11Hor umarinta Biyaha Qodobbada Tusaalaha

11Hor umarinta Biyaha ama mashaariicda horumarinta kheyraadka biyaha, erey- bixintani waxa ay koobeysaa moosaska, kelliyada, biyo-qabatinnada gacmeed iyo biyo-qabatinnada dabiiciga ah, balliyada iyo berkedaha; baro-biyoodka sida ceel- gacmeedyada, ceelasha biriqooddeyga, baraha matoorradu biyaha ka soo saaraan, tuubbooyinka biyaha qaada, dhismayaasha ku yaal biyo-mareennada oo lagu horo ama lagu leexiyo biyaha, dhismayaasha waaweyn ee biyaha lagu keydiyo ama lagu sifeeyo, dhisme kasta oo loogu talagaley keydinta, gudbinta, leexinta, ilaalinta, ama soo saaridda biyaha, keydiye kasta oo lagu shubo maddo wasakheeye ah, dhismeyaasha ka hortagga suulidda iyo wasakheynta kheyraadka biyaha, isticmaalka biyaha ujeedkiisa waxa uu doono ha ahaadee iyo dhowrista dhismekasta oo biyood. Dhisrnayaasha biyuhu waxa ay u qaybsarnaan labo: agabka biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo agabka biyaha duleed QAYBTA 2-aad MABAADI'DA IYO UJEEDDOOYINKA Qodobka 4-aad Mabaadi'da Guud,Mabaadi'da Guud ee Xeerka Biyuhu waa: