suuq ayaynu noqonaynaa. Xaflad aan jirin ayaynu qabanqaabinaynaa oo aynu u bixinayno ”U gargaar agoonta”.
Najax: ii wad, ii wad.
Hoodo: dee dabeedna waynu u yeedhaynaa oo martiqaadka ayaynu u diraynaa, Kuusow haddaan ku hor keeno markaa xx xxxxxx, xxxxx oo guddoomiyihii ururka ah?
Najax: naa haaye walaal xxxxxx aan khashifannaa! Sahra: eeg dee, waa saacaddii ay dabadu gariiri jirtee.
Hoodo: naa waxaa xx xxx, adigu sida aan ku idhaa uun yeel.
Najax werwer ayaa galay, in inanka madaxweynaha la shirqoolo ma xx xxxxx. Balse wax kasta oo isaga u soo dhoweynaya, diyaar ayay u
tahay. “Maxaa khaldami kara?” xxxx xxxx isu weydiisay. Maskax “wax walba” ku jawaabaysa ayay “waxba” ka hor geysay. Ma rabto in ay walaacdo imika, ma doonayso in ay khilaafto Hoodo oo ay wax badan uga soo joogtay. Talo waxay ku goysay, inay addeecdo Hoodo. Dhanka kalena Hoodo, hawshii way bilowday. Inantii “Cambaro Xxxxx” ayay xog ka keentay. Sidii ay ogsoonayd ayaa loo xaqiijay. Najax waa nin maatada, agoomaha ilaasha. Qof kastoo ka saacida, dadka xxx xx jecel yahay.
Telefoonkaa yeedhay. Cod aan meel fog gaadhayn “haloow” ugu dhawaaqday.
– Naa maad huruddaa? Codkii Hoodo weeyaan.
– Mayee waan sii seexanayee. Maxaa saacaddan ku wada?
– Naa bal naagtan eega aannu ninka u sallaxaynee sidaa noo la hadlaysa.
– Bisinka, xx x xxxxx. Bal iska raalli ahow oo, ii warran.
– Si fiican ii dhegeyso, Faysbuuggaaga fur, farriinta ku jirta ee aan kuu soo diray soo qaado oo wajahaddaada soo dhig.
– Bal sug aan eegee, ma “nabiga ku salli” baa?
– Naa mayee fur, inantu hadal badanaa.
– Kkkkkkkk adduunyo, maantaa Faysbuuggaygiina la xxx maammulay. Sug bal aan akhriye waxaad ii soo dirtee. Alla, oo naa waayo? Xxxxxx xxxxx ugu soo qorayaa?
– Xxx Xxxxxx ma rabtaa?
– Haa dee waan rabaa laakiin waaxay beentu.
– Markaad intaa samayso, gurigii Xxxxx xx innoo ahaato. Qolkii dambe ee waashmaanka.
– Xxx xxx xxxxx… Way dhigtayba.
Qaddar daqiiqado ah kaddib, wajahadda Najax waxa laga akhristay: “Ii soo duceeya, Nayroobi xxxxx xxxxx shaqo ugu baxayaa.”
Najax oo lebbiskeeda muddo ku hawlanaan jirtay, maanta xxxxx bannaanka dhakhso waa tan u aadday. Saacad aan wada buuxin waa tan goobtii ku gaadhay. Qol yaroo laga guuray, gidaar daah ku xidhnaa iyo wax yaroo sanku diiday ayay soo martiday. Indhaheedu se maanta, wax kaley arkayaan. Daahaasi korkiisa warqad ayaa ku dahaadhan. “COA Orphanage Assosiation” ayaa far waaweyn ku qoran. Waxba way fahmi weydey. Wax yar uun horteeda, loox yaroo la istaajay, ku dahaadhan maryo si qumman loo sharraxay, makrafoonka dul yaalla.. Waxba way garan weydey.
Bannaankay indhaheedu, wejigeeda ka joogeen. Sahra oo barkin weyn xxxxx aad ugu haysa ayaa halkaa soo fadhida. Hoodo oo xxxxx xxxxx, qulubaa-geddiyeysa, halkanay ka sii jeeddaa. Najax way fajacday. Weli wax hadal ah, loo ma soo tuurin dhankeeda. “Naa maxaad waddaan imika?” ayay is xxxx xxxx xxxxxx. “Baddaa ka baxoo, kaalay ku taswiiree, bannaanka soo yara aad” ayay Hoodo tidhi. Sahra oo fadhiga, sii jecleysanaysaa, tilifoon laba waar ah, faro
baasto la moodo, in ay ku garaacdo bilowday. Najax oon fahmahayn waxa eeggan socda ayaa aamustay. Qolka ardaagiisa hore, meel xxxx cagaaran lahayd ayaa aayar la joojay. Dhexdoodaa la istaajay, qosol aan jirin baa debnaha ay ku dhigeen. Gacantii Sahra ee birta calanka la mooday ayaa hortooda fidsan si ay xusuus uga reebto. “Naa maxaad waddaan imika?” Jawaab loo ma hayo. Qolkii ayay ku xareeyeen. Hoodaa soo tuurtay maryo. “Bal dharkaa isku taag”. Iyadoon xx xxxxxx hadal, waa taa isku taagtay. Wax yaroo khatara waa taa u eekaatay. Okiyaalo, kuwii akhriska waa taa la sudhay. Sahra oo halkan taagani waa taa u tilmaamtay bartii ay istaagi lahayd. Hoodaa ku tidhi “naa halkaa bal istaag, yartaadan jacaylku hayaa”. Qosol waa la isku daray. Halkii ayay kor istaagtay. “Makarafoonka qabso”. Dhakab waa ta siisay. “Naa Sahraay bal sawir”. Sahraa dhawda ka saartay, waxoogaa tilmaam xxxx xxxxx waa ta u qaadday. “Naa sida tabliiqiyiinta farta sidaa dheh, oo makarafoonka iska yara fogee, bahalka miyaad ku cadayanaysaa?”. Way ku soo dhoweysey, si aan loo xx xxxxx qolka intiisa kale. Dhabarkeeda warqaddii weyneyd ayaa ka muuqata. Intaasaa la dhammeeyey, dharkii ayaa laga saaray, kuwo kale ayaa loo xidhay, bannaankaa loo la baxay, in kalaa laga qaaday. Laba saacadood kaddib, arrintii way dhammaatay. Hadal se weli wuu hadhsan yahay.
Hoodaa tidhi “kaalay, halkan ii soo fadhiiso”. “Labada maalmood ee soo socda, gurigii ayeeydaa ee bilaa internet-ka ahaa ayaad haatan tegaysaa”. “Naa maxaad leedahay?”. “Dhegeyso, Sahraa ku qaadaysa haddeer”.
Sidii waa la yeelay, Facebook-na waa laga mamnuucay. Xxxxx iyo Sahra ayaa shaqadooda bilaabay. Xxxxxxxxx markii ay ahayd ayay soo
geliyeen sawirradii ay ku wada jireen. “Safar khayr qaba Najax, guuleyso weligaa. Shaqo khayr qabta insha Allah, we will miss you “
Subaxii dambena iyaday la hadleen. “Naa sawirradaa aan kuu soo diray, qaybtooda koowaad soo geli, waxaanad raacisaa ‘mansha Allah si wacan ayuu noogu socdaa shirku’, intaa kaddibna xx xxx Facebook- ga”.
Najax oo dawakhsan, balse aad u ogsoon, in asxaabteedii wacnaa, wanaag uun la rabaan, ayaa yeeshay sidaa. Maalintii xigtayna sawirrada qaybtoodii labaad, oo ay dhar kaleeto xidhnayd, wajahaddeeda wadhay. Dadku “Mansha Allah, hambalyo huuno Najax” ayuun bay ku khafiifeen. Xxxxx xxx Xxxxx, macluumaad wixii ay Najax xxxx xxxxx, ayay soo qubayaan. Dadkii way u sheegeen in guddoomiye loo doortay. In Afrikaan badan oo u tartamaayey jagadaas, keligeed ay ka qaadday. Mashxaraddaa is qabsatay. Dadkii way u riyaaqeen, balse waxaanay ogeyn, in magaaladan, dhinac uun ay ka joogto.
– Caawa waa habeenkii, berri ay iman lahayd. Qorshihii sidiisii ayay Hoodo samaysay, fiidkii way soo wacday. Iyaduna way ka jawaabtay.
– Haddaad og tahay Facebook-gii waxa ka socda, ayeeydaa maad ag jiifteen.
– Naa walaal Ilaahaaga ka yaab! Maxaad dee samayseen?
– Naa xiddig baan kaa dhignee adigu sideeda iftiin.
– Kkkkkkkkkk alla naa walaal, weligaaba ma sidanaad dhakooyinka u degi jirtay? Wallaahi waan kaa yaabay. Lug iyo gacan ayaan kuu taagay, shan lugood haddaan lahaan lahaa, waan kuu taagi lahaa.
– Bal dhegeyso horto, xxxxx xxx xxxx soo degeysaa. Diyaaradda Kiiniya ka imanaysaa waxay soo degeysaa tobanka subaxnimo.
– Haye?
– Sagaalka iyo badhka diyaar ahow.
– Oo dabeedna?
– Xxx xxxxxxxxxxxxxxx ku geyneynaa, xxxx xxxxxxxxxx!
– Bisinkee ha igu qayline, miyaan dhoofayaa haddana?
– Naa xxxxx xxxx soo degeysaa.
– Sideen u soo degayaa markaa?
– lmahani hadal badanaa, naa hooyaa ii yeedhaysee, cashadii ayaan diyaarinayaaye, berri wakhtigaa aan kuu sheegay diyaar ahow.
Gaadhigu waa Indho-cadde, afkoodu dhoolla-cadde, lebbiskuna kaalay arag, markii ay ku soo qulquleen gurigii ay Najax joogtay. Okiyaalaha wejiga intiisa badan qariyey ayay iska rogeen markii ay albaabka soo dhaafeen. Daarad dhuuban ayay cagta saareen, laba gidaar oo xxxxxx ayaa hareeraha ka buquujinaya marka ay tallaabada badhka ah u wadaan dhanka hore ee guriga. Salli yar ayay ku fadhidaa markii ay ku soo baxeen, waa Najax ayeeydeed. Sahra oo waayeelka ka hesha ayaa si kalgacal ku jiro u soo tuurtay “xxxxxx xxxxxx xx warran?” Jawaab ayay weydey. Hoodo ayaa hoos ugu celisay “naa dee islaantu waa xagga dhegahee kor ugu qaad codka”.
Xxxxx: AYEEYO ISKA WARRAN?
Ayeeyo: naa maxaad la qaylinaysaa? Carruurta ha naga kicine naga aamus.
Hoodo: alla hoognay, naa miskiintu sowta ka sii dartay. Carruurtu xaggey joogtaa?
Hadalka ayay sii wadday markii ay Najax ku soo baxday.
Najax: naayaadeheen, dee maantana ma ayeeydey ayay idin tustay? Bal naagahan eega!
Tallaabada iyo codka ayaa la socday gacmaha jeedalka ah ee ay sida macnaysan u wadhfinayso. Noole kasta oo goobta joogay ayaa wixii uu hayey dhigay si uu u daawado korkeeda. Toobka garbaheeda ka soo bilaabma ayaa soo shuban kuna dhammaada kuraamaheeda, halkaas oo ay kabaha xadhkaha xxxxxx xx bilaabmaan. Saddexdooda oo ay boqorraddu ka tilmaaman tahay ayaa dhankii gegida dayuuradaha u dhaqaaqay. Sahra: naa heedhe, dee show Kuusow uun baad u baahnayd! Hoodo: naa ma arkaysaa horto! Inantu way sii dhalaalaysaa uun. Sahra: balaayada kuusani, hadduu ku helo waabu ciidi. Najax: naayaada, iga aamusa dee waan soo degayaaye, maxay ahaayeen kuwan aan weligoodna dhoofin!
Goobtii waa la yimid, baabuurkii ayaa meel fog la dhigay. Najax ayaa
la yaabtay sababta baabuurka loo takooray. ”Naa walaal maxaad baarkinka u dhigi waydeen gaadhiga?” Waxba ma oga. Cagaha ayaa dhulka la saaray, shandad buuran oo xagga dambe saarnayd ayaa gacanta loo geliyey. Hoodo ayaa dhowr tilifoon wacday. Wiil wax fahamsan oo lebbiskii shaqaalaha xidhan ayaa u yimid. Najax ayuu la haaday. Albaab yar oo dhinaca ah ayuu ka geliyey, gudaha ayuu dhex
istaajiyey, ”xxxxxx xxxxxxxx, xxxxx xxx xxxxxx in diyaaradda labaad soo fadhiisato, dadka sii baxaya uun raac”. Xxx xx dhaqaaqay. Naxdin. Sidii ayay yeeshay, si kale ma taqaanno. Diyaaraddii koowaad ayay quraaradda ka dhex aragtay, teedii in aanay ahayn ayay ogaatay. Saacad wax xxxxxx kaddib, way soo caga-dhigatay. Naqas ayaa ka soo booday. “Xx xxxxxx haddii ay diyaaraddaasi hawada ku burburi lahayd? labadii waalwaalnaa ‘wax dhintay iska dhig ayay i odhan lahaayeen xxxxxx'”. Way sugtay intii ay dadku ka soo dhammaanayeen baadhitaannada kala duwan. Muddo kaddibna qof xxx xxxxx ayay noqotay. Shandad ayay jiidanaysay, bannaanka ayay madaxa iyo cagaha mar u xxx xxxx saartay. Laydha wejigeeda sida fudud u dhirbaaxday waxa xigay dhawaaqa dhanka bidix kaga imanaya. Waa laba cod oo ay si fiican u taqaanno xxx xxxxxx kale oo aanay garanayn. Way jalleecday, way kufi gaadhay. Qosol-gariir ayay wadne-garaac ku darsatay. Ubaxyo kun nooc ah ayaa lagu la soo orday, qoorta ayaa dhowr kale loo sudhay. Xxx xxxxxx xxxxx si fiican isu aqoon. Way u qaadan weydey. Xxx-xxxxxxx fiican xxxx xxx xxxxxxxx, Xxxxx xxx Xxxxx ayaa gadhwadeen ka ahaa. Iyaga ayaana kala diray markii ay arkeen in sawirro ku filan la qaaday. Najax oo hambalyo iyo dhunkasho lagu dawakhiyey ayaa baabuurka la fogeeyey dhex fadhiisatay. Su’aalo badan oo ay jawaabbo u rabto ayay soo kala horreysiisay. ”Horto heedhaha, maxaa idinka qaldan? Qofka sow wax loo ma sheego! Maxay ahaayeen dadkani?”
Sahra: naa dee waa dad ku soo dhoweynayey.
Hoodo: naa bal u kaadi aan u balballaadhiyee. Waad garanaysaa ”Cibaado af-dhowr” sow maaha?
Najax: dee waa tii yarayd ee.. maxaa la odhan jiray qofta? Tii dee macallinka ku cawriday roodhida.
Hoodo: dhegeysoo, maxay caan ku tahay? Najax: xxx xxx wax.
Hoodo: naagta wax kasta Facebook-ga soo dhigta miyaanay ahayn, xitaa markay suuliga gelayso?
Najax: naa balaayada iga daayoo, waxay ugu darnayd maalintii ay soo qortay ”aabbooy hooyo iska daa”. Innaalillaah! Illeyn wax dhintay ma dhuuso!
Hoodo: ”Xxxxxxx xxxxx”-na xxxx garanaysaa dee. Najax: iyadu ninka ayay taqaannaa dee, waan gartay.
Hoodo: dhammaan naagahan meesha marayey oo dhan waxa weeyaan kuwa ugu codka xxxxx Facebook-ga. Midba wax xxxx xx ayay xxxx ku tahay, midna way xx xxxxx yihiin: dad badan ayaa ku xidhan.
Sahra: xxx xxxxxx adeegsanaynay. Naag waliba idaacad xxxx xx ayay u dhigantaa. Tan dheerina dee Kuusow ayay saaxiib la tahay, markaa markay boggeeda soo geliso sawirrada, fudkii yaraa ayaa arki doona.
Hoodo: allaylehe kaasi waa fud, mise waa dhibic, naa waa dhibice iska daa.
Najax: danihiinna haddaad ku mashquushaan ka warrama?
Hoodo: wallee tan waa lagu weyn yahay. Naa iga aamus, wax wax jecel ayaaban nacay, keligood miyaanay dadkani noolaan xxxxx horto! Xxxxxx xxx ma raadsado.
Qorrax kulul ayay hadh iyo sharaab qabow isa ga dhigeen. Sheeko aan dhammaanna dabada ayaa la qabtay. Asxaab kala maqnayd iyo caalkeed. Qosolka iyo sheekada aan la kala sugayn, tilifoonnada xxxxx xxxx loo eegayo iyo okiyaalaha miiska saaran. Sahra ayaa ka soo jeedsatay xantii, ”naa heedhaha, maxaa imika innoo hadhay?”
Najax: dee horto waan xxx xxxxx kooba dhaha, dadkii dalka sii joogayoow maxaad haysaan?
Hoodo keligeed ayay isla baxday, way dhoofsan tahay.
Sahra: dee imika waa in aan xidhiidh la xxxxxxxx Xxxxxx. Najax: sow maaha? ”Cibaado xxxxx” ayaan u baahan nahay markaa dee.
Sahra: naa taa Hoodaa ka adage, imika way hor oroddaa markay la hadashee, iyada ayaynu wacaynaa, ninka ha soo qabato. Najax: haa dee, dabeedna aan aragno waxa yar, socodkiisa.. yaa, maxaan idhi?
Sahra: balaayo kula socod xumaatay! Naa iga aamus haddaba. Hoodo ayaa soo toostay. ”U kaadiya”.
Sahra: hee?
Hoodo: xafiis ayaan u baahan nahay.
Dhulka oommani sida aannu biyaha u diidin, ayay fikirka Hoodo u oggolaataa. Tixgelin saa’id ah ayay u haysaa. Walow ay saddexdoodu
si siman walaalo u yihiin, xxxxxxx Xxxxx ayaa iyada uga dhow Sahra. Dabeecad ahaan ayay labadoodu isu fahmeen. Sahrina waa lug ka maqnayd oo iyaga dhammaystirta. Xxxxx xx xxxx in Najax fikir laga dhaadhiciyo, sida in safar degdeg xx xxx baxo, Hoodo ayaa la soo diraa. Iyada ayaa si xxxx xx ugu sheegta. Najaxna ma diiddo. Cadho kasta iyada ayaa burburin karta. Qosolka Najax ayaa Hoodo ku xidhan. Da’ ahaan way isa ga dhow yihiin Sahra. Malaha taas ayaa sababtay in ay sidaa isugu dhowaadaan.
Xxxxxx ay fadhiyeen ayay ku ansixisay fikirkii. Su’aasha xigta ayaa noqotay ”xafiis sidee loo kiraynayaa?” Sahra: oo heedhaha, xafiiska xagee ayaynu ka helaynaa?
Najax: naa xafiis la ma waayayee, lacag xaggee laga keenayaa? Hoodo: xxxxx xxxx noqon karaa toloow?
Sahra: dee walaal waa ugu yaraan boqol doollar, meesha aad ka rabtana way ku xidhan tahay.
Hoodo: waxaynu u baahan nahay mid xaafadaheennana ka fog, suuqana aan aad ugu dhoweyn.
Najax: adigu waa in aanu boqol ka badan uun.
Sahra: naa bal suga, qol laba-af-le ah ayaa jira oo waddada ku soo jeeda.
Najax: waddadee?
Sahra: ii sheeg dee, halkan uu ku yaallo macmacaanlihii.. een.. Hoodo: kii dhareerka lahaa miyaa?
Sahra: naa maya, kii suudhka xx xxxx xidhan jiray.
Najax: ma Maxamed Soqodhi?
Sahra: haa kkkkkk Maxamed Soqodhi qolka ku dheggan maydaan arag? Qolkii farmasiga ahaan jirey.
Dhawaaqa telefoonka Hoodo ayaa xxxx xxxxx hadal aan dhammaan. ”naa aamusa waa tiiye” ayay soo tuurtay intii aanay ka jawaabin kahor.
• Haloow! Xabiibti xxxxx xx xxxxxx? naa huuno haa, miyaan fadhiistayba! Adna? Xxx, xxxx? Kkkkkk Alla Ilaahay dad badanaa! Haye?
Sahra iyo Najax ayaa is eegay. Way sii wadatay.
• Dee xabiibti waa in aan soo dhammaysannaa, ma ku soo doonaa dee hadhow? Miyaad waalan tahay, xxx xxx imika halkaas uun ka ma adeegto, ma anaa meel kaleba taga. Anigaa ku soo doonaya qaaliyeey. Xxx, xxxx? Imisada? Huuno macaaneey ii seexo waa runtaaye, waa innoo hadhowe, haye.. hay.. ha.. haye macaanto.
Way dhigtay. Afar indhood oo xxxxxx ayay fallaadhahooda dareentay intii aanay telefoonka miiska saarin. Su’aasha aan lagu dhawaaqin ayay ka jawaabtay.
Dee waa tiiye, Xxxxxxx Xxxxx. Xxxx naa ba’nay, horto si fiican maan u dhigay, yaanay i maqline? Haa, waa Cambaro Xxxxx.
Xxxxx: maxay kaa rabtaa? Najax: maxay doonaysaa?
Hoodo: kute mayk ab xxxxx xxx xxxxxxxxxxxx maad i raaci. Akhas caleeg, horto siday maanta u marsanayd ma arkayseen? Waa naagta aay laaynarka illaa dhegta jiidday. Akhas akhas akhas.
Sahra: naa adba ma dhaantide wadoo..
Hoodo: oo naa anigu ma sideedaan ku riyoodaa, internetkaan ka daawadaa sida loo marsadee?
Najax: naa bal waxan xx xxxx oo, maxaad tidhi markaa?
Hoodo: xxx xxx in aan mardhow u tago, illeyn xxx baan ka leennahee.
Sahra: alla Kuusayoow kugu xiintay oo tif noqo Ilaahay idamkee, bal naagta uu xx xxxx geeyey eega! Oo naa heedhe, gaadhiga aad ku doonayso yaa leh?
Hoodo: oo dee ma sideedaan dhowr gaadhi leeyahay, dee kaagaan kaa kaxaysan huuno.
Najax: miskiinsanaa markay wax rabto, naa bal aniga gurigii hooyaday i geeya horto, aan dharkan igu dheggan iska saaree.
Magaalada ayay soo dhex qaadeen si ay haddana dhanka xaafaddooda ugu arooraan. Qolkii ayay xxxxx xx soo eegeen, way isla qaateen. Sahra ayaa warkiisa dooni doonta. Najaxna gurigeedii ayaa la keenay.
Hoodo: dee waa innoo sidaas, xxxx aan naagtan ka dhex baxo, Sahrina qolkan warkiisa ha soo sugto, adna Faysbuugga uun dadka ”waad mahadsan tihiin” ha u dhaafin. ”Telefoon ayaa innoo dhex ah” ayaa lagu kala tegay.
Najax oo soo boholyowday ayaa hooyadeed macaan dhabteeda barkatay, jidhkana maryo fudud huwisay. Xxxxx kasta oo jidhkeeda ka mid ah ayaa dhaqaaqa joojisay, indhaha oo si saa’id ah u furan ayaa hawada dhexe aragga u qaybiyey. Hooyadeed oo aan waxba
xxxxx, ayaa hoos u eegaysa inanteeda. Dareen ayay ka qaadatay, waxba se ma ay weydiin.
Walow uu qorshuhu, illaa hadda, u socdo si wacan, haddana werwer ayaa ku jira. Way rabtaa in ay xxxxx Xxxxx, xxxxxxx xxxxxx ay u marayso ayaa ah mid ay ku qasban tahay, balse aanay samayseen maalmaha qaar. Waa ficil ka soo hor jeeda shakhsiyaddeeda. In ay lunsan tahay ayay dareemaysaa. Qaladkii iyo saxii ayaa meel wada fadhiistay, isaga ayaana casuumay. ”In aan qof jeclaado, qaladkayga maaha” ayay nafta ku sabaysaa. Mar kasta oo ay fikirka ku dheeraato, dareenka laabteeda fadhiya ayaa sii kordhaya. Culayska garbaheeda fuulaya ayaa farxad kale wata. Muddo yar marka ay jiiftaba, naqas dhowr galaan ah ayay dib u nuugaysaa si ay haddana hore ugu soo tuurto. Wadnaha ayaa dubaaxinaya. Ma rabto in ay ka fikirto, haddii ay xxxxxxxxx xxxxx xxxxxxxxxxx in ay xxxxxx xxxxx. Jewi ku cusub, baahi iyo dareen culusna wata, ayaa u bilaabmay. In ay bilowgii uun tahay, ma dareensana.
Hawlaheeda gaarka ah iyo shaqada guriga ayay isku mashquulinaysaa, haddana waxay arkaysaa iyada oo daqiiqda ku darsanaysa shaaha. Qolkeeda ayay soo gashaa si xx xxxx uga soo qaadato, muddo dheerna way dhex taagnaataa si ay u xasuusato shaygii ay rabtay. Yeedhmada ayay maqli weydaa, weydiimaha ayay qalad kaga jawaabtaa. Xxxx xxxx ah ayay taagnaan kartaa saacad go’an. Indhaha ayay libidhiqsiga ka illoobi kartaa in ka badan. Waa lagu duulay. Haddii uu dareenku tiix ahaa, maanta waa mahiigaan.
Habeenkii dambe ayay damacday in ay asxaabteedii ka war doonto, maaddaama ay soo wici waayeen. Hoodo ayay ku horreysey. Wuu u dhici waayey. Sahra ayay ku dambeysey. Wuu dhacayaa.
• Haloow? ayay maqashay.
• Naa Sahra, xxx xxxxxx?
Bariido kaddib ayay weydiisay ”naa tii Hoodo waan waayey, malaha dabkaa ka dhacay”.
• Walaal intay saaka gaadhiga ii keentay, oo ay furahana yaryarka iigu dhiibtay aniga oo maqan, ayay iska noqotay. Xxxxx i may soo garaacin.
• Xxxxxx, dee saaxiib cusub ayay heshay naagtu.
• Sow ma aragtid horto, mid calag haysata dee, illeyn Hoodo waa diinu-lacage.
Waxay u sheegtay in qolkii warkiisa loogu maqan yahay, kadibna ”waynu is maqli” ayay hadal ku gunaanadeen.
Maaddaama oo ay imika uun waxbarasho xxxxx xx soo baxday, Najax waxay dareentay in ay u baahan tahay in ay hooyadeed wakhti la qaadato. Inta ay Hoodo soo hadlayso, qorshehanina dhan u soconayo, hooyo ayaan meel kasta u raaci. Waxa uu noqday go’aan ka mashquuliyey nin maskaxdeeda xoog ku haysta.
Saddex maalmood ayaa tegay, weli wax war ah laga ma hayo Hoodo. Reerkoodii way la hadleen oo way og yihiin in ay nabad qabto. Xxxxxxx ay iyaga ula soo hadli weydey ayaa Najax ku noqotay xisaab aan la xallin xxxxx.
Sidii caadiga ahayd ayay laabta u jiiftay sariirteeda, wajahaddeedana shaashadda kombiyuutarka ayaa ku soo aaddanayd. Midabka buluugga iyo caddaanka ah ayay dhex mushaaaxaysay. Bogga Hoodo
ayay gashay. Wax warbixin ah ayay ka weydey. Niyadjab ayay xxxxxx dhaqaaqooda yaraysay. In yar kadib ayuu fikir ku soo dhacay. Oo maad eegtid bogga Cambaro Xxxxx. Qofta magaceedii muxuu ahaa horto? Way heshay. Sawirro dhowr iyo toban ah ayaa u sarreeya. Cinwaanku waa ”xalay iyo baashaalkii”. Iyada oo u khajilsan ayay si caajisnimo leh u sii taabatay sawirradii. Xxxx sawir markii ay dhaaftay ayuu kii lixaad sidii dhagax la soo tuuray wejiga ka dhirbaaxay. Gidaar in ay jiidhay ayay u malaysay. Inta gacan afka laga geliyey, in wadnaheeda la tuujiyey ayay moodaysay. Dhidid qabow ayaa sanka korkiisa fadh-fadhiistay. Way u fiirsatay sawirka. Waa Hoodo. Debnaha aadka u kala jiidan ayaa indhaheedii yareeyey. Kamaradda ayay soo egaysaa. Agteeda waxa taagan isaga. Najax laftiisii.
Haddii ay taagnaan lahayd, joogga ayay ka dhici lahayd. Imika se wax kale ayaa hoos u dhacay: wadnaheedii. Indhaha ayay ku sii haysay. Xxxxx way libiqsataa, haddana way eegtaa. Sawirku in uu is beddelo ayay hubisaa. Balse waa isagii, Najixii ay lahayd oo haatan la jooga Hoodo ay oggolayd. Maskaxdeedu ma baandhayn waxa ay qabanaayeen, wakhtigaan saamaxayn. Ruuxdeedii yarayd dareen baa qarqiyey. Indhaheedii caddaa daruur baa hadhaysay. Calooshaa wareegtay, laabtaa dhaqdhaqaaday. Way is xxxx xxxx xxxxxx, Xxxxx waa ta wacday. Sahra oo aan waxba ogeyn ayaa aayar tidhi ”haloow”. Illeyn waa qof dareen, gebigeedaba saaqee, hadalkay odhan lahayd ayaa soo bixi diidey. Dhuunteedaan furnayn. Qasab ayay ku bannaysay.
• Naa heedhe Xxxxx, miyaad gashay maanta Faysbuugga?
Sahri may filanayn su’aashaa maldahan. Haddii ”haa” ay tidhaa dembi ayay yeelan kartaa. ”May” haddii ay tidhaa been bay sheegi kartaa. Beenta ayay ku dhaqaaqday.
• Xxx xxxxx, xxx?
• Kombiyuutarkii miyuu ku ag yaallaa? Xxxxxx intay u sii riixday xxxx xxxxxx xxxxx:
• May huuno macaan, xxxxx xxxxxx? Najax oo aan is dhiibayn ayaa sii wadatay.
• Naa dhegihii tilifoonka sow ku ma hadlaysid?
•
• Haddaba faysbuuggaaga ka gal dee tilifoonka, wax baan ku tusayaaye.
• Oo dee huuno maad i tidhaahdid uun faysbuugga gal, i sug aan galee.
• Ma gashay?
• Wax yar. Wuu wareegayaa. Telesomtii cuslayd weeyaane i sug.
• Ma gashay?
• Haa imikaan galay, haye?
• Cambaro Dheertii magaceeda ku qor.
• Naa maxaad aragtay haaye? Waan ku qoray.
• Sawirrada u sarreeya ma arkaysaa?
• Haa, balaayada madaxa dhuuban.
• Fur oo hore u soco.
• Alla, naa Kuusow ayaan arkaa.
• Naa iga daa waxaasoo bal hore u soco. Sawirka..
• Alla hoognay! Naa ma Hoodaa?
• Ka sheeke!
• Hadhnayeeey! Naa bal sug malaha… wallaahi waa iyadii, acuudu billaah! Afka xun day!
• Waa xalay xafladdaasi.
• Oo dee heedhe, naa bal sug, oo waa xertii eeriboodhka ay isugu yeedhay oo xxxxx.
• Miyaan garanayaaba! Ma kuwii baa?
• Naa way ka buuxaan, sow taa tii yarayd ee gaabnaydna. Naa dee naagtu xxxxx u jeeddaa laakiin.
• Maan fahmin wallaahi aniguba.
• Xxxxx ku la soo hadashay maanta?
• Ma Hoodo?
• Haddaa ayo?
• Huuno maya, bal imikaan garaaci doonaa.
• May, iska dhaaf. Illaa ay soo hadasho la ma hadlayno.
Tilifoonkii ayay hoos u dhigtay, qaybtii ay sariirta kaga jiiftayna way soo koobtay iyada oo jilbaha ku nabaysa beerkeeda. Dareenkii ay u qabtay Najax waxa ka xoog batay kan ay iyadu ka heshay Hoodo. Waxa ay dareentay in la khiyaameeyey. Way og tahay in aanu ninku meel ugu xidhnayn, balse in Hoodo oo qorshaha ku jirtay ay arrin noocan ah ku dhaqaaqdo ayaa dhib noqotay. Waa laga dhex toosay. Xxxx xxxx u raadisaa sawirka, way u weydaa.
Waxba ma huwana, haddana way gubanaysaa. Way karaysaa. Naxdintii ayaa weji kale qaadatay. Calooshii xanuunaysay ayaa bogsatay. Dareenkii nooca ahaa ayaa mid kale noqday. Cadho iyo ciil ayuu isku beddelay.
Saacadaha ayaa sida daqiiqadaha u weydaaranaya, su’aalaha aan jawaabaha wadan ayaa ku mudan maskaxdeeda. Hal mar ayay is rogtay intii ay jiiftay, iyada oo aan rabinna way gama’day. Laba saacadood kaddib ayay ku toostay dhawaaqa telefoonka. Waa Sahra.
– Naa maad huruddaa? Waannu kugu soo soconnaa?
– Xxxxx xxx?
– Xxxxx xxx Xxxxx.
Xarfaha dambe markii ay dhegaheeda gaadheen waxay uga dhignaayeen biyo qabow oo lagu saydhay. Kor ayay u boodday. Orod ayay guriga dhexdiisa ka bilowday. Dhar aad u qurux badan ayay isku taagtay, si degdeg ah wejiga ayay u rinjiyeysay. Afkeeda oo muddo xidhnaa ayay qosolka u sii tabobartay. In aan laga dareemin sida ay tahay ayay go’aansatay. Cadceedda oo aan weli fadhiga xx xxxxx ayay iyadu bannaanka u soo boodday. Wejiga baabuurka dhexdiisa ka soo dhoolla-caddaynaya ayaa hor keenay xusuustii sawirkii xalay. Kun su’aalood ayay rabtay in ay mar xxxx ah weydiiso, way se kala xxxx xxxx weydey. Salaan ay soo qasabtay ayay si dayacan ula eegatay wejiga Hoodo ee werwerku ka muuqdo. Kursiga dambe oo bannaan ayay si waafi ah u fadhiisatay. Bariido iyo hadal korka laga salaaxayo ayaa muddo lagu jirey. Waa la isu bixi waayey. Sahra ayaa go’aan qaadatay, iyada ayaa u bilowday.
– Naa dee Hoodoy, waad og tahay oo afar maalmood war lagaa ma helin. Arrinna xxxx xx maqnayd, bal dee sidii ay wax kuugu qabsoomeen iyo wixii ku helay noo sheeg.
Cunaha ayay sifaysay intii aanay bilaabin kahor.
– Een, dee horto waa run oo arrin ayaan ku maqnaa. Weliba qorshe aan anigu intiisa badan lahaa ayaynu ku soconnay, sow wax aad garateen maaha?
Najax guux ma leh, gariirna iska illow. Hadalkay dhuganaysaa.
– Markaa maalintii markii aan idin xx xxxxx waannagii is raacnay aniga iyo tii dheerayd. Adigu dee waan maaweelinayey illeyne, in badan ayaan u sheekeeyey. Wax badan oo aan maalmaha qaar ku diidi lahaana ”waa runtaa” ayuun baan lahaa. Adigu al xaasil badweyn ayaan dhex muquurtay. Naago yaryar, ma ba yaryaree laakiin wax sida carruurta u dhaqmaya ayaan dhex tagey. Saddex asaasaq oo ay iyada wax isku yihiin oo qurbaha ka yimidna way jiraan. Koox dhan oo illaa lix naagood ka kooban ayaan toddoba ku noqday. Waxa qasab noqotay in aan sidooda u dhaqmo. Waa dad subixii is raaca, habeenkiina saqda dhexe uun kala taga. Inta subixii la xxx haado, ayaa sida marada guriga hortiisa la iigu tuuri jirey labada habennimo. Aniga oo xxxxx ayaa haddana subaxa la i dul istaagaa. Waxay noqotay in aan xx xxxxx, xxx ayaan ka lahayn illeyne. Iyaga in aan ka mid noqdo ayay dantaasina ku jirtey. Horto sidaas ayaan idiin ka maqnaa.
Xxxxx: oo ma wakhti aan nagu soo wacdo ayaad weyday?
– Wallaahi sow maan dhaaran, haa waan waayey. Xxxxx iyaga ayaan la joogay, xxxxx xxxx xxxxxx. Xitaa telefoonkaygu laba cisho oo isku xiga bilaa dab ayuu ahaa oo Ilaahay igu og xxxxx. Laakiin waan qirsanahay in ay xxxxxx xxxxx taasi, aniga xaaladdaydu siday doonto ha ahaatee. Waanay ahayd in aan qoraal idiin soo qoro xitaa, balse runtaa fiicane waxaan is lahaa way xxxxx xxxxxxx iyaguna.
Najax oo aad u aammusnayd ayaa hadal damacday. Najax: habeen hore xaggeed ku maqnayd?
Hoodo: habeen hore, habeen hore een.. horto naagahan aan kuu sheegayaa waa naago hawada la haysta oo noloshaba ciyaar iyo qosol uun u haysta.
Najax: …
Hoodo: dirac iyo xaflad wax aan ahayna ka ma shaqeeyaan. Imika saddex xafladood ayaan afar habeen ku tegay. Habeen uun baannu bilaa xaflad ahayn, habeenkaana hudheel ayay noo casho geysay. Labada xafladood ee hore iska caadi ayay ahaayeen, dharka oo la isugu faanayey mooyaane. Laakiin habeen hore..
Sahra: haa, taa habeen hore ka sheekee.
Hoodo: waanigan xxx xxxxx, habeen hore, naag ayaa sii dhoofaysay. Xafladda la qabtay waxa la yidhaa ”Good bye”. Dad akhyaar ah ayaa imanayey, rag iyo dumarba. Show xxxxx xxxxxxx, Najax ayaa ku jira. Anigu markaa maan ogeyn. Xafladdii marka ay muddo socotay ayuu soo xxxxx, xxx waa ta sidii gaalada la isu xxx-salaamay ee dhabannada la iska dhun-dhunkaday. Show Kuusowgan aynu ka xaraabaysanno dad baa ku daba tukada. Waa ta la kala jiiteyba. Isaguna maaha qof waalane, si gaaban ayuu qof walba u salaamayey. Markii ayaa noogu dambeysey. Muddo kaddib markii ay xafladdu sii dhammaanaysay, ayay Cambaro Xxxxx u yeedhay. Malaha waxay i tusaysay sida ay isugu dhow yihiin. Hadda naagtaa waa la qabaa!
Najax: xxxx, ma iyada?
Hoodo: haa walliyo bille, beri dhoweyd ayaa la mehersaday. Laakiin dee waxaan maqlay in ay iyada iyo isagu wada sheekaysan jireen
berigii hore. Adigu waxba yaanan hadal kugu daalline, sidaas ayay ku dhammaatay.
Sahra: sawirro ayaad la gasheen. Hoodo: haa markii uu sii baxayey. Xxxxx: si fiican ayaad u qoslaysaye..
Hoodo: alla, xxxxxxxx jabnay, naa ma saasaa la iigu cadhoonayaa? Dhibku ma sawirkaa? Naa Najax, Sahra! Xxx xxx xxxxx!
Najax: naa walaal cidna kuu ma cadhoonayso. Qof xoraad tahay, cidda aad doontana waad isla sawiri kartaa.
Hoodo: Najaxeey i dhegeyso, ninkani markii uu sii baxayey ee uu agtayada ka kacayey, ayay Suleekhi ku tidhi..
Sahra: Suleekhi waa ayo?
Hoodo: xxx Xxxxxxx Xxxxx. Iyadaa ku tidhi ”Najaxoow dee sawir na la gal”. Waxa wallaahi ah oo billaahi ah in la igu qasbay sawirka oo aanan xxx ka lahayn waxan yaree dabada buuran. Xxxxxx is lahaydeen, ma Xxxxxx idin ka dhex toostay?
Najax: xxx xxxxx waannu fahmi weynay, adna waxba noo maad soo sheegin. Laakiin dee waa caadi, illeyn ninku ninkaygii maahee.
Hoodo: naa wallaahi bay iga tahaan ku idhi walaal, haddaad i rumaysanayso. Xaggeed ka aragteen sawirka? Yaa soo geliyey.
Najax: ”Xxxx Xxxxxx” ayaa soo gelisay dee, xxxxxxxxx xxxxx.
Hoodo: waxaasay ka shaqaysaa taasina. Naa heedhaha haddaba, anigu kan yaree dabadii naagaha leh ma xiisaynayo oo wallay iga tahaye, waanad i taqaannaa Najaxeey oo maanta i ma baranayside, qorsheheennii ma sii wadannaa? Xxxxx se idiin qabsoomay idinka? Qolkii ma la soo helay Sahraay?
Sahra: qolkii waa diyaar, haa. In aynu heshiis la galno ayuun baa hadhay.
Hoodo: asal, weliba anigaa dhiibaya bisha koowaad lacagtiisa. Najax: naa maxaad u dhiibaysaa, anaa dhiibayee.
Hoodo: alla miskiinsanaa, ma adaa waxba og. Naa waxaan ka imid naago ay bahashu iska ag taal-taallo. Maalmahaa waan ladanahay.
Najax: alla maxaad wax soo aragtay!
Hoodo: naa waxaas oo dhan wax baa ka horreeya, markii uu miiskayaga fadhiyey yarku, wuxuu noo sheegay in uu xaflad casho ah qasriga madaxtooyada uu ku qabsanayo. Tigidho ayuu noo qaybiyey intayadii meesha fadhiday, xxxx xxxxxx waan ka soo qaaday oo waxaan ku idhi ”keen guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa tigidho aan u geeyo”.
Najax: haye haye, warkaasaa i maree.
Sahra: naa waxba ku maad odhane Ilaahay ka yaab.
Hoodo: waa taan kaa ku go’aa, sidaasaan ku idhi. Deedna wuxuu yidhi ”waa kee guddoomiyuhu”. Nin buu moodayey. Xxx xxxxxxx u sheegee ku idhi ”miyaanad maqal inanta geeska Afrika oo dhan laga xushay ee sidaa iyo sidaa ah”. Wallaahi waa taan hooyaday waayaa,
wuu u qaadan waayey. Xitaa waxaan u sheegay in aad isku magac tihiin.
Najax: wallaahi wax nool ayaad tahay Hoodooy, wax yarna waan kuu cadhoodee iska dul qaado. Xafladdu waa goorma?
Hoodo: dee waa caawa, si xxxxx waa la innoo sugayaa weliba. Adigaa lagu sugayaa weliba.
Sahra: xxxxxx xxxxx?
Najax: naa waa goorma, caawa aa?
Hoodo: xxxxx xxxxxxxx iyo badhka habeennimo ayaa tigidhada ku qoran.
Degdeg ayay uga hadhay, iyada ayaa isu hadhay. Dareen qasan ayay qolkeedii la gashay. Haanteeda dareenka haddii loo fiirsado, xxxxx xxxxx farxad ayaa fadhida oo aayar karkaraysa. Korkeeda xxxxxx xxxxx xx dahaadhan sidii labeenta. Labadaa dareen, haanta waa ka badh uun. Dhowr kiiloo oo shaki ah, badhkii oo walaac ah, saddex rubuc oo cabsi ah iyo qadhiidh quus ah, intaasaa ka korraysa xuubka rajada ah. Way ku kalsoon tahay saaxiibaddeed Hoodo, haddana wax ay rumaysato ayay xxxxx xx’ xxxxx. Hadalkii ay ku lahayd ayay ku soo ceshataa, deedna way qanacdaa. Haddana waxay og tahay in ay Hoodo cid kasta hadal ku qancin karto. Biyuhu dhanka ay u shubmayaan in ay u raacdo ayay qoondaysatay.
Warqadda dhan walba laga xardhay ee faraheeda sida dabacsan ugu jirta ayay hoos u eegtay. ”09:30 pm” oo far dahabi ah ku sharraxan ayay indhaha ku nasisay. Xiisaha gororka ah ee ay u qabto madal aan
laga aqoon ayaa si isleeg xxxxx xx ula kordhayey amminta ay sii eegto xarfahan dhowrka meelood ka laabma. Tamar saa’id ah ayaa gashay. Meel aan lagaa aqoon marka aad tegayso, dhowr waxyaabbood ayay ku fiican xxxxx. Mid ka mid ah ayaa ah in haddii lebbiskaagu liito, cidi aanay xxx kaa galayn. In ay sidii hablaha boqortooyada u lebbisato, go’aan ayay ku gaadhay. ”Hadhow sidii ay noqotaba, adigu waxba ha la hadhin” ayay ku tashatay.
Sidii qumac xx xxxxx ayay sariirta ay dacalka kaga fadhido uga boodday. Wakhti badan ma hadhin, waanay qorshaysay. Saacad waxa iska leh musqusha oo ay imika sii gelayso. Toban daqiiqo wax ka yar, dharka oo diyaar u ah ayay isku sudhaysaa. Laba saacadoodna waa xaalxaalka dambe iyo is-rinjiyeynta. Tuwaal culays badan ayay ula kacday dhanka qolka la isku dhaqo. Lixdan daqiiqo kaddib ayay ka soo baxday iyada oo qof kale u eeg. Raad qoyan oo ay cagaheedu reebayaan ayay ku hagtay qolkeeda. Xxxx xxxx ah oo aan goorahaa qallalayn ayay tuwaal kale ku maraysaa iyada oo qoorta dhinac u duwaysa. Kor ayay u laabaysaa si ay halkaa ugu illowdo saacadda soo socota. Shaqo aanay jirin cid kaga xariifsani xxxx xxxxx si niyadsan u bilawday. Dhowr nafaqo oo xxxx xxxx ah ayay midna jidhka ku duugaysaa, midna ka korreysiinaysaa, midna labeen uga dhigaysaa. Sidii farshaxan qalabkiisu u dhan yahay ayay xaadda korkeeda midba gaar u raalli gelinaysaa. Iyada oo xxxxx xx ka dhaqaaqdo caraf udgoon kaga tegaysa ayay dhankii maryaha u dhaqaaqday.
Kabadh gidaarka qolka hoos u gashan ayay labadiisa albaab midba mar furtay sidii uu kaare ka soo baxayo. Faraheeda hore oo ay ku aammintay xulidda xxxxxxx xxxx xxxx u raacisay dharka laallaaban iyaga oo maroba mid uga gudbaya. Meel ay wax ku ogaayeen ayay ku
nagaadeen. Amar la siiyey ayay fuliyeen markii ay si qumman u soo jiideen wixii ay hayeen. Gacmaha iyo indhaha oo wada sida ayaa sariirta cidhifkeeda xxxxx xx bidix dul fadhiisiyey. Xxxxx xxxxx ay weligeed hore u isticmaashay. Waa hadyad ay iyada habaryarteed uga keentay Xxxxx markii ay qalinjabinaysay. Xxxx jeer oo hore oo ay isku eegtay mooyaane, weli la may bixin.
Iyada oo niyadda ku haysa ”Cambaro Xxxxx” iyo asxaabteeda ay la kulmi doonto, ayay si qumaati ah muraayadda u hor fadhiisatay. Dhowr burush oo xxxx xxxx ah ayay qunyar ugu salaaxday wejigeeda. Foodda hore iyo dhabannada ayay ku noqnoqotay iyada oo aan degdeg ku jirin. Muddo ayay sidaa ahayd, in kalena way sii ahayd. Ciddiyo aan aad u dhaadheerayn oo bilaa midab ah ayay tii u dambeysay faryarta ku xidhaysay markii ay maqashay xxxxxx baabuurka bannaanka ka yeedhaya. Wax yar kaddibna, dhawaaqa asxaabteeda ee qolkeeda ku soo dhowaanaya ayaa xigay. Codka Hoodo ayaa soo horreeyey. ”Naa meeday yartii? Way jiiftaa xxxxxx?” Xxxxx xxxx xxxxx ugu markhaati furtay. ”Xxxxxx riyadii saddexaad ayay sii dhammaysanaysaa imika”. Way soo dhowaadeen. Sahra oo afka ku haysa ”naa xxxxxx qannaayad ayay ku riyoonaysaa” ayay albaabka soo riixeen. Sankooda ayaa ka dhakhso badnaa indhahooda. Ur udgoon oo qolka dhex hurudday ayaa illaa cidhbaha socotay, xubnahoodana dabcisay oo hadalkii ka jartay. Maskaxda oo aan weli waxba fahmin ayay indhuhuna sixi waayeen jooggan sidii caadiga ahaa xx xxxxx. Cadar ku jira gacanteeda bidix oo fidsan ayaa meel xxxxx xx soo tooganayey markii ay indhahoodu qabteen iyada. Hadal ayay iska waayeen. Najax oo saacad dahabi ah dhudhunka ku laabaysa
ayaa mar dambe ku tuurtay ”ayaa xxxxx xx aad sheegayseen?” ”Xxxx xxxxxx” ayay u raacisay iyaga oo weli sida asnaamta qallalan.
Sahra: uu uu uu.. wallaahi haddaan nin ahay waan kugu boodi lahaa imika.
Hoodo: naa xuural-cayntu ma sidanay u eeg tahay toloow? Huuno ma adigiibaa?
Najax: hadalka badan xxxx..
Hoodo: naa dee naagtu way innoo xoog sheeganaysaa. Inaadeer adiguu Ilaahay quruxdaa ku siiyee xxx xx nagu jimicsan.
Najax: waa imisadii?
Sahra: oo diracanna muxuu ahaa naa? Xxxxxxxx in aan qaawanahay ayaan isu haystaa imika. Qurux badanaa wuxu.
Hoodo: alla, naa bal dhankaa u jeedso. Oo kan maan arage, waan kaa xadi lahaaye.
Najax: ma baxnaa?
Hoodo: bal cadarkaa uun ii dhiib, xxx xx xxxx, shaneelka.
Najax oo hoggaaminaysa ayay kaabadda guriga ka soo dhaadhaceen. Baabuur ay indhaheedu garan waayeen nooca uu yahay iyo wadihii oo dhex fadhiya ayay indhaheedu qabteen. Iyada oo aan hadal xx xxxxxx ayay kursigeeda qaniintay. Qorshe ay xafladda ku geli doonto ayay asxaabteedu diiyaariyeen, iyaduna waa mooge.
Afartan daqiiqo kaddib ayay ku soo hagaageen qasri magaalada ka baxsan oo nuurkiisu xiddigaha u jawaabayo. Saddex isbaaro oo kala dambeeya ayay ka gudbeen markii ay magacyadooda oo sii yaallay ku dhawaaqeen. Qasri mataan la ah kan weyn oo garabkooda bidix ka soo eegaya ayuu waduhu ku hagaajiyey isaga oo raacaya fallaadhaha iftiimaya ee dhulka waddada labadeeda dhinac lagu dhigay. Taallada badhtanka taalla dhismaha hortiisa ayuu ku wareegay isaga oo si aan dareen kicinayn u istaagaya. Hoodo ayaa degtay, Xxxxx xxxx xxxxxxx. Najax oo soo siqaysa ayaa la yidhi ”joog”. ”Naa waa maxay?” ayay weydiisay.
Hoodo: horto doqonsanidaa huuno. Najax: xxxxxx xxxxxxxx?
Sahra: ma adigoo sidan u dhalaalaya ayaad aayar uun iska soo geli xafladda. Waa in la ogaadaa marka aad soo gelayso.
Hoodo: walaal inankoow, inanta kaxee, baabuurka ku wareeji illaa inta aannu xxxx xxx hadlayno. Canjaladdii aan kuu dhiibayna u shid oo magaalada ku soo wareeji. Adiguna xabiibti, yarkii kuusnaa oo jooga mooyaane, soo geli maysid xafladda. Markaa dib u fadhiiso, illeyn muusig maynaan soo doonane.
Najax oo amakaagsan ayaa albaabkii lagu xidhay. Qasrigii ayay dib uga noqotay iyada oo amarka qasab ku qaadanaysa. Soddon daqiiqo ayay sii jeedeen markii uu telefoonka waduhu yeedhay. Wadihii ayaa kala jeediyey. Haddana telefoonkeeda ayaa yeedhay. Xxxxx oo hoos u hadlaysa ayay ka heshay ”naa waa la wada
yimid kow dheh, dee waad taqaannaa sida xafladaha loo soo galee, adigu ha kufin uun”.
Saacad badhkeed oo kale ayay haddana u soo socdeen dhankii madaxtooyada. Lugta midig ayay iska soo horreysiisay iyada oo cidhibta dheer ku kala kaxaynaysa jayda dhulka cabbaysan. Diraceeda oo aan wax badan qarinayn, marka laga tago caleemo cagaar-dahabi ah oo si farshaxanaynsan oo gudban u qarinaya laabteeda, dhexdeeda illaa jilbaha inta u dhaxaysa mooyaane.
Labadeeda gacmood ayay xagga hore xxxxx xxxxxxx iyaga oo ku kulmaya shandadda aadka u yar ee caatada ah. Garbasaarta ku xidhan timadeeda inta kuusan ee dambe, baallahana u raacda garbaheeda ayaa xxxx xxx daadegta gacmaha dhererka la jalaqsan.
Afar kaabadood ayay midba mar kabta saartay. Albaab jooggeeda laba jeer kor uga xxxxx ayay dhismaha ka gashay. Midig ayay u leexatay markiiba iyada oo raacaysa ishaarooyinka ay bixinayaan shaqaalaha asnaamta aad mooddo ee madowga ku lebbisan. Tallaabada ayaa soo dhoweyneysa dhawaaqa ay dhankiisa u socota. Muusig qalaad oo la naaqusay ayaa ku badhxan codka ay dadku sida shinnida ugu guuxayaan. Qosol talantaalli ah ayaa labadii ilbidhiqsiba yeedhaya. Koox-koox ayaa loo taagan yahay, qaarna u fadhiyaan. Meel ay ku hagaagto iyada oo aan garanayn ayay soo istaagtay afaafka hoolka ee ubaxyadu ku wareegsan yihiin. Intii aanay waxba fahmin ayay maqashay dhawaaq ka soo yeedhaya dhanka hore ee hoolka. Waa Hoodo iyo Sahra oo si farxad leh magaceeda ugu heesaya. Waa qayb qorshaha ka mid ah. ”Najax ayaa timid, Najaaaax!! Wuuuuu”. Magicii yeedhay ee u eekaa kii inanka madaxweynaha ayaa dadkii soo jeediyey. Laba boqol oo indhood oo jidhkooda wata ayaa mar xxxx ah
xxx xxxxx xxxxxxxxx. Naxdin ayay bawdyaha isla dhacday. Guuxii ayaa mar xxxx ah joogsaday. Waxay ogaatay in uu habeenkeedii yahay. Alle waa baray sida fursadaha looga faa’iideysto. Labada gacmood ee boorsada yar ku dheggan ayay ta bidix kor u soo qaadday si ay sacabkeeda oo ballaadhan timaha u xxx xxxxxx, iyada oo dhafoorka bidix ka bilaabaysa kuna joojinaysa dhegta iyo qadaadka inta u dhaxaysa. Isla gacantii ayay dhaadhicisay iyada oo faryarta ku soo qabsanaysa diraca qaybtiisa ku xxxxxx jilibkeeda bidix, korna u soo dallacaysa in aan badnayn. Tallaabbo Alle baray sida loo qaado ayay ku hoggaamisay jidhkeedan carbisan. Dad hoos u leh ”qoftan yari maxay ahayd?” ayay xxxxx xxxx dhaaftaa illaa ay ku dambaysay Sahra iyo Hoodo oo dhoollacaddayn aan jirin illaa gowsaha ku muujinaya. Sidii carabta ayaa xxxxx dhaban la isu dhiibay. Afar hablood oo ag taagnaa, oo ay ”Cambaro Xxxxx” ka mid tahayna, xisaabta ayay ku saxday. Kuusow oo jidh ahaan la jooga afar asxaabtiisa ah oo xxxx xxxxx yihiin, ayaa indhihiisa iyo qalbigiisuba xaggan u soo maqan yihiin. Inta uu isha ku soo xadayo, xxxxx xxxxx uruursanaysaa hambalyooyin ay dadkii maqlay shaqadeedu dusha uga tuurayaan. ”Xxxxx fiican ayaad qabatay walaal”, ”dumarka ayaad hormood u tahay Xxxxxxxx”, ”geeska Afrika ayaad u horraysaa” iyo in u dhiganta oo aanay garanayn sababta ay u mutaysatay ayaa lagu rusheeyey. Intii taasi socotay ayay Hoodo isha kala hadashay ”Cambaro Xxxxx”. Iyaduna isaga ayay si dahsoon ugu dhawaaqday. Najax oo goorahaaba garan la’aa si uu ugu yimaaddo ayaa soo dhaqaaqay isaga oo iska dhigaya qof aan waxba xxxxx.
Xxxxxxx Xxxxx: Najaxoow walaal maanta waxa aan ku barayaa inantan aad isku magaca tihiin.
Isaga: mansha Allah, ma Najax ayaa lagu yidhaa walaal?
Najax oo hoosta ka shanqadhaysa gariir dartii ayaa is adkaysay, u na celisay ”walaal haa, barasho wanaagsan”. Gacan kun nooc oo kiriim ah lagu duugay ayay si dabacsan u soo fidisay. Degdeg ayuu uga qaaday. Way og tahay in aanay urtaasi ka ba’xxx illaa berri.
”Cambaro Xxxxx” oo aan haatan waxba looga baahnayn ayaa damacday in ay xaaladda hoosteeda ku soo celiso. ”Inanta miyaad garanaysaa? Waa inantii toddobaadkii hore ku guulaysatay shaqadii ay dhallinta Afrika oo xxxxxx u tartamayeen”. Isaga oo aan indhaha iyada ka qaadin, shaqadana aan fahmin ayaa soo celiyey ”wallaa! Shaqaduna?” ”Xxx xxxxx noqotay guddoomiyaha COA xx xxxxxx Afrika”. Haddii uu dherigiisu bilaa milix ahaa, imika ayaa cusbo loogu daray. Markii uu maqlay magaca ”COA” ayuu indhaha kor u taagay. Si toos ah xxxx xxxxx ugu yidhi ”waaw, marwada hambalyo ayaan leeyahay marka hore.” Hoodo iyo Sahra oo sidii ay xxxxxx wax ugu socdaan ayaa ”Cambaro Xxxxx” cidhifka jiiday si ay u keliyoobaan labada isku magaca ahi.
Meel ka durugsan ayay sharaab u doonteen iyaga oo ka fogaaday goob ay ka maqli karaan hadalkooda. Shaqada Hoodo iyo Sahra ayaa haatan ah in ay dadka ka ilaaliyaan si ay u kala bogtaan. Saaxiibaddood Najax oo aanay uga baqayn in markabka loo soo xidhay ay alaabteeda kala degto ayaa isku kala bixisay Kuusow. Wixii u eekaa bariido iyo isbarasho ayaa u gudbay hadallo dhankiisa ka imanaya iyo dhoolla-caddayn ay inani siin karto nin ay rabto oo dhankeeda ka imanaya. Walow uu la joogo ninkii ay jeclayd ee madaxweynuhu dhalay, haddana mar xxxx ah jooggeeda waxba ka may
beddelin. Kalsooni ayay dhabarka la dhiibinaysay iyada oo eegmada ay indhihiisa u diraysana u qiyaasaysa. Xaaladda ayay maammulkeeda la wareegtay, iyada oo aammusni, qosol ay marka ay iyadu doonto u qadhiidhayso, marka uu doonana ka qarinaysa, iyo ereyo kooban ku hagaysa haasaawaha. Bilaa awood ayay ka dhigtay. Wax la sito ayay ka dhigtay. Fig ayay kala baxday. Dad waxa uu yidhaahdaba ”nacam” odhan jirey ayay ka mid noqon weyday. Iyada oo aan isagana didinayn ayay haddana marka ay doonto ku adkaysaa. Markii u horreysay ayay dareensiisay in laga awood badnaan karo.
Sahra ayaa u sheekaynaysa kooxda, Xxxxx ayaa sheedda ka soo dhowraysa iyada oo xxxxx candhuuf culus liqaysa. In badan ayay eegtaa, haddana way ka jeedsataa si aan looga shakiyin. Mar kasta oo ay labadoodu isa sii xxxxxxx, Hoodo laabta ayaa sii cuslaanaysa. Walow ay si niyad ah xxxxx xxxxxxx, xxxxxxx xxxxxxxx ay saaxiibaddeed u dareemayso, wax kale ayaa weheliya. Ishii aragtay in ay lambarrada kala qorteen ayaa degdeg u qoyday, dhibic illin ahna soo tuurtay. Qof ay rabtay xxxx xxxxxxxx caawa.
Labada Najax ruuxdooda ayaa ku midowday dhul ciiro ku fadhido, hareerahooduna qarsoon yihiin. Labadooda oo xxxx ah ayaa isu muuqda, isu qoslaya. Bartooda ka may dhaqaaqin, hawada sare haddii aad eegtana, kuwa gacmaha is haysta ee isla duulayaa waa iyaga. Fure ay la wareegi jirtay ayay heshay qufulkiisii. Daruur farxad ah ayaa keligeed u da’aysa, isna sida jeegaanta ayuu dusheeda hadheeyey. Cagaagni ayay doog dharab ku fadhiyo ku botorinaysaa. Xaalad ay si kedis ah u gashay ayay rabtaa in aanay ka bixin. Hadalka ayaan u baahnayn in la qasbo. Ereyada laxanku saaran yahay xxxx xxxxx mar soo qubayaa. Debnaha ay sida xakamaysan u kala jiidayso
ayay shidaal uga dhigaysaa haasaawe aan farogelin kale u baahnayn. Mawduucyada ay ka hadlayaan ayaa ka kooban wax kasta. Dhan kasta oo ay isu la kacaan – haddii ay ku midaysan yihiin iyo haddii kaleba – isku-soo-dhowaansho xxxx xxxxxxx. Weli hadal ay sidan u dhadhansato hore u may xxx xxxxx. Sidaas oo ay tahay, waxay iska jiraysaa in ay u eekaato kumannaanka hablood ee isaga daba orda. Waxay hoos u leedahay ”nasiib ayaad leedahay haddaad i hesho”. Isaga ayaa u eeg qof maqlay codkeedaa xxxxx, oo rumaystay. Gabadh isaga hadal ku gujinaysa, mid aan isaga wax walba ku raacsanayn oo cod xxxx xx leh iyo in ay wax xxxxxx xx qarsoon yihiin ayuu ogaaday. Inta uu xx xxxxxx caawa, ayaa ah darkii koowaad ee ceel uu waadaanta kula noqon doono.
Habeenkii markii ay hoyatay ayay jiifka ku baandhaysan. Dareenno badan oo markii ay isaga la joogtay daah ka saarnaa ayaa imika soo xaadiray. Dhanka midig ayay u jiiftaa, jilbahana laabta ayay ku haysaa marka ay indho qoslaya hawada bannaan ku illowday. Afkeeda ayaa dhoollacaddayn ku turjumaya xusuusta ay maskaxdeedu hadba baal rogeyso. Hadalladiisii ayay dib ugu noqotay, maya, dhaqdhaqaaqiisii. Indhihiisii in ay hurdaan u eekaa ayay midba mar eegaysaa. Libiqsigii caajisku ku jirey ayaa dareenkeeda xadaya. Debintii xxxxx xx uu xxxxx muudsanayey ayay la jidhidhicootay. Marka ay hadal damacdo, sidii uu u aamusayey ayaa garaaca wadneheeda kordhisay. Marka ay soo xasuusato xxxxx xx xxxxxxx ugu adkaynaysay ayay qosol la jeedsataa. Dhankeeda marka uu u soo jeesto, sidii loo saaqayey ayaa haddana loogu duulayaa. Jidhkeeda ayaa xubinba gaarkeeda loo la hadlay, isaguna u qanciyey. Lambarkiisii ayay hoos u eegtay, waa sax. Qiyaastii in uu berri la soo xidhiidho ayay rajaynaysaa. Si kasta ha u
dhacdee, iyaduna ma rabto in ay kaga horreyso. Sida ay noqoto, loo joogi doonee.
Dhanka xxxx xx magaalada, gabadh dhiggeeda ah oo Hoodo loogu yeedho ayaa sidaas si la mid ah u fikiraysa. Balse hal mid ayay ku kala duwan yihiin: afka Hoodo wuu xidhan yahay, indhaheeduna way qoyan yihiin. Calool-xanuun ay kala timid xafladdii ayaa hadda ku fiday. Dareen aanay xxxxx in la ogaado ayay la galgalanaysaa. Culays aanay ka xxxxx xxxxx ayaa ku raran. Wax aanay cidna la wadaagi xxxxx ayaa cidlo xx xxxxx. Habeenka oo ku dheeraaday, barkimada oo aan lahayn meel fayow iyo qalbi qayb maqan tahay ayay hurdo qadhiidh ah aakhirkii kabbatay.
Guri saddexaad oo magaalada badhtankeeda ah, Sahra ayaa xisaabbo la kadeedan. Waxa ay ahayd qofka xxxx ah ee aan dareenkeedu hagayn caawa. Qorshaha ayay Hoodo la wadday intii hore, markii Hoodo la daaray ayay xxxx xx noqotay hablihii ay sheekada beenta ah kaga jeedinaysay Najax. Indhaheeda oo ahaa kuwo aad u shaqaynayey ayay ku la socotay haasaawaha labada Najax, intii aanay dhanka Hoodo soo eegin kahor. Candhuufta ayaa isku taagtay markii ay indhaheedu qabteen Hoodo oo xxxxxx xxxx u bi’inaysa. In ay farxad la ilmaynayso ayay iska hubisay, in aanay sidaas ayay ka garatay illinta dhaadheer ee ay qari is leedahay. Waxba way fahmi weyday. In ay sheekada Najax iyo dareenka Hoodo xidhiidh leeyihiin way garatay. Hawsha ay waddo awgeed, ayay waxba weydiin xxxx weyday. Waxay go’aansatay in ay iska dhigto qof aan u jeedin. Xisaabtaa xidhitaankeeda ayay hadda sariirta dusheeda ku laaqaysaa. Hal ay hal u geysay ayaa kow iyo toban ku noqonaya. Waagu inta uu dillaacayo ayay raagsatay.
Saddex dareen oo xxxx xxxx ah, ayay habeenka ku sagootiyeen, qorraxduna ugu soo baxday.
Waaga oo ka qurux badan kuwii soo maray ayaa u hor baryey Najax. Iyada oo baalal leh ayay ka duushay jiifka. Hoodo weli qorraxdu dhankeeda ka ma soo bixin. Weji uu rinjigii xalay iyo qoyaankii kun midab u sameeyeen, timo geed maraa ah u eeg iyo cago mayd ah ayay la jiiftaa bartii xalay. Sahra oo qorraxda ka hor toostay ayaa dhanka Hoodo u soo xadhko-xidhatay. Dhexda ayay laba nafar oo kelyo ah ka sii qaadday. Si dhuummasho ah ayay qolka u soo gashay. Hoodo oo maqlaysa shanqadha ayaa ka wahsanaysa in ay kor u eegto qofka xxx xxxxx. Maryo sariirta dhinaceeda wadhnaa ayay sidaa isa ga riixday intii aanay xxxxx si taxaddir leh u saarin furaashka. Hoodo oo isha bidix furtay ayaa aragtay qofka dul fadhiya, xxxxxxxxx xxxxxx.
– Kelyahaad jeclayd ayaan kuu keenay.
Maalmaha qaar, sariirta ayay ka boodi lahayd farxad darteed. Baadka xxxx xitaa muu dhaqaaqin. Sahra ayaa ka dhigatay in loo jawaabay oo sii wadatay hadalkeeda qabow.
– Basbaasna waan kuugu xxx xxxxx weliba, miyaanad urinayn?
Indhaha Hoodo ee xidhan ayaa midna hoos barkimada illin ugu mudday, midna sanka korkiisa dul cararsiisay. Sahra ayaa gacanteeda saartay garabka Xxxxx, iyada oo aan hadal ayay u sii xxxxxx dhanka wejigeeda iyada oo suulka si deggan ugu masaxaysa raadka qoyan ee ay illintu reebtay. Aamusni ayay timha ugu salaaxday saddex jeer. Hoodo ayaa labadeeda sacab degdeg ugu qallajisay dhabannadeeda, korna u fadhiisatay mar xxxx ah.
– Liin-dhanaan maad soo raacisay?
– Waa tan, jeexaa dhan ayaa kuugu jira. Ma roodhida ayaad rabtaa mise laxooxda.
Intay cunaha sifaysay ayay raacisay ”roodhida”.
– Kee baad ka soo qaadday?
– Kii dhowaa. Ma macaana miyaa?
– Waxaasi ma shaah baa?
– Mayee waa bun, kii aad jeclayd.
Arrintii xalay, midhaheedu waa qaydhiin, in la goosto la ma rabo. Sheeko hudheellada magaalada iyo sida ay u kala quraac macaan yihiin ah, ayaa la galay. Bunka iyo noocyadiisa ayaa la qaadaa-dhigay. Codka xxxx si fiican uga soo baxay Xxxxx, calooshana waa loo tiiriyey. Intaa kaddibna Sahra ayaa dhar u soo saartay. Bannaanka in ay u saarto, qolkan ilmaynayana ay ka kaxayso ayay rabtaa. Sidaa ayay yeeshay. Iyada oo jiidaysa ayay baabuurka saartay. Magaalada ayay dhinac uga saartay, baabuurka ayay ka dejisay, dhagax weyn oo ay ku fadhiisan jireen saddexdoodu, ayay xxxx xxx saareen.
Wejiga Hoodo waxa si fudud ugu ciyaaraysa shalmadda ay laydhu ku dhirbaaxayso. Indhaha ayaa iyaguna ka gabbanaya indhaha Sahra. Way fahamtay waxa soo socda, inta aan su’aasha la weydiin ayay jawaabta sii bilowday.
– Sow ma garanaysid maalmihii dhoweyd ee aan idin ka maqnaa? Xafladdii aannu tagnay habeennimadii, maalintii ay Najax
xxx xxxxxx, xxxx xxxxxxxx xxxxx. Wax badan muu joogin, laakiin bahashii ayaa is kaaya bartay. Anigu markaa qorshihii aynu dejinnay ayaan fulintiisa u socday, oo Ilaahay igu og yahay. Inankii waannu is barannay. Ma garanayo wax igu dhacaye, malaha waa hadalkiisa, waan isku dardarsamay uun. In yar ayuu xxx hadlay, wuxuun baan is arkay anigoo daldalmaya. Miiskayaga ayuu soo fadhiistay, hortayda weliba. Waannu iska soo hor jeednay. Waana qof aad is baranaysaan imika oo sheekada waad ka guraysaa.
Way aamustay, xxxxxx ayay xxxx u eegtay. Naqas culus ayay cantuugtay, intii in ka badanna way soo tuftay. Way sii wadatay.
– Waan is xxxx xxxxx waayey. Waan ka jeedsan xxxx waayey. Si kasta oo aan isu qabto, si kasta oo aan isu xakameeyo, si kasta oo aan Najax u soo xasuusto, wax xx xxxx ayaa i watey. Muddo ayuu na la joogay, markii dambena wuu naga tegay.
– Ma intaas uun baa?
– Maalintii xxxxx xxxx xxxxxxx xxx xxxxxx. Anigu waxaan u haystaa in aan keligey sidan dareemayo, show isagana waa la sitaa. Af- dheeridayda xxxx hadalkaygii ayaa saameeyey malaha. Inankii markii uu soo noqday, dhankii aan joogay waa kan u soo cararay. Waa saddex cisho kahor uun. Maalintaas ayaan dareemay in isagana la sito. Waan u qaadan waayey. Dee qof la hadlaysa qof ay xiisaynayso xxxxx xxxxx, si caadi ah ayaannu habeenkaana u sheekeysanaynay. Habeenkii sidii markii aan ku kala tagnay ayuu maalintii dambe i soo wacay, waa dorraad. Kuye ”xalay oo dhan waan kaa fikiraayey oo maan seexan”.
– Xxxxxx?
– Xxxxxxx xxxxx.
– Waynagaa ba’nay! Haye?
– Xxxx xxxx u soo gaabiyey hadalkoo, wuxuun baan ku idhi ”huuno ha iga fikirin, waan doonanahee”. Dee miyaanu in yar kaddib xxxxx xxxxxx.
– Haye?
– Xxxxx xxxxxxx is aragnay markaa, salaanta ii muu dhaafin oo waa adigii arkayey. Markaa waa sidaas.
– Show bilaash u maad ooyeyn xalay!
– Xxxxx xxxxxx?
– Xxx xxxxxxxx. Ma inaanan ku arkayn ayaad moodeysay?
– Adna indho dheeridaa horto. Xxxxxxxx ma rabo in aan Najax farxaddeeda lumiyo, ee xxxx xxxxxx farxaddayda u soo ceshadaa haddaba?
– Miyaad rabtaa in aad u sheegto?
– Mooyi, ma garanayo wallaahi.
– Bal xxxx xxxx aan u tagnee.
Telefoonka oo ay caadi ahaan ku illoobi jirtay meel ay xasuusan xxxx xxxxx, maanta gacanta ayay ku haysaa. Marka ay ku dhididdo, gacanta midig ayay u dhiibaysaa. Musqusha way u qaadanaysaa, way la soo baxaysaa. Yeedhmadiisa ayay raajicinaysaa. Xxxxx xxxx ayay u
eegaysaa. Xxxxx jeer ayay gujinaysaa – wuu shidan yahay. Daqiiqaddii dhaaftaaba wadno-gariir ayay ku reebaysaa. Feedhaha hoostooda iyo xuddunta korkeeda, maqaarka meel hoos looga dhaadhaco, ayaa dhaqdhaqaaqaysa. Caloosha dhan ayaa gariiraysa. Sambabbada ayaa shaqada kordhinaya. Wax aanay weligeed dareemin, balse macaan ayaan dhex mushaaxaysaa. Hawada ayaa si xxxx xx dhadhamaysa, indhaha ayaa wax kasta u qurxinaya. Lugaha ayaa si dahsoon u dubaaxinaya. Meel in ay taagnaadaan ma rabaan, dhan ay u socdaanna ma garanayaan. Qolkeeda iyo daaradda inta u dhaxaysa ayay soddon jeer ku noqnoqotay, illaa awood kale ay iyada joojisay. Gacanta ayaa la gariirtay baaqa ka yeedhay teleefanka ay ku dheggan tahay. Hoos ayay u eegtay, magiciisa oo ay dhowr wadne raacaan ayaa muraayadda ku xardhan. Naqas qosol u badnaa ayaa debnaheeda soo dhaafay. Wadnaha ayaa amray in ay ka jawaabto, maskaxda ayaa tidhi ”afar jeer ha dhaco”. Saddex ilbidhiqsi ayay adkaysatay. ”Helow” ayay cod bilaa xanaf ah ugu heestay. Dhankiisa ayay ”Xxxxx xx warran?” gariiraysaa ka soo yeedhay. ”Nabad walaal Najaxe ii warran?” ayay u celisay.
– Malaha wakhti xun ayaan ku soo wacay.
– Waa iska caadi walaal, hawl yar xxxxx xxxxx laakiin waan hadli karaa.
– Daalkii xalay xx xxxxxx?
– Daalkii la maan soo toosinba, saaka lixdiiba waan soo jeeday.
– Al, wallaahi qof adag ayaad tahay haddaa.
– Helow!
– Haa maad i maqlaysaa walaal?
– Wuu kaa yara googo’ayaa, haa, imikaan ku maqlayaa walaal. Xxxxxx tidhi?
– Qof adag ayaad tahay ayaan idhi.
– Iga daa Najaxoow waxna ma adkiye.
– Hee?
– Waxna ma adki, inkastoon yara adagahay malaha.
Qosol kaddib ayuu weydiiyey ”caawa maxaad qabanaysaa?”
– Caawa waan seexanayaa dee walaal.
– Maya intaanad seexan ka hor, xxxx xxxxxxxxx isagoo qoslaya.
– Caawa waxa laga yaabaa inaan raaco hablo.
– Xx Xxxxx iyo inanta kale?
– Haa, Hoodo iyo Sahra. Laakiin magaceeda yaa ku baray?
– Waan maqlay uun wallaahi. Xalay ayaan maqlayey. Waa saaxiibaddaa maaha?
– Waa walaashay oo kale, haa.
– Xxx xxxxx maad u jari?
– Waayo walaal?
– Anigaad i raaci lahayd?
– Xaggee?
– Xag aanan kuu sheegayn.
– Goorma?
– Fiidka.
– Fiidka? Bal walaal aan eego in aan iyaga ka xxx xxxxx karo.
– Waad i soo wici, sow maaha?
– Xxx, anaa kuu soo sheegi siday u dhacdo walaal.
– Waa war dhan, haye.
– Haye walaal.
Baay.
Badhanka xxxxxx laga jaro ayay ugu yaraan shan jeer ku celcelisay si ay farxaddeeda keligeed u maqasho. Kor iyo hoos ayay u boodday. Diraca oo ay ku kufi gaadhay ayay labada kelyood gashatay. Bood- boodkii ayay sariirta la fuushay. Iyada oo hawada ku maqan ayaa albaabkeeda la soo riixay. Laba madax oo ay taqaanno ayaa soo eegaya.
Hoodo: naa bisinkee inanta maa la dardaray? Sahra: waanigan arkaya, naa maad taajirtay? Dhulka ayay u soo boodday, dhankooda ayay u soo carartay, Xxxxx oo dhanka soke taagan ayay isku duubtay. ”Hoodoy wax aan kuugu abaal gudo wallaahi ma garanayo, waad xxx dedaashay, xxxx waxaan kuu ballan qaadayaa in aan maalin uun kuu gudo intii aad ii gashay”. Hoodo way qallashay. Labadeeda gacmood ayaa naxdin la laallaada. Ta bidix ayay kor u soo qaaday si ay dhabarkeeda dhowr jeer u
mariso. Sahra oo wejiga Hoodo ku xxx xxxxxx ayaa aragtay illinta dhabankeeda yaacaysa. Iyaduna way ku dartay. Waa Najax oo faraxsan, asxaabteeda oo farxadda dhabarkeeda ka ilmaynaya iyo iyada oo mooggan. Hoodo oo codka toosinaysa ayaa soo qasabtay ”naa waxaa saaxiibtinimadaa xx xxxxx iga fuq bal”.
Sariirta ayay si wareeg ah u fadhiisteen saddexdooduba, sidii beryaha qaar.
Sahra: haye, warran! Hoodo: bal wax noo sheeg!
Najax: dee imikuu i xxx xxxxx, ”caawa meel ayaan ku geynayaa” ayuu yidhi.
Sahra: xxxx, xxxxxx?
Najax: ii muu sheegin, laakiin caawa firaaqo in aan ahay ayuu i weydiiyey.
Sahra: haye?
Najax: ”aan kugu soo jawaab celiyo” ayaan ku idhi. Sahra: oo waayo?
Najax: dee waan isu yara xariifinayey.
Hoodo: naa is xariifin lahaane walaal inanka la hadal, dirqi baannu ku soo qabannee!
Najax: dee waan ku celinayaa, imikaan wici.
Najax ayaa indhaha Hoodo isha la sii raacday. Sahra ayaa ka soo jeedisay.
Sahra: oo naa ma garanaysidba miyaa meesha uu ku geynayo? Najax: may, ii muu sheegine, idinku xaaladdiinna ka warrama?
Xxxxx: annagu waxba ma xxxxx xxx, adigaannu kaa soo war doonnay. Najax ayaa u jeedsatay dhanka Hoodo.
– Naa hoodo maanta maxaa kaa si’ ah?
Hoodo ayaa sii jeedsatay, cagaha dhulka dhigtay, korna u joogsatay.
– I sug suuligaan gelayaaye aan soo noqdee.
Markii ay baxday ayay Sahra weydiisay ”naa maxaa helay maanta Hoodo?”
– Walaal mooyi, maanta dhan sidaasay ahayd. Waxba way ii sheegi weyday xitaa.
– Oo walaal maad inanta caadi u waraysatid? Xxxxxxxx Xxxxxxx ma naxayside xx xxxxxx?
– Xxx xxxx xxxxxxxxx waxba ii may sheegin, ”waan fiicanahay” xxxx xxx xxxxx.
– Sow tan la arkayo in aanay xxxxx xxxxx.
– …
– Hoogi waayey, xxxx halkanaan farxad boodboodayaa iyadana maan weydiinba xaaladdeeda.
Hoodo markii ay baxdayba naqas ay laabta ku haysay ayay soo fasaxday. Musqusha ayay baroor la dhex istaagtay. Beerka ayaa sabbeeyey. Culays laabta u fadhiyey ayay isa soo dhaafisay. Illin badan oo haaro u yeeshay illaa xalayna way soo farsamaysay. Iyaga oo hadalkii wada ayay calool-xanuun xidhan dharkii firfircoonida la soo gashay.
Najax: naa Hoodo walaal maxaa kaa qaldan maanta Ilaah baan kugu dhaariyee?
Hoodo: naa walaal hargab xun ayaa i soo haya dee, sanka iyo indhuhuba way i hoorayaan.
Najax: dee sidaa i dheh..
Hoodo: naa waxaa ka baxoo wax ma kuu sheegaa. inanka la hadal, waxba koodh ha iska dhigine ”waan ku raacayaa” dheh. Ma garatay? Imikana is diyaari oo wixii aad xidhan lahayd xxx xxxx, meeye duruucdaadii horto? Kii xidho, kii akhtarka ahaa. Madhab iska dhig oo inanka raag. Kabihii afka dhuubnaana xidho. Xxxxxx xxxxxx dhan soo sheekee dee, adigaaba haysta nin aad u sheekaysee. Naa Sahra miyaanay ahayn?
Sahra oo si xxxxx u qiiraysan ayaa ku naxday su’aasha. ”Xxx xxxxx waa sidaa” ayay dirqi ku soo saartay.
Hoodo ayaa baalasha hoostooda ku qaadatay Najax markii ay Najax isu diyaarinaysay casuumaddii caawa. Dookha ayay ka kabtay, cabsi haysayna way isku dayday in ay hadal kaga maydho. Dhabarka waxa u soo jiifta Sahra oo isku daawanaysa labadan qof ee maankoodu kala daaqayo, jidhkooduna wada joogo. Laba hablood, da’ ahaan wax is
dheerayn, damacu meel xx xxxx galay. Laba ay midi ku heshay rabitaankeedii xx xxxx waayiddeedii. Isle’eg xxxxx xxxxxx xxxxx x xxxxx xxxxx xxxxx. Inta mid ka maqan ay tahay in meel u buuxisay xx xxxx. Indhaha ayay ku rakibtay dhankooda. Fikirka ayay ku fogaatay marka ay indhuhu diiwaangelinayaan dhaqdhaqaaqooda. Mid ayaa dirac soo fidinaysa, xx xxxx ayaa dhinac u tuuraysa si ay mid kale u tusto. Xx xxxx ayaa markeeda laalaysa si ay mid kale u hor keento. Muddo kaddib ayaa kii u horreeyey dib loo raadinayaa iyaga oo wada qoslaya. Hoodo ayaa ka qaadaysa burushka ay Najax gacanta ku hayso. Dhanka muraayadda ayay ka soo jeedsanaysaa iyada oo iskaga gudbaysa muuqaalkeeda. Burushka ayay si taxaddir leh u dul cararsiinaysaa rinji ay gacanta bidix ku hayso iyada oo aamusan. Indhaha iyo gacanta ayay mar kor u xxx xxxx qaadaysaa si ay dhabannada Najax u dul cararsiiso. Si taxaddir leh ayay u xardhaysaa iyada oo aan libiqsanayn. Walaasheed ka yar oo ay arooskeedii u qurxinayso ayaa la moodaa. Najax way taqaannaa naxariista Hoodo, waanay og tahay sida ay ugu dhow dahay. Taas ayaa keenaysa in aanay ka shakiyin ficillada ay hadda samaynayso Hoodo. Sidii ay xx xxxxx lahayd haddii ay iyada tahay, ayay dareemaysaa in ay imika Hoodo yeelayso. Balse ma oga. Way mooggan tahay. Inta ay og tahay ayaa ah waxba.
Qurux Alle siiyey, joog ay u dhalatay iyo ladh ay Hoodo ku kabtay ayay qolkii ku iftiimisay. Najax ma rabto in ay aad isu qurxiso caawa oo kale. Qofkii aan aqoon waxa uu moodayaa in ay aroos u socoto, waana dareen ay ka hesho qof kasta oo xx xxxxx iyada oo lebbisan, balse iyada ayaa ah qof dheellitiran marka hore. Tan ayaa xx xxxxx ay asxaabteedu uga hinaasaan mar kasta oo ay meel u wada baxayaan,
walow ay kaftan ku dhammaystaan. Wakhtigii ballanta oo labaatan daqiiqo xxxxxx ayay guriga ka jarmaadeen. ”Nimco inaabtideed ayaa aroos leh oo aannu u tegaynaa habaryar” ayaa lagaga jawaabay su’aal ay Najax hooyadeed ka soo daba tuurtay intii aanay bixin kahor. Magaalada ayay sii dhex qaadeen iyaga oo la caweynaya Nimcaan Hilaac oo aad mooddo in uu raalli gelinayo Najax. Laammida daammurka xx xxxxx, iftiinka kala kaanka ah ee hareeraha ka haya, dadka inta kelida u socotaa ay yar tahay ee waddada dhinaceeda tallaabada aayar gundhinaya iyo guux iyo gurxan xxxxx oo dhegta u roon ayuu baabuurku dhex muquuranayaa. Laabta oo Najax in aan badnayn ruxmaysa ayay baabuurka dhigteen bar bannaan oo farta loogu fiiqay markii ay hudheelka soo galayeen. Wiil ka codsaday in uu u adeego ayay fasaxday iyada oo rabta in ay dhex fadhido gaadhiga. Markiiba telefoonka ayaa yeedhay. Waa isagii. ”Helow. Haa. Xxxxxx ma fiican xxxxx? Alxamdu lillaah. Sow ma aragtid? Meel aannu istaagno ayaannu weyneyba. Haa. Xaggee? Hiihi. Mooyi wallaahi, weli baabuurka xx xxxx soo degin. Xxxx, haye.” Way dhigtay. Afar dhegood oo dhursugaya ayay u sheegtay in ay ka degayso. Cag rejo la ruxmaysa ayay sibidhka saartay qaybteeda hore ee dhulka uga dhow cidhibta. Meel ay garanayso ayay ku hagaagtay. Wax yar markii ay socotay ayay humaaggiisa garatay. Dhidid qabow ayaa soo dhaafay. Laydhaa martay. Si deggan ayay u salaantay. Cimilada oo qabow lagu sheegay kaddib ayaa isku dhinac loo dhaqaaqay. Laba is raba, haddana kala xishoonaya sidoodii, ayaa dhulka loo eegayaa marka la sii socdo. Gacmihiisa wuxuu ku aasay labadiisa jeeb, madaxuna wuu fooraraa. Labadeeda way is dhaafsatay, cidhibta dhuuban ee kabtana dhulka ayay ku ilaalinaysaa. Hadalka ayuu midba mar
qadhiidhanayaa, haasaawaha la handaafinayaa. Mugdigay ku libdheen. Dhabarkooda waxa ku soo maqan laba indhood oo xxxxxx fatahay aad mooddo. Waxa ay ka soo tooganayaaan madaxa ku rakiban jidhka dubaaxinaya ee dhex fadhiya baabuurka xxxxxx xxxx u socda. Baabuur isna magaaladu liqday markiiba.
Laab culus, indho burqanaya, naqas xakamaha soo goosanaya iyo dhafoor ololaya ayay la hoyatay. Xxxx markii ay ku noqotay qolkeedii, afka ayay barkimada ku hagaajisay. Indho gudhay xxxx xxxxx ugu baryey. Cadceedda soo baxday ayay karahday, jiif aan xal ahayn ayay door bidaysaa. Wax kasta dhadhankii ayaa xx xxxxx, wax kasta oo ay cuntadu u horreyso. Muhiim maaha gebigeeduba. Maskax foofaysa ayay la dhoofaysaa. Cashadii xalay ayay dul tagtaa. Hadba mid ayay dhowrtaa. Tinta ayay u hagaajisaa saaxiibaddeed. Indhaheeda farxadda la dhalaalaya ayay ka subkataa. Dhankiisa ayay eegtaa. Codkiisii degganaa ayay illaa cagaha ku dhegeysataa. ”Hee” ayay tidhaa iyada oo aan lala hadlayn. Indhahoodan is xadaya ayay u fiirsataa. Uummiga kalgacal ee cuntada ku weheliya miiska ayay dhaxanta iskaga duulisaa. Wixii ay is yidhaahdeen oo ay wax ugu dartay ayay xxxxx mid ka yeedhsiisaa. Hadal ay iyadu qurxisay ayay bilicdiisa la ilmaysaa.
Maalinta oo badh tagtay ayay jiifka ka kacday. Iyada oo qarsanaysa xanuunka haya ayay hawsha guriga ku fooftay. Dhar ay iyada hooyadeed u dirtay ayay bilowday in ay dhaqdo. Way is mashquulisay, maskaxda ayay u diidaysaa in ay firaaqo u hesho fikir guri ku yeeshay maankeeda.
Kaabadda bannaanka waxa soo fadhida hooyadeed. Xxxxxxx in ay ka durugto ayay xxxxx sabab u samaynaysaa. Qorraxdii dharka
qallajinaysay ayaa daruuro madow dhabarkooda gashay. Dhibic dhulka u baratamaya ayaa dhirbaaxo la dhacay oogada ay ku taagan tahay. Hooyadeed ayaa ku dhawaaqday ”naa hooyo dharka ka gur xadhiga”. Hoodo way dhaqaaqi weyday. ”Naa hooyo dee dhakhso, dharkii way qoyeene maxaa ku taagay?”. Sida qoriga ayay dhaqaaqa joojisay. Dhanka hooyadeed xxxx xxx xxxxxxxx. Jidhka oo dhan ayaa qoyan. Dhibica roobka iyo illinta xxxx xxxxxx agtiisa ku kulmaya si ay uga daadegaan labada dhaban.
Dareenkooda ayaa haatan noqday mid dhan u wada jeeda. Haddii xx xxxx ahaayeen, maanta waa hal. Maalintii inta ay kala maqan yihiin ayaa ka yar inta ay wada joogaan. Haddii aanay is arkayna, cod ayay ku wadaagaan ereyada naxariista ah. Dabeecadihiisa ayay daristay, kuna qanacday. Cag iyo kabteed ayay noqdeen. Sidaas oo ay tahay, iyadu ma deggena. Been uu xidhiidhkoodu ku bilaabmay xxxx xxxxxxx. Haddii ay rabto way iska aamusi lahayd, Najax se ma aha qof noocaas ah. Waa in ay runta sheegto. Caawa ayayna qoondaysatay. ”Maxaa dhici kara?” ayay is weydiisay. Wuu iga cadhoon karaa, iga niyadjabi karaa. Haddii ay xaaladdu xxxxxx ka baxdana, wuu iga tegi karaa. Balse taa beddelkeedu maxay tahay? In uu xxx joogo, wax aanan ahayna aamminsanaado. Qof aanan ahayn in uu i moodo, sidaasna muddo igu la joogo. Waxa se hubaal ah, in uu maalin uun xaqiiqada soo ogaan doono. Taasina ay noqon doonto dhacdo foolxun. Wixii dumayaaba ha dumaan, intii uu hadhow iga tegi lahaa imika ha iga tago. Wax kastaa ha dhacaan, yaanan se been ku haysan dareenkiisa. Waa in aan soo afjaraa caawa.
Wadne ruxmaya ayay la baal socotaa marka ay barxadda hudheelka
ee ballaadhan wadiiqooyinkeeda dhirtu ku soo foorarto ay laydha la
dheelayaan. Caawa gudaha ayaa miis xxxx xx looga diyaariyey. Xxxxx ayay la haleeshay buush midabkiisu ka gidaarka u eeg yahay. Isagu wuu soo qoslayaa, iyaduna hoos ayay u gariiraysaa. Ma garanayso goor ay bilawdo iyo si ay u bilawdo. Mar kasta oo ay ka fikirtana, way sii werweraysaa. Xxxxx jeer ayuu weydiiyey waxa caawa ku dhacay ee ay la kala maqan tahay. In ay kala maqan tahay ayay ku dafirtay. Biyaha ayay isku mashquulisaa, xxxxx caagad hor taallay way ka baxday. Salladh khudaar kala duwani ku jirto oo laba saxan oo yaryar dul taagtaagan ayaa hortooda la dhigay, cashadii weli way u maqan tahay. Xxxxxx yar oo afka ku dhex wareegaysay ayay dirqi u dejisay. Way xx xxxx weydey. Inta ay biyo kale isku qabatay, warqaddii ay gacanta kale ku haysayna miiska saartay, ayay si buuxda indhihiisa u eegtay.
– Najax, wax ayaan doonayaa in aan kuu sheego.
Markii uu magiciisa maqlayba si qumman ayuu u soo eegay, wixii uu wadayna wuu joojiyey.
– Hee, qaali!
– Een, berigii aynu is barannaynay..
– Xxx, ayuu u yidhi si ay hadalka u sii waddo.
– Waan, een..
– Maxaa dhacay qaali?
– Ka ma shaqeeyo waxa aad moodayso in aan ka shaqeeyo. Wuu aammusay, xxxxxx xxx xxx xxxxxxx.
– Ma ihi guddoomiye, ka mana xxxxxxxx xxxxxx xxxxxxxx. Indhihiisa ayaa libiqsiga joojiyey.
– Waxaas oo dhan been ayay ahaayeen, ayay soo tuurtay iyada oo cidiyaha dhaadheer ee midabbada iyo kuulaha leh wadwadda.
Caagad sharaab ah ayuu afka ku qabtay. Markii uu ka qaaday xxxx xxx xxxxx, isaga oo gacanta midig ku haya dhaladii. Si qabow ayuu u yidhi ”sharaabkan maad garanaysaa waxa laga sameeyey?” Wadnaha oo afka jooga ayay madaxa aayar ruxday. ”Cinab ayaa ku sawiran, laakiin waxa uu yahay maad garanaysaa?” Way yaabban tahay. ”Waa biyo soodhe leh, kaddibna dhadhan cinab loo sameeyey. Midabkan casna wuxuu ka yimid baytaraaf”. Indho xxxxxx ayay ku eegaysaa. Inta uu afka si deggan isa ga masaxay ayuu gacantiisa bidix kor ugu soo qaaday teleefonka shaashadda ballaadhan ee agtiisa ku nasanaya. Korkiisa ayuu waxoogaa salaaxay. Dhankeeda ayuu u soo jeediyey, markaas ayuu raaciyey ”miyaad garanaysaa qofkaa?”. Gabadh madow oo si yar u dhoollacaddaynaysa ayaa kamaradda soo eegaysa. ”Maya” ayay u celisay. ”Xxx Xxxxxxx, gabadh aannu aad isu naqaanno. Waxay u dhalatay dalka Tanzania, waddankana laba jeer ayay timid oo aan martiqaaday. Bal qiyaas shaqadeeda!”. Indhaha ayaa raxleeyey. Jawaab ay ku daahday ayuu raagsaday, wuu sii watey. ”Waa guddoomiyaha ururka COA, ururka aad adigu sheegatay in aad guddoomiyihiisa tahay.” Wadnahaa ka siibtay, calooshana waa la dhex yaacay. Xxxxxxxxx hadli lahaa ayaa laf noqday.
– Xxxxxxx Xxxxxxxx xxxxx mid ayaa ii caddaatay.
– Xxx, xxxx xx xxx xxxxxx.
– Waxa ii caaddaatay in aad tahay qof daacad ah.
Candhuufteeda ayay ku saxatay. Biyo ayuu u soo fidiyey. Mar dambe oo ay quficii xxxxxxxx xxxx xxxxx ”yaa?”
– Caawa waxaan ogaaday in aad tahay qof daacad ah, qof la isku hallayn karo. Wax kasta oo qof xxxxx xx lagu raaco waad leedahay, keliya tan aan caawa ogaaday ayaa iga maqnayd
– U kaadi bal horto, oo intaas oo dhan miyaad ogeyd in aan been kuu sheegayo?
– Nacam.
– Oo markaana? Adigoo i fahansan ayaan meelahaa iska qoslayey miyaa?
– Quruxdaada ayaa i sakhraamisay xabiibi, intaasi waxba maaha.
– Waanigaa hoogay!
– Waxaan rabaa in aan ku guursado!
– Yaa?
– Si dhakhso ah weliba.
– Xxxxx xxx?
– Reerka i soo bar horto.
– Waar reerku way ku yaqaannaan oo laguu sheegi maayee, xxxxxx i xxx xxxxx?
– Hee, miyaan kula baxsan lahaa?
– Xxx xxxx, waan yacnii, miyaanad i weydiinaynba in aan diyaar ahay? Xxxxxx aan ku diidaa.
– Indhahaagu wax kale ayay sheegayaan.
Caweyskii qosol iyo kalgacayl saa’id ah ayaa lagu dhammaystay, farxadna way la hoyatay. War weyn oo ay xxxxx xx’ xxxxx cid ay la wadaagto ayay la seexatay. Subixii ayay hooyadeed ku salaantay, asxaabteediina ku xigsiisay. Waa la isla oogsaday. Xxxxxxxx farxadeed ayaa la galay. Isagii ayay waalidkeeda hor keentay, waa la ansixiyey. Maaddaama oo uu safar u baxayo, maalmo gudahood ayaa ballantii meherka laga dhigay. Reerihii ayaa is bartay, diyaargarowgii kalena uu baal socdaa. Ayaamo mashquul ah xxxx xxxxxx. Xxxxx iyo Sahra ayaa dhankooda xx xxxx galay.
Maalintii meherka ayaa berri ah, maantana waxa loogu xinnaynayaa guriga Najax. Hoodo waa loo dhammeeyey oo bannaanka ayay u baxday, daaqadda qolka hoosteeda ayay sabab la’aan u taagan tahay. Sahra ayaa iyaduna imika ka kacday kursigii loogu shaqaynayey si ay Najax u fadhiisato markeeda. ”Naa tii Hoodo meeday?” ayay tidhi intii aanay qolka bannaanka uga soo bixin. Dhanka bidix ayay u dhaqaaqday. Waxa ay aragtay Hoodo oo taagan keligeed hoosna u ooyaysa. Illinta ayay degdeg isa ga masaxday markii ay aragtay Sahra oo ku soo socota. Sahra ayaa garabka gacanta ka saartay, taabasho bannaanka u soo saartay baroor aanay filayn. Cod aan si fiican loo fahmayn ayay ku geeraartay. ”Xxxxxxxx in aanan ka xumayn saaxiibadday arooskeeda, wax aan ka jecelahay ma jirto in ay faraxsanaato, laakiin marmar uun baa la igu soo boodayaa. Bal maxaa murugadayda iyo farxaddeeda isku xidhay? Miyaannaan
labadayaduba faraxsanaan xxxxx? Maxaa dookha nin keliya noo wada geliyey? Midda kale ma rabo in aan u sheego in aan iyada xxxxxxx xxxxx u diiday. Waxaas oo dhan ayaa laabta iiga buuxa, waan cabbudhsanahay.” Sahra oo dhabarka u salaaxaysa ayaa hadalka ku soo koobaysa ”waa runtaa huuno”. ”Imikana waa arooskeedii, ma rabo in ay ogaato arrintan. Xxxxx hadhow, sidaas in aynu ku illowno ayaan doonayaa. Iga ballanqaad Sahraay walaal in aanad arrinkan weligaa u sheegayn Najax.” Sahra oo aan jawaabin ayaa dareentay dhaqaaqa dhabarkooda. Way jalleecday, waa wejigii Najax oo daaqadda soo taagan.
Sahra oo dhanka Najax sii eegaysa ayaa ku naxday ”naa Najax!”. Hoodo oo aan xxxx xxxx eegin ayaa dhinac u dhaqaaqday. Najax oo hadal kale laga sugayey ayaa xxxx xxxxxx halkan la soo taagan, si qabowna ugu celisay ”naa maxaa meesha idin taagay ba’naye? Sheeko boqolaan idiin hayaaye bal soo gala”. Way dhaqaaqday. Waa ficil naqas badan ka soo tuuray Sahra iyo Hoodo oo iyada hadalku meel durugsan ka soo gaadhayey. Iyaga oo debnaha been u sheegaya ayay soo hor fadhiisteen Najax oo kursigii xinnaha loogu marinayey si dhiibsan dhabarka u qotominaysa.
Najax: naa dee ta dhacday maad og tihiin? ”Hee?” ayay mar keliya la xxx xxxx boodeen.
– Naa dee waa kii madaxweynuhu maqnaa ee aynu ogeyn. Xxx xxx xxxxxx, wuxuu yidhi ”inankayga meherkiisa ka ma maqnaan xxxxx xx la xxx sugo intaan safarka ka soo noqonayo”.
Hoodo: maahee? Illaa goorma?
Najax: laba toddobaad kaddib ayuu imanayaa.
Sahra: oo dee ma meherka berri ah ayaa la baajinayaa.
Najax: ma amarka madaxweynaha ayaad diidi kartaa xabiibi, yaan lagu xidhin.
Qosol ayaa xigay. Aamusnaan degdeg ah sidoo kale. Qofba gaarkiisa ayuu u foofay qaddar ilbidhiqsiyo ah. Sahra oo aan xxxxx in la kala aamusnaado ayaa soo tuurtay ”oo dee haddaa xxxxxxx la xinnaysanaynaa?” Halkaas oo ay ”dee aniga weli la ii ma bilaabinbee idinku iska xarragooda” ka xxxxxx Xxxxx. Sababo ay ku fakato ayay markiiba soo bandhigtay, labadoodiina halkii ayay kaga dhaqaajisay. ”Weli cid u maan sheegine dadka ha iiga horraynina” ayay u dhaaftay. Dhankii uu qalbigeedu ka xigay ayay u dhaqaaqday. Weji-gabax, indho aan libiqsanayn iyo qoor aan dhaqaaq lahayn ayay waddooyinka magaalada la dhex qaadday. Kaabadda guriga isaga oo xxxxx la soo fadhiya, gacanta bidixna jilibkiisa bidix dul dhigtay ayay ku soo hagaagtay. Weji anfariirsan ayuu ku qaabbilay. ”Xabiibi maxaa ku helay?” ayuu salaan uga dhigay. ”Hee qalbi, miyaan lagu soo booqan xxxxx?” Alle hadalka ku ma dhibin. Xxxxx ayuu dhinac u hinjiyey, agtiisa ayay sidiisa oo kale u soo fadhiisatay. Hadalka ayay xxxxx xx xaadhay. Geedkan weyn ee ay caleemihiisu laydha la dheelayaan ayay noociisa ka waraysatay. Markii uu u sheegay ayay ka ubaxa leh haddana weydiisay. Muddo ayaa dhirta iyo noocyadeeda la qaadaa-dhigay. Marka uu sharraxayo, iyada wejigeedu waa bilaa nuuxsi. Sunniyaha ayaa dallacan, balse indhuhu may raacin. Dhabannada ayaa nasasho ku jira. Debnaha ayaa kala furan, midba
gaarkeeda u qallashay. Ujeeddada booqashadeeda ayay haatan u dhaadhacday.
Isaga: ..deedna kaasi waa ka ubaxa cas bixiya, kani se waa huruud. Midda kale kan jirriddiisu..
Iyada: aabbo horto goormuu imanayaa?
– Huuno aabbo waxa u hadhsan shan dal oo kale, markaa beryahaa ma imanayo. Eeg, kan jirriddiisu way ka buuran..
– Illaa goorma qiyaastii?
Cadaygii ayuu dhinaciisa dhigay, gacantana afka mariyey. Hortiisa isaga oo sii eegaya ayuu weydiiyey ”maxaa soo kordhay xabiibi?” Iyada oo aad mooddo in ay isku dhagax eegayaan ayay u celisay ”waxba dee waan ku weydiinayaa”.
– Ugu yaraan saddex wiig ayuu sii maqnaanayaa, maanta ayuu Maleesiya ka dhoofayey.
– Qalbi haddaba i dhegeyso, haddaanu haween nahay, waxyaabbo aan weyneyn ayaa macno noo sameeya. Xxx xxxx waxaan ahay inan la soo doonayo oo waxaan rabaa in ay noqoto maalin weyn. Markaa xabiibi haddii aynu aabbo sugno xx xxxxxx?
– Ma adigaa sidaa raba?
– Haa.
– Hadda waa bil ku dhowaad wakhtiga safarkiisa ka xxxxxx.
– …
– Waa si wanaagsan, xxxx waan kugu raacay.
– Xxxxxx xxxxx xxxxxxxx xxx?
Way heshay sidii ay rabtay. Qorshe xxxxx xx ayay xadhigiisa soohiddiisa bilowday. ”Waxa aannu sugaynaa inta uu aabbihii dalka ku soo noqonayo, si uu uga qaybqaato. Sidaas ayaannu ku heshiinnay aniga iyo isaguba”. Waa sida ay waalidkeeda ugu dhigtay. In ay aqbalaan wax aan ahayni, meesha ma yaallo. ”Wakhti waxa aan haystaa inta aanu odaygu soo noqon, saddex toddobaad”, waa sida ay nafteeda ku tidhi. ”Waa wakhti kooban, balse waa suurtogal” ayay hoos u tidhi. Wada-hadalkooda xxxxxx telefoonka ayay ka bilowday. Subixii marka ay toosto iyo habeenkii hurdada kahor, labadaa jeerba way joojisay in ay wacdo. ”Waan mashquulay saaka” iyo ”waan gam’ay anigoon filayn” ayay sababo uga dhigtay. Sidaas ayay maalmo ku wadday. In ay farriimihiisa kala daahdo jawaabaha ayay ku xigsiisay. Waxay siisay wakhti uu madadaalo kale ku raadsado. Asxaabtiisa ayay ku talogashay in uu ku bixiyo wakhtigii uu labadooda siin jirey. Isaga oo soo waca mooyaane, way joojisay in ay kaga horreyso. Kulankoodii joogtada ahaa ayay ku soo ururisay saddex habeen toddobaadkii. Saddex habeen oo si qotodheer u qorshaysan.
Habeenkii koowaadba way bilowday. ”Xxxxx hablaha aannu asxaabta nahay weli maan is xxxx xxxxx?” Way og tahay in aanay weli is barin. ”May” ayuu si qabow u yidhi. ”Alla, oo weli maad aragba show?” ayay u raacisay iyada oo wax xxxx xx raadinaysa. ”Xxxxx xxx waan arkay, waa Hoodo oo waa inanta inanka u xxxxxx iyo inanta kale”. Way la heshay. Dabin ay u dhigtay ayaa gondaha jaray. Muu sharaysan xx’xxxxxx, iyaduna way ka gudubtay. Habeenkii labaad ayay
sheekadeeda dhextaal uga dhigtay asxaabteeda iyo sidii ay isku barteen, intay isku jiraan iyo sida ay isugu xidhan yihiin. Mar kasta waxa ay ku nasanaysay magaca Hoodo. Wax badan uga may sheegin Sahra, Hoodana wanaaggeeda ayay dhansiisay. Waxa ay u sheegtay in ay gashaanti tahay oo aanay cidna u doonnanayn. Intaa markii ay tidhi ayuu wejigiisu is beddelay, way ku raaxaysatay. Xxx xxxx oo ay Xxxxx iyada ka saxsanayd ayay uga sheekaysay. Kuwo kale oo dabeecaddeeda iyo furfurnaanshaha Hoodo ka warramaya ayay ku qulaamisay, si aan la dareemayn.
Inta ay hawshaas iyada ah waddo, waxa ay si xxxx xx u dalbatay waxbarashada heerka sare ee jaamacadda caalamiga ah ee Kampala. Hooyadeedna si guudmar ah ayay ugu sheegtay in ay xiisaynayso waxbarasho meeshaas ah. Ayaamaha ayaa ku dhaafay sidii ay rabtay. Toddobaadkii hal mar ayay Hoodo iyo Sahra la kulantaa, markaana sheekadu meherka soo socda ma dhaafsiisna. Isaga ayay aragtaa, wax aan dantooda ahayn uga warrantaa. Qof aan la xiisayn xxxxx xxxx iska dhigtay. Hadalkoodii ayaa ku soo ururay maalintii hal mar. Iyada oo ka xun ayay haddana ku faraxday. Madaxweynihii ayaa dhankiisa isaguna baaqday, safarkii ayaa intii la sugayey ka dheeraaday. Way ku faraxday kaana. Taasi waxay ku sintay jawaab ay ku sugaysay oo dhankii jaamacadda uga timid.
Xxxxx iyo Sahra oo aan u xxxxx xidhiidhin-la’aanteeda ayaa dhowr jeer su’aalo ku ganay. In aanay waxba jirin ayay qosol ugu dhex laaqdaa. Way rumaystaan. Sidii ay rabtay ayuu isaguna noqday qof xxxx xxxx yeeshay oo aan haleelin kulankoodii caadiga ahaa. Xakamaha ayay u haysaa xaaladda.
Waa Khamiis, berrina Jimce. Waa diyaargarow, berrina fulin. Bil ayaa ka soo wareegtay maalintii meherkoodu qabsoomi lahaa. Oori farxad ku nool, maalmaha la qaybsanaysa kii ay adduunka u jeclayd ayay maanta ahaan lahayd. Balse keligeed ayay ciil la yaraatay. Dareen ay muddadaas dabool saaraysay ayaa xadhkaha soo goostay. Waxay miisaanka saartay halka ay caawa jiifi lahayd iyo xxxxx xx imika galgalanayso. Waxa ay is weydiisay sababta ay sidan u samaynayso, jawaab waafi ah ayay isa siisaa. Si kasta oo ay u xanuun kulushahay, runta ayay ku qanacdaa. Imika in aanay joogin meel laga soo noqdaa, ayay og tahay. Berrina in ay xidhiidhkan soo afjari doonto ayay nafta u sheegtay. Qalbi budo ah iyo indho bururay ayay hurdo aan badnayn ku kabbatay.
Sahra ayaa subaxnimadii la soo xidhiidhay.
– Naa xaggeed ka dhacday, miyaad na nacday?
– Xxx xxxxx iska warran, Hoodona xx xxxxxx?
– Xxxxxx xxxx xxxxxxxxx, xaggeed joogtaa aannu kuu nimaadnee.
– Xxxx xxxxxx xxxxx xxxxxxxx xxxx xxxxx.
Hawsha sugaysa ayaa xx xxxx kulanka ay doonayaan. Dhankiisa ayay u dhaqaaqday. Bartii ay ku la ballantay ayay timid isaga oo sii taagan. Candhuuf culus ayay liqday markii ay aragtay sida uu u sugayo. Baabuurka ayuu soo fuulay, dhinaceedana dhoolla-caddayn ballaadhan la soo fadhiistay.
– Warran xabiibi! ayuu ku bilaabay.
– Qalbi, arrin xxxxx xxxxxxxx in aan kuu sheego.
Weji naxsan ayuu ku soo eegay.
– Waad og tahay sidaan waxbarashada u jecelahay, welina waan yarahay.
Way margatay. ”Xxxx?” xxxx xxxxx isaga oo raagsanaya waxa soo socda, haddana ka baqaya.
– Adigu guurdoon ayaad tahay xxxxxx xx xxxxxxxx, xxxx in aan wax dhigto xxxxx xxxxx.
– Haye?
– Jaamacad Kampala ah ayaa ii soo baxday, in aad i fasaxdaan rabaa.
– Haye?
– Dee waa kaa.
– Haye?
Hadalka ayaa dhuuntiisa ku raagay. Haddana waxa ka soo baxday ”imika miyaad tegaysaa markaa?”. Su’aalo aanu xxxxx jawaabahooda, ayuu weydiiyey. ”Goormaad tegaysaa? Waa imisa sanno?”. Si aan faahfaahsanayn ayay ugu jawaabtay. Waxa ay moodaysay in ay sidaas dhibta yar kaga baxayso. Wax yar inta uu aammusnaa, ayuu ku yidhi ”walaal maxaad sidan u samaynaysaa?”. Way garatay in ay su’xxxxx xxxx fog ka soo go’day, waxay se isku dayday in ay fududaysato. ”Sidee walaal?” ayay si dabacsan u weydiisay iyada oo aan jawaabta xiisaynayn maqalkeeda. ”Dad is jecel ayaynu nahay, waynu is guursan rabnay, imikana waxaad i leedahay ’waan tegayaa’, maxaa xxxx xxxxx? Maxaad igu nacday?”.
– Ku maan nicin dee walaal.
– Xxx xxxxxx, xxxxxx xxxx tegaysaa?
– Kaa ma tegayo ee..
– Adigaa maalintii hore ii yimid oo igu yidhi meherka dib inoogu dhig. Ma xasuusataa?
– Haa dee waxaan is lahaa..
– Xxxxxxx xxxxxx aan kaa yeelayna imika waxaad leedahay wax kale.
– Haaye maalintaa dee aabbaan sugayey walaal, waxaan is lahaa ha yimaaddo.
– Oo markaa xxxxxx xxxxxx xxxx ugu tidhi ”isagaa sidaa raba”. Waad og tahay in aad adigu ii la timide. Imika waxaas oo dhan iska dhaaf, aniga iyo adiguba waxaynu xx xxxxx in ay jirto sabab kale oo aad iiga tegayso, maxaad igu nacday bal ii sheeg?
– Najax walaal ku maan nicin.
– Xxx xxxxxxx xxxx xxxx aynu is guursannee!
– Walaal i fahan biliis.
– Hee?
– In aan wax xxx xxxxx xxxxx xxxxx ee wax kale maaha.
– Way tahay oo anaa og Xxxxxxxx, ha i odhannin sidaas. Magaalada oo dhan ayaa igu sheekaysanaysa xitaa, bal ii sheeg sababta aad igu diidday, si aan mustaqbalka uga taxaddiro.
Illinta ayay dib u celinaysaa inta uu hadlayo. Dirqi ayay intan ku soo saartay.
– Wallaahi in aanay waxba kaa qaldanayn walaal, inanta ku heshaana iyadaaba nasiib leh. Waan ogahay oo waan ka shallayn doonaa go’aankan, laakiin maanta in uu sax yahay ayaan u arkaa. Adiguna fadlan i fasax oo xx xx cadhoonnin. Adiguna cawil-naqa ayaad heli doontaayoo, qof ku jecel oo kaa farxisa ayaad heli doontaa.
Sacabka bidix inta uu ishiisa bidix korkeeda ku masaxay, naqas badanna qaatay, ayuu weydiiyey ”markaa imika goormaad baxaysaa?”.
– Weli tigidh maan goosan, laakiin adigu wax badan sii joogi maayo.
Daaqadda gaadhiga halka laga furo ayuu xxxxxx la boobay. ”Aan ku sii qaadee..” ayay ka daba geysay. ”Sowkaa gaadhigaygii” ayuu hadal ku soo koobay.
Jidka xxxxx xx gurigooda taga ayay indho hooraya la soo qabsatay. Iyadoo aad gariirka mooddo ilmo qandho hayso ayay guriga soo gashay. Su’aalihiisa oo madaxeeda xuurto ku haysta ayay galgalimaysatay. Si walba in uu uga saxsan yahay ayay og tahay, laakiin aanu waxba ogeyn. Intii ay faraxday in ka badan in ay ilmayn doonto ayay og tahay. Sidaas oo ay tahay, diyaar ayay u tahay in ay dariiqaa marto. Go’aan aan ka-noqosho lahayn ayay fulintiisa bilowday. Way fool-dhaqatay, dhanka hooyadeedna u dhaqaaqday. ”Hooyo ma xasuusataa maalintii aan kuu sheegayey in aan jaamacad dalbaday” ayay hadal ay soo diyaarisay uga bilowday. Waa hooyadeed, sida loo la hadlana way taqaannaa. Waxoogaa qiiro ah, in ficil ah iyo in dhanka dumarnimada ah ayay isugu dartay. Waxay kursigii ka kacday
iyada oo hooyadeedna faraqa ku sidata. ”Waa runtaaye orod wax xxx xxxx hooyo, aabbahaana aniga igu daa, anigaa ka adage. Lacagta tigidhkana berri iigu kaalay, hooyo” ayay ka heshay. Farxad ay ku faraxday arrinta u meel-martay iyo naxdin ay arrinta lafteeda ka naxday ayay guriga kala baxday. Tilifoon ayay iska horreysiisay, in yar kaddibna way la kulantay asxaabteedii. Weji aan dhowr habeen hurdada xx xxxxx ayay la hor tagtay Sahra iyo Hoodo oo markiiba arkay is-beddelka ka muuqda.
Sahra: alla hoognay, naa ma ammaa kugu dhuusay? Hoodo: naa bisinkee huuno maxaa ku helay?
Sahra: ma sidanuu aroosna ku sugayaa, bal soo fadhiiso. Najax: naa baddaa xx xxxx oo, xxx xx warrama?
Sahra: ii warrama kuteh, naa adigu warran, adigaa war lagaa sugayaaye.
Najax: miyaan la iska soo war doonaynba? Hoodo: oo huuno sownagii kugu xxx xxxxxxx. Sahra: miyaad nagaga horreynaysaa?
Sheeko aan meel gaadhsiisnayn ayaa sharaabkii badankiisii lagu dhammeeyey. Waa laga gudbay su’aalihii bilowga ahaa, waana la is fahmay. Labadoodu se ma oga qaraxa hadhay. Kabbasho weyn oo mushakal ah ayay is dhaafisay, horena way u soo fadhiisatay.
– I dhegeysta, codsi ayaan wataa.
Laba qosol ku maqnaa ayaa afka degdeg xxxxx xxxxxx.
– Xxxxx xxxxx xxxxx xxxxxxxxx, xxxxxxx ta ugu muhiimsan ayaa ah, taageeradiina ayaan u baahanahay.
Hoodo: taasi waa qasab walaale noo sheeg, xxxxx xxx xxxxxxx? Sahra: igu dhur.
– Go’aan xxxxx xxxxxxx. Guur ayaan iska dhaafay, wax-barasho ayaan u xadhko-xidhay.
Hoodo: xxxxxx xxxxx? Sahra: naa bal ku celi!
– Najaxna waan u sheegay, hooyana waan u sheegay. Jaamacad aan maalin dhoweyd si xxxxxx xx u dalbaday ayaa ii soo baxday.
Hoodo: oo Najaxna?
Sahra: naa bal naga aamus Hoodo – jaamacad xaggee ah?
– Kampala weeyaan. Dee Najax waan fasaxay, qof iga wanaagsan ayuu heli doonaa, ayay tidhi iyada oo Hoodo eegaysa.
Hoodo ayay indhuhu ka soo dhici gaadheen. Cagaha ayaa cuslaaday, cunaha ayaa xidhmay. ”Ma ninkii ay i seejisay, ayay imikana cidlo kaga dhaqaaqday” ayay is tidhi. Illin ayaa ku soo joogsatay, way ka foorarsatay.
Sahra: waad iska ciyaaraysaa, maalintii beenta adduunkana maahee, wax noo sheeg. Ma ninkii aad sidii u rabtay, xxxxx beenoodna aynu u sheegnay, ayaad imika ka dhaqaajinaysaa?
– Naa walaal Ilaah baan idinku dhaarshee ha igu adkaynina, waa sababta aan sidan ugu ekaadaye. Beentiina waanigii u sheegaye. Xxx og yahay in aanan guddoomiyena ahayne.
Najax way la socotaa aammusnaanta Hoodo, ma na rabto in ay gujiso. Laakiin Hoodo ma oga in ay Najax fahmayso iyada.
Hoodo: yacnii haaye imika waad kala dhaqaajiseen isagii? Sahra: haddaa ma Kampaluu u raaci lahaa?
Hoodo: bal na sug Sahra – naa Najax, imika ma saasaad ku kala dhaqaajiseen?
– Haa wallaahi, wuu i fasaxay isaguna.
Hoodo: oo miyaanu ka nixin, ma aayar uun buu ku fasaxay? Xxx adigu xxxxx xxx ka xumaadee, laakiin muxuu xxxxxx xxxxx? Hoodo: wallaahi Najaxeey ma naxaysid. Ma aayar uun baad sidaa kaga tegaysaa?
Sahra: naa waannu ku taageersannee ku soco.
Hoodo: oo Kampalana yaa kuu jooga? Goormaad se baxaysaa?
Sahra: naa Kampala Xasan baa joogee, taasi dhib ma lahee, laakiin goormaad baxaysaa?
– Wax badan ma joogayo, adigu maalmo gudahood. Hoodo: waad iska ciyaaraysaa!
– Wallaahi waa iga dhab, dee kooraskaa bilaabmaya maalin dhow. Laakiin dee Hoodooy adna i fasax, calooshaad iga yara haysataaye saaxiib.
Hoodo: naa waad og tahay in aan kugu taageersanahay waxaad samaysabee, laakiin arooskaa aad kala ridayso ayuun baan yara diiday. Imikana Ilaahay ha ku nabad geliyo. Waanu kuu iman bee.
Sahra: naa haaye, oo yaad ku hagaagaysaa?
– Xxx xxxxx, Xasankii xxx xxxxxxxxxxxx muxuu ahaa?
Sahra: oo Xasan ma taqaannid? Inanka jaamacadda ka dhigta meesha, waa yarka lagu hagaagaba. Iska daa isagaan la xidhiidhayaaye. Waa wax yaroo subaga dee weliba.
Hoodo: waan arkay Xasane, wax walba isagaa kuu dhammaynayee.
– Subaggiisa maxaa iga galay. Naa bal naagahan eega!
Sahra: dee sowdiga Najax ka xxxxx, xxxxxx uu isagu kuu beddelaa. Waa wax yaroo wada akhlaaqoo waxaan ku idhi, haddaad aragto waad isku dhex yaaciye.
– Naa hadduu i dejinayo tunkaan ku qaadibee, lambarkiisana ii qora dee oo isku kaaya xidha.
Sahra: oo imika waad naga tegaysaa, waanigaa hoogay!
– Naa walaal Hoodooy mid ii samee, aniga wuu ii cadhoonayaaye, Najax la hadaloo biliis koombiyuutarkaygii ayaan gurigiisa ku illoobee iiga soo qaad.
Way helaysay siyaabbo kale oo ay kombiyuutarkeeda uga soo qaadato isaga. Ujeeddo ayaa se jirta. Habeenkaa waxa ay ku seexatay qorshe, qorshe isaga iyo Hoodo isku keenaya. Qorsheyaasha waxa dejin jirtey Hoodo, maanta se Najax ayaa hoggaanka u haysa. Balse waxaas oo dhan mid ayaa ka horreysa – in ay dalka ka baxdo.
Subixii ayay hooyadeed gacanta qabatay. Tigidh wakhtigiisu dhow yahayna gacanta ayay ku soo dhigtay. Weli waa subax, haddana aad ayay u kulushahay. Weli way yar tahay, haddana qalbigaa jaban. Sida ay u tallaabsanayso, laabta ay soo godayso, waxaad mooddaa qof gabowday. Geerka xxxxx xx indhaha iyo laammida ay ku dul socoto ayaa madowga xx xxxxx. Hooyadeedna garabkeeda ayay socotaa, waxba se ma oga. ”Hooyo sowdigan xumaaday, miyaanad waxba xxxxx maalmahan?” oo ay weydiisay, waxay kaga jawaabtay ”waxba, hooyo”. Been xx xxxx oo la sheego xxxxx xxxxx. Wax xx xxxx oo la qariyo ayaan jirin. Socodkay dhimaysaa, debintay wadhaysaa. Sheekada hooyadeed iyadu way maqlaysaa, waxaa se iska cad in aanay dhegeysanayn. ”Hii” iyo ”Haa”, xxxxx ”maahee?” iyo ”wallee?” ayuu hadalkeedu noqday. Hadal la weydiiyo ayay ”haye” iska tidhaa. Jismigeeda ayuun baa halkan soo qotoma, isna wuu jilcay haatan. Qalbi xxxx maqan yahay ayaa laabta ugu jira. Markii ay timid gurigoodii ballaadhnaa, qolkii ay ku lahayd ayay is dhex taagtay. Dhinaceeda ayay xxxxx sii eegeysaa. Way dhoollacaddaysay iyadoo isla yaabban. Gidaarro aan wada muuqan xxxx xxxx xxx xxxxxxx. Iyadoo aan dhaqaaqin waa tan qiirootayba. Miyaan kaa tegayaa? Adigaa iigu dhowaa aqaloow dadka bee, ma yar aan shalay uun bartay baa iga kaa kaxaynaaya hadda? Xaal baad igu leedahay. Wax kastoo kugu weyn, wax xx xxxx baa jira. Hooyo oo igu weyn, aabbo oo la
mid ah, noloshan qabow ee haddeer aan ku jirey, dhammaantood wax xx xxxx ayaa maanta i saaray. Isagaa iga tuuray wixii aan sitay oo dhan. Magaaladii aan ku dhashay isagaa iga i leh ”dhaaf”. Dadkii aan la rafiiqay isagaa i leh ”goo”. Sahradii degganayd, yartii noo ahayd deyrka. Haddii aan fakanno, qoftii ”jooga” lahayd. Maskaxdii naga weyneyd. Inantii xxxxx Xxxxx.. ax, maxaan idhaa iyada. Inantaan ahayn laba aan kala maarmin. Midig haddii ay ahayd, bidixdeedaan ahaa. Wax kastoo ay jeceshay, xxxx waan la jeclaa. Intaa waan garanaayey, hadal waan ku hayey. Waxbaa se iiga dhinnaa: ficilku siduu noqon doono. Anigoo aan aqoon, nin ayaan iska jeclaaday. Sidii oo ay tahay dhagax, iyadaan u dirtay. Xxxxxx is barteen, anigaygan hortay. Qalbi aanay karayn ayaa dareen u bilaabay. Isagii aan rabayna, iyaduu iska jeclaaday. Doqonkaa hadda eega! Is muu odhan ”joogso, yar kalaa jirta oo qalbigaaga rabtee, Xxxxx xxxx ha u eegin”. Walaashay wacaneey, Hoododii noloshaay! Wixii aad ii samaysay waan kuu ogahay. Dharaartii aad hadlaysay xxxx waan ku maqlaayey. Weligey waan ogaa wanaaggaaga xabiibti. Balse maan filanayn qaddarkiisa dhammaan. Hadda se waan ogahay. Qof aad aad u jeclayd, isna aad kuu rabay, inaad iska dhaafto, aniga iiga tagto, waa wax aan la suuxay. Xxxxxx xx qososhay, adigoo murugaysan ii dhoollacaddaysay! Jidka aad ii wadhaysay, muxuu jabkaaga ahaa. Xxxxxxx is xxxxx, illintaada arkayn, xxxxxx Xxxxxxx ahaa. Xxxxx aad dhayayso, anigoon wax ogeyn, maxaan diirka ka qaaday. Boogahaa kugu yaal, macaaneey ku tuntay. Adkaysigaagu badnaa! Hoogayeey wacnidaa.
Allaa mahad leh anigoon guri yeelan daaqaddaa i xxxxxx. Isagaa
mahad leh anigoon kaa afduuban yarkii ku rabay, aan ogaaday runta. Iyadoo ka qadhaadh ayaan kolleyba ogaan lahaa. Nasiib baan
leeyahay. Wax aanan lahayn, in aan iska qaato anigaaban jeclayn. Wax aad leedahayna, hadalkeedaba daa. Danaystaan noqday. Way iga xxxx xx’ xxxxx, sideed iigu dhaaftay inankii ku rabay? Naftaydaad la jeclayd wanaag ay iska doontay. Adigaa is illoobay. Naftaadaad u dullaysay naf aan kuuba ogeyn. Farxaddeedaa kaa la weyneyd murugtaada oo dhan. Goormaad farxi lahayd? Ma maalintaan shan dhalo? Xxxxx aan oori noqdo, maxaad qaban lahayd? Inankii aad jeclayd markuu ”xabiibi” i yidhaa, sideed xxxxxxx xxxxxx? Ciqaabta inaa le’eg maxaad u marin naftaada?
Waxa farxad ii ah, in aan kaaga dambeeyey. Adigoon is ogeyn in aan ku ogaaday, dabadeed shax degay. Mid kalaa jirta oo, anigoo ooyaya dib ii arki maysid. Dareen qaadani maysid. Qorshayaahshaadii wacnaa kuwaygaa ka wanaagsan. Adigoon is ogeyn hadduu ku guursan waayo, Najax la ima idhaa. Tunka intuu kugu qaado, dhulku kuu diidiba waayo, hooyaday i ma dhalin. Anigoo soo illoobay, adigoo wax dhalay, xxxx Najax korinaaya hadday dhici weydo, anigaa doqon ah. Midna ha illoobin, inta aad ii gashay ayaa kun jeer ka badan, inta aan gudayo. Xxxxxx iga fiican, anigaa huba taas. Culays kasta oo i fuulaya, anigaa u diyaar ah. Walow uu ahaa ninkii xxxx ah ee aan jeclaado, haddana waan ka tegayaa. Adigaan kuu dhaafayaa. Qalbi qayb maqan tahay ayaan kaa la dhoofayaa. Garan maayo in uu weligii soo kaban doono. Meel aanan aqoon ayaan u socdaa. Dad aanan arag xxxxx xxxxx doonaa. Qol xxxxx xxxxx badhtankiisa tegaayaa. Diyaar ayaan se ahay. Waan dhaqaajiyey haatan.
Muddo aan yarayn ayay ”nabadeey” is lahaayeen. In intaa ka badan way isku soo dhegganaayeen. Wakhtigii markay gaadhay, saaxiibaddood way fasaxeen. Dhankii hubinta baasaboorrada ayay u
xxxxxxxxxx xxxxxx dadkeeda gadaal u soo eegaysa. Boqollaal qof oo mid xx xxxx u socdo ayay dhex qaadday. Sahra oo ordaysaa ka soo daba carartay. Xxx xxx xxxxxxx markiiba. ”Su’aal ayaan ku weydiinayaa Najaxeey”. Najax oo aan filayn ayaa soo joogsatay. ”Ilaah baan kugu dhaarshee, runta iigu jawaab”. Wax yar ayay aamustay, haddana way sii wadatay. ”Maalintii aad daaqadda taagnayd, miyaad na maqlaysay?”. Wejiga Najax ayay kor u eegtay. Dareen ayay ka weyday. Xxxx may libiqsan, iska daa wax kaloo. Jawaab ayay soo celisay. ”Mid ii ballan qaad Sahraay, Hoodo ii ilaali”. Deedna way ka dhaqaaqday. Sahra oo aan dhaqaaqin ayay Najax libidhay.
Galab weeye nabdoon, cirku waa madow baahsan. Mahiigaan la yaqaan ayaa Kampala ku hooray. Qorraxdoo nasataa ilayskeedii dhulka diiday. Diyaaraddoo qoyan baa dhulka soo kala jeexday. Najaxoo naxsan baa dhismihii soo gashay. Dhulku waa mid cusub, afku waa af qalaad, dadku waa si kale. way ka soo dhammaatay, waxay raadinaysaa yarkii loo soo tilmaamay. Indhahay ku dhex baadhay dadkii meesha soo taagnaa. Midig ayay ka bilowday iyadoo socota. Bidix ayay ku dhammaysay, markaasay hakatay. Midabkiisa ka soocan Afrikaanka kale ayaa soo jiitay markiiba. ”Alla waa isagii” ayay hoos u tidhi. Dhankiisay u dhaqaaqday. Mar kastoo ay u dhowaato wuu sii ifayaa. Sankan soo qoran ayay aad u sii eegtay. Wejigiisa furan ayay soo hor istaagtay. Isagaa kaga horreeyey. ”Najax sow ma tihid?”. Inta ay indhaha uga jawaabtay ayay codna u raacisay ”Xasan sow maaha?”. Waa la is gartay. ”Barasho wanaagsan” ayuu ku yidhi. ”Mid qalbiga dhayda” ayay hoos u tidhi, korna waxay ugu qaadday ”mid aad u wanaagsan, walaal”. ”Bun ma rabtaa?” ayuu weydiiyey. ”Waxaad doonto i sii” ayay hoos u tidhi, korna waxay ugu qaadday
”shaah baan cabbi doonaa”. Way sii wada jeesteen. Hadal aan la maqlayn ayay sii rifayaan. Ciil baa kambadhuudha, gadaasheeda Najax. Waxa ay ku sii jeeddaa nolol aanay ogeyn, halka ay ku dambayn.
Saacad badhkeed oo kale ayay haddana u soo socdeen dhankii madaxtooyada. Lugta midig ayay iska soo horreysiisay iyada oo cidhibta dheer ku kala kaxaynaysa jayda dhulka cabbaysan. Diraceeda oo aan wax badan qarinayn, marka laga tago caleemo cagaar-dahabi ah oo si farshaxanaynsan oo gudban u qarinaya laabteeda, dhexdeeda illaa jilbaha inta u dhaxaysa mooyaane.
Labadeeda gacmood ayay xagga hore xxxxx xxxxxxx iyaga oo ku kulmaya shandadda aadka u yar ee caatada ah. Garbasaarta ku xidhan timadeeda inta kuusan ee dambe, baallahana u raacda garbaheeda ayaa xxxx xxx daadegta gacmaha dhererka la jalaqsan.
Afar kaabadood ayay midba mar kabta saartay. Albaab jooggeeda laba jeer kor uga xxxxx ayay dhismaha ka gashay. Midig ayay u leexatay markiiba iyada oo raacaysa ishaarooyinka ay bixinayaan shaqaalaha asnaamta aad mooddo ee madowga ku lebbisan. Tallaabada ayaa soo dhoweyneysa dhawaaqa ay dhankiisa u socota. Muusig qalaad oo la naaqusay ayaa ku badhxan codka ay dadku sida shinnida ugu guuxayaan. Qosol talantaalli ah ayaa labadii ilbidhiqsiba yeedhaya. Koox-koox ayaa loo taagan yahay, qaarna u fadhiyaan. Meel ay ku hagaagto iyada oo aan garanayn ayay soo istaagtay afaafka hoolka ee ubaxyadu ku wareegsan yihiin. Intii aanay waxba fahmin ayay maqashay dhawaaq ka soo yeedhaya dhanka hore ee hoolka. Waa Hoodo iyo Sahra oo si farxad leh magaceeda ugu heesaya. Waa qayb
qorshaha ka mid ah. ”Najax ayaa timid, Najaaaax!! Wuuuuu”. Magicii yeedhay ee u eekaa kii inanka madaxweynaha ayaa dadkii soo jeediyey. Laba boqol oo indhood oo jidhkooda wata ayaa mar xxxx ah soo eegay dhankeeda. Naxdin ayay bawdyaha isla dhacday. Guuxii ayaa mar xxxx ah joogsaday. Waxay ogaatay in uu habeenkeedii yahay. Alle waa baray sida fursadaha looga faa’iideysto. Labada gacmood ee boorsada yar ku dheggan ayay ta bidix kor u soo qaadday si ay sacabkeeda oo ballaadhan timaha u xxx xxxxxx, iyada oo dhafoorka bidix ka bilaabaysa kuna joojinaysa dhegta iyo qadaadka inta u dhaxaysa. Isla gacantii ayay dhaadhicisay iyada oo faryarta ku soo qabsanaysa diraca qaybtiisa ku xxxxxx jilibkeeda bidix, korna u soo dallacaysa in aan badnayn. Tallaabbo Alle baray sida loo qaado ayay ku hoggaamisay jidhkeedan carbisan. Dad hoos u leh ”qoftan yari maxay ahayd?” ayay xxxxx xxxx dhaaftaa illaa ay ku dambaysay Sahra iyo Hoodo oo dhoollacaddayn aan jirin illaa gowsaha ku muujinaya. Sidii carabta ayaa xxxxx dhaban la isu dhiibay. Afar hablood oo ag taagnaa, oo ay ”Cambaro Xxxxx” ka mid tahayna, xisaabta ayay ku saxday. Kuusow oo jidh ahaan la jooga afar asxaabtiisa ah oo xxxx xxxxx yihiin, ayaa indhihiisa iyo qalbigiisuba xaggan u soo maqan yihiin. Inta uu isha ku soo xadayo, xxxxx xxxxx uruursanaysaa hambalyooyin ay dadkii maqlay shaqadeedu dusha uga tuurayaan. ”Xxxxx fiican ayaad qabatay walaal”, ”dumarka ayaad hormood u tahay Xxxxxxxx”, ”geeska Afrika ayaad u horraysaa” iyo in u dhiganta oo aanay garanayn sababta ay u mutaysatay ayaa lagu rusheeyey. Intii taasi socotay ayay Hoodo isha kala hadashay ”Cambaro Xxxxx”. Iyaduna isaga ayay si dahsoon ugu dhawaaqday. Najax oo goorahaaba garan la’aa si uu ugu yimaaddo ayaa soo dhaqaaqay isaga oo iska dhigaya qof aan waxba xxxxx.
Xxxxxxx Xxxxx: Najaxoow walaal maanta waxa aan ku barayaa inantan aad isku magaca tihiin.
Isaga: mansha Allah, ma Najax ayaa lagu yidhaa walaal?
Najax oo hoosta ka shanqadhaysa gariir dartii ayaa is adkaysay, u na celisay ”walaal haa, barasho wanaagsan”. Gacan kun nooc oo kiriim ah lagu duugay ayay si dabacsan u soo fidisay. Degdeg ayuu uga qaaday. Way og tahay in aanay urtaasi ka ba’xxx illaa berri.
”Cambaro Xxxxx” oo aan haatan waxba looga baahnayn ayaa damacday in ay xaaladda hoosteeda ku soo celiso. ”Inanta miyaad garanaysaa? Waa inantii toddobaadkii hore ku guulaysatay shaqadii ay dhallinta Afrika oo xxxxxx u tartamayeen”. Isaga oo aan indhaha iyada ka qaadin, shaqadana aan fahmin ayaa soo celiyey ”wallaa! Shaqaduna?” ”Xxx xxxxx noqotay guddoomiyaha COA xx xxxxxx Afrika”. Haddii uu dherigiisu bilaa milix ahaa, imika ayaa cusbo loogu daray. Markii uu maqlay magaca ”COA” ayuu indhaha kor u taagay. Si toos ah xxxx xxxxx ugu yidhi ”waaw, marwada hambalyo ayaan leeyahay marka hore.” Hoodo iyo Sahra oo sidii ay xxxxxx wax ugu socdaan ayaa ”Cambaro Xxxxx” cidhifka jiiday si ay u keliyoobaan labada isku magaca ahi.
Meel ka durugsan ayay sharaab u doonteen iyaga oo ka fogaaday goob ay ka maqli karaan hadalkooda. Shaqada Hoodo iyo Sahra ayaa haatan ah in ay dadka ka ilaaliyaan si ay u kala bogtaan. Saaxiibaddood Najax oo aanay uga baqayn in markabka loo soo xidhay ay alaabteeda kala degto ayaa isku kala bixisay Kuusow. Wixii u eekaa bariido iyo isbarasho ayaa u gudbay hadallo dhankiisa ka imanaya iyo dhoolla-caddayn ay inani siin karto nin ay rabto oo
dhankeeda ka imanaya. Walow uu la joogo ninkii ay jeclayd ee madaxweynuhu dhalay, haddana mar xxxx ah jooggeeda waxba ka may beddelin. Kalsooni ayay dhabarka la dhiibinaysay iyada oo eegmada ay indhihiisa u diraysana u qiyaasaysa. Xaaladda ayay maammulkeeda la wareegtay, iyada oo aammusni, qosol ay marka ay iyadu doonto u qadhiidhayso, marka uu doonana ka qarinaysa, iyo ereyo kooban ku hagaysa haasaawaha. Bilaa awood ayay ka dhigtay. Wax la sito ayay ka dhigtay. Fig ayay kala baxday. Dad waxa uu yidhaahdaba ”nacam” odhan jirey ayay ka mid noqon weyday. Iyada oo aan isagana didinayn ayay haddana marka ay doonto ku adkaysaa. Markii u horreysay ayay dareensiisay in laga awood badnaan karo.
Sahra ayaa u sheekaynaysa kooxda, Xxxxx ayaa sheedda ka soo dhowraysa iyada oo xxxxx candhuuf culus liqaysa. In badan ayay eegtaa, haddana way ka jeedsataa si aan looga shakiyin. Mar kasta oo ay labadoodu isa sii xxxxxxx, Hoodo laabta ayaa sii cuslaanaysa. Walow ay si niyad ah xxxxx xxxxxxx, xxxxxxx xxxxxxxx ay saaxiibaddeed u dareemayso, wax kale ayaa weheliya. Ishii aragtay in ay lambarrada kala qorteen ayaa degdeg u qoyday, dhibic illin ahna soo tuurtay. Qof ay rabtay xxxx xxxxxxxx caawa.
Labada Najax ruuxdooda ayaa ku midowday dhul ciiro ku fadhido, hareerahooduna qarsoon yihiin. Labadooda oo xxxx ah ayaa isu muuqda, isu qoslaya. Bartooda ka may dhaqaaqin, hawada sare haddii aad eegtana, kuwa gacmaha is haysta ee isla duulayaa waa iyaga. Fure ay la wareegi jirtay ayay heshay qufulkiisii. Daruur farxad ah ayaa keligeed u da’aysa, isna sida jeegaanta ayuu dusheeda hadheeyey. Cagaagni ayay doog dharab ku fadhiyo ku botorinaysaa. Xaalad ay si kedis ah u gashay ayay rabtaa in aanay ka bixin. Hadalka
ayaan u baahnayn in la qasbo. Ereyada laxanku saaran yahay xxxx xxxxx mar soo qubayaa. Debnaha ay sida xakamaysan u kala jiidayso ayay shidaal uga dhigaysaa haasaawe aan farogelin kale u baahnayn. Mawduucyada ay ka hadlayaan ayaa ka kooban wax kasta. Dhan kasta oo ay isu la kacaan – haddii ay ku midaysan yihiin iyo haddii kaleba – isku-soo-dhowaansho xxxx xxxxxxx. Weli hadal ay sidan u dhadhansato hore u may xxx xxxxx. Sidaas oo ay tahay, waxay iska jiraysaa in ay u eekaato kumannaanka hablood ee isaga daba orda. Waxay hoos u leedahay ”nasiib ayaad leedahay haddaad i hesho”. Isaga ayaa u eeg qof maqlay codkeedaa xxxxx, oo rumaystay. Gabadh isaga hadal ku gujinaysa, mid aan isaga wax walba ku raacsanayn oo cod xxxx xx leh iyo in ay wax xxxxxx xx qarsoon yihiin ayuu ogaaday. Inta uu xx xxxxxx caawa, ayaa ah darkii koowaad ee ceel uu waadaanta kula noqon doono.
Habeenkii markii ay hoyatay ayay jiifka ku baandhaysan. Dareenno badan oo markii ay isaga la joogtay daah ka saarnaa ayaa imika soo xaadiray. Dhanka midig ayay u jiiftaa, jilbahana laabta ayay ku haysaa marka ay indho qoslaya hawada bannaan ku illowday. Afkeeda ayaa dhoollacaddayn ku turjumaya xusuusta ay maskaxdeedu hadba baal rogeyso. Hadalladiisii ayay dib ugu noqotay, maya, dhaqdhaqaaqiisii. Indhihiisii in ay hurdaan u eekaa ayay midba mar eegaysaa. Libiqsigii caajisku ku jirey ayaa dareenkeeda xadaya. Debintii xxxxx xx uu xxxxx muudsanayey ayay la jidhidhicootay. Marka ay hadal damacdo, sidii uu u aamusayey ayaa garaaca wadneheeda kordhisay. Marka ay soo xasuusato xxxxx xx xxxxxxx ugu adkaynaysay ayay qosol la jeedsataa. Dhankeeda marka uu u soo jeesto, sidii loo saaqayey ayaa haddana loogu duulayaa. Jidhkeeda ayaa xubinba gaarkeeda loo la
hadlay, isaguna u qanciyey. Lambarkiisii ayay hoos u eegtay, waa sax. Qiyaastii in uu berri la soo xidhiidho ayay rajaynaysaa. Si kasta ha u dhacdee, iyaduna ma rabto in ay kaga horreyso. Sida ay noqoto, loo joogi doonee.
Dhanka xxxx xx magaalada, gabadh dhiggeeda ah oo Hoodo loogu yeedho ayaa sidaas si la mid ah u fikiraysa. Balse hal mid ayay ku kala duwan yihiin: afka Hoodo wuu xidhan yahay, indhaheeduna way qoyan yihiin. Calool-xanuun ay kala timid xafladdii ayaa hadda ku fiday. Dareen aanay xxxxx in la ogaado ayay la galgalanaysaa. Culays aanay ka xxxxx xxxxx ayaa ku raran. Wax aanay cidna la wadaagi xxxxx ayaa cidlo xx xxxxx. Habeenka oo ku dheeraaday, barkimada oo aan lahayn meel fayow iyo qalbi qayb maqan tahay ayay hurdo qadhiidh ah aakhirkii kabbatay.
Guri saddexaad oo magaalada badhtankeeda ah, Sahra ayaa xisaabbo la kadeedan. Waxa ay ahayd qofka xxxx ah ee aan dareenkeedu hagayn caawa. Qorshaha ayay Hoodo la wadday intii hore, markii Hoodo la daaray ayay xxxx xx noqotay hablihii ay sheekada beenta ah kaga jeedinaysay Najax. Indhaheeda oo ahaa kuwo aad u shaqaynayey ayay ku la socotay haasaawaha labada Najax, intii aanay dhanka Hoodo soo eegin kahor. Candhuufta ayaa isku taagtay markii ay indhaheedu qabteen Hoodo oo xxxxxx xxxx u bi’inaysa. In ay farxad la ilmaynayso ayay iska hubisay, in aanay sidaas ayay ka garatay illinta dhaadheer ee ay qari is leedahay. Waxba way fahmi weyday. In ay sheekada Najax iyo dareenka Hoodo xidhiidh leeyihiin way garatay. Hawsha ay waddo awgeed, ayay waxba weydiin xxxx weyday. Waxay go’aansatay in ay iska dhigto qof aan u jeedin. Xisaabtaa xidhitaankeeda ayay hadda sariirta dusheeda ku laaqaysaa. Hal ay hal
u geysay ayaa kow iyo toban ku noqonaya. Waagu inta uu dillaacayo ayay raagsatay.
Saddex dareen oo xxxx xxxx ah, ayay habeenka ku sagootiyeen, qorraxduna ugu soo baxday.
Waaga oo ka qurux badan kuwii soo maray ayaa u hor baryey Najax. Iyada oo baalal leh ayay ka duushay jiifka. Hoodo weli qorraxdu dhankeeda ka ma soo bixin. Weji uu rinjigii xalay iyo qoyaankii kun midab u sameeyeen, timo geed maraa ah u eeg iyo cago mayd ah ayay la jiiftaa bartii xalay. Sahra oo qorraxda ka hor toostay ayaa dhanka Hoodo u soo xadhko-xidhatay. Dhexda ayay laba nafar oo kelyo ah ka sii qaadday. Si dhuummasho ah ayay qolka u soo gashay. Hoodo oo maqlaysa shanqadha ayaa ka wahsanaysa in ay kor u eegto qofka xxx xxxxx. Maryo sariirta dhinaceeda wadhnaa ayay sidaa isa ga riixday intii aanay xxxxx si taxaddir leh u saarin furaashka. Hoodo oo isha bidix furtay ayaa aragtay qofka dul fadhiya, xxxxxxxxx xxxxxx.
– Kelyahaad jeclayd ayaan kuu keenay.
Maalmaha qaar, sariirta ayay ka boodi lahayd farxad darteed. Baadka xxxx xitaa muu dhaqaaqin. Sahra ayaa ka dhigatay in loo jawaabay oo sii wadatay hadalkeeda qabow.
– Basbaasna waan kuugu xxx xxxxx weliba, miyaanad urinayn?
Indhaha Hoodo ee xidhan ayaa midna hoos barkimada illin ugu mudday, midna sanka korkiisa dul cararsiisay. Sahra ayaa gacanteeda saartay garabka Xxxxx, iyada oo aan hadal ayay u sii xxxxxx dhanka wejigeeda iyada oo suulka si deggan ugu masaxaysa raadka qoyan ee ay illintu reebtay. Aamusni ayay timha ugu salaaxday saddex jeer.
Hoodo ayaa labadeeda sacab degdeg ugu qallajisay dhabannadeeda, korna u fadhiisatay mar xxxx ah.
– Liin-dhanaan maad soo raacisay?
– Waa tan, jeexaa dhan ayaa kuugu jira. Ma roodhida ayaad rabtaa mise laxooxda.
Intay cunaha sifaysay ayay raacisay ”roodhida”.
– Kee baad ka soo qaadday?
– Kii dhowaa. Ma macaana miyaa?
– Waxaasi ma shaah baa?
– Mayee waa bun, kii aad jeclayd.
Arrintii xalay, midhaheedu waa qaydhiin, in la goosto la ma rabo. Sheeko hudheellada magaalada iyo sida ay u kala quraac macaan yihiin ah, ayaa la galay. Bunka iyo noocyadiisa ayaa la qaadaa-dhigay. Codka xxxx si fiican uga soo baxay Xxxxx, calooshana waa loo tiiriyey. Intaa kaddibna Sahra ayaa dhar u soo saartay. Bannaanka in ay u saarto, qolkan ilmaynayana ay ka kaxayso ayay rabtaa. Sidaa ayay yeeshay. Iyada oo jiidaysa ayay baabuurka saartay. Magaalada ayay dhinac uga saartay, baabuurka ayay ka dejisay, dhagax weyn oo ay ku fadhiisan jireen saddexdoodu, ayay xxxx xxx saareen.
Wejiga Hoodo waxa si fudud ugu ciyaaraysa shalmadda ay laydhu ku dhirbaaxayso. Indhaha ayaa iyaguna ka gabbanaya indhaha Sahra. Way fahamtay waxa soo socda, inta aan su’aasha la weydiin ayay jawaabta sii bilowday.
– Sow ma garanaysid maalmihii dhoweyd ee aan idin ka maqnaa? Xafladdii aannu tagnay habeennimadii, maalintii ay Xxxxx xxx xxxxxx, ayuu inankani yimid. Wax badan muu joogin, laakiin bahashii ayaa is kaaya bartay. Anigu markaa qorshihii aynu dejinnay ayaan fulintiisa u socday, oo Ilaahay igu og yahay. Inankii waannu is barannay. Ma garanayo wax igu dhacaye, malaha waa hadalkiisa, waan isku dardarsamay uun. In yar ayuu xxx hadlay, wuxuun baan is arkay anigoo daldalmaya. Miiskayaga ayuu soo fadhiistay, hortayda weliba. Waannu iska soo hor jeednay. Waana qof aad is baranaysaan imika oo sheekada waad ka guraysaa.
Way aamustay, xxxxxx ayay xxxx u eegtay. Naqas culus ayay cantuugtay, intii in ka badanna way soo tuftay. Way sii wadatay.
– Waan is xxxx xxxxx waayey. Waan ka jeedsan xxxx waayey. Si kasta oo aan isu qabto, si kasta oo aan isu xakameeyo, si kasta oo aan Najax u soo xasuusto, wax xx xxxx ayaa i watey. Muddo ayuu na la joogay, markii dambena wuu naga tegay.
– Ma intaas uun baa?
– Maalintii xxxxx xxxx xxxxxxx xxx xxxxxx. Anigu waxaan u haystaa in aan keligey sidan dareemayo, show isagana waa la sitaa. Af- dheeridayda xxxx hadalkaygii ayaa saameeyey malaha. Inankii markii uu soo noqday, dhankii aan joogay waa kan u soo cararay. Waa saddex cisho kahor uun. Maalintaas ayaan dareemay in isagana la sito. Waan u qaadan waayey. Dee qof la hadlaysa qof ay xiisaynayso xxxxx xxxxx, si caadi ah ayaannu habeenkaana u sheekeysanaynay. Habeenkii sidii markii aan ku kala tagnay ayuu maalintii dambe i soo
wacay, waa dorraad. Kuye ”xalay oo dhan waan kaa fikiraayey oo maan seexan”.
– Xxxxxx?
– Xxxxxxx xxxxx.
– Waynagaa ba’nay! Haye?
– Xxxx xxxx u soo gaabiyey hadalkoo, wuxuun baan ku idhi ”huuno ha iga fikirin, waan doonanahee”. Dee miyaanu in yar kaddib xxxxx xxxxxx.
– Haye?
– Xxxxx xxxxxxx is aragnay markaa, salaanta ii muu dhaafin oo waa adigii arkayey. Markaa waa sidaas.
– Show bilaash u maad ooyeyn xalay!
– Xxxxx xxxxxx?
– Xxx xxxxxxxx. Ma inaanan ku arkayn ayaad moodeysay?
– Adna indho dheeridaa horto. Xxxxxxxx ma rabo in aan Najax farxaddeeda lumiyo, ee xxxx xxxxxx farxaddayda u soo ceshadaa haddaba?
– Miyaad rabtaa in aad u sheegto?
– Mooyi, ma garanayo wallaahi.
– Bal xxxx xxxx aan u tagnee.
Telefoonka oo ay caadi ahaan ku illoobi jirtay meel ay xasuusan xxxx xxxxx, maanta gacanta ayay ku haysaa. Marka ay ku dhididdo, gacanta midig ayay u dhiibaysaa. Musqusha way u qaadanaysaa, way la soo baxaysaa. Yeedhmadiisa ayay raajicinaysaa. Xxxxx xxxx ayay u eegaysaa. Xxxxx jeer ayay gujinaysaa – wuu shidan yahay. Daqiiqaddii dhaaftaaba wadno-gariir ayay ku reebaysaa. Feedhaha hoostooda iyo xuddunta korkeeda, maqaarka meel hoos looga dhaadhaco, ayaa dhaqdhaqaaqaysa. Caloosha dhan ayaa gariiraysa. Sambabbada ayaa shaqada kordhinaya. Wax aanay weligeed dareemin, balse macaan ayaan dhex mushaaxaysaa. Hawada ayaa si xxxx xx dhadhamaysa, indhaha ayaa wax kasta u qurxinaya. Lugaha ayaa si dahsoon u dubaaxinaya. Meel in ay taagnaadaan ma rabaan, dhan ay u socdaanna ma garanayaan. Qolkeeda iyo daaradda inta u dhaxaysa ayay soddon jeer ku noqnoqotay, illaa awood kale ay iyada joojisay. Gacanta ayaa la gariirtay baaqa ka yeedhay teleefanka ay ku dheggan tahay. Hoos ayay u eegtay, magiciisa oo ay dhowr wadne raacaan ayaa muraayadda ku xardhan. Naqas qosol u badnaa ayaa debnaheeda soo dhaafay. Wadnaha ayaa amray in ay ka jawaabto, maskaxda ayaa tidhi ”afar jeer ha dhaco”. Saddex ilbidhiqsi ayay adkaysatay. ”Helow” ayay cod bilaa xanaf ah ugu heestay. Dhankiisa ayay ”Xxxxx xx warran?” gariiraysaa ka soo yeedhay. ”Nabad walaal Najaxe ii warran?” ayay u celisay.
– Malaha wakhti xun ayaan ku soo wacay.
– Waa iska caadi walaal, hawl yar xxxxx xxxxx laakiin waan hadli karaa.
– Daalkii xalay xx xxxxxx?
– Daalkii la maan soo toosinba, saaka lixdiiba waan soo jeeday.
– Al, wallaahi qof adag ayaad tahay haddaa.
– Helow!
– Haa maad i maqlaysaa walaal?
– Wuu kaa yara googo’ayaa, haa, imikaan ku maqlayaa walaal. Xxxxxx tidhi?
– Qof adag ayaad tahay ayaan idhi.
– Iga daa Najaxoow waxna ma adkiye.
– Hee?
– Waxna ma adki, inkastoon yara adagahay malaha.
Qosol kaddib ayuu weydiiyey ”caawa maxaad qabanaysaa?”
– Caawa waan seexanayaa dee walaal.
– Maya intaanad seexan ka hor, xxxx xxxxxxxxx isagoo qoslaya.
– Caawa waxa laga yaabaa inaan raaco hablo.
– Xx Xxxxx iyo inanta kale?
– Haa, Hoodo iyo Sahra. Laakiin magaceeda yaa ku baray?
– Waan maqlay uun wallaahi. Xalay ayaan maqlayey. Waa saaxiibaddaa maaha?
– Waa walaashay oo kale, haa.
– Xxx xxxxx maad u jari?
– Waayo walaal?
– Anigaad i raaci lahayd?
– Xaggee?
– Xag aanan kuu sheegayn.
– Goorma?
– Fiidka.
– Fiidka? Bal walaal aan eego in aan iyaga ka xxx xxxxx karo.
– Waad i soo wici, sow maaha?
– Xxx, anaa kuu soo sheegi siday u dhacdo walaal.
– Waa war dhan, haye.
– Haye walaal.
Baay.
Badhanka xxxxxx laga jaro ayay ugu yaraan shan jeer ku celcelisay si ay farxaddeeda keligeed u maqasho. Kor iyo hoos ayay u boodday. Diraca oo ay ku kufi gaadhay ayay labada kelyood gashatay. Bood- boodkii ayay sariirta la fuushay. Iyada oo hawada ku maqan ayaa albaabkeeda la soo riixay. Laba madax oo ay taqaanno ayaa soo eegaya.
Hoodo: naa bisinkee inanta maa la dardaray? Sahra: waanigan arkaya, naa maad taajirtay? Dhulka ayay u soo boodday, dhankooda ayay u soo carartay, Hoodo oo dhanka soke taagan ayay isku duubtay. ”Hoodoy wax aan kuugu
abaal gudo wallaahi ma garanayo, waad xxx dedaashay, xxxx xxxxxx kuu xxxxxx qaadayaa in aan maalin uun kuu gudo intii aad ii gashay”. Hoodo way qallashay. Labadeeda gacmood ayaa naxdin la laallaada. Ta bidix ayay kor u soo qaaday si ay dhabarkeeda dhowr jeer u mariso. Sahra oo wejiga Hoodo ku xxx xxxxxx ayaa aragtay illinta dhabankeeda yaacaysa. Iyaduna way ku dartay. Waa Najax oo faraxsan, asxaabteeda oo farxadda dhabarkeeda ka ilmaynaya iyo iyada oo mooggan. Hoodo oo codka toosinaysa ayaa soo qasabtay ”naa waxaa saaxiibtinimadaa xx xxxxx iga fuq bal”.
Sariirta ayay si wareeg ah u fadhiisteen saddexdooduba, sidii beryaha
qaar.
Sahra: haye, warran! Hoodo: bal wax noo sheeg!
Najax: dee imikuu i xxx xxxxx, ”caawa meel ayaan ku geynayaa” ayuu yidhi.
Sahra: xxxx, xxxxxx?
Najax: ii muu sheegin, laakiin caawa firaaqo in aan ahay ayuu i weydiiyey.
Sahra: haye?
Najax: ”aan kugu soo jawaab celiyo” ayaan ku idhi. Sahra: oo waayo?
Najax: dee waan isu yara xariifinayey.
Hoodo: naa is xariifin lahaane walaal inanka la hadal, dirqi baannu ku soo qabannee!
Najax: dee waan ku celinayaa, imikaan wici.
Najax ayaa indhaha Hoodo isha la sii raacday. Sahra ayaa ka soo jeedisay.
Sahra: oo naa ma garanaysidba miyaa meesha uu ku geynayo? Najax: may, ii muu sheegine, idinku xaaladdiinna ka warrama?
Xxxxx: annagu waxba ma xxxxx xxx, adigaannu kaa soo war doonnay. Najax ayaa u jeedsatay dhanka Hoodo.
– Naa hoodo maanta maxaa kaa si’ ah?
Hoodo ayaa sii jeedsatay, cagaha dhulka dhigtay, korna u joogsatay.
– I sug suuligaan gelayaaye aan soo noqdee.
Markii ay baxday ayay Sahra weydiisay ”naa maxaa helay maanta Hoodo?”
– Walaal mooyi, maanta dhan sidaasay ahayd. Waxba way ii sheegi weyday xitaa.
– Oo walaal maad inanta caadi u waraysatid? Xxxxxxxx Xxxxxxx ma naxayside xx xxxxxx?
– Xxx xxxx xxxxxxxxx waxba ii may sheegin, ”waan fiicanahay” xxxx xxx xxxxx.
– Sow tan la arkayo in aanay xxxxx xxxxx.
– …
– Hoogi waayey, xxxx halkanaan farxad boodboodayaa iyadana maan weydiinba xaaladdeeda.
Hoodo markii ay baxdayba naqas ay laabta ku haysay ayay soo fasaxday. Musqusha ayay baroor la dhex istaagtay. Beerka ayaa sabbeeyey. Culays laabta u fadhiyey ayay isa soo dhaafisay. Illin badan oo haaro u yeeshay illaa xalayna way soo farsamaysay. Iyaga oo hadalkii wada ayay calool-xanuun xidhan dharkii firfircoonida la soo gashay.
Najax: naa Hoodo walaal maxaa kaa qaldan maanta Ilaah baan kugu dhaariyee?
Hoodo: naa walaal hargab xun ayaa i soo haya dee, sanka iyo indhuhuba way i hoorayaan.
Najax: dee sidaa i dheh..
Hoodo: naa waxaa ka baxoo wax ma kuu sheegaa. inanka la hadal, waxba koodh ha iska dhigine ”waan ku raacayaa” dheh. Ma garatay? Imikana is diyaari oo wixii aad xidhan lahayd xxx xxxx, meeye duruucdaadii horto? Kii xidho, kii akhtarka ahaa. Madhab iska dhig oo inanka raag. Kabihii afka dhuubnaana xidho. Xxxxxx xxxxxx dhan soo sheekee dee, adigaaba haysta nin aad u sheekaysee. Naa Sahra miyaanay ahayn?
Sahra oo si xxxxx u qiiraysan ayaa ku naxday su’aasha. ”Xxx xxxxx waa sidaa” ayay dirqi ku soo saartay.